Somali

Translation: som-abdullahhasanja

Author: Abdullah Hasan Jacob

Al-Faatixa

Surah 1

[1] Ku Billaabasho Magaca Allaah, ee Naxariis guud,iyo mid gaar ahba Naxariista

[2] Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa iska leh Allaah, Rabbiga uunanka

[3] Naxariis guud, iyo mid gaar ahba Naxariista

[4] Boqorka Maalinta Abaal Marinta

[5] Adiga oo keliyaan ku caabudnaa, oo Adiga oo keliyaaan ku warsannaa kaalmo

[6] Nagu Sug Tubta Toosan

[7] Tubta kuwa aad u Nicmaysay2, aan aheyn kuwa galabsaday cadho(daada)3, iyo kuwa iyagu lunsan

Al-Baqra

Surah 2

[1] Alif laam miim

[2] Kitaabkani, shaki kuma jiro, waa u hanuun kuwa iska jira (xumaha)

[3] Kuwa rumeysan waxa aan muuqan ee qarsoon, oo hagaajiya salaadda, oo wax ka bixiya waxa aanu siinnay

[4] Oo (ah) kuwa rumeysan waxa laguu soo waxyooday (Muxammadow), iyo waxa la soo waxyoodayba adiga hortaa3, ee Aakhiro iyagu yaqiinsan

[5] Kuwan baa ku sugan hanuun (toosan) xagga Rabbigood ah, oo waa kuwan kuwa ah liibaanayaasha

[6] Hubaal Kuwa rumeysan diida, waa isugu mid haddii aad u digto iyo haddii aadan u diginba, ma rumeyn doonaan

[7] Wuxuu Allaah ku dhigay shaabbad daahda quluubtooda iyo maqalkooda, oo araggooda waxaa ku rogan dabool4. Oo waxay mudan doonaan cadaab aad u weyn

[8] Oo dadka waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Allaah5 iyo Maalinta dambeysa oo aan ahaynba mu’miniin

[9] Waxay (rabaan inay) dagaan Allaah iyo kuwa rumeysan, mase dagaan waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana

[10] Quluubtooda waxaa ah cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm), markaasuu Allaah u kordhiyey cudur. Oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan waxay been sheegi jireen darteed

[11] Oo marka lagu yidhaahdo: Ha ku falina fasahaad arlada, Waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay uun sama doon

[12] Haddaba hubaal Waa iyaga kuwa wax bi’iska ahi, laakiinse ma ay dareensana

[13] Oo marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Oo ma waxaanu u rumeynaynaa sida ay maangaabku u rumeeyeen? Haddaba hubaal waa iyaga kuwa maan gaabka ahi, laakiinse waanay garaneyn

[14] Oo markay la kulmaan kuwa rumeysan, waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay. Markase ay isla keli noqdaan shaydaamadooda, waxay yidhaahdaan: hubaal innagu idinkaynu idinla jidhnaa; waa uun iska jeesjeeseennay

[15] Allaah baa se ku jees-jeesi doona, oo wuxuu kaga tagi doonaa keligood xadgudubkooda banbaxsan ee ay ku jaha wareersan yihiin indha la’aan

[16] Kuwani waa kuwa iyagu iibsaday habowga halkii hanuunka, sidaas awgeed ganacooda ma keento wax faa’ido ah, Mana aha kuwo hanuunsan

[17] Mataalkooda, wuxuu ka dhigan yahay sida mid shitay dab; markiise uu u ifiyey waxa hareerihiisa ah oo dhan, Allaah ka qaaday iftiinkii, oo uga tegay gudcurro mugdi daran ah oo aanay waxba arkeyn

[18] Waa dhego la’ yihiin, af la' yihiin, (oo) indho la' yihiin, marka dib uguma soo laabtaan (waddada toosan)

[19] Ama (waa) sida roob darar ah ka yimaada daruurta oo wata gudcur madow, onkod, iyo hillaac: waxay geliyaan farahooda xagga dhegahooda biriqyada dartood baqe ay ka qabaan mowdka. Oo Allaah waa ku hareersan yahay gaalada

[20] Hillaacu wuxuu sigaa inuu indho tiro, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaada dushooda way joogsadaan. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu xaqiiq tiri lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Allaah wax walba Wuu Karaa

[21] Dadow! Caabuda Rabbigiin, ee idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyayba, bal inaad u hoggaansantaan

[22] (Isaga weeye) Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, oo ka soo shuba daruurta biyo, markaas ku soo saara miraha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Allaah shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon(inaysan jirin cid la mid ah)

[23] Oo haddaad ka shakisan tihiin waxa aan u soo waxyoonnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad), haddaba keena Suurad la mid ah, oo u yeerta taageerayaashiinna Allaah ka sokow, haddaad tihiin run sheegayaal

[24] Haddii se aydaan falin, marnabana ma fali doontaane, hadddaba iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan, taasoo loo diyaarshay gaalada

[25] Oo ugu bishaaree kuwa rumeysan oo samaha fala, inay mudan doonaan beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo miro, Waxay odhan doonaan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, oo waxaa la siiyey kuwo kale oo u eg, oo waxay ku yeelan doonaan dhexdeeda afooyin la daahiriyey, oo waa ay ku dhex waari doonaan

[26] Hubaal Allaah kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale- kaneeco ama wax ka sii yarba6. Ma xagga kuwa rumeysan, way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, ma kuwase rumeysan waaya, waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Allaah tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, oo ku hanuuniyaa in badan. Oo kuma habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha

[27] Kuwa ka baxa ballanka Ilaahay kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Allaah uu amray in la xidhiidhiyo, ee ku fala fasahaad arlada, kuwan weeye kuwa iyagu ku sugan khasaaraha weyni

[28] Sidee baad ugu gaaloobeysaan Allaah idinkoo ahaa meyti, buu markaa idin soo nooleeyey, haddana sababi doonaa inaad dhimataan, haddana dib idin soo nooleyn doonaa, haddana Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa

[29] Waa Isaga Kan idiin abuuray waxa dhulka korkiisa ah oo dhan. markaas wuxuu abbaaray xagga samada, markaas ka dhigay toddobo samood, oo Isagu wax waliba Ogsoon

[30] Oo waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan dhigayaa dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Waa la yaabe! ma waxaad dhigi doontaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga, oo ku xurmo weyneyna. Wuxuu yidhi: hubaal Waxaan Anigu ogahay wax aydaan ogeyn

[31] Oo wuxuu baray Aadam magacyada oo idil, markaas buu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddii aad tihiin run sheegayaal

[32] Waxa yidhaahdeen: Xurmo oo dhan Adigaa baa iska leh! Ma lihin cilmi aan aheyn waxa aad na bartay. Hubaal waa Adiga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah

[33] Wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markaasuu markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan anigu hubaal ogahay waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arladaba, oo waxaan ogahay waxa aad muujisaan iyo waxa aad idinku qarinayseenba

[34] Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaas bay sujuudeen Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ka mid ahaaday gaalada

[35] Oo Waxaanu nidhi: Aadamow! Dega adiga iyo afadaaduba Jannada, oo ku cuna badhaadhe iyo bashbash meeshaad ka doontaanba, hase u dhowaannina geedkan haddii kale waxaad ka mid noqon doontaan geflowyda

[36] Shaydaanka baase ka yeelay labadoodaba inay ka soo dhaadhacaan oo sababay inay ka soo baxaan (xaaladdaa) ay ku jireen; oo Waxaanu nidhi: Ka dega, (dhammaantiin) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Oo waxaad ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh

[37] Markaas buu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey8, oo wuxuu ka aqbalay towbadiisa. hubaal Waa Isaga (Allaah) Towbad Aqbalaha, Naxariista Badan

[38] Waxaanu nidhi: Ka degta xaggeeda dhammaantiin, oo markuu Xaggayga idiinka yimaado hanuun, haddaba qofkii raaca Hanuunkayga, ma cabsi qabi doonaan, mana murugoon doonaan

[39] Oo (ma) kuwa (Xaqa) rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, waa iyaga ehlu-Naarka, gudaheeda bay ku dhex waari doonaan weligood

[40] Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddayda aan idiinku nicmeeyey, oo oofiya ballanteyda (idin saaran), waxaan oofin doonaa ballantaan idinka qaaday, oo Anigoo Keliya iga cabsada

[41] Oo Rumeeya waxa aan soo waxyooday oo xaqiijinaya waxa aad haysataan, oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee Xaqa diida, oo ha siisannina aayadahayga qiimo yar, oo Anigoo Keliya iga cabsada

[42] Oo ha ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah, hana qarinnina Xaqa idinkoo ogsoon

[43] Oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, oo la rukuuca jamaca Rukuucayaasha

[44] Waa la yaabe! Ma waxaad amartaan samaan dadka oo hilmaantaan nafahiinna9 idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan haddaba garaadsan

[45] Oo kaalmaysta Sabarka iyo salaaddda, oo hubaal waa wax ku culus waxaan ahayn kal samayaasha

[46] Kuwa huba inay la kulmi doonaan Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u soo laaban doonaan

[47] Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmad- deyda aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka doortay dadkii (waqtigiinna)

[48] Oo iska jira Maalin marka aysan nafi wax u tari doonin naf kale, oo aan laga aqbali doonin shafeeco, oo laga qaadan doonin madax furasho, loona gargaari doonin

[49] Oo waa tii aan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon10, ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna, oo waxaa taas ku sugnaa imtixaan weyn oo xagga Rabbigiin ah

[50] Oo waa tii aan idiin dhanballay badda, oo idin badbaadinnay, oo qarqinnay dadkii Fircoon idinkoo arkayey

[51] Oo waa tii aan la sameennay ballan Muuse muddo afartan habeen ah, markaas aad sameysateen dibi (aad caabuddaan) kaddib (markuu tagey), oo waxaad ahaydeen gar ma qaatayaal

[52] Markaasaan idin cafinnay intaas oo dhan kaddib bal inaad mahad naqdaan

[53] Oo waa tii aan siinnay Muuse Kitaabka iyo kala saaraha, bal inaad hanuuntaan

[54] Oo waa tii uu Muuse ku yidhi dadkiisii: Dadkaygiiyow! Xaqiiq Waxaad u gefteen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga(ilaah). Ee u towbad keena Uumihiinna oo dila nafahiinna11, Sidaas baa idiin khayr badan (dhammaantiin) Uumihiinna xaggiisa, mar- kaasuu idinka aqbalay towbaddiinnii, waa Isaga towbad aqbalaha, Naxariista badan

[55] Oo waa tii aad tidhaahdeen: Muusow! Kuma rumeysan doonno marnaba jeer aan u aragno Allaah si caddaan ah. markaasaa biriq idinku dhacday idinkoo arkayey

[56] Haddana waan idin soo nooleynay dhimashadiinnii kaddib, bal inaad mahad naqdaan

[57] Oo Waxaan har idiinka yeellay daruuraha, oo idiin soo dejinnay Manna (wax macaan malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimibireed sida Samaanka):Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan aanu idin siinnay; oo Annaga waxba nooma ay dhimine, laakiinse waxay (uun) u gafayeen nafahooda

[58] Oo waa tii aan nidhi: Gala magaaladan (Qudus), oo wax ka cuna meeshaad doontaanba bashbash iyo barwaaqo, oo gala albaabka idinkoo hoggaansan oo dhaha: Naga rid culeysyadayada (dambiyada), Waanu idiin dhaafi doonnaa (markaa) gafafkiinna, oo waxaanu u kordhin doonaa sama falayaasha (ajar)

[59] Kuwaasi se ahaa gar ma qaatayaasha waxay ku beddeleen (ereyadaa) weedh aan ahayn taasi lagu yidhi, markaasaan waxaan ku soo dejinnay kuwii gefka geystey cadaab (daacuun) kaga yimid samada caasintoodii darteed

[60] Oo waa tii uu Muuse u biyo doonay dadkiisii, markaas baan ku nidhi: Ku dhufo ushaada dhagaxa, waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood. Waxay (qolo) walbaa ogaadeen halka ay ka cabbayaan biyaha. Cuna oo wax ka cabba risiqa Ilaahay oo ha ugu dhaqmina si foolxun arlada idinkoo ku faafinaya fasahaad

[61] Oo waa tii aad tidhaahdeen: Muusow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah. Ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro'e waxa dhulka ka soo baxa, oo bagalkiisa leh iyo qiyaarkiisa iyo sareenkiisa iyo toonstiisa iyo digirtiisa iyo basashiisaba. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad ku beddelaneysaan waxa khayr roon wax ka hooseeya? Dega magaalo uun, waxaad hubaal ka heli doontaan waxa aad dalabteen. Oo dulli iyo darxumo baa lagu daboolay, oo la laabteen Cadho xagga Ilaahay (oo dushooda ah). Taasi waxaa ugu wacnaa waxay (marar badan) diideen Aayadaha Ilaahay, oo ku dileen Nabiyada gar darro. Taasi waxaa ugu wacnaa inay caasiyoobeen oo xadgudbi jireen

[62] Hubaal kuwa rumeeyey iyo kuwaa heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ahaa ee rumeeyey Allaah iyo Maalinta dambeysa oo sama falay, waxay ka heli doonaan abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan

[63] Oo waa tii aan idinka qaadnay ballan adag, oo kor u soo qaadnay Buurta dushiinna (Annagoo leh): Ku qaata waxa aan idin siinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusa waxa ku yaal, si aad isaga jirtaan (xumaha)

[64] Markaas baad intaas kaddib jeesateen. Oo haddaanu Fadliga Ilaahay iyo Naxariistiisu korkiinna ahaateen, waxaad hubaal ka mid ahaan laheydeen kuwa khasaaray

[65] Oo xaqiiq waxaad ogaateen kuwaas idinka mid ah ee ku xadgudbay arrinkii Sabtida, oo Waxaanu ku nidhi: Noqda (sida) daayeerro dulleysan oo deyro ah

[66] Oo waxaan uga dhignay ciqaab celisa kuwaa ahaa goob joogga iyo kuwa ka dambeeyeyba iyo waano ay ku cbirad qaataan kuwa iska jira (xumaha)

[67] Oo waa tii uu Muuse ku yidhi tolkiisii: hubaal Allaah wuxuu idin amrayaa inaad gowracdaan sac12. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu ciyaareysaa. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Allaah inaan ka mid noqdo jaahiliinta

[68] Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa; inuu noo caddeeyo waxa ay tahay. (Muuse) wuxuu yidhi: (Allaah) Wuxuu leeyahay, waa sac aan duq aheyn iyo ugub midna, oo u dhexeysa labadaa xaaladood; ee fala waxa la idin amray

[69] Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waa maxay midabkeedu. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, Waa sac huruud ah oo midabkeedu huruud aad ah yahay, ay u bogayaan arkayaasha

[70] Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxa ay tahay. Hubaal lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, oo haddii Allaah idmo waxaan hubaal ahaan doonnaa kuwo hanuunsan

[71] Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoo ay niyad u heyn inay sameeyaanba

[72] Oo waa tii aad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allaah se wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxa aad qarineyseen

[73] Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) waax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaas buu Allaah u soo nooleeyaa meytida, oo wuxuu idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan

[74] Markaas quluubtiinnu way qallashay intaa kaddib, oo waa sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo hubaal waxaa jira dhagaxyo qaar ay ka soo burqadaan wabiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Ilaahay darteed13. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

[75] Ee ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan14 iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Ilaahay, oo markaas beddelaan (Towraadda)15 intay fahmeen kaddib iyagoo ogsoon

[76] Oo markay la kulmaan kuwa rumeysan, waxay yidhaahdaan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad idinku uga warrameysaan waxa Allaah idiin caddeeyey, si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan haddaba garaad lahayn

[77] Mawaysan se ogayn in Allaah ogsoon yahay waxa ay qariyaan iyo waxa ay muujiyaanba

[78] Oo waxaa ka mid ah caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, wax se iska maleeya uun

[79] Ee hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka isla gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Ilaahay, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxa ay gacmahooda qoreen darteed, oo hoog bay leeyihiin waxa ay kasbadaan darteed

[80] Oo waxay yidhaahdaan: Marnaba Naari nama taaban doonto waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Ilaahay, marka Allaah ma ka bixi doono ballankiisa? Mise waxaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan ogeyn

[81] Haayoo, Qofkii kasbadaa xume ee uu gefkiisu hareereeyo, kuwaasu waa ehlu Naar, way ku dhex waari doonaan

[82] oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo samaha fala16, kuwaasu waa ehlu Jannada, way ku dhex waari doonaan weligood

[83] Oo waa tii aan la galnay ballan Ilmahii Isaraa’iil: Ha caabudina waxaan ahayn Allaah, oo waalidka u sama fala, iyo qaraabada iyo agoomaha iyo masaakiinta, oo kula hadla dadka hadallo san, oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Zakada, markaas baad jeesateen in yar oo idinka mid ah maahee oo (imminkana sidoo kale) dhinac baad u jeesataan

[84] Oo waa tii aan idinla gallay ballan (leh): Ha daadinnina dhiiggiinna (midkiinba midka kale), ama ha iska qaxinnina guryahiinna, markaas aad qirteen (tani) idinkaana marag ka ah

[85] Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qaxinaya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn dambi iyo colaad. Oo hadday idiin yimaadaan iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qaxintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad haddaba rumeysaan qaar ka mid ah Kitaabka oo diiddaan in kale oo ka mid ah17? Oo muxuu yahay haddaba abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya waxaan aheyn dulli nolosha adduunkan ah, oo Maalinta Qiyaamaha waxaa loo celin doonaa cadaab tan ugu daran. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

[86] Kuwaanu waa kuwa gata nolosha adduunkan halkii Aakhirada, sidaas awgeed cadaabta lagama khafiifin doono loomana gargaari doono

[87] Oo xaqiiq Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, oo waxaan soo dirnay Rusul isaga kaddib midba mid kale xigsaday. Oo Waxaanu siinnay Ciise ina Maryam, xujooyin cad oo ku xoojinnay Ruuxda daahirka ah (Jabriil). Waa la yaabe! Mar walba uu Rasuul idiinla yimaado waxaanay nafahiiinnu rabin, baad is kibrisaan markaas qaar beenisaan, qaarna disheen

[88] Oo waxay yidhaahdaan: Quluubtayada waa qufulan yihiin. Mayee, Allaah baa ku nacladay gaalnimadooda darteed, marka waa wax yar intay rumeeyaan

[89] Oo markuu u yimid Kitaab ka yimid xagga Ilaahay xaqiijinaya waxa ay haystaan, iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markiise uu halkaa u yimid (Nabi) ay aqoonsadeen bay rumayn diideen. Ee nacladda Ilaahay dushooda ha ahaato gaalada

[90] Xumaa waxa ay ku gateen nafahooda, inay diidaan waxa Allaah soo waxyooday xasad darti in Allaah uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho18. Oo gaaladu waxay mudan doonanan cadaab aad u dulleysa

[91] Oo marka lagu yidhaahdo, Rumeeya waxa Allaah soo waxyooday, waxay yidhaahdaan: Waxaanu rumeysannahay waxa naloo soo waxyooday. Oo waxay beeniyaan waxa la barbar ah, isagoo xaq ah xaqiijinaya waxa ay haystaan. Dheh: Maxaad haddaba u disheen Anbiyadii Ilaahay kal hore, haddii aad aheydeen run ahaan mu’miniin

[92] Oo xaqiiq Muuse wuxuu idiin la yimid xujooyin cad, markaas baad ka dhigateen dibi (ilaah ahaan) maqnaashahiisii oo waxaad tihiin gar ma qaatayaal

[93] Oo waa tii aan idinla galnay ballan, oo kor u qaadnay Buurta dushiinna: Xagsada waxaanu idin siinnay (Towraadda) si sugnaan leh oo ahaada daacad wax maqla. Waxay yidhaahdeen: Waanu maqallaa oo caasinnaa. Oo waxaa la waraabiyey Quluubtooda (jaceylka) dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed. Dheh: Xumaa wuxuu iimaankiinnu idinku amro haddaad tihiin mu’miniin

[94] Dheh: Haddii daarta Aakhiro Allaah agtii ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, bal janta dhimasho haddaad tihiin run sheegayaal

[95] Mase jaman doonaan waligood, waxa ay geysteen gacmahoodu awgii. Oo Allaah waa ogsoon yahay gar ma qaatayaasha

[96] Oo hubaal waxaad xaqiiq heli doontaa inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu damcid badan noolaansho, (oo waxay ka sii damac badan yihiin) weliba kuwaa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Oo cimir dherer kama riixi doono in yarna ha ahaatee cadaabta uu mudan yahay. Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan

[97] Dheh: Qofkii u ah cadow Jabriil – hubaal wuxuu ugu soo waxyooday qalbigaaga Idanka Ilaahay, isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey, oo hanuun iyo bishaaro u sida mu’miniinta

[98] Qofkii cadow u ah Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Rusushiisa iyo Jabriil iyo Miikaal, haddaba hubaal Allaah waa u cadow gaalada

[99] Oo xaqiiq Waxaan kuu soo waxyoonnay xujooyin cad, oo ma beeniyaan waxaan aheyn caasiyaasha

[100] Waa la yaabe! Mar kasta oo ay ballan galaan, waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu maba ay rumeysna

[101] Oo markuu halkaa ugu yimid Rasuul ka yimid xagga Ilaahay oo xaqiijinaya waxa ay haystaan, ayaa koox ka mid ahi kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda) ka tuureen Kitaabka Ilaahay dhabarradooda gadaashood,sidii oo ayna waxba garaneyn

[102] Oo waxay raaceen waxay shayaadiintu sixir shubayeen19 waqtiga xukunkii Sulaymaan. Oo Sulaymaan ma gaaloobin, laakiinse shayaadiinta baa gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, hubaal innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa wax ay ku kala furi kareen nin iyo afadiis, oo kuma waxyeelleyn karaan cidna Isagoo Allaah idmo ma’ahee. Oo waxay barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Oo xaqiiq waxay og yihiin kan iibsaday inaanu ku lahaan doonin wax saami wanaagsan ah Aakhirada. Oo xumaa qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, haddii ay ogaan lahaayeen

[103] Oo hadday rumeeyaan, oo ka joogaan xumaha, abaalgudka Ilaahay baa u khayr badan, hadday ogaan lahaayeen

[104] Mu’miniintoy! Ha odhannina Raacinaa (na dhowr, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, "undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn) oo ahaada daacad wax maqla. Oo gaaladu waxay mudan cadaab xanuun badan

[105] Kuwa (Xaqa) rumeyn diida ee ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiintaba ma jecla in wax khayr ahi idiinkaga yimaado xagga Rabbigiin. Oo Allaah wuxuu ugu doortaa si gaar ah Naxariistiisa kuu doono. Oo Allaah waa Rabbiga leh Fadliga weyn

[106] Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Allaah wax walba Karo

[107] Oo miyaadan ogeyn in Allaah leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Allaah sokoadi gacal iyo gargaare midna

[108] Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan20 Rasuulkiinna sidii Muuse horey loogu su'aalay. Oo qofkii qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu xaqiiq ka lumay jidka toosan

[109] In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Allaah uu ka keeno Amarkiisa. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa

[110] Oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Zakada, oo wax waliboo khayr ah aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli doontaan Allaah agtii. Hubaal, Allaah waa Arkaa waxa aad fashaan

[111] Oo waxay yidhaahdaan: Qofna ma geli doono Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran21. Dheh: Keena caddayntiinna haddii aad tihiin run sheegayaal

[112] Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Allaah oo isagu sama fale ah, wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa xagga Rabbigiis, oo cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan

[113] Oo Yuhuudi waxay yidhaahdaan: Nasaaradu (Kirishtaanku) ma raacaan waxba wanaagsan; oo Nasaaradu waxay yidhaahdaan: Yuhuudi ma raacaan waxba wanaagsan; iyagoo akhriya isku hal kitaab. weliba sidaas oo kale bay yidhaahdaan kuwaasi aan cilmiga lahayn, sida waxa ay yidhaahdaan oo kale. Ee Allaah baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafsan yihiin

[114] Oo yaa ka gef badan kan u diida (dadka) Masaajidda Ilaahay, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi doonaan dulli adduunkan, oo waxay mudan doonaan cadaab weyn Aakhirada

[115] Oo Allaah baa iska leh bariga iyo galbeedkaba, sidaas awgeed meel kastoo aad u jeedsataan waxaa jira Wejiga Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

[116] Oo waxay yidhaahdaan: Allaah wuxuu leeyahay wiil. Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo hufan. bal wuxuu leeyahay wax walba oo jira samooyinka iyo arlada, dhammaan Isaga bay adeecsan yihiin

[117] Waa unkaha samooyinka iyo arlada. Oo marka uu arrin gooyo, Wuxuu uun ku yidhaahdaa, Ahow, markaa wuuba yahay

[118] Oo kuwa aan waxba ogeyni waxay yidhaahdaan: Oo muxuu Allaah noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Xaqiiq Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan dad iyagu yaqiinsan

[119] Hubaal Waxaan Annagu kula soo dirnay Xaqa, bishaareeye iyo dige ahaan, oo waxna lagaama weydiin doono asxaabta dabka ololaya

[120] Marnaba kaama raalli noqon doonaan Yuhuuddda iyo Nasaaradu (Kirishtaanku) jeer aad raacdo diintooda. Dheh: hubaal Hanuunka Ilaahay, kaas baa ah hanuunka (Xaqa ah). Oo haddaad raacdo rabitaannadooda kaddib cilmiga kuu yimid, kuma lahaaan doontid xagga Ilaahay gacal iyo gargaare midna

[121] Kuwa aanu siinnay Kitaabka baa u akhriya sida ay tahay in loo akhriyo22, kuwaan baa rumeysan. Oo qofkii rumeysan diida kuwan weeye kuwa ah khasaaro qabayaasha

[122] Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddeyda aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idinka kor marshay ummadahii (jiray waqtigiinnii)

[123] Oo iska jira Maalin nafi aanay wax u tari doonin naf kale, oo madax furasho aan laga yeeli doonin, oo shafeeco aanay wax u tari doonin oo aan loo gargaari doonin

[124] Oo waa tii uu Rabbigi ku imtixaanay Ibraahiim ereyo cayiman, markaasuu wada oofiyey. Wuxuu yidhi: Hubaal Waxaan kaaga dhigayaa Imaam dadka. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Iyo qaar ka mid durriyadeydaba Wuxuu yidhi: Axdigeyga kuma jiraan gar ma qaatayaasha

[125] Oo waa tii aan ka dhignay Beydka rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Oo ka dhigta meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Oo Waxaanu xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beydkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda

[126] Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig tani maagalo nabad ah, oo ku galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Wuxuu yidhi: oo qofkii rumeyn diida, waxaan u raaxeyn doonaa in yar, markaas kaddib waxaanu ku dirqin doonaa cadaabta Naarta,oo ugu xun meel la ahaado

[127] Oo waa tii uu Ibraahiim kor u qaadayey aasaaska Beydka iyo Ismaaciilba (iyagoo leh): Rabbiyow! Naga aqbal, hubaal Waxaad Adigu tahay Maqlaha wax kasta ee wax kasta Ogsoon

[128] Rabbiyow! Oo naga yeel labadayaba kuwa kuu hoggaansan, oo (ka soo saar) durriyaddayada ummad kuu hoggaansan, oo na tus hababkayaga cibaadeysiga, oo noogu soo noqo (si naxariis leh). Hubaal Waxaad Adigu tahay Kan u soo noqoshada badan (Naxariista), aad u Naxariista Badan

[129] Rabbiyow! Oo ka soo dhex bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya Aayadahaaga oo bara Kitaabka iyo Xikmadda oo daahiriya. Hubaal Waxaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah

[130] Oo yaa isaga taga diinta Ibraahiim, mid is caqli tira maahee? Oo hubaal Waxaan ku doorannay adduunkan, oo hubaal Aakhirada wuxuu xaqiiq ka mid yahay kuwa wanaagsan

[131] Waa tii uu Rabbigii ku yidhi: Hoggaansan, wuxuu yidhi: Waxaan u hoggaansanahay Rabbiga uunanka

[132] Oo isla arrinkaa buu Ibraahiim ku faral yeelay ilmahiisii, oo (sidaa buu yeelay) Yacquub: Wiilashaydow! Hubaal Allaah wuxuu idiin doortay diintan (Islaamka) ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn

[133] Mise waxaad aheydeen goob joog markay geeridu u timid Yacquub? Markuu ku yidhi wiilashiisii: Maxaad caabudi doontaan aniga kaddib? Waxay yidhaahdeen: Waxaan caabudeynaa Ilaahaaga iyo Ilaaha aabbayaashaa Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo isxaaq, oo ilaah keliya ah, oo Isaga baanu u hoggansannahay Muslimiin ahaan

[134] Tani waa ummad tagtay: Waxay heli doonaan waxay kasbadeen, oo idinkuna waxaad heli doontaan waxaad kasbataan. oo ma la idin weydiin doono inaad ka jawaab bixisaan waxay faleen

[135] Oo waxay yidhaahdaan: Noqda Yuhuud ama Nasaaro, waad hanuuni doontaane. Dheh: Mayee, (waxaanu raaceynaa) diintii Ibraahiim, toosnahii, oo kama aanu mid aheyn mushrikiinta

[136] Dhaha: Waxaanu rumaysannah Allaah iyo waxa naloo soo waxyooday iyo wixii loo soo waxyooday Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Oo ma kala sooceyno axad ka mid ah, oo Isaga baan u hoggaansannahay

[137] Haddii haddaba ay rumeystaan sida aad u rumaysan tihiin oo kale, xaqiiq waa kuwo hanuunsan, haddiise ay jeestaan haddaba waxay uun ku sugan yihiiin cinaad fog. marka Allaah baa kaaga filnaan doona. Oo Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

[138] Qaata Aslidda Ilaahay, oo yaa ka wanaagsan Allaah aslid ahaan. Oo Isagoo (Keliya) baanu caabudnaa

[139] Dheh: Ma waxaad nagala dooddaan arrinka Ilaahay Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba? Oo waxaanu mudan doonnaa acmaashayada, idinkuna waxaad mudan doontaan acmaashiinna. Oo innagu Isagaan daacad u nahay

[140] Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinka baa ogsoon mise Allaah? Oo yaa ka gef badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Ilaahay? Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

[141] Tani waa ummad tagtay. Waxay mudan doonaan (abaalka) waxay kasabtay, idinkuna waxaad mudan doontaan waxa aad kasbataan. Oo la idinma weydiin doono inaad ka jawaab bixisaan waxay faleen

[142] Maangaabyada ku dhex jira dadka (Yuhuudda iyo mushrikiinta) waxay odhan doonaan: Maxaa ka duway qibladdooda ay lahaayeen23? Dheh: Bariga iyo galbeedkaba waxaa iska leh oo keliya Allaah; Wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jidka Toosan

[143] Oo sidaas baan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka24, iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Oo kama aanaan dhigin qiblad tan aad lahayd, waxaan ahayn inaan ku kala muujinno kan raaca Rasuulka iyo kan ciribihiisa rogta. Oo tani waxay aheyd hubaal wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Allaah. Oo Allaah ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaaddiinnii hore). hubaal, Allaah dadka waa u Turid, iyo Naxariis Badan yahay

[144] Xaqiiq waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin dooonnaa Qiblad aad jecleysan doonto, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), oo meel kastoo aad joogtaanba, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Oo kuwa la siiyey Kitaabka hubaal way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

[145] Oo weliba haddaad u keento kuwa (madaxa adag) ee la siiyey kitaabka calaamo kasta ma ay raacayaan Qibladdaada, Adiguna ma ahid mid raacaya qibladdooda. Iyaguna ma aha kuwo raacaya Qibladda mid walbaa midka kale. Oo haddaad raacdo rabitaannadooda liita kaddib cilmiga kuu yimid, markaa waxaad hubaal ka mid noqon doontaa geflowyada

[146] Kuwa aanu siinnay Kitaabka waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) sida ay u gartaan wiilashooda. Oo hubaal koox ka mid ahi waxay xaqiiq qariyaan xaqa iyagoo ogsoon

[147] Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabayaasha

[148] Oo mid walba wuxuu leeyahay jiho ay tahay inuu u jeesto. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Allaah wuu idin wada keeni doonaa idinkoo dhan. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa

[149] Oo meel kastoo aad ka soo baxdo, u jeedi wejigaaga xagga Masjidka xurmadda gaarka ah lihi; oo hubaal waa xaq kaaga yimid xagga Rabbigaa, Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

[150] Oo meel kasta aad ka soo baxdo, u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi, oo meel kastoo aad joogtaan u jeediya wejiyadiinna jihadiisa, si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwaa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee iga baqa, waa si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan

[151] Waliba sida aan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan hore u aqoon

[152] Ee i xusa, waan idin xusiye25, oo ii mahad naqa oo ha iga abaal dhicina

[153] Mu’miniintoy! Kaalmaysta sabarka iyo salaadda. Hubaal! Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha

[154] Oo ha ka odhannina kuwa lagu dilo jidka Ilaahay waa meyd; mayee way nool yihiin, laakiinse waydaan dareemeyn

[155] Oo waxaan hubaal idinku imtixaani doonnaa xaqiiq wax xoogay cabsi ah iyo gaajo iyo nusqaamin maalka iyo nafaha iyo mirahaba ah, ee u bishaaree kuwa samir yeesha

[156] Kuwa marka ay ku dhacdo musiibo, yidhaahda: Hubaal Allaah baa na leh27 oo innagu hubaal xaggiisaan u noqon doonnaa

[157] Kuwaasi weeye kuwa ay korkooda yihiin barakooyin xagga Rabbigood iyo naxariis, oo kuwaas weeye kuwa hanuunsan

[158] Hubaal Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Allaah. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beydka ama soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa dhexdood28, oo qofkii iskiis u fala khayr badan, haddaba hubaal Allaah waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon

[159] Hubaal kuwa qariya29 xujooyinka cad iyo hanuunka aan soo waxyoonnay, kaddib markaanu ugu caddeynay dadka Kitaabka, kuwani weeye kuwa uu Allaah nacladi doono, oo kuwaa wax naclada ay nacladi doonaan (sidoo kale)

[160] Marka laga reebo kuwa toobad keena ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa). Kuwani weeye kuwa aan ugu soo noqdo (si naxariis leh). Oo Anigu waxaan ahay midka u soo noqoshoda badan (naxariista), aadka u Naxariista Badan

[161] Hubaal kuwa rumeysan diida oo dhinta iyagoo gaalo ah, kuwan weeye kuwa ay korkooda tahay Nacaladda Ilaahay, iyo malaa’igta iyo dadka oo dhan

[162] Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabta lagama khafiifin doono, mana la siiin doono nafis

[163] Oo IIaahiinnu waa Ilaah keliya, ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Naxariistaha, Naxariista Badan

[164] Hubaal Abuurista samooyinka iyo arlada iyo is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo doonyaha kula dhex maaxa badda wax anfaca dadka, iyo waxa uu Allaah ka soo shubo daruurta oo biyo ah ee uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, oo uu ku fidsho gudaheeda (nooc) kasta ee nafleyda ah, iyo isbeddelka dabaylaha iyo daruuraha la sakhiray samooyinka iyo arlada dhexdooda, waxaa hubaal ugu sugan calaamooyin dad garasho leh

[165] Oo waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Allaah sokadi wax ay la mid dhigaan ay u jecel yihiin sida ay u jecel yihiin Allaah. Kuwaase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Allaah. Oo hadday arki lahaayeen kuwaa gar ma qaatayaasha ahi, marka ay arkaan cadaabta, in Xoog oo dhan uu leeyahay Allaah, iyo in Allaah ay Daran tahay Cadaabtiisu

[166] Marka kuwa la raacay ay dhaleeceyn doonaan kuwa raacay, oo ay arkaan cadaabta, oo uu kala go'o xiriirkoodii

[167] Oo kuwa raacay waxay odhan doonaan: Haddii oo keliya aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan u dhaleeceyn lahayn sida ay noo dhaleeceeyeenba. Sidaas buu Allaah u tusi doonaa acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Oo iyagu kama soo bixi doonaan Naarta

[168] Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan30 waxa laga helo dhulka, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. hubaal wuxuu idiin yahay cadow iska cad

[169] Wuxuu (Shaydaan) uun idinku amraa xume iyo anshax darro, iyo inaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan u lahayn aqoon

[170] Oo marka lagu yidhaahdo, Raaca waxa uu Allaah soo waxyooday, waxay yidhaahdaan: Mayee! Waxaanu raacnaa waxa aan ka hellay Aabbayaashayo. ma walow aanay aabbayaashood waxba garaneyn, oo ayan hanuunsanayn

[171] Oo mataalka gaalada waa sida mataalka mid u dhawaaqa waxaa aan maqlayn waxaan ahayn qaylo iyo dhawaaq. Dhego la’, af la’, oo indho la’. Marka wax ma fahmaan

[172] Mu’miniintoy! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan31 oo aan idinku galladeysannay, oo u mahad naqa Allaah, hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan

[173] Wuxuu uun idinka xaaraameeyay xoolaha iskood u dhinta, iyo dhiig, iyo hilib doofaar, iyo waxaa dushooda lagu xusay magac kale aan ahayn kaa Allaah. Qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanan dooneyn oo aan xad gudbeyn, ma jiro wax dambi ah oo saaran korkiis. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[174] Hubaal kuwa qariya wax ka mid ah Kitaabka uu Allaah soo waxyooday oo ku qaata qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Oo Allaah lama hadli doono Maalinta Qiyaamaha, mana daahirin doono, oo waxay mudan cadaab aad u xanuun badan

[175] Kuwan weeye kuwa iibsada habowga halkii Hanuunka, iyo cadaab halkii Dambi Dhaafka. Ee intee buu yahay adkeysigoodu ay ku qaabilaan Naar

[176] Tani waa inuu Allaah ku soo waxyooday Kitaabka Xaq. Oo hubaal kuwa isku khilaafa Kitaabka waxay ku sugan yihiin cinaad aad u fog

[177] Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; laakiinse waxaa sama ah inuu qofku rumeysan yahay Allaah iyo Maalinta dambeysa iyo Malaa’igta iyo Kitaabka iyo Nabiyada, oo siiya maalka isagoo jecel32 kuwaa qaraabada ah iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), iyo kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, oo oofiya ballantooda marka ay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga iyo jirrada iyo waqtiga dagaalka- Kuwan weeye kuwa ay runta ka tahay, oo kuwan weeye kuwa iska jira (xumaha)

[178] Mu’miniintoy! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, oo waa in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Tani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu mudan cadaab aad u xanuun badan

[179] Oo waxaa idiinku sugan nolol xeerka dhaawac simidda dadka wax garadkow, si aad isu ilaalisaan

[180] Dardaaran baa la idinku waajibiyey33 markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaraamo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah. Waa xil saaran kuwa iska jira (xumaha)

[181] Ee Qofkii beddela (dardaaranka) inta uu maqlay kaddib, dambigeedu markaa wuxuu saaran yahay oo keliya kuwa beddela. hubaal Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[182] Qofkiise uga cabsada eex ama dambi dardaaramaha ee ka sameeya heshiis35 qolooyinkaa dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna dambi korkiisa. hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[183] Mu’miniintoy! Waxaa la idinku faral yeelay soon36, sidii loogu faral yeelayba kuwii idinka horreeyay, si aad isaga jirtaan (xumaha)

[184] Maalmo tirsan, ee qofkii idinka mid ah ee buka ama safar ah, markaa waxaa saaran (inuu soomo) isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. oo kuwaa aan awoodin37 waxaa saaran fidyo ah inay quudiyaan miskiin38. Ee qofkii iskii u falaa khayr si wanaagsan, isaga bay u roon tahay. Oo inaad soontaan baa idiin khayr badan haddaad og tihiin

[185] Bisha Ramadaan waa kaasi dhexdiisa Qur’aanka la soo waxyooday, hanuun u ah dadka iyo xujooyinka cad ee leh hanuunka iyo kala saaridda. ee qofkii idinka mid ah ee jooga bisha waa inuu soomo inta lagu jiro, oo qofkii buka ama safar ah waxaa saaran isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Allaah wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays, oo (wuxuu rabaa) inaad dhammeystirtaan tirada (maalmaha) iyo inaad xurmo weyneysaan Allaah inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad mahad naqdaan

[186] Oo markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, haddaba Waxaan hubaal Anigu ahay mid aad u dhow, waxaan ajiibaa baryada baryootamaha markuu i baryo (dhexeeye la'aan). Marka waa inay ajiibaan baaqeyga oo i rumeeyaan, si ay u hanuunaan

[187] Waxaa la idiin banneeyay inaad u galmootaan xaasaskiinna habeenka soonka. Waxay idin yihiin hu’, oo idinkuna hu’ baad u tihiin. Allaah waa uu ogaa inaad khiyaamayseen39 nafahiinna, marka wuu idiin soo noqday (si naxariis leh) oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan la xiriira iyaga oo doona waxa Allaah idiin qaddaray, oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Oo ha u tegina idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Allaah ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Allaah ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (xumaha)

[188] Oo ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, hana ku doonina inaad ugu dhowaataan xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka dambi idinkoo ogsoon

[189] Waxay wax kaa weydiiyaan Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Oo ma aha samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda40, waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), oo ka gala guryaha albaabbadooda, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah si aad u liibaantaan

[190] Oo kula dagaallama Jidka Ilaahay kuwa idinla dagaallama, oo ha xad- gudbina. Hubaal Allaah ma jecla xad gudbayaasha

[191] Oo ku dila meeshaad ka heshaanba, oo ka saara meeshay idinka saareenba. Oo fidnada baa ka daran dilka Oo ha kula dagaal gelina Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi agtiisa in maahee ay iyugu (marka hore) idinkula dagaalaan. Haddiise ay idinkula dagaallamaan la dagaallama. Waa sidaas abaal marinta gaaladuye

[192] Haddiise ay ka joogaan (xumaha), haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan

[193] Oo la dagaallama si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi, oo Diintu u ahaato tan Allaah oo keliya. Oo hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn gar ma qaatayaasha

[194] Bisha xurmadda gaarka ahi leh waxay u go’daa bisha xurmadda gaarka ah leh, oo dhammaan waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihina waxaa jira qaanuunka dhaawac simidda, ee qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay41. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada inuu Allaah la jiro kuwa iska jira (xumaha)

[195] Oo wax ku bixiya jidka Ilaahay, oo ha isugu tuurina gacamahiinna tahluko, oo u sama fala (dadka); hubaal Allaah wuu jecel yahay sama falayaasha

[196] Oo u dhammeystira Xajka42 iyo Cumrada Allaah darti. Haddiise la idinka xannibo (dhammeystirkooda), gowraca Hadyi43 waxaad heli kartaan ah, oo ha xiirina madaxyadiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraciisa. Qofkiise idinka mid ah ee buka ama ka qaba cudur oogada madaxiisa (oo xiira timahiisa isagoo xarman), waxaa saaran fidyo ah soomid44 ama bixin sadaqo45 ama neef gowracid46, markaadse nabad tagtaan, Qofkii ka faa’ideysta inuu ku daraa Cumrada Xaj, waa inuu gowraco hadyi wixii uu heli karo ah, qofkiise aan heli karin (hadyi), waa inuu soomo seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddobo maalmood marka aad laabataan, intani waa toban buuxda. Tani waxay ku gaar tahay midka isagu aanay reerkiisu deggeneyn Masjidka Xaramka. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. oo ogaada in Allaah ciqaabtiisu daran tahay

[197] Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan47. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood48 iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Oo wax kastoo khayr ah oo aad fashaan, Allaah wuu ogsoon yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, dadka wax garadka ahow

[198] Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeqda Rabbigiin49. Ee markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Allaah Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa sidii uu idiin hanuuniyeyba, inkastoo tan ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan

[199] Markaas ka dareera meesha uu dadku ka dareero, oo weydiista dambi dhaaf Ilaahay, hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[200] Oo markaad dhammeysataan cibaadooyinkiinna, misna Xusa Allaah sida aad u xustaan aabbayaashiin50 bal xusid ka badan51. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Rabbiyow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahaan doonin Aakhirada qaybna

[201] Oo waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Rabbiyow! Nagu sii wanaag adduunka , iyo wanaag Aakhirada, oo naga badbaadi cadaabta Naarta

[202] Kuwaasi waxay mudan qayb(tooda) ka mid ah waxay kasbadeen. Oo Allaah wuu ku Dhakhso Badan yahay xisaabta

[203] Oo xusa Allaah inta lagu jiro maalmaha tirsan52; marka qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood, ma jiro wax dambi ah oo saaran, oo qofkii dib u hara ma jiro wax dambi ah oo saaran, (tani) waxaa iska leh kan isagu iska jira (xumaha), oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in idinku Xaggiisa la idiin soo wada kulmin doono

[204] Oo waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Allaah waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka

[205] Oo markuu dhabarka jeediyo, wuxuu ku socdaa arlada si uu u fasaahadiyo oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka, Oo Allaah ma jecla fasahaadka

[206] Oo marka lagu yidhaahdo, iska jir (Ciqaabka) Ilaahay; qabweyni u geyso dambi. Ee Naar baa ku filan isaga oo iyadaa ugu xun gogol la dhinac dhigo

[207] Oo waxaa ka mid ah dadka mid iibsha naftiisa isagoo doonaya Raalli gelinta Ilaahay54, Oo Allaah wuu u Turid Badan yahay addoomahiisa

[208] Mu’miniintoy! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal! Wuxuu idiin yahay cadow iska cad

[209] Haddiise aad sid-bataan kaddib iyadoo ay xujooyin cad idiin yimaadeen, markaa ogaada inuu Allaah yahay Adkaade, Xakiim ah

[210] Ma waxay sugaan waxaan ahayn inuu Allaah ugu yimaado daruuro hogol ah iyo malaa’igtuba? oo arrinka (horey) baa loo gooyey. Oo xagga Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo idil

[211] Weydii ilmahii Israa’iil intee baan calaamo cad siinnay. Oo qofkii beddela Nicmadda Ilaahay kaddib markay u timid, haddaba hubaal Allaah Ciqaabtiisu way daran tahay

[212] Nolsoha adduunkan baa loo qurxiyey kuwa (Xaqa) aan rumeysnayn, oo waxay ku jeesjeesaan kuwa rumeysan, kuwase iska jira (shirkiga iyo macaasida), iyaga baa ka sarreyn doona oo ka kor ah Maalinta Qiyaamaha. Oo Allaah wuxuu arzaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan

[213] Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Allaah soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan, oo Wuxuu u soo waxyooday Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafeen, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaasuu Allaah Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa wixii ay gudahooda isku khilaafeen. Oo Allaah wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jidka Toosan

[214] Mise waxaad mooddaan inaad gelaysaan Jannada iyadoo aanay waliba idiin iman wax la mid ahi wixii u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyey? Waxaa taabtay dhib iyo qahar oo la gilgilay jeer uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay la jirki ay yidhaahdeen: Goormuu iman doonaa Gargaarka Ilaahay? Haddaba hubaal Gargaarka Ilaahay wuu dhow yahay

[215] Waxay ku weydiiyaan waxa ay tahay inay bixiyaan (nafaqo ahaan). Dheh: Wax kastoo aad bixisaan oo maal ah waxaa u mudan waalidiinta iyo qaraabada iyo agoomaha, iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), Oo wax kasta oo khayr ah aad fashaan, hubaal Allaah wuu ogsoon yahay

[216] Dagaallan baa la idinku farad yeelay oo waa wax aad neceb tihiin, oo waxaa laga yaabaa inaad wax nacdaan isagoo khayr idiin ah, oo waxaa laga yaabaa inaad wax jeclaataan isagoo shar idiin ah, Oo Allaah baa ogsoon, idinkuse ma ogidin

[217] Waxay wax kaa weydiiyaan bisha xurmadda gaarka ahi lihi gudaheed in la dagaallamo. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, oo ka hor istaagidda dadka Jidka Ilaahay iyo beeninti, iyo ka hor istaagidda dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, baa waliba ka sii daran Allaah agti, oo fidnadaa55 ka daran dilka. Oo ma dayn doonaan (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Oo qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwani weeye kuwa ay buri doonaan camalladooda adduunka iyo aakhiradaba, oo waa iyaga ehlu Naarka; gudaheeda bayna ku waari doonaan

[218] Hubaal kuwa rumeeyay iyo kuwa ka soo haajiray (guryahooda Ilaahay darti) oo dadaal ku bixiyey Jidka Ilaahay, kuwani waxay ka rajo qabaan Naxariista Ilaahay. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[219] Waxay wax kaa weydiiyaan Khamriga56 iyo Qamaarka57. Dheh: Waxaa labadaba ku jira dambi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, oo dambigooda baa ka weyn waxtarkooda. Oo waxay ku weydiiyaan maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaas buu Allaah idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan

[220] Noloshatan adduunka iyo Aakhiradaba. Oo waxay wax kaa weydiiyaan agoomaha. Dheh: Inaad u hagaajiso (arrimahooda) baa khayr badan, oo haddaad shuruko la noqotaan, waa walaalihiin. Oo Allaah wuu og yahay kan wax bi’iyaha ah iyo kan wax hagaajiyaha ah. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu xaqiiq idin hor dhigi lahaa dhibaatoooyin; hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[221] Oo ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeer ay rumeeyaan, oo xaqiiq addoonad mu’minad ah baa ka khayr roon mushrikad haba idin cajabisee. Oo ha u guurinnina (gabdhihiinna mu’mindaha ah) ragga mushrikiinta ah jeer ay rumeeyaan. Oo xaqiiq addoon mu’min ah baa ka khayr roon Mushrik haba idin cajabiyee. Kuwani waxay ku baaqaan Naar, Oo Allaah wuxuu ku baaqaa Janno iyo dambi dhaaf si idankiisa ah, oo uga dhigaa caddaan Aayadahiisa dadka si ay u xusuustaan

[222] Oo waxay wax kaa weydiiyaan xaylka. Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, oo ha u dhowaanina inta ay ka daahir noqdaan. Haddaba markay daahir noqdaan uga taga meesha Allaah idinku amray; Hubaal Allaah wuxuu jecel yahay kuwa in badan u soo noqda (oo toobad keena), oo wuxuu jecel yahay kuwa isdaahiriya

[223] Xaasaskiinnu waxay idiin yihiin beer, ee u taga beertiinna markaad doontaanba, oo u hormrsada (khayr) nafahiinna. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada inaad la kulmi doontaan, oo u bishaaree mu'miniinta

[224] Oo ha ka dhigina Allaah ku dhaarashadiina Isaga awgeed waxa idinka xanniba inaad sama fashaan oo ka joogtaan (xumaha), iyo inaad kala maslaxdaan dadka. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[225] Allaah Idiin ma qabanayo waxa aydaan ula kac iyo qasad ugu dhaaran, laakiinse wuxuu idiin qabanayaa waxa ay quluubtiinna goostaan oo u bareeraan (oo dhaar ah). Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan

[226] Kuwa ka dhaarta xaasaskooda (in muddo ah inaysan u galmooneyn), waxaa la sugayaa afar bilood58, Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[227] Haddayse goostaan furid, haddaba Allaah hubaal waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[228] Oo haweenka la furay waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), oo uma bannaaana inay qariyaan waxa uu Allaah ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo nimankooda baa u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; oo waxay (haweenku) u xaq leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo gar ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[229] Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor, intaas kaddib, ama u haysta (haweenka) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Oo idiinma bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah, haddaba haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxa ay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, ee ha ku xadgudbina. Oo qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, waa kuwan kuwa ah gar ma qaatayaasha

[230] Haddiise uu furo (mar seddexaad) uma bannaana wixii taa ka dambeeya jeer ay soo guursato nin kale. hadduu (ninkaasi dambe) furo (ama dhinto), ma saarna wax eed ah dushooda (haweentaa iyo ninkeedii hore) inay isku noqdaan, hadday dareemaan inay dhowri karaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah. Oo kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, uu uga dhigo caddaan dad garasho leh

[231] Oo markaad furtaan haweenka, oo ay gaaraan muddadda loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Oo ha u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, oo qofkii sidaas fala, wuxuu xaqiiq gef ka galay naftiisa. Oo ha ka dhigannina Aayadaha Ilaahay dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Ilaahay korkiinna, iyo waxa uu idiin soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in Allaah wax walba Ogsoon yahay

[232] Oo markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka_ (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Tan baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Oo Allaah baa ogsoon oo idinku ma ogidin

[233] Oo hooyooyinku waa inay nuujiyaan ilmahooda labo sano oo kaamil ah, xagga kan isagu doonaya inuu taam yeelo mudddada nuujinta, oo masruufkooda iyo marashadooda waa inuu xilkeeda qaado aabbaha si la yaqaan. Ma saarna nafna waxay awooddo maahee. Hooyona waa inaan laga yeelin inay dhibtooto ilmaheeda dartood iyo aabbe ilmaha uu dhalay dartood. Oo xil la mid ah (wuxuu saaran yahay) warasada (aabbaha). Haddayse labaduba doonaan inay ka gooyaan naaska raalli iyagoo ku ah wada tashi kaddib, ma jiro wax eed ahi oo saaran. Oo haddaad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale ilmahiinna, ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad siisaan (hooyada) waxaad ku heshiisaan (inaad siisaan) si la yaqaan. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in Allaah uu Arko waxa aad fashaan

[234] Oo (ma xagga) kuwiinna idinka mid ah oo dhinta oo ka taga afooyin gadaashood, waa inay sugaan afar bilood iyo toban maalmood, haddaba markay gaaraan muddadooda ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxa ay ku falaan nafahooda oo si la yaqaan ah. Oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

[235] Oo ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxa aad sarbeebtaan59 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Allaah wuxuu og yahay inaad xusi doontaan, laakiinse ha ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur in aad ku dhahdaan maahee hadal gar ah, oo ha tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Oo ogaada inuu Allaah ogsoon yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Oo ogaada inuu Allaah yahay Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan

[236] Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad furtaan haweenka idinkoo aan weli taaban, ama aydaan u goyn wax meher ah, oo siiya sahay, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay la yaqaan, (tani) waa waajib saaran sama falayaasha

[237] Oo haddaad furtaan haweenka ka hor inta aydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Oo inaad cafidaan baa u dhow samaha. Oo ha halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Allaah wuu Arkaa waxaad fashaan

[238] Uga qayb gala si joogto ah salaadaha iyo salaadda dhexe60 oo kaca idinkoo si run ah u adeecsan Allaah

[239] Haddiise aad ka cabsataan (cadow, markaa tukada) idinkoo lug ku socda ama fuushan gaadiid. Markase aad nabad tihiin, markaa (ku) xusa Allaah (salaadda) sida uu idiin baray waxaydaan (horay) u aqoonin

[240] Oo kuwaa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga afooyin gadaashood, waa inay u dardaarmaan afooyinkooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn61, haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[241] Oo haweenka la furo, (waa in la siiyo) sahay la yaqaan. Tani waa xil saaran kuwa iska jira xumaha

[242] Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadahiisa, si aad u fahantaan

[243] Miyaadan u fiirsan kuwii ka soo baxay guryahooda iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri? Markaasuu Allaah ku yidhi: Dhinta misna soo nooleeyey. Hubaal Allaah xaqiiq waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan

[244] Oo ku dagaallama Jidka Ilaahay, oo ogaada inuu Allaah yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[245] Kee baa amaahin Allaah amaah wanaagsan oo uu u labo laabaa laban laab badan? Oo Allaah waa (ku) cidhidhiiyaa (risiqa cidduu doono) ama u ballaariyaa. Oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa

[246] Miyaadan u fiirsan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami doonnaa Jidka Ilaahay. Wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Oo maxaan leennahay ee aanan ugu dagaalamayn Jidka Ilaahay innagoo xaqiiq nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Oo Allaah wuu yaqaanaa gar ma qaatayaasha

[247] Oo Nabigoodii wuxuu ku yidhi: hubaal Allaah wuxuu idiin soo baxshay Daaluut boqor ahaan. Waxay yidhaahdeen: Oo sidee buu noogu noqon karaa boqor iyada oo aanu isaga uga xaq leennahay boqortooayda, oo aan la siin hayd iyo hanti ballaaran? Wuxuu yidhi: Hubaal Allaah baa idinka xushay, oo wuxuu siiyey kororsiin cilmi iyo jidhba ah. Oo Allaah wuxuu siiyaa boqortooaydiisa qofkuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

[248] Oo Nabigoodii wuxuu ku yidhi: Hubaal astaanta mulkigiisa waxaa weeye inuu idiin yimaado taabuut (kafan) ay ku jidho xasilooni ka timid Rabbigiin iyo haraa ah waxay ka tageen reer Muuse iyo reer Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Hubaal tani waxaa idiinku sugan calaamo haddaad tihiin mu’miniin

[249] Haddaba markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Hubaal Allaah wuxuu idinku imtixaani doonaa webi. Haddaba qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin hubaal waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaas bay ka cabbeen geddigood in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood, waxay yidhaahdeen: Badanaa inta ay koox yari ay kaga adkaatay koox badan Idanka Ilaahay, Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha

[250] Oo markay u soo ban baxeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Nagu shub samir oo noo sug cagahayaga, oo guul naga sii dadkan gaalada ah

[251] Markaas bay ku jabiyeen Idanka Ilaahay, Oo Daawuud wuxuu dilay Jaaluut, oo Allaah uu siiyey boqortooyo iyo xikmad, oo uu baray wax ka mid ah wuxuu doono. Oo haddaanu Allaah ku celin lahayn dadka qaarba qaar kale, waxaa xaqiiq fasaadi lahaa arlada. Laakiinse Allaah waa u Roonaan badan yahay uunanka

[252] Kuwani waa Aayadaha Ilaahay, oo aanu kuugu akhrinno si xaq ah. Oo hubaal waxaad adigu (Muxammadow) xaqiiq ka mid tahay Rususha (Ilaahay)

[253] Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Allaah la hadlay; oo Wuxuu kor u qaaday qaarkood darajooyin; oo Waxaanu siinnay Ciise, ina Maryam Xujooyin cad, oo waxaanu ku xoojinnay Ruuxa Daahirka ah (Jabriil). Oo hadduu Allaah doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, laakiinse way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahaa ee rumeeyey, iyo kuwo (Xaqa) diiday. Oo hadduu Allaah doono, ma ay is dagaaleen, laakiinse Allaah wuxuu falaa wuxuu rabo

[254] Mu’miniintoy! Wax ka bixiya waxa aan idinku arsaaqnay ka hor inta aanay imaan Maalin aanay jiri doonin beecshuro, saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, oo gaaladu waa iyaga kuwa ah gar ma qaatayaasha

[255] Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo jira samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Oo ma koobi karaan (uunankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu Isagu doono ma’ahee. Kursigiisu62 wuxuu ku fidsan yahay samooyinka iyo arlada, oo ma cusleeyaan ilaalintoodu63, oo waa Isaga Sarreeyaha weyn

[256] Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Runtii hanuunka wuxuu noqaday mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii diida Daaquudka65 (shaydaanka) oo rumeeya Allaah, wuxuu run ahaan ku dhagey siddada aad u adag ee aan go’i doonin. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[257] Allaah waa waliga66 (gargaaraha) kuwa rumeysan. Wuxuu kaga saaraa mugdiyada xagga Nuurka67. Kuwase aan (Xaqa) rumeysneyn gacalladoodu waa shaydaammada Waxay kaga saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwani weeye ehlu naarka, gudaheeda bay ku dhex waari doonaan

[258] Ma waadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Allaah siiyey boqortooyo darteed? markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sabab dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho68. Ibraahiim wuxuu yidhi: Haddaba hubaal Allaah wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bariga ee adigu ka soo saar xagga galbeedka. Markaasuu kaa isagu gaaloobay amakaag aamusay. Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar maqaatayaasha ah

[259] Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Allaah nooleyn doonaa tani dhimashadeeda kaddib? Markaas buu Allaah sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaas soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; oo eeg dameerkaagii oo waxaanu kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Oo dhugo lafaha, sida aan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; haddaba markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay (haatan) inuu Allaah wax walba Karo

[260] Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sida aad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Miyaadan rumaysnayn? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Haddaba soo qaado afar shimbirood, oo u layli inay ku soo raacaan, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan doonaan iyagoo duulaya. Oo ogow in Allaah yahay Adkaade, Xakiim ah

[261] Mataalka kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Ilaahay, wa sida mataalka iniin bixisa toddobo madax, oo madax walba bixiyo boqol xabbo. Oo Allaah wuxuu u labo laabaa (ajarka) qofkuu doono69. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

[262] Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Ilaahay, markaas aan raacinin waxa ay bixiyeen waxtar sheegasho70 iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli doonaan Rabbigood agti, ma cabsi qabi doonaan, mana murugoon doonaan

[263] Hadal san iyo saamaxaad baa ka roon sadaqo ay raacdo waxyeello. Oo Allaah waa Deeqtoone, Dulqaad Badan

[264] Mu’miniintoy! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Dambeysa. marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Oo Allaah ma hanuuniyo gaalada (macangagga ah madax adag)

[265] Oo mataalka kuwa u bixiya maalkooda doonista Raalli gelinta Ilaahay iyo sugitaanka nafahooda darteed, waa sida beer ku taal meel taag ah oo uu helo mahiigaan roob ah oo soo saarta midhaheeda labolaab. haddiise aanu helin mahiigaan roob weyn ah uu ku fillaado roob yar. Oo Allaah wuu Arkaa waxa aad fashaan

[266] Miyuu midkiin jecel yahay inuu lahaado beer timir iyo canab leh, oo ay hoostoodu qulqulayaan webiyo, oo ay ugu yaallaan midho kasta, oo da’i hesho, oo uu leeyahay ilmo tabar yar, markaas ay ku dhacdo beertii xiisad dabeyl ah oo dab wadata, oo ay gubato? Sidaas buu Allaah idiinka dhigaa Aayadaha caddaan, bal inaad u fikir yeelataan

[267] Mu’miniintoy! Wax uga bixiya (si fiican) waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun71, oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho isku qabsasho maahee. Oo ogaada inuu Allaah yahay Deeqtoone, la Ammaano

[268] Shaydaan wuxuu idinku gooddiyaa faqri, oo wuxuu idin amraa inaad ahaataan bakhayllo masuug badan; oo Allaah wuxuu idiin ballan qaadaa dambi dhaaf Xaggiisa ah iyo deeq badan, Oo Allaah waa Deeq Ballaadhane, wax kasta Ogsoon

[269] Wuxuu siiyaa Xikmad qofkuu doono, oo qofkii la siiyo Xikmad, xaqiiq waxaa la siiyey khayr tiro badan. oo ma garowsadaan waxaan aheyn wax garadka

[270] Oo wax kastoo sadaqo ah ee aad bixisaan ama (wax kastoo) nadar ah ee aad nadartaan, hubaal Allaah wuu ogsoon yahay. Oo gar ma qaatayaashu ma heli doonaan wax u soo gargaara

[271] Haddaad u bixisaan sadaqooyinka si caddaan ah, waa hagaag, oo haddaad qarisaan, oo aad siisaan fuqurada, waa sida idiin khayr badan. Oo tani waxaa la idiinku dhaafi wax ka mid ah camalladiinna xun. Oo Allaah waxa aad fashaan waa u Xog Ogaal

[272] Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, laakiinse Allaah baa hanuuniya qofkuu doono. Oo wax kastoo khayr ah aad bixisaan, idinka naf ahaantiinna bay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Ilaahay. Oo wax kastoo khayr ah aad bixisaan dib baa la idiinku oofin doonaa si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dhimi doonin

[273] (Sadaqada) waxaa ugu mudan in la siiyo Fuqarada u heegan xayirmay Jidka Ilaahay, ee aan kareyn dhoof iyo dhaqdhaqaaq dhulka (ay xoogsi ku raadsadaan) midka aan aqooni uu moodayo inay hodan yihiin naf samaantooda awgeed iyo ka dhowrsigooda (baryada), waxaad ku garan kartaan astaamahooda, ma ay baryaan dadka sideedaba. Oo wax kastoo khayr ah ee aad bixisaan, hubaal Allaah wuu Ogsoon yahay

[274] (Ma xagga) kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan

[275] Kuwa cuna Ribada uma kici karaan waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabasha(diisa) u kaco72. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecshurada wax kale maahee waxay uun la mid tahay ribada; oo Allaah wuu xalaaleeyey beecshurada oo xaaraameeyey Ribada. Ee qofkii haddaba waano uga timaaddo Rabbigi markaa iska daaya, wuxuu leeyahay wixii horey u tagey73; oo arrinkiisa Allaah buu la jiraa; qofkiise u noqda, waa kuwan kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan

[276] Allaah ma barakeeyo Ribo, oo sababaa Sadaqooyinka inay bataan. Oo Allaah ma jecla abaal laawe, dambiile oo dhan

[277] Hubaal kuwa rumeysan oo samaha fala oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan

[278] Mu’miniintoy! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo iskaga taga waxa ka baaqi ah (faa’ido laga helay) ribo, haddaad tihiin mu’miniin

[279] Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Allaah iyo Rasuulkiisu, oo haddaad toobad keentaan, haddaba waxaad mudan doontaan raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah)

[280] Oo haddii (deymeysanuhu) daneynsan yahay waa in laga sugo (deynta) intay uga fududaato (bixinteeda), oo inaad u dhaaftaan baa idiin khayr badan, haddaad ogaan lahaydeen

[281] Oo iska jira Maalin la idiin soo celin doono xagga Allaah. markaas naf walba loogu oofin doono si dhan waxay kasabtay iyagoo aan lagu gardarroon doonin

[282] Mu’miniintoy! Marka aad kala deynsanaysaan deyn ilaa muddo magacaaban ah, haddaba qora. Oo ha idiinku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah. Oo yaanu qorahu diidin inuu u qoro sida uu Allaah u baray, ee ha qoro, oo ha yeeriyo (waxa la qorayo) kan xaqa (deynta) qaadan, oo ha dhowro (xilka uu saaray) Allaah, Rabbigi, oo yaanu ka dhimin wax ka mid ah waxa lagu yeesho. Haddiise kan xaqa lagu leeyahay uu yahay mid makas ama daciif ah ama aanu awoodin inuu wax yeedhiyo, kan ugu dhow xigaalo ahaan ha u yeeriyo si caddaalad ah, oo marag gashada labo markhaati oo Raggiinna ka mid ah. Haddaanay joogin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si hadday middood u hilmaanto, ay u xusuusiso tan kale. Oo waa inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeedho (markhaati). Oo ha ka caajisina inaad qortaan (deynta aad kala qaadataan) ha yaraado ama ha badnaado ilaa muddadiisa la qabtay, tan baa caddaaladsan Allaah agtiis oo toosan markhaati ahaan, oo ugu dhow si loo reebo shakiyo dhexdiinna gala, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax eed ahi korkiinna haddii aydaan qorin. Ee marag u yeela markaad wax kala gadanaysaan. Oo yaan loo geysan wax dhibaato ah qore ama markhaati midkoodna, oo haddaad fashaan (dhibaato) haddaba hubaal waa caasinnimo idinku jirta. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah;oo Allaah wuxuu idin baraa cilmi, Oo Allaah wax waliba wuu Ogsoon yahay

[283] Oo haddaad safar tihiin oo aydaan helin qore, markaa ha la qaato rahan (curaar damaanad ahaan), haddiise uu midkiin aamino midka kale, markaa waa inuu kan la aaminay u guto ammaanadiisa (si daacad ah) oo ha dhowro (xilka uu saaray) Allaah, Rabbigi. Oo ha qarinnina marag furka, oo qofkii qariya, qalbigiisu hubaal waa dambiile. Oo Allaah waxa aad fashaan wuu Ogsoon yahay

[284] Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo wax jira arlada, oo haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan. Allaah wuu idin ku xisaabin doonaa, markaas wuxuu u dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Oo Allaah wax walba awood buu ku dul leeyahay

[285] Rasuulku wuxuu rumeysan yahay waxa lagaga soo Waxyooday xagga Rabbigi, oo (sidaas bay yeelaan) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeynsan yihiin Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusushiisa dhexdooda, oo waxay yidhaahdaan: Waanu maqlaynaa oo adeeceynaa. Rabbiyow! Dambi Dhaafiddaada (yaanu kaa barinnaa), oo waa Xaggaaga meel noqodka dambe

[286] Allaah ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (dambi) kasabtay Rabbiyow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbiyow! Oo ha na saarin culays sida aad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbiyow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur, oo noo naxariiso76. Adigaa ah Gacalkayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah

Aala Cimraan

Surah 3

[1] Alif – Laam - Miim

[2] Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa weligii Noolaha, iski u jira, walax kastaana ku jirto oo ku ahaato Amarkiisa

[3] Wuxuu kuugu soo waxyooday Kitaabka si xaq ah, isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), oo Wuxuu soo waxyooday Towraadda iyo Injiilka…

[4] Kal hore, hanuun ahaan dadka, oo wuxuu soo waxyooday Furqaanka (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeysnayn Aayaadaha Ilaahay, waxay mudan doonaan cadaab daran; oo Allaah waa Adkaade, Aargoosi leh

[5] Allaah-- hubaal waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada

[6] Isaga weeye Kan idiinku sawira ilma galeennada sida uu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah

[7] Isaga weeye Kan kuu soo waxyooday Kitaabka, qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg. Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir (iskood ah)1, umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Allaah. Oo kuwa ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Oo ma garowsadaan cid aan aheyn wax garadka

[8] Rabbiyow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay2, oo nooga hibee xaggaaga Naxariis. Hubaal waxaad Adigu tahay kan Deeqda baxsha

[9] Rabbiyow! Adigaa isu soo ururin doonaa dadka Maalin aan shaki lahayn; hubaal Allaah ma ka baxo Ballankiisa

[10] (Ma) kuwa gaalada ah hubaal waxba ugama tari doonaan maalkoodu iyo ilmahooda Allaah agtiisa; oo kuwan weeyaan kuwa ah shidaalka Naarta

[11] Waa shaqadii reer Fircoon oo kale iyo kuwii ka horreeyay; waxay beeniyeen Aayadahayagii, markaasuu Allaah u halligay duntuubtoodii darteed. Oo Allaah Ciqaabtiisu way daran tahay

[12] Ku dheh gaalada: Waa la idinka adkaan, oo la idinku soo ururin wada jir Naar, oo ah tan ugu xun gogol la dhinac dhigo

[13] Xaqiiq waxaa idiinku jirtay calaamo labadii ciidammood ee ku kulantay (dagaalkii Badar): Koox u dagaallameysay Jidka Ilaahay dartii, iyo tan kaloo gaal ahayd waxay u arkeen labo jibbaarkood tiro ahaan xagga aragtida isha (inkastoo ay ahaayeen seddex jibbaarkood). Oo Allaah wuxuu ku xoojiyaa taageeradiisa qofkuu doono. hubaal tani waxaa ugu jirta cibrad kuwa aragtida dheer leh

[14] Jaceylka waxyaalaha naftu rabto, oo leh haween, wiilal, iyo kayd badan oo dahab iyo qalin ah iyo fardo laylan oo qurxoon iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran baa loo qurxiyey dadka. tani waa sahayda nolosha adduunkan; oo Allaah agtiisa baa noqosho wanaagsan leh

[15] Dheh: Ma idiin sheegaa waxa ka fiican waxyaalahani? Waxay leeyhiin kuwaa iska jira (xumaha) _ beero Rabbigood agtiis ah ay hoostoodu qulqulaan wabiyo, iyagoo ku dhex waaraya, iyo afooyin daahir ah iyo raalli ahaansho xag Ilaahay ah. Oo Allaah wuu Arkaa Addoomihiisa

[16] Kuwaa yidhaahda: Rabbiyow! Hubaal innagu waanu rumeysannahay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, oo naga dhowr cadaabta Naarta

[17] Sabrayaasha iyo run sheegga, iyo daacadda iyo kuwa si fiican (oo deeqsinnimo leh) wax u bixiya, iyo kuwa weydiista dambi dhaaf waqtiyada aroorta hore ah

[18] Allaah wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, oo malaa’igtu (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga lehba; Wuxuu ku dhaqaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Fal iyo odhaah samaha ah

[19] Hubaal, Diinta Xaqa ahi Allaah agtiisa waa Islaamka. Oo kuwii la siiyey Kitaabka isma ay khilaafin waxaan ahayn intii uu u yimid cilmiga xasad dhexdooda ah darti. Oo qofkii rumeysan waaya Aayadaha Ilaahay, haddaba hubaal Allaah way dhaqsi badan tahay xisaabtiisu

[20] Haddiise ay kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan Allaah, waana sidaas qofkii I raaca. Oo ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka iyo kuwa aan wax baran: Miyaad isdhiibeysaan?3 Haddaba hadday is dhiibaan, markaa runtii waa hanuunsan yihiin; haddiise ay dhabarka jeediyaan, haddaba waxaa ku saaran uun gaarsiinta Risaalada; oo Allaah wuu arkaa addoomahiisa

[21] Hubaal (ma) kuwa rumeysan waaya Aayadaha Ilaahay, oo ku dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah4. Ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan

[22] Kuwaas weeye kuwa ay acmaashoodu ku noqon doonaan baabba’a adduunkan iyo Aakhiradaba, oo ma heli doonaan wax u soo gargaara

[23] Miyaadan u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka? waxaa loogu baaqaa Kitaabka Ilaahay si uu u kala xukumo dhexdooda, markaas bay qaar ka mid ah dhabarka jeediyaan, oo siibtaan

[24] Waxaa tani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naarta nama taaban doonto waxaan aheyn maalmo tirsan. Oo waxaa ku hoda diintooda waxay been abuurteen

[25] Ee sidee bay ahaan doontaa marka aan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin, oo naf walba loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin

[26] Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada kan aad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada kan aad doonto, oo waxaad kor yeeshaa kan aad doonto, oo hoos yeeshaa kan aad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayrku. Hubaal Adiga baa wax kasta Kara oo awood ku dul leh

[27] Waxaad ka yeeshaa habeenka inuu dhex galo maalinta, oo ka yeeshaa maalinta inay dhex gasho habeenka, oo ka soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool5. Oo Waxaad arzaaqdaa kan aad doonto xisaab la’aan

[28] Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada gacallo halkii mu’miniinta, oo qofkii sidani fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Ilaahay, waase inaad iska ilaalisaan xaggooda iska ilaalin dhan6. Oo Allaah wuxuu idiinka digaa Naftiisa7, oo waa xagga Allaah meel noqodka dambe

[29] Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Allaah wuu ogsoon yahay, oo wuxuu ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo Allaah wax walba wuu Karaa

[30] Maalinta naf waliba heli doonto waxa khayr ay fashay oo la hor keeno iyo waxa xume ay fashay, waxay jeclaan doontaa in dhexdooda iyada iyo xumahaa ay ahaan lahayd geeddi aad iyo aad u fog. Oo Allaah wuxuu idiinka digaa Naftiisa (Ciqaabkiisa). Oo Allaah waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa

[31] (Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Allaah jeceshihiin, haddaba i soo raaca, Allaah baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[32] Dheh: Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Muxammad). Haddiise ay dhabarka jeediyaan, hubaal Allaah ma jecla gaalada

[33] Hubaal Allaah wuxuu ka doortay Aadam iyo Nuux iyo reer Ibraahiim iyo reer Cimraanba ummadaha dhan dushood

[34] Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, oo Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Og

[35] Waa tii ay marwadii Cimraan tidhi: Rabbiyow! Waxaan anigu hubaal kuu nadar galay in waxa ku jira uurkayga uu u madax bannaanaado (cibaadadaada) ee iga aqbal. Hubaal waxaad Adigu tahay wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

[36] Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan dhalay ilmo dheddig ah, oo Allaah wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxa ay dhashay – oo labku ma aha la mid dheddiga, oo waxaan u bixiyey Maryam8, oo waxaan kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay

[37] Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal wanaagsan, oo ka yeelay inay korto koritaan wanaagsan, oo u dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kasta oo uu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xag Ilaahay. Hubaal Allaah wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan

[38] Halkaas buu Zakariya ku baryey Rabbigii, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga sii Xaggaaga ubad wanaagsan. Hubaal Waxaad tahay Maqlaha baryada

[39] Markaas bay malaa’igtu u dhawaaqday isagoo taagan oo ku tukanaya Mixraabka: in Allaah uu kuugu bishaaraynayo Yaxyaa oo rumeynaya Eray xagga Ilaahay ah oo sharaf leh oo dhowrsoon oo Nabi ah ka mid ah kuwa wanaagsan

[40] Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan doonaa wiil ( ii dhasha) , anigoo da' noqday, oo haweentaydu waa ma dhaleys? Wuxuu yidhi: Sidaas buu Allaah u falaa wuxuu doono

[41] Wuxuu yidhi: Rabbbiyow! Ii yeel calaamo. Wuxuu yidhi: Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood tilmaamo ma’ahee. Oo xus Rabbigaa wax badan oo xurmo weynee oo huf galab iyo subaxba

[42] Oo waa tii malaa’igtu tidhi: Maryameey! Hubaal Allaah wuu ku doortay oo ku daahiriyey, oo kaa doortay dumarka caalamka

[43] Maryameey! U joogtee daacadda Rabbigaa, oo sujuud, oo la rukuuc kuwa rakuuca

[44] Kani waa wax ka mid ah wararka waxa aan muuqan ee Ghaybka ah ee aanu kuu waxyoonno, oo lama aadan joogin markay qallamadooda tuuranayeen (si ay go’aan uga gaaraan) kooda kafaala qaadaya Maryam; oo adigu lama aadan joogin markay isla doodayeen

[45] Waa tii malaa’igtu tidhi: Maryameey! Allaah wuxuu kuugu bishaaraynayaa Erey ka yimid Xaggiisa, oo magaciisu yahay Al-Masiix Ciisaa, ibnu Maryam, oo ku leh sharaf adduunkan iyo aakhiradaba, oo ka mid ah kuwaa la soo dhoweeyo

[46] Oo wuxuu la hadli doonaa dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ah, oo (ahaan doonaa) mid ka mid ah kuwa wanaagsan

[47] Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan doonaa wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? Wuxuu yidhi: Sidaas oy tahay, Allaah wuxuu abuuraa wuxuu doono. Marka uu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, markaa waaba yahay

[48] Oo Wuxuu bari doonaa qoraalka iyo Xikmadda iyo Towraadda iyo Injiilka

[49] Oo (ka dhigi doonaa) Rasuul loo diro ilmaha Israa’iil: Inaan idiin la imid Calaamo xagga Rabbigiin ah, inaan idiinka gooyo dhoobada wax sida muuqaal shimbir leh, markaasaan afuufaa oo wuxuu noqdaa shimibir Idanka Ilaahay. Oo waxaan bogsiiyaa indhoolaha iyo baraslaha, oo soo nooleeyaa meytida Idanka Ilaahay, oo waxaan wax idiinka sheegaa waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan guryihiinna. Hubaal tani waxaa idiinku sugan xaqiiq calaamo, haddaad tihiin mu'miniin

[50] Iyo xaqiijiye ahaan waxa hortyada ah ee Towraadda, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey, oo waxaan idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo i Adeeca

[51] Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, ee caabuda Isagoo Keliya, waa kane Jidka Toosan

[52] Markiise uu Ciise ka dareemay gaalnimo xaggooda, wuxuu yidhi: Yaa iigu gargaari xagga (Jidka) Ilaahay? Xertii waxay yidhaahdeen: Annagaa ah gargaarayaasha (Jidka) Ilaahay; waxaanu rumeysannahay Allaah, oo marag ka ahow inaanu nahay Muslimiin

[53] Rabbiyow! Waxaanu rumeysannahay waxa aad soo waxyootay, oo raacnaa Rasuulka, ee nagu qor la jirka markhaatiyada

[54] Oo tab ayey dhigeen, oo Allaah (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Oo Allaah baa ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa

[55] Oo waa tii Allaah yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga, oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, oo waan idiin kala garsoori doonaa dhexdiinna waxaad isku khilaafteen

[56] Markaa ma kuwa gaalada ah, waxaan cadaabi doonaa cadaab daran adduunkan iyo Aakhiradaba, oo ma heli doonaan wax u soo gargaara

[57] Ma kuwase (Xaqa) rumeysan ee samaha fala, wuxuu u oofin doonaa abaalgudyadooda oo dhan.Oo Allaah ma jecla gar ma qaatayaasha

[58] Kan baan kuu akhrinnaa ee ka mid ah Aayadaha iyo waanada xikmadda ah

[59] Hubaal mataalka Ciise xagga Ilaahay waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray ciid, markaasuu ku yidhi: Ahow, oo wuu ahaaday

[60] (Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka

[61] Qofkii se kaala dooda arrinkan kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Ilaahay ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha

[62] Hubaal kani dhabtii waa faallada runta ah, oo ma jiro ilaah aan ahayn Allaah. Oo Allaah waa Adkaadaha, Xakiimka ah

[63] Haddiise ay dhabarka jeediyaan, haddaba hubaal Allaah wuu ogsoon yahay kuwa wax fasahaadiya

[64] Dheh: ehlul Kitaabow! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin axadna Allaah maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Allaah. Haddiise ay dhabarka jeediyaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin

[65] Ehlul Kitaabow! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, oo lamaba soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn

[66] Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxa aad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad haddaba uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Oo Allaah baa ogsoon, idinkuse ma ogidin

[67] Ma uu ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna9, laakiinse wuxuu ahaa toosane, Muslim ah, oo kama uu mid aheyn mushrikiinta

[68] Hubaal kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan iyo kuwa rumeysan. Oo Allaah waa Gargaaraha mu’miniinta

[69] Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, oo ma dareensana

[70] Ehlul Kitaabow! Maxaad u diideysaan Aayadaha Ilaahay idinkoo markhaati ka ah

[71] Ehlul-Kitaabow! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon

[72] Oo koox ka mid ah ehlul- Kitaabka waxay yidhaahdaan: Rumeeya waxa loo soo waxyooday kuwaa rumeysan gelinka hore ee maalinta, oo diida aakhirkeeda, bal in ay ka soo noqdaan (diintooda)

[73] Oo ha aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna. Dheh: Hubaal hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Ilaahay, (oo ma xasdeysan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Hubaal fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Ilaahay;Wuxuu siiyaa kuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

[74] Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Oo Allaah waa Rabbiga Fadliga Weyn

[75] Oo waxaa ka mid ah ehlul- Kitaabka mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin doona isagii oo dhan; oo waxaa ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudi doonin inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa tan ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah (nalagu eedeeyo)11; oo waxay Allaah ka sheegaan been iyagoo ogsoon

[76] Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa oo iska jira (xumaha) haddaba hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa iska jira xumaha

[77] Hubaal kuwa ku iibsada Axdiga Ilaahay12 iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma lahaan doonaan wax saami ah Aakhirada. Oo Allaah lama hadli doono, mana eegi doono Maalinta Qiyaamaha, mana daahirin doono, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

[78] Oo hubaal waxaa ka mid ah qaar ku weecsha carrabyadooda Kitaabka si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, oo waxay yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Ilaahay; isagoo aan ka iman xagga Ilaahay, oo waxay ka sheegaan Allaah been iyagoo ogsoon

[79] Kuma habboona qof inuu Allaah siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinnimo, markaas uu ku yidhaahda dadka: Ii noqda addoommo halkii Allaah; Laakiinse (halkii taa wuxuu yidhaahdaa): Ahaada caabudayaal Rabbi, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxaad akhrinaysaan

[80] Oo idinma amrayo inaad ka dhigataan malaa’igta iyo Nabiyada rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo intaad Muslimiin noqoteen kaddib

[81] Oo waa tii uu Allaah ka qaaday Nabiyada ballan adag13: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, oo markaas idiin yimaado Rasuul xaqiijinaya waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo waa inaad u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadaneysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirsannahay. Wuxuu yidhi: Haddaba markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada

[82] Ee qofkii dhabarka jeediya tani kaddib,kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha

[83] Oo haddaba ma waxaan ahayn diinta Ilaahay bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay u hoggaansan yihiin waxa jira oo dhan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, oo Xaggiisa baa loo soo celin doonaa

[84] Dheh: Waxaanu rumeysansannahay Allaah, iyo waxa naloo soo waxyooday, iyo waxa loo soo waxyooday Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Oo innaguna Isaga ayaan isu dhiibnaa

[85] Oo qofkii doona waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbali doono, oo wuxuu Aakhirada ka mid ahaan doonaa kuwa ku sugan khasaarada

[86] Sidee baa Allaah u hanuunin doonaa qolo diidday (Xaqa) rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah

[87] (Ma xagga) kuwani, abaalkoodu waa inay korkooda ku dhacdo Nacladda Ilaahay, iyo malaa`igta iyo dadka oo dhan

[88] Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabta lagama khafiifin doono, oo lama siin doono nafis

[89] Marka laga reebo kuwa toobad keena taasi (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada. haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[90] Hubaal, kuwa Xaqa diida rumayntoodii kaddib, haddana kororsada iimaan darro, lagama aqbali doono toobadooda (ay sheegtaan), oo waa kuwan kuwa lunsan

[91] Hubaal, kuwa (xaqa) diida oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbali doono midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwan weeye kuwa mudan doona cadaab aad u xanuun badan, oo ma heli doonaan wax u gargaara

[92] Marnaba ma haleeli doontaan ajarka wanaagsan (ee Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; oo wax kastoo aad bixisaan, hubaal Allaah waa uu Ogsoon yahay

[93] Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intii aan la soo waxyoon Towraadda14. Dheh: Keena haddaba Tawraadda oo Akhriya, haddaad tihiin run sheegayaal

[94] Haddaba qofkii ka been sheega Allaah tani kaddib, kuwan weeye kuwa ah gar ma qaatayaasha

[95] Dheh: Run buu sheegay Allaah; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, oo kama mid aheyn mushrikiinta

[96] Hubaal gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) xaqiiq waa midka ku yaal Bakka15, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha

[97] Waxaa ku dhex yaaal calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; oo qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. Oo u xajinta beydka waa xil saaran dadka dar Ilaahay, (waa xil saaran) qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggeeda17, oo qofkii beeniya, haddaba hubaal Allaah wuu ka kaaftoon yahay uunanka

[98] Dheh: ehlul Kitaabow! Maxaad u diideysaan Aayadaha Ilaahay? Oo Allaah wuu u jeedaa waxa aad fashaan

[99] Dheh: Ehlul- Kitaabow! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Ilaahay kan rumeysan? Waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

[100] Mu’miniintoy! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (waa Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin doonaan gaalo ahaan iimankiinna kaddib

[101] Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Ilaahay, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Oo qofkii si sugan u qabsada Allaah, waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jidka Toosan

[102] Mu’miniintoy! Dhowra ( xilka uu idin saaray) Allaah, ka dhowrsiga uu mudan yahay, oo ha dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Allaah)

[103] Oo si sugan u qabsada Axdiga Ilaahay dhammaantiin, oo ha qaybsamina, oo xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); oo waxaad qarka u saarnaydeen bohol Naar ah, markaasuu idinka badbaadshay. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, bal inaad hanuuntaan

[104] Oo ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, oo amarta samaha oo reebta xumaha. Oo kuwan weeye kuwa liibaani doona

[105] Oo ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Oo kuwan weeye kuwa mudan cadaab aad u daran

[106] Maalinta marka wajiyo (qaar) ay caddaan, oo wejiyo (qaarna) ay madoobaan; marka ma kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan: Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dha- dhamiya cadaabta gaalnimadiinnii darteed

[107] Kuwase ay wajiyadoodu caddaadaan, waxay dhex ahaan doonaan Naxariista Ilaahay (Jannada), iyagoo ku dhex waari

[108] Kuwani waa Aayadaha Ilaahay ee aan kuugu akhrinno xaq, oo Allaah lama doono wax gardarro ah uunanka

[109] Oo Allaah baa leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo xagga Allaah bay umuurahoo dhan u noqdaan

[110] Waxaad tihiin tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, oo aad reebtaan xumaha, oo rumeysan tihiin Allaah. oo hadday ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen, waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah, oo badankoodu waa caasiyaal

[111] Idiinma geysan doonaan sinnaba wax waxyeello ah, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaallamaan dhabarkay idiin jeedin doonaan, markaas looma gargaari doono

[112] Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo, waxaan aheyn marka ay ku hoos jiraan axdi xagga Ilaahay ah, ama axdi xagga dadka ah; oo waxay noqdeen kuwo mudan Cadho xag Ilaahay ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diideen Aayadaha Ilaahay oo ku dileen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay caasiyeen oo xadgudbeen

[113] Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan18; waxay akhriyaan Aayadaha Ilaahay waqtiyada habeenka, oo way u sujuudaan

[114] Waxay rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta Dambeysa; oo waxay amraan samaha oo reebaan xumaha19; oo waxay iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, oo kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan

[115] Oo wax waliba oo khayr ah ay falaan lagama dayrin doono abaalkooda; oo Allaah wuu Og yahay kuwa iska jira (xumaha)

[116] (Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan diida, hubaal wax ugama tari doonaan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Ilaahay. Oo waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ay ku dhex waari doonaan

[117] Mataalka waxa ay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabayl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Oo Allaah ma uusan ku gardarroon, laakiinse iyagaa nafahooda u gefey

[118] Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn, oo aan ka gaabsanayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, oo waxay laabahoodu qarsadaan baa weliba ka sii weyn. Xaqiiq waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad garowsan doontaan

[119] Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (Yuhuudda iyo Nasaarada), halka ay iyagu idin jecleyn, oo waxaad rumeysan tihiin Kitaabka (waxa ku yaal) oo dhan. Oo markay idinla kulmaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Allaah waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

[120] Hadday idin haleesho wanaag, waa ay murugo gelisaa, oo hadday idinku dhacdo xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Allaah wuu koobaa waxay falaan

[121] Oo waa tii aad ka jarmaadday goor aroor hore ah ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan20 Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[122] Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan21, oo Allaah baa ahaa Gargaaraha labadoodaba.oo waa inay Allaah ku kasloonaadaan mu’miniintu

[123] Oo wuxuu xaqiiq Allaah idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, si aad u mahad naqdaan

[124] Waa tii aad ku lahayd mu’miniinta: Oo miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo la soo diray

[125] Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri doonaa shan kun oo malaa’ig ah, oo calaamadeysan

[126] Oo Allaah kama uu dhigin (arrintaas) waxaan ahayn war san oo la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Oo guushu kama timaaddo waxaan aheyn xagga Ilaahay Adkaadaha, Xakiimka ah

[127] Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah

[128] Waxba kaama gelin arrinka23, hadduu ugu soo noqonayo (si naxariis leh) ama ci- qaabayo, hubaal iyagu waa gar ma qaatayaal

[129] Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Wuxuu u dambi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[130] Mu’miniintoy! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii laab laabay, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah aad liibaantaane

[131] Oo iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada

[132] Oo adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), si la idiinku naxariisto

[133] Oo u degdega dambi dhaaf xagga Rabbigiin ah, iyo Beer, ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, waxaa loo diyaariyey kuwa iska ilaasha (xumaha)

[134] Kuwa wax u bixiya (si wanaagsan) waqtiga ladnaanta iyo lurnaantaba, iyo kuwa liqa cadha(dooda) oo iska cafiya dadka. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha

[135] Iyo kuwa markay falaan anshax xumo ama u gefaan nafahooda24, xusuusta Ilaahay, oo weydiista in laga dhaafo dambiyadooda; oo yaa dhaafa dambiyada aan aheyn Allaah, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxa ay faleen

[136] (Ma xagga) kuwan- abaalgudkoodu waa dambi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero ay hoostoodu qulqulaan wabiyo, oo ay ku dhex waarayaan, oo wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha

[137] Xaqiiq waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee ku socdaala dhulka oo fiirsha sida ay ku dambeysey cidhibta beeniyayaasha

[138] Kanu waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano ku socota kuwa iska ilaasha xumaha

[139] Oo ha ahaannina kuwo aan sugnaan, oo ha murugoonnina, oo idinkaa sarreyn doono haddaad tihiin mu’miniin

[140] Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa xaqiiq soo gaaray dhaawac la mid ah dadkaa (gaalada) ah; oo waxaan ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, oo waa si uu Allaah u muujiyo kuwa rumeysan, oo idiinka sameysto shuhado. Oo Allaah ma jecla gar ma qaatayaasha

[141] Oo waa si uu u daahiriyo kuwa rumeysan oo u beelaan gaalada barakooyinka

[142] Ma waxaad mooddaan inaad gali doontaan jannada isagoon Allaah aan weli muujin kuwiinna aad u jihaada25 oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin kuwa samrayaasha ah

[143] Oo xaqiiq waxaad rabteen dhimashada ka hor intaydaan la kulmin. Oo xaqiiq waad aragteen idinkoo eegaya

[144] Oo Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul, Waxaa xaqiiq tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto26 ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Oo qofkii dib ugu gaddoomaa cirbihiisa, waxba uma dhimi doono Allaah, Oo Allaah waa u abaal gudi doonaa mahad naqayaasha

[145] Oo nafi ma dhiman doonto Idanka Ilaahay ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Oo qofkii raba abaalka adduunyadan, Waxbaan ka siin doonnaa, oo qofkii raba abaalka Aakhirada, waxbaan ka siin doonnaa. Oo Waanu u abaal gudi doonnaa mahad naqayaasha

[146] Oo badanaa inta Nabi ee ay la dagaal galeen Rabbi yaqaanno tiro badan. Ee marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Ilaahay, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Oo Allaah wuu jecel yahay kuwa samir yeesha

[147] Oo ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbiyow! Noo dhaaf dambiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, oo noo sug cagahayaga, oo nooga gargaar dadkaa gaalada ah

[148] Markaasuu Allaah siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha

[149] Mu’miniintoy! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin doonaan cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi doontaan idinkoo khasaaro ku sugan

[150] Mayee! Allaah baa ah Gargaarihiin, Isaga baana u wanaagsan gargaarayaasha

[151] Waxaan ku tuuri doonnaa argagax quluubta kuwa rumeysan diida, sababta la wadaajintooda Allaah waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; oo hoygood waa Naarta. Oo wax xun oo baas waa hoyga gar ma qaatayaasha

[152] Oo xaqiiq Allaah wuxuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen28 kaddib markuu idin tusiyey waxa aad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, oo waxaa idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaas buu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Oo xaqiiq wuu idiin cafiyey. Oo Allaah wuu u Roon yahay mu`miniinta

[153] Waa tii aad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, oo Rasuulku uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna29, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna30, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

[154] Markaas hammi kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, xasiloonni u imaneysa koox idinka mid ah31, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen32, oo waxay ku maleeyeen Allaah male xun aan xaq ahayn oo malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Hubaal arrinka oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Ilaahay. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn33, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan34. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, oo waa si uu Allaah u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna, oo Allaah wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

[155] (Ma) kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (eed) ah oo ay kasbadeen awgeed. Oo xaqiiq Allaah wuu iska cafiyey. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan

[156] Mu’miniintoy! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood marka ay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Allaah uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Oo Allaah baa bixiya nolol oo sababa dhimasho. Oo Allaah wuu arkaa waxa aad fashaan

[157] Oo haddii la idinku dilo Jidka Ilaahay ama aad dhimataan, xaqiiq Dambi dhaaf xagga Ilaahay ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxa ay urursadaan

[158] Oo haddaad dhimataan ama la idin dilo, hubaal Ilaahay Xaggiisa baa la idinku soo kulmin doonaa idinkoo dhan

[159] Sidaas waa Naxariista Ilaahay darteed inaad ula dhaqanto si nugul, oo haddaad ahaan laheyd mid qallafsan, qalbi adag, waxay xaqiiq ka kala yaaci lahaayeen hareerahaaga; ee iska cafi oo u dambi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, ee marka aad goosato arrin isku hallee Allaah, hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa isku halleeya

[160] Hadduu Allaah idiin gargaaro, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; oo hadduu idinka goosto, waa kuma haddaba kan idiin gargaari kara Isaga ka dambow? Oo Allaah (Keliya) ha isku halleeyaan mu’miniintu

[161] Oo ma aha wax ka suurooba Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), oo qofkii wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama booli qaran) wuxuu keeni doonaa waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha35. Markaas baa naf walba waxaa loogu oofin doonaa si dhan waxa ay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin

[162] Ee ma mid raaca Raalli gelinta Ilaahay baa la mid ah kan isagu mutaysta Cadhada Ilaahay, oo hoygiisu yahay Naar, oo waa meel baas oo aayo xun

[163] Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Allaah agti, Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan

[164] Xaqiiq Allaah Wuxuu ku galladeystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul nafahooda ka mid ah, u akhriyaya Aayadihiisa, oo daahirinaya, oo baraya Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor hubaal ay ku sugnaayeen habow caddaan ah

[165] Waa la yaabe! Ma markii ay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba xaqiiq aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee bay nooga timid tani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Allaah wax walba wuxuu ku dul leeyahay awood buuxda

[166] Oo wixii idinku dhacay maalintii markay labada col isku heleen (Uxud), waxay ku dhacday Idanka Ilaahay, oo waa si uu u muujiyo mu’miniinta

[167] Iyo si uu u muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Ilaahay ama difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu ognahay dagaal, xaqiiq waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Oo Allaah wuu Og yahay waxa ay qarsadaan

[168] Kuwaa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Haddaba ka caabbiya nafahiinna dhimashada, haddaad tihiin run sheegayaal

[169] Oo ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Ilaahay meyti, Mayee, way nool yihiin,(oo) Rabbigood agtiis lagu arzaaqaa

[170] Iyagoo ku faraxsan waxa uu Allaah ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwaa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin36, inaanay cabsi qabi doonin oo aanay murugoon doonin

[171] Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad ka timid Allaah iyo Fadli(giisa) darteed, iyo inaanu Allaah dayaci doonin ajarka mu’miniinta

[172] (Ma xagga) kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Allaah iyo Rasuulka kaddib inta uu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay mudan doonaan ajar aad u weyn

[173] Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse tani kordhisay Iimaankooda, oo waxay yidhaahdeen: Allaah baa nagu filan, oo Isagaa u fiican cid wax xafidda

[174] Markaas bay la noqdeen Nicmo uga timid Allaah iyo Fadli(giisa), oo ma aanay taaban xumaato oo waxay raaceen Raalli gelinta Ilaahay. Oo Allaah waa Rabbiga Fadli weyn

[175] Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin

[176] Oo yey ku murugo gelin kuwa uga dhaca gaalnimada si degdeg ah37; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Allaah marnaba. Allaah Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax qayb ah Aakhirada, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u weyn

[177] Hubaal, Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimi doonaan Allaah marnaba, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

[178] Oo yey gaalada moodin in u dib dhigiddeydu ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan dambiyo, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u dulleysa

[179] Sinnaba Allaah uguma tagi doona mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Oo ma aha Allaah mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, laakiinse Allaah wuxuu ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. Oo haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad mudan doontaan abaalgud aad u weyn

[180] Oo yey moodin, kuwa ku bakhayla bixinta waxa uu siiyey Allaah oo Deeqdiisa ka mid ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri doonaa waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha38. Oo Allaah baa iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

[181] Allaah xaqiiq wuu maqlay odhaahda kuwii (Yuhuuddii) yidhi: Hubaal Allaah waa faqiir oo innagaa hodan ah. Waanu qori doonnaa waxay yidhaahdeen iyo ku dilkooda anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan doonnaa: Dhadhamiya Cadaabta Gubashada

[182] Waxakani waa waxa ay gacmihiinnu horay u geysteen iyo sababta inaanu Allaah ahayn mid ku gardarrooda addoomaha

[183] (Kuwaas weeye) kuwii yidhi, hubaal Allaah wuxuu na xilsaaray inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaado) cuno. Dheh: Xaqiiq waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaa aad dalabteen, ee maxaad u disheen haddaad tihiin run sheegayaal

[184] Haddiise ay ku beeniyaan sidaa oo kale baa xaqiiq loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya

[185] Naf walba way dhadhamin doontaa dhimasho, oo waxaa uun la idiinku oofin doonaa si dhan ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada baa xaqiiq liibaanaya. Oo ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn sahay lagu dagan yahay

[186] Waxaa xaqiiq la idinku imtixaami doonaa xagga maalkiinna iyo nafahiinnaba, oo waxaad xaqiiq ka maqli doontaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo xagga kuwaa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, oo haddaad samir yeelataan oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrin-kaas waa ka mid umuuraha la go’aansado

[187] Oo waa tii Allaah la galay axdi kuwii la siiyey Kitaabka, waa inaad run ahaan u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin39, waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxaa ay gataan

[188] Ha moodina in kuwa ku farxa waxa ay faleen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin, _ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabta, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

[189] Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba, Oo Allaah wax walba wuu Karaa

[190] Hubaal abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin wax garadka

[191] Kuwa xusa Allaah joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, oo ka fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbiyow! Uma aadan abuurin kani baadil, Adigaa nazahan oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabta Naarta

