Back to Languages

Somali - Chapter 98 - Al-Bayyinah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Bayyinah 98:1

Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad

Verse 2 — Surah Al-Bayyinah 98:2

Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Allaah oo akhriyaya waraaqo daahir ah

Verse 3 — Surah Al-Bayyinah 98:3

Ay ku yaallaan dhammaan xeerarka wanaagsan

Verse 4 — Surah Al-Bayyinah 98:4

Oo kuwaa la siiyey Kitaabka isma ay khilaafin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid

Verse 5 — Surah Al-Bayyinah 98:5

Oo lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Allaah iyagoo u Keeli yeelaya cibaadada, toosan, oo hagaajiyaan salaadda oo bixyaan Zakada, oo sidaas baa ah diinta toosan

Verse 6 — Surah Al-Bayyinah 98:6

Hubaal kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta dabka iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uunanka

Verse 7 — Surah Al-Bayyinah 98:7

Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uunanka

Verse 8 — Surah Al-Bayyinah 98:8

Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari doonaan dhexdeeda weligood, Allaah Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh kii isagu ka baqa Rabbigi