Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 85 - Al-Buruj
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Buruj 85:1
Waxaan ku dhaartay rugaha xiddiguhu maraan
Verse 2 — Surah Al-Buruj 85:2
Iyo Maalinta ballanta ah
Verse 3 — Surah Al-Buruj 85:3
Iyo marag furaha iyo kuwa lagu marag furo
Verse 4 — Surah Al-Buruj 85:4
Belo ha ku dhacdo qoladii godka
Verse 5 — Surah Al-Buruj 85:5
Ee lahaa dab olol iyo shidaal badan
Verse 6 — Surah Al-Buruj 85:6
Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka)
Verse 7 — Surah Al-Buruj 85:7
Oo waxay ka ahaayeen marag waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta
Verse 8 — Surah Al-Buruj 85:8
Oo kuma ay gelin wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh , ee la Ammaano
Verse 9 — Surah Al-Buruj 85:9
Ee, iska leh mulkiga (iyo maamulka) samooyinka iyo arlada! Oo Allaah wax walba waa u Jeedaa
Verse 10 — Surah Al-Buruj 85:10
Hubaal kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, markaas aan toobad keenin, waxay leeyihiin cadaab Naar ah, oo waxay leeyihiin cadaab gubeysa
Verse 11 — Surah Al-Buruj 85:11
Hubaal kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn
Verse 12 — Surah Al-Buruj 85:12
Hubaal Qabashada Rabbigaa waa mid aad u daran
Verse 13 — Surah Al-Buruj 85:13
Hubaal Isaga weeye Kan uuma (uunka) oo dib u soo saara
Verse 14 — Surah Al-Buruj 85:14
Oo Waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Gacalka ah
Verse 15 — Surah Al-Buruj 85:15
Rabbiga Carshiga, Sharafta Badan
Verse 16 — Surah Al-Buruj 85:16
Falaha Weyn ee wuxuu Doono
Verse 17 — Surah Al-Buruj 85:17
Ma ku soo gaaray warka ciidammadii
Verse 18 — Surah Al-Buruj 85:18
Fircoon iyo Thamuud
Verse 19 — Surah Al-Buruj 85:19
Balse! Kuwa gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta xaqa
Verse 20 — Surah Al-Buruj 85:20
Oo Allaah baa ka kooba dhinac kasta
Verse 21 — Surah Al-Buruj 85:21
Bal! Kani waa Qur’aan Sharaf Badan
Verse 22 — Surah Al-Buruj 85:22
Ku yaal Looxa Maxfuudka