[192] Rabbiyow! Hubaal qofkii aad geliso Naarta, xaqiiq waa dulleysay, oo gar ma qaatayaasha ma yeelan doonaan gargaarayaal

[193] Rabbiyow! Hubaal waxaanu innagu maqallay baaqe ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbiyow! Ee noo dhaaf dunuubtayada, oo noo astur xumayaalkeenna, oo na oofso la jirka baarriyiinta

[194] Rabbiyow! Oo na sii waxa aad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide

[195] Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii): Inaan Anigu dayaci doonin camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga, ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan xaqiiq asturi doonaa xumayaalkooda oo waxaan xaqiiq gelin doonaa beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Ilaahay, oo Allaah baa haya oo weliba baxsha abaalgud aad u wanaagsan

[196] Yaanay ku dagin galoo baxa kuwaa gaalada ah magaalooyinka cabsi la’aan

[197] Waa raaxo yar; kaddibna hoygoodu waa Naar; oo ugu xun gogol la yeesho

[198] Laakiinse, kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood, waxay mudan doonaan beero ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan, marti qaad uu u fidiyey Allaah; oo Allaah wuxuu hayaa u khayr badan kuwa baarriga ah

[199] Oo hubaal ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Allaah, iyo waxa la idiin soo waxyooday, iyo waxa iyaga loo soo waxyooday, oo u khushuuca Allaah, oo aan ku iibsan Aayadaha Ilaahay qiimo yar. Kuwan weeye kuwa ku leh ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Allaah wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta

[200] Mu’miniintoy! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan40, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah aad liibaantaane

An-Nisaa

Surah 4

[1] Dadoow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Rabbigiin, Ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray isla waxaa (carrada) lammaankeeda la (nooca) ah (Xaawo), oo ka baahshay labadani rag tiro badan iyo haweenba; oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), oo (dhowra xaqa) qaraabada1. Hubaal Allaah waa idin dhugtaa dhugasho joogto ah

[2] Oo siiya agoomaha maalkooda, oo ha kaga beddelannina (waxyaalo) aan qiimo lahayn waxooda wanaagsan; oo ha ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Tani hubaal waa dambi aad u weyn

[3] Oo haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmi karin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo iyo saddex iyo afarba haddiise aad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmi doonin si caddaalad ah2 markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya3 ama waxay gacmahiinnu midig hantaan4. Tan baa u dhow, inaydaan gardarro falin

[4] Oo siiya haweenka meherradooda siismo ay u xor yihiin, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherkaa), markaa ku qaata si raalli ah iyo dhib la’aan

[5] Oo ha siinnina maalkiinna uu Allaah idiinka dhigay wax aad ku dhaqan tihiin makasta5, kase quudiya (faa’idooyinka ka soo baxa) oo uga arrad tira, oo kula hadla hadal wanaagsan oo daacad ah

[6] Oo imtixaama agoomaha ilaa ay ka gaaraan guur gal; markaa haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, oo ha u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, oo qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, oo qofkii fiqiir ah, ha cuno si la garwaaqsan karo. ee markaad u dhiibeysaan maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; oo Allaah ku filan inuu ahaado xisaabiye

[7] Ragga waxay qayb ku leeyihiin waxa ay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan. Oo haweenka waxay qayb ku leeyihiin waxa ay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan. ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad

[8] Oo hadday joogaan qaybta qaraabo, iyo agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya6, oo kula hadla hadal san oo naxiiriis leh

[9] Oo ha u baqaan (sida ay tooda ugu baqi lahaayeen) kuwaa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan. Ee ha dhowraan (xilka uu saaray) Allaah oo ha ku hadlaan hadal toosan oo abbaar ah

[10] (Ma) kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro, hubaal waxay uun ku cunayaan caloolahooda dab, oo waxay gali doonaan dab huraya

[11] Allaah wuxuu go’aamiyey (sama fal) xagga carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig7; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel waxa uu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; oo haddii ay tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Oo ma xagga labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanu lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadii waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa uu ka dardaaramay8 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Tani waa faral uu dhigay Allaah9. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[12] Oo waxaad leedihiin kala bar oo bar waxa ay ka tagaan afooyinkiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meelood oo meel waxa ay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa ay ka dardaarmeen ama deyn. Oo iyagu (afooyinkiinna) saamigooda dhaxalka waa afar meelood oo meel waxa aad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meelood oo meel waxa aad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa aad ka dardaaranteen ama deyn. Oo hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo labada ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi doonaan saddex meelood oo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn10. Tani waa Amar ka yimid Ilaahay, oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Dul-badan

[13] Kuwakani waa xuduudaha Ilaahay, oo qofkii adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin doonaa beero ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waarayaan; oo tan weeye liibaanta weyn

[14] Oo qofkii ku caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin doonaa Naar isagoo ku dhex waaraya; oo wuxuu mudan cadaab dulleysa

[15] Oo ma xagga kuwa la yimaada anshax xumo oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, ee haddii ay marag furaan11, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Allaah u jid yeelo

[16] Oo ma xagga labadii la yimaada anshax xumo13 ee idinka mid ah ciqaaba labadoodaba. Haddaba hadday toobad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal, Allaah waa mid u soo noqod badan(naxariista), Naxariis Badan

[17] Allaah sideedaba wuxuu aqbalaa toobada kuwa u fala xume aqoon darri (jahli)14, ee markaa kolkiiba u soo laabta, Kuwan weeye kuwa uu Allaah ugu soo laabto (si naxariis leh) Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[18] Oo uma furna toobad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa marka ay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan anigu hubaal toobad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwani weeye kuwa aan u diyaarinnay cadaab aad u xanuun badan

[19] Mu’miniintoy! Idiin ma aha xalaal inaad u qaadataan haweenka dhaxal ahaan si khasab ah iyagoo dooneyn15, oo ha caddilana si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxa aad siiseen, inay la yimaadaan maahee anshax xumo muuqata. Oo ula dhaqma (haweenka) si fiican oo naxariis leh. Haddaba haddaad nacdaan waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu ka yeelo Allaah dhexdiisa khayr aad u badan

[20] Oo haddaad doontaan inaad ku beddelataan afo meesheed afo kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah

[21] Oo sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu tegey, oo ay idinka qaadeen axdi adag

[22] Oo ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. hubaal tani waa anshax xumo iyo wax aad loo naco, oo u xun jid

[23] Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[24] Iyo dhammaan haweenka la qabo marka laga reebo waxay hantaan gacmahiinnu midig20. (Tani waa) waxa uu Allaah faral idiinka dhigay. Oo waxaa xalaal idiin ah (haween oo dhan) intaa aan ahayn21, waase inaad ku doontaan maalkiinna idinkoo ku qaadanaya guur oo aan ku dhaceyn zino. Ee ma kuwa aad guur ku raaxo gashaan, siiya meherradooda la gooyey; oo ma jiro wax eed ahi oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan waxa la gooyey kaddib22. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[25] Oo ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, haddaba (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah23, oo Allaah isaga baa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; oo waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; oo marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa barka ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Tani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco dambi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[26] Allaah Wuxuu rabaa inuu idiin caddeeyo oo idinku hanuuniyo jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idiinku soo laabto (si naxariis leh), oo Allaah waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah

[27] Oo Allaah Wuxuu rabaa inuu idiinku soo laabto (si naxariis leh), kuwase raaca shahwadooda, waxay rabaan inaad weecataan weecasho aad u weyn

[28] Allaah Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, oo aadmiga waxaa la abuuray daciif ahaan

[29] Mu’miniintoy! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, balse ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin. Oo ha dilina nafahiinna24 (hana is dilina). Hubaal, Allaah wuu idiin Naxariis Badan yahay

[30] Oo qofkii u falaa tani xadgudub iyo gardarro, waxaanu durba gelin doonnaa Naar, oo tani Allaah waa ay u fududdahay

[31] Haddaad ka fogaataan dambiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi doonnaa dambiyadiinna (yar yar), oo sababi doonaan inaad gashaan meel gelitaan sharaf leh (Jannada)

[32] Oo ha u hanqal taagina waxa uu Allaah dheereysiiyey qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saamiga waxa ay shaqeystaan, oo haweenku waxay leeyihiin saamiga waxa ay shaqeystaan, oo weydiista Allaah Deeqdiisa. Hubaal, Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay

[33] Oo mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Ma kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Allaah wax kasta waa u marag shaahid ah

[34] Raggu waa xiljoogga haweenka25, waxa u Allaah dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed, iyo masruufka maalkooda ay ka baxshaan. Ee haweenka wanaagsan waa daacad u joogooyin ilaaliya maqnaanasha ilaalinta Ilaahay darteed26. Oo (ma xagga) kuwa aad u baqdaan inay daacadda ka baxaan, waaniya, oo (hadday wax ku qaadan waayaan) ka goosta dhinac jiifka, oo (haddii ay taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) 27, haddaba hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Allaah waa Sarreeye, Weyn

[35] Oo haddaad ka baqdaan kala go’ dhex mara labadooda (ninka iyo naagtiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa, iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday labaduba rabaan heshiis, Allaah wuu is waafajin doonaa. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah

[36] Oo caabuda Allaah oo ha la wadaajinina cibaadada waxba, oo wanaajiya labada waalid iyo qaraabada iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo jaarka qaraabada ah iyo jaarka shisheeyaha ah28 iyo saaxiibka ku dhinac jooga, iyo musaafirka (go’doonsan)29, iyo kuwaa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Allaah ma jecla kan isagu ah mid islaweyn, faan badan

[37] Kuwaa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada30, oo qariya waxa uu Allaah siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Oo Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab aad u dulleysa

[38] Oo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Dambeysa, oo ma xagga kan uu Sheydaan u ahaado rafiiq; muxuu rafiiq xun yeeshay

[39] Oo maxaa ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Allaah iyo Maalinta Dambeysa, oo wax ka bixiyaan waxa uu Allaah siiyey? Oo Allaah iyaga wuu yaqaannaa

[40] Hubaal! Allaah ma sameeyo gardarro wax saxar le’egba ha ahaatee, oo hadday wanaag tahay, wuu labo laabaa, oo wuxuu ka bixiyaa Xaggiisa Ajar aad u Weyn

[41] Ee sidee (bay ahaan doontaa) marka aan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga si aad uga ahaato markhaati kuwan

[42] Maalintaas waxay jeclaan doonaan kuwa (Xaqa) rumeysan diida oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, oo kama qarin doonaan Allaah ereyna

[43] Mu’miniintoy! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan31 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba (qasli) qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan. Oo haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haweenka32, oo aydaan heli karin biyo, la abbaara nafahiinna carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan

[44] Miyaanad u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) laga siiyey qayb Kitaabka? Waxay iibsadaan habow, oo rabaan inaad ka luntaan Jidka Toosan

[45] Oo Allaah baa yaqaan cadowyadiinna, oo Allaah baa ku filan inuu ahaado Gacal idin xafida. Oo Allaah baa ku filan inuu ahaado Gargaare

[46] Qaar ka mid ah kuwaa ah Yuhuudda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Waan maqallay oo waanu caasinaynaa oo: maqal, laguma maqashiiye eh. Oo: Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay oo waanu adeecaynaa oo maqaloo oo undurnaa baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, laakiinse Allaah baa ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee

[47] Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxa aan soo waxyoonnay ee xaqiijinaya waxa aad haysataan ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidii aan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Oo Amarka Allaah waa mid fula

[48] Hubaal Allaah ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; oo qofkii la wadaajiya wax Allaah, wuxuu xaqiiq been abuurtaa dambi aad u weyn

[49] Miyaanad u fiirsan kuwaa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo (waa inay yidhaahdaan waxaannu nahay ilmahii Ilaahay iyo kuwa uu jecel yahay). Mayee Allaah baa daahiriya qofkuu doono, oo ma lagu gardarroon doono kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta

[50] Fiiri, sida ay uga been sheegaan Allaah, oo tan baa ugu filan dambi caddaan ah

[51] Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeysan diida (mushrikiinta): kuwakani baa kaga hanuunsan jidka kuwa rumeysan (Muslimiinta)

[52] Kuwaas weeye kuwa uu Allaah nacladay, oo qofkii uu Allaah naclado weligii uma heli doontid gargaare

[53] Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortooyada (Ilaahay)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta

[54] Mise waxay ku xasdaan dadka waxa uu Allaah siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse xaqiiq siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, oo waxaanu siinnay boqortooyo aad u weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan)

[55] Marka waxaa ka mid ah mid rumeysan (Nabi Muxammad), oo waxaa ka mid ah mid ka jeesada; oo Naar baa ku filan inay gubto

[56] (Ma xagga) kuwa rumeysan waaya Aayadahayaga, waxaanu ka yeeli doonnaa inay galaan Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli doonnaa haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabta. Hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[57] Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan ka yeeli doonnaa inay galaan Beero ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waxay ku yeelan doonaan gudaheeda Afooyin daahir ah, oo waxaan ka yeeli doonnaa inay hir galaan hoosas harac ah

[58] Hubaal, Allaah wuxuu idin amraa inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Hubaal, Waxaa aad u wanaagsan waxa uu Allaah idinku waaniyo. Hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka

[59] Mu’miniintoy! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwaa idinka mid ah ee idiin haya talada. Oo haddaad wax isku qabataan, u celiya Allaah iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo Maalinta Dambeysa. Tan baa khayr badan oo cidhib wanaagsan

[60] Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday hortaa? Waxay rabaan inay u xukuntamaan Shaydaanka iyagoo xaqiiq la amray inay diidaan, oo wuxuu rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan aad u fog

[61] Oo marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Allaah soo waxyooday iyo xagga Rasuulka (NabiMuxammad), waxaad arki doontaa munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeedsaho muuqata

[62] Sidee se noqon marka ay ku dhacdo musiibo waxa ay gacmahoodu horey u geysteen awgii? markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Allaah: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq

[63] Kuwakani waa kuwa uu Allaah og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso oo waani, oo kala hadal iyaga nafahooda hadal saameyn weyn leh

[64] Oo uma aanu soo dirin Rasuulna waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Ilaahay. Oo haddii markii uu gef ka dhacay ay u geysteen nafahooda kuu imaan lahaayeen, oo ay weydiisan lahaayeen dambi dhaaf Ilaahay, oo Rasuulku (sidoo kale) dambi dhaaf u dalbi lahaa; waxay hubaal heli lahaayeen Allaah inuu u soo noqosho badan yahay (naxariista), aad u Naxariis Badan yahay

[65] Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, oo markaas ayna ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxa aad guddoomisay, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan

[66] Oo haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqintaa): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer banii Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Oo hadday fali lahaayeen waxa lagu waaniyo baa xaqiiq u roonaan laheyd, oo xoojin laheydna (iimaankooda)

[67] Oo Waxaan markaas xaqiiq ka siin laheyn Xaggayaga Ajar aad u Weyn

[68] Oo Waxaan xaqiiq ku hanuunin laheyn jidka Toosan

[69] Oo qofkii adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwan waxay ahaan doonaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Allaah, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, oo waa wanaag kuwaas oo lala noqdo rafiiq

[70] Kani waa Fadli xagga Ilaahay ah, oo ku Filan Allaah inuu yahay wax kasta Oge

[71] Mu’miniintoy! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira

[72] Oo hubaal waxaa idinka mid ah mid isagu dhab ahaan dib idiin dhiga. Oo haddii ay idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Runtii Allaah waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn

[73] Oo haddaad ka heshaan fadli xagga Ilaahay, wuxuu hubaal odhan doonaa_ sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan aad u weyn

[74] Ee ha ku dagaallamaan Jidka Ilaahay kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, oo qofkii isagu u dagaallama Jidka Ilaahay, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siin doonnaa Ajar aad u Weyn

[75] Oo maxaad u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Ilaahay, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba, (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbiyow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin gar ma qaatayaasha oo nooga yeel Xaggaaga gacal na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare

[76] Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Ilaahay, kuwase ah xaq diidka waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; hubaal, dabinka shaydaanku waa daciif

[77] Oo miyaadan arag kuwii lagu yidhi: Ceshada gacmahiinna 34oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, markase loo qoray inay dagaal galaan, mise koox ka mid ah waxay uga baqaan dadka sida ay tahay in looga baqdo Allaah ama baqdin ka daranba. Oo waxay yidhaahdaan: Rabbiyow! Maxaad noogu faral yeeshay dagaalka? Oo haddaad noogu dib dhigi laheyd muddo yar? Dheh: Sahayda adduunkan waa wax gaaban. Oo Aakhirada baa u khayr badan kan iska ilaasha (xumaha)oo la idinkuma gardarroon doono wax xuub le’egna ha ahaatee

[78] Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin heli doontaa, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Oo Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Ilaahay. Haddiise ay ku dhacdo ayaan darro, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Ilaahay, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka

[79] Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Ilaahay, waxase kugu dhaca oo ayaan darro ah waa xagga naftaada. Oo waxaanu kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul aad u ahaato, oo Allaah baa ku filan Markhaati uu ahaado

[80] Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu run ahaan Adeecayaa Allaah, oo qofkii jeesada, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye inaad ka ahaato (dadka) dushood

[81] Oo waxay yidhaahdaan: waan Oggolnahay. Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii wax aan aheyn oo ka duwan waxa aad tidhaahdo. Oo Allaah wuu qoraa waxa ay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo isku hallee Allaah. oo Allaah ku filan ilaaliye uu ahaado

[82] Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Oo hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Allaah, waxay hubaal ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan

[83] Oo markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, oo hadday u celin lahaayeen Rasuulka (Nabi Muxammad) ama kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Oo haddaanu Fadliga Ilaahay korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee

[84] Ee u dagaallan Jidka Ilaahay, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Allaah idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Oo Allaah baa Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato

[85] Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), oo qofkii ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (dambigeeda) ah. Oo Allaah baa haya maamulka wax walba

[86] Oo marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Allaah baa haya xisaabta wax kasta oo la falo

[87] Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu hubaal idin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Oo yaa ka run sheeg badan Allaah oo hadla

[88] Muxuu yahay arrinkiinnu, haddaba, oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta?35 Isagoo Allaah uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxa ay kasbadeen darteed? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Allaah lumiyey? Oo qofkii uu Allaah lumiyo, uma heli doontid marnaba jid (uu ku hanuuno)

[89] Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan sida ay u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Ilaahay darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, oo ha ka yeelannina xaggooda gacal iyo gargaare midna

[90] Waxaan aheyn kuwaa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan dadkooda. Oo hadduu doono Allaah, hubaal waa uu idinka awood siin lahaa, sidaas darteed xaqiiq way idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Allaah idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan)

[91] Waxaad heli doontaan kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan dadkooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanayna laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwan waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad

[92] Oo kuma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, oo qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), oo hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa, iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan heli karin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah37, eed siin xag Ilaahay. Oo Allaah waa Wax walba Ogsoone,Xakiiim ah

[93] Oo qofkii u dila mu'min si kas ah, ciqaaabtiisu waa Naar, uu ku dhex waari doono weligii, oo Allaah wuu u cadhooday, oo wuu nacladay, oo wuxuu u diyaariyey cadaab aad u weyn

[94] Mu’miniintoy! Marka aad u baxdaan (dagaal) Jidka Ilaahay ah, wax hubsada, oo ha ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Allaah agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaas baad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Allaah ku manneystey khayr dushiinna, ee wax hubsada. hubaal Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

[95] Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwaa kula jihaad gala Jidka Ilaahay maalkooda iyo Nafahoodaba. Allaah wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Oo dhammaan wuxuu Allaah u ballan qaaday wanaag; oo wuxuu Allaah kaga faddali doonaa kuwa jihaada dushood kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn

[96] Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo asturaad iyo Naxariiis. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[97] Hubaal (ma xagga) kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo gef ku jira ay u geystaan nafahooda, waxay (ku) odhan doonaan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan doonaan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan doonaan: Oo miyaaney ahayn arlada Ilaahay mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen?39 Marka waa kuwan kuwa hoygoodu yahay Naar, oo way u xun tahay aaye iyo meel la ahaado

[98] Marka laga reebo kuwa daciifka ah oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado)

[99] Kuwaan waa intaasoo uu Allaah iska cafin doono, oo Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan

[100] Oo qofkii u soo haajira Ilaahay Darti, wuxuu ka heli doonaa dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Oo qofkii ka soo baxaa gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Ilaahay iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu xaqiiq ajarkiisu saaran yahay Allaah. oo Allaah waa Dambi Dhaaf badane, Naxariis Badan

[101] Oo markaad ku socdaashaan dhulka, idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda40, haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow iska cad

[102] Oo markaad dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, oo ha qaataan hubabkooda, oo markay sujuudaan ha aadaan gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay oo ha kula tukadaan, oo ha qaataan digtoonidooda iyo hubabkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubabkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah), oo ma aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubabkiinna, oo qaata digtoonidiinna. Hubaal, Allaah wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa

[103] OO marka aad bogtaan salaadda, xusa Allaah joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an

[104] Oo ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, hubaal iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, oo waxaad ka rajaysaan Allaah wax aanay rajaynin, oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[105] Hubaal Waxaanu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Allaah ku baray, ee ha noqon qareen u dooda khaa’iniinta

[106] Oo weydiiso Dambi Dhaafka Ilaahay, Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[107] Oo ha u doodin kuwa khiyaameeya nafahooda. Hubaal, Allaah ma jecla mid kastoo khaa'in ah, dambiiile

[108] Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Allaah, wuuna la socdaa markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, oo Allaah waa uu koobaa waxa ay falaan

[109] Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi doona Allaah agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon doona wakiil difaaca

[110] Oo qofkii fala xumaan ama ku jira gef uu u geysto naftiisa, markaas weydiista Dambi Dhaaf Ilaahay, wuxuu heli doonaa Allaah oo ah Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[111] Oo qofkii kasbada dambi, wuxuu u kasbadaa oo keliya dhibaateynta naftiisa. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah

[112] Oo qofkii kasbada gef ama dambi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan42, wuxuu xaqiiq xambaartaa been abuurasho iyo dambi iska cad

[113] Oo hadduusan jirin Fadliga Ilaahay korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay xaqiiq ku hammin lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan.. oo Wuxuu Allaah kuu soo waxyooday Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Oo fadliga uu Allaah ku siiyey waa mid aad u weyn

[114] Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxaad dadka, oo qofkii fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Ilaahay, Waxaanu siin doonnaa abaalgud aad u weyn

[115] Oo qofkii colaadiya Rasuulka kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu`miniinta. Waxaan u jeedin doonnaa waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo ka yeeli doonnaa inuu galo Naar, oo waa u xun tahay meel la ahaado iyo aayo tiin ahaan

[116] Hubaal! Allaah ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo Isaga, wuxuuse u dhaafaa waxa intaa aan ahayn qofkuu doono. Oo qofkii la wadaajiya wax uun Allaah, wuxuu xaqiiq lumaa lumid fog

[117] Ma la barbar caabudaan Isaga waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, oo ma caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah

[118] Oo Allaah uu Nacladay. Oo (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan doonaa addoomahaaga qayb go'an

[119] oo hubaal waan habaabin doonaa, oo gelin doonaa hididdiillooyin been ah; oo amri doonaa (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi doonaan dhegaha xoolaha43, oo hubaal waan amri doonaa sidaas darteed waxay doorin doonaan abuurka Ilaahay44. Oo qofkii ka dhigta shaydaan gacal halkii Allaah, wuxuu xaqiiq khasaari doonaa khasaare caddaan ah

[120] Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, oo ma u ballan qaado shaydaan waxaan inuu khiyaano ahayn

[121] Kuwan hoygoodu wuxuu ahaan doonaa Naar, oo kama heli doonaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan

[122] Oo (ma xagga) kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan ka yeeli doonaa inay galaan Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah, Oo yaa ka run badan Allaah Hadalkiisa

[123] (Tani jannada) ma ahaan doonto mid ku xiran (helitaankeeda) hididdiillooyinkiinna45 aad iska rajeysaan iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga abaal marin doonaa, oo ma u heli doono naftiisa Allaah ka sokow gacal iyo gargaare midna

[124] Oo qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig, isagoo (ama iyadoo) mu'min ah, waxay kuwan geli doonaan Jannada, oo laguma gardarroon doono xuub laf timireed wax le’eg

[125] Oo yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Allaah isagoo sama fale ah. Oo raaca diinta Ibraahiim, toosnihii. Oo Allaah wuxuu ka dhigtay Ibraahiim gacal u gaar ah

[126] Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo Allaah waa koobaa wax walba

[127] Oo waxay ku weydiiyaan xukun ku saabsan haweenka, dheh: Allaah baa idiinka sheegaya Xukunkaa arrinkooda46, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey idinkoo doonaya inaad guursataan47, iyo arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta, iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Oo Wax kastoo aad fashaan oo khayr ah, hubaal Allaah wuu Ogsoon yahay

[128] Oo hadday haweeney ka cabsato dhaqan xumi48 ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, oo heshiiska baa khayr badan, oo nafaha Aadmiga waxaa lagu laray masuugnimo. Oo haddaad samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), haddaba hubaal, Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

[129] Oo ma kari doontaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidii yoo ay tahay mid lalmata. Oo haddaad wax wanaajisaan, oo iska ilaalisaan (xumaha), hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf, Badane, Naxariis Badan

[130] Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Allaah ku kaafin doonaa mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Oo Allaah waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xakiim ah

[131] Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo xaqiiq waxaan xil saarnay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey (oo xil idin saaran ah) idinkana (sidoo kale) inaad dhowrtaan (xilalka uu idin saaray) Allaah, oo haddaad Xaqa diiddaan, haddaba hubaal waxa jira samooyinka iyo waxa jira arladaba waxaa iska leh Allaah, oo Allaah waa Hodan Deeqtoon, la Ammaano

[132] Oo waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada waxaa iska leh Allaah. Oo ku filan Allaah inuu ahaado Ilaaliye

[133] Hadduu doono, Waa uu idin tagsiin karaa, dadow, oo keeni karaa kuwo kale. Oo Allaah waa mid Kara inuu sidaa yeelo

[134] Qofkii raba abaalka adduunyadan, haddaba Allaah baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka

[135] Mu’miniintoy! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Ilaahay darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, hadduu yahay hodan ama faqiirba, Allaah baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina waxa liita ay naftu rabto si aydaan uga iilan (xaqa), oo haddaad iilataan ama jeesataan49, haddaba hubaal, Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

[136] Mu’miniintoy! Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu u soo waxyooday Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo waxooday, oo qofkii rumeyn diida Allaah iyo Ma’laa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Dambeysa, wuxuu xaqiiq lumaa lumid aad u fog

[137] Hubaal, (ma xagga) kuwa rumeeya, haddana beeniya, haddana rumeeya (mar kale), oo haddana (mar kale) beeniya, markaas sii kororsada beenin Xaqa; Allaah ma cafin doono, oo kuma hanuunin doona Jid (Toosan)

[138] Ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan doonaan cadaab xanuun badan

[139] Kuwa ka dhigta gaalada gacallo sokeeye ah50 halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Haddaba hubaal, Allaah baa iska leh Ciso oo dhan

[140] Oo xaqiiq wuxuu horay idiinkugu soo waxyooday Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Ilaahay oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale; hubaal Allaah wuxuu ku soo kulmin doonaa munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Naar gudaheed

[141] Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); oo markaad guul ka heshaan xagga Ilaahay, waxay yidhaahdaan: Oo miyaanaan idin la jirin? Oo hadday gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Allaah baa idin kala xukumi doona dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Oo marnaba Allaah kama siin doono gaalada jid mu'miniinta

[142] Hubaal, Munaafiqiintu51 waxay (u heystaan inay) dagaan Allaah, Isaga baase daga. Oo markay u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, oo ma xusaan Allaah wax yar ma’ahee

[143] Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna, oo qofkii uu Allaah lumiyo, uma heli doontid jid isaga

[144] Mu’miniintoy! Ha ka yeelannina gaalada xulufo halkii mu’miniinta. Waa la yaabe! Ma waxaad dooneysaan inaad iskaga yeeshaan Allaah xujo cad

[145] Hubaal, Munaafiqiintu52 waxay ahaan doonaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; oo uma heli doontid gargaare

[146] Marka laga reebo kuwa toobad keena oo wanaagsanaada, oo cuskada Allaah, oo u keli yeela cibaadadooda Allaah, Kuwan waa la jirka mu’miniinta. Oo wuxuu Allaah siin doonaa mu’miniinta Ajar aad u weyn

[147] Muxuu Allaah ku falayaa caddibaadiinna haddaad tihiin kuwa (u) mahad naqa oo rumeysan? Oo Allaah waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican ka bixiya, Wax kasta Ogsoon

[148] Allaah ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof lagu gardarrooday. Oo Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Ogsoon

[149] Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume,….haddaba hubaal, Allaah waa cafis Badane, awood Badan

[150] Hubaal, kuwa rumeysan diida Allaah iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Allaah iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumaysannahay qaarkood, oo rumeysan diidnaa qaar kale, oo raba inay qaadaan jid u dhexeeya (tan iyo) taasi

[151] Kuwan weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Oo Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa

[152] Kuwase rumeysan Allaah iyo Rusushiisa oo aan ka dhex saarin midkoodna ka mid ah, kuwaas buu Allaah siin doonaa ajarradooda, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[153] Ehlul Kitaabku waxay ku weydiistaan inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse taas mid ka weyn, oo waxay yidhaahdeen: Noo tus Allaah si caddaan ah, markaas baa waxaa qabtay onkod daran gardarradoodii darteed. haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen Waanu se ka cafinnay arrinkani. Oo waxaanu siinnay Muuse Xujo Cad

[154] Oo Waxaan kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. oo Waxaanu ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo Waxaanu ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Oo Waxaan la sameynay Axdi adag

[155] Sidaas awgeed, axdigooda ay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Ilaahay iyo ku diliddooda Anbiyada gar darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Allaah baa yeelay shaabbad dushooda daahda gaalnimadooda darteed marka ma rumeysan doonaan in yar ma’ahee

[156] Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur aad u weyn ah

[157] Iyo odhaahdooda: hubaal waxaan innagu dilnay Masiixa Ciise ibnu Maryam, Rasuulkii Ilaahay53, _mase ay dilin54 mana ay daldalin, laakiinse waa loo arag ekeysiiyey. Oo hubaal kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa xaqiiq kaga jira shaki taa. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxa ay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Oo ma ay dilin oo la hubo

[158] Mayee! Allaah baa (Ciise) kor u qaaday Xaggiisa, oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[159] Oo ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka aan hubaal rumeyn doonin isaga, ka hor inta aanu dhiman55. Oo Maalinta Qiyaamaha wuxuu isagu ku marag furi doonaa iyaga

[160] Gefka ay geysteen kuwaa ah Yuhuudda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalaha wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaasha, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Ilaahay

[161] Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo xaqiiq laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been. Oo waxaan u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab aad u xanuun badan

[162] Laakiinse kuwooda ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambeysa, kuwan waa kuwa aan siin doonnaa Abaalgud aad u Weyn

[163] Hubaal Waxaanu kuugu waxyoonnay sidii aan ugu waxyoonnayba Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; oo Waxaanu (sidoo kale) u waxyoonnay Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub) iyo Ciise iyo Ayyuub iyo Yuunus iyo Haaruun iyo Sulaymaan, oo Daawuud Waxaanu siinnay Zabuur

[164] Oo (waxaan soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay ka hor, iyo Rusul aanaan kaaga warraminba, _oo Muuse Allaah wuxuu ula hadlay si toos ah hadlid

[165] (Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Allaah wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[166] Laakiinse Allaah wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo waxyooday wuxuu ku soo waxyooday Cilmigiisa, malaa’igtuna57 waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Oo Allaah ku Filan Markhaati uu ahaado

[167] Hubaal, ma xagga kuwa rumeysan diida oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, waxay xaqiiq habaabeen habow aad u fog

[168] Hubaal, (ma xagga) kuwa rumeysan diida ee u dhaqma si caddaalad darro ah, ma aha Allaah Mid u dambi dhaafi doona oo ma aha Mid ku hanuunin doonaa jidna

[169] Jidka Naarta mooyee, iyagoo ku dhex waaraya weligood, oo arrinkani Allaah waa u fududdahay

[170] Dadoow! Hubaal Rasuulku Wuxuu idiinla yimid xaq ka yimid Rabbigiin, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad rumeysan diiddaan, haddaba hubaal Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[171] Ehlul-Kitaaboow! Ha ku talax tagina hab dhaqankiinna, oo ha ka sheegina (been) Allaah, ee runta sheega. Masiixa Ciise ina Maryam waa oo keliya Rasuul Ilaahay soo diray iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Isaga Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. oo ha odhannina: Waa saddex (ilaah) Ka hara waa wax idiin roon’e. Allaah waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa jira samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Allaah ka taliye ahaan arrimaha uunka

[172] Masiixa sinnaba isagama fogeeyo inuu ahaado addoon Ilaahay, iyo sidoo kale malaa’igta la dhoweeyey. Oo qofkii iska fogeeya Caabudiddiisa oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin doonaa xaggiisa dhammaantood

[173] Ee ma xagga kuwa rumeysan oo samaha fala, wuxuu siin doonaa ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase ka fogaada Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi doonaa cadaab aad u xanuun badan. Oo ma u heli doonaan nafahooda Allaah sokadi gacal iyo gargaare midna

[174] Dadow! hubaal waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), oo Waxaan idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka)

[175] Ee ma xagga kuwa rumysan Allaah oo isaga cuskada wuxuu gelin doonaa Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, oo wuxuu ku hanuunin doonaa xaggiisa Jid Toosan

[176] Waxay ku weydiiyaan inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Allaah baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn aabbayaal iyo ubad midna. Haddii uu dhinto nin aan ilmo lahayn, oo leh walaaley, waxay leedahay bar waxa uu ka tago, isaguna wuu dhaxli doonaa haddii aanay lahayn ilmo. Haddiise ay yihiin labo (gabdhood oo walaalo ah), waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel waxa uu ka tago; oo hadday yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Allaah Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay

Al-Maa'idah

Surah 5

[1] Mu’miniintoy! Oofiya ballamaha1 aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin doono (halkan), idinkoo aan banneysaneyn xurmadda ugaarsiga marka aad xidhataan (Xajka ama Cumrada). hubaal, Allaah wuxuu xukumaa wuxuu doono

[2] Mu’miniintoy! Ha banneysannina xurmadda calaamooyinka uu dhigay Allaah iyo bisha xurmadda leh midna, hana ( fara gelina) hadyiga, iyo xoolaha la luqan xidhay (ee qurbaanka ah) iyo dadka u socda Baydka Xurmadda leh (Kacbada), iyagoo doonaya Fadliga Rabbigood iyo Raalli gelintiisa. Oo markaad bogtaan howlaha (Xajka ama Cumrada), markaa ugaarsada (haddaad doontaan), oo yeysan naceybka dad idinka hor istaagay Masjidka xurmadda gaarka ahi leh idinku xambaarin inaad xad gudubtaan. Oo isugu kaalmeeya samaha iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isu kaalmeynina dambiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Alle ciqaabtiisu way Daran tahay

[3] Waxa la idinka xaaraameeyay waa waxaa (xoolahaa) u dhinta iskood (gowrac la’aan), iyo dhiig, iyo hilib doofaar, iyo waxa lagu xuso magac kale aan ahayn Allaah, iyo xoolaha lagu dilo ceego, iyo tan u dhimata jug, iyo tan u dhimata meel ka soo dhac, iyo tan u dhimata hirdin_ iyo waxa uu cuno dugaag2 _ waxa aad (awood u yeelataan inaad) gowracdaan mooyee (dhimashadooda ka hor), iyo waxa lagu hadiyeeyo (gowraco) sanammada korkooda, (waxaa kaloo reebban) inaad wax ku qaybsataan faal iyo qori tuur, kaasi waa fisiq. Maalintan bay gaaladu ka quusteen diintiinna, ee ha ka baqina, ee Aniga Keliya iga baqa. Maalintan3 baan idiin dhammeystiray diintiinna, oo idin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin iyo hab dhaqan ahaan. Qofkii se ay ku dirqido gaajo daran (inuu cuno hilbahaa aan bannaaneyn), isagoo aan u dan laheyn u iilasho dambi, markaa hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan

[4] Waxay ku weydiiyaan waxa loo xalaaleeyey. Dheh: Waxaa la idiin xalaaleeyey waxyaalaha wanaagsan iyo waxaad barteen dugaagga iyo shimbiraha wax dhaawaca idinkoo u laylinaya ugaarsiga – aad bartaan waxa uu idin baray Ilaahay -; ee cuna waxa ay idiin soo qabtaan, oo ku xusa Magaca Ilaahay korkooda, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa ku Dhakhsi Badan yahay xisaabta

[5] Maalintan (dhammaan) waxyaalaha wanaagsan waa la idiin xalaaleeyey; oo cuntada kuwa la siiyey Kitaabka waa idiin xalaal, oo cuntadiinnu waa u xalaal iyaga. (oo waa idiin xalaal) dhowrsanooyinka ka mid ah mu’minaadka iyo dhowrsanooyinka ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiiin, markaad siisaan meherradooda idinkoo ku qaadanaya (guur) aan gaabsi ka dooneyn oo aan ka yeelanayn saaxiibbooyin qarsoodi ah. Oo qofkii beeniya Iimaanka, waxaa xaqiiq bura camalkiisa, oo Aakhirada wuxuu ka mid ahaan doonaa kuwa ku sugan khasaaraha

[6] Mu’miniintoy! Markaad u kacdaan salaadda meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna (oo meyra) lugahiinna ilaa canqawyada. Oo haddaad qasli qabtaan, markaa meyrta oo haddaad bugtaan ama safar tihiin ama midkiin ka yimaado kortag ama aad taabateen haweenka oo aydaan heli karin biyo, doonta carro daahir ah oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Allaah inuu idin kor dhigo wax dhib ah, laakiinse wuxuu rabaa inuu idin daahiriyo, iyo inuu idiin dhammeystiro Nicmaddiisa dushiinna; si aad u mahad naqdaan

[7] Oo xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna iyo axdigiisa uu idiin ku guntay si adag, markaad tidhaahdeen: Waanu maqallay oo waanu adeecaynaa, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

[8] Mu’miniintoy! Ahaada kuwo toosan oo u taagan Ilaahay Darti, markhaatiyo caadil ah oo yeysan naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad sameyn. Caddaalad sameeya: sidaas baa u dhow dhowrsanaanta, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

[9] Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwa rumeysan oo samaha fala, inay mudan doonaan dambi dhaaf iyo Ajar aad u weyn

[10] (ma xagga) kuwase Xaqa diida oo beeniya Aayadahayaga, waa kuwan ehlu Naarka

[11] Mu’miiniintoy! Xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii ay qolo goosteen inay idiin soo fidshaan gacmahooda xaggiinna, wuuse idinka qabtay gacmahooda oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. oo Allaah ha isku hal- leeyaan mu’miniintu

[12] Oo xaqiiq Allaah wuxuu la galay axdi Ilmahii Israa'iil, oo waxaan ka soo saarnay dhexdooda labo iyo toban oday. Oo wuxuu Alle yidhi: Hubaal Anigu waa idin la jiraa: haddaad hagaajisaan salaadda, oo bixisaan Zakada oo aad rumeysaan Rusushayda; oo u gargaartaan, oo amaahsataan Allaah amaah wanaagsan. Waxaan hubaal idiin asturi doonaaa xumaatooyinkiina oo waxaan hubaal idin gelin doonaa Beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Qofkii se rumeysan diida intaas kaddib oo idinka mid ah, wuxuu xaqiiq ka lumaa Jidka Toosan

[13] Hase yeeshee ka bixiddooda axdigoodii awgii waan nacladnay, oo aan ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duween ereyada (sharciga) meelahoodii, oo waxay dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah; oo waxaad ka arki doontaa mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, oo iskaga jeeso. hubaal, Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha

[14] Oo kuwa yidhaahda waxaanu nahay Nasaaro, Waxaan la galnay axdi, wayse dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah. Markaas baan ku tallaalnay cadaawad iyo isnac dhexdooda ah ilaa Maalinta Qiyaamaha, oo wuxuu Allaah u sheegi doonaa waxa ay samayeen

[15] Ehlu Kitaabkow! Xaqiiq waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) oo idiin caddeynaya wax badan oo ka mid ah waxa aad qariseen ee Kitaabka ka midka ah, oo iska dul maraya in badan. Xaqiiq waxaa haatan idiinka yimid xagga Ilaahay nuur iyo Kitaab caddaan ah

[16] Oo uu Allaah kula hanuuniyo kan raaca Raalli ahaanshahiisa jidadka nabadda, oo kaga saaro mugdiyada xagga Nuurka Idankii, oo ku hanuunsha Jidka Toosan

[17] Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah waa Masiixa ina Maryam. Dheh: Yaa haddaba wax ka tari kara Allaah hadduu doono inuu halaago Masiixa ina Maryam iyo hooyadi, iyo waxa ku sugan arlada oo dhan? oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, Wuxuu abuuraa waxa uu doono. Oo Allaah wax walba wuu Karaa

[18] Oo Yuhuudda iyo Nasaaradu waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay ilmahii Ilaahay iyo kuwa uu jecel yahay. Dheh: Muxuu haddaba idiinku cadaabaa dambiyadiinna awgeed?. Mayee, waxaad tihiin Aadmi ka mid ah waxa uu abuuray. Wuxuu u dambi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, oo waa Xaggiisa meel noqodka dambe

[19] Ehlu-Kitaabkow! Xaqiiq Rasuulkayaga baa idiin yimid isagoo idiin caddeynaya (Xaqa) hakasho kaddib (soo diristii) Rususha, si aydaan u odhan, Nooma imaan bishaareeye iyo dige midna. Ee xaqiiq waxaa haatan idiin yimid bishaareeye iyo digeba. Oo Allaah wax walba wuu Karaa

[20] Oo waa tii uu Muuse ku yidhi dadkiisii: Dadkaygiiyow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii uu idinka soo dhex saaray Nabiyo dhexdiinna, oo idinka dhigay boqorro, oo idin siiyey waxaan la siin cid ka mid ah caalamka (waqtigiinnii)

[21] Dadkaygiiyow! Gala arladaan daahirka ah ee Allaah idiin qoray, oo ha jeedinnina dhabarradiinna idinkoo dib u noqonaya, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan

[22] Waxay yidhaahdeen: Muusow! Hubaal waxaa jooga qolo xoog badan, oo ma gali doonno marnaba jeer ay ka baxaan; ee hadday ka baxaan markaas baanu hubaal gali doonnaa

[23] Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Allaah u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, oo markaad gashaanba idinkaa hubaal lib heli doona, oo Allaah isku halleeya, haddaad tihiin mu’miniin

[24] Waxay yidhaahdeen: Muusow! Marnaba ma gali doonno weligayo inta ay ku jiraan. Ee taga adiga iyo Rabbigaa oo dagaal gala labadiinnu, hubaal innagu halkan baan iska fadhiisan doonnaa

[25] (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal Anigu ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay (Haaruun), ee na kala saar innaga iyo dadka caasiyiinta ah

[26] Wuxuu yidhi: Haddaba iyadu (dhulkan daahirka ah) hubaal waxay ka xaaraansan tahay iyaga afartan sannadood, ay ku jaha wareeri doonaan dhulka. Ee ha u murugoon dadka caasiyiinta ah

[27] Oo uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; Waa tii ay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood (Haabiil, oo ahaa xoolaley isagoo la baxay xoolihiisii inta u fiican), oo aan laga aqbalin kii kale ( Qaabiil, oo ahaa beeralay isagoo la baxay zaracisii inta u xun). (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): hubaal wallee Waan ku dilayaa. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Allaah wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan

[28] Haddaad iigu soo fidiso gacantaada xaggeyga inaad I disho, Anigu kuugu soo fidin maayo gacantayda xaggaaga inaan ku dilo, hubaal waxaan anigu ka cabsadaa Allaah, Rabbiga caalamka

[29] Hubaal anigu waxaan rabaa inaad la gaddoonto dambiga aad iga gasho iyo dambigaagaba, markaas waxaad ka mid noqon doontaa ehlu Naarka, oo tani waa abaalka gar ma qaatayaasha

[30] Markaas bay u sahashay naftiisii dilka walaalki; oo uu dilay4, oo wuxuu ka mid noqday kuwa ku jira khasaaraha cad

[31] Markaasuu Allaah soo diray tuke fagaya dhulka si uu u tuso sidii uu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu yidhi: Hoogaye! Miyaan kari waayey inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay? Oo wuxuu ka mid noqday kuwa qoomammeeya

[32] Sidaas darteed baan ugu waajibinnay Ilmahii Israa’iil in qofkii dila naf aan ( loo dileyn) naf (ay disahay) ama fasaadin arlada darteed_waa sida isagoo dilay dadka oo dhan. Oo qofkii nooleeya naf waa sida qof nooleeyey dadka oo dhan5. Oo xaqiiq Rusushayadii waxay ula yimaadeen xujooyin cad, haddana iyadoo taasi jirto bay taas ka dambow in badan oo iyaga ka mid ah xaqiiq ku falaan xadgudub arlada

[33] Ciqaabka kuwa la dagaallama Allaah iyo Rasuulkiisa6 ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf7, ama la xabbiso. Tani waa dulli ku raaca adduunkan, oo Aakhirada waxay ku mudan doonaan Cadaab aad u Weyn

[34] Marka laga reebo kuwa toobad keena inta aydaan qaban ka hor, marka ogaada inuu Allaah yahay Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[35] Mu’miniintoy! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo u doonta xaggiisa dhowaansho, oo u halgama Jidkiisa Aad liibaantaane

[36] Hubaal, (ma xagga) kuwa xaqa diida xitaa hadday lahaan lahaayeen waxa jira arlada oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabta Maalinta Qiyaamaha lagama aqbali doono, oo waxay mudan doonaan Cadaab aad u xanuun Badan

[37] Waxay dooni inay ka soo baxaan Naarta, marnabase kama soo bixi doonaan halkaa, oo waxay mudan doonaan cadaab ma guuraan ah

[38] Oo (ma xagga) tuugga iyo tuugadda gooya gacmahooda, ciqaab ahaan waxay galabsadeen awgii, waa ciqaab eed siin ah xagga Ilaahay. oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[39] Qofkii se toobad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), markaa hubaal, Allaah wuu u soo laaban doonaa (si naxariis leh). Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[40] Miyaadan ogeyn in Allaah leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Wuxuu cadaabaa qofkuu doono oo uu u dambi dhaafaa qofkuu doono.Oo Allaah wax walba wuu Karaa

[41] Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah kuwa ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeysannahay, quluubtooduse aanay rumeysneyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa ah Yuhuudda, waa aad u dhageystayaal beenta_ dhageysanya dad kale aan kuu imaan8. Waxay ka duwaan ereyada meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan (xukunka ay rabaan), qaata, haddiise aan la idin siinin kan, markaa digtoonaada. oo ma xagga midka uu Allaah doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Ilaahay, kuwaasi weeye kuwa uusan Allaah doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay ku mudan doonaan adduunyada dulli, oo waxay ku mudan doonaan Aakhirada Cadaab aad u Weyn

[42] Waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, oo haddaad ka jeesato waxba kuma yeeli doonaan. Oo haddaad u garsoorto, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah

[43] Oo sidee bay kaaga dhigtaan garsoor, oo waxay heystaan Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Ilaahay (oo cad)?; haddana way ka jeestaan taasi ka ddib. Oo kuwani ma aha mu’miniin

[44] Hubaal Waxaanu soo waxyoonnay Towraadda uu dhexdeeda ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Allaah) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii, kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Ilaahay, oo waxay ka ahaayeen markhaati. Haddaba ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga Keliya oo ha ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Oo qofkii aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah

[45] Oo waxaanu u qornay: in Naf naf loo qaado9, ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta ( iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Ilaahay darti), waxaa loogu dhaafi dambigiisa. Oo qofkii aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah gar ma qaatayaasha

[46] Oo waxaan raacsiinnay raadkoodii Ciise ina Maryam, oo xaqiijanaya wixii hortiisa ahaa ee Towraadda; oo Waxaanu siinnay Injiilka uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur oo xaqiijinaya wixii hortiis ahaa ee Towraadda, oo hanuun iyo waano u ah kuwa iska jira (xumaha)

[47] Ee ehlu Injiilka wax ha ku xukumaan waxa Allaah ku soo waxyooday gudahiisa10. Oo qofkii se aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo waxyooday, kuwaas weeye kuwa caasiyiinta ah

[48] Oo Waxaan kuu soo waxyoonnay Kitaabka oo Xaq ah isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ku kala xukun dhexdooda waxa uu Allaah soo waxyooday, oo ha raacin waxa (liita) ay nafahoodu rabaan adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay xeer iyo dhabbo. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu idin ka dhigi lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, laakiinse waa si uu idiinku imtixaano waxa uu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Allaah meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi doonaa waxaad isku khilaafteen

[49] Oo waa inaad ku kala xukunto dhexdooda waxa uu Allaah soo waxyooday, oo ha raacin waxa (liita) ay nafahoodu rabaan, oo ka digtoonoow inay kaa jeediyaan qaar ka mid ah waxa uu Allaah kuu soo waxyooday. Haddiise ay jeesadaan, markaa ogow inuu Allaah rabo inuu ku ciqaabo dambiyadooda qaarkood. Oo hubaal, in badan oo dadka ka mid ahi waa caasiyaal

[50] Oo ma xukunkii (waqtigii) jaahiliyadda baa waxa ay rabaan? Oo kumaa se uga xukun wanaagsan Allaah dad yaqiinsan

[51] Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada xulufo, iyagaa qaarkoodba xulufo u ah qaarka kale, oo qofkii idinka mid ah ee ka dhigta xulufo, haddaba hubaal wuxuu ka mid yahay iyaga. Hubaal, Allaah ma hanuuniyo dadkaa ah gar ma qaatayaasha

[52] Waxaadse arki doontaa kuwa uu quluubtooda ka jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) oo u degdegaya xaggooda, iyagoo leh: Waanu baqaynaa si ayan noogu dhicin dhibaato (socota). Waxaase laga yaabaa in Allaah keeno guul ama ciqaab Xaggiisa ah oo markaas waxay noqon doonaan kuwo waxa ay ku qarsanayeen nafahooda ka qoommameeya

[53] Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay odhan doonaan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Allaah dhaarahooda tan ugu culus inay hubaal idinka idin la jireen? Acmaashooda way buri doonaan, marka waxay noqon doonaan kuwo ku sugan khasaara muuqata

[54] Mu’miniintoy! Qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa, haddaba wuxuu Allaah keeni doonaa dad, uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, u halgama Jidka Ilaahay, oo aan ka cabsan canaanta canaante. Kani waa Fadliga Ilaahay, Wuxuu siiyaa qofkuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

[55] Sideedaba Gacalkiinnu Waa Allaah, iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeysan, _ kuwa hagaajiya salaadda, oo bixiya Zakada iyagoo rukuucsan (u hoggaansan Alle)

[56] Oo qofkii gacal ka dhigta Allaah iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeysan, haddaba hubaal xisbiga Ilaahay waa iyaga kuwa lib heli doona

[57] Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaaladaba (mushrikiinta) xulufo; oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, haddaad tihiin mu’miniin

[58] Oo markaad u addintaan salaadda, waxay ka dhigtaan jees jees iyo cayaar. Arrinkani waxaa ugu wacan waa dad aan waxba fahmin

[59] Dheh: Ehlu-Kitaabkow! Ma waxaad nagu eedeysaan waxaan ahayn inaan rumeysannahay Allaah, iyo waxa naloo soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday awal hore, iyo inaad badankiin idinku tihiin caasiyaal

[60] Dheh: Ma idiin sheegaa (waxa) ka meeqaan liita kani abaal marin ahaan xagga Allaah, (waxaa ka meeqaan liita) kan uu Allaah nacladay oo u cadhooday, oo uu ka dhigay daayeerro iyo doofaarro, iyo kan caabuday Shaydaanka; kuwan baa u liita meeqaan ahaan oo aad iyo aad uga lunsan Jidka Toosan

[61] Oo markay idiin yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; iyagoo xaqiiq la soo gala iimaan darro, oo xaqiiq la baxa. Oo Allaah wuu ogsoon yahay waxa ay qarsadeen

[62] Oo waxaad arki doontaa in badan oo ka mid ah oo kula tartamaya midkoodba kan kale u degdegidda dambiga iyo xad gudubka, iyo cunistooda waxa xaq darrada lagu kasbado.xumaa xaqiiq waxa ay falaan

[63] Maxay uga reebi waayeen Rabbi yaqaannada iyo culimadu hadalkooda dambiga ah iyo cuniddooda waxa xaqdarrada lagu kasbado. Oo xumaa xaqiiq waxa ay sameeyaan

[64] Oo Yuhuuddu waxay yidhaahdaan: Gacanta Ilaahay way xidhan tahay! Gacmahoodu baa la xidhi oo waxaa loo nacladaa waxa ay ku hadlaan dartii. Mayee, Labadiisa Gacmood way fidsan yihiin. Wuxuu wax u baxshaa sida uu doono. Oo hubaal waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa wuxuu u kordhiyaa kuwo badan oo ka mid ah xadgudub iyo gaalnimo. Oo Waxaan dhignay cadaawad iyo isnac dhexdooda ilaa Maalinta Qiyaamaha; Mar kasta oo ay huriyaan dab dagaal, Allaah baa damiya; oo waxay ku dadaalaan inay ku fidiyaan fasahaad arlada. Oo Allaah ma jecla kuwa fasahaad falayaasha ah

[65] Oo hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan oo ay iska ilaaliyaan (xume) waxaan hubaal u asturi lahayn xumaatooyinkooda oo waxaan hubaal ka yeeli laheyn inay galaan beero barwaaqo ah

[66] Oo hadday oogaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxaa looga soo waxyooday xagga Rabbigood (Qur’aanka), waxay hubaal ka cuni lahaayeen (risiq) korkooda iyo cagahooda hoostooda. Waxaa ka mid ah ummad qaadda jid dhexdhexaad ah, in badanse oo ka mid ah waxaa xun waxa ay falaan

[67] Rasuulkow! Gaarsii waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa. Oo haddii aadan falin, haddaba ma aadan gaarsiin Risaaladiisa. Oo Allaah baa kaa ilaalin dadka. Hubaal, Allaah ma hanuuniyo dadka gaalada ah

[68] Dheh: Ehlu-kitaabkow! Ma raacdaan waxba wax ku ool ah jeer aad oogtaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxa la idiinka soo waxyooday xagga Rabbigiin (Qur’aanka); oo hubaal waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa wuxuu ka yeeli in badan oo ka mid ah inay kororsadaan xadgudub iyo gaalnimo. Ee ha u murugoon dadkaa gaalada ah

[69] Hubaal, Kuwa rumeysan, iyo kuwa heysta Yuhuudiyadda iyo Saabbi’iinta iyo Nasaarada, _ qofkii rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa, oo sama fala, ma qabi doonaan cabsi, mana murugoon doonaan

[70] Xaqiiq Waxaan la galnay Axdi Ilmahii Israa’iil oo Waxaan u dirnay Rusul. Mar kasta uu ula yimaado Rasuul wax aanay nafahoodu dooneyn, qaar (ka mid ah) way beeniyeen, oo qaar way dileen

[71] Oo waxay moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’, haddana Allaah wuu u soo laabtay si naxariis leh, ha yeeshee in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’. Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan

[72] Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah, waa Masiixa ina Maryam; oo Masiixa wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin. Hubaal, qofkii wax la wadaajiya (cibaadada) Allaah, markaa wuxuu Allaah ka xaaraantinimeeyey Jannada, oo hoygiisu waa Naarta. Oo halkaa ma lahaan doonaan gar ma qaatayaasha wax u soo gargaara

[73] Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah aan ahayn Allaah Keliya. Oo hadday ka hari waayaan waxa ay leeyihiin, Cadaab xanuun badan baa ku dhici doona kuwa iyaga ka mid ah ee Xaqa diida

[74] Mawaysan haddaba u soo laabaneyn Allaah oo weydiisanayn Dambi Dhaafkiisa? Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[75] Oo Masiixa ina Maryam, ma ahayn waxaan ahayn Rasuul; xaqiiq waxaa tagey hortiis Rusul badan. Oo hooyadi waxay ahayd run badan; waxay labaduba cuni jireen cuntada. Eeg sida aan ugu caddeyno Aayadaha, misna eeg sida loo iilo

[76] Dheh: Ma waxaad caabuddaan Allaah ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna? Oo Allaah waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

[77] Dheh: Ehlu-Kitaabkow! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, oo ha raacina rabitaannada liita ee dad hore u habaabay, oo in badan habaabiyey, oo ka habaabay Jidka Toosan

[78] Kuwii xaqa diiday ee ka midka ahaa Ilmahii Is’raaiil waxaa lagu nacladay carrabka Daawuud iyo Ciise ina Maryam. Waxaa arrinkani ugu wacnaa inay caasi-yeen darteed oo xadugudub sameyn jireen

[79] Iskama ay reebi jirin waxyaalaha xun ee ay falaan. Oo xumaa xaqiiq waxaa ay faleen

[80] Waxaad arki doontaa in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya xulufo gaalada. Xumaa xaqiiq waxa ay nafahooda u hormariyeen oo ah inuu Allaah u cadhooday, oo cadaabtay ku waari doonaan weligood

[81] Oo hadday yihiin kuwo rumeysan Allaah, iyo Nabiga iyo waxa loo soo waxyooday, kama ay dhigteen xulufo, laa- kiinse in badan oo ka mid ah waa fallaago

[82] Xaqiiq waxaad heli doontaa kuwa uga cadaawad qaad badan mu’miniinta inay yihiin Yuhuudda iyo kuwaa ah mushrikiinta, oo waxaad xaqiiq heli doontaa kuwa ugu gacalo dhow mu’miniinta inay yihiin kuwa yidhaahda: Waxaanu nahay Nasaaro. Waxaa arrinkani ugu wacan inay ka mid yihiin qaysas iyo ruhbaan, iyo inaysan iskibrin darteed

[83] Oo markay maqlaan waxa loo soo waxyooday Rasuulka, waxaad arki doontaa indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii. Waxay yidhaahdaan: Rabbiyow! Waanu rumeysannahaye; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca (Xaqa)

[84] Oo Maxaan (sabab) u heysannaa inaan rumeyn Allaah iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, innagoo dhab u rabno inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadka wanaag- san (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa)

[85] Markaas buu Allaah ku abaal mariyey waxa ay yidhaahdeen awgeed beero ay wabiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Oo kani waa abaalka sama falayaasha

[86] Kuwase rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwakani waa ehlu Naarka

[87] Mu’miniintoy! Ha xarrimina Waxyaalaha wanaagsan uu Allaah idiin banneeyey, oo ha xad gudbina, Hubaal, Allaah ma jecla kuwa xadgudba

[88] Oo cuna wax ka mid ah xalaasha wanaagsan uu Allaah idin siiyey, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, ee ah Kan aad rumeysan tihiin

[89] Allaah idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), laakiinse wuxuu idiin qaban (jabinta) dhaarahiinna aad si kas ah u gashaan. Haddaba kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxa aad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkiise aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna marka aad dhaarataan. Oo ilaashada dhaarihiinna. Sidaas buu Allaah idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahad naqdaan

[90] Mu’miniintoy! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (u wax u hibeynta) sanammada iyo faalku11 waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane

[91] Shaydaan wuxuu uun rabaa inuu idinku dhex dhigo colaad iyo isnac khamrada iyo qamaarka, oo idinka jeediyo xusidda Ilaahay iyo salaadda, haddaba miyaadan iska deyn doonin

[92] Oo adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka oo digtoonaada. Haddiise aad dhabarka jeedisaan, haddaba ogaada waxaa uun saaran Rasuulkayaga Gaarsiin Cad

[93] Kuwa rumeysan oo samaha fala ma jiro wax eed ahi oo ku saaran waxa ay cunaan, markay xume iska jiraan oo gutaan (xilka saaran), oo rumeeyaan oo sama falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (xilka saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha

[94] Mu’miniintoy! Wuxuu Allaah hubaal idinku imtixaani doonaa wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Allaah u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu mudan doonaa cadaab xanuun badan

[95] Mu’miniintoy! Ha dilina ugaadha12 idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), oo qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidh7an Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma waxa uu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Allaah wuu idinka cafiyey wixii tegay, oo qofkii u noqdaa (dambigaa) mar kale, Allaah wuu ka aar gudan doonaa. Oo Allaah waa Adkaade, Aar goosi leh

[96] Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba_ sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro) oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin doono

[97] Allaah wuxuu u yeelay Kacbada Beydka Xurmadda leh daryeel dadka awgi iyo bisha xurmadda leh iyo hadyiga iyo xoolaha qurbaanka ee calaamadeysan, tani waa si aad u ogaataan in Allaah og yahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, iyo in Allaah Og yahay wax walba

[98] Ogaada in Allaah Ciqaabkiisu Daran yahay, iyo in Allaah Dambi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay

[99] Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn gaarsiinta (dhambaalka). Oo Allaah wuu Ogyahay waxa aad muujisaan iyo waxa aad qarisaanba

[100] Dheh: Ma sinna waxa xun iyo waxa fiican, walow aad la yaabto badnaanta waxa xun. ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah wax garadkow aad liibaantaane

[101] Mu’miniintoy! Ha ka keenina su’aalo waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ku dhibtoon kartaan. Haddiise aad ka keentaan su’aalo marka Qur'aanka la soo waxyoonayo waa la idiin caddeyn. Allaah waa idinka cafiyaa tani, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan

[102] Dad idinka horreeyey baa dhabtii keenay su’aalahaa oo kale, markaasay noqdeen kuwo rumeysan waaya

[103] Ma uusan amrin Allaah (yeelashada) Baxiirah (xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo) ama Saa’ ibah (xoolo sanamyada dartood loo sii daayo) ama Wasiilah (xoolo sanamyada lagu sadaqeysto) ama Xaam (riti sanamyada loo daayo) laakiinse gaaladu waxay ka been sheegaan Allaah, badankooduna ma laha garasho

[104] Oo marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Allaah soo waxyooday iyo xagga Rasuulka. Waxay yidhaahdaan: Waxaa nagu filan waxaan ka hellay aabbayaashayo, oo ma xitaa haddii aysan aabbayaashood wax ogeyn oo aanay hanuunsanayn

[105] Mu’miniintoy! Wuxuu xil idinka saaran yahay nafahiinna. Wax dhib ah idinkama soo gaari karaan ciddii lunta markaad idinku hanuunsan tihiin. Waa xagga Ilaahay meel noqodkiinna dhammaantiin, markaasuu idiin sheegi doonaa waxaad fasheen

[106] Mu’miniintoy! Marag gashada dhexdiinna markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ahba, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan13, waa inay labaduba ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrintani, qaraababa ha ahaadee, oo ma qarin doonno Maragga Ilaahay, (haddii kale markaa) xaqiiq waxaanu ka mid ahaaneynaa dambiilayaasha

[107] Markaa haddii la ogaado inay labaduba galeen dambi, labo kale baa meeshood joogsan ( oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddii aan xadgudubno) waxaanu hubaal markaa ka mid ahaaneynaa geflowyada

[108] Tan baa wanaagsan si ay ula yimaadaan maragga wejigiisa runta ah, ama waxay ka cabsan in dhaaraha (kale) la qaato14 dhaarahooda kaddib. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo wax maqla. Oo Allaah ma hanuuniyo dadkaa caasiyaasha ah

[109] Maalinta uu Allaah wada kulmin doono Rususha oo ku odhan doono: Maxaa la idiinku jawaabay? Waxay odhan doonaan: ma aynu ogin, Adigaa hubaal ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon

[110] Marka Allaah odhan doono: Ciise ina Maryamow! Xusuuso Nicmaddeyda aan ku dul mannaystay adiga iyo hooyadaaba, markaan kugu xoojiyey Ruuxa Daahirka (Jabriil), waxaad la hadashay dadka adigoo caydin dhashay ah iyo adigoo garmadoobe ah; oo waa tii aan ku baray Qoraalka iyo Xikmadda iyo Tawraadda iyo Injiilka; oo waa tii aad ka soo goosatay dhoobada, wax u eg shimbir aniga Idankay, oo markaas afuufaysay, markaasna ay noqonaysay shimbir Idankay, oo waxaad bogsiisay indhoolaha iyo baraslaha si Idankayga ah, oo waa tii aad ku soo saartay meytida si Idankeyga ah, oo waa tii aan kaa celiyey Ilmahii Israa’iil kolkaad ula timid Xujooyin cad, ha yeeshee kuwii rumeysan diiday ee ka midka ahaa yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir iska cad

[111] Oo waa tii aan u waxyooday xertaadii (anigoo ku leh): I rumeeya Aniga iyo Rasuulkaygaba, waxay yidhaahdeen: Waanu rumeysannahay oo marag ka how inaanu nahay Muslimiin

[112] Waa tii xertii yidhaahdeen: Ciise ina Maryamow! Ma oggolaan Rabbigaa inuu nooga soo dejiyo xeero cunto ah samada? Wuxuu yidhi: Ilaahay ka cabsada, haddii aad tihiin mu’miniin

[113] Waxay yidhaahdeen: Waxaan rabnaa inaan wax ka cunno, oo ay ku degaan quluubtayada, oo aan ogaanno inaad xaqiiq run noo sheegeyso, oo ka ahaanno markhaatiyo arrinkaa

[114] Ciise ina Maryam wuxuu yidhi: Allahayow! Rabbigayow! Nooga soo deji xeero cunto ah samada, oo u noqota ciid kaayaga hore iyo kaayaga dambaba iyo calaamo xaggaaga ah; oo na sii risiq, Adigaa u wanaagsan inta wax arsaaqda'e

[115] Allaah wuxuu yidhi: Hubaal Waan idinku soo dejin, ee qofkii idinka mid ah ee gaalooba taasi kaddib, waxaan cadaabi doonaa cadaab aan cadaabi doonin iyadoo kale axad ka mid ah ummadaha

[116] Oo marka Allaah odhan doono: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Allaah ka sokow? Wuxuu odhan doonaa: Xurmo oo dhan Adigaa leh! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, xaqiiq waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Hubaal Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan

[117] Kuma aan odhan waxaan ahayn waxa aad i amartay oo ah: Caabuda Allaah Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiinba, Waxaan anigu markhaati ka ahaa intii aan la joogay, markaad se i oofsatay, Adiga baa dhuganayey dhugasho dhan oo joogto ah, oo Adigaa Marag ka ah wax walba

[118] Haddaad cadaabeyso, haddaba hubaal waa addoommahaaga, oo haddaad u dambi dhaafeyso, hubaal, Adiga baa ah Adkaadaha , Xakiimka ah

[119] Allaah wuxuu oran doonaa: Tanu waa Maalinta ay runtoodu wax u tari doonto runlowyada, waxay mudan doonaan Beero ay hoostoodu webiyadu qulqulaan_iyagoo ku dhex waaraya weligood. Allaah baa aad uga raalli ah, iyaguna aad bay uga raalli yihiin. Tan weeye liibaanta aad u weyn

[120] Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa gudahooda ahba, oo Allaah wax kasta ( uu doono) wuu Karaa

Al-Ancaam

Surah 6

[1] Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa Xaqa diida waxay u yeelaan dhig Rabbigood

[2] Isaga weeye (Alle) Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), oo waxaa jira muddo (kale oo) magaacaban uu Isagu Og yahay (Saacadda Qiyaamaha), waliba idinku waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan

[3] Oo waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah) samooyinka gudahooda iyo arlada gudaheedaba, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, oo wuxuu ogsoon yahay waxa aad kasbataan

[4] Oo uma timaaddo calaamo ka mid ah calaamoyinka Rabbigood, bal waa ka sii jeesadaan

[5] Oo waxay xaqiiq beeniyeen xaqa markuu u yimid, ee waxaa u imaan doona xaqiiqda waxa ay ku jees jeesi jireen

[6] Miyaanay u fiirsan inta aan hallignay hortood facyo, aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Oo waxaanu uga soo shubnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, oo waxaan u yeelnay webiyo socda hoostooda, waanse hallignay dambiyadoodii dartood, oo aan soo bixinnay iyaga kaddib fac kale

[7] Oo haddaan kugu soo dejinno qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, hubaal gaalada waxay odhan lahaayeen: kanu ma aha waxaan aheyn sixir iska cad

[8] Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa malag loola soo diri waayey? Oo haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, oo markaas lama siiyeen nafis

[9] Oo haddiiba aan ka dhigno malag, waxaan hubaal ka dhigi laheyn nin, oo waxaan hubaal iskaga dari lahayn arrinka sida ay iyaguba isaga dari jireen

[10] Oo xaqiiq Rusul kaa horreysey baa lagu jees jeesay, waxaa se ay ku jeesjeeseen baa koobay ku digtayaashii ka midka ahaa

[11] Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya sida ay aheyd ciribta beeniyayaasha

[12] Dheh: Kumaa leh waxa jira samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis; hubaal wuxuu xaqiiq idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. (Ma xagga) kuwa khasaariyey nafahooda, ma rumeyn doonaan

[13] Oo Isaga baa iska leh wax kastoo ku xasila habeenka iyo maalintaba, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Og

[14] Dheh: Ma waxaan yeeshaa xafide aan aheyn Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada? Ee wax quudiya ee aan Isaga la quudin. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). oo waa inaydaan ka mid noqon mushrikiinta

[15] Dheh: Hubaal waxaan ka cabsi qabaa, haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin aad u murugo Weyn

[16] Kan laga duwo Maalintaas (Cadaabta). Xaqiiq Allaah wuu u Naxariisatay, oo tani weeye Liibaanta Cad

[17] Oo hadduu Allaah ku taabsiiyo waxyeello, ma jiro wax kaa kor qaadi karaa oo aan Isaga ahayn, oo hadduu ku taabsiiyo khayr, isaga baa wax walba Kara

[18] Oo waa Isaga Sarreeyaha Awoodda Badan ka korreeya addoomahiisa, oo waa Isaga Xakiimka, Xog Ogaalka ah

[19] Dheh: Maxaa u weyn markhaati? Dheh: Allaah baa markhaati ah dhexdeenna aniga iyo idinkaba; oo waxaa la ii waxyooday Qur'aankan inaan idiinku digo idinka iyo cid kastaba uu gaaro. Ee idinku ma waxaad ka marag kacdaan inay Allaah la jiraan ilaahyo kale? Dheh: Anigu kama marag kaco. Dheh: Waa uun Ilaah Keliya, oo hubaal anigu waxaan barii ka ahay waxa aad la wadaajisaan (cibaadada)

[20] Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) sida ay u gartaan carruurtooda. (Ma xagga) kuwa khasaari doona nafahooda (Aakhirada), ma rumeysan doonaan

[21] Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadihiisa? Hubaal gar ma qaatayaasha ma guuleystaan

[22] Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyagoo dhan, markaas baan ku odhan doonnaa kuwii la wadaajiyey (Allaah) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay wehliyaan Isaga)

[23] Markaas ma ahaan doono cudurdaarkoodu waxaan ahayn inay odhanayaan: Wallaahi, Rabbiyow, ma aanu aheyn mushrikiin

[24] Eeg Sida ay uga been sheegi nafa-hooda oo waxay been abuurteen way ka kala tageen

[25] Oo waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, oo waxaan yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin, iyo culeys dhegahooda; oo xitaa hadday arkaan calaamo kasta ma rumayn doonaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa rumeysan diida yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore

[26] Oo waxay ka reebaan dadka (kale) iyaguna ka sii fogaadaan (Qur’aanka), oo ma halligaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana

[27] Oo haddaad arki lahayd iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan doonaan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka) , oo ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, oo waxaan ka mid noqon laheyn mu’miniinta

[28] Bal, waxay hore u qarsadeen baa u muuqan doono, oo haddii dib loo celin lahaa, waxay hubaal ku noqon lahaayeen wixii laga reebay. Oo hubaal waa beenalayaal xaqiiqdii

[29] Oo waxay yidhaahdaan: Ma jirto (nolol kale) aan aheyn noloshayada (tan) adduunkan, oo nalama soo saari doono

[30] Oo haddaad arki lahayd marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan doonaa: Soo ma aha kani Xaq? Waxay odhan doonaan: Haah, Rabbiyow. Wuxuu odhan doonaa: Haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinnii darteed

[31] Waa khasaare u joog xaqiiq kuwa beeniya la kulanka Ilaahay, jeer markay Saacaddu ugu timaado si kedis ah, waxay odhan doonaan: Shallaytadannow ku gaboodfalkayaga darteed waxakani oo waxay ku xambaari culeysyadooda (dambiyadooda) dhabarradooda, haddaba hubaal waxaa xumaan badan waxa ay xambaari doonaan

[32] Oo ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Oo xaqiiq Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa iska jira (xumaha), ee miyaydan haddaba garowsaneyn

[33] Waxaan ognahay xaqiiq inay waxa ay sheegaan runtii ku murugo geliso: Mase aha hubaal adiga waxa ay beeninayaan, laakiinse gar ma qaatayaashu waa Aayadaha Ilaahay waxay dafirayaan

[34] Oo xaqiiq Rusul kaa horreeyey adiga baa la beeniyey, wayse ku samreen beenintaa iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, oo ma jiraan wax beddeli kara kelmedaha Ilaahay. Oo xaqiiq waxaa haatan ku soo gaaray in ka mid ah xaaladdii Rususha

[35] Oo hadday kugu cuslaatay jeedsigoodu, haddaba haddaad dalbi karto dalool aad hoos ugu baxdo arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (haddaba sidaa yeel). Oo hadduu Allaah dooni lahaa wuxuu hubaal isugu soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta

[36] Kuwaas wax maqla uun baa ajiiba (baaqa), oo (ma xagga) meytida, Allaah baa soo bixin doona, markaas Xaggiisa baa loo soo celin doonaa

[37] Oo waxay yidhaahdaan: Oo maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Dheh: Hubaal Allaah wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, laakiinse intooda badan wax ma oga

[38] Oo ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duusha labadeeda baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin doonaa

[39] Oo kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo dhega la’ oo af la’ oo ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Allaah waa habaabiyaa, oo qofkuu doono wuxuu yeelaa Jidka Toosan

[40] Dheh: Bal ii sheega haddii Cadaabta Ilaahay ay idiin timaaddo ama Saacaddu idiin timaaddo, ma cid kale aan Allaah ahayn ayaad baryi doontaan haddaad tihiin run sheegayaal

[41] Mayee’ Isaga Keligii ayaad baridaan, oo idinka dul qaada (dhibta) aad uga gargaar weydiisataan hadduu doono, oo waxaad illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada

[42] Oo xaqiiq Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen). Markaas baan ku qabannay faqri ba'an iyo cudurro baas bal inay soo dabcaan

[43] Oo maxay markay u timid Ciqaabtayada, u soo hogan waayeen? Laakiinse quluubtoodaa qallashay, oo Shaydaan wuxuu u qurxiyey waxay falayeen

[44] Markiise ay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxayba ku sugan yihiin quus daran

[45] Markaasaa dadkii geystey gefafka la cidhibtiray. Oo ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga uunanka

[46] Dheh: Miyaad u fiirsateen in hadduu Allaah qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daahda; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah oo idiin keeni kara? Eeg sida Aan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan

[47] Dheh: Miyaad u fiirsateen, hadday idiinku timaaddo cadaabta Ilaahay kedo ama caddaan; Miyaa la halligaa waxaan aheyn dadka gar ma qaatayaasha ah

[48] Oo uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas ma qabi doonaan cabsi, mana murugoon doonaan

[49] Kuwase beeniya Aayadahayaga, cadaab baa taaban doonta caasintooda darteed

[50] Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Ilaahay, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon oo idinkuma dhaho waxaan anigu ahay malag. Ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan idhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan haddaba fakarayn

[51] Oo ugu dig kuwa cabsada in loo soo kulmin doono xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha)

[52] Oo ha ceyrin kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, waxay rabaan oo keliya Wajigiisa. Waxba kaama saarna2 Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad ceyriso, oo sidaas uga mid ahaato geflowyada

[53] Sidaas baan isugu jarribnaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Allaah uu ku mannaystay (fadliga) dhexdeenna? Miyaanu Allaah ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa

[54] Oo markay kuwaa rumeysan Aayadahayaga kuu yimaadaan, dheh: Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, hadduu midkiin u falaa xumaan jahli darti, markaas kaddibna soo laabto oo wanaagsanaado, hubaaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[55] Oo sidaas baan u kala dhigdhignaa Aayadaha si ay u caddaato waddada Dambiilayaasha

[56] Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan Allaah sokadi. Dheh: Ma raaco rabitaannadiinna liita, waayo (haddii aan sidaas yeelo), xaqiiq waan lumi lahaa markaas, oo kama mid ahaadeen kuwa hanuunsan

[57] Dheh: Hubaal Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beenisaan, ma hayo waxa aad degdegsaneysaan. Go’aanka waxaa iska leh Allaah, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, oo waa Isaga Kan u wanagsan inta wax kala xukunta

[58] Dheh: Haddaan hayn lahaa waxa aad dooneysaan in la soo dedejiyo, arrinka wuxuu hubaal ahaan lahaa mid la gooyey aniga iyo idinka dhexdeenna, Oo Allaah aad buu u ogsoon yahay geflowyada

[59] Oo Wuxuu hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro axad ogsoon aan Isaga ahayn. oo Wuxuu ogsoon yahay wax kasta oo jira barriga iyo baddaba; oo ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; oo ma jirto iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka)

[60] Oo Isaga weeye (Alle) Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), oo wuxuu ogsoon yahay waxa aad kasabtaan maalinnimada, haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiiyo muddo magacaaban, markaas Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa, markaasuu idiin sheegi doonaa wixii aad fasheen (oo dhan)

[61] Oo Waa Isaga Sarreeyaha awoodda badan, ka korreeya addoomahiisa, oo wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markay geeri u timaaddo midkiin, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), oo iyagu ma aha kuwa gabood fala

[62] Markaas baa waxaa dib loogu celiyaa Allaah, Mudanahooda Xaqa ah. Haddaba hubaal Isaga ayaa leh go’aanka, oo waa Kan u dhaqso badan inta wax xisaabisa

[63] Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) idinkoo u hoganaya iyo qarsoodiba (oo leh): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa mahad naqa

[64] Dheh: Allaah baa idinka badbaadiya iyada iyo kurba kastaba, markaas ayaad haddana u shariig yeeshaan

[65] Dheh: Wuxuu Karaa inuu idiinka soo diro cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda3 ama idin geliyo jahawareer (isagoo idinka dhigaya) kooxo kala duwan, oo ka yeelo qaarkiin inay dhadhamiyaan dhibka qaarka kale. Eeg sida aan ugu soo celcelinno Aayadaha,bal inay fahmaan

[66] Oo dadkaagu way beeniyaan isagoo Xaq ah. Dheh: Anigu dusha idinkama saarni ilaaliye ahaan

[67] War walbaa wuxuu leeyahay muddo, oo waad ogaan doontaan

[68] Oo markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay u galaan war kale. Oo hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo, haddaba ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadkaa geflowyada ah

[69] Oo kuwa dhowrsoon xisaabtooda (gaalada iyo cusaadda) waxba kama saarna, laakiinse waxay ku leeyihiin waano, waa intaasoo ay iska jiraan (xumaha'e)

[70] Oo iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, oo ku waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay, ma lahaan doonto Allaah sokadi wax sokeeye ah iyo shafeeco midna, oo hadday isku furato madax furasho kasta aan laga aqbali doonin. Waa kuwan kuwa loo halaagi doono waxa ay kasbadeen awgeed, waxaa lagu abaal marin doonaa sharaab biyo kulul oo karaya iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed

[71] Dheh: Oo ma waxaan barinnaa Allaah sokadi wax aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, oo ma waxaa dib naloogu celin doonaa cirbahayaga kaddib markuu Allaah na hanuuniyey? _(markaas waxaan ahaaneynaa) sida kan ay ka yeeleen shaydaammadu inuu ku luufluufo dhulka dhexdiisa isagoo jaha wareersan? (halka) uu leeyahay saaxiibbo ugu yeedha hanuunka (oo ku dhahaya): Noo kaalay. Dheh: Hubaal, Hanuunka Ilaahay baa ah oo keliya hanuunka toosan, oo waxaa nala amray inaan isu dhiibno Rabbiga uunanka

[72] Oo hagaajiya salaadda, oo dhowra (xilka uu idin saaray), oo Isaga weeye (Alle) Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin doono

[73] Oo Isaga weeye Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada xaq, oo maalinta uu yidhaahdo: Ahow, way ahaan. Qawlkiisu waa Xaq. Oo Isagaa leh Boqortooyada (runta ah) Maalinta marka la afuufi doono Buunka. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba Oo waa Isaga (Alle) Xakiimka, Xog Ogaalka ah

[74] Oo waa tii uu Ibraahiim ku yidhi aabbihii Aazar4: Ma waxaad ka dhigataa asnaam ilaahyo? Hubaal waxaan anigu kugu arkaa adiga iyo dadkaagaba habow caddaan ah

[75] Sidaas baan u tusinnay Ibraahiim Boqortooyada samooyinka iyo arlada si uu uga mid ahaado kuwa Xaqa yaqiinsan

[76] Markaasuu kolkii uu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig, Wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markiise uu dhacay, wuxuu yidhi: Ma jecli waxa dhaca

[77] Oo markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markiise uu dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan hubaal ka mid noqon doonaa dadka lunsan

[78] Oo markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markiise ay dhacday, wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Anigu waxaan barii ka ahay waxa aad Allaah u shariig yeeshaan

[79] Hubaal waxaan anigu u jeediyey wejigayga anigoo toosan xagga (Allaah, ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta

[80] Oo dadkiisii baa la dooday; oo wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Ilaahay? isagoo xaqiiq I hanuuniyey; oo anigu ma ka cabsi qabo sinnaba waxa aad la wadaajisaan cibaadada Isaga (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuuxu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmigiisa. Ma waydaan haddaba waansamayn

[81] Oo sidee baan uga cabsadaa waxa aad la wadaajisan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku cabsi ka qabin inaad la wadaajiseen Allaah cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa haddaba labada qolo isku huba inay ku sugnaan amni, haddii aad ogtihiin

[82] Kuwa (Xaqa) rumeysan oo aan ku labin Iimaankooda gef, waa kuwaas kuwa uu u sugnaan doono amnigu, oo waa iyaga kuwa hanuunsan

[83] Oo tani waxay aheyd xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim dadkiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal, Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon

[84] Oo Waxaan ku galladeysannay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waanu hanuuninnay, oo Nuux waanu hanuuninnay kal hore, oo waxaa ka mid ah ubadkiisa; Daawuud iyo Sulaymaan iyo Ayyuub iyo Yuusuf iyo Muuse iyo Haaruun. Oo sidaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha

[85] Iyo Zakariya iyo Yaxyaa iyo Ciise iyo Ilyaas, mid walbaa wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan

[86] Iyo Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Yuunus iyo Luud, mid walbaa oo ka mid ahi waan ka kor marinnay uunanka (waqtigoodii)

[87] Iyo sidoo kale qaar ka mid ah aabbayaashood iyo ubadkooda iyo walaalahood, oo waan doorannay iyaga, oo ku hanuuninnay Jidka Toosan

[88] Kani waa hanuunka Ilaahay uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Oo hadday la wadaajin lahaayeen cibaadada cid kale,waxaa hubaal ka buri lahaa wixii ay camal san faleen

[89] Kuwaanu waa kuwa aan siinnay Kitaabka, iyo Xikmadda iyo Nabinnimada. Marka hadday kuwani rumeysan waayaan, waxaan xaqiiq u xil saarnay dad aan Xaqa diidin

[90] Kuwani weeye kuwa uu Allaah hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa waano ku socota uunanka

[91] Oo ma ay ku tilmaamin Allaah tilmaamaha uu mudan yahay marka ay leeyihiin: Waxba Allaah uma soo waxyoon qof Aadmi ah oo dhimanaya. Dheh: Yaa soo waxyooday Kitaabkii uu la yimid Muuse, oo u ahaa Nuur iyo Hanuun dadka, oo aad idinku (Yuhuudda ah) ka dhigteen qoraallo (kala gaar ah) aad muujisaan (qaar ka mid ah) oo qarisaan wax badan? Oo waxaa la idin baray wax aydaan aqoon jirin idinka iyo aabbayaashiin midna. Dheh: Allaah (baa soo waxyooday). Markaas iskaga tag iyagoo baadilkooda ku madadaalan

[92] Oo kanu waa Kitaab aan soo waxyoonnay oo barakaysan oo xaqiijinaya (kutubtii) ka horreeyey, si aad ugu digto hooyada magaalooyinka (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah. Oo kuwa rumeysan aakhirada baa rumeysan, oo waxay u dhowraan salaadahooda si joogto ah

[93] Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo waxyoon karaa wax la mid ah waxa uu Allaah soo waxyooday? Oo haddaad arki lahayd marka ay gar ma qaatayaasha ku sugan yihiin sakaraadka mowdka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin doonaa cadaabta dulleynta wixii aad Allaah ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Oo waxaad aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya

[94] Oo xaqiiq waxaad noogu timaaddeen idinkoo keli ah sidii aan idiin abuurnay awal horeba. Oo waxaad uga timaaddeen dhabarradiinna gadaashood waxaan idinku galladeysannay. Oo ma aragno la jirkiin shafeecayaashiinnii aad ku sheegi jirteen inay xaggiinna shuruko Allaah la yihiin. Xaqiiq dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa haatan waa kala go’an yihiin, oo waxaad sheegeyseen waad weydeen

[95] Hubaal Waa Allaah Kan biqliya iniinta iyo lafta. Wuxuu ka soo saaraa noole wax meyd ah, oo ka soo saaraa wax meyd ah wax nool. Kaas ayaa ah Allaah, ee sidee baa haddaba la idiinka jeediyey

[96] Waa Kan waaga bariya, oo ka dhigay habeenka nasasho, iyo in qorraxda iyo dayaxa wax lagu xisaabsado, arrinkani waa abaabulka Adkaadaha, wax kasta Ogsoonaha ah (Allaah)

[97] oo waa Isaga (Allaah) Kan idiin yeelay xiddigaha, si aad ugu toostaan dhabbaha marka uu jira gudcurka barriga iyo badda. Xaqiiq Waxaan u faahfaahinnay Aayadaha dad aqoon leh

[98] Oo Isaga weeye Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam), oo idin yeelay rug aad degtaan iyo rug kaydin ah5, xaqiiq waxaan u faahfaahinnay Aayadaha dad faham leh

[99] Oo Isaga weeye Kan ka soo shuba biyo daruurta, oo aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Oo waxaan ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhowna oo aan fogeyn iyo beero ah canab, iyo saytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada mirihiisa markuu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamooyin dad iimaan leh

[100] Oo waxay ka yeelaan jinka shariigyo ay la wadaajiyaan Allaah cibaadada, Isagoo abuuray iyaga, oo waxay baadil ugu nasbeeyaan wiilal iyo gabdho cilmi la’aantooda awgii. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu (ka nazahan yahay) oo ka sarreeyaa waxay ku tilmaamaan

[101] Waa Askumaha cirarka iyo dhulka. Sidee buu u yeelan wiil Isaga oo aan lahayn afo? Oo Isagu yahay Kan abuuray wax kasta, oo Isaga baa wax walba Og

[102] Kaas waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, oo Isaga baa wax kasta xilkood haya

[103] Ma koobi karaan Aragga indhuhu, Isaguse wuu koobaa arag walba oo jira. Oo waa Isaga Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah

[104] Xaqiiq waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa, naftiisay dan u tahay, oo qofkii ka indho la'aada isagay u daran tahay, oo anigu ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah

[105] Oo sidaas baan ugu celcelinnaa Aayadaha iyo si ay u yidhaahdaan: Waad soo baratay, iyo si aan ugu caddeyno arrinka dad garasho leh

[106] Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa, ma jiro ilaah aan Isaga ahayn, oo iskaga jeeso mushrikiinta

[107] Oo hadduu doono Allaah, uma ay shariig yeeleen cidna oo kaaga ma aanaan dhigin korkooda ilaaliye, oo kama tihid adigu wakiil

[108] Oo ha caayina kuwaa ay u dhawaaqdaan Allaah sokadi, si aysan iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Allaah jahli darti. Sidaas baan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, markaas wuxuu u sheegi doonaa waxa ay fali jireen

[109] Oo waxay ku dhaartaan Allaah tan ugu culus dhaarahooda, in hadday u timaaddo calaamo ay hubaal rumaynayaan6. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Allaah, oo maxaa idin ogeysiinaya markay (calaamo) u timaaddo inayan rumayn doonin

[110] Oo waxaanu rogi doonnaa quluubtooda iyo aragyadooda, sida ay iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, oo waxaanu ugu tegi doonnaa xad gudub- kooda, ay ku jaha wareersanaan indha la’aan

[111] Oo waliba haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda dhambaalkan), oo meytidu ay (ka)la hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn, in maahee Allaah doono, laakiinse badankoodu waa ka jaahiliin

[112] Oo sidaas baan waxaan ugu yeelnay Nabi walbaa cadow_shayaadiinta ku jira dadka iyo jinkaba, oo qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay (ku) hodaan. Oo Rabbigaa hadduu doono, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxa ay been abuuranba

[113] Oo waa si ay laabaha kuwa aan rumeysanayn Aakhirada ugu iilato oo ugu raalli noqdaan, iyo si ay u kasbadaan waxa ay kasban doonaan (oo dembiyo ah)

[114] Ma waxaan haddaba ka doonaa garsoor cidaan ahayn Allaah, isagoo ah Kan idiin soo waxyooday Kitaabka ee la caddeeyey. Oo kuwa aan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in looga soo waxyooday xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya

[115] Oo Kelmadda Rabbigaa waxay ku taam noqotay run iyo caddaalad. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa. Oo Waa Maqlaha (wax kasta), wax kasta ogsoonaha

[116] Oo haddaad adeecdo intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa lumin Jidka Ilaahay. Ma raacaan waxaan ahayn male, oo been uun bay sheegaan

[117] Hubaal, Rabbigaa baa dhab u Ogsoon midka ka luma Jidkiisa, oo Wuxuu dhab u Ogsoon yahay kuwa hanuunsan

[118] Ee cuna waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan

[119] Oo maxaad la cuni weydeen waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey neefka), oo wuxuu horay idiinku caddeeyey waxa uu idinka xaaraanshay - waxa ay dani idinku qabato ma'ahee. Oo hubaal kuwo badan baa xaqiiq ku lumiya (dadka) rabitaannadooda liita darteed aqoon la’aan darteed. Hubaal, Rabbigaa wuxuu aad u Ogsoon yahay kuwa xad- gudba

[120] Ee ka taga dambiga muuqda iyo kan qarsoonba. hubaal, kuwa kasbada dambiga waxaa laga goyn doonaa waxay kasbadeen

[121] Oo ha cunina waxaa (hilibka) aan lagu xusin Magaca Ilaahay (markii la gowraca- yey neefka), oo taasi hubaal waa caasiyoobid. Oo hubaal shaydaammadu waxay xaqiiq u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan7, oo haddaad adeecdaan, markaa hubaal waxaad xaqiiq idinkuna tihiin mushrikiin

[122] Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur oo uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo bixi karin? Sidaas baa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan

[123] Oo sidaas baan u yeelnay magaalo walba gudaheed kuwooda waaweyn (madaxda iyo maalqabeennadeeda) inay ahaadaan dambiilayaasheeda si ay ugu dhex maleegaan qorshe (xun), umase maleegaan qorshe (xun) waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana

[124] Oo markay calaamo u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Ma rumeysan doonno jeer nala siiyo wax la mid ah waxa la siiyey Rususha Ilaahay. Allaah baa dhab u ogsoon meesha uu dhigayo Dhambaal-kiisa. Waxaa ku dhici doona dambiilayaa- sha dulli xag Ilaahay ah iyo cadaab daran waxay qorshe xun maleegi jireen awgeed

[125] Ee qofkii uu Allaah rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, oo (ma) qofkii uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka dhigaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaas buu Allaah dusha uga saaraa fadarada kuwa aan rumaysneyn

[126] Oo kani waa Jidka Rabbigaa ee toosan. Xaqiiq Waxaan uga yeelnay Aayadaha caddaan dad maan leh

[127] Waxay mudan Daarta Nabadda (Jannada) oo Rabbigood agtiis ah oo Isagaa ah Gacalkood waxay camal faleen darteed

[128] Oo Maalinta uu soo kulmin doono (dhammaantood) iyagoo wada jira (oo odhan): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Oo saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan doonaan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, oo waxaan gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan doonaa: Naarta ayaa hoygiinna ah oo aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Allaah doono mooyee. Xaqiiq, Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon

[129] Oo sidaas baan uga saaxiib dhignaa gar ma qaatayaasha qaarkoodba qaarka kale, waxa ay kasbadeen awgeed

[130] Kulanka jinka iyo dadkow! Miyaanay idiin imaan Rusul idinka mid ah, oo idiin soo tebinaya Aayadahayga oo idiinka digaya la kulanka maalintiinnaan tani? Waxay odhan doonaan: Waxaan ku marag furaynaa nafahayaga. Oo waxaa hodday noloshan adduunka. Oo waxay ku marag furi doonaan nafahooda inay iimaan la’aan ahaayeen

[131] Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin)

[132] Oo dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Oo Rabbigaa ma mooga waxay camal falaan

[133] Oo Rabbigaa waa Hodan (ka deeqtoon wax waliba) Naxariis leh, hadduu doono waa idin qaadi karaa, oo idinku beddeli karaa idinka kaddib cidduu doono. Sidii uu awalba idiinka soo saaray firka dad kale

[134] Hubaal, waxa la idiinka gooddiyo waa imaanayaan, oo kama fakan kartaan

[135] Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal falanayaa, waadse ogaan doontaan dhowaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal gar ma qaatayaasha ma guulyesan doonaan

[136] Oo waxay qayb u dhigaan Allaah8, ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Allaah - sidaas bay ku andacoodaan-, oo kan waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxa ay leeyihiin sanaymayadooda ma gaaraan Allaah, waxase (qayb ahaan loo dhigay) Allaah wuxuu gaaraa sanaymyadooda! Alla Xumaa waxa ay xukumaan

[137] Oo sidaas bay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (ilaahay) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan diintooda. Oo hadduu Allaah doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxa ay been abuuraanba

[138] Oo waxay yidhaahdaan: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuni doonin ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Ilaahay - iyagoo ku been abuuranaya. Waa uu ka abaal marin doonaa waxa ay been abuurteen darteed

[139] Oo waxay yiraahdaan: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, oo waa ka xaaraan xaasaskayaga, oo hadduu baqti yahay, markaa way wadaagaan dhammaantood. Wuxuu ka goyn doonaa waxay been u nisbeeyeen (Allaah). Xaqiiq, Waa Xakiim, wax kasta Ogsoon

[140] Waxaa khasaara dhab ah ku sugan run ahaan kuwa u dila carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan9, oo xaaraameeya waxa Allaah uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Allaah. Xaqiiq way lumeen, oo ma aha kuwo hanuunsan

[141] Oo Isaga weeye Kan soo saara beero (canab ah) dhis leh iyo kuwo aan dhis lahaynba, iyo geedo timir, iyo sarac leh miro muuqaal iyo dhadhan kala duwan, iyo saytuun, iyo rummaan, isu eg (nooc ahaan) kuna kala duwan (dhadhan ahaan), Wax ka cuna mirahiisa markay soo saaraan miro, oo bixiya xaqa lagu leeyahay maalinta goyntiisa. Oo ha xad dhaafina, xaqiiq Isagu ma jecla kuwa xad dhaafa

[142] Oo waxaa ka mid ah xoolaha (uu abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Allaah idin siiyey, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu isagu idiin yahay cadow iska cad

[143] Siddeed lammaane ah; labo ido ah iyo labo riyo ah. Dheh: Ma labada labka ah buu xaaraameeyey mise labada dheddig, mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddaad tihiin run sheegayaal

[144] Iyo labo geel ah iyo labo lo’ ah. Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen marka uu Allaah idin amray arrinkani? Ee yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah

[145] Dheh: Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee neef iski u dhintay (gowrac la’aan) ama dhiig horay u soo butaacay (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar waayo taasi xaqiiq waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid, wax kale aan aheyn (Magaca) Allaah lagu xusay dusheeda, qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, oo aan xad gudbeyn, haddaba hubaal, Rabbigaa waa Dambi Dhaafid Badane, Naxariis Badan

[146] Oo kuwaa heysta diinta Yuhuudi- yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh10, xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay gefkoodii dartiis, oo Waxaan hubaal nahay run sheegayaal

[147] Haddiise ay ku beeniyaan markaa dheh: Rabbigiin waa Rabbiga Naxariista Ballaadhan, oo Ciqaabkiisa lagama celiyo dadka dambiilayaasha ah

[148] Kuwaa ah mushrikiinta waxay odhan doonaan: Hadduu Allaah doono, ma aanu u shariig yeelneyn (waxba Isaga) innaga iyo aabbayaasheenba, oo ma aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Allaah banneeyey). Sidaas oo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabtayada. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah oo aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, oo waxaad uun sheegtaan beeno

[149] Dheh: Allaah baa iska leh Xujada Xeesha Dheer. Oo hadduu doono. Hubaal Wuu idin hanuunin lahaa dhammaantiin

[150] Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Allaah xaaraameeyey kani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Oo ha raacin rabitaannada liita kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, oo iyagu Rabbigood wax la sima oo dhig u yeela

[151] Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Allaah) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada) la wadaajin waxba; oo u muujiya wanaag waalidiintiin, oo ha u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed_ Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina wixii anshax xumo ah oo dhan kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, oo ha ku dilina nafta uu Allaah xaaraameeyey arrin xaq ah11 maahee, Sidaa buu idinku farad yeelay, bal inaad fahantaan

[152] Oo ha u dhowaannina maalka agoonta sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’diisa tabar galka iyo xoogga; oo u oofiya si dhan beeggidda iyo miisaanka oo caddaalad ah - Ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda; oo markaad hadleysaan haddaba ahaada caadil haba ahaatee qaraabo dhow (lidkeed), oo oofiya Axdiga Ilaahay; (arrin)kani buu idinku farad yeelay, bal inaad xusuusataan

[153] Oo (ogow) in kani yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, oo ha raacina jidadka kale, oo idinka duwi Jidkiisa. (arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha)

[154] Misna, Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay, kaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan

[155] Oo kani waa Kitaab (Qur’aan) aan soo waxyoonnay, barakeysan ee raaca oo iska jira (xumaha), si la idiinku naxariisto

[156] Si aydaan u odhan: Waxaa uun Kitaab loo soo waxyooday labo qolo oo naga horreeyay, oo innagu waxaan aheyn run ahaan kuwo moog waxa ay akhristeen

[157] Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo waxyoon lahaa, waxaan hubaal ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan xaqiiq waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin, iyo hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka gef badan mid beeniya Aayadaha Ilaahay oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed

[158] Ma waxay haddaba sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku, innaguna (sidoo kale) waan sugaynaa

[159] Hubaal, kuwa u qaybshay diintooda firqooyin oo noqday dariiqooyin (kala duwan) , waxba isuma kiin gelin. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Allaah, markaasuu wuxuu u sheegi waxay faleen

[160] Qofkii la yimaada camal san, wuxuu mudan toban laabkeed wax la mid ah, oo qofkii la yimaada camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah, iyagoo aan lagu gardarroon doonin

[161] Dheh: Hubaal, aniga Rabbigay wuxuu igu hanuuniyey Jid(ka) Toosan, (xagga) diin aad u sugan, diintii Ibraahiim, toosnihii. oo kama mid aheyn mushrikiinta

[162] Dheh: Hubaal salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uunanka

[163] Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, oo Waxaan ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Allaah)

[164] Dheh: Waa la yaabe! Ma waxaan doontaa Rabbi aan aheyn Allaah? Isagoo ah Rabbiga wax walba; oo naf walba waxa ay kasbato (oo dembi ah) waa dusheeda, oo qof culaabi saaran tahay ma qaadi doono culaabta qof kale. misna waa xagga Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu wuxuu idiin sheegi waxaad isku khilaafteen

[165] Oo Isaga weeye Kan idinka yeelay kuwo u hara oo isu xigsada dhulka oo ka taliya, oo ka sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo waxa uu idin siiyey. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, oo waa Isaga hubaal Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

Al- الأعراف

Surah 7

[1] Alif Laam Miim Saad

[2] (Kani) waa Kitaab laguu soo waxyooday, marka yeysan ahaan wax cidhiidhi ah laabtaadu xaggiisa, si aad ugu digto (dadka), oo waa u waano mu’miniinta

