Back to Languages

Somali - Chapter 99 - Az-Zalzalah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Az-Zalzalah 99:1

Marka arlada la gilgilo gilgilkeeda daran

Verse 2 — Surah Az-Zalzalah 99:2

Oo arladu soo bixiso culeysyadeeda

Verse 3 — Surah Az-Zalzalah 99:3

Oo aadmigu yidhaahdo: Maxaa ku dhacay

Verse 4 — Surah Az-Zalzalah 99:4

Maalintaas waxay ka warrami akhbaarteeda

Verse 5 — Surah Az-Zalzalah 99:5

Inuu Rabbigaa u waxyooday darteed

Verse 6 — Surah Az-Zalzalah 99:6

Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri guutooyin firarsan ahaan si loo tusiyo acmaashooda

Verse 7 — Surah Az-Zalzalah 99:7

Ee qofkii fala samaan le’eg saxar wuu arki

Verse 8 — Surah Az-Zalzalah 99:8

Oo qofkii fala xumaan le’eg saxar wuu arki