Back to Languages
Somali - Chapter 88
Translation by Abdullah Hasan Jacob
Verse 1
Mawuusan kuu iman warka dabooshada
Verse 2
Wejiyo (qaar) maalintaas waxay ahaan kuwo dulleysan
Verse 3
Howlan, aad u daallan
Verse 4
Waxay Geli Naar aad u kulul
Verse 5
Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa
Verse 6
Ma laha wax cunto ah qodxo maahee
Verse 7
Kaasoo aan wax cayilin, gaajona wax ka tarin
Verse 8
Wejiyo (kale) Maalintaas, waxay ahaan kuwo nicmeysan
Verse 9
Raalli ah dadaalkoodii darti
Verse 10
Ku jira Beer sare gudaheed
Verse 11
Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah
Verse 12
Dhexdeeda waxaa ah il socota
Verse 13
Dhexdeeda waxaa ah sariirro la kor yeelay
Verse 14
Iyo koobab diyaar laga dhigay
Verse 15
Iyo barkimooyin la safay
Verse 16
Iyo gogollo la fidshey
Verse 17
Mawaysan haddaba eegin geela, sida loo abuuray
Verse 18
Iyo cirka, sida loo kor yeelay
Verse 19
Iyo buuraha, sida loo dhidbay
Verse 20
Iyo dhulka, sida loo fidiyey
Verse 21
Ee wax waani, waayo waxaad adigu uun tahay waaniye
Verse 22
Ma tihid mid qasab ku leh ee ilaaliya
Verse 23
Kii kastoo se dhabarka jeediya oo gaalooba
Verse 24
Wuxuu Allaah ku cadaabi cadaab aad u weyn
Verse 25
Xaqiiq waa Xaggayaga meel noqodkoodu
Verse 26
Markaas hubaal Annaga bay na saaran tahay xisaabintooda