[3] Raaca (dadow) waxa la idiinka soo waxyooday xagga Rabbigiin oo ha raacina sokadii awliyo. Yaraa inta aad xusuusataan

[4] Oo badanaa inta aan magaalo hallignay. Oo Cuquubadayada ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah

[5] Markaasi calaacalkoodu, markay Cuquubadayadu u timid, ma ahayn waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Hubaal, Waxaanu ahayn kuwo gef badan

[6] Waxaanu hubaal haddaba su’aal weydiin doonnaa kuwa loo soo diray (Rususha), oo waxaanu hubaal sidoo kale su’aal weydiin doonnaa Rususha

[7] Oo waxaan hubaal ugu aqoon warrami doonnaa (camalladoodii oo dhan), oo ma aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan

[8] Oo miisaanku Maalintaasi waa Xaq. marka ma kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani doona

[9] Oo ma kuwa uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda waxay Aayadahayaga ku gabood faleen darteed

[10] Oo xaqiiq waxaan idinku awood siinnay dhulka, oo waxaan idiinku dhex yeelnay asbaab noolaansho. Wax yar weeye inta aad mahad naqdaan

[11] Oo xaqiiq waa idin abuurnay, oo idiin yeelnay suurad, oo ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam. Markaasay sujuudeen, Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday

[12] (Allaah) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday oo sidaa awgeed aadan u sujuudin markaan ku amray?(Shaydaan) wuxuu yidhi: Aniga baa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga ka abuurtay dhoobo

[13] Wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (halkan), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso. Ee ka bax, hubaal waxaad tahay mid ka mid ah kuwa dulleysan

[14] (Shaydaan) wuxuu yidhi: I sii fursad ilaa maalinta marka la soo bixinayo

[15] (Alle) wuxuu yidhi: Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda

[16] (Shaydaan) wuxuu yidhi: Sida aad iigu sababtay inaan ahaado hungo habowsan darteed, Waxaan hubaal u fadhiisan doonaa Jidkaaga Toosan

[17] Markaasaan waxaa hubaal uga imaan doonaa hortooda iyo gadaashooda, iyo xagga midigtooda iyo xagga bidixdoodaba, oo ma heli doontid badankood oo mahad naqa

[18] (Allaah) wuxuu yidhi: Ka bax (halkan) adigoo dulleysan oo dayro ah, qofkii iyaga ka mid ah oo ku soo raaca, waxaan hubaal idinka buuxin Naarta dhammaantiin

[19] Oo Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaguba beerta gudaheed, ee wax ka cuna meeshaad doontaan, hase u dhowaannina geedkan, haddii kale waxaad ka mid noqon kuwa gefay

[20] Ha yeeshee shaydaanka baa fikrad xun u soo jeediyey, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; oo wuxuu yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha

[21] Oo wuu u dhaartay labadoodaba: hubaal waxaan anigu xaqiiq idiin ahay daacad

[22] Markaas buu ku soo dejiyey si hoditaan leh: markay dhadhansheen geedka, waxaa u muuqday cowradooda, oo waxay isla markiiba billaabeen inay ku asturaan nafahooda caleemaha Jannada; oo Rabbigood baa u yeedhay: Miyaanan idinka reebin geedkaa oo idiin sheegin in Shaydaanku idiin yahay cadow iska cad

[23] Waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Waxaan u gefnay nafahayaga. Ee haddaa- dan noo dambi dhaafin, oo aadan noo Naxariisan, waxaan hubaal ka mid noqon kuwa ku sugan khasaaraha dhabta ah

[24] Wuxuu yidhi: Ka dega, qaarkiinba qaar buu cadow u yahay. Oo waxaa idiinku sugan dhulka degaan iyo sahay ilaa muddo

[25] Wuxuu (sidoo kale) yidhi: Halkaas gudaheed ayaad ku noolaan, oo halkaas gudaheed ayaad ku dhiman, oo xaggeeda baa la idinka soo bixin doonaa

[26] Ilma Aadamow! Waxaan xaqiiq idiin soo dejinnay dhar astura cowradiinna iyo dhar xarrago ah, dharkase lagaga dhowrsado (xumaha), kaas baa khayr badan. Kuwani waxay ka mid yihiin Aayadaha Ilaahay, bal inay xusuustaan

[27] Ilma Aadamow! Yuusan shaydaanku idiin horseedin inaad ku dhacdaan fidno, sida uuba uga soo saaray labadiinnii waalid beerta, isagoo ka siibaya labadoodaba dharkooda, si uu u qaawiyo oo ugu soo bandhigo cowradooda. hubaal, wuxuu idinka arkaa isaga iyo qabiiladiisuba meel aydaan ka arki karin. Hubaal Waxaan Annagu uga dhignay shaydaammada xigaalo kuwa aan iimaanka lahayn

[28] Oo marka ay falaan xumaan waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, oo Allaah baa nagu amray. Dheh: Hubaal, Allaah ma amro anshax xumo. Ma waxaad ka sheegtaan Allaah waxaydaan cilmi u lahayn

[29] Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad oo (ku) toosiya wejiyadiinna (qibladda) waqti kasta oo salaad, oo barya Isaga idinkoo u keli yeelaya cibaadada. Sida uu uu ifka idinku keenay billowgii hore ayaad sidoo kale u soo laabmaysaan

[30] Koox wuu hanuunshay, oo (ma xagga) koox (kale) habow baa xaq ugu dhaboobay; hubaal waxay iyagu ka dhigteen sheydaammada xulufo halkii Allaah, oo waxay isu heystaan inay hanuunsan yihiin

[31] Ilma Aadamow! Qaata (dharka) la isku qurxiyo waqti kasta oo salaad, oo cuna oo cabba, oo ha ku talax tagine, hubaal Isagu ma jecla kuwa wax ku talax taga

[32] Dheh: yaa xaareemeeyey isku qurxinta dharka ee Allaah uu u soo saaray addoomahiisa iyo riziqyada wanaagsan? Dheh: Kuwani waxaa iska leh mu’miniinta nolosha adduunkan, gaarna (u leeyihiin) Maalinta Qiyaamaha.Sidaas baan ugu yeel- naa Aayadaha caddaan dad garasho leh

[33] Dheh: Wuxuu uun sideedaba Rabbigay xaareemeeyey waxa anshax xumada ah (zinada, iwm) oo dhan kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba iyo dambiga (khamrada) iyo aabiga gar darrada ah, iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Allaah wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Allaah waxaydaan aqoon u laheyn

[34] Oo ummad walba waxay leedahay muddo go’an; ee marka muddadoodu ay timaaddo kama dib dhici doonaan saacadna, oo kama soo hor mari doonaan

[35] Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, oo idiin soo tebinaya Aayadahayga, ee qofkii iska jira xumaha oo u dhaqma si toosan, ma qabi doonaan wax cabsi ah, oo ma murugoon doonaan

[36] Kuwase beeniya Aayadahayaga oo iska kibriya, waa kuwani ehlu Naarku oo way ku dhex waari doonaan

[37] Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi doonanan, ilaa marka Rusushayadu ay u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan doonaan: Meeye waxaad baryi jirteen Allaah sokadi?. Waxay odhanayaan: Waa ay naga dhumeen: oo waxay ku marag furi doonaan nafahooda inay ahaayeen gaalo

[38] Wuxuu odhan: Gala Naarta dhexdood ummado tegay hortiin oo leh jin iyo dadba. Mar kastoo ay ummad hor leh gashaba, waxay nacladi walaasheed, jeer markay isugu wada yimaadaan dhammaantood wadajir. Middooda u dambeysay waxay ka odhan middoodii u horreysay: Rabbiyow! Kuwaan baa na lumiyey, ee ku sii cadaab labo laab ah Naarta. Wuxuu odhan: Mid walbaa waxay leedahay (cadaab) labo laab ah, laakiinse ma ogidin

[39] Oo middoodii hore waxay ku odhan midda dambe: Haddaba wax nama dhaantaane, ee dhadhansha cadaabta waxaad kasbateen darteed

[40] Hubaal, kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furi doono albaabbada samada, mana gali doonaan Jannada jeer ratigu maro daloolka irbadda. Oo sidaas baan u abaal marinnaa dambiilayaasha

[41] Waxay ku mudan gogol dab ah, korkoo- dana daboollo dab ah. Oo sidaas baan u abaal marinnaa gar ma qaatayaasha

[42] Kuwase (Xaqa) rumeysan, oo samaha fala ma saarno nafna wax dhaafsiisan karaankeeda, kuwaasu waa ehlu Jannaha, way ku dhex waari doonaan

[43] Oo waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, oo waxay odhan: Ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, ee nagu hanuuniyey kan, oo kuma aan hanuuneen (jidka toos) haddii uusan Allaah nagu hanuunsheen. Xaqiiq Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Oo Waxaa loogu dhawaaqi doonaa: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fasheen

[44] Oo ehlu jannuhu waxay u dhawaaqi doonaan ehlu Naarka: Xaqiiq waxaan hellay waxa uu noo ballan qaaday Rabbigayo oo xaq ah; ee idinkuna ma hesheen sidoo kale waxa uu Rabbigiin idiin ballan qaaday oo xaq ah? Waxay odhan doonaan: Haah. Markaas dhawaaqe baa ka dhawaaqi doona dhexdooda: in Lacnadda Ilaahay ay dushooda tahay gar ma qaatayaasha

[45] Kuwa ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, ee doona inay ka dhigaan mid qalloocan, oo waa kuwo aan Aakhiro rumeysneyn

[46] Oo dhexdooda waxaa ahaan xijaab, oo meelaha sare waxaa ahaan doona rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, oo waxay u dhawaaqi doonaan ehlu – Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo

[47] Oo marka loo jeediyo indhahooda xagga ehlu – Naarka, waxay odhan: Rabbiyow! Ha naga mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah

[48] Oo qoladii ku sugnaa Al Acraaf (meelaha sare) waxay u dhawaaqi doonaan rag ay ku garan doonaan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalku, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa)

[49] Ma kuwani baa kuwii aad dhaar ku marteen, in aanu Allaah ku galladeysan doonin Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma qabi doontaan cabsi, mana murugoon doontaan

[50] Oo ehlu – Naarku waxay u dhawaaqi doonaan ehlu – Jannaha (oo ku odhan): Nagu soo shuba wax ka mid ah biyaha ama wax ka mid ah waxa uu Allaah idin siiyey. Waxay odhan doonaan: Hubaal Allaah wuu ka xaaraameeyey gaalada

[51] Kuwa ka dhigta diintooda madaddaalo iyo cayaar oo noloshan adduunku ay hoddo. Marka maanta waan hilmaami doonnaa sida ay u hilmaameen la kulankooda Maalintooda tani iyo sida ay Aayadahayaga u beenin jireen

[52] Oo xaqiiq waxaan u keennay Kitaab aanu u caddeynay si cilmi leh, _oo u ah hanuun iyo naxariis dad rumaysan

[53] Ma waxay sugaan waxaan aheyn go’aankiisu? Maalinta marka go’aankiisu uu yimaado, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan doonaan: Xaqiiq Rususha Rabbigayo waxay keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin doonaa si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan wixii aan falnay? Xaqiiq waxay khasaareen nafahooda, oo waxaa ay been abuurteen way ka dhumeen

[54] Hubaal, Rabbigiin waa Allaah, ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, oo dul ahaaday Carshiga. Wuxuu ku daboolaa habeenka maalinta, uu raacdo hayo si xowli leh, oo (wuxuu abuuray) qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha ku laylan Amarkiisa. Hubaal Isagaa leh abuurista iyo amarkaba. Waxaa khayr iyo barako badan Allaah, Rabbiga uunanka

[55] U barya Rabbigiin si khushuuc leh iyo qarsoodiba. hubaal, ma uu jecla kuwa xadgudba

[56] Oo ha ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, oo barya idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Ilaahay waxay u dhowdahay sama falayaasha

[57] Oo Isaga weeye Kan soo dira dabaylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruur culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, markaas baan ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaas oo kale baan u soo saari doonnaa maytida, bal inaad xusuusataan

[58] Oo ma xagga dhulka wanaagsani naqiisa wuxuu ku soo baxaa (si fudud oo badan) Idanka Rabbigiis, midkase xun (daaqiisu) kuma soo baxo waxaan dhib ahayn. Sidaas baan ugu celcelinnaa Aayadaha dad mahad naqa

[59] Xaqiiq Waxaan u soo dirnay Nuux dadkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin aad u murugo weyn

[60] Xildhibaannadii ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaan innagu xaqiiq kugu aragnaa inaad ku sugan tahay habow caddaan ah

[61] Wuxuu yidhi: Dadkaygiiyow! Kuma sugni habow, laakiinse waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uunanka

[62] Waxaan idin soo gaarsiiyaa Risaadalaha Rabbigay oo waxaan idin siiyaa naseexo wanaagsan, oo waxaan ka ogahay xagga Allaah waxaydaan ogayn

[63] Waa la yaabe! Ma waxaad la cajabtaan inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo oo aad isaga jirtaan (xumaha), iyo in bal la idiin naxariisto

[64] Wayse beeniyeen, markaas baan badbaadinnay isaga iyo kuwii kula jiray Doonnida, oo aan qarqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Hubaal waxay ahaayeen dad indha la’ (aan Xaqa arag)

[65] Oo xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan ka joogeyn oo iska jireyn xumaha

[66] Xildhibaannadii gaaloobay oo ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: hubaal waxaan innagu xaqiiq kugu aragnaa caqli xumo, oo hubaal waxaan kuu maleynaynaa inaad ka mid tahay beenalayaasha

[67] Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Ima heyso caqli xumo, laakiin waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uunanka

[68] Waxaan idin soo gaarsiiyaa farriimaha Rabbigay, oo waxaan idiin ahay nasteexeeye aamin ah

[69] Waa la yaabe! Ma waxaad la cajabtaan inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin, uu soo faray nin idinka mid ah si uu idiinku digo? Oo xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxla (dhulka) dadkii Nuux kaddib, oo idiin kordhiyey abuur ahaan lixaad. Ee xusa Nicmooyinka Ilaahay, bal inaad liibaantaan

[70] Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid inaan caabudno Allaah Keliya oo aan ka tagno waxay caabudi jireen aabbayaashayo? (ma jirto) ee noo keen waxa aad noogu gooddido haddaad ka mid tahay runlowyada

[71] Wuxuu yidhi: Xaqiiq cadaab iyo caro ka timid Rabbigiin baa idinku dhacday. Waa la yaabe! Ma waxaad igala dooddaaan arrinka magacyo aad bixiseen _ idinka iyo aabbayaashiin? Allaah uma soo dejin wax xujo ah; ee suga, anigana sidoo kale waan idinla sugiye

[72] Markaas baan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay xaggayaga, oo waxa aanu cidhib tirnay kuwii beeniyey Aayadahayaga, oo ma ba ay aheyn mu’miniin

[73] Oo xagga Thamuud (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah, ma lihdin ilaah kale Isaga maahee. Xujo cad baa xaqiiq idiinka timid xagga Rabbigiin. tani waa Hal Ilaahay aad leedihiin, oo ah Calaamo; ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Ilaahay, oo ha u geysannina wax waxyeello ah, haddii kale cadaab xanuun badan baa idin qaadi doonta

[74] Oo xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxlay (dhulka) (reer) Caad kaddib, oo uu idin dejiyey dhulka oo aad ka sameysataan dooxooyinkeeda daaro waaweyn, oo aad ka qodataan buuraha guryo. Ee xusa Nicmooyinka Ilaahay, oo ha ku bi'innina dhulka fasahaadka aad ku falaysaan

[75] Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa dadkiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif, _ ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waxa lala soo diray waanu rumeysannahay

[76] Kuwii isla weynaa waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waxa aad idinku rumeysan tihiin waanu diidnay

[77] Markaasay gowraceen Hashii; oo ay ka hor yimaadeen Amarkii Rabbigood, oo waxay yidhaahdeen: Saalixow! Noo keen waxaad noogu gooddisay haddaad ka mid tahay Rususha (Ilaahay)

[78] Kolkaas buu qabtay dhul gariir, oo waxay noqdeen (baqti) ugu dhex daadsan guryahoodii dhaqdhaqaaq la’aan

[79] Markaas buu ka jeestay oo yidhi: Dadkaygiyow! Waxaan xaqiiq idin soo gaarsiiyey Fartiintii Rabbigay, oo idin siiyey naseexo wanaagsan, laakiinse ma jeclidin kuwa idiin naseexeeya

[80] Oo (Waxaanu dirnay) Luud waa tii uu ku yidhi dadkiisii: Waa la yaabe! Ma waxaad la timaaddaan xumaato aanu idinka horreyn axad ka mid ah caalamka

[81] Hubaal idinku waxaad xaqiiq ugu tagtaan ragga shahwad, halkii haweenka. bal waxaadba tihiin dad xad gudub badan

[82] Oo jawaabtii dadkiisu ma ay ahayn wax kale aan ahayn inay yidhaahdeen: Ka saara magaaladiinna, kuwani hubaal waa dad doonaya inay is daahiriyaan

[83] Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba marwadiisii maahee; waxay ka mid aheyd kuwii ku haray gadaal

[84] Oo waxaan roob uga dhignay korkoodii roob (dhagaxyo dab ah). Ee bal eeg sida ay aheyd cidhibta dambiilayaasha

[85] Oo xagga Madyan (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah, ma lihidin ilaah kale Isaga maahee. Xujo cad xaqiiq waxay idiinka timid xagga Rabbigiin; ee dhammeystira beegga iyo miisaanka oo ha ka dhimina dadka waxyaalahooda, oo ha ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, sidaas baa idiin khayr badan, haddaad tihiin mu’miniin

[86] Oo ha fadhiisannina jid kasta idinkoo gooddiyaya, oo ka leexinaya Jidka Ilaahay kan isagu rumeysan, idinkoo dooonaya inaad ka dhigtaan mid qalloocan, oo xusuusta markaad aheydeen kuwo yar, markaas uu idin badiyay. oo eega sida ay ku dambeysey cidhibta mufsidiinta

[87] Oo hadday jirto koox idinka mid ah oo rumeysan waxa la ila soo diray iyo koox kale aan rumeysneyn, haddaba samir yeesha ilaa inta uu Allaah na kala xukumo dhexdeenna, oo Isagaa u wanaagsan inta wax xukunta

[88] Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu hubaal kaaga saari doonnaa debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diintayada. Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Ma xataa haddaanu dooneyn

[89] Xaqiiq waxaan ka been sheegnay Allaah haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Allaah naga badbaadiyey. Oo naguma habboono inaan u noqonno, inuu Allaah, Rabbigayo, doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobay wax walba Cilmigiisa. Allaah baan ku kalsoonnahay; Rabbiyow! Nagu kala xukun innaga iyo dadkayaga xaq, oo Adiga baa u wanaagsan inta wax kala xukunta

[90] Oo xildhibaannadii kuwaa (Xaqa) rumeyn diiday oo ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Haddaad raacdaan Shucayb, waxaad idinku markaasi hubaal tihiin kuwo ku sugan khasaaro dhab ah

[91] Kolkaas buu dhul gariir qaatay, markaas bay noqdeen (baqti) daadsan guryahoodii

[92] Kuwii beeniyey Shucayb, waxay noqdeen sidii inayan marnaba ku negaanin halkaas. Kuwii beeniyey Shucayb,waxay ahaayeen kuwo ku sugan khasaaro dhab ah

[93] Markaas buu ka jeestay oo yidhi: Dadkaygiyow! Waxaan xaqiiq idin soo gaarsiiyey Farriimahii Rabbigay, oo idin siiyey waano wanaagsan. Ee sidee baan haddaba ugu diir naxaa dad xaq diid ah

[94] Oo ma jirto magaalo aan u soo dirnay Nabi oo aanaan ku qaban dadkeeda (markay caasiyoobeen) faqri daran iyo cudurro, bal inay soo nuglaadaan oo na baryaan

[95] Haddana waxaanu ugu beddelnay halkii dhibka, wanaag, ilaa ay bateen oo yidhaahdeen: Lurnaan iyo ladnaanba xaqiiq way soo mareen aabbayaashayo (sidoo kale). Markaas baan u qabannay si kedis ah iyagoo aan dareemeyn

[96] Oo hadday dadka magaalooyinka (Xaqa) rumeeyaan oo iska ilaashaan (xumaha), waxaan hubaal uga soo furi laheyn barakooyin samada iyo arladaba, laakiinse way beeniyeen, markaas baan u qabannay waxay kasban jireen darteed (oo dembiyo ah)

[97] Waa la yaabe! Ee ma waxay reer magaaluhu dareemaan inay ka yihiin aamin Ciqaabtayada inay u timaaddo habeennimo iyagoo hurda

[98] Waa la yaabe! Ee ma waxay reer magaaluhu dareemaan inay ka yihiin aamin Ciqaabtayada inay u timaaddo goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya

[99] Waa la yaabe! Ma waxay dareemaan inay ka yihiin aamin Tabta Ilaahay, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Ilaahay aan aheyn dadka ku sugan khasaarada dhabta ah

[100] Ma waysan u caddaanin kuwaa dhaxla dhulka oo uga haray dadkeedii (hore) oo lahaa, in haddaan doonno, aan u ciqaabi laheyn dambiyadooda? oo waxaanu yeelnaa shaabbad daahda quluubtooda sidaa darteed wax ma maqlaan

[101] Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wax ka mid ah wararkooda oo xaqiiq Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad, mayse aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaas buu Allaah u yeelaa shaabbad daahda quluubta gaalada

[102] Oo ma aanu ka helin badankooda (daacadnimo iyo dhowris ) ballan,oo wa- xaan hellay badankood inay yihiin caasiyaal

[103] Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse oo wada Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, wayse rumeyn diideen. Ee eeg sida ay aheyd cidhibta mufsidiinta

[104] Oo Muuse wuxuu yidhi: Fircoonow! Hubaal anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga Caalamka

[105] Waxaan anigu mudanahay inaan ka sheegin Allaah waxaan ahayn Xaq. Waxaan idiinka la imid xaqiiq Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil

[106] Wuxuu yidhi: Haddaad la timid Calaamo, haddaba keen haddaad ka mid tahay runlowyda

[107] Markaas buu wuxuu tuuray ushiisii mise! Waa mas iska cad

[108] Oo wuxuu u soo saaray debedda gacantiisa, mise! Waa caddahay (oo u ifeysey) eegayaasha

[109] Waxay xildhibaannadii ka mid ahaa dadkii Fircoon yidhaahdeen: Hubaal kani waa saaxir xeel dheer

[110] Wuxuu rabaa inuu idinka saaro dhulkiinna, ee maxaad haddaba ku talineysaan

[111] Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah)oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka

[112] Kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer

[113] Oo sixiroolayaashii waxay u yimaadeen Fircoon (oo) yidhaahdeen: Waa inaan hubaal yeelannaa Abaal gud fiican haddaan innagu adkaanno

[114] Wuxuu yidhi: Haa yoo, oo waxaad waliba ka mid noqon doontaan kuwa la ii soo dhoweeyo

[115] Waxay yidhaahdeen: Muusow! Ma adiga baa (hor) tuuran mise innaga baa ahaanna kuwa (hor) tuurta

[116] Wuxuu yidhi: Tuurta. Haddaba markii ay tuureen, waxay sixreen indhihii dadka oo argagax geliyeen, oo waxay la yimaadeen sixir aad u weyn

[117] Oo waxaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen ee ay soo bandhigeen

[118] Marka xaqii baa sugnaaday, oo waxay faleen waxay noqdeen waxaan waxba ka jirin oo iska baabba’ay

[119] Sidaas baa (Fircoon iyo dadkiisii) looga adkaaday halkaa, oo noqdeen kuwo la jabiyey

[120] Oo sixiroolayaashii ula dhaceen (dhulka) sujuud (xagga Allaah)

[121] Waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeysannahay Rabbiga caalamka

[122] Rabbiga Muuse iyo Haaruun

[123] Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyneysaan ka hor inta aan idiin idmin? Hubaal, arrinkani waa shirqool aad ku soo dhigteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan

[124] Waxaan hubaal u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna is dhaaf, markaas waan idin wada dal-dali doonaa dhammaantiin

[125] Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaan innagu u noqon doonnaa xagga Rabbigayo

[126] Oo nagu ma heysatid waxaan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbiyow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ahaan

[127] Oo xildhibaannadii ka mid ahaa dadkii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u daynaysaa Muuse iyo dadkiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili doonnaa wiilashooda, oo daysan haweenkooda, oo hubaal waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya

[128] Muuse wuxuu ku yidhi dadkiisii: Ka barya kaalmo Allaah oo samir yeesha, hubaal, arlada waxaa iska leh Allaah, Wuxuu dhaxalsiiyaa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, oo cidhibta (san) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha)

[129] Waxay yidhaahdeen: Waxaa na soo gaaray dhibaatooyin ka hor intii aad noo imaan iyo kaddib intii aad noo timidba. Wuxuu yidhi: Waa intaasoo uu Rabbigiin halligo cadowgiinna oo idiinka yeelo madax arlada, markaas wuxuu eegi doonaa sida aad u dhaqantaan

[130] Oo waxaan xaqiiq ku qabannay reer Fircoon abaaro iyo mirahoo ka yaraada, bal inay waansamaan

[131] Markay se samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Oo haddii (xaalad) xun ku dhacdo, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Hubaal nasiibkooda waxaa haya Allaah oo keliya, laakiinse badankoodu ma ogsoona

[132] Oo waxay yidhaahdeen: Wax kastoo calaamo ah aad noola timaaddo si aad noogu sixirto, innagu kuma rumeysan doonno

[133] Markaas baan ku soo dirnay dushooda: daad (qaada oo keena dhimasho baahsan), iyo ayax iyo injiro iyo rah iyo dhiig, calaamooyin cad, wayse isweyneeyeen, oo waxay ahaayeen dad dambiilayaal ah

[134] Oo markuu daacuunku ku dhacay waxay yidhaahdeen: Muusow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kugula ballamay darteed. Haddaad daacuunka naga kor qaaddo, hubaal waanu ku rumaysan doonnaa, oo waxaan hubaal kugu dari doonnaa Ilmaha Israa’iil

[135] Markiise aan ka kor qaadnay daacuunka ilaa muddo go’an oo ay aheyd inay gaaraan, bay markaas ka baxeen ballanka

[136] Markaas baan ka aargudannay oo aan ku qarqinnay badda, waayo waxay beeniyeen Aayadahayaga oo waxay ahaayeen kuwo ka dhoohan

[137] Oo waxaan ka yeelnay dadkii loo arkay kuwo tabar daran inay dhaxlaan gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay1. Oo Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaa waa lagu oofiyey Ilmahii Israa’iil, sabarkooda awgi iyo u dul qaadashadooda (dhibaatooyinka). Oo Waxaanu baabbi'nnay waxay Fircoon iyo dadkiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba

[138] Oo waxaan ka yeelnay Ilmaha Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana sida ay iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu yidhi: Hubaal waxaad idinku tihiin dad ay ku jirto jaahilnimo

[139] (Ma xagga) kuwani, hubaal, waxaa ay ku sugan yihiin waa la baabbi’in doonaa, oo waa baadil waxaa ay falaan

[140] Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Ma waxaan idiin doonaa ilaah kale aan aheyn Allaah,isagoo idinka kor mariyey caalamka

[141] Oo waa tii aan idinka samata bixinnay dadkii Fircoon ee idin dhadhansiiyey cadaab daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo u daynayey haweenkiinna nolol. Arrinkaa waxaa ku sugnaa imtixaan aad u weyn xagga Rabbigiin ah

[142] Oo Waxaan la ballannay Muuse muddo soddon habeen ah, oo ku dhammeystirnay toban dheeri ah marka muddada uu u qabtay Rabbigi waxay ahayd afartan habeen oo buuxda. Oo Muuse wuxuu ku yidhi walaalki Haaruun: intaan maqnahay qabo xilkeyga dadkayga dhexdi, oo u dhaqan si wanaagsan, oo ha raacin jidka Mufsidiinta

[143] Oo markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid, laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki doontaa. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii3, wuxuu ka dhigay budo, oo Muuse dhulka buu ugu dhacay suuxdin. Markaasuu markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo Nazahan, Waan kuu soo noqdaa, oo anigu waxaan ahay kan ugu horreeya mu'miniinta

[144] Wuxuu yidhi: Muusow! Hubaal Waxaan kaa doortay dadka (si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kuula soo diray iyo hadalkeyga ee qaado waxa aan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa mahad naqa

[145] Oo Waxaan ugu qornay alwaaxda wacdi la xiriira wax kasta iyo faah faahinta waxyaalaha oo dhan ee qaado si sugnaansho leh, oo ku amar sii dadkaaga inay qaataan kan ugu wanaagsan. Waxaan idin tusi doonaa daarta caasiyaasha

[146] Waxaan ka duwi doonaa Aayadahayga kuwa isku kibriya arlada xaq darro; oo hadday arkaan calaamo kasta ma rumaysan doonaan. Oo hadday arkaan jidka hanuunka kama yeeshaan jid, oo hadday arkaan jidka habowga waxay ka yeeshaan jid, arrinkani waxaa ugu wacan waxay beeniyeen Aayadahayaga, oo ahaayeen kuwo ka dhoohan

[147] Oo (ma xagga) kuwa beeniya Aayadahayaga iyo la kulanka Aakhirada, acmaashooda waa waxaan jirin oo baabba’ ah. Miyaa laga abaal marin waxaan aheyn waxay faleen

[148] Oo dadkii Muuse markuu tagey kaddib, waxay ka sameysteen dahabkoodii, dibi qolof ah leh cod beynaax ah4. Waa la yaabe! Miyaanay arki karayn inaanu la hadleyn, oo ku toosin kareyn jid? Wayse qaateen (si ay u caabudaan) oo waxay ahaayeen gar ma qaatayaal

[149] Oo markay ka shallaayeen oo ay arkeen inay lumeen ayey (toobad keeneen oo) yidhaahdeen: Haddaanu Rabbigayo noo naxariisan oo noo dambi dhaafin, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa ku sugan khasaarada dhabta ah

[150] Oo markuu Muuse ku soo noqday dadkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxa aad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiiin? Oo wuxuu tuuray looxyada, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyadayow! Hubaal dadkani waxay ii arkeen daciif, oo waa I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, oo ha igala mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah

[151] Wuxuu yidhi: Rabbiyow! ii dambi dhaaf aniga iyo walaalkayba, oo na gali Naxariistaada, Adigaa U Naxariis Badan inta naxariisata

[152] (Ma xagga) kuwii u sameystay dibiga (ilaah ahaan) hubaal Cadho xagga Rabbigood ah iyo dulli baa noloshan adduunka ku dhici doona. Oo sidaas baan u abaal marinnaa been abuurtayaasha

[153] (Ma) kuwase fala camallo xun haddana toobad keena intaas kaddib, oo rumeeya (oo raaca xaqa), hubaal, Rabbigaa intaasoo (dhan) kaddib waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[154] Oo markay Muuse Cadhadii ka degtay, wuxuu soo qaatay looxyadii, oo waxaa ku qornaa wax hanuun iyo naxariis u ah kuwa Rabbigood ka cabsada

[155] Oo wuxuu ka soo doortay Muuse dadkiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad rogi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo rogeysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada ee aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo dambi dhaaf oo noo naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta dambi dhaafta

[156] Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba. Hubaal waan kuu soo noqonnay. Wuxuu yidhi: (Ma xagga) Cadaabtayda waxaan ku ridi doonaa kaan doono, oo Naxariistaydu waxay koobtaa wax kasta, marka waxaan u qori doonaa (gaar ahaan) kuwa iska ilaaliya (xumaha) ee qaata hufnaanta (Islaamka); ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan

[157] Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga Ummiga ah oo ay ka helayaan isagoo ku qoran agtooda Tawraadda iyo Injiilka_ kaasoo amra wanaagga oo ka reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan oo ka xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa5. Ee (ma xagga) kuwa rumeeya ee sharfa, ee u gargaara ee raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwan kuwa liibaanayaasha ah

[158] Dheh: Dadow! Hubaal anigu waxaan ahay Rasuul Ilaahay ee loo soo diray idinka oo dhan, Kaasoo iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Waa Isaga Kan bixiya nolosha oo sababa geerida. Ee rumeeya Allaah iyo Rusuulkiisa, Nabiga Ummiga ah ee rumeysan Allaah iyo Kelmadihiisa, oo raaca si aad u hanuuntaan

[159] Oo dadkii Muuse waxaa ka mid ahaa qayb ku hanuunineysey (dadka) si xaq ah oo ku oogayey caddaaladda

[160] Oo Waxaan u qaybinnay labo iyo toban qabiilood oo ummado ah. Oo Waxaan u Waxyoonnay Muuse markay dadkiisii weydiisteen biyo (waxaan ku nidhi): Ku dhufo dhagaxa ushaada, markaasaa waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood: qolo walba waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi laheyd. Oo Waxaan ka yeelnay daruuraha inay harsiiyaan dushooda, oo ku soo dejinnay Manna (wax macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimbir wanaagsan_Samaan la yidhaahdo): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan ee aan idin siinnay. Oo waxba nooma dhimin, laakiinse waxay u gafeen nafahooda

[161] Oo markii lagu yidhi: Dega magaaladan (Qudus)6 oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; oo gala albaabka idinkoo hoggaansan, Waa idiin dhaafi doonnaa gefefkiina: Waa aan u ziyaadin doonnaa (abaalgudka) sama falayaasha

[162] Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee gefka falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi7. Markaas baan kaga soo dejinnay cirka cadaab gefefkii ay galeen awgeed

[163] Oo wax ka weydii magaaladii ku ag tiil badda, markay ku xad-gudbeen arrinkii (Maalinta) Sabtida, iyadoo uu u yimaado kalluunkoodu maalinta Sabtidooda isagoo muuqda, oo maalinta aanay Sabti aheyn uma yimaado. Sidaas baan ugu imtixaannay caasintoodii awgii

[164] Oo markay qolo ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Allaah halligi doono, ama ku cadaabi doono cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo bal inay ka joogaan (xumaha)

[165] Haddaba markii ayan dan u gelin waxa lagu waaniyey, Waxaan badbaadinnay kuwii reebayey xumaanta, oo waxaan ku dhignay kuwii gefka falay cadaab daran caasinta ay galeen awgi

[166] Sidaas awgeed markay ku madax adeygeen waxa laga reebayey, waxaan ku nidhi: Noqda (sida) daayeerro, dulleysan oo dayra ah

[167] Oo waa tii uu Rabbigaa ogeysiiyey inuu hubaal ku soo dirayo ilaa Maalinta Qiyaamaha kuwo dhadhansiinaya cadaabta ugu xun. hubaal Rabbigaa xaqiiq waa ku Dhakhsi Badan yahay Ciqaabta, oo hubaal Isagu xaqiiq waa Dambi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay

[168] Oo waxaan ugu kala googaynay arlada iyagoo qaybo ah, waxaa ka mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo (kale) oo ka mid ah aan sidaas ahayn. Oo waxaanu ku imtixaannay (waqtiyo) wanaagsan iyo (waqtiyo) xun bal inay soo laabtaan

[169] Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo dambi dhaafi doonaa. oo misna haddii uu u yimaado (mar kale) alaabo ( raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaadanayaan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka in aanay ka sheegin Allaah waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), oo Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa iska ilaasha (xumaha). Ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn

[170] Oo (ma xagga) kuwa qabsada Kitaabka oo ooga salaadda, hubaal Annagu Marnaba ma dayacno abaalgudka kuwa camalkooda hagaajiya

[171] Oo markaan gilgilnay buurtii dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, oo waxay moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) si sugnaan leh, oo ku camal fala waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (xumaha)

[172] Oo waa tii uu Rabbigaa ka soo saaray ilma Aadam dhabarradooda durriyadooda oo uu uga markhaati dhigay nafahooda: Miyaan Anigu ahayn Rabbigiin? Waxay yidhaahdeen: Haayoo! Markhaati baan ka nahay. Waa si aydaan u odhan Maalinta Qiyaamaha: Waxaan Innagu ahayn kuwo tani mooganaa

[173] Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la shariig yeelay (Allaah) oo keliya aabbayaashayadii awal hore8, oo waxaanu innagu aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ma waxaad haddaba nagu rogeysaa waxay faleen baadil raaca

[174] Oo sidaas baan u caddeynaa Aayadaha, iyo bal inay soo laabtaan

[175] Oo u akhri warka midkii aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan

[176] Oo haddaan doonno kor ayaan hubaal ugu soo qaadi laheyn, laakiinse dhulka buu isku dhajiyey oo uu raacay waxa (liita) ay naftu rabto. Marka waxaa uu ka dhigan yahay sida Eeyga, haddaad eryato carrabka laalaadsha; haddaad iska deysana laalaadsha carrabkiisa; kani waa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga. Ee uga sheekee sheekooyinka bal inay fakaraan

[177] Xumaa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga, oo ah kuwa u gefa nafahooda

[178] Qofkii Allaah hanuuniyo uun baa ah kan hanuunsan, oo qofkii uu sababo inuu habaabo, waa kuwan kuwa ku sugan khasaarada weyni

[179] Oo Waxaan xaqiiq u abuurnay Naarta in badan oo ka mid ah jinka iyo dadka. Waxay leeyihiin quluub aysan wax ku fahmin, oo waxay leeyihiin indho aysan wax ku arag, oo waxay leeyihiin dhego aysan wax ku maqal. Waa sida xoolo oo kale, mayee waa bay ka sii habow daran yihiin; kuwan waa kuwa dhoohan

[180] Oo Allaah baa iska leh Magacyada wanaagga badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa9. Waa laga abaal marin doonaa, waxay faleen

[181] Oo waxaa ka mid ah waxa aan abuurnay ummad wax ku hanuunisa xaqa, oo ku ooga caddaaladda

[182] Oo (ma xagga) kuwa beeniya Aayadahayaga, waxaanu ugu soo dhoweyn (baabba’a) si heerar ah (oo ka qaban doonnaa) meel aanay ogeyn

[183] Oo Waxaan siinayaa fursad, hubaal Tabteydu waa sooh adag tahay

[184] Ma waysan ka fekereyn inaan saaxiibkood qabin wax waalli ah. Wax kalena maahee waa dige iska cad

[185] Miyaanay u fiirsan boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Allaah abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay haddaba rumaynayaan kani kaddib

[186] Qofkii Allaah lumiyo ma leh hanuuniye; oo wuxuu ku daayaa xad- gudubkooda ay ku jaha wareersan yihiin indha’ la' aan

[187] Waxay ku weydiiyaan Saacadda (Qiyaame) goorma ayey dhici doontaa? Dheh: Cilmigeedu Rabbigay keliya buu la jiraa. Ma jiro waxaan Isaga ahayn oo muujin doona waqtigeeda loo qabtay. Waxay ahaan wax ku culus cirarka iyo dhulka (arrinkeedu). Idiinkuma imaan doonto waxaan aheyn kedis. Waxay kuu weydiiyaan sidiiyoo aad adigu cilmi dheer u leedahay. Dheh: Cilmigeedu waxaa uu la jiraa oo keliya Allaah, laakiinse badankooda dadku ma ogsoona

[188] Dheh: Ma lihi awood aan wax ku taro ama ku waxyeelleeyo naftayda waxa Allaah doono ma’ahee. Oo haddaan ogaan lahaa cimi Ghaybka, waxaan badsan lahaa khayrka, oo wax xume ah ima taabteen. Anigu waxaan ahay oo keliya u dige iyo u bishaareeye dad rumeysan

[189] Isaga weeye Kan idinka abuuray naf keliya oo isla (caynkaa) ka yeelay lammaanahiisa, si uu u weheshado. Oo markuu ku hagoogto bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markase ay cuslaato, waxay labaduba baryaan Allaah, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddii aad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa mahad naqa

[190] Markase uu siiyo dhal hagaagsan, waxay ugu yeelaan shariigyo waxa uu siiyey10. wuuse ka sarreeyaa Allaah waxa ay u shariig yeelaan

[191] Waa la yaabe! Ma waxay uga dhigayaan shariig waxaan waxna abuurin, oo iyagu naf ahaantooda la abuuray

[192] Oo aan u gargaari kareyn, bal aan nafahooda u gargaari karin

[193] Oo haddaad ugu yeerto hanuun aan idin raaci doonin. Waa isugu kiin mid haddaad u yeertaan ama aad ka amustaan

[194] Hubaal kuwa aad baridaan Allaah sokadi waa addoomo idin la mid ah. Ee bal barya ha idin ajiibeene haddaad tihiin run sheegayaal

[195] Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise waxay leeyihiin gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise waxay leeyihiin indho ay wax ku arkaan? Mise waxay leeyihiin dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhigta, oo ha i siinnina wax nafis ah

[196] Hubaal, Gargaaraheyga i lib siinayaa waa Allaah ee ah Kan soo waxyooday Kitaabka, oo Isagaa gacal ka yeesha kuwa hagaagsan

[197] Oo kuwa aad u yeerataan sokadi, ma karaan gargaarkiinna, nafahoodana uma gargaari karaan

[198] Oo Haddaad ugu yeertaan hanuun, ma maqlaan, oo waxaad aragtaa iyagoo ku soo eegaya, oo haddana aan waxba arkayn

[199] Qaado saamaxaadda. Oo amar samaanta, oo ka jeeso jaahiliinta

[200] Oo Hadduu fikrad xun kugu waswaas geliyo shaydaan, ka magan gal Allaah. Isaga baa ah wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[201] Hubaal, kuwa ka cabsada Ilaahay, markay taabato meerto Shaydaan, way ku baraarugaan oo kolkiiba (xaqa) arkaan

[202] Walaalahood se (dadka xun), waxay (shaydaammadu) u kordhiyaan habow, markaa innaba kama gaabiyaan

[203] Oo haddaad ula iman weydo calaamo waxay yidhaahdaan: Maxaad u been abuuran weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa uun la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani wa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis dad rumaysan

[204] Oo marka Qur'aanka la akhriyo markaa dhegaysta oo aamusnaada, si la idiinku naxariisto

[205] Oo xus Rabbigaa naftaada gudaheeda si haybaysi iyo cabsi leh adigoon kor ugu qaadeyn codka aroor iyo galabba oo ha ka mid noqon kuwa dhoohan

[206] Hubaal, kuwa ah Rabbigaa agti marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, oo way nazahaan oo xurmo weyneeyaan, oo Isaga bay u sujuudaan

Al-Anfaal

Surah 8

[1] Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa iska leh Allaah iyo Rasuulka. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaafaadkiinna ah, oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, haddii aad tihiin mu’miniin

[2] Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu marka la xuso Allaah, oo marka Aayadahiisa loo akhriyo ay u kordhiyaan Iimaan; oo Rabbigood (Keliya) isku halleeya

[3] Kuwa hagaajiya salaadda oo waxa aan siinnay wax (fiican) ka bixiya

[4] Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku mudan darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo dambi dhaaf iyo risiq aad u wanaagsan

[5] Weliba sida uu Rabbigaa kaaga bixiyey gurigaaga si xaq ah, inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay hubaal kahanayeen

[6] Waxay kaala doodeen1 xaqa kaddib markuu u caddaaday, ( oo waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya

[7] Oo waa tii uu Allaah idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood inaad heli doontaan, oo waxaad jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, oo Allaah wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo cidhib tiro gaalada

[8] Si uu u sugo Xaqa, oo u buriyo baadilka haba nacbeystaan dambiilayaasha’e

[9] Waa tii aad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta

[10] Oo Allaah kama yeelin waxaan ahayn war san aad ku faraxdaan, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[11] Waa tii uu sababay inay degganaanasho idinku soo degto, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idinkaga soo dejiyey biyo xagga daruurta, si uu idiinkugu daahiriyo oo idiinkaga bi’iyo waswaaska Shaydaanka, iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha

[12] Waa tii uu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeysan. Waxaan ku tuuri doonaa argagax quluubta kuwa gaalada ah, ee ku dhufta luqumaha korkooda, oo ku dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin

[13] Arrinkani waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo qofkii colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal, Allaah ciqaabtiisu aad bay u daran tahay

[14] (Arrin)kan--- bal dhadhamiya, oo (ogow) in gaaladu leeyihiin cadaab dab ah

[15] Mu’miniintoy! Marka aad la kulantaan gaalada oo duullaan ah dagaal dooni. Markaa ha u jeedininna dhabarrada

[16] Oo qofkii u jeediya dhabarkiisa maalintaa _ inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay), _ wuxuu xaqiiq ku mudan taasi Cadho ah xagga Ilaahay, oo hoygiisu waa Naar, oo iyadaa u xun meel la ahaado

[17] Haddaba ma aydaan layn idinkuye, laakiinse Allaah baa laayey. Oo adigu ma aad tuurin4 markaad tuurtay (cadowga), laakiinse wuxuu ahaa Allaah Kan tuuray, oo waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Ogsoon

[18] Arrinkan (waa fal Ilaahay) oo weliba Allaah waa licifiyaha halganka gaalada

[19] Haddii aad dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka xaqiiq waa idiin yimid oo haddii aad joojisaan (colaadda), waa sida idiin khayr badan, oo haddii aad ku noqotaan (dagaalka) annagana sidoo kale waan soo rogaal celin doonnaa. Oo ciidamadiinnu waxba idiin ma tari doonaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, oo (ogaada) in Allaah uu la jiro mu’mimiinta

[20] Mu’miniintoy! Adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya

[21] Oo ha noqonnina sida kuwii yidhi: Waan maqlaynaa, oo aan waxba maqlin

[22] Hubaal, noole waxaa ugu liita Allaah agtii kuwa (ka) dhega la’(xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn

[23] Oo haddii Allaah uu ku og yahay wax khayr ah, wuxuu ka yeeli lahaa inay maqlaan, oo hadduu ka yeeli lahaa inay wax maqlaan, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya

[24] Mu’miniintoy! Ajiiba (baaqa) Ilaahay iyo Rasuul (kiisa) marka uu idiinku yeedho wax idin nooleeya5, oo ogaada inuu Allaah kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin doono

[25] Oo iska jira fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee xumaha fala6; oo ogaada in Allaah ay Daran tahay Ciqaabtiisu

[26] Oo Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala boobin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, bal inaad mahad naqdaan

[27] Mu’miniintoy! Ha khayaamina Allaah iyo Rasuulka, oo ha khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon

[28] Oo Ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Allaah agtiisa yahay Abaalgud aad u Wayn

[29] Mu’miniintoy! Haddaad dhwortaan (xilka uu idin saaray) Allaah, Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), oo idinka tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin dambi dhaafi, oo Allaah waa Rabbiga iska leh Fadliga aad u Weyn

[30] Oo waa tii ay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; oo way tab dhigeen, oo Allaah sidoo kale wuu tab dhigay, oo Allaah waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa

[31] Oo Marka Aayadahayaga loo akhriyo, waxay yidhaahdaan: Xaqiiq waanu maqallay; oo haddaan doonno waxaan odhan karnaa waxa uu yidhi oo kale. (Waxa)kanina ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore

[32] Oo waa tii ay yidhaahdeen: Allahayow! Hadduu kani xaq yahay Adiga kaa yimid, haddaba nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab aad u xanuun badan

[33] Ma ahase Allaah mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, oo ma aha mid ca- daabaya iyagoo weli dambi dhaaf dalbaya

[34] Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Allaah u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, oo uma suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Oo ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa iska jira (xumaha), laakiinse badankoodu ma ogsoona

[35] Oo salaaddooda Beytka (Kacbada) agteeda ma ahayn waxaan aheyn foori iyo sacabbo tun. Ee haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinna darteed

[36] Hubaal, gaalada waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Ilaahay, sidaas bayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon doontaa qoomamo daran, misna waa laga adkaan doonaa. Oo gaalada xagga Naarta baa loo taxaabi doonaa

[37] Waa si uu Allaah uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo uu isku raseeyo dhammaantood, markaas ugu tuuro Naar. kuwan weeye kuwa ku sugan khasaaraha

[38] Ku dheh kuwa (Xaqa) rumeysan diida, haddii ay ka haraan (xaq diiddada) waxaa loo dhaafi doonaa wixii horay uga dhacay . Hadday se u noqdaan, waxaa xaqiiq sugaya jidka kuwii hore

[39] Oo la dagaallama jeer la waayo wax gardarro ah, oo diinta (cibaadada) waa inuu yeesho Allaah Keliya. Haddiise ay joojiyaan (gefka iyo gaboodfalka), markaas hubaal, Allaah waa arkaa waxa ay falaan

[40] Oo hadday jeestaan, ogaada in Allaah yahay Gacalkiin, Wanaag badanaa Gacalku, oo wanaag badanaa gargaarahu

[41] Oo ogaada in wax kastoo aad qaniimeysataan, markaa Allaah wuxuu leeyahay shan meelood oo meel9, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo waxa aan u soo waxyoonnay addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa10, maalintay kulmeen labadii ciidan, oo Allaah wax walba inuu falo wuu Karaa

[42] Oo waa tii aad idinku joogteen docda soke (ee togga)11, oo iyagu ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Oo haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waxaa hubaal ah inaad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Allaah u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, oo ciddii noolaan si cad ugu noolaato. Oo hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[43] Oo waa tii uu Allaah idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, oo hadduu idiin tusi lahaa iyagoo tiro badan, hubaal waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Laakiinse Allaah baa (idinka) badbaadshay. Hubaal waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha

[44] Oo wuxuu idiin tusay markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, oo wuxuu idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Allaah u fuliyo arrin horay uu u qaddaray, oo Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan

[45] Mu’miniintoy! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) markaa sugnaada, oo xusa Allaah in badan si aad u guuleysataan

[46] Oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha isqabannina, yeydaan niyad jabine oo xooggiinnu tegin, oo samir yeesha. Hubaal Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha

[47] Oo ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Ilaahay12. Oo Allaah wuu koobaa waxay falaan

[48] Oo waa tii uu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda oo yidhi: Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, oo hubaal aniga baa ah ilaaliyahiinna. Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, hubaal Anigu barii baan idinka ahay. Hubaal waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Hubaal waxaan anigu ka cabsadaa Allaah, oo Allaah way daran tahay Ciqaabtiisu

[49] Waa tii ay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Oo qofkii isku halleeya Allaah, haddaba hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[50] Oo haddaad arki lahayd marka ay malaa'igtu nafta ka qaadeyso gaalada iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabta gubashada

[51] Arrinkani waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Allaah aanu u ahayn mid ku gardarrooda addoomahiisa

[52] Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay rumeysan diideen Aayadaha Ilaahay, markaasuu Allaah u halaagay dambiyadoodii awgood. Hubaal Allaah waa Xoog Badane, Ciqaab Adag

[53] Arrinkani wa inaan Allaah marnaba beddelin nicmad uu siiyey dad jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo waa inuu Allaah yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[54] Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan ku halaagnay dambiyadoodii awgood, oo waxaan qarqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen gar ma qaatayaal

[55] Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Allaah agtii waa gaalada (madaxa adag),marka ma ay rumeynayaan

[56] Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan ka dhowrsan (ciqaabka Ilaahay)

[57] Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya14, bal inay waantoobaan

[58] Oo haddaad ka cabsato khiyaano xagga dad (axdi idinka dhexeeyey)15, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal Allaah ma jecla khaa’imiinta

[59] Oo yeysan moodin gaalada inay fakan karaan. hubaal kama fakan karaan (Allaah)

[60] Oo u diyaarsada waxaad kartaanba oo xoog ah iyo fardo u heegan ah (dagaal) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Ilaahay iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Allaah baase ogsoon. Oo wax kastoo aad ku bixisaan Jidka Ilaahay waa la idiin gudi doonaa si dhan, idinkoo aan waxba la idinku gardarroon doonin

[61] Oo hadday u iishaan xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Allaah. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah

[62] Oo hadday doonaan inay ku dhagraan, haddaba hubaal waxaa kugu Filan Allaah, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey taageeradiisa iyo mu’mminiintaba

[63] Oo mideeyey quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, laakiinse Allaah baa mideeyey. Hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[64] Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba

[65] Nabiyow! ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan kun kuwa gaalada ah, waayo waa dad aan wax fahmayn

[66] Haatan Allaah wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, oo wuxuu ogsoon yahay inay tabar yari idin heyso. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan kun idinka mid ah (oo samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan doonaan labo kun Ilaahay Idankii. Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha

[67] Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Ilaahady) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Allaah (idinla) rabaa Aakhirada. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[68] Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Allaah ah ee hore uu u gooyey16, hubaal waxaa idinku soo gaari lahaa waxa aad qaadateen cadaab aad u weyn

[69] Ee cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[70] Nabiyow! Ku dheh kuwaa aad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Allaah ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin doonaa wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin dambi dhaafi doonaa, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[71] Haddiise ay doonaan inay ku khiyaameeyaan waxay horeba u khiyaameeyeen Allaah. Markaas buu Wuxuu idin siiyey awood uu idinka kormarshay. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[72] Hubaaal, kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu halgamay si adag maalkooda iyo nafahoodaba jidka Ilaahay iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, _ kuwan ayaa qaarkoodba xulufo u yahay qaarka kale. (ma) kuwase rumeeyey ee aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo dad uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, oo Allaah wuu arkaa waxa aad fashaan

[73] Oo kuwaa gaalada ah qaaroodba xulufo buuu yahay qaarka kale, haddii aydaan sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri doona dhulka fasahaad aad u weyn

[74] Oo (ma xagga) kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku halgamay Jidka Ilaahay, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwan waa mu’miniinta dhabta ah, waxay mudan doonaan dambi dhaaf iyo risiq wanaagsan

[75] Oo (ma xagga) kuwa rumeeyay waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaad galay la jirkiin, kuwaani waa idinka mid. Oo qaraabadaa qaarkoodba isaga sokeeya qaarka kale sida Kitaabka Ilaahay qoray18. Hubaal, Allaah wax kasta wuu Og yahay

At-Tawbah

Surah 9

[1] Kani waa ogeysiin in Allaah iyo Rasuulkiisu ay bannaanka ka yihiin1 kuwaa ka midka ah Mushrikiinta, ee aad la gasheen heshiiska

[2] Ee (ku) mara dhulka (nabad) muddo afar bilood ah (meeshaad doontaanba), ogaadase inaydaan caajis gelin kareyn Allaah, iyo in Allaah uu dulleyn doono gaalada

[3] Oo waa ogeysiis ka soo baxay Allaah iyo Rasuulkiisa oo ku socda dadka maalinta Iidweynta Xajka2 inuu Allaah bannaanka ka yahay (dhammaan) heshiisyadii lala lahaa Mushrikiinta, Rasuulkiisuna (sidoo kale ka yahay bannaanka). Ee haddaad idinku toobad keentaan, waa sida idin khayr badan, haddaad se jeesataan, ogaada inaydaan caajis galin kareyn Allaah. Oo ogeysii cadaab aad u xanuun badan kuwaa gaalada ahi

[4] Waxaan ahayn kuwaa mushrikiinta ka mid ah ee aad la gasheen axdiga, oo aan markaas waxba idiin dhimin, cidnana idiinla soo safan lidkiin. Ee u oofiya axdigooda inta ay muddadu dhammaaneyso. Hubaal Allaah waa jecel yahay kuwa iska ilaasha (xumaha)

[5] Markase ay Bilaha Xurmadda leh baxaan3, ku dila mushrikiinta meeshaad ka heshaanba, oo qafaasha oo go’doomiya, oo u fariista suryo walba. Markaas hadday toobad keenaan oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, u banneeya jidkooda. hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[6] Oo hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta idin weydiisto magan galyo magan geliya inta uu ka maqlo hadalka Ilaahay, kaddibna gaarsiiya halka uu ku nabad helayo, sidani waxaa ku wacan waa dad aan garasho lahayn

[7] Sidee bay ugu lahaan karaan mushrikiintu axdi Allaah agti iyo Rasuulkiisa agti aan aheyn kuwa aad kula gasheen axdiga Masjidka xurmadda leh? Ee intay idiin toosnaadaan, idinkuna u toosnaada. Hubaal, Allaah waa uu jecel yahay kuwa dhowra (xilka uu saaray)

[8] Sidee (ku ahaan kartaa) halka marka ay idinka awood bataan, aysan dhowrin wax xiriir ah ha ahaado mid wada dhalasho ama axdi aad leedihiin midna? Waxay idinku raalli galiyaan afafkooda, halka quluubtoodu ayan oggolaan (inay oofiyaan), oo intooda badani waa caasiyaal

[9] Waxay siisteen qiimo yar Aayadaha Ilaahay, markaas bay ka duwaan (dadka) Jidkiisa. Hubaal, waa xumaan waxa ay falaan

[10] Uma dhowraan mu'min wada dhalasho awgeed ama axdi midna. Oo waa kuwan kuwa ahi xad gudbayaasha

[11] Hadday se toobad keenaan oo oogaan salaadda oo bixiyaan Sakada waa walaalihiinna diinta. Waxaanu uga dhignaa Aayadaha caddaan dad garasho leh

[12] Oo hadday jabiyaan dhaarahooda axdigooda kaddib, oo (si cad) u duraan diintiinna, markaa la dagaallama hoggaamiyayaasha kufriga –hubaal waa kuwo aan axdi tixgeline bal inay ka joogaan (colaadda ay wadaan)

[13] Miyeydaan la dagaallamayn dad ka baxay dhaarahooda (ballamahay idinla galeen) oo ku hammiyey saaridda Rasuulka, oo iyagu idinku billaabay weerarka marka hore? Miyaad ka baqeysaan? Allaah baase u xaq leh inaad ka baqdaan haddaad tihiin mu’miniin

[14] La dagaallama, Allaah wuxuu ku cadaabi doonaa gacmihiinna oo uu ku dulli gelin doonaa, oo idiin gargaari oo bogsiin laabaha dad mu’miniin ah

[15] Oo wuxuu ka saari ciilkii hayey quluubtooda. Oo Allaah wuxuu ugu soo laabtaa (si naxariis leh) qofkuu doono, oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[16] Ma waxaad mooddaan in la idiinkaga tegi doono sidiinna isagoo uusan Allaah muujin kuwiinna idinka mid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan cid aan ahayn Allaah iyo Rasuulkiisa iyo mu'miniinta gacallo. oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

[17] Ma laha mushrikiinta inay camiraan masaajidda Ilaahay iyagoo ku qiraya nafahooda gaalnimo. Waayo kuwani acmaashooda waxba kama jiraan, oo Naarta bay ku dhex waari doonaan

[18] Waxaa uun camira Masaajidda Ilaahay kuwa rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa, oo ooga salaadda oo bixiya Zakada oo aan ka baqin axadna Allaah maahee. haddaba kuwan baa laga yaabaa inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan

[19] Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh sida kan isagu rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa oo aad ugu dadaala Jidka Ilaahay? Ma aha kuwo siman Allaah agtiis. Oo Allaah ma hanuuniyo dadkaa gar ma qaatayaasha ah

[20] Kuwa rumeeyey oo ka soo hijrooday (guryahooda) oo aad ugula dadaalay Jidka Ilaahay maalkooda iyo nafahooda baa ku darajo weyn Allaah agtiis. Oo waa kuwaas kuwa ah guuleystayaasha

[21] Rabbigood wuxuu ugu bishaareeyaa Naxariis Xaggiisa ah, iyo Raalli ahaansho iyo beero ay ku dhex leeyihiin barwaaqooyin ma guuraan ah

[22] Iyagoo ku dhex waaraya waligood. hubaal, Allaah agtiis waxaa yaal abaal gud aad u Weyn

[23] Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina aabbayaashiin ama walaalihiin gacallo hadday jeclaadaan gaalnimo halkii Iimaanka. Oo qofkii sidaa yeela oo idinka mid ah, kuwaas weeye kuwa iyagu ah gar ma qaatayaasha

[24] Dheh: Haddii ay aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna; maalka aad tabcateen, ganac aad uga baqeysaan iibsi la’aan, iyo guryo aad ka raalli tihiin... ay idinkala weyn yihiin oo ka jeceshihiin Allaah iyo Rasuulkiisa, iyo u halgamidda Jidkiisa, marka suga inta Allaah ka fuliyo Amarkiisa. Oo Allaah ma hanuuniyo dadka caasiyaasha ah

[25] Xaqiiq Allaah Wuxuu idinku gargaaray goobo dagaal oo badan, oo Maalintii Xunayn waa tii ay idin cajabisey tiro badnaantiinnu hase ahaatee wax idiin tari weydey, ee dhulku intuu ballaar le'egyahay idinku cidhiidhi noqday, markaas aad carar dhabarka jeediseen

[26] Markaas Allaah wuxuu ku soo dejiyey xasillooni Xaggiisa ah Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba, oo u soo diray ciidammo (malaa’ig ah) aydaan arkayn, oo ciqaabay kuwii (Xaqa) rumeysan diiday. Oo waa sidaas abaal marinta gaaladu

[27] Markaas Wuxuu Allaah arrinkani kaddib ugu soo noqon (si naxariis leh) cidduu doono. Oo Allaah waa Dambi dhaaf Badane, Naxariis Badan

[28] Mu’miniintoy! Mushrikiintu sidooduba waa Nijaas ee yeysan u soo dhowaan Masjidka xurmadda leh sannadkan kaddib5, oo haddaad ka baqdaan faqri, Allaah baa idinka hodansiin doona Deeqdiisa hadduu doono. Hubaal, Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[29] La dagaallama kuwa aan rumeysnayn Allaah, iyo Maalinta dambeysa, aan xaaraameyn waxa ay xaaraameeyeen Allaah iyo Rasuulkiisu, ee aan ka diin dhigan oo raacin Diinta Xaqa ah ee ka mid ah ehlu Kitaabka, ilaa ay ka dhiibaan Jisyo6 si raalli leh iyagoo hoggaansan

[30] Oo Yuhuuddu waxay yidhaahdaan: Cuzayr waa wiilkii Ilaahay, oo Nasaaradu waxay yidhaahdaan: Masiixu waa wiilkii Ilaahay. Kuwakani waa hadalkooda ay afafkooda ka yidhaahdaan. Waxay ku hadal dayanayaan kuwii hore u gaaloobay. Allaha halaagee, maxaa (xaqa) ka duway

[31] Waxay ka dhigteen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Allaah sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin cid aan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo nazahan yahay waxay wax la wadaajiyaan

[32] Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Ilaahay afafkooda, ha yeeshee Allaah ma oggola waxaan aheyn inuu dhammeystiro Nuurkiisu, gaaladu haba necbaystaane

[33] Isaga (Alle) weeye Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo Diinta Xaqa ah, si uu uga kor mariyo diimaha oo dhan, Mushrikiintu haba necbaystaane

[34] Mu’miniintoy! hubaal, in badan oo ka mid ah qaysaska iyo suufiyadu waxay ku cunaan maalka dadka been, oo ka jeediyaan Jidka Ilaahay. Oo ( ma xagga) kuwa iyagu kaydsada dahabka iyo qalinka9 ee aan wax ku bixin Jidka Ilaahay, _ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan

[35] Maalinta lagu soo kululeyn doono dabka Naarta oo wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda lagu summadeyn doono; (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya waxaad idinku kaydsateen

[36] Hubaal, tirada bilahu Ilaahay agtiis waa labo iyo toban bilood xagga Qaddarka Ilaahay tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ka mid ah afar xurmad gaar ah leh (Dul-Qicdah, Dul-Xijjah, Muxarram iyo Rajab). Sidaas baa ah dowga toosan, ee ha ku gardarroonina nafahiina dhexdooda, oo la dagaallama Mushrikiinta wadajir sida ay idiinla dagaallamaan wadajir. Oo ogaada in Allaah uu la jiro kuwa iska ilaasha xumaha

[37] Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah10: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gaalada ah

[38] Mu’miniintoy! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa u jihaadka Arrinka Ilaahay aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Oo ma aha sahayda noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar

[39] Haddaydaan u bixin (jihaadka), Wuxuu idinku cadaabi doonaa cadaab aad u xanuun badan oo idinku beddeli doonaa dad kale, waxbana kama dhimi doontaan marnaba, oo Allaah wax walba wuu Karaa

[40] Haddaydaan u hiillin (Nabiga), Allaah baa xaqiiq u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah12 markay labaduba ku jireen hogga, waa tii uu ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, hubaal Allaah baa na la jira. Kolkaas buu Allaah ku soo dejiyey xasillooni dushiisa, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Ilaahay13, waa taa sarreysa, Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[41] Baxa idinkoo fudud iyo idinkoo culusba, oo kula jihaada maalkiinna iyo nafahiinnaba Jidka Ilaahay14. Arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin

[42] Hadday ahaan lahayd dheef dhow iyo safar fudud, xaqiiq way ku raaci lahaayeen, laakiinse tubtii baa ku dheeraatay, oo waxay ku dhaaran Allaah (iyagoo leh): haddaanu kareyno hubaal waa idin la bixi lahayn; waxay halaagayaan nafahooda, Oo Allaah wuu Og yahay inay xaqiiq yihiin beenalayaal

[43] Allaha ku cafiyee! Maxaad u siisay idanka, ilaa ay kuu caaddaato kuwa runta sheegay, oo aad ogaato kuwa beenalayaasha ah

[44] Kaama idan qaataan kuwa rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa, si looga dhaafo inay ku dadaal muujiyaan maalkooda iyo nafahooda, Oo Allaah waa og yahay kuwa iska jira (xumaha)

[45] Waxaase kaa idan qaata uun kuwa aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta dambeysa ee uu shaki ku jira quluubtooda ee iyagu shakigooda ku jaha wareersan

[46] Oo hadday doonayaan inay baxaan, xaqiiq way u qalab diyaarsan lahaayeen, laakiinse Allaah wuxuu nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyey oo lagu yidhi: La fadhiista fadhiidyada (guryaha)

[47] Hadday idinla bixi lahaayeen, idiinma kordhiyeen waxaan aheyn qas, oo waxay xaqiiq u degedegi lahaayeen fasahaadintiinna iyagoo raba (inay abuuraan) fidmo dhexdiinna, oo waxaa idinku jira kuwo maqalka raariciya iyaga dartood.Oo Allaah wuu yaqaan gar ma qaatayaasha

[48] Hubaal waxay idinla dooneen fidmo kal hore, oo ay kuu rogeen umuuraha15, _ jeer xaqu yimid oo Amarka Ilaahay (guusha) noqotay mid cad oo muuqata iyagoo nacaya aan raalli ka aheyn

[49] Oo waxaa ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga joogo) oo ha i fidmayn16. Hubaal waxayba ku dhaceen fidmo. Oo hubaal Naar baa koobi doonta Gaalada

[50] Haddii samaani ay ku hesho, waa murugo gelisaa, oo haddii musiibo kugu dhacdo, waxay yidhaahdaan: Waxaan runtii qaadannay digtoonidayada kal hore, oo waxay sii jeestaan iyagoo faraxsan

[51] Dheh: Waxba naguma dhici doonaan wuxuu Allaah noo qoray maahee. Isagaa ah Gargaarahayaga. Oo Allaah ha isku halleeyaan mu'miniintu

[52] Dheh: Ma waad nala sugtaan waxaan aheyn labada wanaagsan middood (guul ama geeri)? halka aan innagu idinla sugno inuu Allaah idinku rido ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah. Ee suga, xaqiiq innaguna la jirkiin waa sugeynaa

[53] Dheh: Ku bixiya wax Jidka Ilaahay idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, la idinkama aqbali doono. waxaad hubaal idinku tihiin dad caasiyaal ah

[54] Oo waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan aheyn inay rumeyn diideen Allaah iyo Rasuulkiisa; oo ma yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee17; oo waxna ma bixiyaan iyagoo kahanaya maahee

[55] Ee yaanay maalkooda iyo carruurtooda ku cajab gelin; Allaah wuxuu uun doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahu ka baxaan iyagoo gaalo ah

[56] Oo waxay ku dhaartaan Allaah inay xaqiiq idinka mid yihiin, oo ma idinka mid aha, laakiinse iyagu waa dad idinka cabsan

[57] Hadday heli lahaayeen magan ama hog, ama meel ay galaan, hubaal way u jeesan lahaayeen iyagoo u kala dheereynaya

[58] Oo waxaa ka mid ah qaar kugu eedeeya arrin la xiriirta (qaybinta) sadaqooyinka. Oo haddii wax laga siiyo raalli ah, haddiise aan wax laga siin, mise way cadhoodaan

[59] Oo hadday raalli ku noqon lahaayeen waxa ay Allaah iyo Rasuulkiisu siiyeen oo ay odhan lahaayeen: Allaah baa nagu Filan. Allaah baa dhaqso na siin doono wax (badan) oo ka mid ah Fadlgiiisa, iyo (sidoo kale) Rasuulkiisa. Hubaal innagu Allaah uun baan rabnaa oo wax ka dooneynaa

[60] Sadaqooyinka (Zakada19) waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada iyo Masaakiinta iyo kuwaa lagu howl galiyey inay soo ururiyaan; iyo kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa leh deymeysanayaasha; iyo in lagu bixiyo Jidka Ilaahay, iyo musaafirka (go’doonsan), waa faral Allaah uu gooyay. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah

[61] Oo waxaa ka mid ah kuwa dhiba Nabiga oo dhaha: Waa mid rumeysta (war kasta) uu maqlo20. Dheh: Waa khayr idiin maqlihiinna (ee) rumeysan Allaah; oo aamin ku qaba mu’miniinta; oo waa u naxariis kuwiinna idinka mid ah ee rumeysan. Oo ( ma xagga) kuwa dhiba Rasuulka Ilaahay waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

[62] Waxay idiinku dhaartaan Allaah si ay idiin raalli geliyaan, Allaah iyo sidoo kale Rasuulkiisa baase mudan inay raalli geliyaan haddii ay yihiin mu’miniin

[63] Miyaanay ogayn in qofkii colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa hubaal isagu mudan doono Naarta Dabka ah aan dameyn uu ku dhex waarayo gudaheeda. Kaasi weeye dufowga aad u weyn

[64] Munaafiqiintu waxay ka baqaan in lagu soo dejiyo Suurad ugu sheegeysa si cad waxa ku jira quluubtooda. Dheh: Iska jees jeesa! Hubaal Allaah Wuxuu soo bixin doonaa waxa aad ka baqdaan

[65] Oo haddaad weydiiso waxay hubaal odhanayaan: Wax kale ma ahayne waanu iska kaftameynay, oo aan iska cayaaraynay. Waxaad tidhaahdaa: Oo ma Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad idinku aad ku jeesjeeseyseen

[66] Ha cudurdaarrannina; xaqiiq waad gaaloowdeen rumeyntiinnii kaddib. Haddaan cafinno koox idinka mid ah, Waxaan ciqaabi doonnaa koox, maxaa yeelay waa dambiilayaal

[67] Munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka waa ay is leeyihiin, waxay amraan xumaanta oo reebaan samaanta, oo laabaan gacmahooda21. Waxay illoobeen Allaah, markaas buu Isaguna iska illoobay. Munaafiqiintu hubaal waa iyaga kuwa caasiyaasha ah

[68] Allaah wuxuu u ballan qaaday munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo gaaladaba dabka Naarta ah aan dameyn iyagoo ku dhex waaraya, iyada baa ku filan. Oo Allaah wuu nacladay, oo waxay mudan doonaan cadaab ma guuraan ah

[69] Sidii kuwii idinka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo idinka xoog badan awood ahaan, oo idinka badan maal iyo carruurba. Marka waxay ku raaxaysteen calafkoodii, sidaas baad idinkuna ugu raaxaysateen calafkiinnii sidii ay kuwii idinka horreeyey ugu raaxaysteen calafkoodii; oo waxaad ku tiinbateen (xumaanta) sidii ay iyaguba ugu tiinbadeen. Kuwani waa kuwa camallaadooda ay buraan adduunkan iyo Aakhiradaba. Waana kuwan kuwa ku sugan khasaarada dhabta ah

[70] Oo miyaanu ku soo gaadhin warka kuwii ka horreeyay, ee lahaa qolooyinkii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo qolodii Ibraahiim, iyo reer Madyan iyo kuwii korkooda hoos loo rogay22, Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad. Oo ma aheyn Allaah mid u gefa, laakiinse iyaga baa nafahooda gef ka galay

[71] Oo (ma xagga) Mu’miniintu iyo mu’mindahu, waa isu xulufo midba kan kale23, waxay amraan samaanta, oo reebaan xumaanta; oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, oo adeecaan Allaah iyo Rasuulkiisa. Kuwani, Allaah wuu u naxariisan doonaa; hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[72] Allaah wuxuu u ballan qaaday mu’miniinta iyo mu’minooyinka beero ay hoostoodu webiyo qul-qulayaan ay ku dhex waarayaan, iyo guryo san oo ku yaal Beeraha negaadiga; iyo wax inaataba ka sii wanaagsan waa Raalli ahaanshaha Ilaahay. Oo arrinkani baa ah Liibaanta Weyn

[73] Nabiyow! La halgama gaalada iyo munaafiqiinta, oo ha u nuglaanine, oo hoygoodu waa Naar, _ oo xumaa aayotiin ahaan

[74] Waxay ku dhaartaan Allaah inaanay odhan (wax xun), waxayse xaqiiq yidhaahdeen erey gaalnimo ah, oo waxay gaaloobeen kaddib markay islaameen, oo waxay goosteen wax ay gaari kari waayeen24, oo kama ayan helin gef waxaan ahayn inay hodan ka noqdeen Fadliga Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Oo hadday soo laabtaan iyagay u roon tahay, haddiise ay jeesadaan, Allaah wuxuu cadaabi doonaa cadaab xanuun badan adduunyadan iyo Aakhiradaba. Oo kuma leh dhulka gacal iyo gargaare midna

[75] Oo waxaa ka mid ah kuwo axdi la galay Ilaahay25: Hadduu wax naga siiyo Deeqdiisa, waxaan hubaal bixin doonnaa Sadaqooyin, oo waxaan hubaal ka mid ahaan doonnaa kuwa wanaagsan

[76] Markase uu wax ka siiyey Deeqdiisa way ku bakhayleen, oo waxay jeediyeen dhabarka oo durba siibteen

[77] Markaas buu ka yeelay munaafaqnimo inay gasho quluubtooda ilaa Maalinta marka ay la kulmi doonaan, ballankay kaga baxeen Allaah iyo beenaha ay sheegeen awgood

[78] Ma waysan ogayn inuu Allaah Ogsoon yahay sirtooda iyo faqoodaba iyo in Allaah yahay kan Ogsoon waxa qarsoon aan muuqan

[79] Kuwa ku ceebeeya kuwaa daacadda ah ee ka mid ah mu’miniinta sadaqada ay dar Ilaahay ula baxaan iyo kuwa aan heli karin inay baxshaan waxaan aheyn xoogsigooda oo ku jeesjeesa, Allaah baa ku jees jeesi doona, oo waxay mudan doonaan cadaab xanuun badan

[80] U dalab dambi dhaaf iyaga ama ha u dalbin dambi dhaaf, xitaa haddaad u dambi dhaaf dalabto toddobaatan jeer, Allaah uma dambi dhaafi doono, arrinkani waxaa ugu wacan waxay rumeyn diideen Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Allaah ma hanuuniyo dadkaa caasiyaasha ah

[81] Kuwii dib u haray waxay ku farxeen fadhigooda ay kaga hareen Rasuulkii Ilaahay; oo waxay naceen inay kula jihaad galaan maalkooda iyo Nafahooda Jidka Ilaahay, oo yidhaahdeen: Ha gurmad bixina kulaylaha. Dheh: Dabka Naarta ayaa ka kuleyl daran, haddii in uun ay garowsan lahaayeen

[82] Ee ha qoslaan wax yar, oo (misna) ooyi doonaan wax badan abaal gud ahaan waxay galabsadeen

[83] Ee hadduu kuu soo celiyo Allaah qaar iyaga ka mid ah, oo markaa ay kaa idan qaataan inay kula baxaan, dheh: marnaba waligay ilama bixi doontaan, iilamana dagaal geli doontaan cadow; hubaal waxaad raalli ku noqoteen inaad fadhiisataan markii horeba, ee la fadhiya (hadda) inta dib u hadhay

[84] Oo ha ku tukan (salaad janaazo) weligaa mid ka mid ah oo dhinta, oo ha is dul taagin qabrigiisa. Waxay hubaal iyagu rumeyn diideen Allaah iyo Rasuulkiisa, oo waxay dhinteen iyagoo caasiyaal ah

[85] Oo yeysan maalkooda iyo carruurtoodu ku cajab gelin. Allaah wuxuu uun rabaa inuu ku cadaabo adduunkan iyo inay nafaha ka baxaan iyagoo gaalo ah

[86] Oo haddii la soo waxyoodo Suurad amreysa: Rumeeya Allaah oo gala jihaad la jirka Rasuulkiisa, kuwooda hodonka ah ayaa kaa idan qaata, oo yidhaahda: Na daa aan ka mid noqonno kuwa dib u hara ee fadhiya (guryaha)

[87] Waxay ku Raalli noqdeen inay ahaadaan la jirka kuwaa ku hara (gadaal guryaha). Shaabad baana lagu daahay quluubtooda, marka waxba ma fahmaan

[88] Laakiin Rasuulka iyo kuwa rumeysan ee la jira waxay ku jihaad galaan maalkooda iyo nafahooda. Oo kuwan weeye kuwa mudan doona khayraadka, oo waa kuwan kuwa ah liibaanayaasha

[89] Allaah wuxuu u diyaarshay beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Arrinkaasi baa ah Liibaanta Weyn

[90] Oo cudurdaartayaashii ka mid ahaa reer miyiga baa yimid iyagoo ku weydiisanaya Idan si looga dhaafo (ka qayb galka jihaadka), oo waxaa haray oo fadhiistay (guryaha) kuwii u sheegay beenta Allaah iyo Rasuulkiisa; waxaa ku dhici doona kuwa xaqa diiday ee ka mid ah cadaab aad u xanuun badan

[91] Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar26 ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin wax ay bixiyaan hadday daacad u yihiin Allaah iyo Rasuulkiisa27. Ma jiro jid lagu eed saari karo sama falayaasha. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[92] Oo ma (saarna eed) kuwii markay kuu yimaadeen si aad u qaaddo, aad ku tidhi: Idiinma heli karo wax (gaadiid ah) aan idinku qaado, markaasay dib u laabteen iyagoo ay ka qubaneyso indhahooda ilmo, murugo darteed ay ka qabaan in aanay helin wax ay bixiyaan

[93] Ee waxaa uun jid (eedeyn ah) lagu leeyahay kuwa idan kaa qaata iyagoo maal qabeen ah. waxay ku raalli noqdeen inay la joogaan kuwa dib u haray oo wuxuu Allah daboolay quluubtooda marka ma ay oga (waxa ay waayayaan)

[94] Way idiin cudur daaran doonaaan markaad u laabataan. Dheh: Ha cudurdaaranina, marnaba idinma rumaysan doonno. Xaqiiq Allaah baa noo sheegay arrimo ku saabsan xaalkiinna. Oo haatan Allaah iyo Rasuulkiisu way arki doonaan camalladiinna. Markaas waxaa dib la idiinku soo celin doonaa Xagga (Allaah) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaas buu idiin sheegi doonaa waxaad fasheen

[95] Waxay idiinku dhaaran doonaan Allaah markaad u laabataan si aad uga jeesataan. Ee isaga jeesta; hubaal waa qurun, oo hoygoodu waa Naar, _abaal marin waxay kasbadeen darteed

[96] Way idiin dhaaran si aad uga raalli noqotaan, haddiise aad ka raalli noqotaan, haddaba hubaal Allaah kama raalli noqdo dadka caasiyaasha ah

[97] Kuwa saxrahaa jira ayaa ugu gaalnimo iyo munaafaqnimo daran, oo u dhowdahay in aanay aqoon soohidmaha waxa uu Allaah u soo waxyooday Rasuulkiisa; Oo Allaah waa walba Ogsoone, Xakiim ah

[98] Oo kuwa saxraha jira waxaa ka mid ah kuwo u qaata waxa ay bixiyaan inuu yahay ganaax, oo idinla suga belaayo (idinku dhacda), dushooda (bay ahaan doontaa) belaayada wareegta. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[99] Oo kuwa saxrahaa jira waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa, oo ka yeesha waxa ay bixiyaan (habab ay ku mutaan) u dhowaansho Allaah iyo ducooyinka Rasuulka. Hubaal waxay u ahaan doontaa dhowaansho. Allaah wuxuu galin doonaa Naxariistiisa. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[100] Oo (ma) kuwa u hormaray, ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta28 iyo Ansaarta29 iyo kuwa ku raacay wanaagga. Allaah raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Oo Wuxuu u diyaariyey beero ay hoostoodu wabiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waarayaan weligood. Kaas baa ah Liibaanta Weyn

[101] Oo waxaa ka mid ah kuwaa hareerihiinna ah ee ka mid ah kuwa dega saxaraha munaafiqiin, oo reer Madiina ( sidoo kale) waxaa ka mid ah kuwo ku madax adag nifaaqa, adigu ma taqaanid iyaga, Annaga baa ogsoon. Waxaanu ca- daabi doonnaa labo jeer, markaas baa loo celin doonaa xagga Cadaab aad u Weyn

[102] Oo (waxaa jira) kuwo kale ee qirtay dambiyadooda, waxay isku dareen camal wanaagsan iyo mid kale oo xun30. Waa intaasoo Allaah u soo noqdo (si naxariis leh). Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[103] Ka qaad (Nabi Muxammadow) maalkooda Sadaqo aad ku hufeyso oo ku daahirineyso, oo u ducee. Hubaal ducadaadu waa waxay ku xasilaan, oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[104] Mawaysan ogayn in Allaah ka aqbalo toobada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka iyo in Allaah yahay Kan u soo laabashada badan (naxariista), ee Naxariista Badan

[105] Dheh: Shaqeeya; marka Allaah wuu arki doonaa shaqadiinna (sidaas bayna yeeli doonaan) Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba. Oo waxaa dib la idiinku soo celin doonaa Xagga (Allaah) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba. markaasuu wuxuu idiin sheegi doonaa waxa aad fasheen

[106] Oo (waxaa jira) kuwo kale oo dib loogu dhigay inay sugaan Amarka Ilaahay, haddii uu cadaabayo ama haddii uu ka aqbalayo toobada. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[107] Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo darteed iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay31 Allaah iyo Rasuulkiisa, oo waxay xaqiiq ku dhaaran doonaan ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Oo Allaah wuxuu markhaati ka yahay inay hubaal yihiin beenalayaal

[108] Ha isdhex taagin waligaa. Xaqiiq Masjid32 aasaaskiisa lagu dhisay taqwo maalintii ugu horreysayba baa uga xaq leh inaad dhex joogsato (si aad ugu tukato). Waxaa jooga rag jecel inay isdaahiriyaan. Oo Allaah wuu jecel yahay kuwa is-daahiriya

[109] Ee ma mid aasaas uga dhiga dhismihiisa cabsida Ilaahay iyo Raalli gelintiisa baa khayr roon, mise mid ka dhiga aasaaska dhismihiisa qarka god dumaya dushiis, oo markaas kula soo dhacay dabka Naarta. Oo Allaah ma hanuuniyo dadka ah gar ma qaatayaasha

[110] Dhismahii ay dhiseen kama suuli doono marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda33 in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo34. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah

[111] Hubaal Allaah wuxuu kaga gatay mu’miniinta nafahooda iyo maalkoodaba inay mudan doonaan Jannada, waxay u dagaallamaan Jidka Ilaahay35, markaasay dilaan (nabad diidyada) oo iyagana loo dilaa (Xaqa iyo Nabadda ay fidiyaan) . Waa ballan dushiisa ah oo xaq ah oo ku sugan Tawraadda iyo Injiilka iyo Qur’aanka. Oo yaa ka oofin og ballan uu qaaday Allaah? ee ku farxa beeciinna ee aad heshiiska ku gasheen; oo taasi weeye Liibaanta Weyn

[112] Kuwa u soo noqda (Allaah), ee caabuda, ee ammaana, ee sooma, ee rukuuca, ee la dhaca sujuudda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee ilaaliya soohdimaha Ilaahay36 oo u bishaaree mu’miniintaa

[113] Kuma (habboona) Nabiga iyo kuwa rumeysan inay u dambi dhaaf dalbaan mushrikiinta qaraababa ha ahaadaane, kaddib kolkay u caddaatay inay yihiin ehlu Naar37 (ku dhinteen gaalnimo)

[114] Oo Ibraahiim u dambi dhaaf dalabkii aabbihiis ma ahayn waxaan ahayn ballan uu ka qaaday. Markiise ay u caddaatay inuu ahaa cadow Ilaahay, bannaankuu ka maray; hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa kal same, dulqaad badan

[115] Oo ma aha (sifad) Allaah inuu lumiyo dad kaddib marka uu hanuuniyey bal xitaa wuxuu u caddeeyaa waxa ay tahay inay iska jiraan38. hubaal Allaah waa Ogsoonaha wax walba

[116] Hubaal Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo aralda, wuxuu bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho. oo ma lihidin Allaah ka sokow gacal ama gargaare midkoodna

[117] Wuxuu xaqiiq Allaah ugu soo noqday (si naxariis leh) Nabiga iyo Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday waqtigii adkaa, kaddib markii quluubta qaar ka mid ah ay ku sigteen inay weecdaan, markaasuu ugu soo noqday ( si naxariis leh). Hubaal Allaah waa mid u Turid iyo Naxariis Badan

[118] Oo (sidoo kale wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay (oo ka xumaaday khaladkoodii)39, heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, oo nafahooda sidoo kale ku ciriiryoomeen, oo waxay hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Allaah aan ahayn Xaggiisa. Markaasu ugu soo laabtay (si naxariis leh), si ay ugu soo laabtaan. Hubaal Allaah waa u soo laabasho badanaha (naxariista), Naxariista badan

[119] Mu’miniintoy! Dhowra xilka uu idin saaray (Allaah), oo ahaada la jirka kuwa runlowyada ah

[120] Kuma habboona reer Madiina iyo kuwa hareerahooda ah ee ka mid ah kuwa dega saxraha miyiga inay uga haraan gadaal Rasuulka Ilaahay, iyo inay ka jecleystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad iyo daal ama gaajo ku soo gaara Jidka Ilaahay40, oo ma jiro goob ay cagaha dhigaan oo ay ku cadho gashaan gaalada, oo ma jiro lib ay ka helaan cadowga oo aan loogu qoreyn camal san dartood. Hubaal Allaah ma dayaco ajarka sama falayaasha

[121] Oo ma jiro wax yar iyo wax weyn oo ay bixiyaan oo ma jiro tog ay ka tillaabaan oo aan loogu qorayn ajar ahaan, si uu Allaah ugu abaal mariyo si waafaqsan kan ugu fiicnaa camalladii ay faleen

[122] Oo ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda marka ay u soo laabtaan, si ay u digtonaadaan

[123] Mu’miniintoy! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada oo ha idinka heleyn adadayg, oo ogaada inuu Allaah la jiro kuwa iska ilaasha (xumaha)

[124] Oo marka Suurad la soo waxyoodo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Marka ma kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan

[125] Ma kuwase uu quluubtoodu ku jiro cudur41, waxay uun u kordhisaa xumaan42 ( ka badan) xumaantoodii, oo waxay dhintaan iyagoo gaalo ah

[126] Mawaysan arag in la jarribo sannad waliba mar ama labo jeer? Sidaa oy tahay uma soo laabtaan (Allaah), oo ma waansamaan

[127] Oo marka Suurad la soo waxyoodo, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Allaah baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa dad aan garasho lahayn

[128] Xaqiiq waxaa idiin yimid Rasuul idinka mid ah, ay murugo geliso waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, mu’miniinta u turid iyo naxariis badan

[129] Haddiise ay jeesadaan, dheh: Waxaa igu Filan Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah)Isaga maahee. Isaga ayaan isku halleeyaa, oo waa Isaga Rabbiga Carshiga aad u Weyn

Yunus

Surah 10

[1] Alif Laam Raa1, Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka Xakiimka ah

[2] Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonno nin ka mid ah (Annagoo leh): U dig dadka oo u bishaaree kuwa rumeysan inay ku leeyihiin cag dhigasho sugnaansho leh Rabbigood agtiisa. Waxay gaaladu yidhaahdaan: hubaal kanu waa saaxir iska cad

[3] Hubaal Rabbigiin waa Allaah ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga korkiisa isagoo maamulaya arrinka uunka dhammaan. Ma jiro shafeece Idankiisa kaddib ma’ahee; Kan Weeye Allaah, Rabbigiin, ee caabuda Isagoo keliya Miyaydaan Haddaba xusuusanayn

[4] Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa dhammaan. Wacad Alle oo xaq ah weeye, hubaal Wuxuu billaabaa uunka kolka horeba, haddana dib u soo celin mar kale, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa rumeysan ee sama fala. (ma) kuwase rumeysan waaya waxay mudan doonaan cabbitaan biyo kulul ah iyo cadaab xanuun badan, gaalnimaday galeen awgeed

[5] Isaga Weeye Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, oo u qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Allaah uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq; Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka dad garasho leh

[6] Hubaal is beddelka habeenka iyo maalinta iyo waxa Allaah ku abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin dad iska jira xumaha

[7] Hubaal kuwa aan rajayn la kulankayaga, oo ku raalli noqday nolosha adduunkan oo ku qalbi degay, iyo kuwa ka dhoohan Aayadahayaga

[8] Kuwaas, hoygoodu wuxuu ahaa doonaa Naarta, waxay kasbadeen awgeed

[9] Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan ee fala samaha, Rabbigood wuxuu ku hanuunin doonaa iimaankooda darti; waxaa qulquli doona hoostooda webiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada ah

[10] Ducadooda dhexdeeda waa Subxaanakal laahumma (Sarreeye ma nuqsaamow adigaa nazahan oo xurmoo dhan leh), oo salaantooda dhexdeeda waa, 'Salaam', (nabad ahaada). Oo ducadooda ugu dambaysaa waa "Al-Xamdullilaahi Rabbil Caalamiin (ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka)

[11] Oo hadduu Allaah u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) sida uu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda hubaal waa loo oofin lahaa (oo la hallagi lahaa)4. Waxaanse ku daynaa kuwaa aan rajayn la kulankankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan

[12] Oo marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sidiiyoo aanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaas baa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen

[13] Oo Waxaan horeyba u halaagnay facyo idinka horreeyey, markay gefef geysteen, oo Rusushoodii waxay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase ahayn kuwo rumeynaya. Sidaas baan u abaal marinnaa dadka dambiilayaasha ah

[14] Markaas baan idinka dhignay kuwa u hara dhulka iyaga kaddib, si aan u eegno sida aad u dhaqanataan

[15] Oo marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan aheyn kan, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Hubaal waxaan ka cabsan haddii aan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin aad u Weyn

[16] Dheh: Hadduu Allaah doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor5. Ee ma waydaan garowsaneyn

[17] Yaa haddaba ka gardarro badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadihiisa, Hubaal dambiilayaashu ma liibaani doonaan

[18] Oo waxay caabudaan Allaah sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, oo waxay yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Allaah agti6. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Allaah wax aanu ogeyn ee ka jira samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka nazahan yahay oo wuu ka Sarreeyaa waxa ay wax la wadaajiyaan

[19] Oo dadku ma ahayn waxaan ahayn ummad keliya (wada heysata diin keliya: Islaamka7), markaas bay iskhilaafeen (waa' dambe), oo haddii aysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa8 (in loo oofiyo muddadooda ama inaaan la ciqaabin cidna iyadoo aan xujo cad u iman), hubaal waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxa ay isku khilaafsan yihiin

[20] Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxa aan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Allaah Keliya, ee suga, hubaal aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa

[21] Oo marka aan dhadhansiinno dadka Naxariis kaddib waxyeello gaadhay, mise! Waxay kolkaas u tab dhigaan oo qoolaan Aayadahayaga. Dheh: Allaah baa ku Dhaqsi Badan qorshe (tab) deggidda. Hubaal Rusushayada (malaa’igta) waxay qoraan waxaad shirqool dhigeysaan

[22] Isaga Weeye Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer marka aad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabayl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan, ay u timaaddo dabayl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta, oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Allaah iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: Haddii aad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan doonnaa kuwa mahad naqa

[23] Markase uu badbaadiyo, mise! Waxay isla markaa ku qooqaan dhulka xaq darro. Dadoow! Qooqa (iyo xadgudubkiinna) waxay u daran tahay nafahiinna, waa sahay kooban oo nolosha adduunkan ah, kaddibna Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa, oo waxaan idiin sheegi doonnaa waxa aad camal fasheen

[24] Mataalka noloshan adduunku9 waa uun sida biyo aan ka soo dejinno daruurta, markaas dhirta dhulka oo ay dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa marka uu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka10 ah oo isqurxiyo oo ay dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaas baan ugu faah-faahinnaa Aayadaha dad fekera

[25] Oo Allaah wuxuu ku baaqaa Daarta Nabadda (Jannada) oo ku hanuuniyaa midka uu doono Jid Toosan

[26] Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah 11(eegista Rabbi). Boor iyo dulli midna ma dabooli doono wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, oo way ku dhex waari doonaan

[27] Kuwase kasbaday xumaha, abaalka xume fal keliyihi waa mid la mid ah, oo dulli baa dabooli doona (wejiyadooda). Ma heli doonaan wax Allaah ka celiya. Waxaad moodi doontaa wajiyadooda in lagu daboolay goosanno habeen gudcur madow ah, waa Kuwaa ehlu Naarka, wayna ku dhex waari doonaan

[28] Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyaga oo dhan, markaas waxaan ku odhan doonnaa kuwii la wadaajiyey cid kale (Allaah cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba; markaas waan ka sooci doonnaa (iyaga mu’miniinta), oo kuwii ay wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan doonaan: Ma nihin innaga kuwa aad caabudi jirteen

[29] Ee Allaah baa ku filan markhaati uu ahaado dhexdeenna innaga iyo idinkaba, in aanu innagu ahayn kuwo moog cibaadadiinna (aad na caabudeyseen)

[30] Halkaas, (Maalintaas) bay xaqiiqsan doontaa naf walbaa waxay hor marsatay, oo waxaa dib loogu soo celin doonaa Mudanahooda Xaqa ah, oo waxay waayi doonaan waxay been abuurteen

[31] Dheh: Waa kuma kan idinka siiya risiq samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo ka soo saara mayd noolaha? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka)? Markaas waxay odhan doonaan: Allaah. Dheh: Miyeydaan haddaba ka joogeyn (xumaha)

[32] Waa Kaa haddaba Allaah, Rabbigiin runta ah; ee maxaa xaqa ka dambeeya aan habow aheyn? Ee sidee baa marka la idiinka jeediyey

[33] Sidaas bay Kelmadda Rabbigaa ugu rumowday kuwa xumaha ku adkeysta in aanay rumayn doonin

[34] Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Allaah baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale. Ee sidee baa marka Xaqa la idiinka iilay

[35] Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Allaah baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee haddaba ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu haddaba arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan

[36] Oo badankoodu ma raacaan waxaan ahayn malo; hubaal malahu waxba kama tari doono Xaqa. Hubaal, Allaah wuu Ogsoon yahay waxa ay falaan

[37] Oo ma aha Qu’raankani12 wax ay been abuuran karayaan kuwaa Allaah sokadi ah, laakiinse waa xaqiijin wixii ka horreeyey iyo faahfaahin cad oo Kitaabka ah, shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga caalamka

[38] Mise waxay odhanayaan: Wuu been abuurtay? Dheh: haddaba keena Suurad la mid ah, oo u yeedha waxaad awooddaan Allaah sokadi, haddaad tihiin run sheegayaal

[39] Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobinba cilmigiisa, iyo wax uusan weli u imaan fasirkiisu. Sidaas oo kale bay waliba u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee eeg haddaba sida ay aheyd cidhibta gar ma qaatayaasha

[40] Oo waxaa ka mid ah mid rumeysan, oo waxaa ka mid ah mid aan rumeysneyn, oo Rabbigaa waa Ogsoon yahay Mufsidiinta

[41] Oo hadday ku beeniyaan, Dheh: camalkayga aniga baa leh, oo camalkiinna idinka baa iska leh. Waxaad idinku ka eed tiran tihiin waxa aan falo, oo anigu waxaan ka eed tirnahay waxa aad fashaan

[42] Oo waxaa ka mid ah kuwo ku dhageysta13, ma adiga baase wax maqalsiin kara dhagoolaha iyagoon fahmi dooninba

[43] Oo waxaa ka mid ah kuwo ku soo eega14, ma adigaase ku toosin kara waddada indhoolaha iyagoon arki dooninba

[44] Hubaal Allaah kuma sameeyo wax gardarro ah dadka; laakiinse dadku iyaga baa nafahooda u gefa

[45] Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyagoo dhan, (waxay ahaan doontaa) sida inaysan ku nagaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah. oo qaarba qaarkood bay garan doonaan. Waxaa run ahaan khasaari doona kuwa ku sheegay la kunlanka Allaah inuu yahay been, oo ma ay aha kuwo hanuunsan

[46] Oo haddaan ku tusinno (intaad nooshahay) qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsannoba, waa uun Xaggayaga meel noqodkooda, oo Allaah baa u jeeda waxa ay falaan

[47] Ummad walbaa waxay leedahay Rasuul; ee marka uu yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan lagu gardarroon doonin

[48] Oo waxay odhanayaan: Waa goorma ballan qaadkani, _ haddii aad tihiin run sheegayaal

[49] Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah waxa uu Allaah doono ma’ahee. Oo ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markay timaaddo muddadoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda)

[50] Dheh: Bal ii sheega hadduu idiinku yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad,_ maxay haddaba ka degdegsanayaan dambiilayaashu

[51] Mise marka uu dhaco ayaad rumayn doontaan? Haddee! ma imminka (baad rumeyneysaan)? Idinkoo horay u doonayey in la idiin soo dedejiyo

[52] Markaas baa lagu odhan doonaa kuwii ahaa gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya cadaabta waarista. La idinku abaal marin mayo wax aan aheyn waxaad kasbateen

[53] Oo waxay ku weydiinayaan: Ma run baa kaasi? Dheh: Haa, Waa igu Rabbigaye! Hubaal waa xaq dhab ah. Oo ma ka baxsan doontaan (Cadaabta)

[54] Oo hadday naf walba oo gef gashay ay lahaan lahayd waxaa dhulka yaalla oo idil, way isku furan lahayd, oo waxay dareemi doonaan qoomammo marka ay arkaan cadaabta, oo arrinka waa la kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan lagu gardarroon doonin

[55] Haddaba hubaal waxaa iska leh Allaah waxa jira samooyinka iyo arlada. Haddaba hubaal Ballanka Ilaahay waa xaq. Laakiinse badankoodu ma’ogsoona

[56] Isaga baa wax nooleeya, oo sababa dhimasho, oo Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa

[57] Dadoow! Waxaa idiinka yimid run ahaan waano wanaagsan xagga Rabbigiin iyo reysasho lagaga bogsado waxa ku jira laabaha (oo cudurro ah) iyo hanuuun iyo naxariis ay leeyihiin mu’miniinta

[58] Dheh: Fadliga Ilaahay iyo Naxariistiisa _ taas ha ku farxaan, isaga baa uga khayr badan waxa ay isu keenaan

[59] Dheh: Bal ii sheega waxa Allaah idiin soo dejiyey oo rizaq ah oo aad ka yeeshaan qaar ka mid ah xaaraan (qaarna) xalaal. Dheh: Ma Allaah baa idin amray, mise Allaah ayaad ka been sheegaysaan

[60] Oo maxay filan doonaan kuwa ka been sheega Allaah Maalinta Qiyaamaha? hubaal Allaah waa Kan fadli ku leh dadka, dadkuse badankiisu ma mahad naqaan

[61] Oo ma jirto wax aad ku sugan tahay oo arrin ah, iyo qayb kasta aad ka akhridaan Qur’aanka, _ iyo camal kasta oo aad fashaan, bal waan idin la joognaa marka aad dhex galeysaan. Oo kagama Qarsoona Rabbigaa (haba ahaadaane) wax saxar le’eg dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa, ama wax ka yar ama wax ka weyn bal waxay ku qoran yihiin Kitaab Cad

[62] Ogaada awliyada Ilaahay ma ahaan doonto cabsi korkooda oo ma murugoon doonaan

[63] (Waa) kuwa (xaqa) rumeysan ee iska ilaasha (xumaha)

[64] Waxay ku mudan doonaan bishaaro16 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmadaha Ilaahay. Oo taasi weeye Liibaanta Weyn

[65] Oo yuusan ku murugo gelin hadalkoodu, hubaal Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

[66] Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah, kuwa barya cid kale Allaah sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegaan

[67] Waa Isaga Kan idiinka dhigay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana iftiin aad wax ku aragtaan. hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin dad wax maqla

