Back to Languages
Somali - Chapter 89
Translation by Abdullah Hasan Jacob
Verse 1
Waxaan ku dhaartay waaberiga
Verse 2
Iyo habeennada tobanka ah
Verse 3
Iyo dhabanka iyo witirka(tirada is dheer)
Verse 4
Iyo habeenka marka uu tago
Verse 5
Runtii taasi waxaa ugu sugan dhaar kuwaa garashada leh
Verse 6
Mawaadan u fiirsan sida Rabbigaa u galay (reer) Caad
Verse 7
Qolodii Iram, ee lahaa saraha aad u dhaadheer
Verse 8
Aan wax la mid ah laga sameyn magaalooyinka kale
Verse 9
Iyo (sida uu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad)
Verse 10
Iyo (sida uu u galay) Fircoon, ee lahaa ciidammada tirada badan
Verse 11
Kuwaasoo ku qooqay magaalooyinka
Verse 12
Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda
Verse 13
Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah
Verse 14
Hubaal Rabbigaa baa u jeeda oo arkaya
Verse 15
Ee ma aadmiga, marka uu Rabbigi imtixaano, oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay
Verse 16
Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday
Verse 17
Mayee’ bal ma daryeeshaan agoonka
Verse 18
Oo iskuma boorrisaan quudinta miskiinka
Verse 19
Oo waxaad ku cuntaan xaqdarro dhaxalka idinkoo booli ku cunaya (wax kasta) si aan kala saar lahayn
Verse 20
Oo waxaad jeceshihiin Maalka jaceyl aad u daran
Verse 21
Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo
Verse 22
Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah
Verse 23
Oo laga yeelo Naarta mid muuqata Maalintaas. Maalintaas buu Aadmigu waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari
Verse 24
Wuxuu odhan: Alla haddaan wax horay ugu soo dirsan lahaa noloshaydatan
Verse 25
Maalintaas se cidna wax uguma cadaabto (wuxuun la mid ah) Cadaabkiisa
Verse 26
Oo cidi wax uma xirxirto, (wuxun la mid ah) Xirxiriddiisa
Verse 27
Naf yahay adiga xasillooneey
Verse 28
U noqo Rabbigaa, _adigoo raalli ka ah oo raalli lagaa yahay
Verse 29
Ee gal addoomaheyga dhexdood
Verse 30
Oo gal Jannadeyda