Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 84 - Al-Inshiqaq
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Inshiqaq 84:1
Markay samadu u jeexanto gaballo
Verse 2 — Surah Al-Inshiqaq 84:2
Oo adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo
Verse 3 — Surah Al-Inshiqaq 84:3
Oo marka arlada la fidiyo
Verse 4 — Surah Al-Inshiqaq 84:4
Oo u soo tuurto debedda waxa ku jira gudaheeda oo ka marnaato
Verse 5 — Surah Al-Inshiqaq 84:5
Oo ay adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo
Verse 6 — Surah Al-Inshiqaq 84:6
Qofyahow! Hubaal Waa inaad shaqeyso (si aad u tiigsato) xagga Rabbigaa shaqo adag, jeer aad la kulanto Isaga
Verse 7 — Surah Al-Inshiqaq 84:7
Ma kan isagu lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig
Verse 8 — Surah Al-Inshiqaq 84:8
Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud
Verse 9 — Surah Al-Inshiqaq 84:9
Oo wuxuu u laaban ehelkiisa isagoo faraxsan
Verse 10 — Surah Al-Inshiqaq 84:10
Ma kan se isaga laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa
Verse 11 — Surah Al-Inshiqaq 84:11
Wuxuu u yeedhan doonaa hoog
Verse 12 — Surah Al-Inshiqaq 84:12
Oo geli doonaa naar hureysa
Verse 13 — Surah Al-Inshiqaq 84:13
Hubaal wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda kibirsan
Verse 14 — Surah Al-Inshiqaq 84:14
Hubaal wuxuu mooday inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga)
Verse 15 — Surah Al-Inshiqaq 84:15
Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday
Verse 16 — Surah Al-Inshiqaq 84:16
Mayee se, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac
Verse 17 — Surah Al-Inshiqaq 84:17
Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo
Verse 18 — Surah Al-Inshiqaq 84:18
Iyo dayaxa marka uu buuxsamo
Verse 19 — Surah Al-Inshiqaq 84:19
Waxaad hubaal mari doontaan heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba)
Verse 20 — Surah Al-Inshiqaq 84:20
Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn
Verse 21 — Surah Al-Inshiqaq 84:21
Oo marka Qur’aanka loo akhriyo ma sujuudaan
Verse 22 — Surah Al-Inshiqaq 84:22
Bal, kuwa gaalooba wayba beeniyaan (Xaqa)
Verse 23 — Surah Al-Inshiqaq 84:23
Oo Allaah baa aad u ogsoon waxay qariyaan
Verse 24 — Surah Al-Inshiqaq 84:24
Ee ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan
Verse 25 — Surah Al-Inshiqaq 84:25
Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’i doonin (waa Jannada)