[68] Waxay yidhaahdaan: Allaah wuxuu leeyahay wiil17, ka nazahan, Xurmo oo dhan Isagaa leh. waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Allaah wax aydaan ogeyn

[69] Dheh: Hubaal kuwa Allaah ka been sheega ma liibaani doonaan

[70] Waa uun sahay (yar) adduunkan gudahi, markaas Xaggayaga buu ahaan doonaa meel noqodkoodu, markaas baan dhadhansiin doonnaa cadaab daran, gaalnimadooda darteed

[71] Oo u Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Dadkaygiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Ilaahay ay idinku cuslaatay - haddaba Allaah baan tala saartay- ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi18, markaas igu fuliya xukunkiinna oo ha i siininnaba wax nafis ah

[72] Haddiise aad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Allaah Keliya, oo waxaa la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta

[73] Wayse beeniyeen, markaas baan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, oo Waxaan ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu qarqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee bal fiiri sida uu ahaa aayaha kuwii loo digay

[74] Markaas baan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, markaas bay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen19. Sidaas baan u yeelnaa shaabbad daahda quluubta xadgudbayaasha

[75] Markaas baan soo dirnay iyaga kaddib Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo mudanayaashii iyagoo u sida Aayadahayaga, wayse is kibriyeen oo waxay ahaayeen dad dambiilayaal ah

[76] Marka uu uga yimid Xaqu Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir iska cad

[77] Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Oo sixiroolaayaashu ma liibaanaan

[78] Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso waxa aan ka hellay aabbayaashayo,_ iyo (inaad) ku sarreynta arlada markaas aad idinku yeelataan labadiinna? Oo innagu ma nihin kuwo idin rumeysanaya

[79] Oo Fiircoon wuxuu yidhi: Ii keena saaxir kasta oo xeel dheer

[80] Oo markay sixiroolayaashii yimaadeen, Muuse wuxuu ku yidhi: Tuurta waxa aad dooneysaan inaad tuurataan

[81] Markaasay markay tuureen Muuse wuxuu ku yidhi: Waxa aad la timaaddeen waa sixir, hubaal Allaah baa burin doonaa. Hubaal Allaah ma hagaajiyo camalka Mufsidiinta

[82] Oo Allaah wuxuu ku sugi doonaa Xaqa Kelmedihiisa, haba nacaane taa dambiilayaashu

[83] Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan; oo hubaal Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, oo hubaal wuxuu ka mid ahaa xadgudbayaasha

[84] Oo wuxuu Muuse yidhi: Dadkaygiyow! Haddii aad rumeysan tihiin Allaah Isaga isku halleeya, haddii aad tihiin Muslimiin

[85] Markaasay waxay yidhaahdeen: Allaah baan isku halleynaa. Rabbiyow! Ha nagu salladin dadkaa gar ma qaatayaasha ah

[86] Oo nooga badbaadi Naxariistaada dadka gaalada ah

[87] Oo waxaan u waxyoonnay Muuse iyo walaalki, (Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna20 guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna meelo aad ku cibaadeysataan, oo ooga salaadda oo u bishaaree mu’miniinta

[88] Oo Muuse wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaad adigu ku siisey Fircoon iyo xildhibaannadi qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbiyow! Si ay (dadka) uga lumiyaan Jidkaaga. Rabbiyow! Baabbi'i maalkooda, oo adkee quluubtooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan Cadaabta Xanuunka Badan

[89] Wuxuu yidhi: Baryada labadiinna run ahaan waa la idinka aqbalay21. Ee idinku haya jidka toosan oo ha raacina jidka kuwa aan wax ogeyn

[90] Oo waxaan ka yeelnay Ilmahii Israa’iil inay ka gudbaan badda, markaas baa waxaa ka daba tagay Fircoon iyo ciidamadiisa qooq iyo cadaawad darteed; markaasuu markuu qaraqu haleelay wuxuu yidhi: Waxaan rumeysanahay inuusan jirin ilaah aan aheyn Kan ay rumeysan yihiin Ilamahii Israa’iil, oo anigu waxaan ka mid ahay Muslimiinta

[91] Ma imminka! adigoo hore u caasiyey, oo ka mid ahayd Mufsidiinta

[92] Waxaaanse maantadan kula badbaaadineynaa jirkaaga 22si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Oo hubaal intooda badan dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin

[93] Oo waxaan xaqiiq dejinnay Ilmahii Israa’iil degaan khayr oo waxaan ku irsaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu climigu u yimid; hubaal Rabbigaa wuxuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafeen

[94] Haddiise aad ka shakisan tahay waxa aan kuu soo waxyoonnay23, weydii kuwa akhriya Kitaabka adiga hortaa. Waxaa xaqiiq kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka

[95] Oo ha ka mid noqon kuwa beeniya Aayadaha Ilaahay, waayo markaas waxaad ka mid ahaaneysaa kuwa ku sugan khasaaraha dhabta ah

[96] Hubaal kuwa ay ku rumowday Kelmadda Rabbigaa, ma rumayn doonaan

[97] Xataa haddii ay calaamo kasta u timaaddo jeer ay arkaan Cadaabta Xanuunka Badan

[98] Oo maxay haddaba u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn dadkii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaab dulleysa oo ku gaadha nolosha adduunkan, oo waxaan u raaxaynay tan iyo muddo

[99] Oo hadduu doono Rabbigaa, hubaal way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad haddaba adigu khasbaysaa dadka jeer ay noqdaan mu’miniin

[100] Oo uma aha nafna inay rumeyso Idanka Ilaahay la'aantii, oo Wuxuu yeelaa qurunka24 kuwaa dushooda aan caqligooda wax ku taransan

[101] Dheh: Fiiriya waxa jira cirarka iyo dhulka; maxayse wax u tarayaan calaamdaha iyo digniinuhu dad aan rumeysaneyn

[102] Ma waxay sugaan (wax kale) aan aheyn (baabbi’ii) sida maalmihii dadkii tegey hortood? Dheh: Suga haddaba, hubaal aniguna (sidoo kale) la jirkiin waxaan ka mid ahay inta wax sugaye

[103] Markaas baan badbaadinnaa Rusushayada iyo kuwa rumeysan. Sidaas bayna xaq noogu tahay inaan badbaadinno mu’miniinta

[104] Dheh: Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan xagga diintayada, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwaa aad caabuddaan Allaah sokadi25. Laakiinse waxaan caabudaa Allaah ee idin oofsada, oo waxaa la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta

[105] Iyo inaad u jeediso wajigaaga xagga diinta adigoo toosan, oo ha ka mid noqonin mushrikiinta

[106] Oo ha baryin Allaah la jirki waxaan wax ku tari karin, waxna aan ku yeeli karin, waayo haddaad sidaa yeesho, haddaba hubaal waxaad ka mid noqoneysaa gar ma qaatayaasha

[107] Oo haddii Allaah ku taabsiiyo waxyeello, ma jirto cid kaa feydi kartaa oo aan Isaga ahayn; oo hadduu kula doono khayr ma jirto cid celin karta Fadlgiisa uu siiyo midkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa, oo waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

[108] Dheh: Dadow! Waxaa xaqiiq idiinka yimid Xaq xagga Rabbigiin. Ee qofkii hanuunaa, waxay dan u tahay oo u hanuunaa uun naftiisa, oo qofkii lumaa, waxay u daran tahay oo u lumaa uun naftiisa, oo aniga layma saarin inaan idinka noqdo wakiil

[109] Oo raac waxa laguu waxyoodo, oo samir u yeela inta uu Allaah uu ka xukumo. Oo Isaga ayaa u wanaagsan inta grsoorta

Huud

Surah 11

[1] Alif Laam Raa1. (Kani waa) Kitaab, Aayadihiisa la sugay, misna laga soo caddeeyey2, Xagga Xakiimka, Xog Ogaalka ah

[2] Inaydaan caabudin axad aan ahayn Allaah; huubaal anigu waxaan idiin ahay dige ka socda Xaggiisa iyo bishaareeye sida warsan aad ku faraxdaan

[3] Iyo inaad idinku weydiisataan dambi dhaaf Rabbigiin, oo u soo laabataan, wuxuu idin siin sahay aad u wanaagsan oo ku eg muddo la gooyey, oo ku galladeysan Fadligiisa mid kasta oo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad jeesataan, markaa hubaal waxaan anigu idiinka cab- san cadaab Maalin aad u murugo Weyn

[4] Waa xagga Allaah meel noqodkiinna, oo Isagu waa Kan wax walba Kara

[5] Haddaba hubaal waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan3 (cadaawadooda) Xaggiisa. Haddaba hubaal marka ay isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba. Hubaal, wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

[6] Oo ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Allaah irsaaqaddiisu saarnayn. Oo Wuxuu Ogsoon yahay4 rugtiisa degaanka u ah iyo halka uu ku kaydsan yahay. (Waxaasoo) dhammi waxay ku yaalliin Kitaab Caddaan ah

[7] Oo waa Isaga Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, oo Wuxuu ahaa Carshigiisu biyo korkood5, si uu idiin imtixaamo xagga midkiinna idiinku camal wanaagsan. Haddiise aad tidhaahdo:hubaal waa la idin soo bixin doo- naa dhimasho kaddib. Waxay hubaal kuwa rumeysan waaya odhan doonaan: kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah

[8] Oo haddaan dib uga dhigno cadaabta ilaa muddo tirsan, waxay hubaal odhan doonaan: Maxaa haysta oo celinaya? Haddaba hubaal maalinta ay u iman doonto (cadaabtu), ma aha wax laga weecin doono, oo waxaa ku dhici doona waxay ku jees jeesayeen

[9] Oo haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, hubaal wuxuu noqdaa mid quusta, dafiraad badan

[10] Oo haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib waxyeello soo gaaray, wuxuu hubaal odhan doonaa: Waxyeellooyinkii way iga tageen, hubaal wuxuu noqdaa mid farxa faan badan

[11] Marka laga reebo kuwa samir yeesha oo samaha fala, kuwaas waxay mudan dambi dhaaf iyo abaalgud aad u weyn

[12] Ee waa intaasoo aad ka tagi doonto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo6, oo ay ku cidhiidhi noqon doonto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Oo Allaah baa wax walba taladoodah haya

[13] Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay. Dheh: Haddaba Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Allaah ka sokow, haddii aad tihiin run sheegayaal

[14] Haddiise aysan idin ajiibin, haddaba ogaada in lagu soo waxyooday (Qur’aanka) Cilmiga Ilaahay7 iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Ee haddaba idinku ma(u)hoggaansameysaan Muslimiin ahaan

[15] Mid kastoo raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin doonaa si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimi doonin

[16] Kuwan weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; oo waxaa buri doona waxa ay ku faleen dunida oo camallo san ah, oo waxba kama jiraan waxa ay falaan

[17] Ee haddaba ma qof Xujo Cad ka heysta Rabbigi, oo markhaati xaggiisa8 ah uu akhriyo (baa la mid ah mid adduunyo uun dooni); hortina isaga waxaa ahaa Kitaabkii Muuse ee ahaa Hanuun iyo Naxariis? Kuwan baa rumeysan waxa ku soo arooray, Qofkiise rumeysan waaya oo ka mid ah axzaabta (kala duwan), waa Naarta madashiisu: Ee shaki yuu kaa galin. hubaal waa xaq ka yimid Rabbigaa, laakiinse intooda badan dadku ma rumeysna

[18] Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah. Kuwan waxaa la hor keeni doonaa Rabbigood, oo markhaatiyadu9 waxay odhan doonaan: Kuwan weeye kuwii ka been sheegay Rabbigood. Haddaba hubaal Lacnadda Ilaahay baa dushooda ah gar ma qaatayaasha

[19] Kuwa ka jeedsada Jidka Ilaahay oo doona inay ka dhigaan mid qalloocan, oo waa kuwo aan rumeysneyn Aakhirada

[20] Kuwani ma ku baxsan doonaan arlada, oo uma sugnanan doonaan wax gargaarayaal ah Allaah sokadi. Waxaa loo labalaabi doonaa Cadaabta. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan

[21] Kuwan weeye kuwa ay khasaaraha ku dhici doonto nafahaooda, oo waxay waayi dooneen waxay been abuurteen

[22] Hubaal Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan

[23] Hubaal,kuwa rumaysan oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood, _waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari doona

[24] Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan haddaba xusuusaneyn

[25] Oo xaqiiq Waxaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): hubaal waxaan anigu idiin ahay dige iska cad

[26] In aydaan caabudin waxaan ahayn Allaah, hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa cadaab Maalin aad u xanuun badan

[27] Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa rumeysan waayey (Xaqa) ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah aan waadheyn, oo ma aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay) ka fiirsi la’aan. Oo idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, mayee, waxaan idiin aragnaa beenalayaal

[28] Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega, haddii aan ka haysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, la idinkase indha tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan) idinkoo naceyb u qaba

[29] Oo tolkayow! Idinku weydiisan maayo inaad igu siisaan maal, abaalgudkeyga waxaa ii haya oo keliya Allaah. Oo anigu ma ahi mid debedda u saaraya kuwa (Xaqa) rumeysan. Hubaal waxay la kulmi doonaan Rabbigood, laakiinse Waxaan arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah

[30] Oo tolkayow! Yaa iiga gargaari doona Allaah, haddi aan iyaga debedda u saaro? Ee miyeydaan haddaba waansameyn

[31] Oo idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Ilaahay, oo ma ogi waxa aan muuqan ee qarsoon; oo ma odhanayo waxaan ahay Malag, oo kama odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu (inuusan) Allaah marnaba siin doonin wax khayr ah. Allaah baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddii kale hubaal waxaan anigu ka mid noqon gar ma qaatayaasha

[32] Waxay yidhaahdeen: Nuuxow! Dhab ahaan Waad nala doodday oo aad dheerseysay la doodistayada, ee haddaba noo keen waxa aad noogu gooddiso, haddii aad ka mid tahay runlowyada

[33] Wuxuu yidhi: Waxaa uun idiin keeni Allaah, haddii uu doono, oo ma baxsan doontaan

[34] Oo waxna idiinma tari doonto waanadeyda, haddii aan doono inaan idin waaniyo, haddii uu Allaah rabo inuu idin lumiyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa

[35] Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Dheh: Haddii aan been abuurtay, aniga buu i saaran yahay dambigayga, oo anigu waan ka eed tirnahay waxaas aad ku dambaabtaan

[36] Oo waxaa loo waxyooday Nuux inaysan cidna ka mid ah dadkaaga rumeyn doonin wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxa ay falaan

[37] Oo ku samee Doonida Indhahayaga hortooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, oo ha igala hadlin arrinka kuwaa ah gar ma qaatayaasha; hubaal waa la qarqin doonaa

[38] Oo wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonida, oo mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku qoslaan digasho ahaan. Wuxuu yidhi: Haddii aad nagu qososhaan, hubaal innaguna sidoo kale waa idinku qosolnaa sida aad noogu qososhaanba

[39] Ee waad ogaan doontaan waa kee kan ay ku dhici doonto cadaab dulleysa oo ay ku degi doonto cadaab ma guuraan ah

[40] Jeer markuu Amarkayaga yimid 10 oo biyo ka soo burqadeen tanuurka,Waxaanu nidhi: Ku qaad labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu qowlka horey ugu maray, iyo kuwa rumeysan. Oo ma ay la rumeyn (Xaqa) wax yar ma’ahee

[41] Oo wuxuu yidhi: Ku fuula Magaca Ilaahay, ay ku soconeyso kuna joogsaneyso. Hubaal, Rabbigay xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[42] Oo way la socotay hirar dhexood buuro oo kale ah, oo wuxuu Nuux u dhawaaqay wiilkiisii11, oo wuxuu joogay meel ka baxsan: Wiilkaygow! Nala soo fuul oo ha noqon la jirka gaalada

[43] Wuxuu yidhi: Waxaan isu dumi doonaa magan gal darteed buur iga badbaadin doonta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi karaa maanta Amarka Ilaahay cid uu u Naxariisto maahee. Oo Waxaa kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la qarqiyey

[44] Oo waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad, biyihiina waxaa laga yeelay inay guraan, amarkii (Ilaahayna) wuu hirgalay12. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi13, oo waxaa la yidhi: Ha fogaadaan qoloda gar ma qaatayaasha ah

[45] Oo wuxuu Nuux u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi: Rabbiyow! Hubaal wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, oo ballan qaadkaagu hubaal waa Xaq, oo Waxaad Adigu tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta

[46] Wuxuu yidhi: Nuuxow! Hubaal ka mid ma aha ehelkaaga; hubaal waa (mid fala) wax kaloo aan ahayn camal wanaagsan, ee ha i weydiisan wax aad u lahayn cilmi. Hubaal Waan ku waaniyaa si aad uga mid noqon jaahiliinta

[47] Wuxuu yidhi: Rabbigayow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Oo haddii aad ii dambi dhaafin oo i naxariisan, waxaan ka mid noqonayaa khasaarayaasha

[48] Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda dadkaa ka mid ah kuwa kula jira, (oo waxaa jiri doona) ummado aan u raaxeyn doonno (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab aad u xanuun badan

[49] Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno, aad ogeyn adiga iyo dadkaaguba kani ka hor. Ee samir yeelo. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha)

[50] Oo xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolow! Caabuda Allaah! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal

[51] Tolkayow! idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, abaal gudkeyga wuxuu saaran yahay oo keliya Kan i abuuray. Ee ma waydaan haddaba garowsaneyn

[52] Oo tolkayow! Weydiista dembi dhaaf Rabbigiin markaasna u laabta Isaga, Wuxuu idiin soo dirayaa daruuro shubaya roob badan oo darar ah, oo idiinku darayaa xoog xooggiinna, oo ha jeesannina idinkoo dambiilayaal ah

[53] Waxay yidhaahdeen: Huuudow! Noolama aad imaan wax Xujo Cad ah, oo kagama tagayno ilaahyadayada hadalkaaga (darti), oo mana nihin kuwo adiga ku rumaysan

[54] Ma odhan karno waxna aan ahayn in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen waxyeello (waalli). Wuxuu yidhi: Waxaan hubaal marag gashanayaa Allaah, oo idinkuna ka ahaada marag sidoo kale inaan Anigu bannaanka aan ka ahay waxa aad wax la wadaajisaan

[55] Isaga ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, oo ha i siinninaba wax nafis ah

[56] Hubaal anigu waxaan isku halleeyaa oo ku Kalsoonahay Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Hubaal, Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan

[57] Haddiise aad dhabarka jeedisaan run ahaan waxaan idin soo gaarsiiyey Risaaladii la iigu soo kiin dhiibay. Oo Wuxuu Rabbigay keeni doonaa qolo kale halkiinna, oo waxna kama dhimi kartaan. Hubaal, Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa

[58] Oo markuu Amarkayaga u yimid inuu fulaa, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, oo waxaan ka badbaadinnay Cadaab Adag

[59] Oo tani bay ahayd Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, oo raaceen amarka macangag kasta oo madax adag

[60] Oo waxaa la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Haddaba hubaal Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Haddaba hubaal ha fogaadaan Caad, qolodii Huud

[61] Oo xagga Thammud (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda 14 Allaah, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista dambi dhaaf Isaga, markaas u laabta Xaggiisa. Hubaal Rabbigay wuu dhow yahay ajiibaa (baryada)

[62] Waxay yidhaahdeen: Saalixoow! Runtii waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad (haatan) naga reebaysaa inaan caabudno waxa ay aabbayaashayo caabudayeen? Xaggase waxaa aad noogu yeedho, hubaal waxaan innagu xaqiiq ka qabnaa shaki yaab leh

[63] Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega haddii aan ka heysto Xujo Cad Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, Bal yaa haddaba iiga gargaari Allaah, Haddii aan ku caasiyo? Ee iima kordhisaan waxaan aheyn khasaaro

[64] Oo tolkayow! Tani waa Hashii Ilaahay, oo idiin ah calaamad (mucjiso), ee iska daayoo ha daaqdo arlada Ilaahay, oo ha u gaysannina wax waxyeello ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab aad u dhow

[65] Wayse dileen Hashii. Markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta guryihiinna saddex maalmood. Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn

[66] Markaasaa markuu Amarkayaga u yimid inuu fulaa, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga oo (Waxaanu ka badbaadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal, Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah

[67] Oo Qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay16 kuwii ahaa gar ma qaatayaasha, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda

[68] Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan daarahooda. Haddaba hubaal, Thamuud waxay rumeysan waayeen Rabbigood. Haddaba hubaal ha fogaadaan Thamuud

[69] Oo xaqiiq Rusushayadii waxay ula yimaadeen Ibraahiim war san oo farxad leh. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow). Wuxuu ku jawaabay, Salaam ( nabad ahaada) oo wuxuu si degdeg ah sooryo ugu keenay weyl shiilan

[70] Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda17. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, hubaal waxaa naloo soo diray reer Luud

[71] Marwadiisuna waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay18, markaas waxaan ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub

[72] Waxay tidhi: Ma waxaan wiil dhali anigoo habar duqowday ah, oo kani ninkay- gu yahay oday aad u gaboobay? Hubaal Arrinkani xaqiiq waa wax la yaab leh

[73] Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabeysaa Amarka Ilaahay? Naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadaan reer (Ibraahiimow). Hubaal, Waa Ammaanle, aad u Sharaf Badan

[74] Ee Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo war san oo farxad leh u yimid, wuxuu billaabay inoo nagala doodo arrinta qolodii Luud

[75] Hubaal Ibraahiim xaqiiq waa dulbadane, qalbi jilicsan19, u noqosho badan (Allaah)

[76] Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa runtii yimid Amarka Rabbigaa inuu fulo. Oo hubaal iyaga waa inuu u yimaado cadaab aan dib loo celin kareyn

[77] Oo markay Rusushayadii u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray20 oo wuxuu waayey xoog uu ku difaaco oo yidhi: Tani waa Maalin daran

[78] Oo tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun21. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii22, iyagaa idiinka daahirsan ee ka dhowrsada (Ciqaabka) Ilaahay oo ha igu dulleynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan

[79] Waxay yidhaahdeen: Xaqiiq waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdhahaaga, oo hubaal adigu xaqiiq waad ogsoon tahay waxa aanu rabno

[80] Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh

[81] Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Sinnaba kuuma soo gaari doonaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, hubaal wax kastoo ku dhaca iyaga, baa iyadana ku dhici doona, hubaal ballankoodu waa subaxa hore, miyuusan subaxu dhoweyn

[82] Haddaba markii uu Amarkayagii yimid, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marinnay, oo Waxaanu roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga

[83] La soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, oo ma aha wax ka fog xuma falayaasha

[84] Oo xagga Madyan (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Allaah, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, oo ha dhimina beegga iyo miisaanka, hubaal waxaan anigu idinku arkaa barwaqo; oo hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin wax koobeysa

[85] Oo tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, oo ha ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, oo ha ku bi'innina dhulka fasaadkaad faleysaan

[86] Waxa ku baaqiga ah Allaah agtiisa ayaa idiin roon haddii aad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere

[87] Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudeen aabbayaashayo, ama inaanu ku falin maalkayaga waxaan doonno? Hubaal adigu waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah

[88] Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma u fiirsateen, haddii aan ka heysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo I siiyey risiq wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo anigu ma rabo inaan idiin daba maro falidda waxa aan idinka reebo. Ma rabo waxna aan ahayn wax wanaajin intaan karo oo awooddeyda ah. Oo ma jiro axad aan ahayn Allaah oo I waafajin kara talada toosan. Isaga baan isku halleeyaa oo Xaggiisa ayaan goor waliba u soo laabtaa

[89] Oo Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan dambi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, oo qolodii Luud ma aha wax idinka fog

[90] Oo weydiista dambi dhaaf Rabbigiin markaas u soo laabta Isaga. hubaal, Rabbigay waa Naxariis Badane, Gacal ah

[91] Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxa aad leedahay ah, oo hubaal waxaaan kuu aragnaana mid daciif ah dhexdayada. Oo haddii aannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, oo ma tihid mid naga guuleysan kara

[92] Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerka aan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Allaah? Oo aad halmaamtaan sida waxa aad tuurtaan dhabarrkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan

[93] Oo tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, Anigu sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan dhaqso waa kee kan ay ku iman doonto cadaab dulleysa, oo waa kee kaasi ah beenale, oo dhugta, aniguna sidoo kale waan idinla dhugane (sugayaa natiijada)

[94] Oo markuu Amarkayagii yimid inuu fulo, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii ahaa gar ma qaatayaasha, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal daarahooda

[95] Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Haddaba hubaal ha fogaadaan Madyan sidii ay u fogaadeenba Thamuud

[96] Oo xaqiiq Waxaan ula soo dirnay Muusaa Aayadahayagii iyo Xujo Cad

[97] Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoon ma aheyn mid toosan

[98] Wuxuu hor kici doonaa tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni doonaa hoos xagga Naarta, oo xumaa halka iyaga la keenayo

[99] Oo waxaa lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda24, oo Maalinta Qiyaamaha, xumaa deeqda la siin doono

[100] Arrinkani waa xaalka (aayihii) magaalooyinka aan kaaga sheekeyno; waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay

[101] Oo ma aanu ku gardarroon, laakiinse iyaga baa waxay ku gardarroodeen nafahooda. Markaa waxna uma tarin ilaahyadoodii Allaah sokadi ay baryi jireen, markuu Amarka Rabbigaa u yimid inuu fulo, oo uma ay kordhin waxaan aheyn baabbba’a

[102] Oo waa sidaas oo kale qabashada Rabbigaa marka uu qabto magaalooyinka iyagoo gar ma qaatayaal ah, hubaal, Qaba-shadiisu waa mid xanuun badan oo daran

[103] Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamad ciddii ka cabsata Cadaabka Aakhirada, tani waa Maalin dadka la soo kulmin doono iyagoo dhan, oo tani waa Maalin goob joog la ahaan

[104] Oo uma dib dhigno waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey

[105] Maalinta ay iman doonto nafina ma hadli doonto Idankiisa la’aanti, markaasi (qaarkood) waxay ahaan doonaan kuwo fajacsan, iyo (kuwo kale) oo aad u faraxsan

[106] Ma kuwaa iyagu fajacsan waxay ku sugnaan doonaan Naarta; waxay ku mutey- san dhexdeeda cartan iyo hiinraag

[107] Iyagoo ku waari doona dhexdeeda inta ay jiraan samooyinka iyo arladu, waxa uu Rabbigaa doono maahee26. hubaal, Rabbigaa waa falaha waxa uu doono

[108] Ma kuwase laga yeelay kuwo faraxsan, waxay ku sugnaan doonaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya inta ay jiraan samooyinka iyo arlada, waxa uu Rabbigaa doono ma’ahee, deeq aan go’i doonin oo daa'in ah

[109] Ee ha ka Shaki qabin waxa ay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood mar hore, oo hubaal waxaanu dib ugu oofin doonnaa si dhan saamigooda oo waxba laga dhimeyn

[110] Oo xaqiiq Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, waase la isku khilaafay, oo haddii aysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa, arrinku hubaal wuxuu ahaan lahaa mid la gooyay dhexdooda; oo hubaal iyagu waxaaba kaga jira shaki aad u weyn

[111] Oo hubaal Rabbigaa wuxuu dhammaan ugu oofin doonaa camalladooda si dhan. Hubaal, waxay camal falaan Waa u Xog Ogaal

[112] Ee weligaa hay dhabbaha toosan sida lagu amrayba, (adiga) iyo sidoo kale kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Allaah), oo ha xadgudbina. hubaal, Waa uu arkaa Waxa aad camal fashaan

[113] Oo ha u liicina kuwa ah gardarroolayaasha, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Allaah sokadi wax ilaaliyayaal ah, markaas la idiinma gargaari doono

[114] Oo oog salaadda, labada dacal ee maalinta iyo saacadaha hore ee habeenka. hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun27, tani waxay u tahay waano kuwa waana qaata

[115] Oo samir yeelo; hubaal, Allaah ma dayaco ajarka sama falayaasha

[116] Maxaase looga dhex waayey qaaruumihii idinka horreeyay, dad leh garasho, oo ka reeba Fasahaadka dhulka dhexdiisa,_ wax yar mooyee oo ka mid ahaa kuwii aan ka badbaaddinnay dhexdooda? Oo kuwii ahaa gar ma qaatayaasha waxay daba galeen wixii loogu raaxeeyey, oo waxay ahaayeen dambiilayaal

[117] Oo kama suurowdo Rabbigaa inuu u halaago magaalooyinka gardarro iyagoo ay dadkoodu u dhaqmaan si wanaagsan

[118] Oo haddii uu doono Rabbigaa, wuxuu hubaal ka dhigi lahaa dadka ummad keliya,mase dayn doonan inay iskhilaafaan

[119] Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, oo arrinkani (towxiidka) awgi buu U abuuray iyaga. Oo Kelmedda Rabbigaa waa mid la oofiyo: Hubaal, Waxaan ka wada buuxin doonaa Naar jinka iyo dadka iyagoo dhammi (kuwooda i caasiya)

[120] Oo dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Oo waxaa kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq, iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta

[121] Oo ku dheh kuwa aan rumaysnayn: U camal fasha sidiinnaas ee dowga idinla ah, hubaal innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa

[122] oo suga, innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa

[123] Oo Allaah baa iska leh waxa aan Muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, oo Xaggiisa baa loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isaga oo Keliya oo isku hallee. Oo Rabbigaa ma aha mid moog waxa aad fashaan

Yuusuf

Surah 12

[1] Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayaadka Kitaabka ka yeela arrimaha (caddaan) iska muuqda

[2] Hubaal Annaga baa soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan

[3] Annaga ayaa kaaga sheekeeneyna sheekooyinka tan u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo kan ka hor, aad aheyd hubaal mid ka mid ah kuwa aan waxba ogeyn

[4] Waa tii uu Yuusuf ku yidhi aabbihii: Aabbow! Hubaal waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan

[5] Wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Ha uga sheekeyn riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow iska cad

[6] Oo sidaas buu kuu dooran doonaa Rabbigaa oo uu ku bari doonaa fasirka riyooyinka oo uu kuu dhammeystiri doonaa Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquub, sidii uu ugu dhammeystirayba horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Oge, Xakiim ah

[7] Run ahaan Yuusuf iyo walaalihii, waxaa ugu sugan calaamooyin warsadayaasha

[8] Waa tii ay yidhaahdeen: Xaqiiq Yuusuf iyo walaalki3 baa ku weyn uuna naga jecel yahay aabbaheen, innagoo ah kulan ka xoog badan. hubaal aabbaheen xaqiiq wuxuu ku sugan yahay baadi caddaan ah

[9] Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga Aabbahiin, oo taasi ka dambow aad noqotaan dad wanaagsan

[10] Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, haddii ay tahay inaad fashaan, si ay qaar ka mid ah socotoda safar dheer ku jirta u soo qaataan

[11] Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaa kuugu wacan oo aad noogu aamini weydey Yusuuf? Oo hubaal waxaanu innagu u nahay run ahaan daacad wanaag la doona

[12] Nala dir isaga berri si uu u soo miro mireysto oo dheelo, oo hubaal innagu xaqiiq waan ilaalin doonnaa

[13] Wuxuu yidhi: Hubaal Waa i murugo gelisaa inaad la tagtaan. Oo waxaan ka cabsi qabaa inay yey cunto idinkoo mooggan

[14] Waxay yidhaahdeen: Hubaal haddii ay yey cunto innagoo waliba ah kulan (xoog leh), markaa hubaal, waa inaanu ahaanno xaqiiq khasaaro qabayaal

[15] Markii ay la tageen oo ay ku heeshii-yeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Oo Waxaan u waxyoonnay: Waxaad hubaal(maalin uun) u sheegi doon- taa arrinkani iyagoo aan dareensaneyn

[16] Oo waxay u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya

[17] Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Hubaal Waanu baxnay innagoo tartamayna, oo kaga tagnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaas bay yey cuntay oo adigu nama ru- maysan doontid walow aan run sheegayno

[18] Oo waxay keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah4. Wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiinka yeeshay arrinkan wax sahlan oo yar. Sabarkaase wanaagsan. Oo Allaah waa Kan laga kaalmeysto waxa aad tilmaameysaan

[19] Oo halkaa waxaa yimid socoto, oo waxay direen biyo dhaamiyahoodii, oo wuxuu hoos ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: Waa war san oo farxad leh! kani waa kuray yar; oo way qarsadeen badeeco ahaan Oo Allaah waa u Ogaa waxa ay faleen

[20] Oo waxay siisteen qiimo yar,_ dhowr qadaadiic oo fiddo ah, oo waxay muujiyeen inaysan rabitaan u heyn isaga

[21] Oo kii reer Masar ahaa5 ee gatay isaga wuxuu ku yidhi marwadiisii: Sii hoy sharaf leh, waa intaasoo uu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Oo sidaas baan ugu awood siinnay Yuusuf arlada, iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka. Oo Allaah waa ku guuleystaa arrinkiisa, laakiinse dadku badankiisu ma oga

[22] Oo marka uu tabar galay oo gaaray xoogsigiisa, waxaan siinnay Xikmad iyo aqoon, oo sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha

[23] Oo tii uu gurigeedii joogay baa doontay inay u soo jiiddo xumaan, oo waxay aad u xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: Allaah baan magan galay. Hubaal Rabbigay wuxuu wanaajiyey hoygeyga. hubaal geflowyada ma guuleystaan

[24] Oo runtii way isu diyaarisay oo goosatay (inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa6, haddii uusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta iyo falxumada. Hubaal wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga daacadda ah

[25] Oo waxay labaduba u degdegeen albaabka, oo waxay ka jeexday shaarkiisa xagga dambe, oo waxay kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama la marsiiyo cadaab xanuun badan

[26] Wuxuu yidhi: Iyada baa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, oo isagu wuxuu ka mid yahay beenalayaasha

[27] Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, oo isagu wuxuu ka mid yahay runlowyada

[28] Markaasuu markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: Hubaal, waa tabtiinna idinka haweenka ah, hubaal tabtiinnu waa ay weyn tahay

[29] Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan7 oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis danbigaaga. Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa gafaye

[30] Oo haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, hubaal wuxuu ku saameeyey si qoto dheer jaceylkiisa, hubaal waxaan xaqiiq u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda

[31] Haddaba markay maqashay hadalkooda xanta ah bay u cid dirtay oo u diyaarisay marti qaad wanaagsan; oo siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen aad u weyneysteen, oo iska gooyeen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan). oo yidhaahdeen; Allaah baa ka hufan (nuqsaan)8 Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh

[32] Waxay tidhi: Kani waa kii aad igu eedayseen, oo xaqiiq aniga baa doonay inaan soo jiito, wuuse is dhowray, oo haddii uusan falin waxa aan amrayo, waxaa hubaal la dhigi doonaa xabsiga, oo wuxuu hubaal ka mid noqon doonaa kuwa la liido

[33] Wuxuu yidhi: Rabbiyow! xabbiska baan ka jeclahay waxa ay iigu yeeraan. Oo haddii aadan Adigu iga weecin tabtooda, waan u janjeersan doonaa oo ka mid noqon doonaa jaahiliinta

[34] Markaas buu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey khiyaanadooda, hubaal waa Isaga Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoon

[35] Markaas baa waxaa u muuqday kaddib markay arkeen9 caddeymaha inay xidhaan ilaa muddo

[36] Oo waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro. Oo kii kale wuxuu yidhi: Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cuneen. Noo sheeg fasirkeeda. Hubaal waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha

[37] Wuxuu yidhi: Ma jirto halkaa cunto idiinku imaan doonta oo la idinku irsaaqo, oo aanan idiin sheegi doonin labadiinna fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Hubaal waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Allaah oo iyagu ah kuwa beeniya Aakhirada

[38] Oo waxaan raacaa diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan waxna u shariig yeelno Allaah waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Ilaahay noo galay innaga iyo dadkaba, laakiinse dadka badankiisu ma mahad naqaan

[39] Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka , Awoodda sare leh

[40] Ma aad caabuddaan Sokadi waxaan aheyn magacyo aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah11. Xukunka ma leh waxaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, laakiinse dadka badankiisu ma oga

[41] Labadayda Saaxiib ee xabsigow12! Ma midkiin, wuxuu u shubi doonaa mudanahiisa khamri uu cabbo, ma midka kalese, waa la deldeli doonaa, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni doonaan madaxiisa. Arrinka waa loo xukumay la xidhiidha waxa aad iga wareysateen

[42] Oo wuxuu ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: Igu xus rabbigaa agtiisa; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso rabbigiis, markaas buu ku sii jiray xabsiga dhowr sannadood

[43] Oo Boqorkii wuxuu yidhi: Hubaal waxaan arkaa toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cuneen, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddii aad fasiri kartaan riyooyinka

[44] Waxay yidhaahdeen: Waa riyooyin qarow isku qasan ah, oo innagu ma naqaanno fasirka riyooyinka

[45] Oo mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii isagu badbaaday oo xusuustay muddo dheer kaddib baa yidhi: Aniga baa idiin sheegi doona fasarkiisa ee i dira

[46] Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cuneen, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan

[47] Wuxuu yidhi: Waxaad wax beeran doontaan toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah kaad cuni doontaan

[48] Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni doontaan waxa aad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah wixii aad dhowrateen

[49] Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib sano ay dadku heli doonaan roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo)

[50] Oo boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena isaga. Markaasuu markuu farriin sidihii u yimid, wuxuu yidhi: U noqo rabbigaa oo weydii isaga waa maxay xaalka haweenkii iska gooyey gacmahooda? Hubaal, Rabbigay waa ogsoon yahay khiyaanadooda

[51] Wuxuu yidhi: Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf? Waxay yidhaahdeen: Allaah baa ka hufan (nuqsaan)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa13. Oo marwadii wasiirka waxay tidhi: Hataan xaqu waa cad yahay, aniga baa doonay inaan u soo jiido xumaan, oo hubaal isagu wuxuu xaqiiq ka mid yahay run sheegayaasha

[52] Sidani waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Allaah toosinin tabta khaa’iniinta

[53] Oo ma eed tirayo nafteyda14, hubaal naftu xaqiiq waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. hubaal Rabbigay waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[54] Oo boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena isaga, waxaan u dooran doonaa nafteyda. Markaasuu markuu la hadlay, wuxuu yidhi: hubaal waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino

[55] Wuxuu yidhi: Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada. Hubaal waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh

[56] Sidaas baan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada, wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meesha uu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada cidda aan doonno, oo ma dayacno abaalka sama falayaasha

[57] Oo xaqiiq abaalka Aakhirada baa aad ugu sii khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee ka dhowrsasda (xumaha)

[58] Oo Yuusuf walaalihiis baa yimid15, oo u soo galeen isaga, markaasuu aqoonsaday iyagoon garanayn

[59] Oo markuu qalabeeyey oo siiyey sahaydoodii, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa

[60] Haddiise aydaan ii keenin, ma lahaan doontaan beeg (galley ah) xaggeyga, mana ii soo dhowaan doontaan

[61] Waxay yidhaahdeen: Waxaan ku dadaaleynaa inaan ka yeelno aabbihi inuu oggolaado, oo waa hubnaa inaan faleyno

[62] Oo wuxuu ku yidhi shaqaalahiisii: U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda17, si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda, si ay u soo laabtaan

[63] Markaasay markay u laabteen aabbahood, waxay yidhaahdeen: aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib). Ee nagu dar walaalkayo18, waxaan soo heli doonnaa beeg dhan, hubaal innagu xaqiiq waanu ilaalin

[64] Wuxuu yidhi: Ma idinku aamini karaayo waxaan ahayn sidii aan idiinku aaminay walaalki awal hore. Allaah baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata

[65] Oo markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay19. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabi karnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keenni doonnaa galley (hor leh) reerkayaga oo waan ilaalin doonnaa walaalkayo oo soo kororsan doonnaa rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan

[66] Wuxuu yidhi: Idinkuma dari doono sinnaba jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Ilaahay, inaad hubaal dib xaqiiq iigu keeni doontaan, iyadoo la idin hareereeyo si dhan maahee, oo markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Allaah baa waxa aanu leennahay u tala saarannay oo la isku halleeyaa

[67] Oo wuxuu yidhi: Wiilashaydow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Allaah. Xukunka waxaa iska leh Allaah Keliya. Isaga baan isku halleeyaa ee dhammaan kuwa wax isku halleeya, Allaah ha isku halleeyaan

[68] Oo marka ay uga galeen sidii uu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Ilaahay, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Oo hubaal wuxuu lahaa cilmi, ee waxa aanu barnay ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga

[69] Oo markay u galeen Yuusuf, wuxuu la soo galay qol walaalki oo ku yidhi: Waxaan anigu ahay walaalkaa, ee ha ka murugoon waxa ay falayeen

[70] Oo markuu qalabeeyey oo siiyey raashinkoodii, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey boorsadii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad hubaal tihiin xaqiiq tuugo

[71] Intay ku soo jeesadeen, bay waxay yidhaahdeen waa maxay waxaa aad weydeen

[72] Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii21 wax lagu beegayey ee boqorka, kii isagu keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); oo Aniga baa ka damiin ah

[73] Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! Waad og tihiin run ahaan inaannu innagu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, oo ma ahin tuugo

[74] Waxay yidhaahdeen: Waa maxay haddaba jazaha arrinkani22, haddii aad tihiin beenlowyo

[75] Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani23 waa in kii boorsadiisa laga dhex helo, loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaas baan ku jaazaynaa dambiilayaasha

[76] Markaasuu wuxuu ka billaabay weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaas baan wax ugu qorshaynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Allaah doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin cidda aan doonno, oo waxaa ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah)

[77] Waxay yidhaahdeen: Haddii uu xado, mid la walaal ah baa sameeyey runtii xatooyo waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay24, oo uma uu muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa galay shar kan ka daran, oo Allaah baa dhab u ogsoon waxa aad sheegtaan

[78] Waxay yidhaahdeen: Mudanayahow25! Wuxuu leeyahay aabbe, oday aad u weyn, ee midkayo u qaado meeshiisa. Hubaal waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha

[79] Wuxuu yiri: Allaah baan ka magan galay, inaan qaadanno qof aan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (haddii aan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay kuwo aan caadil ahayn

[80] Markaasay markay ka quusteen isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in Aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Ilaahay, iyo sida aad horeyba uga gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu sinnaba kama tegi doona arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Allaah xukumo arrinkayga26, oo Isaga baa u wanaagsan inta wax Xukunta

[81] U laabta Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Hubaal wiilkaagii wax buu xaday, oo ma marag fureyno waxaan aheyn waxa aan ogaannay oo kuma dhowri kareyn ogaal waxa qarsoon ee aan muuqan

[82] Oo ka wareyso (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo hubaal xaqiiqdii run baan sheegeynaa

[83] Wuxuu (Yacquub) yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin fududeysay arrin. Ee samir fiican (baa ila gudboon). Waa intaasoo Allaah (dib) iigu keeni doono iyagoo dhan. Oo Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Falka sanoo Xakiimka ah

[84] Oo wuu ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Oo indhahiisu waxay la caddaadeen murugo darteed28 oo ahaa mid aad u tiiraanyeysan

[85] Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! ma dayn doontid weligaa hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad ka mid ahaato kuwa halaagsama

[86] Wuxuu yidhi: Waxaan oo keliya u sheeganayaa murugadayda iyo walbahaarkeyga Allaah, oo waxaan ka ogahay xagga Allaah29 wax aydaan ogayn

[87] Wiilashaydow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, oo ha ka quusannina Naxariista Ilaahay. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Ilaahay aan aheyn qoloda aan rumeysnayn

[88] Markaasay markay u soo galeen, waxay yidhaahdeen: Mudanayahow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, oo waxaanu la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo noo axsaan fal. Hubaal, Allaah baa u abaal guda axsaan falayaasha

[89] Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidii aad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin

[90] Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad adigu tahay dhab ahaan Yuusuf? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, oo kani waa walaalkay. Allaah baa runtii noo nicmeeyey. hubaal, kii isagu iska dhowra (xume), oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), waayo hubaal Allaah ma dayaco abaalka sama falayaasha

[91] Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! Haddaba waxaa runtii naga kaa doortay Allaah, oo waxaanu innagu hubaal aheyn kuwo gefsan

[92] Wuxuu yidhi: Ma ahaan doonto korkiinna canaan maanta, Allaah ha idiin dembi dhaafo, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata

[93] Qaata shaarkaygaan, oo ku tuura wajiga aabbahay, waxaa u soo noqon doona aragga, oo ii i imaada idinkoo ay idin wehliyaan ehelediinna oo dhan

[94] Oo markii safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Hubaal waxaan anigu helayaa caraftii Yuusuf, haddii aydaan igu dhaliileyn inaan isku darsamay

[95] Waxay yidhaahdeen: Wallaaahi! Waxaad Hubaal ku sugan tahay gefkaagii hore

[96] Markaasuu markuu yimid war san sidihii, wuxuu uga tuuray (shaarkii) 31 wajigiisa, markaasuu u soo noqday araggii; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu hubaal ka ogahay xagga Allaah wax aydaan idinku ogayn

[97] Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo dambi dhaaf dalab, hubaal waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan

[98] Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin doonaa Rabbigay dambi dhaaf, hubaal, waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

[99] Markaasay markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu soo kaxeeyey waalidki si ay ula degaan oo yidhi: Ku soo gala Masar, haddii Allaah idmo, nabdoonaan

[100] Oo wuxuu kor ugu qaaday labadiisa waalid Carshiga oo waxay hortiisa kula dhaceen sujuud (salaan ahaan32), oo wuxuu yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu xaqiiq ka yeelay xaq (run ah). Oo runtii waa i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, oo idinka keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Falka sanoo Xakiimka ah

[101] Rabbiyow! Run ahaan Waxaad i siisay wax ka mid ah boqortooyada, oo i bartay fasirka xadiisyada; Kan (Keliya) ee Abuurayow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan gudahi iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, oo i haleeshii kuwa wanaagsan

[102] Kani waa wax ka mid ah wararka la xiriira waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno. Oo ma aadan aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii,iyagoo abaabulayey shirqoollo

[103] Oo dadka badankiisu ma rumeyn doonaan si kastoo aad ugu dadaasho

[104] Oo kuma weydiisatid iyaga wax abaalgud ah arrinkani darti; wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka

[105] Oo badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan ee haddana ay ka jeedsadaan

[106] Oo badankoodu ma rumeysna Allaah iyagoo wax la wadaajinaya maahee

[107] Haddaba ma waxay ka yihiin aamin inay u timaaddo Cadaab daran oo xagga Ilaahay ah, mise inay ugu timaaddo Saacaddu kedis iyagoo aan dareensaneyn

[108] Dheh: Kani waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Allaah, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Oo Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo Nazahan Allaah, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta

[109] Oo ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay33. Ma waysan haddaba soconin dhulka oo fiirinin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Oo xaqiiq Daarta Aakhiro baa u khayr roon kuwa ka dhowrsada (xumaha). Ee ma waydaan haddaba garowsaneyn

[110] Jeer markay Rusushu quustaan oo yaqiinsadaan in dhab ahaan la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa cidda aan doonno, oo lagama celiyo Ciqaabtayada qoloda Dambiilayaasha ah

[111] Waxaa xaqiiq ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha xadiis la been abuuran karo, laakiinse waa xaqiijin wixii ka horreeyey, iyo caddeynta wax kasta iyo hanuun iyo naxariis qolodii rumaysan

Ar-Racd

Surah 13

[1] Alif Laam Miim Raa1 Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo kaa lagaaga soo waxyoodo xagga Rabbigaa waa Xaq, laakiinse dadka badankiisu ma rumeysna

[2] Allaah waa Kan kor u qaaday samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas dul ahaaday Carshiga oo Wuxuu (idiin) layliyey qorraxda iyo dayaxa; mid walbaa ku socdo (marriinkiisa) ilaa waqti go’an, Wuxuu isku dubbiradaa arrimaha, isagoo ka yeelaya caddaan calaamdaha si aad u yaqiinsataan la kulanka Rabbigiin

[3] Oo Waa Isaga Kan fidiyey arlada oo dhigay dhexdiisa buuro sugan iyo wabiyo, oo miro kasta ka dhigay dhexdiisa labo nooc, wuxuu ku daboolaa habeenka maaalinta. hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan xaqiiq calaamooyin qolo fekerta

[4] Oo waxaa dhulka ku yaal goobo isbar bar ah iyo beero canab ah iyo galley iyo geedo timir hal jirid leh urursan iyo kuwo (kale) oo leh jirrdiyo kala tagsan2, waxaa laga waraabshaa biyo isku mid ah, oo waxaan kaga sare marinnaa qaarkoodba qaar kale cunidda. hubaal waxaa arrinkani ugu sugan xaqiiq calaamooyin qolo wax fahanta

[5] Oo haddii aad adigu la cajabeyso3, waxaa haddaba cajab ah weedhooda: m Ma markaan carro noqonno, ma waxaan markaa xaqiiq ahaan doonaa abuur cusub? Kuwan weeye kuwa aan rumeysneyn Rabbigood, oo kuwan waxaa ah silsilado luqmahooda korkood4, oo waa iyaga ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari doona

[6] Oo waxay ku weydiistaan inaad u soo dedejiso xumaanta5 ka hor samaanta, oo runtii waxaa tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Oo hubaal Rabbigaa xaqiiq waa u dambi dhaaf badan yahay dadka iyagoo gardarro ku sugan. Oo hubaal Rabbigaa xaqiiq ciqaabtiisu aad bay u Daran tahay

[7] Oo kuwa rumeysan waaya waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, oo qolo walbaa waxay leeyihiin hanuuniye

[8] Allaah wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo6, iyo waxaa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxa ay kororsadaan7. Oo waxay wax walbaa Agtiisa leeyihiin qaddar go’an

[9] Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Weynaha, aad u Sarreeya

[10] Waa isugu mid kiinna idinka mid ah ee hadalkiisa qarsada iyo kan kor ugu dhawaaqa, iyo kan isku qariyo habeenka iyo (kan) socda dharaar cad

[11] Isagaa darti waxaa jira malaa’ig midkoodba uu ku xigsado kan kale8, hortiisa iyo gadaashiisa ah , kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Ilaahay9; hubaal Allaah ma beddelo xaaladda qolo, jeer ay iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Oo marka Allaah la doono qolo xumaan, cidna ma baajin karto, oo ma leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara

[12] Waa Isaga Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo riman

[13] Oo onkodku wuxuu ku tasbiixsadaa xamdigiisa, iyo malaa’igta sidoo kale ka Heybeysigi darteed, oo Wuxuu soo diraa danabyada oo ku dhuftaa cidda uu doono10, weliba waxay ka doodaan arrinka Ilaahay Isagoo Awood Badan oo Ciqaabtiisu aad u Daran Tahay

[14] Isagaa mudan Baryada (cibaadada) Xaqa ah. Oo kuwaa ay baryaan Sokadiisa waxba uma ajiibaan, waxayse11 ka dhigan yihiin mid hore u soo fidsha gacmahiisa xagga biyo ku jira (ceel salki) si ay u soo gaaraan afkiisa, mase soo gaari doonaan, oo ma aha baryada gaaladu waxaan aheyn habaab

[15] Oo wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada waxay u sujuudaan Allaah keliya iyagoo oggol ama qasban, iyo hoosaskooda sidoo kale gelin hore iyo gelin dambeba

[16] Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelataan Sokadi gargaarayaal, kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnanan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Allaah shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa12, sidaa awgeed uu abuurka (midkood walbaa) ay isku mid ugu muuqdeen ? Dheh: Allaah waa Abuuraha wax waliba. Oo Waa Waaxidka, Awoodda sare leh

[17] Wuxuu ka soo dejiyaa biyo daruurta, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (sidoo kale macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, ama alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaas buu Allaah tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaas buu Allaah u dhigaa tusaalayooyinka

[18] Abaal gudka kuwa ajiiba Baaqa Rabbigood waa Wanaag. Ma kuwase aan ajiibin haddii ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay xaqiiq u bixin lahaayeen madax furasho. (Ma) kuwaasi, xisaab daran buu ahaan doonaa mudankooda, oo hoygoodu waa Naar; oo xumaa gogol ahaan

[19] Ma mid haddaba og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami doona

[20] Kuwa oofiya axdiga Ilaahay, oo aan ka bixin ballanka

[21] Iyo kuwa xidhiidhiya waxa uu Allaah amray in la xidhiidhiyo13, oo ka haybaysta Rabbigood, oo ka cabsada Xisaabta Daran

[22] Iyo kuwa samir yeesha oo sugnaada, iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oo hagaajiya tukashada salaadda, oo bixiya ( si wanaagsan) wax ka mid ah waxa aan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, oo kala hortaga xumaanta samaan, kuwaasi waxay mudan doonaan cidhib wanaagsan Daarta Aakhiro

[23] Beeraha negaadiga oo ay gali doonaan la jirka kuwa samaha fala ee ka mid ah aabbayaashood iyo afooyinkood iyo ubadkoodaba: oo Malaa’igtu waxay uga soo geli doonaan albaab walba (iyagoo leh)

[24] Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. wanaagsanaa haddaba Daartaa dambe

[25] Ma kuwase jebiya axdiga Ilaahay, kaddib adkayntiisa, oo gooya waxa uu Allaah amray in la xidhiidhiyo, oo ku sameeya fasahaad arlada, (ma) kuwaas, dushooda waxaa ahaan doonto Nacalad oo waxay mudan doonaan daarta aad u xun

[26] Allaah wuxuu u fidiyaa risiqa midka uu doono oo ku cidhiidhiyaa (kan uu doono), oo waxay ku farxaan nolosha adduunkan, oo ma aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo gaaban ah oo dhammaaneysa

[27] Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo looga soo dejin waayey xagga Rabbigii ka timid? Dheh: hubaal Allaah wuxuu habaabiyaa midka uu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (Isaga)

[28] Kuwa rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Ilaahay.Haddaba ogaada xusidda Ilaahay bay ku xasishaa quluubtu

[29] (Ma) kuwa (Xaqa) rumeysan oo fala samaha aayatiin raaxo wanaagsan leh bay14 mudan doonaan iyo rug u laabasho fiican

[30] Oo sidaas baan kuugu soo dirnay ummad dhexdood ay horteed ummado kale tageen, si aad ugu akhrido waxa aan kuu waxyoonnay, oo (weliba) iyagu waxay beeniyaan Raxmaanka. Dheh: Waa Rabbigay! Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Isaga, Isaga baan isku halleeyaa oo ku kalsoonahay,oo waa Xaggiisa noqodkeyga

[31] Oo xitaa haddii uu jiri lahaa Qur’aan buuraha lagala yeeli lahaa inay tagaan, ama dhulka lagu dul maro, ama lagaga hadal siiyo meytida15 (ma ahaadeyn waxaan aheyn Qur’aankan). Mayee! Allaah baa iska leh Amarka oo idil. Ee miyaanay weli ogaan kuwa (xaqa) rumeysan in haddii Allaah doono uu hubaal hanuunin lahaa dadka oo dhan? Oo (ma) kuwa gaalooba, kama joogsan doonto inay ku dhacdo xumaha ay falaan darteed belaayo garaacda, amase degta meel ku dhow guryahooda, ilaa inta Ballanka Ilaahay ka yimaado. Hubaal, Allaah ma ka baxo Ballankiisa

[32] Oo waxaa xaqiiq lagu jeesjeesay Rusul (badan) adiga hortaa ( Nabi Muxammadow), markaas baan siiyey fursad kuwii xaqa diiday, kaddibna waan halaagay. Sidee haddaba mid daran ay u ahayd Ciqaabteydii

[33] Ee ma mid Isagu dhowra naf walba oo ogsoon waxa ay kasbato? oo weliba waxay u yeelaan shariigyo xagga Allaah. Dheh: Magacaaba! Mise waxaad u sheegtaan wax (ilaahyo kale) uusan ku ogeyn dhulka mise waa wax iska hadal afka baarki16 ah. Mayee! Tabahooda xun baa loo qurxiyey kuwa gaalooba, oo waxaa laga duway Jidka (Toosan), oo mid kastoo Allaah uu habaabiyo17, ma heli doono wax hanuuniya

[34] Waxay ku mudan doonaan cadaab nolosha adduunkan, oo Cadaabta Aakhirada baa hubaal ka sii daran, oo ma heli doonaan wax ka celiya Allaah

[35] Tilmaanta Jannada kuwa toosan loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (xumaha), oo ciribta gaaladu waa Naar

[36] Oo kuwa aan siinnay Kitaabka18 waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, oo waxaa ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. Dheh, Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Allaah oo aan waxba la wadaajin. Isaga baan (idiin) ku baaqaa, oo waa Xaggiisa noqodkeyku

[37] Oo sidaas baan u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Oo haddii aad raacdo rabitaannadooda liita kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Allaah xigaalo kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna

[38] Oo run ahaan Waxaan soo dirnay Rusul hortaa oo waxaanu siinnay afooyin iyo ubadba19. Oo uma laha Rasuul (awood) inuu iski ula yimaado Mucjiso, Allaah oo idma ma ahee. Ajal walba wuxuu leeyahay muddo Ilaahay u gooyo oo qoran

[39] Allaah Wuxuu tiraa wuxuu doono oo uu sugaa, oo Agtiisa waxaa ah asalka Kitaabka

[40] Oo haddii aan ku tusno qaar ka mid ah waxa aan ugu goodinno ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (Risaalada), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu

[41] Ma waysan arkayn inaan ku keenno21 baabba’a arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda? Oo Allaah baa xukun gooya ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, oo wuu ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta

[42] Oo kuwii ka horreeyey iyaga baa runtii tabab degay, waxaase (tab) oo dhan iska leh Allaah. Wuxuu ogsoon yahay waxa ay naf waliba kasbato, oo gaaladu way ogaan doonaan cidda yeelan doonta Cidhibta Wanaagsan ee Daarta (Nabadda ah)

[43] Oo waxay kuwa xaqa diida yidhaahdaan: Adigu ma tihid Rasuul. Dheh: Allaah baa ku filan marag uu ahaado dhexdeenna aniga iyo idinka, iyo ku kastoo u leh cilmi Kitaabka

Ibraahiim

Surah 14

[1] Alif Laam Raa1. (Kani waa) kitaab aan kuugu soo dejinnay (waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka si idanka Rabbigood ah – xagga Jidka Adkaadaha sare, ee la ammaano

[2] Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Oo hoog waxaa leh gaalada xagga Cadaab Darani darteed

[3] Kuwa jecel nolosha adduunkan in ka badan Aakhirada, oo ka leexda Jidka Ilaahay oo doona inay ka yeelaan mid qalloocan, kuwaanu waxay ku sugan yihiin habow aad u fog

[4] Oo kuma soo dirin Rasuulna waxaan aheyn afka qolodiisa si uu ugu faahfaahiyo si caddaan ah2; markaasuu Allaah midka uu doono habaabiyaa3, oo hanuuniyaa kan uu doono, oo Waa Isaga Adkaadaha sare, Falka sanoo Xakiimka ah

[5] Oo xaqiiq Waxaan la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, oo xusuusi Ayaamaha Ilaahay4. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan

[6] Oo waa tii uu Muuse ku yidhi qolodiisa: Xusuusta Nicmadda Ilaahay idin siiyey, waa tii uu idinka badbaadshay reer Fircoon ee idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, oo gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna, oo (arrin)kani waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah, aad u weyn

[7] Oo waa tii Rabbigiin ka yeelay wax la og yahay oo caddaan ah: Haddii aad mahad naqdaan, hubaal waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddiise aad gaalowdaan, hubaal Cadaabtaydu waa mid aad u Daran

[8] Oo Muuse wuxuu yidhi: Haddii aad gaalowdaan idinka iyo kuwaa jooga arlada oo dhan, hubaal Allaah waa Hodan Deeqtoon, la Ammaano

[9] Oo miyaanay idin soo gaarin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey Cidi ma oga iyaga aan ahayn Allaah. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda5 oo yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aaminsanin waxaa la idinla soo diray, oo hubaal innagu waxaanu ka qabnaa shaki waxaad noogu baaqdaan

[10] Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Oo ma waxaa jira shaki ku saabsan Allaah, Abuuraha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhaa inuu idinka dhaafo dambiyadiinna oo idin siiyo fursad ilaa muddo magacaaban ah. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaa- shayo, Ee noo keena wuxuun awood muuqata ah

[11] Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, laakiinse Allaah wuxuu ku manneystaa (Fadligiisa) cidda uu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Oo ma aha wax noo yaal innaga inaan idiin keenno awood inuu Allaah Idmo maahee. Oo Allaah uun waa inay mu’miniintu isku halleeyaan

[12] Oo maxaan ugu kalsoonaan weynay Allaah? Isagoo runtii nagu hanuuniyey jidadkayaga (san), oo hubaal waan u samreynaa dhibta aad noo geysataan, Oo Allaah uun ha isku halleeyaan kuwa isku halleeya

[13] Oo kuwii xaqa diiday waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu hubaal idinka saari doonnaa dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqon doontaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Wallee waanu halaagi gar ma qaatayaasha

[14] Oo hubaal Waxaanu idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga

[15] Oo waxay dalbeen gargaar, oo waxaa hoogay isla weyne kasta oo macangag madax adag ah

[16] Naar baa ka horreysa, oo waxaa laga waraabin biyo carow ah

[17] Wuxuu u cabbi in yar in yar oo ma kari doono inuu liqo oo ka degaan, oo dhimashadu waxay uga imaan meel walba, mase dhiman doono, oo waxaa horti ah Cadaab aad u Qallafsan

[18] Mataalka kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas oo kale oo ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabayl xumi dhaceyso, uma lahaan doonaan awood inay ka helaan waxba ka mid ah waxay kasbadeen.Kani waa habowga fog

[19] Miyaadan arkayn inuu Allaah ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Haddii uu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub

[20] Oo arrinkani kuma adka Allaah

[21] Oo waxay iyagoo dhammi iman doonaan Allaah horti, markaasay kuwii ducafada ahaa ku odhan kuwii isla weynaa: hubaal waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tari kartaan wax ka mid ah Cadaabta Ilaahay? Waxay odhan: Haddii uu Allaah na hanuunin lahaa, innaguna sidoo kale waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddii aan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo

[22] Oo shaydaanku wuxuu odhan doonaa marka Arrinka la xukumo: hubaal Allaah wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, oo Anigu sidoo kale waan idiin qaaday ballamo (been ah), markaasaan idiinka baxay. Oo kuma laheyn awood dushiinna, waase idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna7. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Hubaal Anigu diiday ila wadaajintiinna cibaadada Allaah awal hore. hubaal waa gar ma qaatayaasha kuwa mudan doona Cadaab aad u Xanuun Badan

[23] Oo kuwa rumeysan oo samaha fala Waxaa laga yeeli doonaa inay galaan Beero hostooda ay webiyo qulqulaan, _iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, Salaantooda dhexdeeda waa, Nabad

[24] Ma waadan u fiirsan sida Allaah ugu soo qaato mataal Kelmedda Wanaagsani inay la mid tahay geed wanaagsan oo asalkiisu dhidban yahay, oo laamihiisu kor samada jiraan

[25] Ku soo saarta midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Oo Allaah wuxuu u soo qaadaa mataallo dadka bal inay waantoobaan

[26] Oo mataalka Kelmedda xun waa sida geed xun8 oo laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan

[27] Allaah Wuxuu waafajiyaa kuwa rumeysan kelmedda sugan9 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba10. Oo Allaah wuxuu lumiyaa gar ma qaatayaasha. Oo Allaah wuxuu falaa wixii uu doono

[28] Ma waadan arag kuwa ku doorsaday Nicmadda Ilaahay abaal dhac11, oo ka yee- lay dadkoodii inay degaan daarta halaagga

[29] Naar bay gali doonaan. Oo u xun meel lagu sal yeesho

[30] Oo waxay u yeelaan shariigyo Allaah si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Hubaal Aayihiinnu waa xagga Naarta

[31] Ku dheh addoommahayga rumeysan, inay hagaajiyaan tukashada salaadda, oo bixiyaan wax ka mid ah waxa aan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jiri doonin ganacsi iyo saaxiibnimo midna

[32] Allaah waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada oo ka soo dejiya biyo daruuraha, oo ku soo saara midho risiq idiin ah, oo Wuxuu idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, oo idiin sakhiray webiyada

[33] Oo Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; oo wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta

[34] Oo Wuxuu idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan12, oo haddii aad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma kari doontaan inaad tiro koobtaan. hubaal Aadmigu waa dulmilow, abaal laawe ah

[35] Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, oo iga dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan cabudno sanammo

[36] Rabbiyow! Hubaal waxay lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee mid kastoo i raaca, aniga buu hubaal iga mid yahay; mid kastoo se igu caasiya,_ Adiga baa hubaal ah Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[37] Rabbiyow! Hubaal waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn, oo beydkaaga Xurmadda leh agtiis ah; Rabbiyow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho bal inay mahad naqaan

[38] Rabbiyow! Hubaal waxaad adigu ogtahay waxa aan qarinno iyo waxa aan muujinnaba.Oo kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah

[39] Ammaan idilkeed mahadi wehliso waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. hubaal Rabbigay xaqiiq waa Maqlaha baryada

[40] Rabbiyow! Iga yeel mid si fiican u ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbiyow! Oo iga aqbal baryada

[41] Rabbiyow! Ii dambi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici doonto Xisaabtu

[42] Oo ha moodin in Allaah moog yahay waxa ay falaan gar ma qaatayaashu, ee Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay indhahu taagmi doonaan

[43] Iyagoo horay u degdegaya, madaxyadoodu kor u taagan yihiin13, indhahoodu u soo noqoneyn xaggoooda, oo quluubtoodu maran yihiin

[44] Oo uga dig dadka Maalinta ay u iman doonto cadaabtu, markaas kuwii ahaa gar ma qaatayaasha waxay odhan: Rabbigayow! In yar dib noo dhig, (markaas) waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan adduunka ka tegi doonin

[45] Oo waxaad degteen guryihii kuwii ku gar darrooday nafahooda, oo waa idiin caddahay sidii aan u galnay. Oo Waxaan idiinka dhignay tusaalooyin

[46] Oo waxay dhab ahaan qorsheeyeen qorshahooda xun, qorshahooda xun se waxaa (ka war) hayay Allaah, inkastoo qorshahoodu xun ahaa mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu

[47] Ee marnaba ha moodin inuu Allaah uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Allaah waa Adkaade sare, Aar gudasho leh

[48] Maalinta marka arlada loo beddeli doono arlo kale iyo samooyinkaba, oo waxaa la hor keeni doonaa Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh

[49] Oo waxaad arki Dambiilayaasha Maalintaas oo iskula xir-xiran silsilado

[50] Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur, oo dabku daboolayo wajiyadooda

[51] Si uu Allaah uga abaal mariyo naf walbaa waxa ay kasbatay. hubaal Allaah waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta

[52] Kani (Dhambaalkani) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan inuu yahay Ilaah Keliya, iyo inay ku waana qaataan waxgaradku

Al-Xijr

Surah 15

[1] Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ka yeela (arrimaha) caddaan

[2] Wax badan bay kuwaa (xaqa) rumeysan waaya jecleysan doonaan inay ahaayeen Muslimiin

[3] Iska daa wax ha iska cunaane oo ha iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso. Durbase way ogaan doonaan

[4] Oo ma jirto magaalo aan rognay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran

[5] Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, mana dib dhigi karaan

[6] Oo waxay yidhaahdaan: Adigaaganow ah kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyey3! Hubaal adigu xaqiiq waxaad tahay ku waalan

[7] Maxaad noogu keeni weyday malaa’igta haddii aad tahay mid ka mid ah runowlyada

[8] Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq4 aheyn, oo markaas lama siiyeen wax nafis ah

[9] Hubaal Annaga (Allaah ah) baa soo waxyoonnay Waanada (Qur’aanka) oo hubaal Annagaa xaqiiq ah ilaaliyayaasheeda

[10] Oo xaqiiq Waxaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood

[11] Oo ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin

[12] Sidaas baan ugu yeelnaa (diiddada Xa- qa) inay u gasho quluubta dambiilayaasha

[13] Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray, oo dhab ahaan waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay

[14] Oo xitaa haddii aan uga furno albaab samada oo ay kor ugu cir tagaan

[15] Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray

[16] Oo xaqiiq Waxaan yeelnay rugo adag samada, oo Waxaan u qurxinnay daawadayaasha

[17] Oo Waxaan ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga fogeeyey (Naxariista Ilaahay)

[18] Mid maahee xada mar wax u maqlo, markaas la raaciyo isaga holac muuqda

[19] Oo dhulka - waanu fidinnay, oo waxaanu ku sugnay dhexdeeda buuro, oo sababnay inay ka soo baxaan gudaheeda wax kasta oo ku habboon

[20] Oo Waxaan idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin

[21] Oo ma jiro wax aannu Annagu hayn khasnadahiisa. Oo kuma aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan

[22] Oo Waxaan soo dirnaa dabaylaha tallaala (daruurta) markaas baan ka soo dejinnaa biyo daruurta, oo aan idinka waraabinno,oo ma ahidin idinku kuwa kaydiya

[23] Oo hubaal waa Annaga (Allaah) Kuwa bixiya nolol, oo sababa inaad dhimataan8, oo Waa Annaga dhaxlayaasha

[24] Oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwa dib ka iman doona

[25] Oo hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin doonaa iyagoo dhan. hubaal Waa Falsame Xakiim ah, wax kasta Ogsoon

[26] Oo xaqiiq Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, oo madow jilicsan oo qaab leh ah

[27] Oo Jinka, Waxaan ka abuurnay awal hore dab aad u kulul oo ololaya

[28] Oo waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Hubaal Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow jilicsan oo qaab leh ah

[29] Ee, marka aan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayga10, ula dhaca sujuud

[30] Markaas bay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan

[31] Ibliis11 maahee (ma yeelin): waa u diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday

[32] Wuxuu yidhi:Ibliisoow!Maxaa kuugu wa- can inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday

[33] wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow ah jicilisan qaab leh

[34] Wuxuu yidhi: Haddaba ka bax xaggeeda, hubaal adigu waa lagu fogeeyeye

[35] Oo hubaal waxaa dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta Abaal marinta

[36] Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaba ii sug ilaa Maalinta la soo bixin doono

[37] (Alle) wuxuu yidhi:Haddaba hubaal Wa- xaad ka mid tahay kuwa la siiyo fursadda

[38] Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh

[39] Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sida aad ii habaabisay darteed, Waxaan hubaal iyagana u qurxin doonaa jidka habowga dhulka korkiisa, oo xaqiiq waxaan habaabin doonaa iyagoo dhan

[40] Marka laga reebo addoomahaaga ku ji- ra ee daacadda ah kuu keli yeela cibaadada

[41] Wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah

[42] Hubaal, ma xagga addoomahayga, ku- ma lihid awood dushooda, marka laga ree- bo kuwa ku raaca ee habowsanayaasha ah

[43] Oo hubaal, Naarta waa halka loo ballan qaaday iyagoo dhan

[44] Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa halkaa waxaa ahaan doonaa qayb gaar ah oo ka mid ah

[45] Hubaal kuwa iska jira (xumaha) waxay dhex ahaan doonaan Beero iyo ilo

[46] Ku gala nabad idinkoo aamin ah

[47] Oo Waxaan ka soo siibi doonnaa wixii xasad ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool

[48] Kuma taaban doono gudaheeda daal, lagamana soo saari doono

[49] Ogeysii addoomahayga inaan Anigu ahay Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

[50] Iyo in Cadaabkaygu, kaasi weeye cadaabka xanuunka badan

[51] Oo u sheeg arrinka martidii Ibraahiim

[52] Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: hubaal innagu cabsi ayaa idinka qabnaa

[53] Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan. Hubaal waxaan kuugu bishaareyneynaa wiil aqoon leh (dhalashada Isxaaq)

[54] Wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Haddaba maxaad iigu bishaarayneysaan

[55] Waxay yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta

[56] Wuxuu yidhi: Oo yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan

[57] Wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan haddaba, kuwaan la soo dirayow

[58] Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah

[59] Reer Luud ma’ahee. Hubaal waanu badbaadin doonnaa xaqiiq iyagoo dhan

[60] Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay hubaal ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal (ee la cadaabi)

[61] Markay Rusushii la soo diray u yimaadeen reer Luud

[62] Wuxuu yidhi: Hubaal waxaad idinku tihiin qolo aan la garanayn

[63] Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaanu kuula nimid waxa ay ka doodayeen

[64] Oo waxaan kuula nimid Xaq oo hubaal waxaanu nahay xaqiiq run sheegayaal

[65] Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo adigu daba soco oo ka dambee, oo yaanu midkiinna dib soo jalleecin oo aada halka la idin ku amray

[66] Oo Waxaanu u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas la goyn subaxa horeba

[67] Oo dadkii magaaladu waxay yimaadeen iyagoo aad u faraxsan

[68] Wuxuu yidhi: Hubaal kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina

[69] Oo Alle ka cabsada oo ha i ceebeynina

[70] Waxay yidhaahdeen: Oo miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka kale

[71] Wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii16, haddii aad yeeleysaan (inaad guursataan)

[72] Waa igu Cimrigaaga'e, waxay indho la’- aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii

[73] Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba

[74] Oo Waxaan u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah

[75] Hubaal, arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada

[76] Oo hubaal Waxay ku taal (magaaladaasi)18 waddo weli la deggan yahay

[77] Hubaal arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin mu’miniinta

[78] Oo dadkii degganaa hawdka19 waxay sidoo kale xaqiiq ahaayeen gar ma qaatayaal

[79] Markaas baan ka aargudannay. Oo waxay labaduba20 xaqiiq ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro

[80] Oo dadkii degganaa dhadhaabka waxay dhab ahaan beeniyeen Rususha

[81] Oo waxaanu siinnay Aayadahayagii, wayse ka jeesadeen xaggooda

[82] Oo waxay ka qorteen buuraha guryo iyago aamin ah

[83] Markaas baa waxaa qabaty qeylo (qarax) weyn waaberkiiba

[84] Oo waxba uma tarin waxay kasbadeen

[85] Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq, Oo hubaal Saacaddu xaqiiq waa imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon

[86] Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba ogsoon

[87] Oo dhab ahaan Waxaanu ku siinnay toddobo (Aayadood ee) lagu soo celceliyo (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn

[88] Ha u taagin indhahaaga waxa aanu siinnay qaybo ka mid ah iyaga inay ku raaxeystaan oo ha u murugoon, oo ahow mid u nugul oo soo dhoweeya mu’miniinta

[89] Oo dheh: Hubaaal anigu waxaan uun idiin ahay digaha cad

[90] Sida aan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii (Yuhuudda iyo Nasaarada)

[91] Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo

[92] Haddaba waa igu Rabbigaa hubaal waanu weydiin doonnaa dhammaantood

[93] Xagga waxa ay faleen

[94] Ee daaha ka qaad wax lagugu amray22, oo iskaga jeeso Mushrikiinta

[95] Hubaal Annaga baa kaaga filnaan doonna jees-jeesayaasha

[96] Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Allaah, durbase way ogaan doonaan

[97] Oo dhab ahaan Waxaan ognahay inay ka ciriiryoonto laabtaadu waxa ay yidhaahdaan

[98] Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda

[99] Oo caabud Rabbigaa ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowdka)

An-Naxl

Surah 16

[1] Amarka Ilaahay waa imane ee waxba ha doonina in la idiin soo dedejiyo. Xurmoo oo dhan Isagaa baa iska leh, oo waa ka Sarreeya1 waxa ay wax la wadaajiyaan

[2] Wuxuu la soo diraa malaa’igta Waxyi Amarkiisa ah (oo uu ku soo dejiyo) cidduu doono oo addoomahiisa ka mid ah (Isagoo leh):Bixi digniinta inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan ahayn Aniga (Allaah) ee dhowra xilka aan idin saaray

[3] (Alle) wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Waa ka Sarreeyaa oo ka Kor yahay shariig ama dhig loo yeelo

[4] Wuxuu ka abuuray aadmiga mino nool, mise, waa dood badane col cad ah

[5] Oo wuxuu idiin abuuray xoolaha; waxaa idiinku sugan dhar dugaal leh iyo manaafacaad badan oo kale3, oo iyaga ayaad wax ka cuntaan

[6] Oo waxaa idiinku sugan qurux marka aad u soo celinaysaan galabnimada (guriga) iyo marka aad u foofinaysaan daaqa subaxa

[7] Oo waxaad ugu rarataan culeysyadiinna xagga gobollo aydaan gaari karteen nafahoo dhibtooda ma’ahee. hubaal Rabbigiin xaqiiq waa Turid Badane, Naxariis Badan

[8] (Oo Wuxuu idiin abuuray) Fardo, baqallo iyo dameerro inaad fuushaan iyo qurux ahaanba. Oo Wuxuu abuuri wax aydaan ogeyn

[9] Oo Allaah bay saaran tahay xilka inuu caadeeyo Jidka Toosan, oo waxaa jira (jidad) qallooc ah. Oo haddii uu doono hubaal waa uu idin wada hanuuin lahaa dhammaantiin

[10] Waa Isaga Kan idiinka soo dejiya biyo daruurta, waxaad ka heshaan cabbitaan, biyahaasoo (soo saara) geedaha aad daaqsataan (xoolaha)

[11] Wuxuu sababaa inuu idiinku soo bixiyo sarac, saytuun, geedaha timirta, canabyo iyo nooc walba oo miraha ah. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo fekerta

[12] Oo Wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa; xiddigu- huna waxay ku sakhiran yihiin Amarkiisa. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin qolo garaad leh

[13] Iyo waxa uu idiinku abuuray dhulka korkiisa oo midabbo kala duwan leh. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo qolo maan leh oo waantoobaysa

[14] Oo Waa Isaga Kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib cusub iyo inaad kala soo baxdaan qurux aad xidhataan. Oo waxaad aragtaa doonyaha oo dhex maaxaya badda gudaheeda, (oo waa idiin layliyey) si aad ugu raadsataan (sidaa) wax ka mid ah Deeqdiisa, oo waa intaasoo aad mahad naqdaan

[15] Oo Wuxuu ku riday si sugan buuro waaweyn dhulka, si uusan idiinla iilan oo (wuxuu yeelay) webiyaal iyo waddooyin si aad ugu hagaagtaan

[16] Iyo calaamooyin dhulka lagu garto, oo xiddigaha bay ku helaan dhabbaha toosan

[17] Ma mid haddaba wax abuura baa la mid ah mid aan wax abuurin? Ma waydaan maan lahayn oo waansameyn

[18] Oo haddii aad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma kari doontaan inaad tira koobtaan. Hubaal Allaah xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[19] Oo Allaah wuxuu Og yahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba

[20] Oo kuwa ay baryaan Allaah sokadi waxba ma ay abuurin, ee se iyaga baa naf ahaantooda la abuuray

[21] (Waa) mayti aan nolol ku jirin, oo maba oga goorta la soo bixin doono

[22] Ilaahiinnu waa Ilaah Mid Keliya ah. Kuwase aan rumeysneyn Aakhirada, quluubtoodu way diidaan (Towxiidka), oo iyagu wayba isla weyn yihiin

[23] Shaki ma leh, in Allaah Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba. hubaal Allaah ma jecla kuwa isla weynayaasha ah

[24] Oo marka lagu yidhaahdo: Waa maxay waxa uu soo dejiyey Rabbigiin? Waxay yidhaadaan: sheekooyinka kuwii hore

[25] Si ay u xambaartaan culeysyadooda oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo waliba culeysyada kuwaa ay ku lumiyaan aqoon darro. Haddaba hubaal wax xun waa waxa ay xambaartaan

[26] Waxaa dhab ahaan tab degay4 kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Allaah uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaas buu saqafkii ku soo dumay iyaga korkooda, oo cadaabku wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn

[27] Haddana Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn doonaa5, oo wuxuu odhan doonaa: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan doonaan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada

[28] Kuwa ay malaa’igtu sababaan6 inay dhintaan iyagoo ku gardarroonaya nafahooda. Markaas bay muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Mayee, hubaal Allaah baa ogsoon waxa aad fasheen

[29] Ee gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. meel baas oo belo ah waa hoyga isla weynayaasha

[30] Oo waxaa lagu yidhaahdaa kuwaa iska jira (xumaha): Waa maxay waxa uu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, oo xaqiiq Daarta Aakhira baa u khayr badan. Oo xaqiiq waxaa barwaaqo iyo baraare ah Daarta kuwa iska jira (xumaha)

[31] Beeraha negaadiga, ay geli doonaan, ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku heli doonaan gudaheeda waxay doonaan. Sidaas buu Allaah ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha)

[32] Kuwa ay malaa’igtu sababaan inay dhintaan iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo leh: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed

[33] Ma sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa7 u yimaado inuu fulo? Sidaas oo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Oo Allaah ma ku gardarroonin, laakiinse iyaga baa nafahooda ku gardarrooday

[34] Markaas (abaalka) xumihii ay faleen baa ku dhici doona, oo waxaa hareereyn doona waxay ku jeesjeesayeen

[35] Oo iyaga kuwa u yeela shurukada Allaah waxay yidhaahdaan: Haddii uu Allaah doono ma aan caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, oo ma xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaas oo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee Rususha ma waxaa la saaray wax kale aan aheyn gaarsiin cad (ee Risaalada)

[36] Oo dhab ahaan Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Allaah, oo ka dheeraada Shaydaanka. Markaa baa waxaa ka mid noqday qaar Allaah hanuuniyey, oo waxaa ka mid noqday qaar habowga ku waajibay. Ee socda dhulka markaa fiiriya sida ay aheyd cidhibta beeniyayaasha

[37] Haddii aad ku dadaashid hanuunkooda, haddaba hubaal Allaah ma hanuuniyo cid uu lumiyo8, mana heli doonaan wax u soo gargaara

[38] Oo waxay ku dhartaan Allaah dhaarahooda kuwa ugu culus: Allaah ma soo bixin doono mid isagu dhinta. balse, (haayoo), _waa ballan saaran oo Xaq ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga

[39] (Waa) si uu ugu caddeeyo (abbaarta) waxa ay isku khilaafsan yihiin, oo markaa kuwa (Xaqa) rumeysan waayayey u ogaadaan inay ahaayeen beenaalayaal

[40] Sideedaba Qowlkayagu marka aan wax doonno waa oo Keliya inaan ku nidhaahno: "Ahaw” oo Waaba uu yahay

[41] Oo kuwa u soo haajira Ilaahay Darti, kaddib markii la caddibay, Waxaan hubaal ku siin doonnaa meeqaan wanaagsan adduunka, oo abaal gudka Aakhiro baa xaqiiq ka sii weyn, haddii ay ogaan lahaayeen

[42] Kuwa samir yeesha oo Rabbigood isku halleeya ee ku kalsoon

[43] Oo ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno. Ee weydiiya ehlu kitaabka, haddii aydaan ogeyn

[44] Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Oo Waxaan kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan

[45] Ma waxay haddaba kuwa qoola xumaha dareemaan aamin inuusan Allaah sababi doonin inuu dhulka la go’o oo liqo, ama inuu cadaabka ka qaban doonin meel aanay ka fileyn

[46] Ama inuusan qaban doonin iyagoo ku jira safarradooda, markaas ma baxsan doonaan

[47] Ama inuusan ku qaban dooin nuqsaamin iyo cabsi isa soo tarta. hubaal Rabbiggiin waa Turid Badane, Naxariis Badan

[48] Ma waysan u fiirsan wax kastoo uu Allaah abuuray, (sida) hararkoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Allaah iyagoo cuftiran

[49] Oo waxa jira noole ee ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada waxay u sujuudaan Allaah (Keliya), iyo malaa’igta (sidoo kale) oo iyagu iskama weyneeyaan

[50] Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, oo falaan waxa la amro

[51] Oo Allaah wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya. Ee Aniga oo Keliya waa inaad iga cabsataan

[52] Oo waxa ku sugan samooyinka iyo arlada Isaga baa leh, oo Waa in Isaga cibaadada lagu keli yeelo oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad haddaba iska jiri doontaan waxaan ahayn(Ciqaabka)Ilaahay

[53] Oo wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Ilaahay, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisa baad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah

[54] Haddana marka uu idinka faydo dhibaatada, mise qaar idin ka mid ahi waxay shuruko uga dhigaan kuwo kale Rabbigood

[55] Sidaa awgeed waxay ahaadaan kuwo ka abaal dhacsan waxa aan siinnay. Ee iska raaxeysta, durbase waad ogaan doontaan

[56] Oo waxay dhinac u dhigaan wax aanay11 garanayn qayb ka mid ah waxa aanu siinnay. Tallaahi, hubaal waa la idin weydiin doonaa xaqiiq waxa aad been abuurateen

[57] Oo waxay u yeelaan Allaah gabdho12. Xurmo oo dhan Isaga baa leh oo iin iyo ceeb tiran, oo iyaguna waxay isa siiyeen waxa ay rabaan

[58] Oo marka lagu war geliyo midkood (dhalashada) gabadh, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, oo waaba tiiraanyeysan yahay

[59] Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa lagu soo war geliyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Haddaba hubaal waxaa xun waxa ay xukumaan

[60] Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waa tusaale xun14, oo Allaah baa iska leh tilmaanta wanaagsan ee sare, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah

[61] Oo haddii uu Allaah durbaba ugu ciqaabi lahaa dadka caddaalad darradooda, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, laakiinse wuxuu ugu dib dhigaa waqti go'an14, markaa mar- ka uu u yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan

[62] Oo waxay u yeelaan Allaah waxa ay (iyaguba) nacaan, oo carrabyadoodu waxay sheegaan beenta ah inay mudan doonaan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naarta, oo loo hormarin doono

[63] Tallaahiye, Waxaan dhab ahaan u soo dirnay (Rusullo) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda. Marka waa isaga Gacalkood maanta, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

[64] Oo kuuguma aanu soo dejin Kitaabka waxaan ahayn inaad u caddeyso iyaga waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis qolo rumaysan

[65] Oo Allaah waa Kan ka soo dejiyey biyo daruurta, oo ku nooleeyey arlada dhimashadeeda kaddib. hubaal arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo qolo wax maqasha

[66] Oo hubaal waxaa idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood, caano saafi ah, oo u fudud, mari og hunguriga kuwa cabba

[67] Iyo wax ka mid ah midhaha geedaha timirta iyo canabyada oo aad ka samaysataan cabbitaan culus16 iyo risiq wanaagsan. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo qolo fekerta

[68] Oo Rabbigaa wuxuu u waxyooday shinnada: Ka sameyso guryo buuraha iyo geedaha iyo waxa ay dhisaanba

[69] Markaas wax ka cun midhaha oo dhan, oo qaad jidadka Rabbigaa idinkoo laylan. Waxaa ka soo baxa uurarkeeda sharaab kala midab ah oo caafimaad ugu jiro dadka. hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo qolo fekerta

[70] Oo Allaah baa idin abuuray, misna sababa inaad dhimataan, oo waxaa idin ka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita nolosha, si uu waxba aanu u ogaan kaddib waayo aqoontii. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan

[71] Oo Allaah wuxuu uga roonaaday qaarkiinba qaar kale xagga risiqa, Marka, kuwa loo roonaaday sinnaba uma mulki siiyaan risiqooda kuwaa (addoomaha ah) oo ay midigtoodu hanato si ay isku mid ugu noqdaan17. Ee haddaba ma Nicmadda Allaah baa waxa ay diiddan yihiin

[72] Oo Allaah wuxuu idiinka yeelay nafahiinna afooyin idinla nooc ah, oo wuxuu idinka siiyey afooyinkiinna ubad iyo ilmo ilmahood, oo wuxuu ku galladeysatay korkiinna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan. Ee ma haddaba baadil baa waxay ay rumeyansan yihiin, halka ay tahay Nicmadda Ilaahay waxa ay ku gaaloobaan

[73] Oo waxay caabudaan Allaah sokadi, wax aan uga hanan karin wax risiq ah xagga samooyinka iyo arlada, oo aan wax awood ahi lahayn

[74] Ee ha u yeelina wax la dhig u ah18 Allaah. Hubaal, Allaah wuu Og yahay, idinkuse ma ogidin

[75] Allaah wuxuu soo qaataa tusaale19: addoon la leeyahay aan waxba awoodi karin, iyo mid aanu ka siinnay xaggeenna risiq wanaagsan, oo isagu wax ka bixiya sir iyo caddaanba. Miyey labadaasi siman yihiin? Ammaan oo idil waxaa mudan Allaah! Mayee badankoodu ma oga

[76] oo Allaah wuxuu (kaloo) soo qaataa tusaale labo nin, oo midkood af la’yahay (hadli karin), kaasoo aan waxna karin inuu hagaajiyo, oo isagu ku ah culeys abaankiisa, meeshuu u diraba aan ka keenayn khayr. Miyaa lala simi karaa mid amra caddaalad, oo isagu (naf ahaantiisa) ku sugan Jidka Toosan

[77] Oo Allaah baa iska leh waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada. Oo Arrinka Saacaddu ma aha waxaan ahayn sida il biriqsi, ama ka dhowba. hubaal Allaah wax walba waa uu Karaa

[78] Oo Allaah wuxuu idinka soo saaray uurarka hooyooyinkiin idinkoo aan waxba garanayn. Oo Wuxuu idin yeelay maqal iyo arag iyo quluub inaad mahad naqdaan

[79] Mawaysan arkayn shimbiraha loo sakhiray (oo ku duulaya) hawada samada? Cidina ma qaban karto aan ahayn Allaah. hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo rumaysan

[80] Oo Allaah wuxu idiinka yeelay guryihiinna degaan aad ku xasishaan, oo wuxuu idinku galladeystey teendhooyin laga sameeyey hargaha xoolaha idiin fudud qaadistooda maalinta geeddigeenna iyo maalinta negaadigiinnaba. Oo wax ka mid ah (idaha) duftooda iyo (geela) dhogortooda iyo (riyaha) timahooda (wuu idinku galladeystay) alaabo guri ahaan iyo sahay ilaa muddo ah

[81] Oo Allaah wuxuu idiinka yeelay waxa uu abuuray (geedaha) hoosas, oo idiinka yeelay buuraha gebiyo aad gashaan, oo idiin yeelay dhar idinka celiya kuleylka (iyo qabowga) iyo dhar (jaakado bir ah) oo idinka celiya (dhibka) dirirtiinna. Sidaas buu idiinku iltiraa Nicmaddiisa bal inaad u hoggaansantaan

[82] Haddiise ay jeesadaan, haddaba xilkaagu waa oo keliya Gaarsiinta cad (ee Risaalada)

[83] Waxay gartaan Nicmadda Ilaahay, haddana way dafiraan, oo badankoodu waa kuwo aan mahad naqin

[84] Oo maalinta aan ka soo saari doonno ummad walba markhaati, markaas aan la siin doonin wax idan ah kuwa (Xaqa) rumeysan waaya, oo aan laga yeeleyn inay axsaan fal dalbaan

[85] Oo marka ay kuwa gar ma qaatayaasha ah arkaan cadaabta, lagama khafiifin doono, oo lama siin doono nafis

[86] Oo marka ay kuwa u shariig yeela (kuwo kale Allaah)20 arkaan kuwa ay ka dhigteen shurakada Ilaahay waxay odhan doonaan: Rabbiyow! Kuwaanu waa kuwa aan ka dhigannay shurakada ilaahay ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa21. Waxayse dib ugu celin doonaan hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal

[87] Oo waxay ula imaan doonaan Allaah maalintaas hoggaansan dhan, oo waxay waayi doonaan waxay been abuuran jireen

[88] (Ma) kuwa Xaqa diida oo ka jeedsada Jidka Ilaahay, waxaan ugu dari doonnaa cadaab cadaabkooda, waxay fasahaad fali jireen awgii

[89] Oo Maalinta aan ka soo saari doonno ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga ka mid ah, oo aan kuu keenno adiga inaad ka ahaato markhaati kuwan - oo Waxaan kugu soo dejinnay Kitaabka u faahfaahinaya wax walba si cad , iyo inuu u ahaado Hanuun iyo Naxariis iyo war san oo farxad leh kuwaa hoggaansama

[90] Hubaal Allaaah wuxuu amraa caddaalada iyo axsaan falka iyo wax siinta qaraabada, oo wuxuu reebaa anshax darrada iyo xumaanta iyo gardarrada. Wuu idin waaninayaa, bal inaad wax ku qaadataan

[91] Oo oofiya Axdiga Ilaahay marka aad gashaan, oo ha burinnina dhaaraha kaddib markaad adkeyseen, oo waxaad dhab ahaan uga dhigateen Allaah damiin. hubaal Allaah wuu Og yahay waxa aad fashaan

[92] Oo ha la mid noqonnina sida tan furfurta xadhiggeeda ay soohday iyadoo u googooneysa gabal gabal kaddib markuu yeeshay xoog. Waxaad ka dhigataan dhaarahiinna inay ahaadaan siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, inay ummad ka tiro badan tahay ummad kale (darteed23). Allaah waa uun idinku imtixaanaa. Oo hubaal Wuxuu xaqiiq idiin caddeyn doonaa Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafteen

[93] Oo haddii uu Allaah doono, wuxuu hubaal idinka dhigi lahaa ummad keliya, Laakiinse wuxuu lumiyaa cidduu doono oo hanuuniyaa ciddii uu doono. Oo hubaal Waa la idin su'aali doonaa waxaad camal fasheen

[94] Oo ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab), inaad ka jeedsateen Jidka Ilaahay darteed, oo waxaad mudan doontaan Cadaab aad u weyn

[95] oo ha qaadannina qiimo yar aad siisataan Axdiga Ilaahay. Hubaal waxa Allaah agtiis ah baa idiin khayr badan haddii aad og tihiin

[96] Wax aad haysataan wuu dhammaan, oo waxa Allaah agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Oo hubaal waxaan xaqiiq siin doonnaa kuwa samir yeesha abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay faleen

[97] Mid kastoo sama fala lab ama dheddig isagoo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli doonnaa inuu xaqiiq noolaado nolol fiican oo farxad leh, oo waxaanu hubaal siin doonnaa xaqiiq abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay faleen

[98] Ee marka aad akhriyeyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) ka magan gal Allaah shaydaanka la fogeeyey

[99] Hubaal kuma dul laha awood kuwaa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood isku halleeya oo ku kalsoon

[100] Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa la saaxiiba iyo kuwa la wadaajiya cibaadada kuwo kale (Allaah)

[101] Oo marka aan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, oo Allaah baa dhab u Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Mayee, badankoodu wax ma oga

[102] Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo war san oo farxad leh kuwa hoggaansama ee isu dhiiba (Allaah)

[103] Oo dhab ahaan Waxaan ognahay inay yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midka ay ku leexinayaan waa af shisheeye25, oo kani waa af Carabi faseex ah

[104] (Ma) kuwa aan rumeysnayn Aayadaha Ilaahay, hubaal Allaah ma hanuunin doono, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

[105] Waxaa uun abuurta been sideedaba kuwa aan rumeysnayn Aayadaha Ilaahay, oo waa kuwan kuwa ah beenaalayaasha

[106] Mid kastoo isagu ku gaalooba Allaah kaddib isaga oo rumaysnaa26, mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka_laakiinse midkii isagu u fura laabtiisa gaalnimo- kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Ilaahay, oo waxay mudan doonaan Cadaab aad u Weyn

[107] Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Allaah hanuunin qoloda gaalada ah

[108] Kuwan weeye kuwa uu Allaah daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Oo waa kuwan kuwo dhoohan

[109] Shaki ma leh, inay Aakhirada ahaan doonaan kuwa khasaari doona

[110] Waliba hubaal Rabbigaa, xagga kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas halgama ee samir yeesha, hubaal Rabbigaa intaa kaddib, xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[111] (Xusuuso) Maalinta ay naf walba imaan doonto iyadoo u doodaysa nafteeda, oo naf walba loo oofin doono waxay fashay, iyagoo aan loola dhaqmi doonin si caddaalad darro ah

[112] Oo Allaah wuxuu yeelaa tusaale: magaalo nabad aheyd xasilloon; oo uu uga yimaado risiqeedu haqab la’aan meel walba, ha yeeshee ku gaalowday Nicmooyinkii Ilaahay. Sidaas darteed Allaah ka yeelay inay dhadhamiso gaajo daran iyo cabsi waxay samaynayeen darteed

[113] Oo dhab ahaan waxaa u yimid Rasuul ka mid ah, wayse beeniyeen, markaas baa waxaa ku dhacay Cadaab iyagoo ahaa gar ma qaatayaal

[114] Ee cuna waxa ka midka ah waxa Allaah idin siiyey, xalaasha ee fiican, oo ka mahad cesha Nicmadda Ilaahay, haddii aad Isaga Keliya caabuddaan

[115] Wuxuu uun sideedaba idinka xaaraameeyey waxa iskood u dhinta iyo dhiig iyo hilib doofaar iyo waxa magac kale aan aheyn kan Allaah lagu xusay. Mid kastoo se ay dani ku qabato isagoo aan caasooyobid u dan laheyn, oo xad gudbeyn, markaa hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[116] Oo waxa ay carrabyadiinnu tilmaamayaan, ha sheegina beenta (idinkoo leh): Kani waa xalaal kanna waa xaaraan, si aad ugu been abuurataan Allaah. hubaal kuwa ku been abuurta Allaah ma liibaani doonaan

[117] Waa raaxo yar oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

[118] Oo kuwa ahaa Yuhuudda, Waxaanu ka xaaraamaynay waxyaalaha aan horay kuugu soo sheegnay28. Oo ma aanu ku gardarroon, laakiinse iyaga baa nafahooda ku gardarrooday

[119] Haddana Rabbigaa, xagga kuwa u fala xumaan jahli darti markaas soo laabta intaas kaddib oo samaada, hubaal Rabbigaa taasi kaddib, waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[120] Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo, adeeca Allaah, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), oo ma aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta

[121] Ka mahad naqa Nicmooyika Ilaahay. Isagaa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan

[122] Oo Waxaanu ku siinnay samaan adduunkan.Oo Aakhirada wuxuu hubaal ka mid ahaan doonaa inta wanaagsan

[123] Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac caqiidada ibraahiim ee toosan, oo kama mid aheyn Mushrikiinta

[124] Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda30, oo hubaal, Rabbigaa wuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafeen

[125] Ugu baaqa Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Hubaal Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, oo wuu Og yahay kuwa hanuunsan

[126] Oo haddii aad aar goosaneysaan, haddaba aar goosta in la mid ah intii la idin geystey oo kale, haddiise aad samir yeelataan, hubaal sidaas baa u wanaagsan kuwa samir yeesha

[127] Oo samir yeelo, oo ma aha samirkaad yeelataa waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Ilaahay. Oo ha u murugoon, oo ha ka welwelin waxa ay xume qoolaan

[128] Hubaal Allaah wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha) ee ah sama falayaasha

Al-Israa

Surah 17

[1] Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo hufan Kan ka guureysiiyey addoonkiisa (Nabi Muxammad) goor habeen ah Masjidka Xaramka xagga Masjidka shishe2, ee aan barakaynay hareerahiisa, si aan wax uga tusno Calaamooyinkayaga. Hubaal, Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arkaha ah

[2] Oo Waxaan siinnay Muuse Kitaabka oo aan uga dhignay hanuun Ilmaha Isaa’iil (Annagoo leh): Ha ka dhigannina cidaan Aniga aheyn wakiil aad tala saarataan

[3] Ubadka kuwa aan la qaadnayow Nuux! Hubaal wuxuu ahaa addoon aad u mahad naqid badan

[4] Oo Waxaan ugu dhignay arrin go’an oo la yaqaan Ilmaha Israa!iil Kitaabka4 gudahi: hubaal Waxaad fasahaadin doontaan arlada labo jeer oo isku kibrin doontaan iskibrin aad u weyn

[5] Ee markii uu wacadka labada kan hore yimid5, waxaan idinku soo dirnay addoomo aan leennahay oo xoog badan oo ku daran dagaalka. Markaas bay galoo baxeen guryihiinna dhexdooda, oo wuxuu ahaa wacad la fuliyey

[6] Misna Waxaan mar kale idiin soo celinnay markiinna inaad ka guuleysataan. Oo Waxaan idinku taageernay maal iyo carruur badan oo idinka dhignay ciidan tiro badan

[7] Haddii aad samo fashaan, waxa aad u sama fashaan uun waa nafahiinna, oo haddii aad xumaan fashaan (waxaad u geysataan) iyada (lidka nafahiinna). Ee markii uu wacadkii dambe (kii labaad) yimid ( Waxaan soo dirnay cadowyadiinna) si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka shishe (ee Qudus ku yaal) sidii ay markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kasta ay helaan baabba'a muuqda

