Back to Languages
Somali - Chapter 84
Translation by Abdullah Hasan Jacob
Verse 1
Markay samadu u jeexanto gaballo
Verse 2
Oo adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo
Verse 3
Oo marka arlada la fidiyo
Verse 4
Oo u soo tuurto debedda waxa ku jira gudaheeda oo ka marnaato
Verse 5
Oo ay adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo
Verse 6
Qofyahow! Hubaal Waa inaad shaqeyso (si aad u tiigsato) xagga Rabbigaa shaqo adag, jeer aad la kulanto Isaga
Verse 7
Ma kan isagu lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig
Verse 8
Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud
Verse 9
Oo wuxuu u laaban ehelkiisa isagoo faraxsan
Verse 10
Ma kan se isaga laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa
Verse 11
Wuxuu u yeedhan doonaa hoog
Verse 12
Oo geli doonaa naar hureysa
Verse 13
Hubaal wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda kibirsan
Verse 14
Hubaal wuxuu mooday inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga)
Verse 15
Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday
Verse 16
Mayee se, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac
Verse 17
Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo
Verse 18
Iyo dayaxa marka uu buuxsamo
Verse 19
Waxaad hubaal mari doontaan heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba)
Verse 20
Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn
Verse 21
Oo marka Qur’aanka loo akhriyo ma sujuudaan
Verse 22
Bal, kuwa gaalooba wayba beeniyaan (Xaqa)
Verse 23
Oo Allaah baa aad u ogsoon waxay qariyaan
Verse 24
Ee ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan
Verse 25
Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’i doonin (waa Jannada)