Back to Languages

    Somali - Chapter 83

    Translation by Abdullah Hasan Jacob

    Verse 1

    Hoog waxaa leh kuwa dhima miisaanka

    Verse 2

    Kuwa, marka ay wax beegaan (xaqooda ah) u oofsada si dhan oo kaamil ah

    Verse 3

    Markase ay u beegaan dadka kale ama miisaamaan dhima oo nuqsaamiya

    Verse 4

    Mawaysan kuwaasu yaqiinsaneyn in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo)

    Verse 5

    Maalin aad u weyn

    Verse 6

    Maalinta dadka la hor keeni Rabbiga uunanka

    Verse 7

    Mayee! hubaal, diiwaanka dambiilayaasha wuxuu yaal Sijjiin

    Verse 8

    Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiinku yahay

    Verse 9

    Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaab qoran

    Verse 10

    Hoog, Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

    Verse 11

    Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta

    Verse 12

    Oo cidi ma beeniso aan aheyn xad-gudbe kastoo dambiile ah

    Verse 13

    Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore

    Verse 14

    Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood

    Verse 15

    Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi doonaa Rabbigood

    Verse 16

    Oo hubaal waxay gali oo ku guban dab olol badan

    Verse 17

    Markaas waxaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen

    Verse 18

    Mayee, hubaal, diiwaanka baarriyiintu wuxuu ku (xafidan yahay) Cilliyyuun

    Verse 19

    Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyuunku yahay

    Verse 20

    Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaaab qoran

    Verse 21

    Ay arkaan kuwaa loo soo dhoweeyo (Allaah)

    Verse 22

    Hubaal baarriyiinta waxay dhex ahaan barwaaqo gudaheed

    Verse 23

    Sariiro boqoreed korkood, iyagoo ka eegaya (wax waliba)

    Verse 24

    Waxaad ka garan doontaa wejiyadooda dhalaalka barwaaqada

    Verse 25

    Waxaa la siin si ay u cabbaan khamri (saafi ah) ee la abburay

    Verse 26

    Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu

    Verse 27

    Oo dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah

    Verse 28

    Il ay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah) ka cabbaan

    Verse 29

    Hubaal kuwa dambiilayaasha ah waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeysan

    Verse 30

    Oo haddii ay soo ag maraan waa isu il-jabin jireen

    Verse 31

    Oo marka ay u laabtaan ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya

    Verse 32

    Oo marka ay arkaan, waxay odhan jireen: hubaal! Kuwakanu waa lunsan yihiin

    Verse 33

    Oo looma dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda

    Verse 34

    Marka maanta kuwa (Xaqa) rumeysan waxay ku qosli gaalada

    Verse 35

    Sariiro boqoreed (sare) korkood, iyagoo ka eegaya

    Verse 36

    Hubaal gaalada waxaa lagu abaal mariyaa wax u dhigma waxa ay (xume) faleen

    Unexpected Application Error!

    Unexpected token '<', "<!DOCTYPE "... is not valid JSON

    SyntaxError: Unexpected token '<', "<!DOCTYPE "... is not valid JSON