[8] (Markaasuu Allaah yidhi) Waa intaasoo Rabbigiin idiin naxariisto (haddii aad toobad keentaan), haddiise aad mar kale u noqotaan (xumo fal), waxaanu Annaguna sidoo kale u noqon doonnaa (Ciqaabidda). Oo Waxaanu uga dhignay Naarta gogol gaalada (iyo xabsi lagu xidho)

[9] Hubaal Qur’aankani wuxuu ku hanuuniyaa arrin tan u toosan, oo wuxuu siiyaa war san oo lagu farxo mu’miniinta fala samaha inay mudan doonaan Abaalgud aad u Weyn

[10] Kuwa se aan rumeysnayn Aakhirada, Waxaanu u diyaarinnay Cadaab aad u Xanuun Badan

[11] Oo Aadmigu wuxuu ku duceystaa sharka sida uu ugu duceystoba khayr. Oo aadmigu mar walba waa degdegaa

[12] Oo Waxaan ka dhignay habeenka iyo maalinta labo calaamadood. Markaasaan, Waxaan ka yeelnay calaamadda habeenka inuu tagoo tirmo, oo waxaan ka dhignay calaamadda maalinta mid la arko oo muuqata, si aad ugu raadsataan deeqda Rabbigiin, iyo si aad u ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Oo Waxaan u caddaynay wax walba si faahfaahsan

[13] Oo Waxaan ka yeelnay qof walbaa camalkiisa inuu laasumo oo ku dhego qoortiisa, oo Waxaanu u soo saari doonnaa Maalinta Qiyaamaha Kitaab uu la kulmi doono isagoo fidsan

[14] (Waxaa la odhan doonaa) Akhri Kitaabkaaga, adiga naf ahaantaada baa isugu filan maanta xisaabiye ahaan

[15] Mid kastoo toosnaada, wuxuu u toosnaadaa naftiisa. Oo mid kastoo lumaa8, xagga dhibkeeda buu uun isagu u lumaa. Oo ma jiro qof sida culaabo (denbiyo) oo qaadi doona culaabta (denbiyada) qof kale, oo marnaba ma cadaabno cidna jeer aan soo dirno Rasuul

[16] Oo marka aan doonno inaan rogno magaalo, Waxaan u dirnaa amarkayaga kuwaa ka mid ah dadkeeda ee ladan (inay adeecaan Allaah) Wayse ka hor yimaadaan oo diidaan, kolkaas baa xaq ugu dhacaa Qowlka oo aan burburinnaa burburin dhan

[17] Oo badanaa intaan facyo halaagnay Nuux ka dambow! Oo Rabbigaa baa ku filan inuu yahay Kan dambiyada addoomihi Ogsoon ee Arka

[18] Mid kastoo rabaa noloshatan soke, Waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxa aan doonno ka aan doonno. Intaas kaddib, Waxaan qayb u siinnaa Naarta uu ku guban dhexdeeda isagoo dulleysan oo dayro ah

[19] Oo mid kastoo rabaa Aakhirada oo u dadaala dadaalkeeda lagu helaayo. isagoo mu’min ah, (ma xagga) kuwan, da- daalkooda hubaal waa mid la tixgeliyo

[20] Geddigoodba waan siinnaa deeq_ kuwaan iyo sidoo kale kuwaaba_ka mid ah deeqda Rabbigaa. Oo ma aha deeqda Rabbigaa mid reebban

[21] Fiiri, sida aan uga kor marinnay qaarkoodba qaar (adduunkan gudihi), oo xaqiiq, Aakhirada baa lagu sii kala derejooyin weyn yahay oo lagu sii kala fadli badan yahay

[22] Ha u shariik yeelin Allaah ilaah kale mid uu ahaadaba, si aadan u fadhiisan adigoo dulleysan, dacdarreysan

[23] Oo Rabbigaa wuxuu guddoonshay inaydaan caabudin Axadna Isaga maahee. Iyo u sama fal waalidiintiin. Haddii uu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darri ah haba ahaatee (wax u badan sida) “uf”10, oo ha hiifin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo gob ah

[24] Oo uga dhig naftaada mid u laylan oo nugul si naxariis leh, oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso sida ay ii soo koriyeenba anigoo yar

[25] Rabbigiin baa dhab u ogsoon waxa ku jira nafahiinna. Haddii aad wanaagsan tihiin, markaa hubaal, wuu u dambi dhaafaa kuwa u soo laabta in badan

[26] Oo sii kan qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo musaafirka (go’doonsan), oo ha ku bixinnina maalka wax xun oo dayac ah

[27] Hubaal kuwa dayaca ee wax xun ku bixiya maalka waa walaalaha shayaadiinta, oo Shaydaanku waa mid abad ka abaal dhaca Rabbigii

[28] Oo haddii aad ka sii jeesato si aad u raadsato Naxariis xagga Rabbigaa ah oo aad mar walba rajeyso, haddaba kula hadal, hadal qabow oo khayr ah

[29] Oo ha ka dhigin gacantaada mid ku xiran luquntaada, oo ha wada fidin fidsanaan dhan, si aad meel u fadhiisan ha- dhow dambe adigoo eedeysan tabar gab ah

[30] Hubaal Rabbigaa wuxuu u fidiyaa risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhiyaa. Hubaal waa Mid addoomahiisa mar walba Xog Ogaal u ah oo Arka

[31] Oo ha dilina carruurtiinna baqe aad ka qabtaan faqri darti, Annaga baa irsaaqayna iyaga iyo idinkaba. Hubaal, dilkoodu waa gef aad u Weyn

[32] Oo ha u dhowaannina Zinada13, waayo,waa anshax darro iyo dariiq aad u xun

[33] Oo ha ku dilina nafta uu Allaah xaaraa- meeyay waxaan ahayn Xaq. Oo mid kastoo lagu dilo gardarro, Waxaan dhab ahaan siinnay warasadiisa awood14. waase inuusan ku xad-gudbin arrinka dilka15. Hubaal waa loo gargaaraye

[34] Oo ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee jeer uu qaan gaaro. Oo oofiya ballanka. hubaal Ballan walbaa oo la galo waa la is weydiin doonaa

[35] Oo oofiya miisaanka marka aad wax miisaameysaan, oo ku miisaama miisaan xaq ah. Kan baa khayr ah oo cidhib wanaagsan

[36] Oo ha raaraacina wax aydaan u laheyn cilmi. hubaal Maqalka, Aragga iyo Laabta mid walbaa oo kuwaas ka mid ah waa xil qaad lays weydiin doono

[37] Oo ha ku marin dhulka isqaad qaad iyo kibir. waayo ma kartid inaad jeexdid dhulka,kumana gaari kartid buuraha dherer

[38] Dhammaan waxakani – xumaanteedu - Rabbigaa agti waa lagu neceb yahay

[39] Kuwani waa (qaar) ka mid ah waxa uu Rabbigaa kuu waxyooday oo ka mid ah xikmadda, oo ha u shariig yeelin ilaah kale wuxuu ahaadaba Allaah, si aan lagugu tuurin Naarta adigoo eedeysan, dayro ah

[40] Ma wuxuu haddaba Rabbigaa idiin dooray wiilal, oo isagu ka yeeshay gabdho malaa’igta? Hubaal waxaad idinku ku hadashaan wax daran oo baas

[41] Oo dhab ahaan waxaan ku soo celcelinnay (gooddimaha) Qur’aanka dhexdi, si ay u waansamaan, umase kordhiso iyaga waxaan aheyn didmo

[42] Dheh: Haddii ay jiri lahaayeen ilaahyo kale sida ay leeyihiin, markaas waxay hubaal awood u yeelan lahaayeen inay doonaan jid xagga Rabbiga Carshiga

[43] Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh, oo ka sarreeyaa waxa ay sheegayaan sarreyn aad iyo aad u sarreysa

[44] Toddobada samo baa muuiya xurmaddiisa oo hufa iyo arladaba iyo waxaa ku dhex jira, oo ma jiraan wax aan ku tasbiixsan Ammaanahiisa. Laakiinse waydaan garaneyn tasbiixdooda. Hubaal Isagu waa Dul Badane, Dambi Dhaaf Badan

[45] Oo marka aad akhrineyso Qur’aanka, waxaan dhignaa dhexdiinna adiga iyo kuwa aan rumeysneyn Aakhirada xijaab idin kala astura

[46] Oo Waxaan yeellay quluubtooda dushooda daboollo, iyo culeys dhegahooda si aanay u fahmin, oo marka aad ku xusto Rabbigaa Keliya Qur’aanka waxay jeediyaan dhabarradooda iyagoo didsan

[47] Annaga baa aad u ogsoon waxa ay dhageystaan marka ay ku dhegaysanayaan iyo marka ay qabsadaanba shir qarsoodi ah oo ay ku faqaan, marka ay gar ma qaatayaashu leeyihiin: Waxaad uun raacdaan nin sixran

[48] Fiiri sida ay kuugu yeelaan tusaalooyin kolba, marka way lumeen, oo ma heli karaan Jidka

[49] Oo waxay yidhaahdaan: Ma marka aan noqonno lafo iyo boodh ciid ah, miyaa xaqiiq naloo sooo bixin doonaa innagoo abuur cusub ah

[50] Dheh: Noqda dhagxaan ama bir

[51] Ama abuur kale ka mid ah waxaa ay aad u adag tahay (in la siiyo nolol) sida ay idinkula tahay maankiinna. Waxayse odhan doonaan: Yaa na soo celin doona? Dheh: Kan idin abuuray kal horeba! Markaa weli waxay ruxi doonaan madaxyadooda xaggaaga iyagoo leh: Waa goorma isagu? dheh: Waa intaasoo uu dhow yahay

[52] Maalinta uu idiin yeedhi doono, markaa aad ajiibi doontaan idinkoo u jeedin ammaan, oo waxaad moodi doontaan inaydaan nagaan wax yar ma’ahee

[53] Oo ku dheh addoomahayga (inay) ku hadlaan hadal kan u wanaagsan. Hubaal, Shaydaanku wuxuu ka dhex abuuraa kala fogaansho iyo is af garan waa’. Hubaal, Shaydaanku aadmiga abad waa u cadow iska cad

[54] Rabbigiin baa aad idin yaqaan, haddii uu doono, wuu idiin naxariisan, ama haddii uu doono, wuu idin cadaabi, oo kuuguma aanu soo dirin inaad ilaaliye aad ka ahaato

[55] Oo Rabbigaa baa aad u ogsoon waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo dhab ahaan waxaan ka kormarinnay qaar ka mid ah anbiyada qaar kale, oo Waxaan siinnay Daawuud Zabuur

[56] Dheh: Bal u yeedha kuwa aad sheegtaan Sokadi17, ma laha awood ay idiinka feydaan waxyeello ama idiinka wareejiyaan (cid kale)

[57] Kuwaas ay baryaan, iyaga naf ahaantooda ayaa doona asbaabta u dhowaanshaha Rabbigood18– koodii ugu dhowaansho badnaan -, oo waxay rajeeyaan Naxariistiisa, oo ka cabasadaan Cadaabtiisa. hubaal Cadaabta Rabbigaa waa wax laga digtoonaado

[58] Oo ma jirto magaalo aynu halaagi doonin ka hor Maalinta Qiyaame ama aynu cadaabi doonin cadaab daran: kani wuxuu ku qoran yahay Qaddarka Ilaahay

[59] Oo waxna noomaa diidin inaan soo dirno calaamooyin aan ahayn inay dadkii hore beeniyeen. Oo Waxaan siinnay Thamuud hal - calaamad muuqata ah. wayse ku gardarroodeen. Oo uma aanu soo dirno calaamooyinka waxaan aheyn cabsiin

[60] Oo waa tii aan kugu nidhi: hubaal Rabbigaa wuxuu koobaa dadka; Oo kama aynu dhigin riyadaan ku tusnay19 waxaan ahayn imtixaamid dadka, iyo geedka baasba (ee ku xusan) Qur’aanka, oo aan ku bajinno, umase kordhiyo waxaan ahayn xadgudub aad u weyn

[61] Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam. markaasay u sujuudeen Ibliis maahee (ma uu yeelin). Wuxuu yidhi: Ma waxaan u sujuudaa mid aad ka abuurtay dhoobo

[62] wuxuu yiri;’ Ii sheeg, ma kan baa midkaad iga sharaftay oo kor marisay? Haddii aad ii deyso nolol ilaa Maalinta Qiyaamaha, hubaal waxaan hoojin (oo aan habaabin) doonaa ubadkiisa dhammaantood wax yar ma’ahee

[63] Wuxuu yidhi: (Duf) ku bax, oo mid kasta oo ku raaca oo ka mid ah, haddaba hubaal waa naar abaalkiinnu, abaal marin dhan

[64] Oo ku duufso waxooda aad karto oo ka mid ah codkaaga, oo u soo kulmi ciidammadaada iyagoo gaadiid wata iyo iyagoo lug ku socdaba, oo la wadaag maalka iyo carruurta, oo ballamo u qaad, umase ballan qaado shaydaanku waxaan dhagar aheyn

[65] Hubaal (ma xagga) Addoomahayga, kuma lihid awood korkooda. Oo waxaa ku filan Rabbigaa oo ilaaliye u ah

[66] Rabbigiin waa Kan idiinku socodsiiya doonyaha badda si aad u raadsataan Deeqdiisa. hubaal Waa uu idiin Naxariis Badan yahay

[67] Oo marka dhibaato ay idinku taabato badda, waad weydaan kuwa aad u dhawaaqataan Isaga maahee. markase uu idinku keeno nabad barriga,waa jeedsataan. Oo Aadmiga abad waa abaal dhac badane

[68] Ma waxaad haddaba dareentaan aaminaad inuusan idinla goyn doonin dhinac dhulka ka mid ah, ama idiin soo diri doonin dabayl daran oo quruurux wadata? markaas, ma heli doontaan wax idinka dhowra

[69] Mise, ma waxaad dareentaan aaminaad inuusan dib idiinku soo celin doonin halkaa mar kale oo markaas idiin soo diro dabayl daran oo idin qarqiyo gaalnimadiinna darteed, markaasna ma heli doontaan wax nooga kiin gargaara

[70] Oo dhab ahaan Waxaanu sharafnay ilma Aadam, oo Waxaan ku qaadnay barriga iyo baddaba, oo Waxaan ku irsaaqnay wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, oo Waxaan ka kormarinnay in badan oo waxa aan abuurnay ah kor marin

[71] (Xusuuso) Maalinta aan ugu yeeri doonno dad walbaa isagoo imaamkoodii20 la jiro. Markaas mid kastoo lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig, kuwan baa akhriyi doona Kitaabkooda (iyagoo faraxsan)oo lama dulmin doono dhibicna

[72] Oo mid kastoo ku indha la’ tani (adduunka oo xaqa ka beyra), wuxuu ahaan doonaa (sidoo kale) mid indha la’ Aakhirada, oo aad uga habowsan Jidka

[73] Oo hubaal waxay ku dadaaleen oo sigeen inay kaa jeediyaan waxa aan kuu soo waxyoonnay si aad noogu been abuurato waxaan isaga ahayn, oo markaas waxay hubaal kaa dhigan lahaayeen saaxiib gacal ah

[74] Oo haddii aynu ku sugneen, waxaad xaqiiq ahaan laheyd mid u dhow inaad u iilato xaggooda wax yar

[75] Markaas, Waxaan kaa yeeli lahayn inaad ku dhadhamiso (cadaab) laban laab ah noloshan iyo (cadaab) labanlaab ah dhimashada kaddib, markaas ma aad hesheen wax nooga kaa gargaara

[76] Oo hubaal waxay ku dadaaleen inay kaa barakiciyaan arlada si ay kaaga saaraan. Oo markaas ma negaan doonaan gadaashaa in yar ma’ahee

[77] (Kani waa) jidkayaga xagga kuwaa Rususha aan soo dirnay hortaa, oo kama heli doontid wax isbeddel jidkayaga

[78] Oog salaadda marka ay qorraxdu waareegto ilaa mugdiga habeenka iyo akhrinta subaxa hore; hubaal akhrinta subaxa hore waa mid la soo xaadiro

[79] Oo qayb ka mid ah habeenka tuko tahajjud, salaad dheeri kuu ah aan faralka ahayn. Waa intaasoo Rabbigaa kuu soo bixiyo martabo sharaf iyo ammaan leh

[80] Oo dheh: Rabbiyow! Iga yeel inaan galo gelitaan wanaagsan23, oo sabab inaan ka soo baxo bixitaan wanaagsan. Oo iga sii agtaada awood gargaar ah

[81] Oo dheh: Xaqu waa yimid, oo baadilku waa baabbi'i; Hubaal baadilku waa wax baabba’a

[82] Oo Waxaan ka soo dejinnaa Qur’aanka wax Caafimaad iyo Naxariis u ah Mu'miniinta, oo uma kordhiyo gar ma qaatayaasha waxaan khasaaro ahayn

[83] Oo marka aan ku galladeysanno Nicmad aadmiga, wuu jeestaa oo dhinac u baxaa isagoo islaweyn. Oo marka ay taabato dhibaato waa uu quustaa

[84] Dheh: Mid walbaa wuxuu u dhaqmaa hadba sida ay tahay asluubtiisa, Rabbigiin baase aad u ogsoon kan isagu si fiican ugu hanuunsan jidka

[85] Oo waxay wax kaa weydiinayaan Ruuxda; Dheh: Ruuxda waa mid ka mid ah ammarrada Rabbigay. Oo la idin kama siin cilmiga wax yar ma’ahee

[86] Oo haddii aan doonno waan la tegi laheyn hubaal waxa aan kuu waxyoonnay. Markaas ma heleysid cid naga kaa celisa

[87] Naxariis maahee xagga Rabbigga ah. Hubaal Fadligiisu korkaaga waa mid weyn

[88] Dheh: Haddii ay dadku iyo jinku isugu tagaan inay la yimaadaan wax la mid ah Qur’aankan, ma la imaan karaan wax la mid ah, xataa haddii uu qaarba qaarka kale caawiyo oo siiyo garab

[89] Oo dhab ahaan Waxaan ugu faahfaahinnay dadka Qur'aankaan dhexdiisa nooc kasta oo mataal ah, wayse diideen dadka badankiisu waxaan ahayn beenin

[90] Oo waxay yidhaahdeen: Sinnaba kuuma rumeyn doonno, jeer aad nooga burqiso dhulka ilo

[91] Ama aad yeelato beero timir iyo canabyo ah, oo aad ka burqiso wabiyo durdur ah dhexooda burqin

[92] Ama aad nagu soo riddo cirka sida aad sheegatay isagoo goballo googga'an ah, ama aad keento Allaah iyo malaa’igta hortayada fool ka fool

[93] Amaba aad yeelato guri ka sameysan dahab ama aad korto cirka, oo ma rumeysan doonno koriddaada jeer aad noogaga keento Kitaab aan akhrinno. Dheh: Xurmad Rabbigay baa iska leh oo Nazahan. Oo ma waxaan ahay wax kale aan ahayn aadmi Rasuul ah

[94] Oo waxna uma diidin dadka rumeynta marka uu hanuunku u yimid, aan ka ahayn inay yidhaahdeen: Oo ma wuxuu Allaah soo diray aadmi Rasuul ah

[95] Dheh: Haddii ay jiri lahaayeen dhulka, malaa’ig ku maraysa nabad oo deggan25, Waxaan hubaal uga soo dejin laheyn cirka malag Rasuul ah

[96] Dheh: Allaah baa ku filan markhaati dhexdeenna aniga iyo idinka. Hubaal Waa uu ka war hayaa addoomahiisa, arkaa

[97] Oo mid kastoo uu Allaah hanuuniyo baa isagu hanuunsan; oo mid kastoo uu lumiyaa _ uma heli doontid gargaarayaal sokadi, Oo Waxaan soo kulmin doonnaa iyagoo dhan Maalinta Qiyaamaha iyagoo wejiyada ku socda iyagoo aan wax arkayn, hadlayn, oo wax maqlayn; hoygooduna waa Naar; mar kastoo ay nuxuustaba, waxaan u kordhin doonnaa shidaal

[98] Kaasi waa abaalkooda, waayo waxay rumeysan waayeen Aayaadkayaga oo yidhaahdeen: Ma marka aan noqonno lafo iyo boor ciid ah miyaa markaa hubaal nala soo bixin doonaa innagoo abuur cusub ah

[99] Mawaysan u fiirsan in Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada uu awoodo inuu abuuro iyagoo kale, oo wuxuu u dhigay muddo aan shaki lahayn. Wayse diideen gar ma qaatayaasha waxaan ahayn beenin

[100] Dheh: Haddii aad hanataan khasnadaha Naxariista Rabbigay, markaa waad ceshan lahaydeen baqe aad ka qabtaan inaad bixisaan, oo aadmigu waa dhabcaal (masuug badan)

[101] Oo xaqiiq Waxaan siinnay Muuse sagaal calaamadood oo cad–cad26; ee weydii Ilmiha Israa’iil (arrinka) marka uu u yimid oo Fircoon ku yidhi: Hubaal waxaan kuu malaynayaa Muusow inaad tahay mid sixran

[102] (Muuse) Wuxuu yidhi: Dhab ahaan waa ogtahay in aanay soo dirin kuwani cid aan ahayn Rabbiga samooyinka iyo arlada xujooyin cad ahaan. Oo waxaan qabaa inaad Fircoonow tahay mid loo qoray hoog

[103] Markaasuu doonay inuu ka cidhib tiro arlada. waase qarqinnay isaga iyo wixii la socday oo dhan

[104] Oo Waxaanu ku nidhi Ilmihii Israa’iil isaga kadambow: Dega dhulka, markase uu yimaado yabooha nolosha dambe inuu fulo. Waa idin keeni dhammaantiin

[105] Oo Xaq baan (Qur’aanka) ku soo dejinnay oo Xaq buu ku soo degay27. Oo kuuma aanu soo dirin waxaan aheyn inaad ahaato bishaareeye iyo dige ahaan

[106] Oo Waa Qur’aan aan u soo dejinnay qayb qayb, si aad ugu akhrido dadka aayar. Oo Waxaan u soo dejinnay heerar kala duwan soo dejin dhan

[107] Dheh: Rumeeya ama ha rumaynina. hubaal kuwa la siiyey cilmiga isaga horti28, marka loo akhriyo, waxay ula dhacaan wejiyadooda sujuud

[108] Oo Waxay yidhaahdaan: Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbigeen oo Nazahan! hubaal ballan qaadka Rabbigayo waa mid fula

[109] Oo waxay u dhacaan wejiyadooda iyagoo ooyaya, oo (Qur’aanku) wuxuu u kordhiyaa khushuuc

[110] (Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midka aad ku baridaanba waa isku mid), Isaga baa iska leh Magacyada aad u wanaagsan. Oo si aad ah kor ha ugu qaadin codka salaaddaada, ama (sidoo kale) si aad hoos u ah, ee raac labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah

[111] Oo dheh: Ammaan (oo idil) waxaa mudan Allaah, aan yeelan wiil, oo aan lahayn wax shariig ah oo la wadaaga mulkiga, oo aan (u baahneyn inuu yeesho) gargaare tabar yari darteed, oo xurmo Weynee xurmeyn aad iyo aad u weyn

Al-Kahf

Surah 18

[1] Ammaan (oo idil) iyo mahdinba waxaa mudan Allaah ee ku soo dejiyey Kitaabka addoonkiisa (Nabi Muxammad) oo aan u yeelin wax qallooc ah

[2] Ee hanuunka leh, si uu uga digo cadaab daran oo ka soo fuli doonta Xaggiisa, oo ugu bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay mudan doonaan Abaalgud aad u Wanaagsan (Janno)

[3] Ay ku negaadi doonaan weligood

[4] Oo u digo kuwaa yidhaahda: Allaah Wuxuu yeeshay wiil (ama ilmo)

[5] Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, fool xumo weynaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn

[6] Marka waa intaastoo aad ku disho naftaada hammi, adigoo ka xun ciribtooda, haddii aysan hadalkaan rumaysan

[7] Hubaal Waxaan ka dhignay waxa kor yaal arlada qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno kee baa ugu camal wanaagsan

[8] Oo hubaal Waxaanu ka yeelli doonnaa dhammaan waxa korkeeda ah ban gabiib ah oo engagan

[9] Mise, ma waxaad mooddaa in (dhacdadii) qolodii hogga iyo looxa (ay ku qornaayeen magacayadoodu)3 ay yihiin ku- wa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan

[10] Markii ay dhallintu u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbiyow naga sii Xaggaaga Naxariis, oo nooga dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh

[11] Markaas baan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah

[12] Oo haddana waan ka soo kicinnay si aan u ogaanno kee baa labada kooxood dhab u garan karay inay tiro koobaan muddada ay ku negaadeen

[13] Annaga baa ku soo tebineyna qisadooda oo xaq ah: hubaal waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbi- good oo aanu u kordhinnay hanuun

[14] Oo Waxaanu ku xoojinnay quluubtooda5 samir (iyo iimaan), markay kor u istaageen6, oo yidhaahdeen: Rabbigayo waa Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno ilaah kale aan Isaga ahayn, haddii kale waxaan dhab ahaan markaas ku hadallay wax xadgudub ah

[15] Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Ee yaa ka gardarro badan kan ka been sheega Allaah

[16] Oo marka aad ka fogaataan iyo waxa ay caabudaanba Allaah maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin doonaa si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan

[17] Oo Waad arki kartay qorraxda markii ay soo baxday, uga iilaneysa Hoggooda xagga midig, oo markii ay dhacdo ka goyneysa gadaal xagga bidix iyagoo ku sugan meel ballaaran oo hogga bartanki ah. Arrinkani (waa mid) ka mid ah calaamooyinka Ilaahay. Mid kastoo uu Allaah hanuuniyo baa isagu hanuunsan, oo mid kastoo uu sababaa inuu lumo, uma heli doontid isaga wax gacal ah oo hanuunsha

[18] Oo waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifay7, oo waxaan u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix, halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddii aad eegi lahayd xaggooda, hubaal waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, oo waxaa hubaal kaa buuxsami lahaa baqdin iyagaa xaggooda

[19] Sidaas baan u soo kicinnay si ay bal isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisa baad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon inta aad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, oo ha fiiriyo meesha ugu cunto daahirsan, oo ha idiinka keeno risiq ka mid ah, oo ha u dhaqmo si feejignaan leh, oo yey cidina idin ogaan

[20] Maxaa yeelay haddii ay idinka awood badshaan waa idin dhagaxyeynayaan tan iyo dhimasho ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, markaasna marnaba ma liibaani doontaan

[21] Oo sidaas baan uga yeellay8 (dadka) inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in uu Ballanka Ilaahay run yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin9. Waa tii ay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo10; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan hubaal ka dhisi doonnaa masjid halkoodii

[22] (Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) saddex oo waxaa afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan oo waxaa lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga wax yar maahe11. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Oo wax ha ka weydiin arrinkooda midkoodna

[23] Oo ha ka odhan waxnana: hubaal waxaan fali doonnaa berritoole

[24] (adigoo aan odhan) inshaa Allaah “Hadduu Alle idmo12". Oo xus Rabbigaa marka aad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo uu Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow kani toosnaanta

[25] Oo waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin

[26] Dheh: Allaah baa aad u ogsoon intii ay joogeen, isaga baa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, oo lama wadaajiyo Xukunkiisa axadna

[27] Oo Akhri waxa laguu waxyooday oo ka mid ah Kitaabka Rabbigaa, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, oo ma heli doontid weligaa wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid

[28] Oo ku samirsii naftaada la jirka kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa, oo ha dhaafin xaggooda labadaada indhood adigoo doonaya qurxuda noloshan adduunka, oo ha raacin mid aan qalbigiisa ka dhoohnay Xusiddayada oo raaca waxa liita ay naftiisu jeceshahay oo arrinkiisu yahay xad gudub

[29] Oo dheh: Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigiin, ee kii doonaa ha rumeysto, oo kii doonaa yuusan rumeysan; Waxaan hubaal u diyaarinnay gar ma qaatayaasha Naar ay gidaarradeedu koobi doonaan iyaga, oo haddii ay dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari doonaa biyo daamur oo kale ah oo soli doonta wajiyadooda.Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo

[30] (Ma) kuwa (Xaqa) rumeysan oo fala samaha, hubaal Annagu ma dayacno abaalgudka mid kastoo fala camal wanaagsan

[31] Waa kuwan kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxyaalo laysku qurxiyo baa lagu galladeysan doonaa dhexdeeda oo leh jijimo dahab ah, oo waxay labbisan doonaan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku jiqlaynaya sariiro heer sare ah dushood. Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo

[32] Oo ugu soo qaad tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan

[33] Mid walbaa labada beeroodba, ay soo saartay midhaheeda iyadoo aan waxba ka dhimin, oo Waxaan sababnay inuu ka soo burqado dhexdooda webi

[34] Oo wuxuu lahaa maal tiro badan markaas buu ku yidhi saaxiibki isagoo ay is la doodayaan: Aniga baa kaa maal badan oo kaa tol iyo tabar roon

[35] Oo wuxuu galay beertiisii isagoo ku gar darroonayey naftiisa13. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay tani baabba’ayso waligeed

[36] Oo u malayn mahayo inay Saacaddu weligeed dhici doonto, oo xitaa haddii la ii celiyo Rabbigay waxaan xaqiiq aan heli doonaa meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican

[37] Wuxuu yidhi saaxiibkiis isagoo la doodaya; Ma waxaad rumeysayneyn Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana iniin yar oo nool, haddana kaa dhigay nin dhan

[38] Laakiinse ma aniga xaggeyga, waa Allaah, Rabbigay, oo marnaba la wadaajin maayo cidna Rabbigay (cibaadada)

[39] Oo maxaad u odhan weydey marka aad gashay beertaada: Maashaa Allaah (waxa uu Allaah doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog aan ka imaan xagga Ilaahay? Haddii aad i aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay

[40] Haddaba waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, oo ku soo diro biriq cir ka soo dhac ah, oo markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn

[41] Ama noqdaan biyaheedu kuwa hoos ugu dega dhulka, oo aad markaas sinnaba u kari doonin inaad hesho

[42] Oo maalkiisii baa la baabbi’iyey, markaas buu wuxuu billaabay inuu (kor iyo hoos u) geddiyo calaacalahiisa wixii uu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, oo wuxuu yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa in aan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna

[43] Oo uma sugnaan ciidan u soo fidiya taageero Allaah sokadi, mana karo inuu naftiisa difaaco

[44] Halkan14 awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isaga baa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib wanaagsan

[45] Oo ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruurta, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabayshu firdhiso, Oo Allaah wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood

[46] Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee camallada wanaagsan ee weligood baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon, oo rajo wanaagsan

[47] Oo maalinta aan ka yeeli doonno buuraha inay tagaan oo waxaad arki doontaa dhulka oo ban muuqda ahoo siman, oo waxaan soo kulmin doonnaa iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna

[48] Oo waxaa la keeni doonaa Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Haatan dhab ahaan waxaad noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore. Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin goyn waqti aan ku oofiinno ballanka

[49] Oo Kitaabka baa la soo dhigi doonaa, markaas waxaad arki doontaa dambiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Oo waxay odhan doonaan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani! aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu ku koobo tiro ma’ahee, oo waxay heli doonaan wixii ay camal faleen oo hortooda yaal oo Rabbigaa kuma gardarroodo axadna

[50] Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; markaasuu wuxuu ka baxay Amarka Rabbigi. Ma waxaad haddaba ka dhiganeysaan isaga iyo durrayaddiisa gacallo halkii Aniga iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxa ay wax ku doorsadeen gar ma qaatayaashu

[51] Ugama dhigan marag abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka dhigta kuwa wax dhumiya cudud

[52] Oo Maalinta uu Allaah odhan doono: U yeedha kuwaa aad u qabteen inay yihiin shurukadeyda (aad ila barbar caabuddeen). Markaas bay u yeedhi doonaan, uma ay se jawaabi doonaan, oo waxaanu yeeli doonnaa dhexdooda xannib

[53] Oo dambiilayaashu waxay arki doonaan Naarta, oo ogaan doonaan inay ku dhici doonaan, oo ma heli doonaan meel ay kaga weecdaan

[54] Oo dhab ahaan Waxaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan gudahi nooc kasta oo tusaale ah, oo Aadmigu waa kan badi wax walba ugu dood badan

[55] Oo ma jiro wax ka reeba dadka inay rumeeyaan marka uu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan dembi dhaaf Rabbigood, aan ahayn inay u timaado wixii ku dhacay kuwii hore15, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah

[56] Oo uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, oo kuwa Xaqa diida waxay ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa. Oo waxay ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel

[57] Oo yaa ka gardarro badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigii, markaas ka sii jeesada oo hilmaama waxa ay labadiisa gacmood horay u faleen? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, oo haddii aad ugu yeedho hanuunka, haddaba ma hanuuni doonaan weligood

[58] Oo Rabbigaa waa Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Haddii uu u qaban lahaa waxa ay kasbadaan (oo dembiyo ah), wuxuu hubaal u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an oo aanay heli doonin meel ay ka magan galaan

[59] Oo (ma xagga) magaalooyinkan waa aan halaagnay markay u dhaqmeen si caddaad darro ah, oo waxaanu u qabannay waqti go’an halaaggoodii

[60] Oo waa tii uu Muuse ku yidhi adeegahiisa (Yuushac bin Nuun): Ma joogsan doono jeer aan gaaro halka ay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan

[61] Markayse gaareen halka ay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo qaaday jidkiisa xagga badda, isagoo horay u sii socda

[62] Oo markay in badan dhaafeen, wuxuu ku yidhi adeegihiisa: Noo keen raashinkayaga subaxa; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan

[63] Wuxuu yidhi: Ma aragtay markii aan harsannay buurtii dhagaxa ahayd markaas waxaan hilmaamay kalluunkii, oo ma jiro wax I hilmaansiiyey inaan ka hadlo aan ahayn shaydaan. Oo wuxuu qaaday jidkiisa xagga badda, yaab badanaa

[64] Wuxuu yidhi: Arrinkani waa wixii aan doonaynay, Markaas bay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii

[65] Markaas bay waxay heleen addoon ka mid ah addoommahayga oo aan ka siinnay Naxariis xaggayaga, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi

[66] Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raacaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno

[67] Wuxuu yidhi: Hubaal ma lahaan kartid la jirkay samir

[68] Oo sidee baad ugu samir yeelan kareysaa wax aadan cilmi ku koobin

[69] Wuxuu yidhi: Haddii Allaah Idmo, waxaad iga heli doontaa samir, oo kuguma caasiyi doono arrinna

[70] Wuxuu yidhi: Haddii aad i raaceyso markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan anigu kaaga warramo maahee

[71] Markaas bay tageen (oo qaadeen waddada), ilaa, ay koreen doonni, waa uu duleeliyey; (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Xaqiiq Waxaad fashay arrin aad u fool xun

[72] Wuxuu yiri: Sow kuuma aan sheegin, inaadan kari doonin inaad ii yeelato samir

[73] Wuxuu yidhi: Ha ii qaban wixii iiga dhaca hilmaan17, oo ha I galin wax adag aan dhibsado oo arrinkan la xiriira

[74] Markaas bay tageen ilaa ay la kulmeen wiil, markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf aan dambi galabsan oo aan naf dilin? Xaqiiq waxaad fashay xumaan weyn aan la qaadan karin

[75] (Khidir) wuxuu yidhi: Miyaanan kuu sheegin inaadan kari doonin inaad samir ila yeelato

[76] (Muuse) wuxuu yidhi: Haddii aan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, dhab ahaan waxaad heshay cudur daar xagga arrinkeyga

[77] Markaas bay tageen jeer markii ay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay warsadeen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan18; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaas buu (Khidir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddii aad doonto, dhab ahaan gunno ayaad ku qaadan lahayd

[78] (Khidir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi doonaa fasiraadda wixii aad u samir yeelan kari weyday

[79] Ma doonnida, iyada waxaa lahaa dad masaakiin ah oo badda ka xoogsada. Markaas waxaan doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab

[80] Oo ma wiilka, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, oo waxaanu ka baqnay inuu ku dhib gasho caasiyoobid iyo abaal darro

[81] Marka waxaan doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka daahirsan oo naxariisasho dhow

[82] Oo ma gidaarka, isaga waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; oo waxaa hoostiisa yaalay khaznad ay iyagu leeyihiin; oo aabbahood wuxuu ahaa nin wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa; oo kuma aan samayn waxaan falay amarkay. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan weyday

[83] Oo waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin ka sheegi doonaa wax ka mid ah warkiisa

[84] Hubaal Waxaan ku awood siinnay dhulka, oo siinnay isaga asbaabtii uu ku gaari lahaa cilmiga wax walba

[85] Markaas buu qaaday jid

[86] Ilaa, markuu gaaray meesha ay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa bad madow, oo ka helay agteeda qolo19. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto ama u axsaan fasho

[87] Wuxuu yidhi: Ma ka isagu gardaran (oo naga fallaagooba)20, waa aanu cadaabi (dili) doonnaa, haddana waxaa isaga loo celin doonaa xagga Rabbgiis; oo wuxuu ku cadaabi doona cadaab daran

[88] Oo ma xagga kan isagu (Xaqa) rumeysan oo sama fala, wuxuu mudan doonaa abaal gud wanaagsan. Oo waxaan kula hadli doonnaa isagaa ereyo nugul oo amarkayaga ah

[89] Markaasuu qaaday jid (kale)

[90] Ilaa markuu gaaray meesha ay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan

[91] Sidaas weeyee! Oo Waxaan ku koobnay ogaansho waxa uu heystay

[92] Markaasuu qaaday jid (kale)

[93] Ilaa markuu gaaray (meel) labada buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba

[94] Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Hubaal23 waxay Yuug iyo yamaayuug ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa gunno waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga moos-xir

[95] Wuxuu yidhi: Waxaa uu Rabbigay I siiyey awood baa khayr roon, ee uun igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli doonaa moos xir dhexdiinna idinka iyo iyaga

[96] Ii keena laban bir ah; jeer markuu buuxshay dhinacyda labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka dhigay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubo’e

[97] Markaa way kari waayeen inay ka soo kor baxaan ama ay u yeelaan duleel

[98] Wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi doonaa dhulka, Oo Yabooha Rabbigay waa xaq

[99] Oo maalintaas Waxaan u dayn doonnaa qaarkood ka mid ah inuuu u dhexeeyo khilaaf qaar kale, oo Buunka baa la afuufi doonaa, markaasaan soo kulmin doonnaa iyagoo dhan

[100] Oo Waxaan soo bixin doonnaa Naarta oo ka muuqata maalintaas gaalada hortood

[101] Kuwaa ay indhahoodu ka daboollaa- yeen Waanadayada25, ee aan kari jirin inay maqlaan

[102] Ma waxay haddaba kuwa gaalada ahi moodaan inay (anfaceyso) inay ka dhigtaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Hubaal Waxaan u diyaarinnay Naar degaan ahaan gaalada

[103] Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan

[104] Waa kuwaa camalkooda ku lumo noloshan adduunka iyagoo mooda inay sama falaan

[105] Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa26. Marka camalladooda waa buraan. Ee sidaas awgeed uma yeeli doonno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha

[106] Sidaas waa in abaalkoodu yahay Naar; gaalnimadooda darteed, iyo ka dhigasha- dooda Aayadahayga iyo Rusushaydii dheel

[107] Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan ee sa- maha fala waxay mudan doonaan beeraha Al-Firdoos27oo u degmo ahaan doonta

[108] Iyagoo ku dhex waaraya (weligood) mana rabi doonaan in looga rug dooriyo

[109] Dheh: Haddii ay baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay28, Hubaal, baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddii aan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato

[110] Dheh: Waxaan anigu uun ahay qof dhimanayoo idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Allaah Keliya, ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha falo camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigii

Maryam

Surah 19

[1] Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad

[2] Xusid wax ka mid ah Naxariista Rabbigaa uu u galay addoonkiisii Sakariya

[3] Markii uu u dhawaaqday Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (Alle baryey)

[4] Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, xaqiiq lafahaygii way daciifeen filweyni darteed, oo madaxeygu wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, oo marnaba ma ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiow mid ku qada

[5] Oo dhabtii Waxaan ka cabsi qabaa xigtada iga dambeysa, oo marwadeydu waa ma dhaleys3. Ee iga sii Xaggaaga waraso

[6] I dhaxla4, oo wax ka dhaxla reer Yacquub oo ka dhig Rabbiyow mid aad kuu raalli geliya

[7] (Waxaa lagu yidhi): “Sakariyow! Dhabtii Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu ahaan Yaxyaa. ma aanu u yeelin cidna hortaa magacaan

[8] Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays, oo anigu waxaa gaaray gabow aad u weyn

[9] (Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu leeyahay5: Waa ii fududahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkiiba horeba adigoo aan waxba ahayn

[10] (Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaama- ddaadu waa inaadan la hadli doonin dadka saddex habeen adigoo fayow.”

[11] Markaas buu uga soo baxay qolodiisii qolkii salaadda, oo u tilmaamay inay (Alle) xurmo weynaayaan oo nazahaan subax iyo galabba

[12] (Allaah Wuxuu yidhi): “Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Oo Waxaanu siinnay xukun isagoo kuray yar ah

[13] iyo gacaltooyo Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho, wuxuuna ahaa mid ka cabsada Ilaahay oo ka dhowrsada xumaha

[14] Oo baarri u ah waalidkiis, oo ma aheyn macangag, caasi ah madax adag

[15] Oo nabad korkiisa ha ahaato maalintii u dhashay, iyo maalinta uu dhiman iyo maalinta la soo bixin doono isagoo nool

[16] Oo ku xus Kitaabka (qisadii) Maryam, markii ay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka Bariga ah

[17] Oo waxay ka samaysatay iyadoo cid la’ uga baxday daah (ay iskaga asturto); Markaas baan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil), oo isaga soo dhigay iyada qof Aadmi ah oo isku dhan

[18] Waxay tidhi: Hubaal anigu Waxaan kaa magan galyo weydiistey Naxariistaha (ee i dhaaf,) haddii aad ka cabsato Ilaahay

[19] Wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) deeqda wiil daahir ah

[20] Waxay tidhi: “Oo sidee baan u yeelan karaa wiil, anigoo uusan nin i taaban, anna ma ahi mid aan dhowrsanayn?”

[21] Wuxuu yidhi: “Sidaas weeyee, Rabbigaa Wuxuu leeyahay:” waa ii fududdahay, oo waxaan uga dhigi doonaa calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo qaddaray

[22] Markaas bay uurkiisa qaadday, oo waxay ula durugtay meel fog

[23] Oo xanuunkii foosha baa keenay geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi: “Alla haddii aan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la waayey araggeeda, la halmaamo”

[24] Markaas buu uga dhawaaqay6 meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah

[25] Oo u soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil

[26] Ee cun oo cab oo il qabowso, haddiina aad aragtid cid uun dadka ka mid ah, dheh: dhabtii Waxaan anigu u nidray Naxariistaha soon (af qabsi), marka lama hadli doono maanta cidna aadmi ah.”

[27] Markaas bay u keentay dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad dhabtii fashay wax (aan la maqal) oo weyn oo yaab leh

[28] Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, oo ma ahayn hooyadaa haweeney aan dhowrsaneyn.”

[29] Markaas bay u tilmaantay xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadli kareynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah

[30] (Ciise) wuxuu yidhi: "Hubaal Anigu waxaan ahay addoon Ilaahay, wuxuu i siin Kitaab (Injiilka) oo uu iga dhigi Nabi;”

[31] Oo Wuxuu iga dhigay mid barakaysan meel aan joogaba, oo I faray inaan oogo salaadda iyo Zakada inta aan noolahay.”

[32] Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, oo igama dhigin macangag khayr daran

[33] Nabadi ha ahaato korkayga maalintii aan dhashay iyo maalinta aan dhiman iyo maalinta la i soo bixin doono anigoo nool”

[34] Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka qabaan doodda

[35] Kuma habboona Allaah inuu yeesho wiil. Subxaanah (wuu ka ceeb tiran yahay). marka uu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waanu uu yahay

[36] (Ciisaa wuxuu yidhi): “Oo Xaqiiq! Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isaga Keliya, kan baa ah Jid Toosan

[37] Markaas bay xisbiyadii dhexdooda iska khilaafeen (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaaloobay ka soo gaari doona Maalin aad u murugo weyn

[38] Maxay si cad iyagu wax u maqli doonaan oo arki doonaan Maalinta la keeni doono hortayada! Laakiinse geflowyada maanta waxay ku sugan yihiin habow muuqda

[39] Oo uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la goyn doono, haddase dhoohnaan baa heysa, oo ma ba ay rumeysna

[40] Hubaal, Waa Annaga kuwa dhaxli doonnaa arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Oo Xaggayga baa loo soo celin doonaa

[41] Oo ku xus Kitaabka (Qisadii) Ibraahiim. Xaqiiq! Wuxuu ahaa runlow, Nabi ah

[42] (Xus) markii uu ku yidhi aabbihiis: “Aabbow! Maxaad u caabuddaa waxaa aan waxba maqlin, oo waxna arkin oo aan waxba ku tari doonin

[43] Aabbow! Xaqiiq! Waxaa ii yimid wax ka mid ah cilmi aan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan

[44] Aabbow! Ha caabudin (ha adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah

[45] Aabbow! Anigu waxaan ka cabsi qabaa inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka saaxiib (naarta gudaheeda)

[46] Wuxuu (aabbihii) yidhi:“Ma waxaad adi- gu dan ka lahayn ilaahyadayada, Ibraahii- mow? Haddii aad ka harin (waxakani), hubaashii waan ku dhagaxyeyn. Ee bal iga dheerow muddo dheer

[47] Ibraahiim wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi doonaa dambi Dhaaf Rabbigay. Xaqiiq! waa Mid abad ii Roonaan Badan

[48] Oo waan idinka fogaan idinka iyo waxa aad baridaanba Allaah sokadi. Oo waxaan baryi doonaa Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaana rajeyn inaanan noqon mid baryda Rabbigay ku hungooba”

[49] Haddaba markii uu ka fogaaday iyaga iyo waxa ay caabudayeenba Allaah sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana (oo ka mid ah) Waxaan ka dhignay Nabi

[50] Oo Waxaanu siinnay wax ka mid ah Naxariistayada, oo waxaanu u yeelnay xus (sharaf) meeqaan sare ah

[51] Oo ku xus Ktiaabka Muusaa. Xaqiiq Wuxuu ahaa xul la doortay oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah

[52] Oo Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta midigta ah8, oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna

[53] Oo Waxaanu ugu hibaynay Naxariistayada walaalkii Haaruun Nabi ahaan

[54] Oo ku xus Kitaabka Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka dhabeeya oo oofiya ballanka uu galo, oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah

[55] Oo wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaad iyo Sako, oo wuxuu ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay

[56] Oo ku xus Kitaabka Idriis. Xaqiiq Wuxuu ahaa run badane Nabi ah

[57] Oo Waxaanu kor ugu qaadnay meel aad u sarreysa

[58] Kuwaasu waxay ahaayeen kuwii uu Allaah u nicmeeyey ka mid ah Nabiyadii, ka mid ah durriyadii Aadam, iyo kuwii aan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo kuwo ka mid ah durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub)_iyo kuwo ka mid ah kuwii aan hanuuninnay oo doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhaceen dhulka sujuud iyo oohin

[59] Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato; marka waxay la kulmi doonaan hoog

[60] Marka laga reebo kan toobad keena, ee isagu rumeysan (Xaqa), ee sama fala . Kuwaasu waxay geli doonaan Jannada, iyagoo aan waxba laga dhimeyn

[61] Beero nagaya oo uu Naxariistaha ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Xaqiiq ,Yaboohiisu waa kii yimaada

[62] Kuma ay maqli doonaan gudaheeda wax Hadal xun ah, waa uun Salaamo (is nabaadin). Oo Waxay lahaan doonaan risiqooda gudaheeda subax iyo galabba (macnaha kala go' la'aan)

[63] Taasu waa Jannada aan dhaxalsiin doonno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha

[64] (Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa10. Isaga baa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashayada ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba, oo marnaba ma aha Rabbigaa mid wax halmaama

[65] Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, ee caabud oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah

[66] Oo Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markii aan dhinto, miyaa la I soo bixin doonaa anigoo nool?”

[67] Mawuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoo aan waxba ahayn

[68] Ee Rabbigaa baan ku dhaartaye, hubaal waanu soo kulmin doonnaa iyaga iyo shaydaammadaba, markaasaa waxaanu keeni doonnaa hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan

[69] Markaas waxaan hubaal ka soo siibi doonnaa shiico walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka

[70] Oo hubaal waa Annaga kuwa dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda

[71] Oo ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mari doonin (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman

[72] Markaas waxaanu badbaadin doonnaa kuwii iska jiray (xumaha). Oo uga tegi doonnaa gar ma qaatayaasha dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan

[73] Oo marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeysan, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican

[74] Intee baana fac halaagnay hortood, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa

[75] Dheh, "kii ku jira habow, haddaba Raxmaanku ha u fidiyo waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga) , jeer marka ay arkaan wixii loo ballan qaaday, oo ah ama cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaamaha), _way ogaan doonaan kii ugu xun degmo ahaan oo liita ciidan ahaan

[76] Oo Allaah wuxuu u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Oo camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan

[77] Ee Ma aragtay kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin doonaa (Aakhiro) maal iyo carruur12.”

[78] Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan

[79] Mayee’ waanu qori doonnaa waxa uu yidhaahdo, oo waan u kordhin doonnaa cadaabka oo u fidin doonnaa fidin

[80] Oo Waxaan ka dhaxli doonnaa waxa uu ka hadlo oo dhan oo wuxuu noo iman doonaa isagoo keli ah

[81] Oo waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah), si ay u siiyaan ciso

[82] Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, oo way ka soo hor jeesan doonaan col ahaan (Maalinta Qiyaamaha)

[83] Miyaadan arag inaan ku soo dirnay shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah)

[84] Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro13 (maalmo go’an)

[85] Maalinta aan u soo gelbin doonno kuwa iska jira (xumaha) xagga Raxmaanka iyagoo wafdi (sharaf leh) ah

[86] Oo aan u soo kaxeyn doonno dambiilayaasha Naarta iyagoo la asqoobay harraad

[87] Oo cidina uma lahaan doonto (awood) shafeeco, mid maahee isagu ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan

[88] Oo waxay yidhaahdaan: Raxamaanku wuxuu yeeshay wiil

[89] Waxaad fasheen (oo ku hadasheen ) wax aad u fool xun

[90] Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, oo uu dhulkuna kala jeexmo, oo ay buuruhuna isku dumaan

[91] Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil

[92] Oo kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil

[93] Ma jiro wax ku sugan samooyinka iyo arlada bal wuxuu u imaan Raxmaanka isagoo addoon ah

[94] Dhab ahaan waa uu koobay oo tiriyey dhamamaan tirin dhan

[95] Ooo Qof walbaa dhammaantood wuxuu u iman doonaa Maalinta Qiyaamaha isagoo keli ah

[96] Xaqiiq, Kuwa (Xaqa) rumeysan ee samaha fala, Raxmaanku wuxuu u yeeli doonaa kalgacayl (qalbiyada mu’miniinta)

[97] Ee (Muxammadow) waxaan uun ugu yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso kuwa iska jira (xumaha), oo aad ugu digto qolo muran badan

[98] Oo intee baan halaagnay hortood ummad, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah

Daa-Haa

Surah 20

[1] Taa Haa

[2] Kuuguma aanu soo waxyoon Qur’aanka inaad ku hungowdo

[3] Mayee, waa u waano ciddii ka cabsata (Ilaahay)

[4] Waa waxyi ka yimid (xagga Allaah ee ah) Kan abuuray arlada iyo samooyinka sare

[5] Raxmaanku (Allaah)wuxuu kor ahaaday) Carshigiisa dushiisha (si u qalanta)

[6] Isaga baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa arlada ah iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska

[7] Oo haddii aad kor codka ugu qaaddo hadalka, haddaba hubaal, Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan

[8] Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada aad u Wanaagga iyo Quruxda Badan

[9] Oo qisadii Muuse ma ku soo gaadhay

[10] Markii uu arkay dab, markaasuu wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Jooga halkan! Waxaan hubaal arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka wax i tilmaama

[11] Ee markii uu yimid meeshii uu ka ifiyey dabku, waa loo yeedhay: Muusow

[12] Anigu waxaan hubaal ahay Rabbigaa! Ee iska bixi kabahaaga, waxaad hubaal joogtaa togga daahirka ah, ee Duwaa

[13] Oo Aniga baa ku doortay ee dhegayso waxaa laguu waxyoodo

[14] Hubaal Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Aniga ( oo Keliya) i caabud, oo u oog salaadda Xuskayga

[15] Hubaal, Saacaddu waa imaanaysaa _ waxaan ku sigtaa inaan ka yeelo caddaan3_si naf walba loogu abaal mariyo waxa ay u dadaasho

[16] “Ee yaanu mid aan Rumaysnayn oo raaca waxa ay naftii jeceshay kaa weecin xaggeeda4, markaas waad halaagsami

[17] Oo waa maxay waxakani ku jiraa midigtaada Muusow ?”

[18] Wuxuu yidhi: “ Waa ushayda, waan cuskadaa, oo waxaan ku garaacaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, oo waxaa iigu jira dano kale.”

[19] (Allaah) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”

[20] Markaasuu tuuray, mise! Waa mas ordaya

[21] (Allaah) wuxuu yidhi: “Qaado, oo ha cabsan, Waxaanu ku celin doonnaa sideedii hore

[22] Oo ku qabo gacantaada dhinacaagaga, waxay soo bixi doontaa iyadoo caddaan ah (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale

[23] “Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn

[24] “U tag Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”

[25] (Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda

[26] “Oo ii fududee arrinkayga

[27] Oo ka fur guntinta carrabkayga

[28] “Si ay u fahmaan hadalkayga

[29] “Oo ii yeel wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga

[30] Haaruun, walaalkay

[31] “Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga)

[32] “Oo igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada)

[33] “Si aan kuu xurmo weyneenno oo nazahno in badan

[34] “Oo aan kuu xusno in badan

[35] Hubaal Adigu Waxaad tahay Mid mar walba na Arka

[36] (Allaah) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow

[37] “Oo waxaan kuu nicmeennay waqti kale (oo hore)

[38] “Markii aan u waxyoonnay hooyadaa wixii aan u waxyoonnay

[39] Waxaan ku nidhi: ‘Dhex geli isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri doonaa xeebta, halkaas waxaa qaadan doona mid cadow ii ah, oo isagana cadow u ah! Oo Waxaan ku tuuray dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah5, iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa ilaalinteyda iyo ogaanshaheyga)

[40] “(Oo waxaan kuu galnay wanaag) markii ay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korineysa (nuujineysa) isaga? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Oo waxaad dishay nin6, waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, oo waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Markaas waxaad halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow

[41] Oo Waxaan kuu soo saaray Nafteyda

[42] “La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, oo ha ka daalina Xuskayga

[43] Aada labadiinnuba xagga Fircoon, Xaqiiq, waa uu xadgudabaye

[44] “Oo kula hadla hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama uu ka baqaa (Ilaahay)

[45] Waxay yidhaahdeen: “Rabbiyow! Waxaanu ka cabsan inuu nagu soo degdego si uu noogu gabood falo ama u dhaqmaa si xadgudub badan

[46] (Allaah) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, hubaal Anigaa idin la jira labadiinnaba, waan maqlayaa oo arkayaa

[47] Ee u taga labadiinnuba isaga (Fircoon) oo dhahaya: hubaal waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil oo ha dhibin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Oo Nabad korkiisa ha ahaato8 kan raaca hunuunka

[48] Hubaal Waxaa naloo waxyooday in cadaab ku dhici doono mid kastoo (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”

[49] (Fircoon) wuxuu yidhi: “Oo waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”

[50] (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo markaa u tilmaamay (yoolkeed).”

[51] (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ee ka warran xaalka facyadii hore?.”

[52] (Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal. Rabbigay ma gefo, oo wax ma halmaamo_”

[53] Waa (Isaga) Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, oo ka soo shubay biyo xagga daruurta, markaas baan ku soo saarnay dhir noocyo kala duwan ah

[54] Ee (wax ka) cuna (halkaa) oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (lagu cibrad qaato) kuwa garashada leh

[55] Xaggeeda (arlada) ayaan idinka abuurnay, oo gudaheeda baan idinku celin doonnaa, oo xaggeeda baan idinka soo dhex saari doonnaa mar kale

[56] Oo xaqiiq waxaan tusnay isaga (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase uu dafiray oo diiday

[57] Wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow

[58] Haddaba Waxaan innaguna hubaal kuula iman doonnaa sixir la mid ah; ee noo qabo ballan aan ku kulanno annaga iyo adiguba, oo aanaan ka dib dhici doonin annagu iyo adiguba midna oo meel fagaare ah

[59] (Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, marka dadku isu soo ururaan barqadii.”

[60] Markaasuu Fircoon tagey, oo isu keenay tabihiisii, markaas yimid

[61] Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Ilaahay si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Oo kii la yimaadaa (been) xaqiiq waa mid hoogay oo halaagsamay.”

[62] Markaas bay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda

[63] “Waxay yidhaahdeen: Kuwani hubaal waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (diintiinna ama dhaqanka iyo caadadiinna)

[64] “Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa dhabtii liibaani doona maanta kii adkaada ”

[65] Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ma adigaa hor tuuri ama annaga baa ahaanna kuwa hor tuuri?”

[66] Wuxuu yidhi: “Mayee, tuura idinka (marka hore)! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordayaan

[67] Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi

[68] Waxaanu nidhi: Ha cabsan, hubaal, waa adiga kan sarreyn doona

[69] Oo tuur waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqliqi waxa ay sameeyeen, waxa ay sameeyeen wax kale ma aha ee waa oo keliya xeelad saaxir,saaxirna mar- naba ma liibaano, meel uu ka yimaadaba

[70] Oo sixiroolayaashii waxaa loo riday hoos iyagoo sujuudaya10. Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeysannahay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”

[71] (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyneysaan ka hor inta aanan idiin idmin? hubaal, Waa ka idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan xaqiiq u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, oo waxaan xaqiiq idinku daldali doonaa jirridaha geedaha timrta, oo xaqiiq waad ogaan doontaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan

[72] Waxay yidhaahdeen: “Marnaba kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray11. Ee go'aami wixii aad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka

[73] Hubaal annagu waxaan rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxa aad nagu khasabtay ee sixir ah. oo Allaah baa khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’in sanaan badan12 (cadaab ahaan)

[74] Hubaal, mid kastoo u yimaada Rabbigiis isagoo dambiile ah, hubaal, abaalkiisu waa Naar, uusan ku dhiman doonin, kuna noolaan doonin

[75] Mid kastoo se u yimaada (Allaah) isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi baa mudan doona derejooyinka sare (meeqaan ahan)

[76] Beero ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oo ay ku dhex waari doonaan weligood: oo kaasi waa abaalka kan daahiriya naftiisa13 (shirkiga iyo macaasida)

[77] Oo Waxaan dhab ahaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo ku leh):” Guura ku bax habeenkii iyagoo ay ku wehliyaan addoomahayga oo uga jeex waddo badda dhexdeeda qallalan14, adigoo aan ka cabsan doonin inuu ku qabto oo ku soo gaaro (Fircoon) oo aan ka cabsan doonin (inaad ku qaraqanto badda)

[78] Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, oo waxaa halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay

[79] Oo Fircoon wuxuu marin habaabiyey qolodiisii, oo ma uu hanuunin

[80] Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka samata bixinnay cadowgiinnii, oo waxaan idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta, oo Waxaan idiin soo dejinnay Manna (macaan_malab)_iyo Salwaa (shim- bir hilib wanaagsan)

[81] (Annagoo leh) cuna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, oo ha ku xadugudbina (dhulka ) dhexdiis (ama ha ku gardarroonina dadka kale), yeysan idinku dhicin Cadhadayduye. Oo kii ay ku dhacdo cadhadaydu hubaal waa uu halaagsamay

[82] Oo hubaal Anigu waan u dambi Dhaaf Badanahay mid kastoo isagu toobad keena oo (Xaqa rumeysan oo sama fala,markaas- na hanuunka ku sugnaada oo toosnaada)

[83] (Allaah wuxuu yidhi), “Oo maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”

[84] Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, oo waan kuu soo deg-degay Rabbigayow si aad u raalli ahaato

[85] (Allaah) wuxuu yidhi: Annagu se waxaan dhabtii imtixaannay qolodaadii gadaashaa (intii aad ka soo tagtay kaddib), oo Saamirigii baa lumiyey.’

[86] Markaas Muuse buu u noqday qolodiisii isagoo cadheysan oo calool xun, Wuxuu yidhi: “Dadkaygiyow! Ma wuusan Rabbigiin idiin qaadin ballan qaad wanaagsan16? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad dooneyseen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin ah, oo aad markaas ka baxdeen ballankii (wax maqlidda) aad ila gasheen?”

[87] Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, laakiinse waxaa nala saaray culaysyo ka mid ah qalabkii reer (Fircoon) isku qur- xin jireen17 ah, markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaas oo kale ayuu As-Saamiri u tuuray

[88] Oo wuxuu uga soo saaray (sawir) dibi leh cida dibiga. Oo waxay yidhaahdeen: "Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay

[89] Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna

[90] Oo Haaruun wuxuu ku yidhi ka hor (intaanu soo laaban Muuse): “Dadkaygiyow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, oo hubaal, Rabbigiin waa (Allaah) Raxmaanka (Naxariistaha), ee i soo raaca oo adeeca amarkayga.”

[91] Waxay yidhaahdeen: “Ma deyn doonno caabudidda (dibiga) jeer uu noo soo noqdo Muuse.”

[92] (Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday (inaad ka reebto); markii aad aragtay inay lumayaan

[93] In aad I soo raacdo? Ee ma waxaad caasiday amarkaygii

[94] Haaruun wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Hubaal anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil dhexdooda, oo ma aadan dhowrin (ama sugin) qowlkeyga.”

[95] (Muuse) wuxuu yidhi: “Oo muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow

[96] Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Markaas waxaan ka soo qaaatay sacab muggi (oo ciid ah) raadkii Rasuulka18 (Faraskii jabriil) oo ku tuuray (dabkii lagu riday qalabkii ay isku qurxin jireen si aan uga sameeyo sawir dibi). Sidaas bay ii qurxisay nafteydu

[97] (Muuse) wuxuu yidhi: haddaba tag oo naga fagow! Oo hubaal, waxaa go’aan ah noloshan inaad tidhaahdo waa lay gooyey19, oo hubaal waxaa kale oo aad leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabta Aakhiro). Oo dhugo ilaahaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. hubaal waanu gubi doonnaa (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku qarxinno oo waxba aanu ka hari doonin.’

[98] Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuuna ku koobay wax walba Cilmi

[99] Sidaas baan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Oo Waxaanu xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan)

[100] Mid kastoo ka jeesta wuxuu markaas xambaaran doonaa Maalinta Qiyaame culaab culus (dambi aad u weyn)

[101] Iyagoo ku dhex waari (cadaabta). Oo waa wax u xun iyaga maalinta Qiyaamaha culaab ahaan

[102] Maaalinta buunka la afuufi doono20 (afuufka labaad): oo waxaan isu soo kulmin doonnaa Dambiilayaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan

[103] Oo hoos u wada hadlaya oo isku sheegaya: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”

[104] Annaga baa ka ogsoon waxa ay leeyihiin, marka kooda ugu jid wanaagsani odhan doono, “Ma aydaan joogin (adduunka) waxaan aheyn maalin.”

[105] Oo waxay wax kaa weydiiyaan buuraha, markaa dheh: Rabbigay baa ku baabbi’n doona qarax isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah

[106] Oo wuxuu ka yeeli doonaa (arlada) meel ban siman ah

[107] Aad ku dhex arki doonin meel hoosaysa ama sarreysa.”

[108] Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci doonaa (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoo aan leexleexasho lahayn. Oo codadka oo dhan waxay ahaan doonaan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Allaah) horti, marka ma maqli doontid waxaan aheyn shanqarta socodka (lugahooda)

[109] Maalintaas shafeeco wax ma tari doonto, mid maahee uu Raxmaanku (Alle) u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa

[110] Wuxuu (Allaah) ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi

[111] Oo dhammaan wejiyadu waxay ku khushuuci doonaan (Allaah horti), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha waxa uunka jira oo dhan. Oo waxaa xaqiiq hoogi doona kan isagu geysta gef uu ka galo (Allaah ama aadmiga)

[112] Kan se isagu samo fala isagoo mu’min ah, ma ka cabsan doono gef loo geysto iyo wax loo dhimo midna

[113] Oo sidaas baan ugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (xumaha), ama uu ku dhaliyo waantow (ama u noqdo wax lagu xusuusto)

[114] Ee waxaa ka Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uunanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”

[115] Oo waxaan xaqiiq la galnay ballan Aadam mar hore23, wuuse illoobay, oo kama aanu helin go’aan adag

[116] Oo (xus) markii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda (sujuud slaan ah) Aadam oo way sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday

[117] Markaasaan Waxaanu nidhi: Aadamow! Xaqiiq, kani waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibaatoon

[118] Hubaal waxaad (ballan) ku heysataa inaadan ku gaajoon doonin dhexdeeda kuna arradi doonin

[119] Oo hubaal aad ku harraadi doonin, qorrax kulkeedna kugu dhici doonin

[120] Markaasuu shaydaan hoos wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan weligeed dhammaan doonin?”

[121] Markaasay iyagu (Aadam iyo xaaskiisa) wax ka cuneen, markaas ayey cawradoodii u muuqatay, oo waxay billaabeen inay ku nab nabaan korkooda caleemihii Jannada. Oo Aadam wuxuu ku caasiyey Rabbigi, oo gef galay

[122] Markaasuu Rabbigiis doortay oo ku galladeystay dambi dhaaf oo hanuuniyey

[123] (Allaah) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, (firkiinna) waa u cadow qaarba qaarka kale. Oo haddii uu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, markaa mid kastoo raaca hanuunkayga ma ku lumi doono (adduunkan), mana ku dar xumaan doono (Aakhirada)

[124] Oo mid kastoo ka jeesta waanadayda, hubaal wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, oo waxaa la shir keeni (oo la soo bixin) iMaalinta Qiyaamaha isagoo indha la

[125] Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad iiga soo saartay (iilka oo i shir keentay Qiyaamaha) anigoo indha la’ anigoo (hadda ka hor) wax arki jiray ”

[126] (Allaah) wuxuu odhan: Sidaas oo kale waxaa kuu yimid calaamooyinkayagii, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi doonaa (Naarta).”

[127] Oo sidaas oo kale baan u abaal marinaa kan isagu xadgudba, oo aan ru- meyn calaamooyinka Rabbigii, oo cadaabta Aakhiro ayaa sii daran oo joogto daa'in ah

[128] Haddaba, miyaanay u caddaan iyaga inta aan ummado hallignay iyaga hortood oo ay ku dul socdaan guryahoodii? Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin kuwaasi leh garaadka

[129] Oo haddii aanay jiri lahayn Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa , in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani, waxaa ku waajibi laheyd25 (cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka)

[130] Ee u samir yeelo waxa ay leeyihiin, oo ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo (tuko) qaar ka mid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad u raali noqotid

[131] Oo ha u taagin indhahaaga waxa aan ugu raaxaynay lammaano kala duwan oo iyaga ka mid ah, (wax kale maahee) waa quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, oo risiqa Rabbigaa baa ka khayr badan oo ka daa’in san

[132] Oo ku amar salaadda ehelkaaga (iyo dadkaba), oo ku samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annaga baa ku irsaaqeyna. Oo Cidhibta wanaagsan (Jannada) waxaa leh kuwa iska jira (xumaha)

[133] Oo waxay yidhaahdaan: Muxuu noogu keeni waayey calaamad xagga Rabbigii ah?” Oo miyaanay u imaan caddeyn wixii (ku yaallay) Kutubtii hore

[134] Oo haddii aan ku halaagi laheyn cadaab isaga ka hor26, waxay hubaal odhan lahaayeen: Rabbiyow! Maxaad noogu soo diri weydey Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga, ka hor inta aanaan ahaan kuwa dulloobay oo dufoobay

[135] Dheh: Mid walba annaga iyo idinka wax buu sugayaaye ee suga27, waxaad dhowaan ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kan isagu hanuunsan

Al-Anbiyaa

Surah 21

[1] (Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamaha) baa u soo dhowaada dadka halka iyagu ay dhoohnaan la sii jeedaan

[2] Ma jiro Xus ( Waxyi) uga yimaado isagoo cusub xagga Rabbbigood, bal waxay dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya

[3] Oo qalbiyadoodu ka maan la' yihiin, oo kuwaa fala gefka (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan wada hadalkooda sirta ah (iyagoo leh): Kani (Nabigan) ma wax aan ahayn baa qof idinka oo kale ah ? Ma waxaad aqabaleysaan sixir idinkoo arka

[4] Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl1 (kasta) (oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arladaba. Oo Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.”

[5] Bal waxay yidhaahdaan: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray! _mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore

[6] Ma jirin magaalo aan halaagnay oo rumeysey iyaga hortood (inkastoo ay shaahideen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyaga baa rumeyn doona

[7] Oo ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (dhambaalka), ee bal weydiiya ehlu dikirka (Kitaabka) haddii aydaan wax ogeyn

[8] Oo uma aan yeelin iyaga (anbiyada) jirar aan cunin cunto2 (sida malaa’igta), oo ma aheyn kuwo aan dhiman oo ku waara (arlada)

[9] Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay oo waanu badbaadinnay iyaga iyo ciddii aan doonnay oo waxaanu hallignay xad gudbayaashii

[10] Waxaan xaqiiq idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan3 xuskiinna (sharaftiinna) Ee miyeydaan haddaba garasho lahayn

[11] Oo intee baan magaalo ay dadkeedu gef galeen baabi’innay4, oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale

[12] Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan

[13] Ha cararina (haatan), ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna , si wax la idiin weydiiyo

[14] Waxay yidhaahdeen: (Alla) balo ha nagu dhacdee! Waxanynu ahayn gar diid

[15] Oo calaalcalkoodaas ma ay deyn ilaa aan dabar goynay, oo baqtiyeen (dambas noqdeen)

[16] Oo uma aan abuurin samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel

[17] Haddii aan rabno inaan yeelanno madaddaallo6, waxaan hubaal ka yeelan lahayn Xaggayaga, haddii aan sidaas falayno

[18] Bal waxaan Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa; oo hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed

[19] Oo Wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada Isagaa leh; oo kuwa agtiisa jooga ee u dhow (malaa’igta) iskama weyneeyaan cibaadadiisa, oo kama gaabshaan

[20] Waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan habeen iyo maalinba, oo kama daalaan

[21] Mise waxay yeesheen (si ay u caabudaan) ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya

[22] Haddii ay ahaan lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Allaah, xaqiiq way fasaadi lahaayeen. Wuu ka ceeb tiran yahay Allaah, Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay u tiirshaan

[23] Lama weydiiyo waxa uu falo, halka iyaga la weydiin doono

[24] Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay8. Bal badankoodu ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan

[25] Oo ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna oo aan u waxyoon (Annagoo leh), "ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga ahayn, ee i caabuda (Aniga oo keliya).”

[26] Oo waxay yidhaahdaan: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka ceeb tiran yahay, balse9 waa addoom la sharfay

[27] Kagama hormaraan hadal, oo amarkiisa uun bay iyagu ku camal falaan

[28] Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, oo uma shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee. Oo cabsidiisa bay la xurmo weeyaan

[29] Oo mid kastoo ka mid ah ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Naar. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa gar ma qaatayaasha

[30] Oo miyaanay kuwa gaalooba arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, oo Waxaan ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay haddaba rumayn doonin

[31] Oo Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, oo waxaanu yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan

[32] Oo Waxaanu ka dhignay samada saqaf ilaashan. Oo waliba iyagu waa ka jeesadaan calaamadaheeda

[33] Oo Waa Isaga Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda

[34] Oo kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey mid waara. Ee haddaba haddii aad adigu dhimato ma iyaga baa waari doona

[35] Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, oo waxaanu idinku imtixaani doonnaa shar iyo khayrba kala saar darteed, oo Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa

[36] Oo marka ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) ku arkaan, kaama dhigtaan waxaan ahayn dheeldheel (oo waxay yidhaahdaan):” Oo ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay diidaan xuska Allaha Raxmaanka ah

[37] Waxaa lagu abuuray aadmiga degdeg, waxaan haatan idin tusi doonaa calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo

[38] Oo waxay odhan: “Goorma bay gooddin- tani dhici doontaa haddii aad tihiin kuwo run sheegi?”

[39] Haddii ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) uun ogaan lahaayeen (waqtiga) marka aanay kari doonin inay ka ceshaan Naarta wejiyadooda iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaari doonin (ma degdegsadeen Cadaabka)

[40] Bal, waxay ugu iman doontaa kedo, oo way jahawareerin doontaa, marka ma kari doonaan weecinteeda, loomana sugi doono

[41] Oo xaqiiq Rusul (badan) oo kaa horreeyey baa lagu jeesjeesay, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ka mid ahaa ee ku jeesjeesay wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen

[42] Dheh: “Yaa idinka dhowra habeen iyo maalinba xagga Naxariistaha (Allaah)? Bal, waxay iyagu ka sii jeesadaan xusidda Rabbigood

[43] Mise waxay leeyihiin ilaahyo ka dhicin kara Ciqaabtayada? Ma lahaan doonaan awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga difaaco innaga

[44] Bal, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba xitaa cimriga loo dheereeyey (markaasay wax is bideen)11 miyaanay haddaba arag inaan nimaanno arlada oo ka naaqusinno cirifyadiisa? Ee ma iyagaa haddaba adkaan doona

[45] Dheh waxaan uun idiinku digayaa waxyi (ka yimid Allaah). Oo kuwa dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa mar kastoo iyaga loo digo

[46] Oo haddii hur ka mid ah cadaabta Rabbigaa uu taaban lahaa, waxay hubaal odhan doonaan: Balo ha nagu dhacdee! Waxaan hubaal ahayn gar ma qaatayaal

[47] Oo Waxaanu dhigi doonnaa miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, marka nafna loolama dhaqmi doono si gardarro ah in yarba ha ahaatee, oo haddii ay ku tahay wax le’eg iniinta sisinta (ama wax ka yar ama wax ka weyn) (weliba) waanu keeni doonnaa. Oo Annagaa ku filan inaan idin xisaabinno

[48] Oo xaqiiq waxaan siinaay Muuse iyo Haaruun Furqaanka (kala sooce samaanta iyo xumaanta), iyo iftiin iyo waano ay12 leeyihiin kuwa iska jira (xumaha)

[49] Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba), oo iyagu13 aad uga cabsada Saacadda (Qiyaame)

[50] Oo kani (Qur'aanku) waa waano barakaysan aan soo waxyoonnay, ee miyaad haddaba diidi doontaan

[51] Oo xaqiiq waxaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka,15 oo Waxaaanu u ogeyn si dhan oo wanaagsan

[52] Markii uu ku yidhi aabbihii iyo dadkiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabuddaan)?”

[53] Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”

[54] Wuxuu yidhi: “Xaqiiq waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow caddaan ah?.”

[55] Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noo keentay xaq, mise adigu waxaad ka mid tahay ciyaartoyda?.”

[56] Wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan ifka u soo bixiyey, oo aniga waxaan ka mid ahay kuwa ka markhaati kaca arrinkani

[57] Oo Wallaahi, Waxaan hubaal u degi doonaa qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) sannammadiinna marka aad tagtaan oo dhabarka jeedisaan16?”

[58] Markaas buu ka dhigay digada (dhammaantood) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u soo noqdaan (oo ay weydiiyaan)

[59] Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi hubaal waa mid ka mid ah kuwa gefa?”

[60] Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.”

[61] Waxay yidhaahdeen: “Haddaba keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan17?.”

[62] Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow

[63] (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Bal ’ waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee bal weydiiya haddii ay hadli karaan!”

[64] Markaas bay nafahoodii dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: “hubaal, idinka naf ahaantiinna baa ku jira gef.”

[65] Markaasaa laga yeelay inay madax hoos u rogtaan18 (oo yidhaahdeen): Waad ogsoon tahay inayan kuwakani hadlin

[66] (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad haddaba caabuddaan Allaah sokadi waxaan waxba idin tarin waxbana idin yeelin

[67] “Uf baad leedihiin idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi. Miyeydaan haddaba garasho lahayn?”

[68] Waxay yidhaahdeen: “Guba isaga oo u gargaara ilaahyadiinna, haddii aad (wax) falaysaan.”

[69] Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibrahiim!”

[70] Oo waxay la dooneen shirqool, ha yeeshee waxaan ka yeelnay iyaga kuwa ugu khasaaraha badan

[71] Oo Waxaan badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii19 aan u barakaynay dadka oo dhan

[72] Oo Waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, oo mid walbaa waxaan ka dhignay dhammaan kuwo wanaagsan

[73] Oo Waxaanu ka dhignay hoggaami- yeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, oo Waxaanu u waxyoonnay falidda khayraadka, iyo u oogidda salaadda si wanaagsan, iyo bixinta sakada, Oo waxay ahaayeen kuwo Annaga na caabuda

[74] Oo (ma) Luud, Waxaanu siinnay Xukun iyo cilmi, oo Waxaanu ka badbaadinnay magaaladii ahayd mid fasha xumaha20. Hubaal waxay ahaayeen qolo xun oo caasiyaal ah

[75] Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada, hubaal wuxuu (Luud) ka mid ahaa inta wanaagsan

[76] Oo Nuux, waa tii uu noo dhawaaqday kol hore21. Markaasaan ka ajiibnay bariyadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (hafintii dadkiisii)

[77] Oo Waan uga gargaannay dadkii beeniyey Aayadahayaga, hubaal, waxay ahaayeen dad xun, mrkaasaan hafinnay dhammaantood

[78] Oo Daawuud iyo Sulaymaan, markii ay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay adhi dad leeyihiin, oo Waxaanu ka aheyn garsoorkoodii goob joog

[79] Markaasaan fahansiinnay Sulaymaan, mid walbana oo ka mid ah waxaan siinnay xukun iyo cilmi, oo Waxaan ka yeelnay buuraha iyo shimbiraha inay Daawuud la qaadaan Alle amaanka. Oo Waa Annaga kuwa falay22 (waxaasi oo idil)

[80] Oo Waxaanu barnay isaga sameynta jaakado bir ah aad leedihiin idinka si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin haddaba kuwa shurkri naqaya

[81] Oo (waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabaysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay. Oo Waxaanu nahay kuwo wax walba Ogsoon

[82] Oo waxaa ka mid ahaa Shaydaammada (dadka iyo jinkaba leh) kuwo u quusa (badda), oo u fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Oo Waa Annaga kuwa dhowrayey

[83] Oo Ayyuub, waa tii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Dhibaataa igu dhacday, oo Adigu waxaad tahay Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”

[84] Markaasaan ajiibnay, oo Waxaan ka feydnay dhibtii haysey, oo waxaan siinnay ehelkiisii (uu waayey), iyo in le’eg oo wehlisa,_ Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus ay u ahaato kuwa na caabuda

[85] Oo Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, giddigood waxay ka mid ahaayeen kuwa samir yeesha

[86] Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada. Hubaal waxay ka mid ahaayeen inta wanaagsan

[87] Oo (xus) saaxiibkii nibirigu (Yuunus) waa tii uu tegay isagoo (u) cadheysan (dadkii loo diray) 24, oo wuxuu mooday inaanan ku ciriiryi doonin (caloosha nibriga ama aan qabanayn)25! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyada dhexdooda26 (isagoo leh): Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn. Adigaa Ceeb tiran, hubaal waxaan anigu ka mid ahay geflowyada

[88] Markaasaan ajiibnnay baryadiisii, oo ka badbaadinnay murugadii. Oo sidaas oo kale baan u badbaadinnaa mu’miniinta

[89] Oo Sakariya, markii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! ha igu dhaafin keli, Oo Adigaa u Kheyr roon dhaxlayaasha.”

[90] Markaasaan ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, oo u hagaajinnay xaaskiisii. hubaal, waxay iskula tartami jireen sama falka oo noo baryi jireen si rajo iyo cabsiba leh, oo waxay ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san)

[91] Iyo tii xafidday jirkeeda (Maryam), markaasaan ku afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (afuufidda) Ruuxayaga (Jibriil), Oo Waxaan uga dhignay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka

[92] Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah27, Oo Anigu waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda ( Aniga oo keliya)

[93] Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda28. Xaggayaga bay giddi u soo wada noqon doonaan

[94] Ee mid kastoo samo fala isagoo mu’miin ah, lama burin doono ajarka dadaalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa

[95] Oo Waa wax saaran magaalo kasta aan halaagno inayan dib u soo laaban doonin

[96] Xitaa marka Yuug iyo Yamaayuug laga soo furo (moos xirkii), oo waxay ka soo dhici doonaan taag walba si degdeg ah

[97] Oo Yabooha Xaqa ah wuu soo dhowaan doonaa. Mise markaa, waxaad arki doontaa indhaha kuwii Xaqa diiday oo dhaygagsan. (Waxay odhan doonaan)” Alla balo ha nagu dhacdee! Hubaal waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani;bal waxaanu aheyn kuwo gefsan

[98] Hubaal Idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi, waxaad ahaan doontaan shidaalka Naarta, xaggeeda baad idinku geli doontaan

[99] Haddii ay kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen halkaa (Naarta), oo kulligood waa ay ku waari doonaan

[100] Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan

[101] Hubaal, (ma) kuwa ay hor u martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda waa laga fogeyn doonaa

[102] Ma maqli doonaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waari doona wixii ay nafahooda rabaan

[103] Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamaha) ma murugo gelin doono, oo malaa’iguhu waxay ku soo dhoweyn doonaan (salaan iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay

[104] Maalinta aan u duubi doonno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sida aan u billownay abuuriddii hore, baan ku soo celin doonnaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali doonnaa

[105] Oo xaqiiq Waxaan ku qornay Zabuurka30 (kutubta Ilaahay) kaddib (markii aan horay ugu ) xusnay Dikirka31, in arlada (Jannada) ay dhaxli doonaan addoomahyaga wanaagsan

[106] Hubaal, Kan gudahiisa waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda

[107] Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato caalamka

[108] Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya, ee ma u hoggaansami doontaanaan?”

[109] Haddiise ay jeesadaan, ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Oo ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”

[110] Hubaal Wuxuu Isagu og yahay hadalka kii kor loo qaado, oo wuxuu Og yahay waxa aad qarisaanba

[111] Oo ma ogi, waa intaaso ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda ciqaabtu) iyo raaxo ku eg ilaa muddo

[112] Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ku xukun xaq. Oo Rabbigayo waa Raxmaanka ee laga kaalmaysto waxa aad sheegtaan

Al-Xaj

Surah 22

[1] Dadow! Iska jira (Ciqaabka) Rabbigiin! hubaal, Gariirka saacaddu (Qiyaamahu) waa wax murugo weyn oo daran

[2] Maalinta marka aad arki doontaan, haweeney kastoo ilmo nuujinaysay waxay ka tegi doontaa isku daran darti ilmahay naaska nuujisay, oo haweeney walboo uur leh way dhicin doontaa waxa ay uur ku siddo, oo waxaad arki doontaa dadka oo sakhraansan, mana ahaan doonaan kuwo sakhraansan, laakiinse Cadaabka Ilaahay baa ahaan doonta mid aad u Daran

[3] Oo waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay cilmi la’aan, oo raaca Shaydaan kastoo fallaago ah

[4] Waxaa loo qoray in mid kastoo gacal ka dhigta (gaal) uu lumin doono, oo ku hagi doono cadaabka hurka badan

[5] Dadow! Haddii aad shaki ka qabtaan soo bixinta, haddaba hubaal Waxaanu idinka abuurnay ciid, haddana xagga iniin yar, haddana xagga xinjir, haddana xagga rudmo hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Oo Waxaanu ku sugnaa ilmo galeenyada wixii aan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, markaas si aad u gaartaan xooggiina. Oo waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), oo waxaa idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Oo Waxaad aragtaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo shubno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh

[6] Arrinkani waxaa u sabab ah inuu Allaah Xaq yahay, oo uu nooleeyo meytida, iyo inuu wax walba Karo oo awood ku dul leeyahay

[7] Iyo in Saacadda (Qiyaame) imaneyso, oo shaki ku jirin, iyo in Allaah soo bixin doono waxa ku jira qubuuraha

[8] Oo waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay isagoon u haysan cilmi ama hanuun, ama kitaab ifaya

[9] Oo leexiya qoortiisa (kibir darti) si uu uga lumiyo (dadka) Jidka Ilaahay. Kaasi waxaa u sugnaaday noloshan adduunka dulli, oo Waxaan dhadhansiin doonnaa Maalinta Qiyaame cadaabta wax gubta

[10] Arrinkani waa waxay horey u geysteen gacmahaagu, oo Allaah ma aha Mid ku gardarrooda in yarna addoomahiisa

[11] Oo waxaa ka mid ah dadka mid u caabuda Ilaahay si dhinac ka joog ah1 ( shaki qaba); haddii uu khayr helo, ku xasila kheyrka (iyo diinta) haddiise la marsiiyo imtixaan, u gaddooma wejigiisa (gaalooba) wuxuu khasaaraa adduunka iyo aakhiradaba. Kaasi waa khasaaro iska cad

[12] Wuxuu baryaa Allaah sokadi waxaan wax yeeleyn oo aan wax u tareyn, Kaasi waa habowga aad u fog

[13] Wuxuu u yeedhaa oo baryaa mid dhibtiisu uga dhowdahay dheeftiisa; Isaga baa u xun xaqiiq wax laga dhigto gacal, oo u xun xaqiiq wax laga dhigto xigaalo

[14] Hubaal, Allaah wuxuu gelin doonaa kuwa rumeysan oo samaha fala beero ay hoostoodu wabiyo qul-qulaan. hubaal! Allaah wuxuu Falaa wuxuu Doono

[15] Ku kastoo moodaya inaanu Allaah u gargaari doonin (Rasuulkiisa) adduun iyo aakhiraba, ha ka soo daldalsho xadhig saqafka oo qoorta ha iskaga gooyo2 (ha isku ceejiyo), oo markaas ha fiirsho bal sidaas inuu ku ciil beelayo

[16] Oo sidaas baan u soo dejinnay (Qur’aankan) isagoo xujooyin cad ah, oo Allaah wuxuu hanuuniyaa ciddii uu doono

[17] Hubaal, Kuwa (Xaqa) rumeysan (Muslimiinta), iyo kuwa heysta Yuhuudiyada, iyo Saabi’iinta iyo Nasaarada iyo Majuusta iyo kuwa cid kale la wadaajiya Allaah (cibaadada), hubaal, Allaah baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. hubaal! Allaah wax walba waa ka Markhaati oo wuu Arkaa

[18] Sow ma aad arag inay Allaah adeecaan waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo buuraha, iyo geedaha, iyo xoolaha, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, waxaase jira in badan (oo dadka ka mid ah) oo cadaabku u waajibay3. Oo ku kastoo Allaah dulleeyo, ma laha wax darajeyn. Hubaal Allaah wuxuu Falaa wixii uu doono

[19] Kuwani4 waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, marka (ma) kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxaa iyaga loo goyn doonaa maryo Naar ah, biyo kulul oo karaya baa lagu shubi doonaa madaxyadooda korkooda

[20] Waxaa lagula dhalaalin doonaa waxa ku jira uurarkoooda iyo saamaha jirkooda

[21] Oo waxay ku leeyihiin Naarta dubbayaal bir ah (oo lagu garaaco)

[22] Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celin doonaa: “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh

[23] Hubaal, Allaah wuxuu ka yeeli doonaa kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala inay galaan beero ay hoostoodu wabiyo qul-qulaan, waxaa loo xidhi doonaa gudaheeda qurxin darteed shuuliyo dahab iyo luul ah, oo dharkooduna gudaheeda waa xariir

[24] Oo waxaa lagu hanuuniyaa hadalka kiisa wanaagsan, oo waxaa lagu hanuuniyaa Jidka Kan la ammaano

[25] Hubaal (xagga) kuwa rumeysan diida (Xaqa);oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay iyo Masjidka Xaramka oo aan ka dhignay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda5 iyo soo booqdahaba. Oo mid kastoo u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin doonaa cadaab aad u xanuun badan

[26] Oo waa tii aan u cayinnay Ibraahiim halka Beydka caaggan, (Annagoo leh): “Ha ii shariig yeelin waxba, oo u daahiri Baydkayga kuwa sameeya dawaafka, oo u istaaga inay tukadaan, iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”

[27] Oo ugu baaq dadka Xajka, waxay kuugu imaan doonaan lug iyo iyagoo fuushan mid bog-xoodan kasta, waxay ka imaan doonaan tub kasta oo fog

[28] Si ay ugu goob joogaan waxyaalo manaafacaad u leh, oo ay ugu xusaan Magaca Ilaahay maalmo la yaqaan6 korkooda waxa uu siiyey oo ka mid ah duunyada nicmooleyda, ee wax ka cuna, oo wax ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka

[29] Markaas ha dhammmeystiraan7 howlaha ay u baahan yihiin ee leh xiiridda timaha iyo is nadiifinta, oo ha oofiyaan yaboohooda, oo ha ku dawaafaan Baydka horreeyey (Kacbada)

[30] Waa sidaase, oo mid kastoo xurmo weyneeya waxyaalaha uu reebay Allaah8, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Oo waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo (oo laga soo reebay)9 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, oo ka fogaada hadalka beenta ah

[31] Idinkoo u toosan Allaah, oo aan la wadaajin cidna cibaadada, oo mid kastoo u shariig-yeela cid kale Allaah, wuxuu ka dhigan yahay sida mid ka soo dhacay samada oo ay kala dafayaan shimbiruhu, ama sida mid ay ku tuurayso dabayshu meel aad u gun dheer oo fog

[32] Waa sidaase, oo mid kastoo xurmo weyneeya calaamooyinka Ilaahay10, tani hubaal waa camal muujinaya taqwada quluubta

[33] Waxaa idiinku jira (xoolaha loo bixiyey sadaqada) manaafacaad tan iyo muddo magacaaban11 ah, markaas waxaa loo keenaa gowrac Baydka da’da weyn

[34] Oo ummad walba waxaan u yeellay cibaado13 (ciid), si ay ugu xusaan Magaca Ilaahay waxa uu siiyey ee xoolaha nicmooleyda ah, ee Ilaahiinnu waa Ilaah Keliya ee u hoggaansama oo u bishaaree kal samayaasha

[35] Kuwa marka la xuso Allaah ay cabsi ka buuxsanto quluubtoodu, iyo kuwaa u samir yeesha wixii ku dhaca (oo musiiba ah) iyo kuwaa u ooga si wanaagsan salaadda, oo wax (fiican) ka bixiya wax ka mid ah waxa aan siinnay

[36] Oo (ma xagga) ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta) waxaan idiinka dhignay wax ka mid ah calaamooyinka Ilaahay, waxaa idiinku jira khayr badan, ee ku xusa Magaca Ilaahay korkooda iyagoo u safan gowrac14, oo markay u dhacdo dhinac, wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha, sidaas baan idiinku sakhirnay bal inaad shukri naqdaan

[37] Ma ay gaadho Allaah hilibkeedu iyo dhiiggeedu, laakiinse waxa gaara ee aqbalka ah Xaggiisa waa ka dhowrsoonidiinna (xumaha). Sidaas buu idiinku sakhiray si aad u weyneysaan Allaah hanuunka uu idin hanuuniyey darteed, oo u bishaaree sama falayaasha

[38] Hubaal, Allaah wuu difaaci addoomahiisa rumeysan. Hubaal, Allaah ma jecla mid kasta oo khaa’in ah, abaal dhac badan

[39] Idan (inay daggaalaamaan) baa la siiyey kuwa dagaalka lagu hayo in la dulmiyey darteed15, oo Allaah waa uu Karaa inuu guul siiyo

[40] Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro, iyaga oo aan waxba geysan, inay yidhaahdaan maahee: Rabbigayo waa Allaah.” Oo haddii aan Allaah ku difaaceyn dadka qaarkoodba qaar, xaqiiq waxaa dumi lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, iyo masaajidyo gudahooda Magaca Ilaahay in badan lagu xuso. Oo Allaah, waa u gargaari doonaa kuwa u gargaara (Arrinkiisa_Kor yeelidda Diinta), xaqiiq, Allaah waa Xoog Badane, Awood Badan

[41] Kuwa iyagu haddaan ku siinno awood arlada, amra in la oogo salaadda, oo la bixiyo Zakada, oo amra dadka samaha, oo ka reeba xumaha. Oo Allaah baa ka taliya aayaha arrimaha oo idil

[42] Oo haddii ay ku beeniyaan, haddaba waxaa hortood iyaga beeniyey (anbiyadii) qolodii Nuux, Caad, iyo Thamuud

[43] Iyo qolodii Ibraahiim iyo qolodii Luud

[44] Iyo qolodii Madyanba, oo Muuse (sidoo kale) waa la beeniyey, markaas baan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna soo ma aan qaban, ee sidee bay (mid daran u aheyd) inkaartii ku dhacday

[45] Oo badanaa inta magaalo aan rognay iyagoo gardaran, sidaa darteed iyadu ku dambaysay burbur (ilaa iyo maanta), (oo badanaa) inta ceel laga qaxay iyo daaro waaweyn

[46] Oo miyaanay ku maran dhulka socdaal, si ay u yeeshaan qalbiyo ay wax ku gartaan iyo dhego ay wax ku maqlaan? Oo hubaal, Ma aha indha beel isha oo arag beesha, ee indha beel waa arag beelka quluubta ku jira laabaha

[47] Oo waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabta. Oo Allaah marnaba kama baxo Ballankiisa. Oo hubaal, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay la mid tahay kun sano waxa aad idinku tirsataan

[48] Oo badanaa inta magaalo aan u seeto dheereeyey iyadoo la ceegaagan caddaalad darro, kaddib aan qabtay Oo waa Xaggeyga halka loo soo laabmayo

[49] Dheh: “Dadow! Waxaan oo keliya anigu idiin ahay dige cad

[50] Ee (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay leeyhiin dambi dhaaf iyo risiq aad u wanaagsan

[51] Oo (ma) kuwase u xusul duubta ka hortagga Aayadahayaga, kuwaasi waxay ahaan doonaan ehelka Naarta ololka badan

[52] Oo ma aanu soo dirin hortaa Rasuul ama Nabi aan marka uu hadlayey ( ama wax akhrinayey) aanu wax ku tuurin sheydaanku akhrintiisa, wuxuuse Allaah nasakhaa oo tiraa waxa uu shaydaan soo tuuro. markaas Allaah sugaa Aayadahiisa16. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah

[53] Waa si u ugaga dhigo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin, oo xaqiiq, daalimiintu (gaalada) waxay hubaal ku sugan yihiin collaytan aad u fog

[54] Oo waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyey cilmiga inuu (Qur’aankani) yahay xaq ka yimid Rabbigaa, oo ay markaas rumeeyaan oo ay quluubtoodu u khushuucdo. Oo xaqiiq, Allaah hubaal waa ku hanuuniyaha kuwa rumeysan Jid Toosan

[55] Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waaya ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacddu ugu timaaddo kedo ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn

[56] Xukunka Maalinkaas waxaa iska leh Allaah, Wuxuu kala xukumi doona dhexdooda. Ee kuwa (Xaqa) rumeysan ee samaha fala waxay geli doonaan beeraha barwaaqada ah (Jannada)

[57] Oo ( ma xagga) kuwase rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwan weeye kuwa mudan doona cadaab aad u dulleysa

[58] Oo ( ma xagga) kuwa u soo haajira Jidka Ilaahay, markaa la dilo ama dhinta, Wuxuu Allaah hubaal siin doonaa risiq aad u wanaagsan. Oo xaqiiq Allaah waa Kan u wanaagsan inta bixisa risiqa

[59] Wuxuu xaqiiq galin doonaa iyaga meel gelitaan ay ka raalli noqdaan. Oo hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Dul qaad Badan

[60] Waa sidaase, oo kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, Allaah hubaal waa u gargaari doonaa. hubaal, Allaah waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan

[61] Arrinkani ku wacan inuu Allaah dhex geliyo habeenka maalinta, oo dhex geliyo maalinta habeenka. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka

[62] Arrinkani waxaa ku wacan waa in Allaah uu yahay Xaq, iyo waxa ay baryaan sokadi uu yahay Baadil, iyo in Allaah yahay Sarreeyaha, aadka u Weyn

[63] Miyaanad arag inuu Allaah ka soo shubo biyo druurta, oo markaas dhulku noqdo doog? Hubaal, Allaah waa Roonaan Badane, Xog-Ogaal ah

[64] Wuxuu leeyahay wax kastoo ku sugan samooyinka iyo wax kastoo ku sugan arlada. Oo hubaal, Allaah waa Hodonka (ka deeqtoon wax waliba) la ammaano

[65] Miyaanad arag inuu Allaah idiin sakhiray wax kastoo ku sugan dhulka, iyo doonyaha ku socda badda Amarkiisa? Oo Wuxuu ka hayaa cirka inuu ku soo dhaco dhulka Isagoo idmo ma’ahee’ hubaal, Allaah waa Mid dadka xaqiiq u Turid iyo Naxariis Badan

[66] Oo waa Isaga Kan idin nooleeya, haddana idin dhinsiiya, haddana idin soo nooleyn doona mar kale (Maalinta Qiyaamaha). hubaal, Aadmigu xaqiiq waa mid abaal dhac badan

[67] Ummad walba waxaan u yeellay hab cibaado oo ay ku cibaadeystaan ee yeyna kugula doodin arrinka (Xaqa), oo ugu yeer xagga Rabbigaa. hubaal, Adigu waxaad xaqiiq ku sugan tahay jid toosan

[68] Oo haddii ay kula doodaan, dheh: Allaah baa dhab u ogsoon waxa aad fashaan

[69] Allaah baa idinku kala xukumi doonaa dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha waxa aad isku khilaafsaneydeen.”

[70] Miyaadan ogayn inuu Allaah og yahay waxa ku sugan samada iyo arlada? hubaal, arrinkani waxay ku yaalliin Kitaab19. hubaal, arrinkani wuu u fudud yahay Allaah

[71] Oo Waxay caabuddaan Allaah sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah, oo daalimiinta (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara

[72] Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan doontaa wejiyada kuwa rumeysan waaya nac! waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun20? waa Naarta, Allaah wuxuu u yaboohay kuwa Xaqa diida, oo xumaaa aayotiinka ay ku dambeynayaan

[73] Dadow! Tusaale baa la soo qaadaye ee bal u dhegaysta (si wanaagsan): Hubaal! Kuwa aad baridaan Allaah sokadi ma abuuri karaan duqsi, haba u kulmaane dhammaantood arrinkaa, oo haddii uu duqsigu wax ka dafo, kama soo ceshan karaan. Liidasho badanaa kan wax dooni iyo kan la dooni

[74] Ma ay qaddarin Allaah qaddarinta uu mudan yahay; hubaal, Allaah xaqiiq waa Xoog Badane, Awood Badan

[75] Allaah wuxuu ka dhex doortaa Rusul malaa’igta iyo dadkaba. Hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka

[76] Wuxuu ogsoon yahay Waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah. Oo xagga Allaah baa loo celiyaa arrimaha oo dhan

[77] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Rukuuca oo sujuuda oo caabuda Rabbigiin oo fala khayr aad liibaantaane

[78] Oo u dadaala Ilaahay Darti dadaal dhab ah. Isaga baa idin doortaye. Oo ma saarin dushiina xagga diinta wax aad ku dhib mudataan, waa dariiqaddii Aabbihiin Ibraahiim. Isaga (Allaah) baa idiin bixiyey ka hor muslimiin iyo Qur’aankan (dhexdiisaba) si uu Rasuulku idiinku ahaado markhaati, oo idinkuna aad markhaati kaga ahaataan dadka. Ee ooga salaadda oo bixiya sakada oo cuskada Allaah oo isku dhowra. Waa Isaga Gacalkiin, Muxuu yahay Gacal wanaagsan, oo muxuu yahay Gargaare Wanaagsan

Al-Mu'minuun

Surah 23

[1] Liibanayaal xaqiiq waa mu’miniinta

[2] Kuwa ku khushuuca salaadahooda

[3] Ee ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun (sooma oo salaada)

[4] Ee ah kuwa bixiya sakada

[5] Ee ah kuwa ka ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah (galmo xaaraan ah)

[6] U taga uun (galmooda) afooyinkooda ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan1 markaa hubaal ma ah kuwo eed leh

[7] Kii kastoo se doona wax (galmo) intaas dhaafsiisan, haddaba waa kuwaas xad gudbayaasha

[8] Ee ah kuwaa ammaanooyinkooda iyo axdiyadooda dhowra

[9] Ee iyagu xafida salaadahooda

[10] Waa kuwan dhaxlayaasha

[11] Ee dhaxli doona Al-Firdaws (Jannada sare) way ku dhex waari doonaan

[12] Oo xaqiiq Waxaanu ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo

[13] Haddana Waxaan ka sameynay iniin yar ku sugan gunta meel aamin ah (riximka)

[14] Markaas waxaan ka dhignay iniintii xinjir, oo waxaan ka dhignay xinjirtii rudmo yar oo hilib ah, oo waxaan u sameynay cadkii hilibka lafo, oo waxaan huwinnay lafihii hilib, markaas waxaan ka unugnay abuur kale. Ee waxaa barako Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha

[15] Oo hubaal intaas kaddib, xaqiiq idinku waa dhiman doontaan

[16] Markaa hubaal, idinku Maalinta Qiyaamaha waa la idin soo bixin doonaa

[17] Oo xaqiiq Waxaan yeelnay korkiinna toddoba samo, oo ma nahin marnaba kuwo moog waxa aan abuurnay

[18] Oo Waxaanu ka soo shubnay biyo xagga daruurta in qaddaran oo qiyaas ah, oo dhignay dhulka, oo hubaal waan Karnaa inaan la tagno

[19] Oo waxaan idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan

[20] Iyo geed ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar (zaytuun) kuwaa cuna

[21] Oo hubaal waxaa idiinku sugan xoolaha xaqiiq cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, oo waxaa idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, oo iyagana wax ayaad ka cuntaan

[22] Oo dushooda iyo doonyaha korkooda waa la idinku rar qaadaa

[23] Oo xaqiiq Waxaanu u dirnay Nuux dadkiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Dadkeygiiyow! Caabuda Allaah. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, ee miyeydaan haddaba ka joogeyn (xumaha)

[24] Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi xaqa diiday oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, oo raba inuu idin ka sare maro, oo haddii uu Allaah doono, wuxuu soo diri lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal waxakan oo kale aabbayaashayadii hore

[25] Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin waalli qaba, ee u sabra in muddo ah

[26] Wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”

[27] Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, ee markuu Amarkayagu yimaado, oo togga biyo soo fataho, ku qaad doonnida noole walba lammaanki (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday, aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, oo ha igala hadlin (arrinka) kuwaa gar ma qaatayaasha ah, hubaal waa kuwo la qarqin (hafin) doono

[28] Ee markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga babaadiyey qoloda gar ma qaatayaasha ah

[29] Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degmo barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa”

[30] Hubaal, Arrinkani waxaa ku sugan calaamooyin oo Annagu Waxaanu nahay abad kuwa imtixaama (dadka)

[31] Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale

[32] Oo Waxaanu u soo dirnay dhexdood Rasuul4 (Nabi Huud) iyaga ka mid ah (oo amraya) Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyey- daan haddaba ka joogeyn (xumaha)

[33] Oo xildhibaannadii ka mid ahaa dadkiisa ee rumeyn diiday (Xaqa) ee beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah. cunaya wax ka mid ah waxa aad cuntaan, oo cabbaya wax ka mid ah waxa aad cabtaan

[34] “Oo haddii aad adeecdaan Aadmi idin la mid ah, markaa hubaal waxaad ahaaneysaan xaqiiq khasaara qabayaal

[35] “Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan ciid iyo lafo in markaa aad ahaan doontaan kuwo la soo bixiyo (nooleeyo mar kale)

[36] Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhici doonin)

[37] “Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! waan iska dhimannaa oo iska noolaannaa! Oo ma nala soo bixin doono (mar kale)

[38] “Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Allaah, oo ma yeeleyno inaan rumeyno.”

[39] Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda

[40] (Allaah) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay hubaal ahaan doonaan kuwo ka shallaaya (waxa ay leeyihiin)

[41] Markaasaa waxaa qabtay qarax si xaq ah, oo waxaan ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen dadka ah gar ma qaatayaasha

[42] Markaa Waxaan soo saarnay iyaga kadambow facyo kale

[43] Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta

[44] Markaas Waxaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kasta oo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu waa ay beeniyaan, kolkaas baan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale, oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhacaan qolodii (Xaqa) rumeysan diida

[45] Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga5 iyo Xujo Cad

[46] Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, oo waxay ahaayeen qolo isla sarreeya

[47] Markaasay waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeysan labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”

[48] Markaas bay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la rogay

[49] Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan

[50] Oo Waxaan ka dhignay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad, oo waxaanu ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo ilo biyo socda leh

[51] (idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Hubaal waan ogahay waxa aad fashaan

[52] Oo hubaal, Tani diintiinna ah ( Islaamka) waa diin mid keliya ah. oo Anigu waxaan ahay Rabbiigiin, ee dhowra (xilka aan idin saaray oo ka fogaada xumaha)

[53] Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxa ay haystaan7 ay ku faraxsan yihiin

[54] Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo

[55] Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah

[56] Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? balse ma dareensana

[57] Hubaal, kuwa iyagu ay cabsida Rabbigood ku weyn tahay

[58] Ee iyagu ah kuwa rumeysan Aayadaha Rabbigood

[59] Ee ah kuwaa aan cid kale wax la wadaajin Rabbigood

[60] Ee ah kuwa bixiya waxa ay bixiyaan (oo sadaqo ah), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto9 (inaan laga aqbalin oo yaqiinsan) inay Rabbigood u soo noqon doonaan

[61] Kuwani weeye kuwa u degdega khayrka, ee iyagu u dheereeya

[62] Oo ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, oo Waxaa agtannada ah Kitaab ku hadla xaq, iyagoo aan loo gefi doonin

[63] Mayee’ quluubtooda waxay kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), oo waxay leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan

[64] Jeer marka aan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab10, markaas bay calaacalaan

[65] Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggaygaga laydiin kama gargaaro’e

[66] Xaqiiq Aayadahaygii baa la idiin akhriyey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna

[67] isla weyni darteed, hadal xun ka sheegaya11 (Qur’aanka) idinkoo ka tagaya sida kan ku caaweeya waxaan qiimo lahayn

[68] Miyaanay haddaba u fiirsan Qowlka, mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore

[69] Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan

[70] Mise waxay leeyihiin: “waalli buu qabaa?” mayee, wuxuu u keenay Xaq, oo badankoodu waxay diiddan yihiin Xaqa

[71] Oo haddii uu Xaqu raaci lahaa waxa (xun) ay iyagu rabaan, hubaal samooyinka iyo arlada iyo wax walba oo ku jiraaba way baabba’i lahaayeen. Mayee! waxaan u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan

[72] Mise waxaad adigu weydiisataa kharash? Kharashka Rabbigaa baa se kheyr badan, oo waa Isaga kan u wanaagsan inta risiq bixisa

[73] Oo hubaal adigu waxaad xaqiiq ugu yeertaa Jid Toosan

[74] Oo hubaal kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waa kuwo Jidka xaqiiq ka iisha

[75] Oo haddii aan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya ee dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda, iyagoo indha la’aan ku wareegeysta

[76] Oo Waxaan horay ugu qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, oo ma khushuucin nafahooda

[77] Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaas bay ku dhex quustaan

[78] Oo Isaga (Allaah) weeye Kan idiin unkay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad shukri naqdaan

[79] Oo Isaga weeye Kan idinku fidiyey dhulka, oo Xaggiisa ayaa la idiin soo kulmin doonaa

[80] Oo Isaga weeye Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (maareynta) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn

[81] Mayee’ waxay yidhaahdaan wax la mid ah wixii ay dadkii hore yidhaahdeen

[82] Waxay yidhaahdaan: “Ma markii aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin doonaa

[83] “Xaqiiq, waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kanina ma aha waxaan ahayn sheeko xariirtii dadkii hore

[84] Dheh “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddii aad garaneysaan?!’’

[85] Waxay odhan doonaan: "Allaah!” Dheh: “Ee Miyaydaan haddaba waansameyn

[86] Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn

[87] Waxay odhan doonaan: “Allaah.” Dheh: Ee miyeydaan iska jireyn cadaabtiisa

[88] Dheh: “Kuma bay Gacantiisa ku jiraan mulkiga wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddii aad garanaysaan

[89] Waxay odhan doonaan: "Allaah". Dheh: “Haddaba xaggee baa la idiin sixray?”

[90] Balse waxaan u keennay Xaq, oo hubaal iyagu xaqiiq waa beenalayaal

[91] Marnaba Allaah ma yeelan wiil, oo marnaba ma ahaan la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu hubaal la tagi lahaa ilaah walba waxa uu abuuray, oo qaarkood waxay hubaal ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah oo waa ka Sarreeyaa waxyaalaha ay tilmaamaan

[92] Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba! Ee Wuu ka sarreeyaa waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)

[93] Dheh: Rabbiyow! Haddii aad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabta)

[94] Rabbiyow! Markaa ha iga mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah.”

[95] Oo hubaal Annagu inaan ku tusno waxa aan ugu gooddinno xaqiiq waan Awoodnaa

[96] Ee ku tir xumaanta sida iyadu u wanaagsan, Annaga baa ogsoon waxa ay tilmaamaan

[97] Oo dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan galyo weydiistaa waswaasinta shaydaammada

[98] Oo waxaan kaa magan galyo weydiistaa Rabbiyow joogitaankooda

[99] Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood, wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi

[100] Si aan ugu falo wanaag wixii aan ka soo tegay14. “May ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, oo waxa horti ah Barzakh (xayir)15 aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono

[101] Ee marka la afuufo buunka, ma jiri doonto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma weydiin doonaan

[102] Ee ma kan uu miisaanka camalladiisa wanaagsan culus yihiin, kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha

[103] Oo ma kan uu miisaanka camalladiisa wanaagsan ay khafiif yihiin _ kuwan weeye kuwa waayi doona nafahooda iyagoo Naarta ku dhex waari doona

[104] Naartu waxay diiran doontaa wajiyadooda, iyagoo dhexdeeda ku sugnaan balaayo aad u daran

[105] Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan diidi jirin.?”

[106] Markaa waxay odhan doonaan: “Rabbiyow! Shaqaabadayadii baa naga adkaatay, oo waxaanu aheyn qolo habowsan

[107] Rabbiyow! Naga saar tani (Naarta); haddii aan mar kale u noqonno (xumaan), hubaal waxaanu nahay gar ma qaatayaal.”

[108] (Allaah) Wuxuu odhan doonaa: Ku dullooba dhexdeeda, oo ha ila hadlina

[109] Hubaal waxaa jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbiyow! waan Rumaysannahay ee noo dambi dhaaf, oo noo naxariiso, oo Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”

[110] Waxaadse ka dhigateen dheel-dheel ilaa, ay idin illawsiiyeen Xusuddeydii, oo waadba ku qosli jirteen

[111] Hubaal Waxaan ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darteed, inay iyagu yihiin liibaanayaasha

[112] (Alle) wuxuu odhan doonaa: “Immisa sano baad joogteen arlada?”

[113] Waxay odhan doonaan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. balse weydii kuwo tiro yaqaanka ah.”

[114] Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddii aad ogaan lahaydeen

[115] Ma waxaad haddaba mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggagayaga la idiin soo celineyn

[116] Ee waxaa Kor ah Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, Rabbiga Carshiga Sharafta Badan

[117] Oo mid kastoo barya Allaah la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaani doonaan

[118] Oo dheh: Rabbiyow! Dambi dhaaf oo Naxariiso, oo Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”

An-Nuur

Surah 24

[1] (Tani) waa suurad aan soo waxyoonnay oo ka dhignay waajib faral ah, oo aan ku soo waxyoonnay Aayado cad cad bal inaad wax ku qaadataan

[2] (Ma) Zaaniydda iyo Zaaniga1 ku karbaasha midkood walba boqol jeedal2. Oo yeysan turid aad u tureysaan idinka celin fulinta Amarka Ilaahay3, haddii aad rumeysan tihiin Allaah iyo Maalinta Aakhiro, oo waa inay koox mu’miniin ah goob joog ka ahaadaan ciqaabtooda

[3] Zaanigu ma uu la galmo galo waxaan aheyn Zaaniyad ama Mushrikad, oo (ma xagga) Zaaniyaddu ma ay la galmo galaan waxaan aan aheyn zaani ama Mushrik4, oo waa ka xaaraan mu’miniinta

[4] Oo kuwaa ku eedeeya dumar dhawrsoon (zino), markaas aan keenin afar markhaati ah, karbaasha siddeetan jeedal, oo ha ka yeelina wax marag fur ah abadkood, oo kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha

[5] Marka laga reebo kuwa toobad keena intani kaddib, oo samaada, marka hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[6] oo (ma xagga) kuwa ku eedeeya xaasaskooda (zino) oo aan haysan markhaati aan aheyn nafahooda, marag furka midkood walba oo ka mid ah (waa in la dhaariyo) afar jeer, isagoo markhaati gashanaya Allaah inuu hubaal isaga ka mid yahay xaqiiq runlowyada

[7] Oo (marka) shanaad in Nacaladda Ilaahay korkiisa ahaato haddii uu isagu been sheegayo

[8] Oo waxay ka baajin doontaa iyada ciqaabta haddii ay dhaarato afar jeer, iyadoo marag gashaneysa Allaah in hubaal isagu uu ka mid yahay xaqiiq beenlowyada

[9] Oo (marka) shanaad in Cadhada Ilaahay korkeeda ahaato haddii uu isagu run sheegayo

[10] Oo haddii uusan jiri lahayn Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisu, iyo inuu Allaah yahay mid u soo laabasho badan (Naxariista) , Xakiim ah

[11] Hubaal kuwaa la yimid been abuurka (masabbidashada Caa'isha, xaaskii Nabiga s.c w.)6 waa koox idin ka mid ah; ha u arki- na inay shar idiin tahay, mayee’ waa idiin khayr (axkaanta ka soo degtay darteed). Qof kasta oo ka mid ahina6 wuxuu mudan doonaa waxa uu kasbaday oo dambi ah. oo (ma xagga) isaga kan qaybta weyn ka qaatay7 ee ka mid ah, wuxuu mudan doonaa cadaab aad u murugo weyn

[12] Oo maxay mu’miniinta rag iyo haweenba markii aad maqasheen, ugu malayn khayr isla dadkoodaasi, oo ay u odhan: “Waxakani waa been abuur cad?”

[13] Maxayse u keeni waayeen afar markhaati? Maadaama aysan se keenin markhaatiyaal, waa beenalayaal iyagu Allaah xaggiis

[14] Oo haddii uu jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisu adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaa idinku taaban lahaa waxa aad ku hadasheen darteed cadaab aad u weyn

[15] Markii aad ku fidineyseen carrabyadiinna8, oo aad ka laheydeen afafkiinnna wax aydaan ogeyn, oo waxaad mooddeen arrin fudud, halka Allaah agtiis ay aheyd wax daran

[16] Oo maxaydaan, markii aad maqasheen, u odhan_”Nooma habboona inaan ka hadallo waxakani. Adigaa xurmo leh oo hufan! kani waa been abuur aad u weyn

[17] Allaah wuu idin waaninayaa inaydaan u noqon waxaasoo kale weligiin, haddii aad tihiin mu’miniin dhab ah

[18] Oo Allaah wuxuu idiin caddeeyaa Aayadaha, oo Allaah waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah

[19] Hubaal, (ma xagga) kuwa jecel inay anshax xumi9 ku faafto mu’miniinta dhexdooda, waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan adduunkan iyo Aakhiradaba. Oo Allaah baa Og, oo idinku ma ogidin

[20] Oo haddii uu se jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisu iyo inuu Allaah yahay Turid Badane, aad u Naxariis Badan

[21] Kuwiinnaan idinku rumeysanow! Ha raacina tallaabooyinka shaydaanka. Oo mid kastoo raaca tallaaboyinka shaydaanka, markaa hubaal wuxuu amraa wax xille iyo xumaan. Oo haddii uu se jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisa, midkiinna idinka mid ah ma daahir noqdeen weligi. Laakiinse Allaah baa daahiriya kuu doono, oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[22] Oo yeysan kuwaa idinka mid ah ee leh deeqda iyo maalka ka dhaaran inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Allaah Dartiis. Oo waa inay iska cafiyaan oo isaga jeesadaan. Miyeydaan jecleyn in Allaah idiin dambi Dhaafo11? Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, aad u Naxariis Badan

[23] Hubaal kuwa ku eedeeya (zino) dumarka dhawrsoon mu’minadaha ah, ee iyagu moog oo ka war la’ (xumo oo dhan)12, waa lagu nacladay adduunka iyo aakhiradaba, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u murugo weyn

[24] Maalinta carrabbadoodu, gacmahoodu, iyo lugahoodu ay ku markhaati furi doonaan waxa ay faleen

[25] Maalintaas Allaah wuxuu ugu oofin doonaa si dhan abaalgudkooda sugan, oo waxay ogaan doonaan inuu Allaah yahay Xaqa iska muuqda

[26] Hadallo (iyo ficillo) xun (waxaa leh oo lagu yaqaan) dadka xun. Oo dadka xumi waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo ficillo) xun, oo hadallo (iyo ficilllo) fiican13 waxaa (leh oo lagu yaqaan) dadka fiican, oo dadka fiican waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo ficillo) fiican. Kuwani (Caa'isha iyo eynigeed) way ka eed tiran yihiin waxay ka sheegayaan, waxay leeyhiin dambi dhaaf iyo risiq wanaagsan

[27] Kuwiinnaan idinku rumeysanow! Ha gelina guryo aan aheyn guryihiinna jeer aad idan weydiisataan, oo salaantaan ehelkooda14, sidan baa idiin khayr badan, bal inaad xusuusnaataan

[28] Haddiise aydaan ka helin cidna gudahooda, markaa ha gelina jeer la idin siiyo idan. Oo haddii la idin yidhaahdo noqda15, markaa noqda; sidan baa idiin daahirsan, Oo Allaah waa Ogsoon yahay waxa aad fashaan

[29] Ma aha dambi korkiinna inaad gashaan (idan la’aan) guryo aan la degganayn ay gudahooda idiin yaalaan16 alaabadiinna. Oo Allaah wuu Ogsoon yahay waxa aad si cad u fashaan iyo waxa aad qarisaanba

[30] Ku dheh (oo amar) mu’miniinta inay ka laabtaan aragyadooda (xaaraanta)17, oo ka ilaaliyaan xubnahooda gaarka ah (galmo xaaraan ah)18, sidan baa u daahirsan. hubaal, Allaah waa u Xog Ogaal waxa ay sameeyaan

[31] Oo ku dheh (oo amar) mu’minadaha inay ka laabtaan aragyadooda (xaaraanta) 19 oo ka ilaaliyaan xubnahooda gaarka ah (galmo xaaraan ah iyo qaawni) oo yeyna muujin quruxdooda20 wixii iska muuqda maahee21, oo ha ku soo dadaan gambooyinka madaxooda luqumahooda dushooda iyo laabahooda, oo yeyna u muujin quruxdooda waxaan aheyn nimankooda, ama aabbayaashood, ama abbayaasha nimankooda, ama wiila- shooda, ama wiilasha nimankooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaalahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan, ama kuwa raacsan ee labka ah oo aan laheyn haweysi dumar22, ama ilmaha aan weli yeelan dareen ay ku fiirsadaan cawro dumar. Oo yeysan ku garaacin (dhulka) lugahooda si loo ogaado waxa ay qariyaan oo quruxdooda ah. Oo u toobad keena Allaah idinkoo dhan, mu’miniintoy, si aad u liibaantaan

[32] Oo u guuriya23 kuwaa idinka midka ah ee doobka ah iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah addoommahiinna (ragga ah), iyo addoonnadiinna (dumarka ahi), haddii ay yihiin sabool, Allaah baa ugu deeqi doona Fadlgiisa. Oo Allaah waa deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon

[33] Oo waa inay kuwaa aan heli karin waxay ku guursadaaan ku sugnaadaan dhowrsanaan inta uu Allaah kaga hodmin Fadligiisa. Oo (ma xagga) kuwa dalba qoritaan (is-xoreyn) ee ka mid ah kuwaa ay gacmahiinna midig hantaan, siiya qoraalkaasi, haddaad ku og tihiin wanaag. Oo wax ka siiya maalka Allaah uu idin siiyey. Oo ha ku qasbina gabdhahiinna addoonadaha ah dhillannimo haddii ay rabaan inay ku sugnaadaan dhowrsanaan, idinkoo doonaya sadka dhammaanaya ee noloshan adduunka. Oo mid kastoo ku qasba, haddaba hubaal Allaah, ku qasbiddooda kaddib waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[34] Oo xaqiiq Waxaan idiin soo dirnay Aayado cad cad24, iyo tusaale ka mid ah kuwii tegay hortiin, iyo waano ku socota kuwaa ka dhowrsada (xumaha)

[35] Allaah waa Nuurka25 samooyinka iyo arlada, Mataalka Nuurkiisa26 waa sida qoldhob uu ku jiro nal, nalka uu ku jiro dhalo27, oo dhalada la moodo xiddig kaah badan, laga soo shiday xagga geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, oo ay saliiddiisu u dhowdahay inay iftiin bixiso walow uusan dab taabanba, nuur korki nuur yahay, Allaah wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa kuu doono. Oo Allaah wuxuu u dhigaa tusaalooyin dadka, oo Allaah wax walba waa Ogsoon yahay

[36] Guryo gudahood uu Allaah idmay in la kor yeelo28, oo Magaciisa lagu xuso, halkaa waxaa ku xurmo weyneeya gudahood subax iyo galabba

[37] Rag aanay ka shuqlin ganacsi iyo iib midna xusidda Ilaahay iyo oogidda saaladda iyo bixinta Zakada. Waxay ka cabsadaan Maalin quluubta iyo aragyada rogmi doonaan (baqo iyo argagax awgi)

[38] Si uu Allaah u siiyo abaal gud waafaq- san kan ugu wanagsanaa wixii ay faleen, oo waliba u siiyo dheeri ka mid ah Fadligiisa, oo Allaah wuxuu u irsaaqaa qofka uu doono xisaab la'aan

[39] Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan diida acmaashoodu waa sida dhalanteed ka muuqda bannaan dhul siman, oo uu kan oommani moodo biyo, jeer marka uu u yimaado waxba aanu ka helin29, oo uu se halkaas ka helo Allaah oo abaal marsha una oofiya si dhan xisaabtiisa, oo Allaah waa uu ku Dhaqsi Badan yahay xisaab qaadista

[40] Ama (waa) sida mugdiyo daran bad weyn salkeed ah, oo hir uu sii daboolo uu korkiisuna hir kale sii yahay, oo ay daruuro sii kor joogaan, (dabaqyo) mugdiyo daran ah midba mid kale kor saaran yahay, marka uu soo saaro gacantiisa uu ku sigan inuu arki waayo! Oo mid kastoo aanu Allaah u yeelin Nuur, ma uu laha Nuur

[41] Miyaanad arag in Allaah ay xurmo weyneeyaan oo hufaan waxa ku sugan samooyinka iyo arlada iyo shimbiraha fidiya garbahooda (marka ay duullimaadka yihiin)? Wuu Og yahay salaadda mid walba iyo tasbiixdiisa, oo Allaah waa Og yahay waxa ay falaan

[42] Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo xagga Allaah weeye halka lagu dambeyn aayo ahaan

[43] Miyaanad arag in Allaah soo kaxeeyo daruuro, markaas isu keeno wada jir, markaas ka dhigo fadad isdulsaraan, sidaas darteed waxaad aragtaa roobka oo ka soo da’aya dhexdooda, oo Wuxuu ka soo dejiyaa daruuraha (sida) buuraha oo kale ah halkaasoo uu yahay baraf, isagoo ku ridaya ciddii uu doono, oo ka duwaya ciddii uu doono, iftiinka hillaaciisu wuxuu sigaa inuu la tago aragga

[44] Allaah Wuxuu gedgeddiyaa oo is dhaafiyaa habeenka iyo maalinta. hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq cibro kuwa aragtida dheer

[45] Oo Allaah wuxuu biyo ka abuuray noole kasta oo jira. Marka waxaa ka mid ah qaar ku xammaarta calooshooda, oo waxaa ka mid ah qaar ku socda labo lugood, oo waxaa ka mid ah qaar ku socda afar. Allaah Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Hubaal! Allaah wax kasta waa uu Karaa

[46] Xaqiiq Waxaan soo waxyoonnay Aaya- do cad cad. Oo Allaah wuxuu ku hanuuni- yaa ciddii uu doono Jid Toosan (Islaamka)

[47] Oo waxay yidhaahdaan: “Waxaan rumeysannahay Allaah iyo Rasuulka oo aanu oggolnahay, markaas bay koox ka mid ahi jeesadaan intani kaddib, oo kuwani ma aha mu’miniin

[48] Oo marka loogu yeedho Allaah iyo Rasuulkiisa, si uu u kala garsooro dhexdooda, mise qaar ka mid ahi dhinac bay u jeestaan

[49] Haddiise ay garta leeyihiin waa u yimaadaan dhaqso, iyagoo adeecsan

[50] Ma waxaa ku jira quluubtooda cudur, mise ma shaki bay qabaan, mise ma waxay cabsi ka qabaan in Allaah iyo Rasuulkiiisu ka eexdaan? Mayee, iyaga naf ahaantooda baa ah gar ma qaatayaasha

[51] Jawaabta mu’miniinta, marka loogu yeedho Allaah iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, waa uun inay yidhaahdaan: “Maqallay oo oggolnahay. Oo kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha

[52] Oo qofkii adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ka cabsada Allaah, oo dhowra xilka uu saaray, kuwan weeye kuwa ah guuleysatayaasha

[53] Oo waxay ku dhaartaan Allaah kan ugu adag dhaarahaooda, in haddii aad amarto ay xaqiiq (u) baxayaan (jihaad). Dheh waxba ha dhaarannina: hoggaansamid fiican (baa la dooni)30, oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan,”

[54] Dheh: “Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, haddiise aad jeesataan, waxaa isaga saaran oo keliya xilka la saaray. idinkana waxaa idin saaran wixii la idin saaray. Oo haddii aad adeecdaan, waad hanuunsan tihiin. Oo waxba ma saarna Rasuulkayaga aan ahayn Gaarsiin Cad

[55] Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwiinna idinka mid ah ee (Xaqa) rumeysan oo samaha fala inuu hubaal uga dhigi doono madax arlada, sidii uu ugu dhigayba madax kuwii ka horreeyay, iyo inuu hubaal u sugi doono diintooda uu isagu oggolaaday. Oo Wuxuu hubaal cabsidoodii kaddib31 siin doonaa nabad beddel ahaan; waase inay i caabudaan (Anigoo Keliya) iyagoon ila wadaajinayn (cibaadada) waxba. Oo mid kastoo abaal laawe ah intani kaddib, kuwan weeye kuwa ah caasiyaashsa

[56] Oo hagaajiya salaadda oo bxiya Zakada, oo adeeca Rasuulka si la idiinku naxariisto

[57] Ha moodina in kuwa Xaqa diida ku fakan karaan dhulka, oo hoygoodu waa Naarta, oo xaqiiq waa meel aayotiin xun

[58] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Waa inay kuwaa ay gacmahiinnu midig hanataan iyo kuwa idinka mid ah aan weli qaan gaarin (inta ay idiin soo gelin) weydiistaan idan saddex waqti32; ka hor salaadda subax, iyo marka aad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa saddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna dembi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale, _ idan iyagoon qaadan. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadaha. Oo Allaah waa wax kasta ogsoone, Xakiim ah

[59] Oo marka carruurtiinna dhexdiinna ah ay qaan gaaraan, ha idin weydiistaan idan, sida kuwii ka horreeyeyba (oo ka weynaa da’ ahaan ay idan u qaateen33). Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah

[60] Oo (ma xagga) dumarka gaboobay oo aan rajaynin guur, ma saarna dambi haddii ay iska dhigaan maryahooda iyagoo aan muujineyn quruxdooda34. Oo inay isdhowraan baa u khayr badan. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

[61] Ma saarna dhib Indhoolaha, oo ma saarna dhib laan garaha, oo ma saarna dhib bukaan qabka, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaalooyinkiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin, ama guryaha habaryarahiin, ama waxa aad hanataan furayaashooda35, ama (guryaha) saaxiibkiin, oo idinkuma saarna dambi haddii aad wax u cuntaan wadajir ama kala jir. Haddaba marka aad galeysaan guryaha, ku salaamo dadkiinna salaan xagga Ilaahay ah, barakaysan (oo) wanaagsan36. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadaha si aad u fahantaan

[62] Waxaa oo keliya mu’miniin ah kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa, oo marka ay ku wehliyaan arrin guud oo loo dhan yahay aan tagin jeer ay idan qaataan. Hubaal! kuwa idan kaa qaata waa iyaga kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa. Ee haddii ay idan kuu weydiistaan danahooda qaarkood, u idan koodii aad doonto oo ka mid ah, oo uga bari dambi dhaaf Allaah. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[63] Ha ka yeelina u yeedhidda Rasuulka (Muxammad) dhexdiinna sida u yeedhidda qaarkiinba qaar. Allaah dhab ahaan waa uu ogsoon yahay kuwaa dhuunta ee idinku jira, Ee ha is jiraan kuwaa ka hor yimaada amariiska37 si ayan ugu dhicin balaayo ama ugu dhicin38 cadaab aad u xanuun badan

[64] Ogaada hubaal Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo arlada39. Wuxuu dhab ahaan ogsoon yahay waxa aad ku sugan tihiin oo Maalinta40 loo celiyo Xaggiisa, Wuxuu u sheegi doonaa waxay faleen, oo Allaah wax walba waa uu Ogsoon yahay

Al-Furqaan

Surah 25

[1] Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Allaah ee) ku soo dejiyey Furqaanka addoonkiisa si ugu noqdo caalamka dige

[2] Kan (Allaah ee) iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo aan yeelan dhallaan oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Boqortooyada. Ee abuuray wax walba, markaas u qaddaray qaddar

[3] Oo waxay yeesheen sokadi ilaahyo aan waxba abuurin balse iyaga la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama (ku bixiyaan) noolaansho, ama mid dhintay kaga soo saaraan qabri iyagoo nool

[4] Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: “Waxakanu ma aha waxaan aheyn been uu isagu hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmayeen, marka dhab ahaan waxay geysteen gef oo ku hadleen been.”

[5] Oo waxay yidhaahdaan: “Waa sheekooyinkii dadkii hore -- waa uu soo qortay, marka waa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba

[6] Dheh: “Waxaa soo waxyooday Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, waa Dambi Dhaaf Badane, Naxaris Badan

[7] Oo waxay yidhaahdaan: “Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cunaa cuntada, oo uu u socdaa suuqyada (sidayada oo kale). maxaa malag loogu soo diri waayey ee ahaada mid la diga

[8] “Ama (maxaa) loog soo rogi waayey khaznad samada (uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Oo geflowyada waxay yidhaahdeen: Ma raacaysaan waxaan aheyn nin sixran.”

[9] Eeg waxa ay kugu shabbahaan tusaale ahaan, marka waa ay lumeen, sidaas awgeed ma ay kari doonaan inay helaan jid

[10] Waxaa barako iyo khayr badan Kan Isagu, haddii uu doono ku siin doona wax ka khayr badan waxakan_Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, oo wuxuu ku siin doonaa daaro waaweyn

[11] Balse waxay beeniyaan Saacadda, oo waxaanu u diyaarinnay dab huraya kii isagu beeniya Saacadda (Qiyaame)

[12] Marka ay (Naartu) uga muuqato meel fog, waxay ka maqlaan caro daran iyo cartan

[13] Oo marka lagu tuuro meel cidhiidhi ah gudaheeda, iyagoo isku xirxiran, waxay halkaa u yeertaan halaag

[14] Ha u yeerannina maanta halaag mar keliya ah, ee u yeerta halaag badan

[15] Dheh: Ma arrinkani baa wanaagsan _mise Beerta waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (xumaha)? Taasi waxay u ahaan abaal marin iyo aayo wanaagsan

[16] Waxay ku mudan gudaheeda wixii ay doonaanba iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa

[17] Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyaga iyo wax kasta ay caabudeenba Allaah sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinka baa lumiyey addoomahaygaan, mise iyaga baa iskood uga lumay Jidka (Toosan)?.”

[18] Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adiga baa (Allow) iska leh oo hufan! Naguma habboona inaan yeelanno gargaarayaal Adiga ka sokow, laakiinse waxaad u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, oo waxay ahaayeen qolo halaagsamay

[19] Sidaas bay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kari doontaan furasho iyo gargaar midna. Oo mid kastoo idinka mid ah ee gar ma qaate ah, waxaan ka yeeli doonnaa inuu dhadhamiyo cadaab aad u weyn

[20] Oo ma soo dirin hortaa adiga wax Rusul ah balse waxay hubaal cuni jireen cunto, oo mari jireen suuqyada. Oo Waxaanu uga dhignay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee haddaba samir ma yeelan doontaan? Oo Rabbigaa waa Mid Arkaya

[21] Oo kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdaan: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey, ama ( maxaan) u arki weyney Rabbigayo (Allaah)?” Haddaba xaqiiq aad bay isula weynaadeen oo madax adeygeen madax adayg weyn

[22] Maalinta ay arkaan malaa’igta7 uma ahaan doonto farxad Maalintaas dambiilayaasha, oo Waxay (malaa’igtu) odhan:“Waa wax idinka xarriman (jannada) oo gebigeedaba idinka reebban

[23] Oo Waxaan hor keeni doonnaa9 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo waxaanu ka dhigi doonnaa sida boor hawada ku baabba’ay

[24] Ehlu-Jannuhu waxay Maalintaas ku sugnaan doonaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi wanaagsan

[25] Oo Maalinta marka samada dillaac la furmi doonto oo daruuro (ka soo baxaan)10, oo malaa’gta la soo dejin doono iyagoo u soo degaya ( saf saf)

[26] Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh (Allaah) Raxmaanka, oo maalin daran bay u ahaan gaalada

[27] Oo Maalinta gar ma qaataha uu qaniini doono gacmihiisa isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jid Rasuulka

[28] Hooggayga weeyee! Haddii aanan ka dhigin lahayn hebel saaxiib

[29] Xaqiiq wuxuu iga habaabiyey13 waanada, inta uu ii yimid kaddib. Oo Shaydaanku wuxuu hagradaa dadka oo uga tagaa meel xun14 oo hungo ah

[30] Oo wuxuu Rasuulku ku calaacalay: “Rabbiyow! Hubaal dadkeygii waxay ka dhigteen Qur’aankan sida wax laga tagey

[31] Oo sidaas baan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah dambiilayaasha. Oo ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado

[32] Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu16 (waxaa loogu soo dejiyey qaybqaybta), waa si aan ugu sugno laabtaada, oo waxaan isugu duwnay isku duwid fiican

[33] Oo ma jirto dood ay kuula iman doonaan, bal waxaan kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan

[34] (Ma xagga) kuwa laysugu soo kulim doona (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meel xun, oo ka sii lumid badan Jidka

[35] Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo waxaan ka yeel- lay la jirkiis walaalkiis Haaruun caawiye

[36] Oo Waxaanu nidhi: Aada labaddiinnuba qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan

[37] Oo dadkii Nuux, markii ay beeniyeen Rusushii baan qarqinnay oo uga dhignay calaamo dadka. Oo Waxaanu u diyaarinnay cadaab daran gar ma qaatayaasha

[38] Oo (Sidoo kle) Caad iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass17 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan

[39] Oo mid walba waxaanu siinnay tusaalooyin, oo mid walba waxaan halaagnay halaag daran

[40] Oo xaqiiq waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu rogay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxa aanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib (oo la xisaabin)

[41] Oo markay ku arkaan kaama dhigtaan waxaan ahayn dheel-dheel (oo waxay yidhaahdaan): Ma kan baa kan uu Allaah u soo diray Rasuul uu ahaado

[42] Wuxuu ku dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddii aanan ku samir yeelanayn. Oo way ogaan doonaan marka ay arkaan cadaabta, waa kee kaa ka lunsan Jidka (Toosan)

[43] Miyaad aragtay kan isagu ka yeesha waxay naftiisa jeceshahay ilaahiisa? Ma waxaad haddaba adigu u noqon kartaa wakiil

[44] Mise waxaad mooddaa inay badankoodu wax maqlaan ama wax fahmaan? Ma ay aha waxaan aheyn xoolaha oo kale19, mayee way ka sii jid lunsan yihiin (oo ka sii liitaan)

[45] Miyaadan u fiirsan (farsamada) Rabbigaa, sida uu u fidiyo hooska? Oo haddii uu doono, wuxuu hubaal ka dhigi lahaa mid xasilan (taagan), markaasaan uga dhignay qorraxda tilmaan ay leedahay

[46] Markaasaan u soo qaadnaa xaggayaga qaadid aayar ah oo yar

[47] Oo (Alle) Isaga weeye Kan idiin ka dhigay habeenka hu22', hurdadana nasa- sho, oo wuxuu ka dhigay maalinta foof

[48] Oo Isaga weeye Kan soo dira dabay- laha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), oo Waxaanu ka soo soo shubnaa xagga daruurta biyo daahir ah

[49] Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad aad u badanba leh

[50] Oo waan u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka ama biyaha) bal inay waansamaan24, wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo

[51] Oo haddii aan doonno, waxaan xaqiiq u soo diri laheyn magaalo walba dige

[52] Ee ha adeecin gaalada, oo kula jihaad (Qur'aanka) jihaad aad u weyn

[53] Oo Isaga weeye (Allaah) Kan isku sii daayey labada badood, midda macaan ee lagu oon baxo , iyo midka kale ee milix jaan iyo qaraar ah ee milixeeda afka huriso, oo Wuxuu dhigay xayir iyo xijaab kala dhex yaal

[54] Oo Isaga weeye Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Oo (Alle) Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara

[55] Oo waxay caabudaan Allaah sokadi, waxaan wax tarin, waxna yeelin, oo gaalku mar waliba waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi

[56] Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn bishaareeye iyo inaad dige ahaato

[57] Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Risaalada), waxaan ahayn in qofkii doona uu qaado jid xagga Rabbigi

[58] Oo isku hallee Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, oo ku tasbiixso Ammaanahiisa, oo ku Filan Isagu inuu dambiyada addommahiisa u ahaado xog ogaal

[59] Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta). Naxariis Badanaha (Allaah). Ee wax ka weydii mid Xog ogaal ah

[60] Oo marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka. Waxay yidhaahdaan: Oo waa maxay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudnaa waxaa aad adigu nagu amarto? Oo Wuxuu u kordhiyaa didmo

[61] Waxaa khayr iyo barako badan Kan u yeelay burjiyo samada, oo ka yeelay dhexdeeda nal (qorrax) iyo dayax ifiya

[62] Oo Isaga weeye (Allaah) Kan uga dhigay habeenka iyo maalinta is dhaaf, kan isagu raba inuu waano qaato ama raba inuu mahad naqo

[63] Oo Addoomaha Raxmaanku waa kuwa ku mara dhulka miyir26, oo markay maan-gaabyad kula hadlaan (ereyo xun) waxay yidhaahdaan oo ku qaabilaan hadal ka maran gef ama xumaan

[64] Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood iyo taagnaan

[65] Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga duw cadaabta Naarta, hubaal! Cadaabteedu waa wax joogta ah

[66] Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego

[67] Oo waa kuwa marka ay wax bixiyaan aan xad-dhaafin ama aan masuugin, oo labadaas dhexdooda ku toosnaada

[68] Oo waa kuwa aan baryin ilaah kale la jirka Allaah, oo aan ku dilin nafta uu Allaah xarrimay waxaan ahayn gar, iyo (kuwa) aan gelin zino, oo qofkii falaa kani, wuxuu la kulmi doonaa eedsiin dambiguu galay ah

[69] Cadaabta waa loo laab laabi doonaa Maalinta Qiyaamaha, oo wuu ku dhex waari doonaa isagoo dulleysan

[70] Marka laga reebo kan isagu toobad keena ee rumeeya ee sama fala, haddaba kuwan weeye kuwa uu Allaah ugu beddeli doonaa xumaatadoodii xasanaad Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[71] Oo mid kastoo toobad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laabtaa xagga Ilaahay laabasho wanaagsan

[72] Oo waa kuwa aan furin markhaati been ah, oo marka ay soo ag maraan wax uun hadal macno darro ah ku dhaafa sharaf

[73] Oo waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan

[74] Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga sii afooyinkayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan28, oo nooga dhig kuwo ku dayasho san leh xagga kuwa iska jira (xumaha)

[75] Kuwani waxaa lagu abaal marin doonaa dabaqyo sare (jannada gudaheeda)29 sabarkoodii dartiis, oo waxay kala kulmi doonaan dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare

[76] Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ay ahaataa

[77] Ku dheh; “Rabbigay dan idiinma galeen haddii aydaan barideen30. Haatanse dhabtii waad beeniseen (Xaqa).Marka taa- si iyada ah (cadaabta) waxay ahaan doontaa mid idin heysata

Ash-Shucaraa

Surah 26

[1] Taa Siin Miim

[2] Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka ka yeela arrimaha caddaan

[3] Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed

[4] Haddii aan doonno, Waxaan kaga soo direynaa calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogan lahaayeen

[5] Oo uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka isagoo cusub oo is daba jooga, bal waa kuwii ka jeesada

[6] Marka waxay dhabtii beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed wararka waxay ku jees-jeesaan baa dhaqso u imaan doona

[7] Miyeyna arag dhulka,_intee baan nooc kasta oo wanaagsan aan sababnay inuu ku soo baxo

[8] Hubaal Waxaa arrinkani ku jira xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona

[9] Oo hubaal (Allaah) Rabbigaa xaqiiq waa Awood Badanaha, Naxariista Badan

[10] Oo waa tii Rabbigaa uu u dhawaaqay Muuse (Isagoo leh): U tag dadkaa gar ma qaatayaasha ah

[11] Qoladaa Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Allaah)

[12] wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan ka cabsi qabaa inay i beeniyaan

[13] Oo ay cidhiidhi noqoto laabteydu, oo cod kari waayo carrabkaygu. Ee u dir Haaruun (inuu i caawiyo)

[14] Oo waxay igu heystaan danbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsi qabaa inay i dilaan

[15] (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal; Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna

[16] Ee u taga Fircoon oo ku dhaha: “Hubaal innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uunanka

[17] Ee nagu dar hana raacaane ilmihii Israa’iil

[18] (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? O aad nala joogin sannado badan ka mid ah noloshaada

[19] Oo waxaad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin). Oo waxaad adigu ka mid tahay abaal laawayaasha

[20] Wuxuu yidhi: “Waan falay haddaba anigoo ka mid ah kuwaa aan wax garanayn

[21] Markaas baan idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey xikmad, oo iga dhigay mid ka mid ah Rususha

[22] Oo taasi ma nicmad baa aad iigu lib-sheegato, adigoo addoonsaday ilmihii Israa’iil

[23] Fircoon wuxuu yidhi: Oo muxuu yahay Rabbiga uunanka

[24] Wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddii aad rumeysaneysaan

[25] Fircoon wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn

[26] (Muuse) Wuxuu yidhi:(Allaah) Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore

[27] (Fircoon) wuxuu yidhi3: Hubaal Rasulkiinna la idiin soo diray xaqiiq waa waalan yahay

[28] (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddii aad caqli leedihiin

[29] (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddii aad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xiran

[30] (Muuse) wuxuu yidhi: “Ma xitaa haddii aan kuula imaado wax (xujo) cad

[31] Fircoon wuxuu yidhi: Haddaba la imow, haddii aad ka mid tahay run sheegyada

[32] Markaas buu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda

[33] Oo wuxuu soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad kuwa eegaya

[34] (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: hubaal kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer

[35] Ee raba inuu idiin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa ee maxaad haddaba ku talineysaan

[36] Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalkiba (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo wax soo kulmiya

[37] Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer

[38] Markaas baa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan

[39] Oo waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan wada jir idinkoo dhammi

[40] Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan

[41] Oo markii sixiroolayaashii ay yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddii aan annagu adkaanno

[42] (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, oo hubaal idinku markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwo iga ag dhow

[43] (Muuse) wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan

[44] Markaas bay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii; oo yidhaahdeen: “Waa nagu awoodda Fircoon, waxaan hubaal ahaan doonnaa xaqiiq kuwa adkaan doona

[45] Markaas buu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen

[46] Oo sixiroolayaashii dhulka baa loo riday sujuud darteed

[47] Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeysannahay Rabbiga uunanka

[48] Rabbiga Muuse iyo Haaruun

[49] (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumayseen ka hor intii aan idiin idmin; hubaal isagu xaqiiq waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, ee waad ogaan dontaan, hubaal waxaan u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf oo hubaal waan idin daldali doonaa dhammaantiin

[50] Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Hubaal, Annagu Xagga Rabigayo baan u laabmaynaa

[51] Hubaal waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa)

[52] Oo waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idignkoo ku baxaya guuro habeennimo, hubaal waa la idiin soo raaciye

[53] Markaasuu Fircoon diray ciidammo xagga magaalooyinka gudahood

[54] Hubaal kuwani xaqiiq wax koox yar

[55] Oo hubaal way na cadho geliyeen

[56] Oo hubaal waxaan innagu dhammaan nahay kuwo had iyo jeer digtoon

[57] Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo

[58] Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan

[59] Waa sidaase oo waxaan dhaxal siinnay Ilmahii Israa’iil

[60] Markaas bay ka soo daba baxeen goor qorrax soo bax ah

[61] Markii ay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “hubaal waa layna haleelay”

[62] (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi doona jid aan ka baxo

[63] Markaas baan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaas bay kala dhanbalantay, oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn

[64] Oo Waan ku soo dhoweynay, halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon)

[65] Oo Wxaaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay oo dhan

[66] Kaddib waxaan qarqinnay kuwii kale

[67] Hubaal waxaa arrinkani ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona

[68] Oo hubaal, Rabbigaa, xaqiiq waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista badan

[69] Oo u akhri qisadii Ibraahiim

[70] Waa tii uu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: “Maxaad caabuddaan

[71] Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budnaa sanammo, oo aan u nahay daacad

[72] (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Oo miyey idin maqlaan marka aad baridaan

[73] Waxse ma idin taraan ama idin yeelaan

[74] Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan ka soo gaarnay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya

[75] (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma u jeeddaan waxa aad soo caabudeyseen

[76] “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba

[77] Hubaal waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uunanka

[78] “Ee i abuuray, haddana i hanuunshay

[79] ‘Oo Waa Isaga Kan I siiya cunto oo i siiya wax aan cabbo

[80] Oo marka aan buko, Isaga baa I bogsiya

[81] Oo waa Isaga Kan i dhinsiin doona, haddana ii soo nooleyn doona (mar kale)

[82] Oo waa Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta

[83] Rabbiyow! I sii Xikmad, oo i haleeshii kuwa wanaagsan

[84] Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdooda

[85] Oo iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah

[86] Oo u dambi dhaaf Aabbahay, hubaal wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsan

[87] Oo ha i dulleyn Maalinta marka la soo la soo bixiyo (dhimasho kaddib)

[88] Maalinta aysan wax tari doonin maal iyo carruur midna

[89] Mid maahe ula yimaada Allaah qalbi ka fayow6 ( shirki, shaki, xumaan, iwm)

[90] Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn doonaa kuwa iska jira (xumaha)

[91] Oo Naarta waxaa loo muujin doonaa kuwa habowsan

[92] Oo waxaa lagu odhan doonaa: Meeye waxaad caabudi jirteen

[93] Allaah sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda

[94] Markaas baa waxaa loogu tuuri doonaa wejiweji (Naarta),_iyaga iyo kuwa habowsanba

[95] Iyo askartii ibliis oo dhanba

[96] Waxay odhan doonaan iyagoo ku mur-maya dhexdeeda (Naarta)

[97] Tallaahi, waxaanu ahayn xaqiiq kuwo ku jira habow aad u muuqda

[98] Waa tii aan idin la sinnay Rabbiga uunanka

[99] Oo cidna aan ka ahayn dambiilayaasha nama aysan lumin

[100] Haatan ma lihin wax garab na siiya

[101] Iyo saaxiib run ah midna

[102] (Hahe!) Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu’-miniinta

[103] Hubaal waxaa arrinkani ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankood kuwo rumayn

[104] Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

[105] Dadkii Nuux waxay beeniyeen Rusushii

[106] Waa tii uu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)

[107] Hubaal anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah

[108] Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca

[109] “Oo idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (fidinta Diinta Ilaahay), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka

[110] Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

[111] Waxay yidhaahdeen: Ma adiga baan ku rumaynsannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen

[112] Wuxuu yidhi: Oo maxaan ka ogahay waxa ay falaan

[113] “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddii aad garasho leedihiin

[114] Oo anigu ma eryayo mu’miniinta

[115] Oo ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad

[116] Waxay yidhaahdeen: Haddii aad joojin oo aadan ka harin (baaqaagan) Nuuxow! Waxaad hubaal ka mid noqon doontaa xaqiiq kuwa la dhagaxyeeyo (ilaa ay ka dhintaan)

[117] Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal, dadkaygii waa ay i beeniyeen

[118] Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (caddaalad ah), oo i badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah

[119] Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday

[120] Oo waxaan qarqinnay intaas kaddib kuwii haray (gaaladii)

[121] Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn

[122] Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

[123] Caad waxay beeniyeen Rusushii

[124] Waa tii uu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)

[125] Hubaal, Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah

[126] Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

[127] “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah ( Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka

[128] Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan

[129] Oo sameysataan dhufeyso adag bal inaad waartaan

[130] Oo markaad soo qabataan (qof) waxaad u soo qabataan idinkoo jujuubayaal ah

[131] “Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

[132] Oo dhowra (Amarrada) Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin

[133] Idin siiyey xoolo tiro badan iyo carruur

[134] Iyo beero tanaad ah iyo ilo

[135] Hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa (oo digayaa) cadaab Maalin murugo weyn

[136] Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddii aad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya

[137] Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay)

[138] Oo ma nihin kuwo la cadaabayo

[139] Oo way beeniyeen, markaas baan halaagnay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

[140] Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

[141] Thamuud waxay beenisay Rusushii

[142] Waa tii uu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)

[143] Waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah

[144] Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

[145] Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka

[146] Ma waxaa la idiinkaga tagayaa idinkoo nabad ah waxa halkaan ah

[147] Ku sugan beero iyo ilo

[148] Iyo galley iyo geedo timir fiiddeedu jilicsan yihiin

[149] Oo waxaad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn

[150] Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

[151] Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha

[152] Ee ku fala fasahaad arlada oo aan wax hagaajin

[153] Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran

[154] Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddii aad run sheegayso

[155] (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan

[156] Oo ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin murugo weyn

[157] Waase dileen, markaasay ka shallaayeen

[158] Markaas baa Cadaab qabtay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

[159] Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

[160] Dadkii Luud waxay beeniyeen Rusushii

[161] Waa tii uu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)

[162] Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah

[163] Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca

[164] Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka

[165] Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uunanka

[166] Oo aad ka tagtaan waxa uu Rabbigiin idiin abuuray oo afooyinkiinna ah? Mayee, waxaad tihiin dad xadgudba

[167] Waxay yidhaahdeen: Haddii aadan joojin Luudow (baaqaagan)! hubaal, Waxaad ka mid noqon doontaa kuwa debedda loo saaro

[168] (Luud) wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun)

[169] Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxa ay falaan

[170] Markaas baan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan

[171] Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal (cadaabta)

[172] Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale

[173] Oo Waxaanu ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay

[174] Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

[175] Oo hubaal, Rabbigaa waa isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

[176] Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii

[177] Waa tii uu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (Xumaha)

[178] Hubaal, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah

[179] “Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca

[180] Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka

[181] Bixiya beeg dhan oo ha ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima

[182] Oo wax ku miisaama Miisaan toosan

[183] Oo ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad

[184] Oo iska jira (ciqaabka) Kan idin abuuray idinka iyo uunankii horeba

[185] Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran

[186] Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, oo waxaanu yaqiinsannahay inaad dhabtii ka mid tahay beenlowyada

[187] Ee nagu soo rid jab samada ah haddii aad ka mid tahay run sheegyada

[188] Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxa aad fashaan

[189] Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, hubaal waxay aheyd cadaab Maalin aad u murugo weyn

[190] Hubaal, arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn

[191] Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan

[192] Oo hubaal, kani (Qur’aankani) waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka

[193] Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay)

[194] Qalbigaaga si aad uga mid noqoto Digayaasha

[195] Isago af Carabi faseex ah

[196] Oo hubaal isla midkani xaqiiq wuxuu ku yaal Kutubtii dadkii hore

[197] Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ay og yihiin

[198] Oo haddii aan u soo waxyoon laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood

[199] Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray

[200] Sidaas baan yeellaa inuu u galo quluubta Dambiilayaasha

[201] Ma ay rumayn doonaan jeer ay arkaan cadaabka xanuunka badan

[202] Oo ugu imaan doona si kedis ah, iyagoo aan fileyn

[203] Markaas bay waxay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)

[204] Ee ma cadaabtayada bay degdegsan

[205] Ee ka warran, haddii aan u deyno inay raaxeystaan sanooyin

[206] Markaas uu u yimaado waxaa (ciqaabka) loogu gooddiyo

[207] Waxaa loo daayey inay ku raaxeystaan maxay bal u tari doonaan

[208] Oo ma jirto magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal

[209] Si loo waaniyo, oo ma nihin kuwo ku gardarrooda (dadka)

[210] Oo Shaydaammada ma ayan keenin15 (Qur’aankan)

[211] Oo kuma habboona, oo ma leh awood inay isagoo kale keenaan

[212] Hubaal, waa kuwo xaqiiq laga fogeeyey inay maqalaan isaga

[213] Ee ha la baryin ilaah kale la jirka Allaah yaadan ka mid noqone kuwa la cadaabayo

[214] Oo u dig xigtadaada kuu sii dhow

[215] Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta

[216] Haddayse ku caasiyaan markaa dheh: Anigu shaqo kuma lihi waxa aad fashaan

[217] Oo isku hallee Awood Badanaha, Naxariista Badan

[218] Kan ku arka marka aad kaceyso

[219] Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood18 kuwaa u sujuuda (Allaah)

[220] Hubaal, (Allaah) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

[221] Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada

[222] Waxay ku soo degaan beenaale kasta, dambiile ah

[223] Waxay dhigtaan dhegaha19, oo badankoodu waa beenlawyo

[224] Oo ma xagga gabyaayada, kuwaa habowsan baa raaca

[225] Miyaadan arag inay dhex wareegaan iyagoo wareersan tog waliba

[226] Iyo inay yidhaahdaan waxaysan falayn

[227] Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo xusa Allaah in badan, oo difaaca nafahooda kaddib marka lagu gardarrooday21. Oo kuwa gefka geysta durba way ogaan doonaan rogmasho noocee ah bay rogmi doonaan

An-Naml

Surah 27

[1] Daa Siin1 Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka iyo Kitaab iska cad

[2] Waa u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta

[3] Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Sakada, oo iyagu ah kuwo Aakhiro yaqiinsan

[4] Ma xagga kuwa aan rumeysneyn Aakhirada, waxaan hubaal u qurxinnay acmaashooda, waana ay ku jaha wareersan yihiin habowgooda

[5] Kuwaanu waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan). Oo Aakhirada iyaga uun baa ugu khasaare badan

[6] Oo hubaal, adiga wuxuu xaqiiq kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Midka ah Xakiimmka, wax kasta Ogsoon (Allaah)

[7] Waa tii uu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Hubaal waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war ama waxaan idiinka keeni dhim- bilo dab ah si aad u diirisaan nafahiinna

[8] Markiise uu yimid halkaa, cod baa dha- waaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dab- ka agti ah iyo waxa hareera jooga,oo xurmo waxaa leh oo hufan Alle, Rabbiga uunanka

[9] “Muusow! Hubaal Waa Aniga! Allaah, Awood Badanaha, Xikmadda Badan

[10] “Ee tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dib umuu jaleecin. Muusow! Ha cabsan, hubaal, Rusushu kuma cabsadaan agtayda

[11] Mid gef geysta maahee markaas taa beddelkeed wanaag fala xumaantii kaddib, markaa hubaal Anigu waxaan ahay Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[12] Oo geli gacantaada goshaada, waxay soo bixi doontaa durbaba caddaan cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo dadkiisa,waa dad caasiyaal ah

[13] Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen, waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir iska cad

[14] Oo waa dafireen Aayadahaa gardarro iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen oo ku qanceen. Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii mufsidiinta

[15] Oo xaqiiq waxaanu cilmi siinnay Daawuud iyo Sulaymaan, oo waxay labduba yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, kan naga kor mariyey in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah

[16] Oo wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Oo wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, oo waxaa wax nalaga siiyey wax walba2. Hubaal kani waa Fadli (Ilaahay baxsho) oo iska cad

[17] Oo askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh waa loo soo kulmiyey Sulaymaan iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan

[18] ilaa, markay yimaadeen toggii Quraanyada, Quraanyo baa waxay tidhi: “Quraanyoy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn

[19] Markaasuu muusooday, isagoo la cajabsan hadalkeeda o yidhi: Rabbiyow3! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan sama falo aad ka raalli tahay, oo igu dhex geli Naxariistaada addoomahaaga kuwa wanaagsan

[20] Oo wuxuu kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki waayey hud-hudkii5, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan

[21] Waxaan hubaal ciqaabi doonaa ciqaab daran ama waan gowrici doonaa ama wuxuu ii keeni doonaa xujo cad

[22] Mase maqnaan muddo dheer, (oo wuxuu joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin oo waxaan kaaga keenay Saba6 war la hubo

[23] Hubaal waxaan helay haweeney xukumeysa7, oo la siiyey wax walba8, oo waxay leedahay Carshi aad u Weyn

[24] Waxaan soo helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Allaah, oo shaydaan wuxuu u qurxiyey camalladooda, oo ka duway Jidka (Toosan), marka ma ay hanuunsana

[25] Ma ay u sujuudaan Allaah ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxa aad qarisaan, iyo waxa aad muujisaanba

[26] Allaah, ma jiro Ilaah ( Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn

[27] (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waan arki doonnaa inaad run sheegtay ama inaad tahay (mid) ka mid ah beenlowyada

[28] Qaad waraaqdaydaan oo u dhiib, oo ka soo laabo, oo fiiri wixii ay (jawaab) soo celiyaan”

[29] Waxay tidhi: Mudanayaal! hubaal waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh

[30] Hubaal waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim

[31] Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah

[32] Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin

[33] Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxa aad amreyso

[34] Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Oo Sidaas bay falaan

[35] Oo hubaal waxaan u dirayaa hadiyad oo sugayaa si aan u eego waxa ay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu (kuwa la diray)

[36] Markiise (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad Iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Allaah baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Bal waxaad ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna

[37] U laabo iyaga, waxaan xaqiiq ula imaan doonnaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, oo waxaan hubaal ka saari doonnaa halkaa iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho

[38] (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni kara carshigeeda inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan?”

[39] Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Aniga baa kuu keenaya inta aad ka kicin golahaaga, oo hubaal waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah

[40] Mid haystay cilmi Kitaabka ah10 wuxuu yidhi: Aniga baa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Oo markii uu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay_ si uu ii imtixaano inaan mahad naqo ama aan abaal dhaco. Oo mid kastoo mahad naqa wuxuu u mahad naqaa naftiisa, oo mid kastoo abaal dhaca, haddaba hubaal! Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan

[41] Wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno bal inay garato, mise ay ka mid noqoto kuwa aan garanayn

[42] Oo markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Oo waxaa nala siiyey cilmi horteed, oo waxaanu nahay Muslimiin

[43] Oo waxay caabudeysey Allaah sokadi baa ka jeediyey (Xaqa), hubaal waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah

[44] Waxaa lagu yidhi: Gal Qasarka, markiise ay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaas bay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen12; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan, oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Hubaal waxaan dulmiyey naftayda, haddase waxaan isu dhiibay la jirka Sulaymaan xagga Alle, Rabbiga uunanka

[45] Oo xaqiiq waxaan u dirnay Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Allaah (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya

[46] (Saalix) wuxuu yidhi: “Dadkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaan (cadaab) ka hor samaanta14 (Naxariis Ilaahay)? Maxaad uga dalbi weydeen Dambi Dhaaf Ilaahay, bal inuu idiin naxariisto

[47] Waxay yidhahdeen: Waxaa nagu dhacay balaayo iyo baas sababtaada adiga iyo sababta kuwa kula jiraba. Wuxuu yidhi: "Sharaysigiinnu waa xagga Ilaahay15; bal, waxaad tihiin dad la imtaxaanay.”

[48] Oo waxaa jiray magaalada sagaal nin (oo ah wiilashii madaxdoodii)16, oo ku fala fasahaad arlada17, oo aan wax hagaajin

[49] Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Allaah inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisaba goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan qaraabadiisa dhow18: Maa aanu joogin meesha uu ku halaagsamay ehelkiisu, oo waxaan hubaal nahay xaqiiq run sheegayaal

[50] Oo waxay tabeeyeen tab, oo Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn

[51] Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan

[52] Marka waa kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan gardarradoodii darteed, hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo dad garasho leh

[53] Oo Waxaanu badbaaddinnay kuwii rumeeyey oo ka dhowrsanayey (xumaha)

[54] Oo (waxaan dirnay) Luud waa tii uu ku yidhi dadkiisii: Ma waxaad fashaan anshax19 xumo idinkoo arkaya

[55] Ma waxaad u tagtaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Bal waxaad tihiin dad u dhaqma si jaahilnimo ah

[56] Mase ahayn jawaabtii dadkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara intii raacday Luud magaaladiinna, hubaal waa dad is daahirine

[57] Markaas baan badbaadinnay isaga iyo intii raacday, marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (la halaagay)

[58] Oo Waxaanu ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo ah). Xumaa roobka kuwa loo digay

[59] Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, oo nabad ha ahaato addoomahiisa dushooda uu doortay. Ma Allaah baa wanaagsan, mise kuwa ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan

[60] Mayee, (Allaah baa wanaagsan) ee abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo shuba biyo (roob) xagga daruurta, markaas aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, waa dad ka weecda (Xaqa)

[61] Mise, Kan ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, oo yeelay dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, badankood garasho ma leh

[62] Mise, Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, oo wuxuu idinka yeeli kuwa u hara (oo isku beddela) dhulka21. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Yaraa inta aad xusuusataan

[63] Mise, Kan idin tilmaama marka aad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabaylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Waa ka sarreeyaa Allaah waxa ay la wadaajiyaan cibaadada

[64] Mise, Kan billaaba asal ahaan abuurka, markaas soo celin doona, oo ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Dheh: Keena Xujadiinna haddaad tihiin run sheegayaal

[65] Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Allaah ma’ahee, oo ma oga goorta la soo bixin doono (Qiyaamaha)

[66] Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Balse, waxayba ka qabaan shaki, oo waa ay ka indha la' yihiin

[67] Oo kuwaa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Ma marka aan noqon- no ciid, innaga iyo aabbayaashayoba,miyaa xaqiiq nala soo bixin doonaa (mar kale)

[68] Waxaa xaqiiq naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore

[69] Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya sida ay aheyd ciribtii Dambiilayaasha

[70] Oo ha u murugoon, oo ha ka walbahaarin waxa ay qrosheeyaan darteed

[71] Oo waxay yidhaahdaan: Goorma bay gooddintani dhici doontaa? Haddii aad tihiin run sheegayaal

[72] Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxa aad rabtaan in la soo dedjiyo

[73] Oo hubaal Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan

[74] Oo hubaal, Rabbigaa xaqiiq waa Ogsoon yahay waxa ay laabahoodu qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba

[75] Oo ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad

[76] Hubaal Qur’aankani wuxuu daaha uga qaadaa ilmahii Israa’iil badi waxaa ay isku hayaan oo isku khilaafsan yihiin

[77] Oo hubaal Waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta

[78] Hubaal Rabbigaa wuxuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda iyaga xukunkiisa, oo waa Isaga Awood Badanaha, wax kasta Ogsoonaha ah

[79] Ee isku hallee Allaah; hubaal, waxaad ku taagan tahay Xaq Cad

[80] Hubaal adigu wax ma maqashiin kartid meytida, oo ma maqashiin kartid dhagoola- ha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan

[81] Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu hoggaansan Muslimiinta ah

[82] Oo marka uu Qawlku ku fulo dushooda23, Waxaan uga soo bixin donnaa Daabbad arlada, la hadleysa, inayan dadku rumeyn Aayadahayaga darteed

[83] Oo Maalinta aan ka soo kulmin doonno ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga, markaasna waxaa loo kala saari doonaa qayb qayb

[84] Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan doonaa: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinka oo aan ku koobin cilmi, ama maxay aheyd waxa aad fasheen

[85] Oo waxaa ku dhici doona Qowlkii (Cadaabka)24, gefefkii ay geysteen darteed, marka ma hadli doonaan

[86] Mawaysan u fiirsan inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan Maalintana iftiin? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin dad rumeysan

[87] Oo Maalinta buunka la afuufo, markaa kuwaa ku sugan samooyinka iyo kuwaa ku sugan arlada waxay la dhici doonaan naxdin mid maahee Allaah uu doono (oo ka cafiyo), kulligoodna waxay u imaan doonaan iyagoo dullaysan

[88] Oo waad arkaysaa buuraha aad mooddo wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Ilaahay ee u sameeyey wax walba si hagaagsan. Hubaal waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

[89] Mid kastoo la yimaada samaan25 wuxuu leeyahay wax ka khayr badan ajar ahaan, oo iyagu naxdinta Maalintaas waa ka aamin

[90] Oo mid kastoo la yimaada xumaan26 waxaa loogu tuuri doonaa weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku jaaseeyaa waxaan ahayn waxaad fasheen

[91] Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan27 (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Oo waxaa la I amray inaan ahaado mid ka mid ah kuwa isu dhiiba (Ilaahay)

[92] Iyo inaan akhriyo Qur’aanka, ee qofkii hanuuna, wuxuu u hanuunaa naftiisa, oo qofkii lumaa, markaa dheh: Anigu waxaan ahay oo keliya mid ka mid ah digayaasha.”

[93] Oo dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah. Wuxuu idin tusi doonaa calaamooyinkiisa, waana garan doontaan. Mana aha Rabbigaa mid moog waxa aad fashaan

Al-Qasas

Surah 28

[1] Daa siin Miim

[2] Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka ee ka yeela arrimaha caddaan

[3] Waxaan kuu akhrineynaa wax ka mid ah warkii Muuse iyo Fircoon oo xaq ah, dadkii rumaynaya

[4] Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay arlada oo ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo daciifinaya qolo (ilmahii Israa’iil) ka mid ah, gowracaya wiilashooda, oo u deynaya nolol haweenkooda. hubaal, wuxuu ka mid ahaa Mufsidiinta

[5] Oo Waxaanu doonnay inaan u galno wanaag kuwii looga arkay daciif arlada, oo ka yeello hooggaamiyayaal, oo aan ka yeello dhaxlayaasha

[6] Oo aan ku awood siinno iyaga arlada oo aan ka yeelno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii2 inay arkaan waxay ka digtoonaayeen

[7] Oo Waxaanu u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji isaga (Muuse), markaadse aad u cabsato, ku tuur webiga, oo ha cabsan, hana murugoon. hubaal, Annaga baa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha

[8] Oo reer Fircoon baa soo qaatay si uu ugu noqdo cadow iyo (sabab u keenta) ciil iyo murugo. Hubaal Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen kuwo gef badan

[9] Oo marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, oo ma ay dareemin

[10] Oo qalbigii Muuse hooyadi wuxuu ahaaday mid (ka) maran (arrin kaloo dhan aayootiinka wiilkeeda Muuse ma ahee) . Waxay ku sigatay inay kashifto (arrinkiisa) haddii aan xajinneen qalbigeeda si ay uga mid ahaato mu’miniinta

[11] Oo waxay ku tidhi walaashiis: Raad raac. markaas bay ka jeedaalisay meel fog si qarsoodi ah iyagoo aan dareemeyn

[12] Oo Waxaanu horey u qaddarnay inuu diido nuujiso (kale) oo dhan4, markaasay (walaashiis timid oo) tidhi: Ma idin tusaa reer idiin daryeelaya, oo iyagu u roonaan doona

[13] Sidaas baan ugu soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, oo u ogaato in wacadka Ilaahay Xaq yahay, laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona

[14] Oo markuu tabar galay oo buuxsamay (nin ahaan), Waxaanu siinnay xikmad iyo aqoon. Oo sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha

[15] Oo wuxuu soo galay magaaladii goor ay war la' yihiin dadkeedu5, markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya_oo midi ka mid yahay qoladiisa6 (diintiisa_ka mid ahaa ilmahii Israa’iil) kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Oo ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaas buu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad

[16] (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan gef u geystey naftayda ee ii dambi dhaaf, markaas buu u dambi dhaafay, hubaal, Allaah waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

[17] (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxa aad iigu nicmaysay darteed, marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye dambiilayaasha

[18] Oo wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, war sugaya, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu wax aad tahay baadiyeeye iska cad

[19] Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa labadoodaba, wuxuu ( kii loo gargaarayey ama kii cadowgaada ahaa) yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidii aad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto jujuubaa isla weyn arlada, oo ma dooneysid inaad ka mid noqoto kuwa wax wanaajiya

[20] Oo nin baa yimid rooraya magaalada xaggeeda shishe. Wuxuu yidhi: Muusow! hubaal xildhibaannadii waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee baxso. Waxaan anigu kuu ahay daacad’e

[21] Markaas buu ka baxay xaggeeda. Isagoo cabsanaya digtoon. (oo) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga badbaadi dadkaa gar ma qaatayaasha ah

[22] Markuu u jeedshay wejigiisa xagga (arlada) Madyan wuxuu yidhi: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo dhabbo Toosan

[23] Markuu soo gaaray biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya (xoolahooda), sokadoodana wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya (xoolahooda). (Muuse) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiinnu yahay? Waxay yidhaahdeen: Ma waraabinno (xoolaheenna) jeer ay raacata- du fulaan oo kaxeystaan (xoolahooda), aabbahayana waa oday weyn oo duq ah

[24] Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), markaas u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi:Rabbiyow! Waxaan u baahi qabaa wax kastoo khayr ah aad I soo dirto

[25] Markaas labadii gabdhood middood baa u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii dar- teed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Oo markuu u yimid8 oo uga warramay qisa- dii dhacday, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday dadkaa daalimiinta ah

[26] Oo waxay tidhi middood (labadii gabdhood): Aabbow ijaaro! Hubaal waxaa u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aamminka ah

[27] Wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaa kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban sano, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, oo ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Allaah idmo, waxaad iga heli doontaa mid ka mid ah kuwa wanaagsan

[28] (Muuse) wuxuu yidhi: arrinkani waa (ballan) dhexdeenna ah aniga iyo adiga midkii aan labada muddo oofiyo, ma jiri doonto wax laygu colaadiyo, oo Alle baa ka damiin(markhaati)ah waxa aanu leennahay

[29] Oo markuu dhammaystay Muuse muddadii, oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war ama dhimibil dab ah si aad isugu diirisaan

[30] Oo markuu yimid halkaa (dabkii), cod baa ka dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka9 leh: “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbigii uunanka

[31] Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal (waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, oo ha cabsan, hubaal waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah

[32] Geli gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, oo ku nab gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida (aad ka qaadday maska, sidoo kalena gacantaadu waxay u noqon doontaa sideedii hore). Marka kuwakani waa labo caddaymo xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo xildhibaannadiisa, hubaal waa qolo caasiyaal ahe

[33] (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dilay nin ka mid ah, marka waxaan ka cabsi qabaa inay i dilaan

[34] Oo walaalkay Haaruun baa iga faseexsan carrab ahaan ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan anigu ka cabsi qabaa inay I beeniyaan

[35] (Allaah) Wuxuu yidhi: Waxaan ku adkeyn doonnaa cududdaada walaalkaa, oo idiin yeeleynaa labadiinnaba awood, marka idinma gaar siin karaan (wax dhib ah), ee Aayadahayaga dartood, idinka iyo intii idin raacda baa adkaan doona

[36] Oo markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood

[37] Oo Muuse wuxuu yidhi: Rabbigay baa ogsoon kan kala yimid hanuun xaggiisa iyo kan lahaan doona cidhibta wanaagsan Daarta10 Dambe ee Aakhirada. Hubaal gardarroolayaasha ma guuleystaan

[38] Oo Fircoon wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee i huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada11, markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo day dayo ilaaha Muuse; oo hubaal waxaan qabaa in isagu yahay mid ka mid ah beenlowyada

[39] Oo wuxuu isku kibriyey (Fircoon) xaq darro arlada isaga iyo askartiisuba, oo waxay moodeen inaan Xaggeenna loo soo celin doonin

[40] Markaas baan qabannay isaga iyo askartiisiiba, oo ku tuurnay dhammaan badda12, ee fiiri sida ay ahayd cidhibtii gar ma qaatayaasha

[41] Oo Waxaan ka yeelnay hoggaamiyayaal13 wax ugu yeera Naarta, oo Maalinta Qiyaama looma gargaaro

[42] Oo Waxaan raacinnay adduunyadan Lacnad, oo Maalinta Qiyaamaha waxay ka mid ahaan doonaan Kuwa la dulleeyey

[43] Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kaddib markii aan halaagnay qaaruumihii hore, isago xujooyin cad u ah dadka, iyo hanuun iyo naxariis, bal inay xusuustaan

[44] Oo Adigu ma aad joogin dhinaca gal- beed (ee buurta), markaan u waxyoonnay Muuse amarka, oo ma aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga

[45] Laakiinse Waxaan abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) oo waxaa ku dheeraaday14 cumrigii. Oo adigu ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan,adigoo u akh- rinaya Aayadahayaga. Laankiinse Annaga baa ku soo dirnay (Rusuul ahaan)

[46] Oo adigu ma aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u yeernay. Laakiinse (adiga waxaa laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto dad uusan u imaan dige hortaa bal inay xusuustaan

[47] Oo haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo xumaan ah) darteed, markaasna ay yidhaahdeen: Rabbiyow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta

[48] Markiise (haatan) uu Xaqa uga yimid Xaggagayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey16 Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen: “Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaysta. Oo waxay yidhaahdeen: hubaal Innagu dhammaantood waan ku gaalownay

[49] Dheh: Haddaba ka keena Kitaab (kale) xagga Ilaahay, oo ka hanuun wanaagsan labadooda, aan raacee, haddii aad tihiin run sheegayaal

[50] Haddaysan ku ajiibin, markaa ogow inay uun raacaan hawadooda. Oo yaa ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Ilaahay?Hubaal, Alle ma hanuuniyo dadkaa daalimiinta ah

[51] Oo xaqiiq waxaan ka yeelnay qowlka inuu soo gaaro, bal inay xusuustaan

[52] (Ma xagga) kuwa aanu siinnay Kitaabka ( Towraadda iyo Injiilka, iwm) ka hor kani (Qur'aanka), _waa rumaysan yihiin17 waxa ku soo arooray (Qur’aanka)

[53] Oo marka loo akhriyo (Qur'aanka), waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysanna- hay. hubaal, waa Xaq ka yimid Rabbigayo. Hubaal waxaanu ahayn isaga ka horba kuwo hoggaansan oo Muslimiin ah

[54] Kuwaan waxaa la siin doonaa ajar-kooda labo jeer sabarkoodii darti, oo waxay ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, oo wax ka bixiyaan waxaan ku irsaaqno

[55] Oo markay maqlaan hadal macno darro ah way ka jeesadaan, oo yidhaahdaan: Waxaanu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camaladiinna. Nabad gelyo18, ma rabno (dhaqanka) jaahiliinta

[56] Hubaal! Ma hanuunin kartid (Nabi Muxammadow) ciddii aad jecleysato, laakiinse Allaah baa hanuuniya qofkuu doono. Oo Isaga baa cid kasta ka ogsoon kuwa hanuunsan

[57] Oo waxay yidhaahdeen: Haddii aan kula raacno hanuunka, waxaa nalaga dafi dhul- kayaga19. Ma waannaan dejin Xaram aammin ah, oo midho nooc walba leh la keeno,_ risiq Xaggayaga ah, laakiinse badankoodu ma oga

[58] Oo intee baan magaalo rognay, ku ki-birtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusu- shiisa). Marka waa kuwan guryahoodii, aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee20 Oo waa Annaga dhaxlayaasha (u hara)

[59] Oo Rabbigaa marnaba ma halaago magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Oo marnaba ma halaagno magaalooyinka haddii ayan aheyn dadkeedu gar ma qaatayaal

[60] Oo wax kastoo la idin siiyo oo wuxuun ahi waa uun sahay nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase (Aakhirada) Allaah agtiis ah baa khayr badan oo daa’insan. Ee mawaydaan haddaba garowsaneyn

[61] Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi doono, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan, markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon doona kuwa la soo xaadirnayo (la cadaabayo)

[62] Oo Maalinta uu (Allaah) u yeedhi doono (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwii aad u heysateen inay yihiin shurakadeyda

[63] Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi doono21 (in la ciqaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwii aan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidii aan u habownay. Waxaan ka nahay bannaanka (iyaga) adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen

[64] Oo waxaa lagu odhan: U yeerta Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen, markaasay u yeedhan doonaan, mase siin doonaan wax jawaab ah, oo waxay arki doonaan cadaabta. Haddii uun ay raaci lahaayeen hanuunka

[65] Oo Maalinta uu u yeedhi, oo odhan: Maxaad ugu jawaabteen Rusushii

[66] Markaas bay waayaan xujooyin 23 maalintaas, waxna isma warsadaan

[67] Ma qofkii se isagu ka toobad keena (shirkiga iyo macaasida) oo (Xaqa) rumeeya oo raaca oo fala camallo wanaagsan (nolosha adduunkan) waa intaasoo uu ka mid ahaado liibaanayaasha

[68] Oo Rabbigaa wuxuu abuuraa oo doortaa wuxuu doono, ma leh iyaguse inay doortaan. Waa ka Nazahan Allaah oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada

[69] Oo Rabbigaa waa Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan laabahooda iyo waxa ay muujiyaanba

[70] Oo Waa Isaga Allaah (Macbuudka Xaqa ah), ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, Isaga baa ku leh ammaan o idil iyo mahadba tan hore (aduuunka) iyo tan dambaba ( Aakhirada), oo Isaga baa leh Xukunka, oo Xaggiisa baa idinka oo idil la idiin celin doonaa

[71] Dheh: Ii sheega, haddii uu Allaah idiinka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara iftiin, ee mawaydaan wax maqleyn

[72] Dheh: Ii sheega, haddii Allaah idiinka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan? Ee mawaydaan wax arkayn

[73] Oo Waxaa ka mid ah Naxariistiisa, inuu idiin yeelay habeenka iyo maalinta si aad ugu nasataan iyo si aad u doonataan deeqdiisa, iyo inaad mahad naqdaan

[74] Oo Maalinta aan u yeedhi doono (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad u heysateen inay yihiin shurakadeyda ee aad ila wadaaajiseen cibaadada

[75] Oo Waxaanu ka soo saari doonnaa ummad walba markhaati, oo odhan: Keena caddayntiinnii. Markaas bay ogaan inuu Garta leeyahay Allaah (Keliya), oo waayi doonaan waxay been abuuran jireen

[76] Hubaal, Qaaruun wuxuu ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, oo waxaanu ka siinnay kaydadka wax aad u tiro badan heer furayaashoodu xaqiiq cusleyneysay jirka rag xoog leh. Waa tii ay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (qooqin),hubaal, Alle ma jecla kuwa qooqa

[77] Oo ku doono waxa (khayr) uu Allaah ku siiyey Daarta dambeysa, oo ha halmaamin qaybtaada ah adduunkan, oo sama fal sida uuba Allaah kuugu sama falay, oo ha la doonin fasahaad arlada. hubaal, Allaah ma jecla Mufsidiinta (kuwa wax bi'iya)

[78] Wuxuu yidhi: Waxaa la igu siiyey kani oo keliya aqoonteyda. Ma wuusan ogayn inuu Allaah halaagay isaga horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan waxay isu keeneen. Oo dambiilayaasha waxba lagama weydiin doono dambiyadooda

[79] Markaas buu u soo baxay qolodiisii hortood isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayey nolosha adduunkan waxay yidhaahdeen: “Wayoo waye, haddii aan lahaan lahayn wax la mid ah waxa Qaaruun la siiyey? hubaal, wuxuu leeyahay nasiib aad u weyn

[80] Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Allaah (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeysan oo sama fala , lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa samir yeesha

[81] Markaas baan la goynay isaga iyo daartiisiiba dhulka. Marka ma uusan helin cid uga soo gargaarta xagga Allaah, mana ahayn mid ka mid kuwa is difaaci kara

[82] Oo kuwii u hanqal taagayey (meeqaan la mid) meeqaankiisa maalintii horreysay waxay billaabeen inay yidhaahdaan: Shaki ma leh waa Allaah Kan u fidiya risiqa qofuu doono oo ka mid ah addoomahiisa ama ku cidhiidhiya. Haddii aysan jirteen in Allaah yahay mid noo Roonaan badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka (sidoo kale). Shaki ma leh in abaal laawe uusan liibaanin

[83] (Ma xagga) taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaan dhaxalsiin doonnaa kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, oo aan ku falin fasahaad. Oo cidhibta wa- naagsan waxaa leh kuwa iska jira xumaha

[84] Qofkii la yimaada wanaag, wuxuu leeyahay wax ka khayr badan, oo qofkii la yimaada xumaan, laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay faleen

[85] Hubaal, Kan kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu xaqiiq dib kuugu soo celin doonaa Xagga halkii ballantu ahayd24. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan isagu la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow caddaan ah

[86] Oo ma aad fileyn in Kitaabka laguu soo waxyoonayo, hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada

[87] Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Ilaahay kaddib marka laguu soo waxyooday, oo ugu yeedh (dadka) xagga Rabbigaa, oo ha ka mid noqonin Mushrikiinta

[88] Oo ha baryin la jirka Allaah ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo)aan Isaga ahayn. Wax waliba waa halaagsami doonaan Wejgiisa maahee26. Isaga baa leh xukunka, oo Xaggiisa baa idinkoo (dhan) la idiin celin doonaa

Al-Cankabuut

Surah 29

[1] Alif Laam-Miim

[2] Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waanu rumey- sannahay (Xaqa)iyagoo aan la imtixaamin

[3] Oo xaqiiq Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Oo Allaah xaqiiq wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), oo xaqiiq wuu muujin beenlowyada

[4] Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaha inay naga fakan karaan? Xumaa waxa ay guddoonshaan

[5] Qofkii rajo ka qaba la kulanka Ilaahay, haddaba hubaal muddada uu Allaah (qoray) way imaaneysaa, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

[6] Oo qofkii dadaala (xagga diinta), wuxuu u dadaalahayaa naftiisa. Hubaal Allaah waa ka deeqtoon yahay uunanka

[7] Oo (ma xagga) kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxaan hubaal u asturi xumahooda, oo waxaan hubaal u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay faleen

[8] Oo Waxaanu ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) wax aad u heysan cilmi2, ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, marka waxaan idiin sheegi doonaa waxa aad fasheen

[9] Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, Waxaanu hubaal ka yeeli inay dhex ahaadaan kuwa wanaagsan

[10] Oo waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Allaah, markiise lagu dhibaateeyo Allaah darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Ilaahay, oo haddii uu ka yimaaddo gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiintaa) hubaal odhanayaan: Waxaanu aheyn kuwa idin la jira. Ma wuusan Allaah ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha uumanka

[11] Oo hubaal Alle wuu muujin kuwa rumey- san, oo hubaal wuu muujin munaafiqiinta

[12] Oo kuwa rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa (Xaqa) rumeysan: Soo raaca jidkayaga oo waxaan idinka qaadi doonnaa dambiyadiinna3. Oo marnaba ma aha kuwo ka qaadi doona wax ka mid ah dambiyadooda; hubaal waa beenlawyo

[13] Oo xaqiiq waxay qaadi culaysyadoo- da4, iyo culaysyo kale oo la jira culaysya- dooda, oo waxaa la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuurteen

[14] Oo xaqiiq Waxaanu u dirnay Nuux dad- kiisii, oo wuxuu dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, oo waxaa qaaday Duufaantii iyagoo ah gar ma qaatayaal

[15] Oo Waa badbaadinnay isaga (Nuux) iyo kuwii kula jirayba Doonnida, oo waxaan uga dhignay calaamo5(digniin)ummadaha

[16] Oo (waxaan soo dirnay) Ibraahiim markii uu ku lahaa dadkiisii: Caabuda, Allaah (Keliya) oo dhowra (xilka uu idin saaray), arrinkan baa idiin khayr badan, haddii aad og tihiin

[17] Waxaad uun caabuddaan sanammo halkii Ilaahay, oo been abuur sameysaan. Hubaal, kuwa aad caabuddaan Allaah sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Allaah agtiis (oo keliya) oo caabuda oo ku mahdiya. Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa (dhammaan)

[18] Haddiise aad beenisaan (Xaqa), ummado idinka horreeyey baa xaqiiq beeniyey (Xaqa) . Oo ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad (ee Fartiinta)

[19] Mawaysan u fiirsan sida Allaah u billaabo abuuridda (uunka), haddana u soo celin doono? Hubaal arrinkaasi Allaah wuu u fudud yahay

[20] Dheh: Ku socdaala dhulka oo fiiriya sida (Allaah) u billaabo uunka, haddana Allaah u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Allaah wax walba wuu Karaa

[21] Wuxuu ciqaabaa qofkuu doono, oo u naxariistaa qofkuu doono, oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa

[22] Oo ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, oo ma lihidin Allaah sokadi gacal idin xafidi iyo gargaare midna

[23] Oo kuwa rumeysan diida Aayadaha Ilaahay iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, oo kuwan weeye kuwa mudan cadaab xanuun badan

[24] Marka ma ahayn jawaabtii dadkiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Dila isaga ama guba. Markaas buu Allaah ka bad- baadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin dad rumaysan

[25] Oo (Ibraahiim) wuxu yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) sanammo Allaah sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dhaleeceyn qaarka kale, oo qaarkiin wuxuu lacnadi qaarka kale, oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma lahaan doontaan wax idiin soo gargaara

[26] Oo Luud baa rumeeyey isaga. Oo (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, waa Awood Badanaha, Xakiimka ah

[27] Oo Waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub,oo waxaannu ka yeelnay Nabinnima- da iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, oo Waxaanu ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, oo Aakhirada wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan

[28] Oo (waxaan soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa dadkiisii: Hubaal waxaad idinku ku eedeysan tihiin xumaan (khaniisnimo) uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha

[29] Ma waxaad u tagtaan ragga, oo goysaan jidka7, oo kula timaaddaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii dadkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Allaah haddii aad ka mid tahay run sheegyada

[30] Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan fasahaadka badan

[31] Oo markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada8 waxay yidhaahdeen: hubaal waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa gar ma qaatayaal

[32] (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Xaqiiq waxaa ku nool Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, hubaal waanu badbaadin doonnaa isaga (Luud) iyo ehelkiisaba,_marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan doontaa mid ku harta gadaal

[33] Oo markay Rusushayadii u yimaadeen Luud wuu u murugooday10 dartood, oo dareemay awood darro (si uu u difaaco) ; Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan oo ha murugoon. Hubaal waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaagaba, marka laga reebo xaaskaaga, waxay ahaan doontaa mid ka mid ah kuwaa ku hari doona gadaal

[34] Hubaal waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga yimaada samada inay caasiyoobeen darteed

[35] Oo xaqiiq waxaan uga tagnay halkaa calaamo (digniin) cad dad garasho leh

[36] Oo Xagga Madyan (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Dadkayow! Caabuda Allaah oo ka cabsada Maalinta Dambeysa (Aakhirada) oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada fasahaad

[37] Wayse beeniyeen, markaas baa dhul gariir daran qabsaday, oo waxay noqdeen kuwo (baqti) ah oo guryahooda daadsan

[38] Oo (waxaan rognay) Caad iyo Thamuud. Oo xaqiiq waxay idiinka muuqataa (baabbi’intoodii) guryahoodii. Oo shaydaan baa u qurxiyey camalladoodii oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen kuwo garasho iyo garaad leh

[39] Oo (Waxaan rognay) Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan. Oo xaqiiq wuxuu Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku qooqeen oo kibreen arlada, mase aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabtayada)

[40] Marka mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay dambigooda, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran, oo waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn, oo waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka; oo waxaa ka mid ahaa kuwo aan qarqinnay. Ma aheyn Allaah inuu ku gardarrooday, laakiinse iyaga baa nafahooda u gefayey

[41] Mataalka kuwaa sameysta ilaaliyaal aan aheyn Allaah waa sida mataalka caaro, yeelatay guri,oo hubaal waxaa ugu liita gur- yaha, guriga caarada; haddii ay og yihiin

[42] Hubaal Allaah wuu ogsoon yahay waxa ay baryaan Isaga sokadi. Oo waa Awood Badanaha, Xakiimka ah

[43] Oo (ma xagga) tusaalooyinkan, waxaan u soo qaadannaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwaa cilmiga leh

[44] Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta

[45] Akhri (Nabi Muxammadow) waxaa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka, oo u oog salaadda si wanaagsan. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo Munkarka, oo xaqiiq xusidda Allaah baa wax waliba ka weyn. Oo Allaah wuu Og yahay waxa aad fashaan

[46] Oo ha la doodina ehlu Kitaabka inay tahay maahee taasi sida ugu wanaagsan, marka laga reebo kuwooda ka midka ah ee u dhaqma si caddaalad darro ah, oo dhaha: Waxaanu rumaysannahay waxa nalagu soo dejiyey waxyi ahaanta iyo waxa la idinku soo dejiyey ee waxyi ah; oo Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid Keliya, oo innagu Isaga baan u hoggaansannahay

[47] Oo sidaas baan waxaan kugu soo waxyoonnay Kitaabka (Qur’aanka). Marka kuwa aanu siinnay Kitaabka way rumeysan yihiin, oo kuwani waxaa ka mid ah oo jira kuwo rumeysan, oo ma diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada

[48] Oo ma aad akhriyin horti wax Kitaab ah, mana aad ku qorin midna gacantaada midig, markaas kuwa sheega waxyaalo aan run ahayn waa ay shakiyi lahaayeen

[49] Mayee! kuwakani waa Aayado cad cad oo ku sugan laabaha kuwa la siiyey cilmiga, oo ma diidaan Aayadahaga waxaan ahayn gar ma qaatayaasha

[50] Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa oo Keliya xagga Allaah, oo anigu waxaan uun ahay dige cad

[51] Miyaanay ku fillayn inaan kuu soo waxyoonnay Kitaabka loo akhriyo? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan naxariis iyo waano dad rumaysan

[52] Dheh: Allaah baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo rumeysan diida Allaah, waa kuwani uun kuwa iyagu ah hoogayaasha

[53] Oo waxay ku warsadaaan inaad soo dedejiso cadaabka, oo haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Oo hubaal wuxuu ugu iman doonaa kedo iyagoo aan dareensanayn

[54] Waxay ku warsadaan inaad soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada

[55] Maalinta marka cadaabka ka dabooli doono dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, oo wuxuu odhan doonaa: Dhadhamiya waxaad fasheen

[56] Addoomahayga rumeysanow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda

[57] Naf walbaa waa tii dhadhamisa dhimashada. markaas Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa

[58] Oo kuwa rumeysan oo samaha fala waxaanu hubaal ka siin doonnaa hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fasha

[59] waa kuwa sabra oo Rabbigood ku kalsoon

[60] Oo badanaa noole dhul socod ah, oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Allaah baa arsaaqa iyo idinkaba. Oo Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

[61] Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay hubaal odhan: Allaah. Ee xaggee baa haddaba loo iilay

[62] Allaah wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay

[63] Oo haddii aad weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, markaa ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay hubaal odhan: Allaah. Dheh: Am- maan idilkeed mahadi wehliso waxaa iska leh Alle. Badankooduse wax ma gartaan

[64] Oo ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn maaweelo iyo madaddaalo. Oo hubaal Daarta dambeysa,_ weeyaan nolosha dhabta ah (waarista), waase haddii ay og yihiin

[65] Oo marka ay fuulaan doonyaha, waxay baryaan Allaah (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaas bay u shariik- yeelaan

[66] Sidaas bay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeystaan12, durbase way ogaan doonaan

[67] Miyaanay arkayn inaanu yeellay Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda13? Ee ma waxaan jirin oo been ah bay weli rumeysan yihiin, oo ku gaaloobaan Nicmadda Ilaahay

[68] Oo yaa ka gardarro iyo gef badan kan ka been sheega Allaah ama beeniya Xaqu marka uu u yimaado? Miyaanay se ahayn Naarta hoyga gaalada

[69] Oo (ma) kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga, waxaanu hubaal ku hanuunin doonnaa Jidadkayaga oo hubaal Allaah wuxuu la jiraa sama falayaasha

Ar-Ruum

Surah 30

[1] Alif laam-miim

[2] Ruum waxaa lagaga adkaaday

[3] Dhulka soke ee hooseeya (Shaam iyo Falastiin), iyaguna, kaddib marka laga adkaado, way adkaan doonaan

[4] Dhowr sano gudahood, Amarka waxaa iska leh Allaah oo Keliya ka hor iyo kaddibba. Oo Maalintaas bay mu’miniintu ku farxi doonaan

[5] Gargaarka Ilaahay, wuxuu u gargaaraa kuu doono, oo waa Isaga Adkaadaha sare, Naxariista Badan

[6] (Kani) Waa Ballan Ilaahay, Allaah kama uu baxo Ballankiisa, laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona

[7] Waxay yaqaaniin daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, ha yeeshee nolosha dambeysa wayba moog yihiin

[8] Mawaysan ka fakarin nafahooda: Allaah uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo go'an? Oo hubaal in badan oo dadka ka mid ahi la kulanka Rabbigood way beeniyaan

[9] Miyaanay marin dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan, oo qoday dhulka oo u camiray si ka badan sida ay kuwani u camireen, oo waxaa halkaa ula yimid Rusushii loo soo diray xujooyin cad, oo Allaah ma ahayn mid ku gardarrooda, ee iyaga baa nafahooda ku gardarrooday

[10] Markaas xumaan bay ahayd cidhibta kuwii xuma falay, inay beeniyeen Aayadaha Ilaahay darteed oo ay ku jees-jeesi jireen

[11] Allaah baa asal ahaan billaaba abuurista, haddana dib u soo abuuraya (dhimasho kaddib), markaas Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa

[12] Oo Maalinta ay dhici doonto Saacaddu ayey quusan doonaan Dambiilayaashu

[13] Oo ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuwii ay (Allaah) la wadaajiyeen (cibaadada), oo waxay beenin doonaan kuwii ay hore ula wadaajiyeen (cibaadada)

[14] Oo Maalinta ay dhici doonto Saacaddu waa Maalinta ay kala bixi doonaan

[15] Ee ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama- ha falay, waxaa laga yeeli kuwo faraxsan beer gudaheed

[16] Oo (ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan waayey oo beeniyey Aayadahayaga iyo kulanka Aakhirada,_ kuwani cadaabka ayaa la keeni doonaa

[17] Ee xurmad oo dhan waxaa leh oo hufan Allaah marka aad galab dhacsataan iyo marka aad waabariisataanba

[18] Oo Isaga baa ku leh ammaan idilkeed iyo mahadba samooyinka iyo arlada, oo ammaan caweysinka iyo duhurnimadaba

[19] Wuxuu ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Oo wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaas oo kale baana la idiin soo saari doonaa

[20] Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Awooddiisa) inuu idinka abuuray carro, markaas mise waxaadba tihiin dad foof ah ee firirsan

[21] Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna lammaan idinla nooc ah si aad ugu xasishaan, oo Wuxuu dhexdiinna dhigay kalgacalo iyo naxariis, hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo fekereysa

[22] Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo kala duwanaanta carrabyadiinna iyo midabya- diinna. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa aqoonta leh

[23] Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna iyo doonashadiinna Deeqdiisa habeen iyo maalinba. Hubaal waxaa arrin- kani ugu sugan Calaamooyin qolo wax maqasha

[24] Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, oo Wuxuu ka soo dejiyaa biyo daruuraha oo ku nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin qolo garasho leh

[25] Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inay samada iyo arlada ku sakhiran yihiin Amarkiisa, haddana marka uu idiinka yeedho yeermo keliya dhulka, aad kolkiiba soo bixi doontaaan

[26] Oo Isaga baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, kulligoodba Isaga bay u hoggaansan yihiin

[27] Oo waa isaga Kan asal ahaan billaaba uunka, haddana soo nooleyn dhimasho kaddib, oo aad bay ugu sahlan tahay. Oo Isaga baa iska leh sifooyinka sare samooyinka iyo arlada gudahooda, oo Waa Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah

[28] Wuxuu idiinka yeelay tusaale nafahiinna ee Miyey idinla wadaaagaan kuwa ay midigtiinnu hanato waxa aan idiin siinnay risiq ahaanta oo aad idinku u wada siman tihiin? oo aad uga cabsataan sida aad iskaga cabsataan intiinna xorta ahi? Sidaas baan ugu dhignaa Aayadaha caddaan qolo garasho leh

[29] Mayee, kuwa ah gar ma qaatayaasha waxay raacaan waxa liita ay nafahoodu rabaan iyagoo aan waxba ogeyn, ee yaa hanuunin kara mid uu Allaah lumiyo? Oo uma sugnaan doonaan wax u gargaara

[30] Ee u jeedi wejigaaga toos diinta adigoo aan ka iilan, waa abuurista (wanaagsan) uu Allaah ku beeray dadka. Ma jirto beddelaad uunka Ilaahay, sidaa uu (kugu amray) baa ah diinta qumman, laakiinse dadka badankiisu ma ay ogsoona

[31] (idinkoo) u soo laabanaya Isaga, oo dhowra (xilka uu idin saaray), oo hagaajiya salaadda, oo ha ka mid ahaannina Mushrikiinta

[32] Oo ka mid ah kuwaasi kala qaybshay diintooda oo noqday shiico, xizbi walbaa waxa ay haystaan5 ay ku faraxsan yihiin

[33] Oo marka uu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (wax kale) Rabbigood u shariig yeelaan

[34] Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) durbase waad ogaan doontaan

[35] Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, markaa ka hadla waxa ay Isaga u shariig yeelaan

[36] Oo marka aan dhadhsansiinno dadka Naxariis, waa ay ku farxaan, oo haddii ay soo gaarto xumaato ay sababtay wixii ay gacmahoodu horey u geysteen, mise wayba quustaan

[37] Mawaysan arkayn inuu Allaah u ballaariyo risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhi- yo (kuu doono). Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin qolo rumaysan

[38] Ee sii kan qaraabada dhow ah xaqiisa, iyo miskiinka, iyo musaafirka (go’doonsan). Sidaas baa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Ilaahay, oo kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha

[39] Oo wax kastoo aad bixisaan oo ribo ah, si ay ugu ziyaaddo maalka dadka6, kuma ziyaaddo Allaah agtiis; oo wax kastoo aad bixisaan sako7 ah idinkoo doonaya Wejiga Ilaahay, waa kuwani kuwa heli doona ajar labo laab ah

[40] Allaah waa Kan idin abuuray, haddana idin arsaaqa, haddana idin dhinsiin doona, haddana idin soo nooleyn doona. Miyey jiraan kuwa aad la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo hufan, oo wuu ka Sarreeyaa waxaa ay u shariig yeelaan

[41] Waxaa ka soo muuqday fasahaad barriga iyo baddaba oo ka dhashay waxa ay gacmahu dadku galabsadeen, si uu u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in soo noqdaan

[42] Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya sidee bay aheyd cidhibta kuwii hore. Waxay ahaayeen badankoodu Mushrikiin

[43] Ee u jeedi wejigaaga toos diinta hagaagsan inta aysan ka imaan Allaah Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi doonaan

[44] Kii kastoo xaqa diida (isaga bay dhibeysaa) xaq diiddadiisu, oo kii kastoo sama fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san

[45] Si uu Allaah ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala wax ka mid ah deeqdiisa; hubaal Isagu ma uu jecla gaalada

[46] Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Ilaahay ee muujinaya Weynidiisa) inuu soo diro dabaylaha sida wax san oo lagu farxo (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan wax ka mid ah Deeqdiisa, bal inaad mahad noqdaan

[47] Oo xaqiiq Waxaan u soo dirnay hortaa adiga Rusul dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, markaas waanu ka aarsannay kuwii ahaa dambiilayaasha. Oo waxaa abad xil na saaran ah u gargaarka mu’miniinta

[48] Allaah waa Kan soo dira dabaylaha, markaas bay waxay kiciyaaan daruur, uu ugu baahiyo cirka sidii uu doono, ee ka dhiga goosimo, markaas waxaad aragtaan roobka oo ka soo dhex baxaya, haddana marka uu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise markaas way faraxsan yihiin

[49] Inkastoo ay ahaayeen ka hor intii aan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo xaqiiq ka quus joogay

[50] Ee fiiri raadadka Raxmadda Ilaahay; sida uu ugu nolol siiyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal Kaasi wuxuu nooleyn doonaa meytida, oo wax walba Isagu wuu Karaa

[51] Oo haddii aan dirno dabeyl daran, oo ay arkaan iyadoo doorsoontoo caddaatay, waxay markaas kaddib sii wadaan inay gaaloobaan

[52] Ee adigu hubaal ma kartid inaad ka yeesho maytida inay wax maqlaan, oo ma kartid inaad ka yeesho kuwa dhegaha la’ inay maqlaan dhawaaqa, marka ay tagaan oo dhabarka jeediyaan

[53] Mana ka hanuunin kartid kuwa indhaha la’ lunsanaantooda, cidna wax ma maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo iyagu u hoggaansan

[54] Allaah waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Oo Waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Awoodda Badan

[55] Oo Maalinta ay saacadda dhici doonto, waxay ku dhaaran doonaan dambiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaas bay xaqa uga leexdaan weligood

[56] Oo kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan doonaan: Dhab ahaan Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Ilaahay tan iyo maalinta isa soo Bixinta, marka tani waa Maalintii isa soo bixinta, laakiinse ma aydaan ogeyn

[57] Maalintaas cudur daarashadoodu wax uma tari doonto kuwii ahaa gar maqaatayaasha, lagamana aqbali doono raalli gelin

[58] Oo dhab ahaan waxaan ugu soo qaa- dannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal

[59] Sidaas buu Allaah u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn

[60] Ee samir yeelo, hubaal Ballanka Ilaahay waa xaq, oo yeysan ku liidsan kuwa aan (Xaqa) yaqiinsaneyn

Luqmaan

Surah 31

[1] Alif Laam Miim

[2] Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka Xakiimka ah

[3] Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha

[4] Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Zakada, oo iyagu ah kuwo yaqiinsan Aakhirada

[5] Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, oo waa kuwan kuwa ah liibaanayaasha

[6] Oo waxaa ka mid ah dadka mid qaata isaga (Qur’aanka) beddelki hadal maaweelo4 ah si uu uga lumo Jidka Ilaahay isagoon ogeyn, oo ka dhigta jees-jees; Kuwani waxay la kulmi doonaan Cadaab Silcisa

[7] Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga, ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqalba, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ku war geli Cadaab Xanuun Badan

[8] (Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay hubaal mudan doonaan beero barwaaqo ah

[9] Iyagoo ku waaraya dhexdeeda, waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah, oo waa Isaga Adkaadaha sare , Xakiimka ah

[10] Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad arkeysaan, oo wuxuu kor dhigay buuro ku qotansan arlada si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin. Oo Wuxuu ku fidiyey dhexdeeda xoolo nooc kasta leh, oo Waxaanu ka soo shubnay biyo daruurta, markaas sababnay inay ka soo baxaan halkaa (dhir) nooc kastoo wanaagsan leh

[11] Waa kan Abuurka Ilaahay ee se i tusa bal waxa ay kuwaa sokadi ah abuureen. Mayee, gar ma qaatayaasha waxay ku jiraan habow caddaan ah

[12] Oo xaqiiq waxaanu siinnay Luqmaan Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Allaah. Oo kii kastoo mahdiya wuxuu uun u mahad naqi naftiisa, oo kii kastoo ah abaal laawe, haddaba hubaal Allaah waa isku filnaha Deeqtoon, la Ammaano

[13] Oo waa tii uu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa (Abimelek) isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin waxbana Allaah. Hubaal shirkigu waa gef aad iyo aad u Weyn

[14] Oo Waxaanu ku faral yeelnay aadmiga (inuu daryeelo) labadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, oo gudhinta naas nuujintiisu waa labo sano dhexdood_ ee ii mahad naq aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe

[15] Oo haddii ay kugula doodaan si dadaal leh inaad ii shariig yeesho wax aad u cilmi lahayn, ha ka yeelin, oo kula soco adduun- kan si naxariis leh, oo raac jidka kan aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi doonaa waxaad fasheen

[16] Wiilkaygiyow! Hubaal haddii ay tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirkaa kore ama dhulka hoose, Allaah waa keeni doonaa (ifka). Hubaal Allaah waa daryeel iyo roonaan badan yahayoo og yahay wax kasta aad ba ha u yaryaraadeene oo waa uu Xog hayaa wax waliba

[17] Wiilkaygiyow! U oog salaadda si wanaagsan oo amar samaanta oo reeb xumaanta oo u samir yeelo waxa kugu dhaca, hubaal umuurahan waxay rabaan geesinnimo lagu go’aan qaato

[18] Oo ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed6, oo ha ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Allaah ma jecla isla weyne walba oo faan badan

[19] Oo raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, oo hoos u dhig codkaaga. hubaal kan ugu xun codadka waa cida dameeraha

[20] Miyeydaan arkayn inuu Allaah idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo wax waliba oo ku sugan arlada, oo idiin taam yeelay Nicmooyinkiisa kuwo muuqda iyo kuwo qarsoonba? Oo waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay isagoon u lahayn cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax iftiimiya midna

[21] Oo marka lagu yidhaahdo: Raaca waxa Allaah soo waxyooday, Waxay yidhaahdaan: Mayee, waxaanu raacaynaa waxa aanu ka hellay aabayaashayo. Oo ma xitaa hadduu shaydaan ugu yeedhayo cadaabta dabka gubitaanka badan

[22] Oo ku kastoo isu dhiiba isagoo dhan Allaah isagoo ah same fale wuxuu dhab ahaan qabsaday siddaha kalsoonida ee adag. Oo Allaah baa leh oo loo celiyaa cidhibta arrimaha oo idil

[23] Oo ku kastoo rumeyn diida (Xaqa), yey ku murugo gelin rumeyn la’aantiisa, waa Xaggayaga Annaga meel noqodkoodu, oo Waxaanu u sheegi doonnaa waxay faleen. Hubaa Allaah waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

[24] Waxaan u raaxeyn wax yar, markaasaan ku dirqin doonnaa cadaab aad u adag

[25] Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? waxay hubaal odhan doonaan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed mahadi wehliso waxaa mudan Allaah. laakiinse badankoodu ma ogsoona

[26] Wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada waxaa leh Allaah. Hubaal Allaah waa isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano

[27] Oo haddii geed walba ee dhulka jira laga (dhigo) qalimmo, oo baddana (ku taakuleyso khad) iyadoo toddobo badood ay kaydsiinayaan, ma dhammaadeen Kelmedaha (amarrada) Ilaahay. Hubaal Allaah waa Adkaade sare, Xakiim ah

[28] Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida (abuuridda iyo soo bixinta) naf keliya. Hubaal Allaah waa Wax kasta Maqle , oo wax kasta Arka

[29] Miyaanad arkayn in Allaah ka yeelo habeenka inuu u galo maalinta, oo Wuxuu ka yeelaa maalintana inay u gasho habeenka, oo Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walba ku roorayo waddadiisa ilaa muddo go'an; iyo in Allaah Og yahay waxa aad fashaan

[30] Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Allaah uu Isagu Xaq yahay, oo waxa ka sokeeya ay baryaan uu baadil yahay, iyo inuu Allaah yahay Sarreeyaha, Weynaha ah

[31] Miyaadan arkayn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Ilaahay7, si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyin- kiisa? hubaal, arrinkani waxaa ugu jira Calaamooyin samir yeesha kastoo, mahad naq badan

[32] Oo marka uu hir buuro la moodo uu daboolo, waxay baryaan Allaah Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, qaarkood waxay raacaan jidka dhexdhexaadka ah8. Oo cidina ma diiddo Aayadahayaga aan aheyn axdi laawe kasta, abaal laawe ah

[33] Dadow! Iska jira (Ciqaabta) Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geli doonin wax abaal ah wiilki, oo cunugna u geli doonin wax abaal ah waalidki. Hubaal Ballanka Ilaahay waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, oo ayaanu idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka) ee dhagarta badan xagga Ilaahay

[34] Hubaal Allaah Isaga Keliya baa Ogsoon waqtiga Saacadda (Qiyaame), oo soo dejiya roobka, oo Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku jira ilma galeennada9. Oo nafna ma oga maxay kasban doontaa berri10, oo nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman doontaa. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, ka War Haya (wax walba)

As-Sajdah

Surah 32

[1] Alif laam-miim

[2] Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa xagga (Allaah) Rabbiga uunanka

[3] Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Mayee! Waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qolo aanu dige u iman hortaa adiga (Nabi Muxammadow) bal inay raacaan dhabbaha toosan

[4] Allaah waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya oo dhan lix Maalmood, markaas Wuxuu dul ahaaday Carshiga2. Ma lihidin Isaga sokadi wax gacal ah ama Shafeece. Ee miyeydun haddaba waansameyn

[5] Wuxuu agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah

[6] Kaasi waa Ogsoonaha waxa aan muuqan, iyo waxa muuqdaba, Adkaadaha sare, Naxariis Badnaha

[7] Kan u dhammeystiray wanaag wax kasta uu abuuray, oo ka billaabay abuurista aadmiga dhoobo

[8] Markaas ka dhigay tarankiisa miir biyo la liidsado

[9] Markaas ka yeelay mid dhan oo ku afuufay wax ka mid ah Ruuxdiisa (uu u abuuray), oo idiin sameeyey maqalka iyo aragga iyo kasha, wax yar baadse mahad naqdaan

[10] Oo waxay yidhahdaan: Ma marka aan (dhiminno oo noqonno) kuwa ku baabba’a dhulka, miyaa haddaba dhab ahaan noqon doonnaa abuur cusub? Mayee’ waxayan rumeysneyn la Kulanka Rabbigood

[11] Dheh: Waxaa idin oofsan doona Malakul mowd la idiin xil saaray, markaas baa xagga Rabbigiin la idin soo celin doonaa

[12] Oo haddii aad arki lahayd marka ay dambiilayaashu hoos u rogi doonaan madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbiyow! Haatan aragnay (runta) oo maqallay, ee dib noo celi, waxaan fali camal san, xaqiiq waanu yaqiinsannaye

[13] Oo haddii aan doonno, waxaan dhab ahaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, laakiinse Qawl xaq ah baa horay iga dhacay inaan xaqiiq ka buuxin doono Naar jinka iyo insiga (I caasiya) dhammaan

[14] Ee dhadhamiya, waayo waxaad dan u geli weydeen la Kulanka Maalintiinnaan, hubaal Annaguna waanu idinka tageynaa, oo dhadhamiya cadaabta waaridda waxaad fasheen darteed

[15] Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud4 oo ku tasbiixsada Ammaanta Rabbigood, oo aan iyagu isla weynaan

[16] Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, waxay baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, oo wax uga bixiyaan (si fiican) waxaan aanu siinnay

[17] Ee ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) ee ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxa ay faleen

[18] Ee haddaba ma mid mu'min ah baa la mid ah mid isagu caasi ah? Ma ay sinna

[19] Ma kuwa rumeysan ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah waa hoygooda daa’inka ah,marti soor ahaan waxay faleen

[20] Ma kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naarta, markastoo ay doonaanba inay ka soo baxaan waa lagu celin doonaa oo waxaa lagu odhan: Dhadhamiya cadaabta Naarta aad beenin jirteen

[21] Oo hubaal waxaanu dhadhansiin doonnaa cadaabta aad u dhow5 ka hor cadaabta weyn, bal inay soo noqdaan

[22] Oo yaa ka gardarro badan mid isagu lagu waaniyey Aayadaha Rabbigi, markaas ka jeesda? Hubaal waan ka aarsan doonnaa dambiilayaasha

[23] Oo dhab ahaan Waxaanu siinnay Muusaa Kitaabka6, ee ha ka shakiyin la kulankiisa7, oo Waxaanu uga dhignay hanuun ilmahii Israa’iil

[24] Oo Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah iyaga hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen, oo waxay ahaayeen8 kuwo yaqiinsan Aayadahayaga

[25] Hubaal Rabbigaa baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafsan yihiin

[26] Oo miyaanay ku hanuuneyn inta aan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay haddaba wax maqleyn

[27] Oo miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul diir ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo iyaga nafahoodaba? Ee miyaanay haddaba wax arkeyn

[28] Oo waxay yidhaahdaan: Goorma buu kala xukunka dhexdeenna dhici doonaa haddii aad run sheegaysaan

[29] Dheh: Maalinta kala xukunku9 iimaanka kuwa (hadda) rumeysan diida waxba uma tari doono kolkaa lamana siin doono fursad

[30] Ee isaga jeeso oo sug10, hubaal iyaguna sidoo kale wax bay sugayaan

Al-Axzaab

Surah 33

[1] Nabiyow! Dhowr (xilka uu ku saaray) Allaah, oo ha waafaqin (rabitaannada) gaalada iyo munaafiqiinta. hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[2] Oo raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa; hubaal Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

[3] Oo isku hallee Allaah, oo Allaah ku Filan wakiil uu ahaado

[4] Uma yeelin Allaah ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana dhigin afooyinkiinna aad dhabarradooda ku matashaan dhabarrada hooyooyinkiin2, hooyooyinkiin oo kale, kamana dhigin kuwaa aad ku sheegataan inay yihiin ilmahiinna, ilmihiinna runta ah aad dhasheen3. Kuwani wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afafkiinna. Oo Allaah wuxuu ku hadlaa runta, oo Isagaa wax ku hanuunsha Jidka (Toosan)

[5] Ugu abtiriya aabbayaashood, sidaasi baa caddaaladsan Allaah agtiis. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, haddaba waa walaalihiin diinta iyo saaxiibbadiin, oo idinkuma saarna eed dushiinna wixii gef idiinka dhaca, laakiinse (waxaad eed ku leedihiin wixii) ay kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu4, Oo Allaah waa Dambi dhaaf Badane, Naxariis Badan

[6] Nabiga isaga baa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda5, oo afooyinkiisu waa hooyooyinkood (oo kale). Oo qaraabadu iyaga baa qaarba qaarkood isagu kala sokeeya oo xaq leh Kitaabka Ilaahay xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) kuwaa ka soo haajiray (guryahooda), in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka

[7] Oo waa tii aan la galnay axdi Nabiyada iyo adigaba, iyo Nuux, iyo Ibraahiim, iyo Muuse iyo Ciise_wiilka Maryam. Oo waxaanu la galnay axdi aad u adag

[8] Si uu wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda7, oo Wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab aad u xanuun badan

[9] Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay idiin galay markay idin yimaadeen ciidammo8, markaas aan ku dirnay dabayl xoog badan iyo ciidammo aydaan arag, oo Allaah waa uu Arkaa waxa aad fashaan

[10] Waa tii ay idiinka yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, oo waa tii indhuhu idin rogmadeen, oo wadnayaashu ay soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Allaah malooyin

[11] Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaanay, oo waxaa la gilgilay gil-gilid aad u daran

[12] Oo waa tii munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka billaabeen inay yidhaahdaan: Allaah iyo Rasuulkiisu nooma ballan qaadin (guul) balse keliya hoditaan

[13] Oo waa tii koox idinka mid ahina tidhi, Reer Yathribow9! Hlakaan joogitaan idiin ma leh ee noqda. Oo koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Hubaal guryahayagu waa baylah, oo ma ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay baxsadaan

[14] Oo haddii looga soo geli lahaa Magaalada dhinacyadeeda ka mid ah, oo markaas laga dalbi lahaa inay dagaal qaadaan, horay bay hubaal ka yeeli lahaayeen, kumase negaadeen waxaan wax yar ahayn

[15] Oo dhab ahaan waxay horay axdi kula galeen Allaah inaysan jeedineyn dhabarradooda, oo Axdiga Ilaahay waa mid lays weydiinayo

[16] Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddii aad ka carartaan geeri ama gowrac, oo markaas ma laydiin oggolaan doono inaad u raaxeysaan nafahiinna waxaan wax xoogaa yar aheyn

[17] Dheh: Waa kuma kan idinka celin kara Allaah haddii uu idinla maago dhibaato ama idinla maago naxariis10? Oo uma heli doonaan nafahooda Allaah sokadi wax gacal iyo gargaare ah midna

[18] Allaah waa ogsoon yahay dhab ahaan kuwaa idinka mid ah11 ee dib u reeba (kuwa kale), iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya12; oo ma yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee

[19] Ee bakhayllada ah xaggiinna14, markase cabsi timaaddo waxaad arki doontaa iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri darteed; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin. Sidaa awgeed buu Allaah u buriyey acmaashooda, oo arrinkaasi wuu u fudud yahay Allaah

[20] Waxay moodaan Axsaabtu inayan tegin15, oo haddii ay axzaabtu imanayaan (mar kale)16, waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan Carabta reer miyiga ah oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; oo haddii ay idin dhex joogi lahaayeen ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee

[21] Dhab ahaan waxaa idiinku sugan Rasuulka Ilaahay tusaale wanaagsan17 uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Ilaahay iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Allaah in badan

[22] Oo markay Mu’minintu arkeen axzaabta waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Allaah iyo Rasuulkiisu noo yabooheen18, oo Allaah iyo Rasuuliisu run bay sheegeen, oo uma kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan

[23] Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheega axdiga ay la galeen Allaah (guul ama geeri), marka waxaa ka mid ah mid isagu gutay ballankiisa (oo shahiiday), oo waxaa ka mid ah mid isagu weli sugaya; oo ma ayan beddelin in yarba ha ahaatee

[24] Waa si uu Allaah uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta haddii uu doono ama ugu soo jeedsado (si naxariis leh). Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[25] Oo Allaah wuxuu dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; oo Allaah baa ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan, oo Allaah waa Xoog Badane, Adkaade sare ah

[26] Oo wuxuu ka soo saaray kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka19 ee caawiyey (mushrikiinta) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, oo qaar (kale) soo qafaalateen

[27] Oo Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda20 iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin21, oo Allaah wax walba waa uu Karaa

[28] Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddii aad tihiin kuwo raba nolosha adduunkan iyo quruxdeeda,_ haddaba kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin oggolaan inaad tagtaan tagitaan wanaagsan

[29] Oo haddii aad rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta dambeysa, haddaba hubaal Allaah wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud aad u weyn

[30] Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan cad, waxaa loo labanlaabi doonaa cadaabta, oo arrinkaasi wuu u fudud yahay Allaah

[31] Oo mid kastoo idinka mid ah ee adeecda Allaah iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin doonnaa ajarkeeda labo jibbaar, oo Waxaanu u diyaarinnay risiq sharaf leh

[32] Xaasaska Nabigow! la mid ma tihin haweenka kale oo dhan, haddii aad Allaah ka cabsataan, haddaba ha ahaanina kuwo dabacsan xagga22 hadal(kiinna), si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin23, oo ku hadla hadal wanaagsan

[33] Oo jooga guryihiinna24, oo ha soo bandhigana bilicdiinna sida isbandhiggii jaahiliyaddii hore25, oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, Allaah wuxuu rabaa oo keliya inuu idinka fogeeyo fadarada (dambiga) Ehlu baydkow26, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan

[34] Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Ilaahay ah iyo Xikmadda; Hubaal Allaah waa Ogsoonaha wax kastoo jira guntooda si kastaba ha u yaraadeene oo daryeela, wax walba ka War haya

[35] Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, adeecayaasha, iyo adeecooyinka, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, samir yeelayaasha iyo samiryeelatooyinka khushuucayaasha hoos isu dhiga iyo khushoocooyinka hoos isu dhiga, sadaqeystayaasha iyo wax sadaqeystooyinka, soomayaasha iyo soomooyinka iyo dhowrsanayaasha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinkaba. Allaah wuxuu u diyaariyey dambi dhaaf iyo abaalgud aad u weyn

[36] Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, marka ay Allaah iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah; oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu dhab ahaan lumaa lumis caddaan ah

[37] Oo waa tii aad ku lahayd kan uu Allaah u nicmeeyay27 oo adiguna aad u nicmaysay: Heyso afadaada oo dhowr (xilka uu ku saaray) Allaah; oo waxaad ku qarisay naftaada wax uu Allaah keenayo debedda, adigoo ka baqay dadka, oo Allaah baa mudan oo u sii xaq leh inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay), baan kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) afooyinka kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen (oo iskood u fureen) 28, oo Amarka Ilaahay waa mid la fuliyo

[38] Ma aha Nabiga dushiisa dhib inuu falaa waxa uu Allaah ku faral yeelay29. Waa sidaas sida ay soo ahaan jirtay hannaankii Ilaahay xagga kuwii hore ee tegay. Oo Amarka Ilaahay waa qaddar horay ka fulo

[39] Kuwa gaarsiiya dadka Risaalooyinka Ilaahay30 oo ka baqa, oo aan ka baqin axadna Allaah maahee, oo Allaah ku filan xisaabiye ahaan

[40] Muxammad ma aha aabbaha axadna ka mid ah raggiina, laakiinse waa Rasuul Ilaahay iyo kan u dambeeyey Nabiyada31, oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay

[41] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Xusa Allaah oo badiya xusiddiisa

[42] Oo xurmad weyneeya oo hufa aroor iyo galabba

[43] Waa isaga (Alle) Kan soo dira Bara- kooyinkiisa korkiinna32, oo malaa’igtiisu sidoo kale (bay Allaah idiinka baryaan), si uu idinkaga saaro mugdiyada xagga nuurka, oo Isagu waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta

[44] Salaantoodu Maalinta ay la Kulmaan waxay ahaan doontaa: Nabad ahaada, oo Wuxuu u diyaariyey abaal gud aad u sharaf badan

[45] Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, iyo side war san33 oo lagu farxo iyo dige ahaan

[46] Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeera (dadka) xagga Ilaahay, si Idankiisa ah, iyo nal ahaan iftiin bixinaya

[47] Oo sii mu'miniinta warkaa san ee farxadda leh ee ah inay xagga Ilaahay ka mudan doonaan deeq aad iyo aad u Weyn

[48] Oo ha adeecin gaalada iyo munaafi- qiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, oo isku hallee Allaah, oo Allaah baa ku Filan xafide uu ahaado

[49] Kuwiinaan idinku rumeysanow! marka aad guursataan dumarka mu’minooyinka ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax waqti ah ay sugayaan aad u tirineysaan, ee u yeela xoogaa sahay ah oo dira diritaan si quruxsan ah

[50] Nabiyow! Hubaal Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda. iyo kuwaa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwaa uu Allaah kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah haddii ay u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan dhab ahaan ognahay waxa aan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxa ay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[51] Adigu waad dib dhigi kareysaa tii aad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa tii aad doonto, oo waad soo dhoweyn kartaa tii aad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan, dhammaantood waxa aad siiso. Oo Allaah baa ogsoon waxa ku jira quluubtiinna. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, aad u Dul Badan

[52] Kuuma bannaana inaad yeelato haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga ku beddalatid afooyin kale midna, xataa haddii ay quruxdoodu ku cajabiso, marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Oo Allaah waa u jeedaa wax walba

[53] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha gelina guryaha Nabiga, in maahee la idiinku idmo cunno (la idiinku yeedhay), idinkoo aan sugeyn bisleynteeda34. Laakiinse marka la idiin yeedho gala, oo marka aad cuntaan raashinka markaa kala taga idinkoo aan raadineyn inaad hadal dhageysataan. hubaal (arrin) kani waxay dhibeysaa Nabiga, wuuse idinka xishoodaa (inuu idin bixiyo), oo Allaah kama xishoodo xaqa. Oo marka aad weydiisanaysaan iyaga wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin) kani baa u sii daahirsan quluubtiinna iyo quluubtodoodaba. Oo idiinma habboona inaad dhibtaan Rasuulka Ilaahay, iyo inaad guursataanba afooyinkiisa isaga gadaashi marnaba. Hubaal (arrin) kani Allaah xaggi waa wax Daran oo dambi aad u weyn ah

[54] Haddii aad wax u fashaan caddaan ama aad u fashaan qarsoodi, hubaal Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay

[55] Wax eed ah kama saarna xagga aabbayaashood35 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, iyo haweenkoodaba, iyo waxa ay gacantoodu midig hanato, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal Allaah waa Mid wax waliba u jeeda oo arka

[56] Hubaal Allaah iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga36, kuwiinaan idinku rumeysanow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan

[57] Hubaal (ma xagga) kuwa af lagaaddeeya Allaah iyo Rasuulkiisa_ Allaah wuu ku nacladay adduunkan iyo Aakhiradaba, oo wuxuu u diyaariyey Cadaab dulleysa

[58] Oo kuwaa u dhiba mu’miniinta iyo mu’minadaha wax aan ahayn waxaa ay galabsadeen (muteen), waxay dhab ahaan u soo jiideen nafahooda masabbidasho iyo dambi muuqda

[59] Nabiyow! U sheeg (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta; inay ku hagoogaan jirarkooda (qayb) ka mid ah gambada iyo garbasaaradooda. (arrin) kani baa roon oo wanaagsan, si loogu aqoonsado, oo sidaas darteed aan loo faduulin. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[60] Haddii munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka38 iyo gilgilayaasha ku baahiya (wararka beenta ah) magaalada dhexdeeda joojinin (waxa ay ku jiraan), waxaanu dhab ahaan ku salladi adiga oo ka adkaan, mar- kaas kulama deris noqon doonaan in yar ma’ahee

[61] Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban doonaa oo la layn doonaa leyn daran

[62] (Sidaas bay soo aheyd) hannaankii Ilaahay ee ku meel martay kuwii hore ee tagay, oo kama heli doontid hannaanka Ilaahay wax is beddel ah

[63] Dadku waxay wax kaa weydiyaan Saacadda (Qiyaame goorta ay tahay), Dheh: Cilmigeedu wuxuu la jiraa oo keliya Allaah. Oo maxaa ku ogeysiiyey waa intaasoo ay Saacaddu dhowdahayba

[64] Hubaal Allaah wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey iyaga Naar gubeysa

[65] Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heli doonaan gacal iyo gargaare midna

[66] Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi doono Naarta, waxay odhan doonaan: wayoo waye haddii aanu adeeci lahayn Allaah, oo adeeci lahayn Rasuulka

[67] oo waxay odhan doonaan: Rabbiyow!39 Hubaal waxaan innagu adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii, markaasay naga lumiyeen Jidka

[68] Rabbiyow! Sii iyaga cadaab labanlaab ah, oo naclad iyaga naclad aad u weyn

[69] Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Allaah ka eed tiray waxa ay ku sheegeen, oo wuxuu ahaa Allaah agtiis mid sharaf ku leh

[70] Kuwiinaan idinku (Xaqa) rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo ku hadla hadal toosan

[71] Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Oo mid kastoo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu dhab ahaan liibaani doonaa liibaan aad u weyn

[72] Hubaal Waxaan Annagu u soo bandhignay Amaanada41 samooyinka iyo arlada iyo buuraha, wayse diideen inay noqdaan kuwo ka soo bixi waaya xilka ka saaran xaggeeda oo ka baqeen (Culeyska amaanada). Waxaase qaadaay oo ku xil darrooday Aadmiga42. hubaal Waa gardarro badane, jahli badan

[73] Si43 uu Allaah u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, oo Allaah ugu soo jeesto (si naxariis leh) mu’miniinta iyo mu'minadaha, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Saba'

Surah 34

[1] Ammaan (oo dhan) mahdin wehliso waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, oo Isaga baa (sidoo kale) mudan ammaan (oo dhan iyo mahdinba) Maalinta Dambeysa, oo Waa Xakiimka, Xog Ogaalka ah, Xeesha Dheer

[2] Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa oo Waa Naxariis Badanaha, Dambi Dhaafka Badan

[3] Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Nooma imaan doonto Saacadda (Qiyaame). Dheh: Haayoo, Waa igu Rabbigay, Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, xaqiiq way idiin iman doontaa, kama uu qarsoomo wax saxar le’eg (ama quraanyo) oo samada ama arlada yaal, ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weynba, oo intuba waxay ku yaallaan Kitaab Caddaan ah (Looxa Maxfuudka)

[4] Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, kuwani weeye kuwa iska leh dambi dhaaf iyo Risiq sharaf leh

[5] Oo ( ma xagga) kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga2_ kuwani weeye kuwa iska leh cadaab xanuun badan oo cayn xun

[6] Oo kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa, uu yahay Xaq, oo wuxuu wax ku hanuuniyaa Jidka Adkaadaha,la Ammaano

[7] Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo ciidda idin cunto), in dib hubaal la idiin (soo bixin doono) idinkoo abuur cusub ah

[8] Ma Allaah buu ka been sheegay mise wuxuu qabaa waalli?. Mayee, kuwaa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ahaan doonaan cadaabta (oo ku sugan yihiin) habow aad u fog

[9] Miyaanay haddaba u fiirsan waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah oo samada iyo arlada ah? Haddii aan doonno, waxaanu ka yeeli doonnaa inuu la go’o oo liqo dhulka, ama waxaan ku soo ridi doonnaa korkood gabal cirka ah. hubaal waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamo addoon kastoo u soo laabasho badan (Allaah)

[10] Oo dhab ahaan waxaanu ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga: Buurahow! La qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa la jirki, iyo shimbirahowba; Oo Waxaanu u jilicinnay birta

[11] Annagoo leh: Ka yeel waasic (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), oo u qaddar waqti sameynta jaakado bireedyada, oo sama fal. Hubaal Anigu waan Arkaa waxa aad fashaan

[12] Oo xagga Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabaysha3, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada, oo in bil loo socdo ku maraysay galabnimada, oo Waxaan u yeelnay inay u dareerto il (dureere) macdan nuxaas ah, oo jinniga waxaa ka mid ahaa kuwo ka shaqeynayey isaga horti si idanka Rabbigi ah, oo mid kastoo ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga, waxaanu ka yeeli doonaa inuu dhadhamiyo cadaabta gubashada

[13] Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah4 iyo sawirro5 iyo xeerooyin (ballaaran) dar oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Oo in yar oo ka mid addoomahayga baa ah kuwo mahad naq badan

[14] Markiise aan u qaddarnay dhimashada, ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa6, oo markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in haddii ay og yihiin waxa aan muuqan ee qarsoon aanay ku negaadeen cadaab dulleysa

[15] Dhab ahaan Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ degaankooda gudahi calaamad : labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidixba: Cuna wax ka mid ah risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya, balad wanaagsan iyo Rabbi Dambi Dhaaf Badan

[16] Wayse jeesadeen (iyagoo diidaya), markaas baan ku soo dirnay Daad Weyn8 oo rogmadkiisa iyo roorkiisa la joojin karin, oo waxaan ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara miro xun oo qaraar iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah

[17] Sidaas baan ku abaal marinnay gaal- nimadooda darteed; oo miyaan (sidaas oo kale) u abaal marinaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan

[18] Oo Waxaanu yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda9, oo waxaanu qaddarnay socodkooda halkaa10: Ku socdaala habeenno iyo maalmaba idinkoo nabad ah

[19] Markaasay waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Kala fogee safarka dhexdayada ah; oo waxay u gefeen nafahooda, markaas baan waxaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn muuqata11. hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan

[20] Oo dhab ahaan waxaa ku rumoobay Ibliis malihiisii xaggooda13, oo way raaceen14, marka laga reebo koox ka mid ah mu'miniinta

[21] oo kuma aanu lahayn wax awood ah dushooda, oo wax kalena uma aan yeelin sidaa aan aheyn inay kala caddaato kan isagu rumeysan Aakhirada iyo kan isagu ka shakisan xaggeeda. Oo Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta

[22] Dheh: U yeerta kuwa aad sheegtaan (inay ilaah yihiin) Allaah sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama quraanyo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko ah dhexdooda midna, kumana laha dhexdooda wax garab siiya

[23] Oo shafeeco kuma anfaci doonto agtiisa waxba, mid uu isagu u idmo ma’ahee15. Jeer marka laga faydo cabsida quluubtooda16: waxay odhan doonaan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan doonaan: Xaq. Oo waa Sarreeyaha, aad u Weyn

[24] Dheh: Yaa idinka siiya risiqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Oo hubaal innaga ama idinka mid uun baa xaqiiq hanuunsan ama ku sugan habow muuqda

[25] Dheh: La idin ma weydiin doono wax ku saabsan dunuubtayada, oo innagana nala ma weydiin doono waxa aad fashaan

[26] Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin doona innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori doonaa si xaq ah. Oo waa Isaga Garsooraha weyn, wax kasta Ogsoon

[27] Dheh: I tusa kuwa aad la wdaajiseen Isaga shuruko ahaanta, mayee (ma jiraan wax- wax la wadaaga) bal waa Allaah, Adkaadaha sare, Xakiimka ah

[28] Oo kuuma aanu soo dirin waxaan aheyn xagga dadka oo dhan oo aad u ahaato side warar san oo lagu farxo iyo di- ge, laakiinse dadka badankoodu ma ogsoona

[29] Oo waxay odhan doonaan: Goorma baa ballankani (la fulin doonaa) haddii aad tihiin run sheegayaal

[30] Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin, aydaan saacad dib u dhigi karin saacadna soo hor marin karin

[31] Oo kuwa Xaqa diida waxay yidhaahdaan: Marnaba ma rumeysan doonno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna, haddiise aad arki lahayd marka gar ma qaatayaasha la soo hor joojin doono Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadal- ka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Haddii aydaan jirteen waxaan wallee ahaan laheyn mu’miniin

[32] Kuwii isla weynaa waxay ku odhan doonaan kuwii la daciifsaday: Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib marka uu idiin yimid? Mayee’ idinka ( naf ahaantiinna) ayaa ahaa danbiilayaal

[33] Oo kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Allaah oo u yeello la dhigyo. Oo waxay muujin doonaan qoomamo markay arkaan cadaabta, oo waxaanu qoorta u suri doonnaa mereegyo bir ah kuwa xaqa diiday, Ma lagu abaal marin doono waxaan aheyn waxay camal faleen

[34] Oo ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu hubaal waxaanu nahay kuwo aan rumeysnayn waxa la idinla soo diray

[35] Oo waxay yidhaahdaan: Innagaa idinka maal iyo carruur badan, oo ma nihin kuwa la cadaabi doono

[36] Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona

[37] Oo ma aha maalkiinna iyo carruurtiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee ku kastoo rumeysan oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labanlaab ah waxa ay falaan darteed, oo waxay ku sugnaan doonaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada)

[38] Oo (ma xagga) kuwa ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga, kuwaas cadaabtaa la soo keeni doonaa

[39] Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), oo waxa aad bixisaan oo wuxuun ah, wuu ziyaadiyaa abaal gud ahaan, oo waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda

[40] Oo Maalinta marka uu soo wada kulmin doono iyagoo dhan, markaas uu ku odhan doono malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen

[41] Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo hufan, Adiga ayaa ah Gargaara- hayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen

[42] Marka Maalintaas uma hanan doono midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna, oo waxaanu ku odhan doonnaa kuwaasi ahaa gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya Cadaabta Naarta aad beeninayseen

[43] Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin. Oo Waxay yidhaahdaan: kanu wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Oo kuwa gaalada ahi waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Waxakanu ma aha wax aan ahayn sixir muuqda

[44] Oo ma aanu siin iyaga wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, oo uma aanu soo dirin adiga hortaa wax dige ah

[45] Oo Kuwii ka horreeyey baa beeniyey (Xaqa), oo kuwan weli ma gaarin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Wayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee mid daran u aheyd muujinta inkaarteydii

[46] Dheh: waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; waa inaad u kacdaan Allaah Darti labo-labo iyo mid mid18, markaasna aad fekertaan: ma qabo waalli saaxiibkiin, waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh

[47] Dheh: Wixii aan idin weydiiyoba oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin19. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Allaah oo Keliya. Oo wax walba Isagu waa u Jeedaa

[48] Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu sheegaa Xaqa (oo xumaantuu ku tiraa) waa Ogsoonaha sare ee waxa aan muuqan

[49] Dheh: Xaqu waa yimid, oo Baadilku waa tirtirmi oo dib uma soo laaban doono

[50] Dheh: Haddii aan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. Oo haddii aan raaco tub toosan, waa sababta waxa uu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal Isagu waa wax kasta Maqle, aad u dhow

[51] Oo haddii aad arki lahayd21 marka ay noqon doonaan kuwo qarracansan, ha yeeshee (markaa) mar jiri doonto baxsasho, oo waxaa laga soo qabqaban doonaa meel dhow

[52] Oo waxay odhan: Waanu rumaysanna- hay (haatan). Oo sidee bay qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel aad u fog

[53] Oo waxay dhab ahaan dafireen kol hore22, oo waxay ka sheegaan male awaallo waxyaalaha aan muuqan xagga meel fog

[54] Oo xannib baa la kala dhex dhigi iyaga iyo waxa ay rabaan24, sidii loo galayba kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh

Faatir

Surah 35

[1] Ammaan oo dhan (mahdin wehliso) waxaa mudan Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada, ka dhigaha malaa’igta Rusul ku duula baalal, labo iyo saddex iyo afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wixii uu doono. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa

[2] Wax kastoo uu Allaah uu u furo dadka ee Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, oo wuxuu celiyo ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Oo Waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah

[3] Dadow! Xusuusta Nicamadda Ilaahay dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa haddaba la idiinka iilay

[4] Oo haddii ay ku beeniyaan, xaqiiq waxaa la beeniyey Rusul kaa horreeyey. Oo Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan

[5] Dadow! Hubaal Ballanka Ilaahay waa Xaq. Ee yeysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, oo yuusan kan hodista badan (shaydaanka) idinka hodin arrinka Ilaahay

[6] Hubaal Shaydaanku wuxuu idiin yahay cadow, ee idinku ka dhigta cadow. Wuxuu uun ugu yeedhaa Xisbigiisa inay ka mid noqdaan asxaabta Naarta hureysa

[7] (Ma) Kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay mudan cadaab daran; (ma) kuwase rumeysan oo samaha fala, waxay mudan danbi dhaaf iyo abaalgud aad u Weyn

[8] Ma mid isaga loo qurxiyey camalkiisa xun, heer uu u arko wax wanaagsan (baa la siman mid isagu hanuunsan)? Haddaba Hubaal Allaah wuxuu lumiyaa kii uu doono, oo hanuuniyaa kii uu doono, ee yeysan naftaadu ku tegin murugo dartood kuu qabata. Hubaal Allaah waa Ogsoon yahay waxa ay Sameeyaan

[9] Oo Allaah waa Ka soo dira dabaylaha ee kicisa daruur, markaa aanu u kaxeyno beled dhintay, oo aan ku nooleyno arlada kaddib dhimashadeeda, sidaas oo kale weeyaan soo Bixinta

[10] Mid kastoo raba sharaf (awood uu leeyahay) darteed, haddaba Allaah baa iska leh sharaf iyo awood oo dhan. Xaggiisa bay u kor baxaan weedhaha san oo idil, oo camalka san kor buu u qaadaa, oo (ma) kuwa xumaha qorsheeya, waxay mudan doonaan cadaab daran. oo kuwaasu qorshahoogu xun wuu baabbi’i doonaa

[11] Oo Allaah wuxuu idinka abuuray carro, haddana mino-nool, haddana wuxuu idinka dhigaa lammaan; oo ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, oo ma jiro ku cimrigiisu la dheereeyo oo cumri dheeraada ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal kani waa mid u Fudud Allaah

[12] Oo labada badood isku mid ma aha, mid waa macaan lagu harraad baxo macaankeeda oo ziyaado ah awgeed ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, weliba mid walbaa oo ka mid ah waxaad ka cuntaan mallay cusub, oo waxaad kala soo baxdaan waxyaalo aad qurux u xidhataan. Oo waxaad aragtaa doonyaha oo dhex maaxaya, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad mahad naqdaan

[13] Wuxuu sababaa habeenka inuu dhex galo maalinta, oo wuxuu sababaa maalinta inay dhex gasho habeenka. Oo wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walba uu ku socdo marriinkiisa muddo go'an. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin; Isaga baa leh Boqortooyada, oo kuwaas aad u dhawaaqataan Isaga sokadi ma hantaan xitaa xuub laf timireed

[14] Haddii aad u dhawaaqataan ma maqli doonaan dhawaaqiinna, oo xitaa haddii ay maqli karaan, ma idin ajiibayaan2. Oo Maa- linta Qiyaamaha way dafiri doonaan wax (la) wadaajintiinna iyaga (Allaah). Oo ma jiro cid wax kuugu sheegi kartaa sida Mid- ka Isagu ah Xog ogaal Xeel dheer (Allaah)

[15] Dadow! Idinka weeye kuwa u baahan Allaah, oo Allaah waa isku Filan Deeqtoon, la Ammaano

[16] Haddii uu doono, wuu idin tegsiin, oo keeni fac cusub

[17] Oo (arrin)kani ma aha wax ku adag Allaah

[18] Oo naf culaabeysan ma qaadi karto culaabta naf kale; oo haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba ka mid ah lagama qaadi doono, xitaa haddii uu la yahay qaraabo dhow. Waxaad uun u digtaa kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba)3, oo hagaajiya salaadda, oo mid kastoo is daahiriya4, naftiisu uun buu isu daahiriyaa, oo waa Xagga Allaah meesha loo socdaa

[19] Oo indhoolaha iyo mid wax arka ma sinna

[20] Iyo mugdiyada iyo nuurka

[21] Iyo harka iyo kuleylka

[22] Oo kuwa nool iyo kuwa meydka ah6 ma sinna. hubaal Allaah Wuxuu wax maqashiiyaa ciddii uu doono7, oo adigu wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha

[23] Adigu (Nabi Muxammadow) ma tihid waxaan ahayn dige

[24] Hubaal waxaan Annagu kula soo dirnay Xaqa side ahaan warar san iyo dige ahaan. Oo ma jirto ummad aanu soo marin dige

[25] Oo haddii ay ku beeeniyaan, xaqiiq waxaa sidoo kale beeniyey (Rusushoodii) kuwii ka horreeyey; Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad iyo Qoraallo iyo kitaab iftiimaya

[26] Markaas baan ciqaabay kuwii Xaqa diiday,ee sidee bay aheyd inkaarteydii

[27] Miyaadan arag in Allaah ka soo dejiyo biyo daruurta, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh, oo waxaa jira buuro jiddooyin leh caddaan iyo casaan midabbo kala duwan iyo (kuwo kale) oo sugul madow ah

[28] Oo xagga dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqa waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedana waxaa uun ka baqa Allaah kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. hubaal Allaah waa Adkaade, Dambi Dhaaf Badan

[29] Hubaal kuwa akhriya Kitaabka Ilaahay oo hagaajiya salaadda, oo wax ka bixiya waxa aanu siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganac la hubo faa’ideeda, oo aan weligeed baari doonin

[30] Si uu Allaah ugu gudo si dhan ujuuradoodii, oo Fadligiisana ugaga daro dheeraad. Hubaal Isagu Waa Dambi Dhaaf Badane, ee camal yar ka siiya ajar badan

[31] Oo kaan kuu waxyoonnay oo ka mid ah Kitaabka waa Xaq dhab ah, xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub ah). Hubaal Allaah addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa

[32] Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwaan ka dhex doorannay addoomahaya- ga, waxaase ka mid ah mid u gefa naftiisa oo ku gardarrooda8, oo waxaa ka mid ah mid qaada jid dhexdhexaad ah, oo waxaa ka mid ah mid u dheereeya khayrka Idanka Ilaahay. Kan baa ah Fadliga aad u Weyn

[33] Beero lagu waaro bay gali, waxaa laga yeeli inay xidhaan gudaheeda shuuliyaal dahab iyo luul ah, oo dharkoodu gudahee- du wuxuu ahaan xariir

[34] Oo waxay odhan: Ammaan (oo dhan) iyo mahadba waxaa mudan Allaah, ee naga tagsiiyey murugo (oo dhan). Hubaal Rabbigayo xaqiiq waa Danbi Dhaaf Badane, ee camal yar ka siiya ajar weyn

[35] Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa Fadligiisa; dhibi naguma taaban doono dhexdeeda, oo daal naguma taaban doono

[36] Oo (ma xagga) kuwa xaqa diida abaalkooda waa dabka aan dameyn ee Naarta. Laguma xukumi doono geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifan doono cadaabkeeda. Sidaas oo kale baan ugu abaal gudnaa mid kastoo abaal laawe ah

[37] Oo waxay u qeyshan doonaan gudaheeda gurmad: Rabbiyow! Naga saar, waxaan fali doonnaa camallo san aan aheyn kii aan horay u fali jirnay oo kale9. Miyaanaan idiin cimri siin, in ku filan inuu ku waantoobo qof waano qaataa? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhansha, illeen gar ma qaatayaasha ma laha wax u gargaara’e

[38] Hubaal Allaah waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal Isagu waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha

[39] Isaga Weeye Kan idinka dhigay kuwo dhulka ku tarma ee isaga dambeeya, ee mid kastoo Xaqa diida isaga ayey u daran tahay Xaq diiddadiisu. Oo Xaq diiddadooda uma kordhiso Xaq diidayaasha Rabbigood agtiis waxaan nac aheyn, oo Xaq diidaddooda uma kordhiso Xaq diidayaasha waxaan khasaaro aheyn

[40] Dheh: Ma u fiirsateen shurukadiinna aad u dhawaaqataan Allaah sokadi, i tusa wax arlada ka mid ah ay abuureen, mise ma waxay ku leeyihiin wax saami ah samooyinka? Mise ma waxaan siinnay Kitaab sidaa awgeed ay raacaan xujo cad Xaggiisa ah? Mayee’ gar ma qaatayaasha uma ballan qaadaan qaarkoodba qaar kale waxaan uun dhagar aheyn

[41] Hubaal Allaah baa ka haya samooyinka iyo arlada inay baabba’aan, oo haddii ay baabba’aan, ma jiro mid qaban kara oo Isaga ka dambeeya. Hubaal waa Dul-qaadasho Badne, Danbi Dhaaf Badan

[42] Oo waxay ku dhaarteen Allaah kan ugu culus dhaarahooda; in haddii uu u yimaado dige ay ahaanayaan kuwa ka sii hanuunsan ummadahii kale oo dhan (ee ka horreeyey), markase uu u yimid dige, uma kordhin waxba aan didmo aheyn

[43] Isla weyni ay ku kibraan arlada iyo sameyn shirqool xun. Oo shir qoolka xumi kuma dhaco cidna aan ahayn kuwa soo abaabula. ee ma waxay sugayaan wax kale aan aheyn dhabbihii kuwii hore? Oo ma ka heli doontid wax is dhaaf ah Dhabbaha Ilaahay; oo kama heli doontid wax is beddel ah dhabbaha Ilaahay

[44] Oo miyaanay ku socdaalin arlada oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan? Oo ma jiro wax Allaah ka baxsan kara oo jooga samooyinka ama arlada midna. Hubaal, waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan

[45] Oo haddii uu Allaah u ciqaabi lahaa dadka waxay kasbadaanba (oo danbiyo ah), kagama tageen (arlada) korkeeda nafley dhul ku socod ah, laakiinse wuxuu ugu dib dhigaa ilaa muddo go'an, markase uu ajalkooda u yimaado, haddaba hubaal Allaah wuu arkaa xaalka addoomahiisa

Yaa-Siin

Surah 36

[1] Yaasiin

[2] Waa igu Qur’aanka, Xikmadda Badan

[3] Hubaal adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ka mid tahay kuwa la soo diray

[4] Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan

[5] Waxyi ka soo degay Adkaadaha, Naxariista Badan

[6] Si aad ugu digto qolo aan aabbayaashood loo diginba, marka iyagu waa war la' yihiin

[7] Dhab ahaan Waxaa ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeystaan (Xaqa)

[8] Hubaal Waxaanu u surnay mareegyo bir ah luqumahooda oo iyagu gaara ilaa gararkooda, sidaa awgeed waxay u taagaan madaxyadooda dusha sare

[9] Oo Waxaanu yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, oo waan arag daboolnay marka iyagu wax ma arkaan

[10] Oo waa isugu mid haddii aad u digto ama aad u diginba, ma ay rumeystaan

[11] Waxaad uun u digi kartaa kan isagu raaca Waanada oo ka baqa Raxmaanka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree dambi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh

[12] Hubaal waxaanu nolol galinnaa meytida, oo waxaan qornaa waxa ay hormarsadeen iyo raadadkoodiiba, oo wax walbaa waxaynu ku koobnay2 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka)

[13] Oo waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markii Rusushii (Ciise ku soo diray Amarka Ilaahay) ay u yimaadeen

[14] Marka aan u soo dirnay Xaggooda labo, markaasay labadiiba beeniyeen, markaa- saan ku xoojinnay mid saddexaad, oo waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaanu nahay rusul xaggiinna loo soo diray

[15] Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxba aan ahayn dad nala mid ah aan waadheyn, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan

[16] Waxay yidhaahdeen: Rabbigayo waa Ogsoon yahay inaan hubaal nahay rusul xaggiinna loo soo diray

[17] Oo nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Risaalada)

[18] Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waa idin shareysannay, haddii aydaan joojin (waxa aad waddaan), hubaal waa idin dhagaxyeyn doonnaa, oo waxaa xaqiiq idinka taaban doona xaggayaga cadaab aad u xanuun badan

[19] Waxay yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin, ma in la idin waaniyey darteed3? Mayee, waxaadba tihiin qolo xadgudub badan

[20] Oo waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin (Xabiib An-Najaar) roora- ya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha

[21] Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo iyagu ah kuwo hanuunsan

[22] Oo maxaan u heystaa sabab inaan caabudin (Allaah Keliya) ee ah kan ifka i keenay? oo Xaggiisa baa la idin soo celin doonaa

[23] Oo ma waxaan yeeshaa Isaga (Alle) sokadi ilaahyo (kale), haddii uu Raxmaanku (Allaah) ila doono dhibaato, ayan i tari doonin garab siintoodu waxba, oo aan awoodi doonin inay i badbaadiyaan

[24] Markaa Waxaan hubaal anigu ku suganahay habow caddaan ah

[25] Hubaal anigu waxaan rumeysanahay Rabbigiin, ee i maqla

[26] Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan

[27] Waxa Rabbigay iigu dambi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay

[28] Oo uma aanu soo dirin dadkiisii isaga kadambow wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas

[29] Ee waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaas bay wada baseen

[30] Alla maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada balse aanay ku jeesjeesin

[31] Mawaysan u fiirsan intee baan facyo ka mid ah rognay hortood, waayo iyaga xaggooda umaba soo laabtaan

[32] Oo kulligood iyagoo dhan hubaal Hortayada la keeni doono

[33] Oo waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah, waanu nooleynaa, oo ka soo saarnaa haruur, markaasay wax ka cunaan

[34] Oo Waxaanu yeellaa dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo yeelnaa ilo (biyo ah) inay ka dhex socdaan

[35] Si ay u wax uga cunaan midhahiisa, oo ma ayan sameyn gacmahoodu5. Ee Ma waysan haddaba mahad naqeyn

[36] Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo nazahan Kan ka abuuray lammaane wax kasta, oo ka mid ah waxa uu dhulka soo saaro, iyo xagga nafahooda iyo xagga waxa aysan ogaynba

[37] Oo waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, Waxaan ka soo saarnaa maalinta, mise waxayba ku jiraan mugdi

[38] Oo qorraxdu waxay u oroddaa muddo loo cayimay.(arrin)kaasi waa Qaddarka (Ilaahay) Adkaadaha aan laga adkaan, wax kasta Ogsoonaha ah

[39] Oo (ma xagga) dayaxa, Waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday

[40] Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hormi karo maalinta. Oo dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi

[41] Oo Waxaa Calaamo ugu sugan inaan ku qaadnay ubadkoodii6 Doonidii buuxday

[42] Oo Waxaan uga abuurnay wax caynkeed ah oo ka mid ah, wax ay fuulaan

[43] Oo haddii aan doonno, waanu qarqin karnaa, markaa ma lahaan doonaan wax u u soo gurmada, lamana badbaadin doono

[44] Inay ka ahaato mooyaane Naxariis Xaggayaga iyo raaxo ilaa muddo ah

[45] Oo marka lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna7 si la idiinkugu naxariisto

[46] Oo uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamadaha Rabbigood, bal way ka sii jeesadaan

[47] Oo marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Allaah idinku irsaaqay, kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeysan: Ma waxaan quudinnaa` mid haddii uu Allaah doono uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow caddaan ah

[48] Oo waxay odhanayaan: Goorma bay gooddintani fuli doontaa, haddii aad run sheegaysaan

[49] Ma sugaan wax kale aan aheyn hal Qaylo weyn9, oo qaadi doonta iyagoo weli wada murmaya

[50] Markaas ma kari doonaan inay dardaarmaan, umana soo laaban donaan ehelkooda

[51] Oo buunka baa la aafuufi10, mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood

[52] Waxay odhan doonaan: Hoog baa noo sugnaadaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? Kanu waa waxa uu Raxmaanku ballan qaaday, oo Rusushii la soo diray run bay sheegeen

[53] Ma ahaaneysa wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dhammaan ahaan doonaan kuwo Hortayada la keeno

[54] Marka Maanta nafna laguma gardarroon doono in yarba ahaatee, oo ma la idinku abaal marin doono wax kale aan ahayn waxaa aad fasheen

[55] Hubaal, ehlu-Jannuhu, waxay maalin- taas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi afooyinkooda) iyagoo aad u faraxsan

[56] Iyaga iyo afooyinkoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku jiqlaysan sariiro heer sare ah

[57] Waxay ku lahaan midho gudaheeda oo waxay lahaan waxa ay doonaanba

[58] Nabad ahaada: waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye)

[59] Oo dhinac u bax maanta; Dambiilayaashow

[60] Mawaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad

[61] Iyo inaad i caabudaan Aniga (Alle Keliya) Kani weeye Jidka Toosane

[62] Oo dhab ahaan wuxuu (Shaydaan) habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Mawaydaan aheyn kuwo wax garta

[63] Tani waa Naartii la idiinku gooddinayey

[64] Ee gala oo ku gubta oo gamaara iyada maanta gaalnimadiinnii darteed

[65] Maalintaasi Waxaynu dabooli afafkoo- da, oo gacmahooda baa nala hadli doona, oo lugahooda baa ku marag furi doona waxay kasbadeen

[66] Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal malaasaynaa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan

[67] Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal ku masakhaynaa halkooda, markaas ma karayaan inay horey u sii socdaan, mana soo noqon doonaan

[68] Oo mid kastoo aan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee mawaysan haddaba garaadsaneyn

[69] Oo ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan caddaan ah

[70] Si uu ugu digo kan nool oo Weedha xaqa ah ugu rumowdo gaalada

[71] Mawaysan arag inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxa ay gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin

[72] Oo Waan u laylinnay iyaga, sidaa awgeed qaarkood waxay u adeegsadaan rukuub ahaan, oo qaar waa ay cunaan

[73] Oo waxay u leeyihiin manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Mawaysan haddaba mahad naqayn

[74] Oo waxay yeesheen ilaahyo (kale) ay Allaah barbar dhigaan, si loogu gargaaro

[75] (Ha yeeshee) ma kari doonaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada

[76] Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxa ay u falaan qarsoodiga iyo waxa ay caddaystaanba

[77] Mawuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay mino-nool. Markaas mise waa col iska cad oo dood badan

[78] Oo wuxuu soo qaataa tusaale uu annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamaa abuuristiisa. Wuxuu yidhaahdaa: Yaa nooleyn doona lafaha marka ay baaliyoobaan

[79] Dheh: Waxaa nooleyn doona Kan ifka keenay kolkii horeba. Oo Isagu (Alle) waa u Xog ogaal uunka oo idil

[80] Kan Isaga idiin yeelay dabka (aad ka shidataan) geedka cagaaran, si aad wax ugu hursataan

[81] Ma wuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale17? Haaheey, oo Waa Isaga Abuuraha, wax kasta Ogsoon

[82] Amarkiisu, marka uu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, marka waaba yahay

[83] Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo nazahan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Xukunka wax kasta, oo Xaggiiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa

As-Saaffaat

Surah 37

[1] Waxaan ku dhaartay kuwa (malaa’igta) safta safafka siman

[2] Misna kuwa soo kaxeeya kaxeynta adag

[3] Misna kuwa akhriya (Dhambaalka) iyagoo baraarugsan

[4] Hubaal Ilaahiinnu (Runta ah) waa Mid keliya (Allaah)

[5] Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada

[6] Hubaal Waxaanu ku qurxinnay samada soke qurux, xiddigaha ah

[7] Iyo ka ilaalin ahaan shaydaan walboo fallaago ah khayr daran

[8] Ma dhegaysan karaan kulanka sare oo waxaa laga soo ganaa dhinac walba

[9] Iyagoo la soo eryey, oo waxay leeyihiin cadaab joogto ah

[10] Marka laga reebo mid dafa (hadalka) dafid (mar keliya ah) markaasaa waxaa laga daba geeyaa dhinbil ololeysa oo iftiin leh

[11] Ee weydii ma iyaga baa abuur adag mise waxaa (kale) ee aan abuurnay?. Hubaal Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo wax ku dhagta

[12] Bal adigu waad la yaabtaa, halka iyagu iska jees-jeesaan

[13] Oo marka la waaniyo, ma waansamaan

[14] Oo marka ay arkaan Calaamo waxay isku dhiirro geliyaan inay ku jees-jeesaan

[15] Oo waxay yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxba aan ahayn sixir caddaaan ah

[16] Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa nala soo bixin doonaa

[17] Ama aabbayaashayadii waa’ hore jiray

[18] Dheh: Haah, idinkoo markaa dulleysan

[19] Marka waxay ahaan doontaa oo keliya hal Qeylo, mise markaa bay arki doonaan

[20] Oo waxay odhan: Hoog baa noo sug -naadaye! Tanu waa Maliinta is abaal marinta

[21] Tani waa Maalinta kala baxa ee aad beenin jirteen

[22] Soo kulmiya iyagoo dhan kuwii ahaa gar ma qaatayaasha iyo4 shurakadoodii iyo waxa ay caabudi jireenba

[23] Allaah sokadi, oo u taxaaba jidka Naarta ololeysa

[24] Oo joojiya, waayo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo

[25] Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn

[26] Mayee, Maalintaa way is dhiibi doonaan

[27] Oo waxay ku jeesan doonaan qaarkoodba qaaar iyagoo is su'aalaya

[28] Waxay odhan: Hubaal waxaad nooga imaan jirteen dhanka midig

[29] Waxay odhan: Mayee, idinka naf ahaantiinu maydaan aheyn mu’miniin

[30] Oo kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Mayee, waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan

[31] Sidaas awgeed waxaa nagu waajibay Qawlka Rabbigeen, (haatan) hubaal waanu dhadhamin doonnaa (Cadaabta)

[32] Marka waan idin luminnay6, waayo innaga naf ahaanteenna baa lunsanayn

[33] Marka Maalintaas cadaabta bay wadaagi doonaan

[34] Hubaal sidaas baan ku fallaa Dambiilayaasha

[35] Hubaal iyaga marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan ahayn Allaah, way iska weyneyn jireen

[36] Iyagoo leh: Ma waxaan isaga deynaa ilaahyadayada gabayaa waalan

[37] Mayee’ wuxuu la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii ( Alle soo diray)

[38] Hubaal waxaad idinku dhadhamin doontaan cadaabta xanuunka badan

[39] Oo la idinkama goyn doono waxaan aheyn waxa aad galabsateen

[40] Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada)

[41] Kuwaasu waxay leeyihiin risiq la yaqaan

[42] Midho, oo waxay ahaan doonaan kuwo si heer sare ah loogu maamuuso

[43] Beeraha barwaaqada gudaheeda

[44] Sariiro sarreeya korkooda iyagoo is qaabilsan fool ka fool

[45] Waxaa lagula wareegi doonaa koob (khamri ah) ka soo shubma ilo saafi ah

[46] Cad, oo u macaan kuwa cabba

[47] Ma ahaan doonto wax dhibaato ah dhexdeeda, mana ahaana doonaan kuwo ku sarkhaamo

[48] Oo waxaa la jirkood ahaan doona kuwa soo laaba araggooda, ee leh indha waasic ah oo aad u qurxoon

[49] La moodo ukummo aad loo dhowray

[50] Waxay qaabili doonaan qaarkoodba qaarka kale, iyagoo wax is weydiinaya

[51] Midkood hadlaya baa odhan doona; Waxaan hubaal anigu lahaa rafiiq

[52] Kaasoo yidhi: Ma waxaad dhabtii ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta)

[53] Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa (naloo soo saari doonaa) abaal marin

[54] Wuxuu odhan: Miyaad dhuganeysaan

[55] Markaasuu dhugtay hoos oo ku arkay Naarta bartankeeda

[56] Wuxuu odhan: Wallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto

[57] Oo haddii aysan jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan hubaal ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta)

[58] Ee ma nihin miyaa kuwo dhiman doona

[59] Waxaan ahayn dhimashadayadii hore? mana layna cadaabi doono

[60] Hubaal (arrin)kani ani waa Liibaanta aad u Weyn

[61] Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan camal falayaashu

[62] Ma (arrin)kani (Jannada) baa martiqaad wanaagsan mise geedka Zaquumka

[63] Hubaal Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) gar ma qaatayaasha

[64] Hubaal waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda

[65] Miraheeda ka soo baxa la moodo madaxyada shaydaammada

[66] Hubaal waxay wax ka cuni (geedkaa), oo ka buuxin doonaan caloolahooda

[67] Markaa waxay hubaal mudan doonaan intaa kaddib inay cabbaan isku dhaf lagu soo dheehay biyo kulul oo karaya

[68] Markaa hubaal laabashadoodu waxay ahaan doontaa xagga Naarta holaca badan

[69] Hubaal Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan

[70] Marka iyagu raad raacooda baa lagu soo dedejiyaa

[71] Oo dhab ahaan waxaa lumay iyaga hortood badi dadkii hore

[72] Oo dhab ahaan Waxaan u dirnay digayaal

[73] Ee fiiri sida ay aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin)

[74] Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada)

[75] Oo waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, oo maxaynu nahay kuwa u wanaagsan ee ajiiba (baryada)

[76] Oo waxaan ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weynd (qaraqii)

[77] Oo waxaan ka dhignay durriyaddiisa badbaadayaasha

[78] Oo Waxaan u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood

[79] Nabad korkiisa ha u ahaato Nuux uunanka dhexdooda

[80] Sidaas baan Annagu hubaal u abaal marinnaa sama falayaasha

[81] Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah

[82] Markaas Waxaan hafinnay intii kale

[83] Oo hubaal wuxuu Ibraahiim7 xaqiiq raacay jidkiisa

[84] Marka uu ula yimid Rabbigi qalbi fayow

[85] Marka uu ku yidhi aabbihi iyo qoladiisii: Waa maxay waxaa aad caabuddaan

[86] been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku

[87] Muxuu haddaba yahay fikradda aad ka qabtaan Rabbiga uunanka

[88] Markaas wuxuu fiirshay xagga xiddigaha, isagoo kor eegaya fiiro keliya

[89] Markaasuu wuxuu yidhi: Anigu hubaal waa bukaa

[90] Markaasay ka jeesteen xaggiisa, iyagoo dib u noqonaya

[91] Markaasuu u daba maray si dhuumaaleysi ah ilaahyadoodii, oo yidhi: Mawaydaan (wax) cuneyn

[92] Maxaad leedihiin oo aydaan la hadlin

[93] Markaasuu ku jeestay si dhuumaaleysi ah isagoo ku garaacaya gacanta midig

[94] Markaasay waxay soo aadeen (dadkii) xaggiisa, iyagoo soo degdegaya

[95] (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabuddaan waxaad qor-qor jaftaan

[96] Isaga oo Allaah abuuray idinka iyo waxa aad samaysaanba

[97] Waxay yidhaahdeen: U dhisa foorno (dab lagu shido) markaa ku tuura dabkaa ololaya

[98] Oo waxay dooneen dagaal ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hoos maray

[99] Oo wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin doonaa

[100] Rabbiyow! I sii (ubad) ka mid ah wanaagsanayaasha

[101] Markaas baan Waxaan ugu bishaaraynay wiil dul badan

[102] Oo, markii uu gaaray inuu la shaqeeyo10, wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Hubaal waxaan ku arkay riyo anigoo ku gawracaya (qurbaan ahaan), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, haddii Alle idmo, waxaad i heli doontaa mid ka mid ah kuwa samir yeesha

[103] Markay labaduba hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco)

[104] Baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow

[105] Waxaad xaqiiq ka run sheegtay oo fulisay riyadii. Hubaal sidaas baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha

[106] Hubaal, (arrin)kani wuxuu xaqiiq ahaa imtixaan cad ( oo weyn)

[107] Oo waxaan (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran)

[108] Oo Waxaan u dhaafnay ( Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood

[109] Nabad korkiisa ha ahaato Ibraahiim

[110] Sidaaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha

[111] Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah

[112] Oo Waxaan ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan

[113] Oo Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah (qaar) fala samaan iyo (sidoo kale) qaar ugu gar darrooda nafahooda si caddaan ah

[114] Oo dhab ahaan Waxaanu ku mannaysannay gallad Muuse iyo Haaruun

[115] Oo Waxaanu ka badbaadinnay labadoodaba iyo dadkoodii kurbaddii weynayd

[116] Oo waan u gargaarnay, Sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday

[117] Oo Waxaanu siinnay labadooduba Kitaab ka yeelay (arrimaha) caddaan

[118] Oo Waxaanu ku hanuuninnay labadooduba Jidka Toosan

[119] Oo Waxaanu u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood

[120] Nabad korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun

[121] Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha

[122] Hubaal Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah

[123] Oo hubaal, Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha

[124] Marka uu ku yidhi tolkiisii, Ma waydaan ka dhowrsanayn (xumaha)

[125] Ma waxaad u dhawaaqataan (oo baridaan) Bacal13 oo ka tagtaan (Allaah ee ah) Kan u wanaagsan abuurayaasha

[126] Allaah, waa Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore

[127] Wayse beeniyeen, sidaas darteed hubaal waxay ahaan doonaan kuwo la keeno

[128] Addoomaha Ilaahay ee daacadda ah maahee u keli yeela cibaadada

[129] Oo Waxaan u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood

[130] Nabad korkiisa ha ahaato Ilyaasiin

[131] Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha

[132] Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah

[133] Oo Luud wuxuu hubaal ka mid ahaa Rususha

[134] Waa tii aanu badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan

[135] Marka laga reebo habar duq ah (xaas- kiisa oo ka mid ahayd) kuwaa nagaaday

[136] Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale (ee hartay)

[137] Oo waxaad hubaal ag martaan waaberiga

[138] Iyo habeenkaba, ee mawaydaan haddaba garowsaneyn

[139] Oo Yuunus wuxuu hubaal ka mid ahaa Rusushii (la soo diray)

[140] Waa tii uu u cararay doonidii buuxday

[141] Marka wuu la qori tuurtay, wuxuuse ahaa mid ka mid ah kuwaa la reebay

[142] Markaas buu nibirigu liqay isagoo falay waxaa uu naftiisa ku canaantay

[143] Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwaa na xurmo weyneeya oo na hufa

[144] Wuxuu hubaal ku negaan lahaa calooshiisa tan iyo Maalinta Qiyaamaha

[145] Markaas baan Waxaan ku soo tuur- nay (xeebta) bannaanka ah isagoo buka

[146] Oo Waxaan u soo bixinnay geed Aredube ah

[147] Oo Waxaan u dirnay Boqol kun ama ka badanba

[148] Oo waa ay rumeeyeen; markaas baan waxaanu siinnay sahay ilaa muddo ah

[149] Ee weydii iyaga haddii Rabbigaa leeyahay gabdho, iyaguna leeyihiin wiilal

[150] Mise waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, oo iyagaa ka ahaa goob joog

[151] Haddaba hubaal waa been abuurkooda inay yidhaahdaan

[152] Waa dhal Ilaahay, oo hubaal iyagu waa beenaalayaal

[153] Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal

[154] Maxaa si idin ka ah, waa sidee sida aad wax u xukuntaan

[155] Ee mawaydaan haddaba garaadsanayn

[156] Mise waxaad heysataan Xujo Cad

[157] Haddaba keena Kitaabkiinna haddii aad tihiin run sheegayaal

[158] Oo Waxay yeelaan xigaalo Isaga (Allaah) iyo jinka dhexdooda, oo dhabtii waxay jinku og yihiin in hubaal loo keeni doono (xisaab xil ma leh)

[159] Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka nazahan yahay waxa ay tilmaamaan

[160] Addoomaha Ilaahay maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada

[161] Marka hubaal idinka iyo waxa aad caabuddaanba (Alle sokadi)

[162] Cidna kama fidnayn kartaan Xaggiisa

[163] Mid maahee Naarta geli doona

[164] Oo ma jiro mid naga mid ah aan lahayn meel lagu og yahay

[165] Oo hubaal waa innaga (malaa’igta) kuwa u safta safafka siman

[166] Oo hubaal waa innaga kuwa xurmo weyneeya oo nazaha (Allaah)

[167] Oo hubaal waxay odhan jireen

[168] Haddii aan ka heysan laheyn waano kuwii hore

[169] Waxaan hubaal ahaan laheyn addoo- maha Ilaahay ee daacadda ah u keli yeela cibaadada

[170] Wayse ku gaaloobaan (haatan)23, marka way ogaan doonaan

[171] Oo dhab ahaan Kelmaddayadu horay bay u hirgashay xagga addoomahayaga, Rususha

[172] In hubaal iyagu yihiin kuwa loo gargaari doono

[173] Iyo in hubaal ciidammayadu ay iyaga yihiin kuwa adkaan doona

[174] Ee isaga jeeso iyaga tan iyo muddo

[175] Oo (markaa) arag iyaga, iyaguna sidoo kale way arki doonaan

[176] War ma Cadaabtayada bay degdegsanayaan

[177] Markase uu ku soo dego ardaagoooda, wax xun buu haddaba ahaan doonaa waa bariga kuwa loo digay

[178] Oo isaga jeeso iyaga tan iyo muddo

[179] Oo (markaa) arag, iyaguna sidoo kale waa ay arki doonaan

[180] Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo hufan Rabbigaa, Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxa ay tilmaamaan

[181] Oo nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Ilaahay)

[182] Oo Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka

Saad

Surah 38

[1] Saad1, Waxaan ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan

[2] Balse kuwa xaqa diida waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo cinaad

[3] Intee baan rognay hortood facyo, markaasay baroorteen goor waqtigii fakashadu tagtay

[4] Oo waxay la yaabaan inuu u yimaado dige ka mid ah. Oo waxay gaaladu yidhaahdaan: Kanu waa saaxir, beenaale

[5] Ma wuxuu ka soo qaaday isagu ilaahyada Mid (Allaah) Keliya? Waa wax la yaab leh waxakani xaqiiq ahaan

[6] Oo odayaashii ka mid ahaa way soo dhaqaaqeen ( iyagoo leh ): Socda, oo ku sabra oo sugnaada ilaahyadiinna. hubaal, (arrin)kanu waa wax laynala doonayo

[7] Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii hore3. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur

[8] Ma waxaa lagu soo dejiyey Waanada isaga (keliya) dhexdeenna? Bal! Waxay ka shaki qabaan Waanadeyda. Bal wali ma aysan dhadhamin Cadaabtayda

[9] Mise ma waxaa weeye inay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha, Deeqsiga ah aad wax u bixiya

[10] Mise ma waxaa weeye inay iyagu leeyihiin Boqortooyada cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Haddaba ha u koreen salaanno xagga (samada haddii ay karaan)

[11] Ciidanka halkaas jooga ee ka mid ah xisbiyada5 waa la jabin oo ay carari

[12] Qoladii Nuux iyo Caad iyo Fircoon ee lahaa tiirar xoog leh6 baa beeniyey (Rususha) iyaga hortood

[13] Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii, kuwan bay ahaayeen xisbiyada

[14] Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaas bay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo

[15] Oo kuwaani ma sugayaan iyaguna waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac

[16] Oo waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabta ) ka hor Maalinta Xisaabta

[17] U samir waxa ay leeyihiin, oo xusuuso addoonkayaga Daawuud, ee awoodda lahaa. Hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo laabasho badan

[18] Hubaal Waxaanu Annagu ka yeelnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alla) ammaan iyo mahdin iyo hufid galab dhaca iyo qorrax soo baxaba

[19] Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan(Alla)ammaanka

[20] Oo Waxaanu adkaynay mullkigiisa, oo Waxaanu siinnay xikmad iyo hadal cad oo lagu kala baxo garsoor wanaagsan ah

[21] Oo ma ku soo gaaray warka dood qabayaashii, marka ay ugu soo dhaceen Mixraabka iyagoo soo tafaya derbiyada

[22] Marka ay u soo galeen Daawuud, markaasuu ka baqay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, oo iska jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan

[23] Hubaal kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan sabeenood, halka aan anigu leeyahay sabeen keliya. Wuxuuse yidhi: ii xil saar iyadana, oo waa iga dood adkaaday

[24] Wuxuu yidhi: Hubaal waa uu kugu gefay ku weydiisigiisa sabeentaada si uu ugu darsado sabeenihiisa. Oo hubaal in badan oo kuwa wax isku darsada ahi xaqiiq way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, marka laga reebo kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo aad bay u yar yihiin kuwaasu. Oo Daawuud wuxuu gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Dambi Dhaaf Rabbigi oo wuxuu la dhacay rukuuc, oo badiyey u noqdashada(Xagga Ilaahay)

[25] Markaas baan u dambi dhaafnay (arrin)kani, oo hubaal wuxuu Agtayada xaqiiq ku leeyahay dhowaansho iyo meeqaan aad u wanaagsan

[26] Daawuudow! Hubaal waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si caddaalad ah, oo ha raacin waxa (xun) ay naftu doonto _si ayan kaaga lumin Jidka Ilaahay, (ma xagga) kuwa ka luma Jidka Ilaahay waxay hubaal mudan doonaan cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta darteed

[27] Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha kuwa xaqa diida. Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida xagga Naarta ah

[28] Ma waxaanu la mid dhignaa kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu ka dhignaa kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta

[29] (Kani) waa Kitaab aan kuu soo waxyoonnay barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa iyo si ay wax garadku ugu waantoobaan

[30] Oo Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. hubaal, wuxuu ahaa mid noo soo laabasho badan

[31] Waa tii loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan marka ay taagan yihiin oo aad u dheereeya marka ay ordayaan

[32] Markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan ka door biday waxyaalaha wanaagsan xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii

[33] Dib iyaga iigu keena, markaasuu wuxuu billaabay inuu masaxo addimmada iyo luquma(hooda)

[34] Oo xaqiiq Waxaanu imtixaannay Sulaymaan, oo aan saarnay kursigii boqortooyadiisii oogo, markaasuu u soo laabtay (Allaah oo toobad keenay)

[35] Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe

[36] Markaas baan waxaan u sakhirnay dabaysha, oo ku soconeysey amarkiisa iyadoo nugul meeshuu doonaba

[37] Iyo shaydaammada, mid walboo wax dhisa , iyo mid walboo quusa

[38] Iyo kuwo kaloo ku xirxiran silsilado

[39] Kani waa Deeqdayada ee bixi waxaad doonto ama hayso xisaab la’aan

[40] Oo hubaal wuxuu Agtayada ku leeyahay xaqiiq dhowaansho iyo meeqaan sare

[41] Oo xus addoonkayaga Ayyuub, marka uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay silic iyo saxariir

[42] Ku garaac (dhulka) cagtaada; kani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan

[43] Oo Waxaanu siinnay ehelkiisii, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah,oo waano u ah wax garadka

[44] Oo ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar ah oo ku dhufo oo ha jabin dhaartaada12; hubaal waxaanu hellay inuu yahay samir yeeshe dul badan. Wacanaa addoonku, hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u laabasho badan

[45] Oo xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, rag awood leh oo in dheer garad ah

[46] Hubaal waxaanu u xulannay tilmaan wanaagsan oo gaar ah: xusuusnaanta Daarta (Aakhiro)

[47] Oo hubaal waxay iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah

[48] Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, oo dhammaantood waxay ka mid yihiin akhyaarta

[49] Kani waa waano, oo hubaal, waxay mudan doonaan meeqaan wanaagsan kuwaa iska jira xumaha

[50] Beero negaya loo furay Albaabadoodu

[51] Oo ay dhex jiqlaysan yihiin iyagoo ugu yeeranaya midho tiro badan iyo cabbitaan

[52] Oo waxaa la jirkood ahaan kuwo soo laabba aragga, oo isku fil ah

[53] Kani waa waxa la idiin ballan qaaday Maalinta Xisaabta

[54] Hubaal kani waa risiqayaga aan dhammaaneyn weligii

[55] Waa sidaase! Oo hubaal xadgudbayaasha waxaa sugaya rug laabasho xun

[56] Naar; way geli doonaan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo

[57] Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyaan, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun

[58] Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah

[59] Kuwakani waa guuto lagu soo tuurayo qiimo la’aan la jirkiin, Ma leh soo dhoweyn! Hubaal waxay geli doonaan Naar

[60] Waxay odhan: Mayee idinkaan soo dhoweyn lahayn! Idinkaa noo horseeday iyada, ee xumaa fariisan guntii la degaa

[61] Waxay odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani ugu dar cadaab labo jibbaar ah Naarta gudaheeda

[62] Oo Waxay odhan: Maxaanu u arki la'nahay, niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka

[63] Oo miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey

[64] Hubaal (arrin)kani waa xaq aan shaki lahayn_ waa doodda ehlu-Naarka

[65] Dheh anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, oo ma jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh

[66] Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan

[67] Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh

[68] (Oo) aad idinku ka jeedsataan

[69] Oo uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodeen

[70] Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad

[71] Waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Hubaal Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo

[72] Ee marka aan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayaga, markaas ula dhaca sujuud (salaan ahaan)

[73] Oo malaa’igtii way sujoodeen (salaan qaateen) dhammaantood oo idil

[74] Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo ka mid ahaaday abaal laawayaasha

[75] (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad salaan qaadasho ahaan ugu sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise waxaad ka mid tahay kuwa isla sarreeya

[76] (Ibliis) wuxuu yidhi: Aniga baa ka khayr badan isaga, waxaad iga abuurtay dab, oo isaga waxaad ka abuurtay dhoobo

[77] (Alle) wuxuu yidhi: Haddaba ka bax halkan, hubaal waxaad tahay dayro dufeysane

[78] Oo hubaal Nacaladdayda baa korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta

[79] (Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha)

[80] (Alle) wuxuu yidhi: Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo

[81] Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh

[82] (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, hubaal waxaan ka yeeli inay noolaadaan nolol baas oo xun dham- maantood oo waa dhumin geddigood

[83] Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada

[84] (Alle) wuxuu yidhi: Runtu haddaba waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye

[85] Inaan hubaal ka buuxin Naar adiga iyo kuwooda ka mid ah oo ku raaca oo dhan

[86] Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin)

[87] Oo ma aha (Qur’aanka) waxaan ahayn Waano ku socota uunanka oo dhan

[88] Oo hubaal waad ogaan doontaan warkiisa muddo yar kaddib

Az-Zumar

Surah 39

[1] Soo Waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) wuxuu ka yimid xagga Allaah, Adkaadaha, Xakiimka ah

[2] Hubaal Waxaanu Annagu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka si Xaq ah. Ee caabud Allaah Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada

[3] Ogaada, hubaal cibaado oo dhan barax tiran1 aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Allaah (Keliya). Oo (ma xagga) kuwa yeesha awliyo ay la barbar caabudaan Isaga, (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Allaah dhowaansho aad ah. Hubaal Allaah baa ku kala xukumi doona dhexdooda waxa ay isku khilaafaan. Hubaal Allaah ma hanuuniyo kan isagu ah beenaale, abaal laawe

[4] Haddii uu Allaah doonayo inuu yeesho wiil wuxuu hubaal ka dooran lahaa waxa uu abuuray waxa uu doono. Xurmo oo dhan Isaga baa leh oo nazahan. Waa Allaah, Waaxidka, Awoodda Sare leh

[5] Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Wuxuu ka yeelaa habeenka inuu daboolo maalinta, oo ka yeelaa maalinta inay gasho halka habeenka. Oo wuxuu layliyay qorraxda iyo dayaxa. Mid walbaa wuxuu ku socdaa muddo magacaaban. Ogaada hubaal waa Isaga Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan

[6] Wuxuu idinka abuuray naf keliya (Aadam); oo ka yeelay lammaankiisa (Xawwaa) isku nooc. Oo wuxuu idiin yeelay sideed ka mid ah xoolaha oo lammaan ah. Wuxuu idinku abuuraa uurarka hooyooyinkiin abuuris ka dambeysa abuuris saddex mugdi2 dhexdood, kaas baa ah Allaah _Rabbigiin. Isagaa leh Boqortooyada. Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Ee xagee baaa haddaba la idiinka iilay

[7] Haddii aad gaalowdaan, haddaba hubaal Allaah waa isku filan yahay oo idinka deeqtoon yahay, lamase jecla abaal dhac iyo gaaloobid addoomahiisa. Haddiise aad tihiin kuwo mahad naqa, wuu idiinka raalli yahay. Oo qof culaabi saaran tahay ma qaado culaabta qof kale. Oo waa xagga Rabbigiin laabashadiinna, markaasuu idiin sheegi waxaad fali jirteen. hubaal wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

[8] Oo marka ay dhibi taabato aadmiga wuxuu u dhawaaqdaa Rabbigiis (Allaah Keliya) isagoo badiya u noqodka Xaggiisa, markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah3, waa halmaamaa waxa uu ugu dhawaaqday kal hore, oo wuxuu u yeelaa dhigyo Allaah, si uu (u lumo oo aadmigana) uga lumiyo Jidkiisa. Dheh: Ku raaxeyso abaal dhiciddaada wax yar, hubaal waxaad ka mid tahay ehlu Naarka

[9] Ma mid daacad ah saacado habeenka ah gudahood, isagoo sujuudaya oo istaagan, u digtoon oo dadaala Aakhirada oo rajeeya Naxariista Rabbigiis (miyaa la mid ah mid aan sidaasi ahayn)!? Dheh: Miyey kuwa wax og iyo kuwa aan aan waxba ogeyn siman yihiin? Waxaa sideedaba waantooba keliya kuwa wax garadka ah

[10] Dheh: Addoommahayga (Xaqa) rumeysanow, Dhowra (xilka uu idin saaray) Rabbigiin, kuwa sama fala adduunyadan, (abaalkooda) waa samaan, oo dhulka Ilaahay waa waasic. Oo keliya kuwa samir yeesha baa loogu oofin doonaa Abaalkooda si dhan xisaab la’aan

[11] Dheh: Waxaa Aniga la i amray inaan caabudo Allaah Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada

[12] Oo waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya kuwa isu dhiiba (Ilaahay) Muslimiin ahaan

[13] Dheh: Waxaan ka cabsi qabaa haddii aan caasiyo (Alle) Rabbigey Cadaabta Maalin aad u murugo Weyn

[14] Dheh: Allaah (weeye kan) aan caabudo anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada

[15] Ee caabuda idinku waxa aad doontaan oo barbar dhiga. Dheh: Khasaare qabaayaasha hubaal waa kuwa khaasari nafahooda iyo ehelkoodaba Maalinta Qiyaamaha; ogaada hubaal, kaasi weeye khasaaraha caddaanka ah

[16] Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo hoostooda, (Arrin)kaasi waa waxa uu Allaah ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow dhowra (xilka aan anigu idin saaray)

[17] Oo (ma xagga) kuwa ka fogaada inay caabudaan Shaydaan (iyo wax kastoo la caabudo Alle sokadi) oo u laabta Allaah4, waxay heli doonaan war san ay ku farxaan; ee sii war san ee farxad leh addoomahayga

[18] Kuwa dhegaysta hadalka oo raaca kiisa u fiican5, kuwaas weeye (kuwa) uu Allaah hanuunshay, oo kuwaas weeye kuwa wax garadka ah

[19] Ma mid ay isagu u waajibtay kelmedda cadaabka. Ma adigaa badbaadin kara mid isagu ku sugan Naarta

[20] Laakiinse (ma xagga) kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood waxay mudan doonaan dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Ilaahay, Allaah kama baxo Ballankiisa

[21] Mawaadan arag inuu Allaah ka soo dejiyo biyo daruurta, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, (arrin)kani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah

[22] Ma mid uu qalbigiisa Allaah u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)?, ee waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Ilaahay. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow caddaan ah

[23] Allaah wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda6, ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Ilaahay. Kani waa hanuunka Ilaahay. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, oo (ma xagga) kan Allaah lumiyo ma leh cid hanuunisa

[24] Ma mid haddaba kaga dhowrsada wejigiisa7 cadaabka xun Maalinta Qiyaa- maha(baa la mid ah mid aan sidaas ahayn) oo waxaa lagu odhan gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya waxa aad kasbateen

[25] Kuwii ka horreeyey baa beeniyey (anbiyo), sidaas darteed wuxuu uga yimid cadaabku meelo aysan dreemeyn

[26] Markaasuu Allaah ka yeelay inay ku dhadhamiyaan dulli noloshan adduunka, oo dhab ahaan cadaabta Aakhiro baa ka sii weyn; waase haddii ay ogaan lahaayen

[27] Oo dhab ahaan waxaan ugu soo qaadannay dadka Qur' aankan dhexdi tusaale nooc kasta leh bal inay garowsadaan

[28] Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ah lahayn8, bal inay (xumaha ka) dhowrsadaan

[29] Allaah wuxuu dhigaa tusaale: waa addoon ay wadaagaan niman badan oo is khilaaafsan, iyo addoon kale oo gebigiba uu wada leeyahay hal nin. Miyey labadaasu isku mid yihiin xaal ahaan? Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa mudan Allaah, balse badankoodu ma oga

[30] Hubaal waad dhiman doontaa, iyaguna (sidoo kale) waa dhiman doonaan

[31] Oo hubaal idinku Maalinta Qiyaamaha waxaad iskula doodi doontaan Rabbigiin horti

[32] Yaa haddaba ka gef weyn oo ka gardarro badan kan ka been sheega Alle, iyo (kan isagu) beeniya Runta marka ay u timaaddo, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada

[33] Oo kan la yimaada Runta iyo (kan isagu) u aqbala run ahaanta, kuwani weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada

[34] Waxay ka heli doonaan waxa ay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha

[35] Sidaa awgeed Allaah wuxuu ka tirtiri waxa ugu xun ay faleen, oo u siin doonaa ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaag- san ay falaan

[36] Mawuusan Allaah ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Oo waxay doonaan inay kugu cabsi geliyaan kuwa ay barbar dhigaan. Oo mid kastoo uu Allaah lumiyo, ma uu laha wax hanuuniya

[37] Oo mid uu Allaah hanuuniyo ma uu laha wax lumiya. Ma wuusan ahayn Allaah Adkaade, Aargudasho leh

[38] Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay hubaal odhanayaan: Allaah. Dheh: Haddaba ma u fiirsateen waxa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi,_ haddii Allaah ila maago lur, miyey yihiin kuwa fayda lurkiisa? ama haddii uu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celiya Naxariistiisa? Dheh: Allaah baa igu Filan, Isaga bay isku halleeyaan inta wax isku halleysa

[39] Dheh: Dadkaygiiyow! Ka camal fasha halkiinna, anigana hubaal waxaan ahay mid camal fasha, waadse ogaan doontaan

[40] Waa kee kan ay u iman doonto cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici doonto cadaab ma guuraan ah

[41] Hubaal Waxaan Annagu kuugu soo waxyoonnay Kitaabka dadka darti si Xaq ah. Ee mid kastoo raacaa dhabbaha toosan waxay dan u tahay naftiisa, oo mid kastoo lumaa waxay uun ka go’an tahay korkiisa, oo adigu ma tihid mid xil kaa saaran yahay

[42] Allaah baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo kuwaas aan dhiman inta ay ku jiraan hurdadooda. Markaasuu wuxuu hayaa oo ceshadaa kuwa uu ku xukumay dhimashada, oo wuxuu soo diraa kuwa kale ilaa iyo muddo magacaaban. hubaal waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamooyin qolo fekerta

[43] Mise waxay yeesheen shafeecayaal ay Allaah bar bar dhigaan? Dheh: Ma xitaa walow ayan marnaba hanan waxba oo ayan waxna garaneyn

[44] Dheh: Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan; Isaga baa leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa

[45] Oo marka Allaah Keliya la xuso, quluubta kuwa aan rumeysneyn Aakhirada way qaloodaan, oo marka kuwaa ay barbar dhigaan la xuso, markaas bay farxaan

[46] Dheh: Allahayow, uumaha cirarka iyo dhulkow, Ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdow. Adiga (Keliyaa) u kala garsoori doona addoomahaaga waxa ay isku khilaafaan

[47] Oo haddii kuwaa ah gar ma qaatayaasha ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan iyo wax le’eg oo wehliya waxay dhab ahaan u bixin lahaayeen isfurasho ahaan (si looga badbaadiyo) xumaanta cadaabta Maalinta Qiyaamaha; oo waxaa uga muuqan doona xagga Ilaahay wax aysan marnaba malaysan

[48] Oo (midhaha) xumaanta waxa ay kasbadeen baa u muuqan doona, oo waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah) baa ku degi doona

[49] Ee marka ay dhibaato taabato Aadmiga, waa uu noo dhawaaqdaa, haddana marka aan ku galladeysanno nicmo Xaggayaga ah wuxuu yidhaahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaa uun laygu siiyey aqoonta (aan u leeyahay jidadka lagu helo), mayee’ waa imtixaan, laakiinse badan- koodu ma ogsoona

[50] Kuwii ka horreeyey baa sidaas yidhi dhab ahaan, waxbase uma tarin waxay kasbadeen

[51] Markaas baa waxaa ku dhacay xumaanta (midhaha) waxay kasbadeen; oo kuwaa ah gar ma qaatayaasha ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta (midhaha) waxay kasbadaan, oo ma baxsan doonaan

[52] Mawaysan ogeyn inuu Allaah u fidiyo risiqa ciddii uu doono, oo ku cidhiidhiyo (ciddii uu doono), hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin qolo rumeysan

[53] Dheh: Addoomahaygow! kuwa ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina marnaba Naxariista Ilaahay; hubaal Allaah waa uu dhaafaa dambiyada oo dhan11. Hubaal waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

[54] Oo u noqda xagga Rabbigiin goor iyo ayaanba, oo isu dhiiba ka hor inta aanay idin imaan cadaabtu, markaasoo aan la idiin gargaari doonin

[55] Oo Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, ka hor inta aanay kedis idiinku imaan cadaabtu, idinkoo aan waliba dareensaneyn

[56] Si ayan nafi u odhan12: Hoog baa ii sugnaaday waxa aan ku gabood galay xilka Ilaahay i saaray darteed, oo hubaal waxaan ka mid ahaa kuw qosol jees-jeesa

[57] Ama aysan odhan: Haddii Allaah i hanuunin lahaa, waxaan dhab ahaan ka mid ahaan lahaa kuwa (xumaha) ka dhowrsada

[58] Ama aysan odhan marka ay aragto cadaabta: Haddii aan heli lahaa hal noqosho oo keliya13 waxaan dhab ahaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha

[59] Haayoo, waxaa dhab ahaan kuu yimid Aayadahayga waadse beenisay, oo aheyd mid isla weyn, oo waxaad ka mid ahayd gaalada

[60] Oo Maalinta Qiyaamaha waxaad arki doontaa kuwii ka been sheegay Allaah, wejiyadoodu oo ahaan kuwo la madoobeeyey. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha

[61] Oo Allaah wuxuu badbaadin doonaa Kuwa (xumaha) iska jira iyagoo wata guushooda ay gaareen14, xumi ma taaban doonto, mana murugoon doonaan

[62] Allaah waa abuuraha wax walba, oo Isaga baa haya xilka wax walba

[63] Isagaa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada. Oo (ma xagga) kuwa rumeysan diida Aayadaha Ilaahay, kuwani weeye kuwa ah khasaara qabayaasha

[64] Dheh: Ma waxaan ahayn Allaah baad haddaba i amartaan inaan caabudo, nimanyahow jaahiliinta ah

[65] Oo dhab ahaan waxaa laguu waxyooday adiga iyo kuwii kaa horreeyeyba: hubaal haddii aad wax la wadaajiso Ilaahay cibaadada, waxaa dhab ahaan buraya camalkaaga, oo waxaad dhab ahaan ka mid noqoneysaa khasaare qabayaasha

[66] Balse Caabud Allaah Keliya, oo ka mid ahow kuwa mahad naqa

[67] Oo ma ayan qaddarin Allaah qaddarinta uu mudan yahay15, isagoo dhulka oo dhammi ahaan doono Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, oo samooyinka ku duuban yihiin Gacantiisa Midig16. Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo waa ka sarreeyaa waxaa ay la wadaajiyaan

[68] Oo Buunka baa la afuufi, markaas bay dhammaan waxa jooga samooyinka iyo dhammaan waxa jooga arlada wada suuxi doonaan kan uu dooni Allaah maahee. Misna la afuufi mar kale, mise dadkii wayba taagan yihiin oo sugayaan (Xukunka Ilaahay)

[69] Oo arlada waxay la ifi Nuurka Rabbigeed, oo Kitaabka baa la soo dhigi, oo Nabiyada iyo markhaatiyada baa la keeni, oo waa loo kala garsoori dhexdooda si Xaq ah, iyagoo aan lagu gardarrooneyn

[70] Oo naf walba waxaa loogu oofin si dhan waxa ay fashay; oo Isaga baa aad u Ogsoon waxa ay camal falaan

[71] Oo kuwa xaqa diida waxaa loo kaxeyn Naarta iyagoo rac-rac (wada jira) ah, jeer marka ay ku yimaadaan waxaa loo furi Albaabbadeeda. Oo Furahayeennadeedu waxay ku odhan: Mawaysan idiin iman Rusul idinka mid ah oo idiin akhirayaya Aayaadka Rabbigiin, oo idiinka digaya la kulanka Maalintiinnaan? Waxay odhan: Haah, laakiinse waxaa ku rumowday Kelmedda cadaabka gaalada dushooda

[72] Waxaa la odhan: Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda, maxay ahaatay meel xun oo baas hoyga islaweynayaashaa

[73] Oo kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood waxaa loo kaxeyn xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, marka ay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda18, oo furahayeennadeedu waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, farxad iyo wanaag baa idiin ahaatay, ee gala iyada idinkoo ku waari doona dhexdeeda

[74] Oo waxay odhan: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa mudan Allaah, ee nooga dhabeeyey Ballan qaadkiisa, oo na dhaxal siiyey dhulka. Waxaan ku negaan karnaa Jannada gudaheeda meesha aan doonno, ee fiicanaa abaalgudka kuwa camal fasha

[75] Oo waxaad arki doontaa malaa’igta oo ku meersan Carshiga hareerihiisa, iyagoo ku tasbiixsanaya ammaanaha Rabbigood; oo waa loo kala garsoori doonaa (dadka iyo jinkaba) dhexdooda si xaq ah, oo waxaa la odhan doonaa: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka

Ghaafir

Surah 40

[1] Xaa Miim

[2] Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) wuxuu ka yimi xagga Allaah, Adkaadaha, wax kasta Ogsoon

[3] Dambi dhaafaha, Toobad aqbalaha, Daran tahay Ciqaabtiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel laabadku

[4] Cidina kama dooddo Aayadaha Ilaahay aan ahayn kuwa xaqa diida. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka

[5] Qoladii Nuux iyo colalkii ka dambeeyay baa beeniyey (anbiyadii Ilaahay) hortood iyaga, oo ummad walbaa waxay qorsheeyeen lidka Rasuulkooda si ay u dilaan, oo waxay ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaas baan qabtay, ee sidee bay u aheyd mid daran Ciqaabtaydii

[6] Oo sidaas bay Kelmedda Rabbigaa ugu waajibtay kuwa xaqa diiday inay iyagu yihiin ehlu-Naarka

[7] Kuwa xambaarsan Carshiga iyo kuwa hareera joogaba waxay ku tasbiixsadaan ammaanta Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, oo waxay u dambi dhaaf dalbaan kuwa (Xaqa) rumeysan (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo Ogaal ee u dambi dhaaf kuwa kuu soo laabta oo raaca Jidkaaga, oo ka dhowr Cadaabta Naarta

[8] Rabbigayow! Oo gali Beeraha negaya ee aad u ballan qaadday iyaga, iyo kuwa wa- naagsan oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Hubaal wa- xaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah

[9] Oo ka dhowr wax xun oo dhan, oo kan aad ka dhowrto xumo oo dhan Maalintan, dhab ahaan waad u naxariistay, oo (arrin)kani weeye Liibaanta Weyn

[10] Hubaal kuwa xaqa diida waxaa loogu dhawaaqi doonaa: Dhab ahaan Naceybka Ilaahay (idiin qabay) goortii la idiinku baaqay Iimaanka, oo aad diiddeen, baa aad uga weyn naceybka aad u qabtaan hadda nafahiinna

[11] Waxay odhan doonaan: Rabbigayow! labo jeer3 baad naga yeeshay meyd, oo labo jeer baad na siisay nolol. marka waanu qirsannahay dunuubtayada’e, ee ma jiraa jid looga baxo (Naarta)

[12] (Arrin)kaasi waxaa u sabab ah marka Allaah Keliya loo baryo waad diiddaan (Xaqa), markase loo shariig yeelo waad rumaysaan. Haddaba Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, aad u Weyn

[13] Waa Isaga (Alle) Kan idin tusiya Calaamooyinkiisa oo idiinka soo dejiya risiq samada, oo cidi ma garowsato aan ahayn kawa u laabashada badan (Ilaahay)

[14] Sidaa darteed barya Allaah (Keliya) idiinkoo u gaar yeelaya cibaadada, haba nacaan gaaladuye

[15] Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee kaamil ahaanta, Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah kan uu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta isla kulanka

[16] Maalinta banka la keeni, ma jiro wax xaggooda ah oo ka qarsoon Allaah: Yaa leh Boqortooyada Maanta? Allaah, waaxidka,Qahraha (wax kasta)

[17] Maalintan naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay, ma jiro gardarro (laysu geysan) maalintan4. Hubaal Allaah wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabista

[18] Oo uga dig Maalinta aad u soo dhowaata, marka ay quluubtu iman dhuu- maha (cabsi darteed) iyagoo walbahaar- san. Ma lahaan doonaan gar ma qaatayaa- sha saaxiib iyo shafeece midna ee la maqlayo

[19] Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxa ay laabuhu qarsadaanba

[20] Oo Allaah wuxuu wax ku xukumaa Xaq, oo kuwaas ay baryaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba, Hubaal, Allaah, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka

[21] Mawaysan ku socdaalin dhulka oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwa ka xoog badan iyo camiraadba arlada, wuxuuse Allaah u qabtay dambiyaday faleen. Oo uma sugnaan iyaga wax ka difaaca Ilaahay

[22] (Arrin)kaasi waxaa ugu wacnaa waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse diideen iyaga. Sidaas darteed Allaah baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabtiisu daran tahay

[23] Oo dhab ahaan waxaan ula dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad

[24] Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir beenaale ah

[25] Haddaba markii uu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha ka mid ah kuwa (xaqa) rumeysan la jirki oo u daaya haweenkooda nolol; oo halganka gaaladu wuxuu ku soo gabagaboobi uun hungo

[26] Oo Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, oo ha u dhawaaqdo Rabbigiis, hubaal waxaan anigu cabsi ka qabaa inuu idin dhaqan rogo ama uu fasahaad5 ka soo if bixiyo dhulka

[27] Oo Muuse wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kasta oo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta

[28] Oo nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon (Xizqil, Fircoon ina Adeerki, khaznad hayahii dawladda) oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu leeyahay: Rabbigay waa Allaah, oo dhab ahaan wuxuu idiin keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Oo haddii uu yahay beenlow, isaga bay u daran tahay oo dushiisa ahaan beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici doona qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Allaah ma hanuuniyo mid isagu ah xad gudbe, beenaale

[29] Tolkayow! Idinka baa leh xukunka maalintan, idinkoo madax ku ah arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabta Ilaahay haddii ay noo timaaddo. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxa aan anigu arko, oo idin ma qaadsiiyo waxaan aheyn jidka hanuunka

[30] Oo kii isagu rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan anigu idiinka cabsi qabaa wax la mid ah wixii ku dhacay axzaabta

[31] Wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, oo Allaah ma aha mid la doona grdarro addoomahiisa

[32] Oo tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Maalinta isu Yeeridda

[33] Maalinta aad jeedin doontaan dhabarradiinna idinkoo dib u guranaya, halkaa ma jiri doono wax idinka badbaadiya Ilaahay. Oo mid kastoo Allaah lumiyo ma uu laha wax hanuuniya

[34] Oo xaqiiq Yuusuf wuxuu idinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen waxa uu idiin keenay, jeer marka uu dhintay aad tidhaahdeen: Allaah ma soo diri doono wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaas buu Allaah u lumiyaa kan isagu ah xad gudbe, shaki qabeen

[35] Kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay iyagoo aan heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax Allaah u aad u neceb yahay oo (sidoo kale ay neceby yihiin) kuwaa rumeysan. Sidaas buu Allaah u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa

[36] Oo Fircoon wuxuu yidhi: Haamaanow! Ii dhis sar dheer si aan ugu gaaro asbaabta loo maro

[37] Asbaabta loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; oo waxaan anigu hubaal qabaa inuu isagu yahay beenaale. Oo sidaas baa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, oo looga duway Jidka (Toosan), oo ma ahayn halgankii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) hoog iyo baabba’a isaga ku dhacday

[38] Oo kii isagu rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow i soo raaca, waxaan idinku hagi Jidka hanuunka

[39] Tolkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo (yar oo tageysa), oo hubaal Aakhirada baa ah Daarta lagu waaro

[40] Mid kastoo sameeyaa fal xun, laguma abaal marin doono waxaan aheyn iyadoo kale. Oo mid kastoo wanaag fala lab ama dheddig kuu doonaba ha ahaadee isagoo mu’min ah, kuwan waxay geli doonaan Jannada, iyagoo lagu arsaaqi doono xisaab la’aan

[41] Oo tolkayow! Maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho badbaadada, halka aad idinku iigu yeedhaan Naar

[42] Waxaad iigu yeedhaan inaan ku gaa- loobo Allaah oo la wadaajiyo (cibaadada) wax aan u heysan wax cilmi ah, oo anigu waxaan idiinku yeeraa xagga Adkaadaha Sarreeya Danbi Dhaafka Badan

[43] Shaki ma leh waxaad iigu yeedhaan ma leh darajo loogu yeedho adduun iyo aakhiraba, iyo in laabashadeennuna tahay xagga Ilaahay iyo in xad gudbayaasha iyagu yihiin Ehlu-Naarka

[44] Marka waad xusuusan doontaan waxa aan idinku leeyahay, oo waxaan u xil saartay arrinkayga Allaah. Hubaal Allaah waa Arkaa addoomahiisa

[45] Markaas buu Allaah ka dhowray xumaha waxa ay qooleen, oo cadaab tan u daran waxay ku degtay reer Fircoon

[46] Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab (kastaba)9, oo Maalinta ay Saacaddu dhici doonto: Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran

[47] Oo marka ay iskula doodayaan Naarta gudaheeda, waxay kuwii taagta darraa ( raciyada ahaa) ku odhan kuwii ( madaxda ahaa) ee isla weynaa; hubaal Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadeysaan qayb ka mid ah Naarta

[48] Kuwii isla weynaa waxay odhan: Hubaal waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Allaah waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda

[49] Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin qura ee cadaabta

[50] Waxay odhan: Mawaysan Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Oo baryada gaaladu ma aha waxaan aheyn mid ku dhacda meel baadi ah

[51] Waxaan hubaal Annagu xaqiiq u gargaarnaa Rusuhayada iyo kuwa rumeysan, noloshan adduunka iyo Maalinta ay markhaatiyadu istaagi doonaan

[52] Maalinta aysan waxba u tari doonin gar ma qaatayaasha cudur daarashadoodu. Oo mudankoodu waa nacalad oo mudankoodu waa Daarta xun

[53] Oo dhab ahaan Waxaanu siinnay Muuse hanuun, oo waxaanu ka yeelnay ilmahii Israa’iil inay dhaxlaan Kitaabka

[54] Hanuun iyo waano u ah waxgaradka

[55] Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo ka istiqfaarso dambi- gaaga10, oo ku tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba

[56] Hubaal (ma xagga) kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) weynaan aysan weligood gaari doonin ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka

[57] Xaqiiq abuurista samooyinka iyo arlada baa ka weyn abuurista dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga

[58] Oo ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye inta aaad waantowdaan

[59] Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, laakiinse dadka badankiisu ma ay rumaysna

[60] Oo Rabbigiin wuxuu leeyahay: I barya11 waan idinka aqbaliye; hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda12, waxay goor aan fogeyn geli doonaan Naar iyagoo dullaysan

[61] Allaah waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, oo maalinta idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. hubaal Allaah xaqiiq waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankoodu ma mahad naqaan

[62] Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay

[63] Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii dafiray Aayadaha Ilaahay

[64] Allaah, waa kan idiinka dhigay arlada meel degganaansho, cirkana saqaf oo idin suureeyey markaas wanaajiyey suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah Rabbigiin, ee waxaa khayr badnaaday iyo barako Allaah Rabbiga uunanka

[65] Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka

[66] Dheh: aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi, marka ay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, oo waxaa aniga la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uunanka

[67] Isaga weeye Kan idinka abuuray ciid, haddana mino nool, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u qaan gaartaan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, oo waxaa jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban13, bal inaad garowsataan

[68] Isaga (Alle) weeye Kan bixiya nolol, oo sababa geeri, oo marka uu arrin guddoo- miyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, oo waaba yahay

[69] Mawaadaan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Ilaahay: Xaggee baa loo iilay

[70] Kuwa beeniya Kitaabka iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (goor dhow waxa ku dhaca)

[71] Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha ahaan luqumahooda; waxaa lagu jiidi doonaa

[72] Biyo kulul oo karaya dhexdood, markaas Naarta baa lagu gubi

[73] Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen

[74] Allaah ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu dhawaaqin jirin waxna kal hore. Sidaas buu Allaah u lumiyaa gaalada

[75] (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxaad aad ugu farax taraari jirteen dhulka xaq darro oo waxaad u dhaqmi jirteen si kibir badan

[76] Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda, ee maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha

[77] Ee samir yeelo, hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo haddii aan ku tusno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsannaba (intaas ka hor), waa Xaggayaga halka loo soo celin doono

[78] Oo xaqiiq waxaan soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, oo waxaa jira kuwo kale aanu kaaga qisoon, oo ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Ilaahay ma’ahee. markase uu Amarka Ilaahay yimaado, waxaa lagu xukumi Xaq, oo halkaas kuwa ka soo qaaday wax been ah oo kale waa hoogaan

[79] Allaah waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha), si aad u fuushaan qaar ka mid ah, oo qaar ka mid ah aad cuntaan

[80] Oo waxaa jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa

[81] Oo Wuxuu idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Ilaahay beenineysaan

[82] Mawaysan ku socdaalin arlada oo arag sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani, oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen

[83] Ee Markii ay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farax taraareen waxay heysteen oo aqoon ah14, oo halkaas waxaa ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen

[84] Markiise ay arkeen Cadaabtayadii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumaysannahay Allaah Keliya, oo diidnay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay

[85] Rumayntooduse ma ahayn mid anfacaysa iyaga marka ay arkeen Cadaabtayada, (tani waa) xeerka Ilaahay oo horay ugu meel maray addoomahiisa. Oo halkaas gaalada waa ku hoogaan

Fussilat

Surah 41

[1] Xaa Miim

[2] Waxyi ka yimid xagga (Allaah) Naxariistaha, Naxariista Badan

[3] Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah qolodii wax garanaysa

[4] War san side iyo dige ah, hase ahaatee badankood way ka jeesadeen, marka wax ma maqlaan

[5] Oo waxay yidhaahdaan: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxa aad noogu yeedho3, oo waxaa ah culeys dhegahaya- ga, oo daah baa xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaaye

[6] Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah aan waareyn, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay hal ilaah, sidaas darteed raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, oo weydiista dambi dhaaf Isaga, oo Hoog waxaa leh Mushrikiinta

[7] Kuwa aan u iman (diinta) daahirka ah (Islaamka, ee aan tukan oo bixin Zakada) ee ah kuwo aan rumeysnayn Aakhirada

[8] (Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay hubaal mudan Abaal gud aan marnaba go’i doonin

[9] Dheh: Ma waxaad dhab ahaan rumeysan la’dihiin Kan ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeshaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uunanka

[10] Oo wuxuu yeelay gudaheeda buuro uu kor dhigay, oo wuu barakeeyey halkaas gudaheeda oo uu ku qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood, isle’eg kuwa doonaya (inay ogaadaan)

[11] Kaddib Wuxuu abbaaray xagga samada iyadoo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arladaba: Ku kaalaya labadiinnu- ba oggolaansho ama khasab; waxay laba- duba yidhaahdeen: Waxaan ku imaaneynaa oggolaansho

[12] Markaasuu wuxuu guddoonshay toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, oo wuxuu u waxyooday sama waliba arrinkeeda. Oo waxaynu ku qurxinnay samada soke xiddigo iftiimaya, isla markaana xafid4 u ah. Arrinkaasi waa Qaddarka Adkaadaha, Wax kasta Ogsoon

[13] Haddiise ay jeesadaan, markaa dheh: Waxaan idiinka digay biriq la mid ah biriqdii ku dhacday Caad iyo Thamuud

[14] Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashoodba5 (iyagoo ku leh): Ha caabudina cidaan ahayn Allaah. Waxay yidhaahdeen: Haddii uu Rabbigayo doono6, wuxuu xaqiiq soo dejin lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray ma aanu aaminsanin

[15] Marka ma Caad, iyagu waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo waxay yidhaahdeen: Yaa naga adag quwad ahaan innaga? Mawaysan arag in Allaah ee abuuray uu ka adag yahay quwad ahaan iyaga.Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga

[16] Markaas baan u dirnay dabayl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan uga yeelno inay dhadhamiyaan cadaabta dulliga nolosha adduunka gudaheeda, oo run ahaan cadaabta Aakhiro baa ka sii dulleyn badan iyagoo aan loo gargaari doonin

[17] Oo ma xagga Thamuud, waxaan tusnay dhabbaha toosan, waxayse ka door bideen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, mar- kaasaa waxaa ku dhacay biriq cadaab wax dulleysa, waxa ay galabsadeen awgeed

[18] Oo waxaanu badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha ) iska jirey

[19] Oo Maalinta cadowyada Ilaahay loo soo wada kulmin doono Naarta, markaas waxaa loo qaybin kooxo

[20] Kolka ay ku yimaadan, dhegahooda iyo indhahooda iyo hargahooda baa ku marag furi doona wixii ay fali jireen darteed

[21] Oo waxay ku odhan hargahooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Allaah, ee ka hadliya wax walba baa naga hadliyey, oo Isaga baa idin abuuray kal horeba, oo Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa

[22] Oo ma aydaan is asturin si aysan dhegahiinna7 iyo indhahiinna iyo hargahiinna idiinku markhaati furin, laakiinse waxaad mooddeen inaanu Allaah ogeyn in badan oo waxa aad fasheen ah

[23] Oo kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, markaas baad ka mid noqoteen kuwa khasaaray

[24] Marka haddii ay u adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, oo haddii ay dalbaan in loo cudur daaro, haddaba ma ka mid aha kuwa laga aqbali doono cudur daaraasho

[25] Oo Waxaanu u yeellay saaxiibbo8 ku laran markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda9 (oo dambiyo) ah, oo waxaa ku dhaboobay Qawlka (cadaabta) sida uu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu hubaal ahaan doonaan kuwo khasaaraya

[26] Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaah- daan: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq10 waa intaasoo aad adkaataane

[27] Sidaas darteed hubaal Waxaanu dhadhansiin kuwa xaqa diida cadaab daran, oo hubaal waxaan u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen

[28] Kaasu waa abaalka cadawyada Ilaahay: Naar, waxay u noqon iyaga Daar lagu waaro, waa abaal marinta Aayadahayaga ay diidi jireen darteed

[29] Oo kuwa xaqa diida waxay odhan: Rabbiyow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa, si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan kuwa ugu hooseeya

[30] (Ma xagga) kuwa yidhaahda: Rabbiga- yo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadood iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, oo ku far- xa warka san ee Jannadii la idiin yaboohay

[31] Annagaa baa ah gacalkiin nolosha Adduunkan iyo Aakhiradaba, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda waxa ay nafahiinnu doonaan, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda wixii aad dalabtaan

[32] Martiqaad xagga (Ilaahay) ah, Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

[33] Oo yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Ilaahay, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu hubaal ka mid ahay kuwaa hoggaansan (Muslimiinta)

[34] Oo ma sinna samaanta iyo xumaantu, ka hor gee (xumaha) waxa wax u wanaag- san, markaas eeg! kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqona- yaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin

[35] OO lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib aad u weyn

[36] Oo haddii juqjuqeyn shaydaan kuugu juqjuqeyso wax xumaan ah ka magan gal Ilaahay. Hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta ogsoon

[37] Oo Calaamooyinka (Ilaahay ee muujin Weynadiisa iyo Awooddiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Allaah ee abuuray iyaga, haddii uu Isagu yahay Kan aad caabuddaan

[38] Haddiise ay yihiin kuwo isla weyn, haddaba kuwaa ah Rabbigaa agtiisa ( malaa’igta) baa xurmo weyneeya oo hufa habeen iyo maalinba oo kama daalaan

[39] Oo Calaamooyinkiisa waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyaha uu gilgisho oo soo kor noqdo. Hubaal Kan nooleeya wuxuu xaqiiq nooleyn doonaa maytida. Hubaal wax walba waa uu Karaa

[40] Hubaal kuwa ka iisha dhabbaha toosan xagga arrinka Aayadahayaga13 ma aha kuwo naga qarsoon. Ma mid lagu tuuro Naarta baa khayr badan, mise mid yimaada isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan. hubaal Waa uu arkaa waxa aad fashaan

[41] Hubaal kuwa qaadan diida Waanada marka ay u timaaddo14 oo hubaal waa Kitaab sharaf weyn leh

[42] Baadil ugama imaan doono hortiisa ama gadaashiisa16; waa waxyi ka yimid xagga Xikmad Badanaha, la ammaano

[43] Waxba lagu odhan maayo aan ka aheyn wixii lagu yidhi dhab ahaan Rusushii kaa horreysay. hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Dambi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan

[44] Oo haddii aan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay dhab ahaan odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. (Ma) kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda,oo waa ka indha la' yihiin, kuwa waxaa looga dhawaaqaa meel fog

[45] Oo dhab ahaan waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, waase la isku khilaafay. Oo haddii aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa, waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse hubaal iyagu ka qabaan shaki walaac leh

[46] Mid kastoo sama falaa naftiisay (dan) u tahay, oo mid kastoo xumaan falaa isagay u daran tahay, oo Rabbigaa ma aha mid ku gardarrooda addoommaha

[47] Xaggiisa baa loo celiyaa cilmiga Saacadda17, oo kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, mana jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Oo Maalinta marka uu u yeeri doono: Meeye (kuwii aad ku magacowdeen) shurakadeyda18? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiineynaa inuusan nagu jirin mid marag ka ah

[48] Oo waxay waayi doonaan waxay horey ugu dhawaaqan jireen, oo waxay yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan

[49] Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, oo haddii uu shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah

[50] Oo haddii aan ka yeelo inuu dhadhamiyo naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, xaqiiq wuxuu odhan: Kan waa xaggeyga aniga19, oo anigu ma qabo Saacaddu inay dhici doonto, oo haddii la ii celiyo xagga Rabbigay, waxaan xaqiiq ka heli agtiisa wanaag. Waxaanse hubaal Annagu u sheegi doonnaa kuwa gaaloobay waxay faleen oo waxaan hubaal ka yeeli inay wax ka dhadhamiyaan Cadaab Qallafsan

[51] Oo marka aan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, oo marka ay dhibaato taabato, wuxuu la yimaadaa ducooyin dheer

[52] Dheh: Bal ii sheega haddii uu ka yimid (Qur’aanka) xagga Ilaahay, markaas aad ku gaalowdaan, _yaa ka lunsanaan badan kan ku talax taga cinaad fogaaday

[53] Waxaan durbaba ka tusi doonnaa Calaamooyinkayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Ma wuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay markhaati

[54] Ogaada, hubaal, Waxay ka shaki qa- baan la kulanka Rabbigood, ogaada, hu- baal, Wuxuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay

Ash-Shuuraa

Surah 42

[1] Xaa Miim

[2] Cayn Siin Qaaf

[3] Sidaas buu Allaah, Adkaadaha, Xakiimka ah, kuugu waxyoodaa sidii uu ugu (waxyoo- dayba) kuwii (Nabiyadii) kaa horreeyay

[4] Isaga baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, oo waa Isaga (Alle) Sarreeyaha, aad u Weyn

[5] Samooyinku waxay ku sigtaan inay ka kor dil-dillaacan3, oo malaa’igtu waxay ku tasbiixsadaan ammaanta Rabbigood, oo u weydiiyaan dambi dhaaf kuwaa dhulka korkiisa ah, ogaada, hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

[6] Oo (ma xagga) kuwa yeesha gacallo kale aan ahayn Isaga, Allaah baa u jeeda oo dhowraya, oo adigu xil kaama saarna

[7] Oo sidaas baan kuugu waxyoonnay Qur’aan Carabi ah si aad ugu digto magaalada xarunta ah (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah4, iyo inaad ka digto Maalinta wada Kulanka dadkoo dhammi ee uusan ku jirin shaki, qolo waxay gali Janna- da, oo qolo (kale)waxay geli Dabka huraya

[8] Oo haddii Allaah doono, wuxuu hubaal ka yeeli lahaa ummad keliya, laakiinse wuxuu geliyaa cidduu doono Naxariistiisa5. Oo gar ma qaatayaasha weeye kuwa aan lahaan doonin gacal iyo gargaare midna

[9] Mise waxay yeesheen awliyo (ama gacallo) Isaga sokadi? Allaah baase ah Waliga dhabta ah, oo Isaga baa siiya nolol maytida, oo Isaga baa wax walba Kara

[10] Oo wax kastoo aad isku khilaaftaan, go’aankiisa waa (in loo celiyaa) Allaah, Kaasi waa Allaah, Rabbigay, Isaga baan isku halleeyaa, oo Xaggiisa baan u badiyaa noqodka

[11] (Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna lammaano (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) lammaano. Sidaa buu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah7, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arkaha ah

[12] Isaga baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasici- yaa oo ku cidhiidhiyaa risiqa kii uu doono. Hubaal Waa Ogsoon yahay wax kastoo jira

[13] Wuxuu idiinku caddeeyey diinta waxa uu ku waajib yeelay Nuux, iyo waxa aan kuu waxyoonnay, iyo waxa aan ku waajib yeelnay Ibraahiim iyo Muuse iyo Ciise: Waa inaad oogtaan diinta oo ku kala qaybsa- min. Waa ku adag tahay mushrikiinta waxaa aad ugu yeedhaan. Allaah wuxuu u doortaa Xaggiiisa kii uu doono, oo wuxuu u hanuuniyaa Xaggiiisa kan u soo laabadka badiya

[14] Oo ma ay noqon kuwo kala qaybsan markuu u yimid cilmiga kaddib mahee, xasad darti dhexdooda ah. Oo haddii aysan jirteen Kelmed uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah, xaqiiq waa la kala xukumi lahaa dhexdooda. Oo kuwa la dhaxal siiyey Kitaabka iyaga kaddib hubaal shaki weyn bay ka qabaan

[15] Ee arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amrayba8,oo ha raacin rabitaannadoo- da hooseeya oo dheh: Waxaan rumeysana- hay waxa uu Allaah soo dejiyey oo Kitaab ah, oo waxaa la i amray inaan falo caddaa- lad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaanu mudan doonnaa acmaashayada idinkuna waxaad mudan dootaan acmaashiinna9, xujo (hadda) inama dhex taallo10. Allaah baa ina soo kulmin doona innagoo dhan, oo waa Xaggiisa meel noqodka dambe

[16] Oo (ma xagga) kuwa ka dooda Arrinka Ilaahay inta la ajiibay kaddib, xujadoodu qiimo kuma fadhido Rabbigood agti11, oo korkooda Cadho (Ilaahay) baa ah, oo waxay leeyihiin Cadaab Daran

[17] Allaah waa Kan ku soo dejiyey Kitaabka Xaq iyo Miisaanka; oo maxaa ku ogeysiiyey waa intaasoo Saacaddu Dhowdahay

[18] Kuwaa aan rumeysneyn baa degdegsa- da, halka kuwa rumeysan ay ka cabsi qabaan12, oo waxay og yihiin inay tahay Xaq. Ogaada, hubaal kuwa uga dooda si gurracan arrinka Saacadda xaqiiq waxay ku sugan yihiin habow aad u fog

[19] Allaah waa u Roon yahay addoomahii- sa. Wuxuu irsaaqaa ciddii uu doono, oo waa Xoog Badanaha, Adkaadaha ah

[20] Mid kastoo raba kasabka Aakhirada, Waxaan siin wax ka badan kasabkaa, oo mid kastoo raba kasabka adduunyo wax baan ka siinnaa oo Aakhirada kuma laha wax saami ah

[21] Mise waxay leeyihiin shurako u jideeyey diin uusan Allaah idmin; oo haddii ayan jirin Kelmedda kala saaridda, xaqiiq waa loo kala garsoori lahaa dhexdooda. Oo hubaal gar ma qaatayaasha waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan

[22] Waxaad arki gar ma qaatayaashii oo cabsi ka buuxdo waxa ay galabsadeen darteed,oo waa inuu ku dhaco iyaga, kuwa- se (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay gali keymaha beeraha (Jannada), waxay ka heli wax kasta ay doonaan Rabbigood agtiisa. (Arrin)kaasi baa ah Fadliga Weyn

[23] (Arrin)kaasi waa waxa uu Allaah ugu bishaareeyo addoomahiisa (Xaqa) rumey- san oo samaha fala. Dheh:Idinku weydiisan maayo wax abaalgud ah baaqakani, aan aheyn jaceyl qaraabannimo Oo mid kastoo kasbada wanaag, waxaanu siin wanaag ka badan.Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Ba- dane, camal yar ka bixiya ajar labalaab ah

[24] Mise waxay leeyihin: Wuxuu ka been sheegay Allaah? Haddiise uu Allaah doono, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga13, Oo Allaah wuu tirtiri baadilka, oo ku sugi xaqa Kelmadihiisa. Hubaal Isagu wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

[25] Oo waa Isaga (Alle) Kan ka aqbala too- bada addoomahiisa ee cafiya dambiyada oo waa Ogsoon yahay waxa aad fashaan

[26] Oo Wuxuu ajiibaa kuwa (Xaqa) rumey- san oo samaha fala oo siiyaa wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Oo gaalada waxay mudan doonaan Cadaab Daran

[27] Oo haddii Allaah u fidin lahaa risiqa addoomahiisa, waxay hubaal ku qooqi lahaayeen arlada, laakiinse Wuxuu u soo dejiyaa qaddar waafaqsan sida uu rabo. Hubaal Isagu waa u Xog ogaal, Arka addoomahiisa

[28] Oo waa Isaga (Alle) Kan soo dejiya roobka kaddib marka ay quusteen oo faafiya Raxmaddiisa.Oo waa Isaga Ilaaliya- ha mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo

[29] Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo waxa uu ku firdhiyey labadooda dhexdooda oo (nafley) dhul socod ah. Oo marka uu doono aad buu awood ugu leeyahay inuu soo kulmiyo oo isu keeno iyagoo dhan

[30] Oo wax kastoo idinku dhaca oo masiibo ah waa waxay galabsadeen gacmiihiinnu dartood, oo waliba Wuxuu idinka cafiyaa wax badan

[31] Oo kuma baxsan kartaan dhulka, Oo ma lihidin Allaah ka sokow gacal iyo gargaare midna

[32] Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah

[33] Haddii uu doono, Wuxuu sababaa dabaysha inay joogsato, markaas bay noqdaan wax fadhiya oo aan dhaqaaq lahayn korkeeda. hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan

[34] Ama waa intaasoo uu u halligo14 waxa ay kasbadeen awgeed. Oo (waliba sidaas oy tahay ) Wuxuu ka cafiyaa wax badan

[35] Iyo (si ay) kuwaasi ka dooda Aayadahayaga u ogaadaan inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan

[36] Ee wax kastoo la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Allaah agtiisa ah baa u khayr badan oo u daa’insan kuwa rumeysan ee Rabbigood isku halleeya

[37] Ee ah kuwaasi ka fogaada dambiyada waaweyn iyo fool xumooyinka, oo mar kas- ta ay cadhoodaan iyagu wax iska cafiya

[38] Iyo kuwaasi ajiiba Rabbigood oo hagaajiya salaadda, oo xukunkoodu wada tashi yahay dhexdooda, oo wax ka bixiya waxa aanu siinnay

[39] Ee ah kuwaasi marka loo geysto gef weyn iyagu iska difaaca

[40] Oo abaalka hal xume waa hal xume oo la mid ah, mid kastoo se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli abaalgudkiisa xagga Ilaahay. Hubaal Isagu ma uu jecla gar ma qaatayaasha

[41] Oo mid kastoo is difaaca kaddib marka lagu gardarroodo, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo)

[42] Ee waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwaa ku gardarrooda dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay mudan cadaab xanuun badan

[43] Oo mid kastoo samir yeesha oo wax iska cafiya, hubaal kuwani waxay ka mid yihiin arrimaha la go'aansado

[44] Oo mid kastoo Allaah lumiyo, ma uu laha gacal Isaga kaddib. Oo waxaad arki gar ma qaatayaasha marka ay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii)

[45] Oo waxaad arki doontaa iyagoo la hor keenay (Naarta) la tabaaleysan dulli (oo) ku eegaya libiqsi qarsoon. Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay odhan: Hubaal Khasaara- yaasha waa kuwa khasaaray nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha. Ogaada, hubaal gar ma qaatayaasha waxay ku sugnaan doonaan cadaab ma guuraan ah

[46] Oo ma heli doonaan gacallo u soo gar- gaara Allaah ka sokow. oo mid kastoo uu Allaah lumiyo, uma sugna wax jid ah

[47] Ajiiba Rabbigiin ka hor inta aanay iman Maalin xagga Allaah ah aan la celin kari doonin. Ma heli doontaan meel aad magan gashaan Maalintaas, oo idiinma suurta geli doonto inaad sameysaan diiddo

[48] Haddiise ay dhinac u jeestaan, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan korkooda. Ee waxa keliya ee ku saarani waa inaad gaarsiiso (Fartiinta). Oo hubaal marka aan dhadhansiinno Aadmiga naxa- riis Xaggayaga ah, wuu ku farxaa, oo haddii ay musiibo gaadho waxa ay horay gacma- hoodu u faleen darteed ah, markaa hubaal Aadmigu waa abaal dhac badan yahay

[49] Allaah baa iska leh Boqortooyada sa- mooyinka iyo arlada, Wuxuu abuuraa wixii uu doono; Wuxuu ugu deeqaa kii uu doono gabdho, oo ugu deeqaa kii uu doono wiilal

[50] Ama Wuxuu isugu daraa labada noocyoodba’ lab iyo dheddig, oo wuxuu ka dhigaa kii uu doono ma dhaleys. Hubaal waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan

[51] Uma suurowda in Aadmi uu Allaah toos ula hadlo, ee se wuu waxyoon, ama kala hadli daah gadaashi ama uu u soo diri Ra- suul oo Idanki wuxuu doono ugu wax- yooda. Hubaal waa Sarreeye, Xakiim ah

[52] Oo sidaas baan waxaan kuugu waxyoonnaa (Kitaab)waxyi Amarkayaga ah oo ma aad ogeyn muxuu ahaa Kitaab iyo Iimaan midna? Laakiinse waxaan ka dhignay Nuur aan ku hanuuninno cidda aan doono oo ka mid ah addoomahayaga. Oo hubaal waxaad adigu dhab ahaan tusisaa jidka loo qaado Tubta Toosan

[53] Tubta Ilaahay, ee ah Kan iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Ogaada, hubaal xagga Allaah baa arrimaha oo idil yimaadaan

Az-Zukhruf

Surah 43

[1] Xaa Miim

[2] Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ka yeela waxyaalaha caddaan

[3] Hubaal Waxaan Annagu ka dhignay kani Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan

[4] Oo hubaal wuxuu ku yaal asalka Kitaabka3 (Looxa Maxfuudka) nala yaal, ee la kor yeelay ay ka buuxdo Xikmad

[5] Miyaan haddaba idinka deysannaa waanada gebigeediba inaad noqoteen qolo xad gudub badan awgeed

[6] Oo intee baan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood

[7] Oo ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin

[8] Markaas waxaanu hallignay kuwo iyaga4 ka xoog badnaa,_oo waxaa hore u tagay mataalka kuwii hore

[9] Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa abuuray (Allaah) Adkaadaha, Wax kasta Ogsoonaha ah

[10] Kan Isagu idiinka dhigay dhulka gogol, ee idiinku yeelay dhexdiisa waddooyin, si aad ugu hagaagtaan

[11] Oo Isagu ah Kan ka soo dejiya biyo daruurta si qiyaasan. Markaas waxaan ku nooleynaa magaalo dhimatay, sidaas oo kale baa weliba la idiin soo bixin doonaa

[12] Oo Isagu ah Kan abuuray lammaanayaasha wax waliba oo idiin yee- lay doonyo (diyaarado, tareenno, gawaari) iyo xoolo (geel, lo',fardo, iwm) aad fuushan

[13] Si aad ugu fariisataan si sugan dhabarradooda, markaas aad xusuusataan Nicmadda Rabbigiin marka aad dul fariisataan, oo tidhaahdaan: Xurmoo dhan waxaa iska leh Kan noo sakhiray waxakan, oo ma aheyn kuwo kara inaanu sameyno

[14] Oo xaqiiq xagga Rabbigayo waa inaan u laabanno

[15] Oo waxay u cayimaan Isaga qayb ka mid ah addoomihiisa5; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay

[16] Ma wuxuu u dooray Naftiisa gabdho ka mid ah waxa uu Isagu abuuro, oo idiin dooray idinka wiilal

[17] Oo marka loogu bishaareeyo midkood warka waxa uu uga yeelay Raxmaanka mataal, wejigiisu wuxuu noqdaa madow isagoo walbahaarsan

[18] Ma kuwaa lagu abuuray isqurxinta oo xagga doodda aan caddeyn karin hadalka

[19] Oo waxay ka yeelaan malaa’igta oo iyagu ah addoomaha Raxmaanka, (ilaahyo) dheddig ah6, ma waxay goob joogeen ka ahaayeen abuuristooda? Maraggooda waa la qori doonaa oo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo

[20] Oo waxay yidhaahdaan: Haddii uu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (iyaga). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegayaan

[21] Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey, oo ay iyagu heystaan

[22] Bal! Waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal innagu iyaga raadadkooda baan ku hanuunsannahay

[23] Oo sidaas oo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal waxaan annagu raacnaa raadadkooda

[24] (Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddii aan idiin keeno hanuun ka fiican waxa aad ka hesheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aanu aaminsanin waxa la idin la soo diray

[25] Markaas baan ka aarsannay ee bal fiiri sida ay aheyd cidhibta xaq diidayaasha

[26] Oo waa tii uu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Hubaal waxaan anigu ka eed tirnahay waxa aad caabuddaan oo dhan

[27] Waxaan ka ahayn Kan i abuuray, oo hubaal Isaga baa i hanuunin doona

[28] Oo wuxuu ka yeelay Kelmed7 ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda8, bal inay soo noqdaan

[29] Bal’ Waxaan u raaxeeyey kuwaas iyo aabbayaashoodba ilaa uu u yimid Xaqu iyo Rasuul ka yeela (Xaqa) caddaan

[30] Oo markuu u yimid Xaqa waxay yidhaahdeen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, oo innagu maba aaminsanin

[31] Oo waxay yidhaahdeen: Maxaa se Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo

[32] Ma iyaga baa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annaga baa ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Oo Naxariista Rabbigaa baa ka khayr badan waxa ay urursadaan

[33] Oo haddii uusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid) waxaan xaqiiq ka yeeli laheyn kuwaa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan

[34] Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro (sare) ay korkooda ku jiqlaystaan

[35] Iyo qurxinno (kale) dahab ah. oo waxa- kani oo dhammi ma aha waxaan aheyn sahayda nolosha adduunkan(ee dhammaa- neysa). Oo Aakhirada Rabbigaa agti ah waxaa leh oo keliya kuwa iska jira xumaha

[36] Oo mid kastoo ka jeesada waanada Raxmaanka waxaanu u xil saarnaa Shay- daan markaasuu noqdaa lammaanahiis

[37] Oo hubaal waxay iyagu ka duwaan Jidka, oo waxay moodaan inay hanuunsan yihiin

[38] Jeer marka uu noo yimaado wuxuu yidhaahdaa: wayee, haddii inta aniga iyo adiga u dhexeysa u kala fogaan lahayd inta ay isu jiraan bariga iyo galbeedka; oo xumaa lammaanahaa oo kale

[39] Oo maadaama aad caddaalad darro fasheen waxba idin ma tari doonto Maanta inaad cadaab (musiibada) wadaagtaan

[40] Ee miyaad haddaba ka yeeli kartaa dhegoolaha inuu wax maqlo, mise hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid isagu ku jira habow caddaan ah

[41] Haddiise aan ku oofsanno, Annaga uun baa weli ka aarsan doonno iyaga

[42] Ama haddii kale waxaan ku tusi doonnaa waxa aan u yaboohnay, oo hubaal waxaanu ku leennahay awood dhan dushooda

[43] Ee qabso waxaa laguu waxyoodo, hubaal waxaad ku sugan tahay jid toosan

[44] Oo hubaal waa kuu waano adiga iyo dadkaaba, oo waxaad ahaan doontaan kuwo la su’aalo

[45] Oo weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay adiga hortaa: Ma waxaan marnaba yeellay ilaahyo la caabudo Raxmaanka (Allaah) ka sokow

[46] Oo xaqiiq waxaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan anigu ahay Rasuulka (Alle) Rabbiga uunanka

[47] Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise! Waaba ay ku qosleen

[48] Oo ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed, oo waxaan ku qabannay cadaab12 bal inay soo laabtaan

[49] Oo waxay yidhaahdeen: Saaxiryahow! Noo bari Rabbigaa maadaama uu kula galay ballan. Waxaan Hubaal ahaan doonnaa kuwo raaca dhabbaha toosan

[50] Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii

[51] Oo wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Ma waanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar, iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan haddaba arkeyn

[52] Bal aniga baa ka fiican midkani, ee ah mid liita ee uu dhibka ku yahay inuu u hadlo si cad oo wanaagsan

[53] Maxaase loogu soo gelin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo rafiiq u ah

[54] Markaasuu ku kiciyey dadkiisii hadallo doqon ma garato ah, markaasay adeeceen: hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah

[55] Haddaba markii ay naga cadheysiiyeen, waan ka aargoosannay, markaas baan qarqinnay iyagii oo dhan

[56] Oo Waxaanu ka yeelnay wax tegay iyo tusaale ku socda facyada dambe

[57] Oo marka loo soo qaato ina Maryam (Ciise) mataal14, mise qolodaada waa ka jeesadaan (mataalkaa)

[58] Oo waxay yidhaahdaan: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan mataalka waxaan aheyn muran. Balse waa qolo dood badan

[59] Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan u nicmaynay, oo waxaan uga yeelnay tusaale ilmahii Israa’iil

[60] Oo Haddii aan doonno, waxaan yeeli lahayn dhexdiinna malaa'ig dhulka u hara

[61] Oo hubaal wuxuu isagu (Ciise) u yahay calaamad la yaqaan (soo dhowaanshaha) Saacadda, Sidaa awgeed ha ka shakiyina arrinkeeda oo i soo raaca17: Kan baa ah Jidka Toosan

[62] Oo yuusan Shaydaan idin hor joogsan, hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad

[63] Oo markuu Ciise la yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan xaqiiq idiin la imid Xikmad iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxa aad isku khilaafsan tihiin, ee dhowra xilkuu idin saaray Alle oo i adeeca

[64] Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jidka Toosan

[65] Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdooda. Ee hoog waxaa leh gar ma qaatayaasha xagga cadaab Maalin xanuun badan darteed

[66] Ma waxay sugaan waxaan ahayn Saacadda_taasoo ugu iman kedis, iyagoo aan dareensaneyn

[67] Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale marka laga reebo kuwa iska jira (xumaha)

[68] Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma ahaan doonto maanta korkiinna mana murugoon doontaan

[69] Kuwaasi rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta

[70] Gala Jannada, idinka iyo afooyinkiinnaba18; waa laydinka farxine

[71] Waxaa lagula wareegi halkaa xeerooyin dahab ah iyo koobab cabbitaan, oo gudaheeda waxaa ahaan waxay nafahooda jecleystaan, oo indhuhu ku raaxaysan, oo waad ku waari dhexdeeda

[72] Oo taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen wixii aad camalsan fasheen

[73] Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeeda wax ka cuni doontaan

[74] Hubaal dambiilayaashu waxay ku waari doonaan cadaabta Naarta

[75] Lagama dabcin doono, iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan doona

[76] Oo ma aanu ku gardarroon iyaga, laakiinse iyaga baa ahaa gar ma qaatayaal

[77] Oo waxay u yeeri doonaan: Maaligow! Rabbigaa ha noo sameeyo dhammaad. Wuxuu odhan: hubaal Idinku waad ku waari doontaan (Naarta gudaheeda)

[78] Xaqiiq Waxaan idiin la nimid Xaq laakiinse badankiinnu Xaqa baad nacdaan

[79] Mise ma waxay goosteen arrin? Hubaal waa Annaga kuwa wax gooya

[80] Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada baa ag joogta oo qoreysa

[81] Dheh: Haddii Raxmaanku aad leedihiin dhal (buu yeeshay), waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka nazaha inuu leeyahay ilmo ama xaas ama dhig ama cid kaloo wax la wadaagta)

[82] Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshigu oo ka nazahan waxa ay tilmaamaan

[83] Ee iska daa ha dhunbadaan ( baadilkaas) oo ha iska cayaaraane inta ay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay

[84] Oo waa Isaga Kan ku ah Ilaah somooyinka gudahood iyo Ilaah arlada gudaheed; oo waa Isaga (Alle) Xakiimka, wax kasta Ogsoon

[85] Oo waxaa khayr iyo barako badan Kan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, oo ay agti tahay cilmiga Saacadda, oo Xaggiisa dib la idiinku soo celin doono

[86] Oo kuwa ay baryaan Isaga ka sokow, uma leh awood shafeeco marka laga reebo midka qira xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh

[87] Oo haddii aad su’aasho yaa iyaga abuuray, waxay hubaal odhanayaan: Allaah. Ee xaggee baa haddaba loo iilay

[88] Tixgeli dhawaaqiisa: Rabbiyow! Hubaal kuwaanu waa qolo aan (xaqa) rumaysneyn

[89] Ee Isaga jeeso oo dheh: Nabadeey, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca)

Ad-Dukhaan

Surah 44

[1] Xaa Mim

[2] Waxaan ku dhaartay kitaabka(Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa)

[3] Hubaal waxaanu soo waxyoonnay (Qur’aanka) habeen barakaysan3. Hubaal waxaanu nahay mar waliba kuwa diga

[4] Dhexdiisa baa arrin kasta oo xukun ah la gooyaa

[5] Xukun ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul)

[6] Naxariis xagga Rabbigaa ah. hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

[7] Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddi aad yaqiinsaneysaan

[8] Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore

[9] Bal! Waxay ka qabaan shaki, way iska dheelaan

[10] Ee sug Maalinta ay samadu keeni doonto qiiq muuqda

[11] kaasoo dabooli doona dadka, kani waa cadaab xanuun badan

[12] Rabbigayow! Naga feyd cadaabta4, xaqiiq waanu rumyan

[13] Goorma bay waantoobi, iyagoo dhab ahaan uu halkaa ugu yimid Rasuul iska cad

[14] Markaas bay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid ay wax soo bareen (qolo kale), waa nin waalan

[15] Hubaal Waxaanu idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse hubaal ku noqon doontaan (xumaha)

[16] Maalinta aan ku qaban doonno (iyaga) qabasho daran oo weyn5. Hubaal waanu aarsan doonnaa

[17] Oo xaqiiq waxaanu imtixaannay iyaga hortood qolodii Fircoon, oo waxaa halkaa u yimid Rasuul sharaf leh (Muuse)

[18] Isagoo leh: Ii dhiiba adoommaha Ilaahay6. Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah

[19] Oo waa inaydaan iska sare yeelin Allaah. Hubaal waxaan idiinla imaan awood cad

[20] Oo hubaal waxaan ka magan galaa Rab- bigay iyo Rabbigiin inaad idhagaxyeysaan

[21] Oo hadddii aydaan i rumeysneyn, haddaba waxba ha igu darsannina

[22] Markaas buu u dhawaaqday Rabbigi: Kuwakanu waa qolo dambiilayaal ah

[23] Ee la Guuree addoomahayga habeennimo. Hubaal, waa la idin soo daba gali doonaa

[24] Oo dhaaf baddoo deggan8 oo qaybsan: hubaal waa ciidan la qarqin doono

[25] Intee bay beero iyo ilo ka tageen

[26] Iyo dagal iyo degaan wanaagsan

[27] Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen

[28] Sidaas (bay ahayd)! Oo waxaan dhaxalsiinnay qolo kale

[29] Marka samada iyo arladu uma ay ooyin, oo lama siin wax nafis ah

[30] Oo xaqiiq Waxaanu ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaabta dulleysiga

[31] Xagga Fircoon ah; hubaal Wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha

[32] Oo xaqiiq waxaan ka doorannay (dadkii waqtigoodii), annagoo aqoon u leh

[33] Oo waxaan siinnay oo ka mid ah calaamaadaha9 wax ay ku sugnaayeen imtixaan cad

[34] Hubaal kuwakani waxay yidhaahdaan

[35] Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore oo ma nihin kuwo dib loo soo nooleyn

[36] Ee (dib) u soo cesha Aabbayaashayadii hore, haddii aad run sheegaysaan

[37] Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac10 iyo kuwii iyaga ka horreeyey? Waanu hallignay, hubaal waxay ahaayeen denbiilayaal

[38] Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel

[39] Uma aannu abuurin iyaga waxaan Xaq aheyn, laakiinse badankoodu ma oga

[40] Hubaal Maalinta kala Soocu waa ballan loo qabtay iyagoo dhan

[41] Maalinta uusan gacal waxba u tari doonin gacalki oo aan loo gargaari doonin

[42] Mid uu Allaah u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan

[43] Hubaal geedka Zaquumka

[44] Waa cuntada denbiilayaasha

[45] Sida Saliid laami ah buu ugu kar-kari doonaa caloolahooda

[46] Sida kar-karka biyo aad u kulul

[47] Qabta isaga, markaas u jiida Naarta bartankeeda

[48] Oo uga shuba madaxa korkiisa cadaabta biyaha karaya

[49] Dhadhami: Waxaad runtii isu heysatay inaad tahay adkaadaha, sharafta leh

[50] Hubaal kanu waa wixii aad ka shaki qabteen

[51] Hubaal Kuwa iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah

[52] Beero dhexdood iyo ilo

[53] Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool

[54] Sidaas (bay ahaan doontaa), oo Waxaanu u guurin doonnaa xuurul ceyn

[55] Waxay u yeedhan doonaan miro nooc kasta ah, iyagoo nabdoon

[56] Ma ku dhadhamin doonaan dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, oo wuxuu ka badbaadin cadaabta Naarta

[57] Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni

[58] Sidaas baan uga yeelnay wax u sahlan carrabkaaga, bal inay waantoobaan

[59] Ee sug; hubaal iyagu way sugayaan

Al-Jaathiyah

Surah 45

[1] Xaa Miim

[2] Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Allaah, Adkaadaha, Xakiimka

[3] Hubaal Waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan xaqiiq calaamooyin mu’miniinta

[4] Iyo abuuristiinnaba iyo waxa uu ku firdhiyo (dhulka) oo nafley socota ah waxaa ugu sugan calaamooyin qolodii wax yaqiinsanaysa

[5] Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Allaah ka soo dejiyo daruurta oo risiq ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo isbeddelka dabaylaha waxaa ugu sugan calaamooyin qolo wax fahanta

[6] Kuwakani waa Aayadaha Ilaahay oo aan kuugu akhrinno si xaq ah, marka warkee bay bay rumaysanayaan kaddib Allaah iyo Aayadihiisa

[7] Hoog waxaa leh beenaale kastoo danbiile ah

[8] Ee maqla Aayadaha Ilaahay oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan

[9] Oo marka uu wax ka ogaado Aayadaha- yaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwan weeye kuwa mudan cadaab dulleysa

[10] Waxaa ka dambeysa Naar, oo halkaa wax uma tari doonaan waxna ka mid ah waxa ay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen gacallo Allaah ka sokow, oo waxay mudan cadaab aad u murugo weyn

[11] Kani waa hanuun. Oo (ma xagga) kuwa rumeysan diida Aayadaha Rabbigood, wa- xay mudan cadaab xille oo xanuun badan

[12] Allaah waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, bal inaad mahad naqdaan

[13] Oo Wuxuu idiin sakhiray wax kastoo ku sugan samooyinka iyo wax kastoo ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal Waxaa kani ugu sugan calaamooyin qolo fekerta

[14] Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeysan inay iska3 dhaafaan kuwa aan ka cabsi qabin Ayaamaha Ilaahay4, si uu ugu abaal mariyo qolo waxa ay kasbadeen

[15] Mid kastoo sama fala, naftiisay dan u tahay, oo mid kastoo xumaato fala, iyaday u daran tahay. Markaas waxaa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Rabbigiin

[16] Oo xaqiiq Waxaanu siinnay ilmahii Israa’iil Kitaabka iyo Xukunka5 iyo Nabinnimada, oo waxaanu siinnay wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, oo waxaan ka kor marinnay dadkii waqtigoodii

[17] Oo Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismase khilaafin kaddib inta uu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Hubaal Rabbigaa waa u kala garsoori doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafeen

[18] Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac adigu, oo ha raacin waxa liita ay rabaan kuwa aan wax ogeyn

[19] Hubaal iyagu waxba kaagama tari doonaan xagga Ilaahay; oo hubaal gar ma qaatayaasha waa isu saaxiibbo qaarba qaarka kale Oo Allaah waa Gargaaraha iyo gacalka kuwa iska jira (xumaha)

[20] Kuwakani waa u xujooyin cad dadka, oo u ah hanuun iyo naxariis qolo yaqiinsan

[21] Mise ma waxay kuwa kasbaday xumaha moodaan inaan la mid dhigi doonno kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo noloshooda6 iyo geeridooda sinnaan doonaan? Xumaa sida ay u wax u xukumaan

[22] Oo Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxa ay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin

[23] Ee ma u fiirsatay midka ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Allaah u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, oo yeelay caad araggiisa. Yaa haddaba hanuunin kara Allaah kaddib? Ee Mawaydaan waansameyn

[24] Oo waxay yidhaahdaan: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa7 oo dhimannaa oo nama halaagaan waxaan aheyn waayaha. umase laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali

[25] Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddii aad run sheegaysaan

[26] Dheh: Allaah baa idin siiya nolol, haddana sababa inaad dhimataan, haddana wuxuu idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha aan shakiga ku jirin, laakiinse dadka badankiisu ma oga

[27] Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Oo Maalinta ay Saacaddu dhici doonto, Maalintaas bay khasaari doonaan kuwa sheega waxyaalo aan jirin oo been ah

[28] Oo waxaad arki doontaa ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkeeda; Maanta waxaa la idinku abaal marin waxa aad fasheen

[29] Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, hubaal Waxaanu qornay waxaad fasheen

[30] Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu ka yeeli doonaa inay galaan Naxariistiisa, arrinkaasi weeye Liibaanta Wayn

[31] Ma kuwase gaaloobay: Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo waxaad aheydeen qolo dambiilayaal ah

[32] Oo marka la yidhaahdo: Hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo xagga Saacadda, shaki kuma jiro waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, oo ma fileyno (inay dhaceyso) inkastoo aan uun maleyno malo (aan xag jirin), oo ma nihin innagu kuwo huba

[33] Oo xume wixii ay faleen baa u muuqan doona, oo wixii ay ku jees-jeesi jireen baa koobi doona

[34] Oo waxaa la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan, Oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma jirto cid idiin soo gargaari

[35] (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, oo noloshii adduunka baa idin hodday. marka Maanta lagama soo saari doono halkaa, oo lagama yeeli doono cudur daarasho

[36] Ee Allaah baa mudan ammaan idilkeed iyo mahadba, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uunanka

[37] Oo Isagaa iska leh Weynaanta samooyinka iyo arlada gudahooda, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah

Al-Axqaaf

Surah 46

[1] Xaa Miim

[2] Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah

[3] Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo go'an. Kuwase Xaqa diida dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo

[4] Dheh: Bal ma u fiirsateen waxa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab Kan horti ah ama wax raad cilmi ah haddii aad run sheegeysaan

[5] Oo yaa ka habow badan mid isagu barya Allaah sokadi, kuwaa aan wax jawaab ah u soo celin doonin ilaa Maalinta Qiyaamaha oo kuwa ah moog baryadooda

[6] Oo marka dadka la isu wada keeno waxay ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo dafira caabudiddooda

[7] Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa aan rumeysan ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir iska cad

[8] Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been buurtay. Dheh: Haddii aan been abuurtay, iigama tareysaan waxba xagga Allaah; Isaga baa aad u Ogsoon3 waxa aad ka tidhaahdaan arrinkaa. Isaga baa ku Filan marag noo dhexeeya aniga iyo idinka. Oo waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan

[9] Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha4 oo ma ogi waxa laygu fali doono aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo, oo anigu ma ahi waxaan ahayn dige cad

[10] Dheh: Ma u fiirsateen haddii uu ka yimid xagga Ilaahay, oo ku gaalowdaan, oo uu ka marag furo marag5 fure ka mid ah ilmahii Israa’iil inuu yahay mid la mid ah (Towraadda), markaas uu rumeeyey halka6 aad idinkuna isla weyn tihiin kibir darti. Hubaal Allaah ma hanuuniyo qoloda gar ma qaatayaasha ah

[11] Oo waxay kuwa rumeysan diida ku yidhaahdaan kuwa rumeysan haddii uu ahaan lahaa wax wanaagsan iyagu nooga- ma horreeyeen7. Oo maadaama aanay dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu waa beenihii hore

[12] Oo horti Kitaabka Muuse ahaa hanuun iyo naxariis, oo kanina waa Kitaab xaqiijinaya oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa ah gar ma qaatayaasha, oo waa u bishaaro kuwo sama falayaasha ah

[13] Hubaal, Kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas haya tubta toosan8, ma ahaan doonto korkooda cabsi, mana murugoon doonaan

[14] Kuwan waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda,_abaalgud ahaan waxa ay faleen darteed

[15] Oo Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu u samo falo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer marka uu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo: Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, hubaal Adigaan kuu soo laabtaa, oo hubaal waxaan anigu ka mid ahay inta kuu hoggaansan

[16] Kuwan weeye kuwa aan iyagu ka aqbalno waxa u fiican oo ka mid ah waxa ay faleen oo aan ka dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha,_ ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday

[17] Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saari doono iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Oo waxay iyagu labaduba gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Xaqiiq, Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxna aan aheyn sheekooyinkii kuwii hore

[18] Kuwanu waa kuwa uu kula waajibay Qawlka (Cadaabka) ummado tegay hortood oo jin iyo inisiba leh. Hubaal! Waa iyaga khasaaro qabayaal

[19] Oo dhammaantood waxay leeyihiin derejooyin waafaqsan waxa ay faleen, iyo si uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoo aan lagu gardarroon doonin

[20] Oo Maalinta marka kuwa xaqa diida loo soo bandhigi doona Naarta: Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka dhexdeeda oo ku raaxaysateen in muddo ah, marka maanta waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, wixii aad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiinna darteed

[21] Oo xus Caad walaalkood9, marka uu ugu digey qolodiisii Al-Axqaaf (Buur ciideedda) oo dhab ahaan digayaal baa la soo diray hortiis isaga iyo gadaashiiba (isagoo leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah; hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin aad u murugo Weyn

[22] Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxa aad noogu gooddiso, haddii aad ka mid tahay run sheegyada

[23] Wuxuu yidhi: Cilmigu waa uun Xagga Allaah, oo waxaan idin soo gaarsiiyaa fartiinta la ila soo diray, Laakiinse waxaan arkaa inaad tihiin qolo aan garasho lahayn

[24] Saa markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni doonta. Ma jirto’ee waa wixii aad doonteen in la soo dedejiyo10. Waa dabeyl aad u xoog weyn ay ku jirto cadaab xanuun badan

[25] Oo ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaas bay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda Dambiilayaasha ah

[26] Oo dhab ahaan Waxaan u suurta gelinnay wax aanaan idiin suurta galin, oo waxaan u yeellay dhego iyo indho iyo laabo, waxbase uma tarin dhegahoodii, iyo indhahoodii iyo laabahoodii waayo waxay diideen Aayadaha Ilaahay, oo waxa ay ku jees-jeeseen baa ku dhacay oo koobay

[27] Oo dhab ahaan Waxaan horay u hallignay wixii hareerihiinna ahaa ee magaalooyin, oo waxaan ugu celcelinnay Aayadaha (digniinaha) bal inay (ka) soo noqdaan (gaalnimada iyo dambiyada)

[28] Ee maxay haddaba ugu soo gargaari waayeen kuwii ay ka dhigteen ilaahyo11 ay barbar dhigaan Allaah si ay ugu soo dhoweeyaan Isaga? Mayee’ way ka dhumeen iyagii, oo kaasi waa beentoodii iyo waxa ay been abuuran jireen

[29] Oo waa tii aan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaystay Qur’aanka, ee markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. markaasaa markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya

[30] Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab la soo dejiyey Muuse kaddib, oo xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan

[31] Tolkanagow! Raaca daaciga Ilaahay12 oo aamina, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi den- biyadiinna, oo idinka badbaadin cadaab xanuun badan

[32] Oo mid kastoo aan raacin daaciga Ilaahay, kuma baxsan doono dhulka, oo ma jiro wax u gargaari doona (Allaah) sokadi. Kuwani waxay ku sugan yihiin habow cad

[33] Ma waysan u fiirsan in Allaah ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara

[34] Oo Maalinta loo soo bandhigi doono kuwa xaqa diida Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Haddaba dhadhamiya Cadaabta, gaalnimadiinnii darteed

[35] Ee samir yeelo sidii ay Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samir yeesheen13, oo ha doondoonin in loo soo dedejiyo iyaga (cadaabkooda). Maalinta ay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida ayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn dadka caasiyiinta ah

Muxammad

Surah 47

[1] (Ma xagga) Kuwa xaqa diida oo ka weecda Jidka Ilaahay. Wuxuu ka dhigi acmaashooda waxaan raad lahayn

[2] Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo fala samaha, oo rumeysan waxa lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuu ka tiritiri xumahay faleen, oo hagaajin xaalkooda

[3] Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa xaqa diida waxay raacaan been aan jirin, halka kuwa rumeysan ay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaas buu Allaah ugu soo tusaale qaadaa dadka

[4] Ee marka aad kula kulantaan dagaal kuwaa gaalada (ee duullaanka) ah ka garaaca luqumaha; jeer markaa aad ka adkaataan, markaa (qabta oo) ku adkeeya xarigga maxaabiis ahaan, oo intaa kaddib iska sii daaya axsaan fala5 ahaan ama ha is furtaan jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabadda la doorto). Waa sidaase, oo haddii Allaah doono, Isaga Naf ahantiisa baa hubaal ka cad goosan lahaa, laakiinse waa si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale6 Oo (ma xagga) kuwa lagu dilaa Jidka Ilaahay Marnaba ma lumin doono camalladooda

[5] Waa uu hanuunin doonaa oo hagaajin xaalkooda

[6] Oo ka yeeli inay galaan janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan

[7] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Haddii aad u gargaartaan (arrinka) Ilaahay, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna

[8] Oo (ma xagga) kuwa xaqa diida, mudankood waa balo iyo baabba’a, oo Wuxuu ka yeeli camalladooda wax ba’ay

[9] Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Allaah soo dejiyey, markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin

[10] Ma waysan ku socdaalin arlada oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Allaah baa ku keenay baabba7’ dhan oo gaaladu waxay la kulmi doonaan isla aayahaas oo kale

[11] Sidaas waxaa ku wacan Allaah waa gargaaraha kuwa rumeysan, oo maxaa yeelay gaaladu uma sugnaan wax gargaare ah

[12] Hubaal Allaah wuxuu ka yeeli kuwa rumeysan oo fala samaha inay galaan beero ay hoos qul-qulaan wabiyo, oo kuwa gaalada ahi way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xoolahu wax u cunaan, oo Naartu waa hoygooda

[13] Oo badanaa inta magaalo ka xoog ba- dan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara

[14] Ma mid xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah ku camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda

[15] Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin8, iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; oo waxay ku leeyihiin gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, oo laga waraabin biyo karaya markaas googaysa xiidmahooda

[16] Oo waxaa jira kuwaa ka midka ah iyaga ee ku dhegaysta, jeer marka ay ka baxaan agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga9: Maxay ahayd waxa uu sheegayey goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Allaah daboolay quluubtooda, oo waxay raacaan waxa liita ay nafahoodu rabaan

[17] Oo (ma xagga) Kuwa hanuunsan, wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo

[18] Ee ma waxay haddaba sugaan waxaan ahayn Saacadda inay ugu timaaddo kedo? Haatan dhab ahaan calaamooyinkeedii baa durbaba yimid, ee sidee bayse u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo

[19] Ee aqoon san u lahow inuusan jirin Ilaah aan aheyn Allaah, oo u weydiiso astur damigaaga iyo (dambiga) mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Oo Allaah wuu Ogsoon yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba

[20] Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay yidhaahdaan: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso10, waxaad aragtaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiiriya fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Ee belo ha ku dhacdo haddaba

[21] Daacadnimo iyo horaarsan (baa la gudbooneyd). Markase arrinka la go’aamiyo markaa haddii ay ku sugnaadaan u run sheegidda Allaah baa hubaal u khayr roonaan lahayd

[22] Mase haddii aad qabataan11 xil, malaha waxaad fasahaadin lahaydeen arlada, oo aad goyn lahaydeen xidhiidhka qaraabadiinna

[23] Kuwaasi weeye kuwa uu Allaah nacladay, markaasuu ka yeelay dhego la’aan oo cameeyey indhahooda

[24] Ee mawaysan haddaba u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda

[25] Hubaal, (ma xagga) kuwa jeediya dhabarradooda kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa uga yeela arrin sahlan , oo rajo geliya

[26] Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdaan kuwa naca waxa Allaah soo waxyooday12: Waxaynu idinku adeeci doonnaa qaar ka mid ah arrinka; Oo Allaah wuu Ogsoon yahay sirahooda

[27] Sidee bayse ahaan, marka ay malaa’ig- tu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda

[28] Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raacaan waxa Allaah ka cadheysiiya, oo nacaan waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda

[29] Mise ma waxay kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur moodaan inuusan Allaah soo saari doonin xumaanta laabaha kaga jira

[30] Oo haddii aan doonno, waan ku tusi laheyn iyaga, oo waxaad hubaal ku garan lahayd astaamahooda; oo hubaal waxaad ku garan kartaa hadalkooda leexsan. Oo Allaah wuu Og yahay camalladiinna

[31] Oo hubaal waanu idin imtixaani jeer aan muujinno kuwa idinka mid ah ee aad ugu dadaala(Arrinka Ilaahay) iyo samrayaa- sha, oo waanu muujin arrimahiinna

[32] Hubaal kuwa gaalooba oo ka weecda jidka Ilaahay oo khilaafa Rasuulka, kaddib marka uu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Allaah, wuuna burin doonaa acmaashooda

[33] Kuwiinna idinku rumeysanow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka oo ha burinnina acmaashiinna

[34] Hubaal kuwa gaalooba oo ka weecda Jidka Ilaahay kaddibna dhinta iyagoo gaalo ah, Allaah sinnaba uguma dambi dhaafo

[35] Ee ha tabar darraanina, si aad markaas heshiis u dalabtaan, oo idinkaa iska leh gacanta sare, oo Allaah baa idin la jira, oo marnabana ma nusqaamin doono acmaashiinna

[36] Nolosha adduunkan wax kale ma’ahee waa ciyaar iyo madaddaalo, oo haddii aad (Xaqa) rumeysaan, oo aad iska jirtaan (xumaha), Wuxuu idin siin abaalkiinna, oo idinma weydiisan doono maalkiinna

[37] Haddii uu idin weydiisan lahaa oo idinku adkeeyo waa bakhayli laheydeen lexejecli darteed, oo wuxuu debedda u soo saari lahaa xumahiinna

[38] Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Arrinka Ilaahay, waxaase idinku jira kuwo ah bakhayllo, oo mid kastoo bakhayl ah wuxuu uun ka bakhaylayaa naftiisa. Oo Allaah waa Iskufilan Deeqtoon, oo idinkaa ah sabool u baahan (Isaga). Oo haddii aad jeesataan Wuxuu keeni halkiinna qolo kale, markaas ma noqon doonaan kuwo idinkoo kale ah

Al-Fatx

Surah 48

[1] Hubaal Waxaanu ku siinnay (Muxammadow) furasho caddaan ah

[2] Si uu Allaah kaaga dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo dambi ah, iyo waxa dib kaaga dhici kara, oo kuugu dhammaystiro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan

[3] Iyo inuu Allaah kugu taageero guul aad u weyn

[4] Isaga weeye Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu siyaadsadaan iimaankooda; Oo Allaah baa iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[5] Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka beero ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda, oo uga tirtiro xume falkooda, oo (arrin)kaasi Allaah agtiis waa Liibaan aad u Weyn

[6] Iyo si uu u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka ee ku maleeya malaha xun Allaah, korkooda waxaa ah xumaanta wareegta, oo Cadho Allay qabaan, oo waa uu nacladay, wuxuuna u diyaariyey Naar iyaga,_oo iyadaa u xun aayotiin ahaan

[7] Oo Allaah baa leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[8] Hubaal Waxaanu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, iyo bishaareeye iyo digeba

[9] Si aad idinku u rumeysaan Allaah iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo nazahdaan (Alle) subax iyo galabba

[10] Hubaal kuwa kugula gala wacad hiilka Waxay uun Wacad la sameyn Allaah. Gacanta Ilaahay baa ka kor ah gacmahooda2. Ee mid kastoo ka baxaa wacadkiisa. wuxuu uun uga baxayaa oo ay u daran tahay naftiisa, oo mid kastoo oofiya waxa uu kula galay Allaah ballanka, Wuxuu siin doonaa Ajar aad u Weyn

[11] Kuwaa ka mid ah reer miyiga Carbeed ee gadaal looga soo tagay waxay kugu odhan doonaan: Maalkayaga iyo ehelkayaga baa na shuqliyey, ee noo dambi dhaaf dalab. Waxay ka yidhaahdaan carrabyadooda waxaan ku jirin quluubtooda. Dheh:Yaa haddaba leh wax awood ah (oo idinka celin kara) Allaah. Haddii uu Allaah idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Balse Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

[12] Mayee’ bal waxaad u maleyseen in Rasuulka iyo mu’miniintu aysan u soo noqoneyn ehelkooda weligood, oo sidaas baa loo qurxiyey quluubtiinna, oo waxaad maleyseen male xun, oo waxaad aheydeen qolo loo qoray halaag

[13] Oo mid kastoo aan rumeyn Allaah iyo Rasuulkiisa, haddaba hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada dab huraya

[14] Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba, wuxuu u dambi dhaafaa kii uu doono, oo ciqaabaa kii uu doono, Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[15] Kuwaa dib looga soo tagay waxay odhan doonaan marka aad u baxeysaan si aad u soo qaadataan qaniimooyinka: Noo oggolaada inaan idin raacno. Waxay doonayaan inay beddelaan Hadalka Ilaahay. Dheh: Marnaba nama raaci doontaan. Sidaas buu Allaah horay u yidhi. Markaa waxay odhan doonaan: Mayee’ xaasid baad nagu tihiin. Maahee, ma fahmaan waxaan in yar ahayn

[16] Ku dheh kuwa reer miyiga Carbeed ah ee dib looga soo tagay: Waxaa dhowaan la idiinku yeedhi doonaa qolo dagaal aqoon daran leh, waa inaad la dirirtaan intay iska dhiibaan4, ee haddii aad adeecdaan Allaah Wuxuu idin siin doonaa abaalgud fiican, haddiise aad dhabarka jeedisaan sidii aad horeyba ugu jeediseen dhabarka, Wuxuu idinku ciqaabi doonaa cadaab xanuun badan

[17] Ma saarna eed indhoolaha, mana saarna wax eed ahi naafada, oo ma saarna eed bukaanka (haddii aanay u bixin Jihaadka Jidka ilaahay). Oo mid kastoo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu gelin doonaa beero ay webiyo hoos qul-qulaan, oo mid kastoo jeediya dhabarka. Wuxuu cadaabi doonaa cadaab xanuun badan

[18] Dhab ahaan Allaah wuxuu ahaa mid ka raalli ah mu’miniinta markay wacad hiillin ay kugula galeen geedka hoostiisa, oo wuxuu ogaa waxa ku jiray quluubtooda, markaasuu ku soo dejiyey xasilloooni korkooda, oo ku abaal mariyey guul dhow

[19] Iyo qaniimooyin badan oo ay qaadan, Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

[20] Allaah wuxuu idiin ballan qaaday qaniimooyin badan aad qaadan doontaan, markaasuu wuxuu idiin soo dedejiyey middatan (qaniimada Khaybar), oo idinka celiyey gacmihii dadka, iyo inay u ahaato calaamo mu’miniinta, oo idinku hanuuniyo Tub Toosan

[21] Iyo (guulo) kale oo aydaan weli awood u yeelan inaad gaadhaan6, Allaah baa dhab ahaan koobay. Oo Allaah wax walba wuu Karaa

[22] Oo haddii ay kuwa aan (xaqa) rumeysnayn idinla diriraan, waxay hubaal jeedin lahaayeen dhabarra(dooda) markaas ma ay heli lahayn wax gacal ah iyo gargaare midna

[23] Sidaas bay soo ahaan jirey Hannaanka Ilaahay ee dhab ahaan uga dhex jirey kuwii horay u tegay. Oo kama heli doontid wax isbeddel ah Hannaanka Ilaahay

[24] Oo Isaga weeye Kan idinka celiyey gac- mahooda, iyo gacmahiinna iyaga togga Makka agti, kaddib markuu idin siiyey guusha oo aad ka adkaateen (kuwii idiin galay cimilka markaad u socoteen Makkah ). Oo Alle waa Arkaha waxa aad fashaan

[25] Waa iyaga (mushrikiinta Quraysh) kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca7. Oo haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogaan, oo laga yaabo in aad wax yeeshaan, taasoo dambi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Allaah waa uu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Allaah u sababo inuu geliyo Naxariistiisa cidduu doono_, haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan hubaal cadaabi laheyn kuwooda ka mid ah ee gaaloobay cadaab xanuun badan

[26] Waa tii uu Allaah ku dhigay kuwa gaaloobay quluubtooda ficilo_ ficiladii waqtigii jaahiliyada,_ Wuxuuse Allaah ku soo dejiyey xasilloonidiisa Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, oo ka yeelay kuwo ku sugnaada Ereyga dhowrsashada8, oo waxay ahaayeen kuwo mudan oo ehelkeed ah. Oo Allaah wax walba waa Og yahay

[27] Dhab ahaan Allaah wuxuu ku tusay Rasuulkiisa riyada xaq, waxaad hubaal gali doontaan Masjidka Xaramka haddii Allaah idmo idinkoo aamin ah9, (qaar) timaha ay xiidhan, oo (qaar kale) ay gaabsan idinkoo aan cabsi qabin, Wuxuuse Og yahay wax aydaan idinku ogeyn, markaasuu (gelitaanka Makka) ka sokow keenay furasho dhow (Heshiikii Xudaybyah)

[28] Isaga weeye Kan la soo diray Rasuulkiisa Hanuun iyo Diin Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha oo dhan. Oo Allaah ku filan Markhaati uu ahaado

[29] Muxammad waa Rasuulka Ilaahay, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda; waxaad arki doontaa iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Ilaahay (iyo) Raallinimo(diisa). Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Oo tilmaantooda ku taal Injiilka waa sida (abuur) la beeray la soo kacda madaxeeda, markaas yeelata xoog, oo noqota gahayr, oo ku istaagta iyadoo toosan salkeeda, iyadoo farax gelineysa beeroleyda_ si uu Isagu ugu ciilo gaalada. Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwooda ka mid ah ee rumeysan oo samaha fala Dambi Dhaaf iyo Abaal gud aad u Weyn

Al-Xujuraat

Surah 49

[1] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Allaah iyo Rasuulkiisa2, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal! Allaah waa wax kasta Maqle, Wax kasta Ogsoon

[2] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga oo ha kula tannaagoogina hadalka sida uu ugula tannaagooda qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dareensaneyn

[3] Hubaal, kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Ilaahay, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Allaah imtixaanay dhowrsashadooda darteed, waxay leeyihiin Dambi Dhaaf iyo abaalgud aad u Weyn

[4] (Ma xagga) kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad

[5] Oo haddii ay sugaan si samir leh inta aad uga soo baxdo, baa hubaal u khayr badnaan laheyd, Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[6] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Haddii uu mid caasi ah idiinla yimaado war, iska hubiya, si aydaan wax ugu yeelin dad ogaansho la’aan, markaas aad ka shallaydaan waxa aad fasheen

[7] Oo ogaada inuu idinku dhex jiro Rasuullka Ilaahay, haddii uu idinka yeeli lahaa in badan oo Arrinka ka mid ah, hubaal waa dhibtoon laheydeen, laakiinse Allaah baa idin jeclaysiiyey Iimaanka oo ku qurxiyey quluubtiinna, oo ka yeelay wax aad neceb tihiin gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo. Oo kuwan weeye kuwa iyagu hanuunsan

[8] Waa Fadli xag Ilaahay ah iyo Nicmad, Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah

[9] Oo haddii ay labo kooxood oo mu’miniinta ka mid ahi diriraan, markaa ka sameeya heshiis dhexdooda, haddiise middood ku gardarroota tan kale markaa la dirira tan gar daran jeer ay u soo noqoto Amarka Ilaahay, haddii ay soo laabato, markaa ka sameeya heshiis dhexdooda si caddaalad ah oo xaqa dhowra. Hubaal Allaah waa jecel yahay kuwa caadilka ah

[10] Mu’miniintu waa uun walaalo3. ee ka sameeya heshiis walaalihiin dhexdood, oo dhwora (xilka uu idin saaray) Allaah, waa intaasoo la idiin naxariisto'e

[11] Kuwiinan idinku rumeysanow! Qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin iyaga, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin iyaga; oo ha ceebeynina dadkiinna, oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa magac xumo kaddib Iimaanka. Oo mid kastoo aan (Xaqa u) soo laaban, kuwan weeye kuwan kuwa ah gar ma qaatayaasha

[12] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ka dheeraada malaha badanki, hubaal, malaha qaarki waa dambi. Oo ha is jaasuusina, oo qaarkiin yaanay xaman qaar kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waadse neceb tihiin arrintaa. Oo dhowra xilka (uu idin saaray) Allaah, hubaal, Allaah waa mid u soo noqod badan (naxariista) Naxariis Badan

[13] Dadoow! Hubaal Waxaanu idinka abuurnay lab iyo dhedddig, oo idinka dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan Allaah agti waa kan idiinku dhowris badan (xilka uu idin saaray). hubaal, Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xog ogaal ah

[14] Reer miyigii Carbeed waxay yidhaahdeen: Waanu rumeysannay. Dheh: Ma rumeysanidin laakiinse dhaha, waanu is dhiibnay; oo Iimaanku weli ma gelin quluubtiinna. Oo haddii aad adeecdaan Allaah iyo Rasuulkiisa, waxba idinkama uu dhimi doono ka mid ah acmaashiinna, hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[15] Mu’miniintu waa uun kuwa rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa. markaas aan shakiyin, oo u hura maalkooda iyo nafahooda Jidka Ilaahay. Waa kuwan kuwa runlowyada ah

[16] Dheh: Ma waxaad u sheegeysaan Allaah diintiinna? Isagoo Allaah ogsoon yahay waxaa jira samooyinka iyo waxaa jira arlada, Oo Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay

[17] Waxay moodaan inay kugu leeyihiin abaal ay tahay inaad u guddo qaadashadooda islaamka darteed. Dheh: ha iigu abaal sheegannina islaamiddiinna. Bal Allaah baa idiinku abaal sheeganaya idinku hanuunintiinna Iimaanka darteed, haddii aad run sheegeysaan

[18] Hubaal, Allaah baa ogsoon waxa aan muuqan ee ah samooyinka iyo arlada. Oo Allaah waa Arkaa waxa aad fashaan

Qaaf

Surah 50

[1] Qaaf;2 Waxaan ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan

[2] Bal, waxay la yaabban yihiin inuu u yimid dige ka mid ahi iyaga. Oo gaaladu waxay yidhaahdaan: Kanu waa wax la yaab leh

[3] Ma markaan dhimanno oo aan noqonno ciid? Taasu waa soo Noqosho Fog

[4] Waxaan ognahay dhab ahaan waxa uu dhulku ka dhimo iyaga, oo agtannada wa- xaa ah Kitaab wax walba kooba oo xafidan

[5] Bal waxay beeniyeen Xaqa markii uu u yimid, waxay haddaba ku jiraan xaalad murugsan

[6] Mawaysan haddaba fiirin samada korkooda ah, sida aan u dhisnay oo u qurxinnay, oo ma laha wax duleello ah

[7] Oo dhulka Waxaanu ka yeellay mid fidsan, oo ku sugnay buuro, oo waxaan ka yeelany inay ka soo dhex baxaan dhir qurxoon oo cayn walba leh

[8] Oo tusmo iyo waano u ah addoon kasta oo badiya u soo laabashada (Ilaahay)

[9] Oo Waxaan ka soo dejinnaa daruurta biyo khayr badan, oo ku soo saarnaa beero iyo baad

[10] Iyo geedo timireed dhaadheer oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran

[11] Risiq ay leeyihiin addoomaha. Oo waxaan ku nooleynaa dhul dhintay. Sidaas oo kale bay ahaan doontaa soo bixintu

[12] Qolodii Nuux baa beeniyey hortood iyaga4, iyo qoladii ceelka iyo Thamuud

[13] Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi

[14] Iyo reer hawdkii iyo qolodii Tubbac; dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga

[15] Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub

[16] Oo dhab ahaan waxaan abuurnay aadmiga, oo waa ognahay waxa ay naftiisu kula hadasho. Oo waxaan uga dhownahay xididka dhuunta

[17] Marka ay labada xilqaade (malaa’igta wax qoreysa) qaadaan xilkooda, iyagoo kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix

[18] Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye u diyaar ah (inuu qoro)

[19] Oo waxay ku iman doontaa sakaraadka mowdka xaq: kaasi waa waxaad ka meermeereysey

[20] Oo Buunkaa la afuufi _ taasu waa Maalintii laysu yaboohay

[21] Oo naf walbaa waxay iman doontaa iyadoo uu la socdo mid hoggaaminaya, iyo mid ku markhaati furaya

[22] Xaqiiq waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay

[23] Oo rafiiqiisu wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah

[24] Ku tuura Naar gaal kastoo xaq diiddo ku madax adeegay

[25] Khayr diide,xadgudbe, shaki qabeen ah

[26] Ee la mid dhigay Allaah, ilaah kale, ee ku tuura cadaab daran

[27] Rafiiqiisii wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, laakiinse isagaa naf ahaantiisa ku sugnaa habow aad u fog

[28] Wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, oo dhab ahaan waxaan horay idiinku soo diray gooddiga

[29] Hadalka iga soo fulaa ma aha mid la beddelo, Oo Anigu ma ahi mid ku gardarrooda Addoomaha

[30] Maalinta aan ku odhan Naarta: Ma buuxsantay? Oo waxay odhan: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado

[31] Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba

[32] Kani waa waxa la idin ballan qaaday, Waxaa iska leh mid walboo u soo laabasho badiya (Allaah), dhowra xuduuddiisa

[33] Kan ka cabsada Raxmaanka (Allaah) sir (iyo saaqba) oo la yimaada qalbi toobad keen badan

[34] Ku gala nabad (Jannada); taasi waa Maalinta waaridda

[35] Waxay ku leeyihiin gudaheeda wixii ay doonaan,_oo waxaan u heynaa weliba wax intaa ka badan (Eegidda Wejiga Ilaahay)

[36] Oo badanaa inta fac aan rognay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ee ma jirtaa meel la magan galo

[37] Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan

[38] Oo dhab ahaan Waxaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood oo nama soo gaarin wax daal ah

[39] Ee u samir yeelo waxa ay leeyihiin, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor inta aanay dhicin

[40] Oo habeenka in ka mid ah ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow

[41] Oo Dhageyso Maalinta marka uu dhawaaquhu ka dhawaaqi doono meel dhow

[42] Maalinta ay maqli doonaan qaylo si Xaq ah, taasu waa Maalinta soo bixinta

[43] Hubaal Waxaanu bixinnaa nolol oo sababnaa dhimasho; oo waa Xaggayaga halka loo soo laabmi

[44] Maalinta uu dhulku ka dillaaci doono gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi doonaan, kaasu waa soo kulmin noo fudud

[45] Annaga baa aad u ogsoon waxa ay leeyihiin; oo adigu ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka, kan ka cabsada Gooddigayga

Adh-Dhaariyaat

Surah 51

[1] Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) ku fida meel fog oo ballaaran

[2] Haddana (duruurahaa) xambaarsan culayska (roobka)

[3] Haddana (doon)yahaa sida fudud u socda

[4] Haddana kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna

[5] Waxa la idiinku gooddiyey hubaal waa xaqiiq dhab ah

[6] Oo xaqiiq abaal marintu waa la hubaa inay dhaceyso

[7] Waxaan ku dhaartay samada waddooyinka badan leh

[8] Hubaal waxaad idinku kaga sugan tihiin hadal kala duwan

[9] Waxaa laga duwaa kan isaga iska duwa

[10] Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha

[11] Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan

[12] Waxay weydiiyaan: Waa goorma Maalinta Abaal marintu

[13] Waa Maalin Naarta lagu jarribi doono

[14] Dhadhamiya caddibiddiina. Kanu waa waxaad degdegsanayseen

[15] Hubaal, Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan doonaan Beero iyo ilo

[16] Iyagoo qaadanaya waxa uu Rabbigood siiyey. Hubaal waxay ahaayeen ka hor (arrin)kaasi sama falayaal

[17] Waxay seexan jireen in yar habeenkii

[18] Oo waqtiyada suxuurta waxay weydiisanayeen dambi dhaaf

[19] Oo maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan

[20] Oo dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh yaqiin

[21] Iyo nafahiinna (sidoo kale), ee mawaydaan haddaba arkeyn

[22] Oo samada bay jirtaa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay

[23] Ee waa igu Rabbiga samada iyo arlada, waa la hubaayoo Xaq weeye, sida aad u hadashaanba

[24] Ma kuu yimid warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd

[25] Waa tii ay u soo galeen, oo yidhaahdeen: waa nabad, wuxuu yidhi: nabad. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn

[26] Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan

[27] Oo u soo dhoweeyey (isagoo leh): Mawaydaan cunayn

[28] Markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan, oo waxay ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh

[29] Markaas bay soo aadday haweeneydiisii iyadoo yaabban, oo iska dharbaaxday wejigeeda, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday

[30] Waxay yidhaahdeen: Sidaas buu leeyahay Rabbigaa. Hubaal, waa Isaga Xakiimka ,Wax kasta Ogaha ah

[31] Wuxuu yidhi: Muxuu haddaba xaalkiinnu yahay kuwayahow la soo diray

[32] Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah

[33] Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo ah

[34] Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha

[35] Markaas baan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah

[36] Kamase aanu helin gudaheeda wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah

[37] Oo waxaan uga tagnay halkaa Calaamo5 kuwa ka cabsada cadaabta xanuunka badan

[38] Oo Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad

[39] Wuuse jeestay isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: Waa saaxir ama nin waalan

[40] Markaas baan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan

[41] Oo Caad (waxaa ku sugan calaamo), markaan ku dirnay dabayl wax halaagta

[42] Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale

[43] Oo Thamuud (calaamaa ku sugan), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah

[44] Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey

[45] Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin

[46] Oo qolodii Nuux iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo), hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah

[47] Oo samada waxaan ku dhisnay awood Oo hubaal waa Annaga kuwa waasiciya

[48] Oo arlada Waxaanu ka yeellay gogol fidsan, Ee fiicanaa haddaba diyaariyuhu

[49] Oo wax walba Waxaan ka abuurnay lammaan, si aad u waano qaadataan

[50] Ee u carara xagga7 Allaah, hubaal waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa

[51] Oo ha u yeelina Allaah, Ilaah kale oo la dhig ah. Hubaal Waxaan idiin ahay diga cad ka yimid Xaggiisa

[52] Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa Saaxir, ama nin waalan

[53] Miyey iskula dardaarmeen arrintani8? Mayee’ waa qolo xadgudub badan

[54] Ee iskaga jeeso iyaga, kaama saarna eed

[55] Oo wad waanada waxay runtii waanadu anfacdaa mu’miniinta

[56] Oo uma aanu abuurin Jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan

[57] Kama doonayo wax risiq ah oo kama doonayo inay i quudiyaan

[58] Hubaal, waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoog Badnaha ah

[59] Oo hubaal kuwa gar ma qaatayaasha ah waxay la kulmi doonaan saami la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo

[60] Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida, kaasoo kaga iman doona Maalintoodaasi loogu gooddiyey

At-Tuur

Surah 52

[1] Waxaan ku dhaartay Buurta (Siinaay)

[2] Iyo Kitaabka qoran

[3] Ee indhalka ku fidsan

[4] Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto

[5] Iyo saqafka la kor yeelay (samada)

[6] Iyo badda lagu huriyey (dabka ama soo fatahda)

[7] Hubaal, Cadaabta Rabbigaa waa wax dhici doona oo sugan

[8] Ma jiro wax celin doona

[9] Maalinta marka uu cirku hadba dhinac u wareegi doono

[10] Oo buuruhu socon doonaan socosho (yaab) leh

[11] Ee hoog waxaa leh Maalintaas kuwa (Xaqa) diida

[12] Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta

[13] Maalinta loogu tuuri doono Naarta si daran oo xoog leh

[14] Tani waa Naartii aad beenin jirteen

[15] Ee ma sixir baa haddaba, mise idinku ma aragtaan

[16] Gala si aad ugu gubataan, markaa ku sabra ama ha ku sabrina - waa isugu kiin wada mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen

[17] Hubaal, kuwa ka dhowrsada xumaha waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo

[18] Iyagoo ku raaxeysan waxa uu siiyey Rabbigood, oo Rabbigood Wuxuu ka badbaadshay cadaabta Naarta ololeysa

[19] (Waxaa lagu odhan) Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen

[20] Waxay ku jiqleysan doonaan sariiro heer sare ahoo la safay. Oo waxaanu u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan)

[21] Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka,_ waxaanu isu wada keeni doonnaa durriyadooda, oo waxna kama dhimi doonno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mas’uul ka yahay waxa uu kasbado

[22] Oo waxaan siin khudrad iyo hilib, kay rabaan

[23] Waxay isu dhiib-dhiibi doonaan galaas (khamro xalaal) ah aan lahaan doonin wax ah laqwi iyo dambi midkoodna

[24] Oo waxaa hareera socon doona wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray

[25] Oo qaarkood waxay qaabili doonaan qaar kale iyagoo is-wareysan

[26] Waxay odhan: Waxaan ka hor ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadho gelinta Ilaahay)

[27] Allaah baase noo nicmeeyey, oo naga dhowray cadaabta hanfiga kulul

[28] Hubaal Waxaan innagu awal hore baryi jirnay Isagoo (Keliya). Hubaal, waa Isaga Baarriga , Naxariista Badan

[29] Ee waani (Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo ku waalan midna

[30] Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibad waqtiga la iman

[31] Dheh: Suga! Aniguna sidoo kale hubaal waxaan ka mid ahay kuwa wax suga

[32] Ma caqliyadooda baa ku amra sidan mise waa qolo qooqan

[33] Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay? Mayee! Ma rumeysna

[34] Ee ha keenaan war la mid ahi haddii ay yihiin run sheegayaal

[35] Mise ma waxaa laga abuuray cid la', mise iyagaa ah abuurayashaa

[36] Mise ma waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana

[37] Mise ma waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan

[38] Mise ma waxay leeyihiin sallaanno ay wax ku dhegaystaan; ee ha la yimaado dhegaystahoodu xujo cad

[39] Mise ma wuxuu leeyahay gabdho halka idinku leedihiin wiilal

[40] Mise ma waxaad adigu weydiisataa abaalgud, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin

[41] Mise ma waxay hayaan waxa qarsoon aan muuqan ee iyagu qoraan

[42] Mise ma waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda

[43] Mise ma waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Allaah? Xurmoo dhan waxaa iska leh Allaah oo ka nazahan waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada)

[44] Oo haddii ay arki lahaayeen gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya7. waxay odhan lahaayeen: Waa daruur is dul saaran

[45] Ee iskaga tag inta ay la kulmaan Maalintooda ee laga yeeli doono inay la suuxaan (qarracan)

[46] Maalinta uusan dabinkoodu waxba u tari doonin oo aan loo gargaari doonin

[47] Oo hubaal waxay kuwaa ah gar ma qaatayaasha la kulmi doonaan cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi8) laakiinse badankoodu ma ay ogsoona

[48] Ee u sug si samir leh xukunka Rabbigaa, waxaad hubaal tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa marka aad soo kacdoba

[49] Oo habeenkana huf oo xurmo weynee, iyo marka ay xiddiguhu dhacaanba

An-Najm

Surah 53

[1] Waxaan ku dhaartay xiddiga marka uu hoos u soo dhaco

[2] Saaxibkiin ma uu gefo, mana habaabo

[3] Oo ma ku hadlo hawadiisa

[4] Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyoodo

[5] Waxaa baray (oo xagga Allaah ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn

[6] Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuraddiisuna dhan tahay (Jabriil)

[7] Isagoo ah halka ugu sarreysa jihada sare

[8] Markaasuu soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday

[9] In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka sii dhowba

[10] Markaasuu (Allaah) u Waxyooday addoonkiisa4 waxa uu u waxyooday

[11] Kama been sheegin Qalbigu wuxuu arkay

[12] Ma waxaad haddaba kula murantaan waxa uu arkay

[13] Oo xaqiiq wuxuu ku arkay (Jabriil) soo degid kale

[14] Dhammaadka xadka geedka gobka

[15] Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada

[16] Marka uu daboolay gobka waxa daboolay

[17] Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay

[18] Xaqiiq wuxuu wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn

[19] Ee ma u fiirsateen haddaba Al-Laat iyo Al-Cuzza

[20] Iyo Manaat, midka seddexaad ee kale

[21] Ma idinka baase leh labka oo Isagu leeyahay dheddigga

[22] Tanu dhab ahaan waa qayb dulun ah

[23] Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen,_ idinka iyo aabbayaashiin,_ oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Oo ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, oo xaqiiq waxaa uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan

[24] Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleysto

[25] Mayee Allaah baa iska leh tan dambe (Aakhirada)iyo(nolosha)horeba(Adduunka)

[26] Oo badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Allaah u idmo maahee ciddii uu doono oo ka Raalli yahay

[27] Hubaal, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah

[28] Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, oo hubaal, maluhu waxba kama taro Xaqa

[29] Ee iskaga jeeso kan ka jeesta Xuskayaga oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka

[30] Kaasi waa inta uu gaaray garaadkooda aqooneed. hubaal, Rabbigaa aad buu u Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, oo wuxuu aad u Ogsoon yahay kan hanuunsan

[31] Oo Allaah baa iska leh waxaa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxa ay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta waxa wax u wanaagsan

[32] Kuwa ka fogaada dambiyada waaweyn iyo foolxumooyinka, waxaan ahayn waxa ku soo dhaca maanankooda, _hubaal, Rabbigaa waa mid leh dambi dhaaf ballaaran. Wuxuu idiin yaqaan si fiican, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku tihiin jiif uurarka hooyooyinkiin, ee ha ku ammaanina daahirnimo nafahiinna, wuxuu u Og yahay si fiican kan ka dhowrsada (xumaha)

[33] Ee ma aragtay haddaba kan isagu jeediya dhabarkiisa

[34] Oo bixiya wax yar7, oo misna ma suuga

[35] Ma wuxuu hayaa cilmiga waxa aan muuqan, oo isagu arkaa

[36] Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse

[37] Iyo Ibraahiim ee oofiyey (amarradii Ilaahay)

[38] Inuusan qof culaab xambaarsan (denbi) uu qaadi doonin culaabta (denbiga) qof kale

[39] Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn waxa uu ku dadaalo

[40] Iyo in dadaalkiisa durba la arki doono

[41] Markaas looga abaal marin doono si dhan abaalmarin kaamil ah

[42] Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay halka arrin kasta loo celiyo

[43] Iyo inuu Isagu yahay Kan ka qosliya (dadka) oo ka oohiya

[44] Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan sababa dhimashada oo bixiya nolol

[45] Iyo inuu Isagu abuuray lammaanka, labka iyo dheddigga

[46] Ka abuuray mino nool marka la shubo

[47] Iyo inay Isaga (Alle) saaran tahay soo celinta kale

[48] Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan hodmiya (qofka) ama Ka dhiga sabool

[49] Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Rabbiga xiddiga Shicra

[50] Iyo inuu rogay (reer) Caadkii hore

[51] Iyo Thamuudba, waxna kama reebin

[52] Iyo qolodii Nuux awal hore; hubaal waxay ahaayeen kuwo gardarro iyo qooq badan

[53] Iyo magaalooyinkii la dabageddiyey uu soo riday

[54] Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay

[55] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodi doontaan oo ka shaki qabtaan

[56] Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore

[57] Dhacdada dhow (Qiyaamaha) intaas way soo dhowaataa

[58] Ma jiri doono Allaah ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda)

[59] Ee ma waxaad haddaba la yaabban tihiin warkani

[60] Oo ku qosli oo aydaan ooyeyn

[61] Idinkoo iska haasaawaya

[62] Ee u sujuuda Allaah, oo caabuda

Al-Qamar

Surah 54

[1] Saacaddu way soo dhowaatay, oo dayaxii u kala dhanbalmay labo gabal

[2] Oo haddii ay arkaan mucjiso, waxay u jeestaan dhinac, oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan

[3] Oo way beeniyaan oo raacaan waxa xun ay nafahoodu rabaan. Oo arrin kasta wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado

[4] Oo dhab ahaan waxaa u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino)

[5] Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid)

[6] Ee iskaga jeeso; Maalinta uu baaquhu ugu baaqi doono wax daran oo baas

[7] Iyagoo arag dulleysan, ka soo baxaya qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay

[8] U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan:Tani waa Maalin daran

[9] Iyaga hortood Qolodii Nuux baa beeniyey, markaasay beeniyeen addoonkayagii oo yidhaahdeen: waa nin waalan, oo la handaday

[10] Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli

[11] Markaas baan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan

[12] Oo ka soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah). markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray

[13] Oo waxaan (Nuux) ku qaadnay taasi (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir

[14] Ku socota indhahayaga hortood, oo abaalgud u ah kan isagu la diiday

[15] Oo dhab ahaan Waxaan uga tagnay si ay u ahaato Calaamad, ee ma jiraa mid ku waantoobi

[16] Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii

[17] Oo dhab ahaan waxaan ka yeelnay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi

[18] Caad waxay beenisay (Xaqa), ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii

[19] Hubaal Waxaan ku soo dirnay dushood dabeylo duufaan ah maalin naxsgieed is daba joogo

[20] Iyadoo u majaxaabineysa dadka4 sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey

[21] Ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii

[22] Oo dhab ahaan Waxaan ka yeelnay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi

[23] Thamuud waxay beenisay digniinihii

[24] Markaasay waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya ah ee naga mid ah! miyaan raacnaa? Hubaal waxaanu markaas xaqiiq ku sugnaan habow iyo dhibaato

[25] Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn

[26] Berri bay ogaan doonaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah

[27] Hubaal Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee dhugo iyaga oo samir yeelo

[28] Oo u sheeg in biyuhu yihiin qayb dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah

[29] Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood, oo soo qaatay (seef) oo (Hashii) dilay

[30] Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii

[31] Hubaal Waxaan ku ridnay dushood Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo

[32] Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi

[33] Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii

[34] Hubaal Waxaan ku ridnay duufaan dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waa aan badbaadinnay waaberiga hortiis

[35] Nicmo Xaggayaga ah, sidaas oo kale baan u abaal marinnaa kan isagu shukriya

[36] Oo dhab ahaan wuxuu uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, waxayse ka murmeen digniinihii

[37] Oo dhab ahaan Waxay ku dadaaleen inay ka jeediyaan martidiisii, waxaanse cameynay indhahooda, ee dhadhamiya cadaabteyda iyo digniinaheyga

[38] Oo dhab ahaan cadaab sugnaansho leh baa qabtay isla waabernimadiiba

[39] Ee dhadhamiya Cadaabteyda iyo Digniinaheyga

[40] Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi

[41] Oo dhab ahaan Digniinihu waxay u yimaadeen qoladii Fircoon

[42] (Way) beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaas baan qabannay Qabasho Awood Badane. Karaan Badan

[43] Ma gaaladiinna baa ka fiican kuwakani mise waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabaha(yaga)

[44] Mise waxay leeyihiin: Waxaanu innagu nahay ciidan dhan oo is taageeri

[45] Durba ciidankooda waa la jabin oo dabaday jeedin doonaan

[46] Balse, Saacadda waa waqtiga loo qabtay, oo Saacaddu waxay ahaan mid aad u daran oo qaraar

[47] Hubaal, denbiilayaasha waxay ku sugan yihiin habow iyo dhibaato

[48] Maalintaa marka wejiyadooda lagu dhex jiidi doono Naarta: Dhadhamiya taabashada Naarta

[49] Hubaal Waxaan wax kasta ku abuurnay Qaddar

[50] Oo Amarkayagu ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi

[51] Oo dhab ahaan Waxaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun isagu ku waantoobi

[52] Oo wax kastoo ay faleen waxay ku yaalliin kutubta (qoran)

[53] Oo wax waliba yar iyo weynba way qoran yihiin

[54] Hubaal, kuwa iska jira (xumaha), waxay ku sugnaan Beero iyo webiyo

[55] Fadhi sharfeed run ah oo u dhow Boqorka Awooda wax walba

Ar-Raxmaan

Surah 55

[1] Naxariistaha (Allaah)

[2] Wuxuu baray Qur'aanka

[3] Abuuray aadmiga

[4] Baray wada hadalka

[5] Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab

[6] Oo xiddigaha iyo geedahuba way sujuudaan

[7] Oo samada kor ayuu u qaaday, oo Wuxuu dhigay miisaanka

[8] Si aydaan ugu xadgudbin miisaanka

[9] Oo u hagaajiya miisaanka si caadil ah, oo ha dhimina miisaanka

[10] Oo arlada Waxa uu degaan uga dhigay uunanka nool

[11] Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh

[12] Iyo haruurta leh balka iyo dhir udug wanaagsan leh

[13] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[14] Wuxuu ka abuuray Aadmiga dhoobo engegan jilay oo kale ah

[15] Oo Wuxuu ka abuuray jinka olol dab

[16] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[17] Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed

[18] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[19] Wuxuu ka yeelay labada badood3 inay dareeraan si ay u wada kulmaan

[20] Waxaase dhex yaal shareer, oo iskuma xad gudbaan

[21] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[22] Waxaa ka soo baxa luul mid weyn iyo mid yarba

[23] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[24] Oo Isaga baa iska leh doonyaha dhex maaxa4 badda ee buuraha la moodo

[25] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[26] Waxa walba oo korkiisa ah waa inay dhintaan

[27] Oo waxaa waadhi doonaa abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan

[28] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[29] Kuwaa jira samooyinka iyo arlada baa wax weydiista. Maalin kasta Wuxuu ku sugan yahay xaalad sharaf iyo xurmo leh

[30] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[31] Dhaqso Waanu idiin soo banbixi doonnaa, labadiinna ciidammow

[32] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[33] Kulanka jinka iyo insigoow! Haddii aad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, haddaba ka soo gudba. ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan

[34] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[35] Olol naar ah, qiiq, iyo maar (la dhalaaliyey)6 baa la idinku soo deyn, mana kari doontaan inaad is difaacdaan

[36] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[37] Ee marka ay samadu kala dillaacdo, oo markaas ay noqoto gaduud sida idiinta

[38] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin8 beenineysaan

[39] Maalintaas Insi iyo Jinba waxba lagama weydiin doono dambigooda

[40] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[41] Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaas baa laga soo qaban foodaha iyo cagaha

[42] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[43] Tanu waa Naartii ay dambiilayaashu beeniyeen

[44] Waxay ku meereyesan dhexdooda iyada iyo biyaha kulul ee karaya

[45] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[46] Oo kan isaga ka cabsada hor istaagga Rabbigi, waxaa uu mudan labo beerood

[47] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[48] Oo leh noocyo kala duwan oo badan

[49] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[50] Dhexdooda waxaa ah labo ilood oo dur dur ah

[51] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[52] Waxaaa ku yaal midho walba oo mid kastaa lammaane tahay

[53] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[54] Iyagoo ku jiqlaynaya firaashyo cudbi-goodu xariir yahay, oo midhaha labadaa beerood waxay ahaan kuwo goosi dhow

[55] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[56] Waxaa jooga kuwaa soo laaba araggooda ka hor iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna

[57] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[58] La moodo dheeman iyo luul

[59] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[60] Miyey tahay abaalgudka samaanta wax kale aan ahayn samaan

[61] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[62] Oo barbarkooda labadatani, waxaa ah labo beerood oo kale

[63] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[64] Labaduba u janjeera madow cagaaran

[65] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[66] Dhexdooda waxaa ah labo ilood oo burqanaya

[67] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[68] Waxaa dhexdooda ah midho, geedo timir iyo Rummaan

[69] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[70] Waxaa dhexdooda ah khayraat iyo qurux badnooyin

[71] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[72] Xuurulceyn ku kooban oo aan ka bixin khaymadahooda

[73] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[74] Oo ka hore iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna

[75] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[76] Iyagoo ku jiqleynaya barkimooyin cagaaran iyo gogollo qurux badan

[77] Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan

[78] Waxaa khayr iyo barako badan Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan

Al-Waaqica

Surah 56

[1] Marka ay dhacdada weyni dhacdo

[2] Ma jiro wax beeninayaa dhiciddeeda

[3] Hoos u dhigeysaa (qolo) kor u qaadeysaa (qolo kale)

[4] Marka dhulka la gilgilo gilgilid daran

[5] Oo buuraha la ridqo ridqin daran

[6] Markaas waxay ahaan sida boor firdhisan

[7] Oo waxaad ahaan saddex nooc

[8] Ma kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig

[9] Kuwase ah Gacanta Bidix, xumaa kuwa ah Gacanta Bidix

[10] oo kuwa hor maray iyagaa horreyn

[11] Kuwakan weeye kuwa loo soo dhoweyn Ilaahay

[12] Beero barwaaqo ah gudahood

[13] Waa rac ka mid ah kuwii hore

[14] Iyo in yar oo ka mid ah kuwii dambe

[15] Sariiro korkooda dahab lagu qurxiyey

[16] Iyagoo ku jiqleysan korkeeda, oo fool ka fool is qaabilaya

[17] Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doono

[18] Koobab iyo kirliyo iyo galaas sharaab macaan oo daahir ah

[19] Oo aanu marnaba madaxu ku wareerin oo aanay ku maan guurin

[20] Iyo midho; waxay doortaan ah

[21] Iyo hilib shimbiro kay rabaanba

[22] Oo (u wehelin doonaan) xuurul cayn

[23] La moodo luul la dhowray

[24] Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen

[25] Kuma maqli doonaan halkaa hadal macno darro ah iyo dambaabid midna

[26] Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad

[27] Kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig

[28] (Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn

[29] Iyo geedo Muus ah miro karooran

[30] Iyo har fidsan

[31] Iyo biyo u socda joogto

[32] Iyo midho tiro badan

[33] Marnaba aan go’eyn, mamnuucna ahayn

[34] Iyo sariiro (boqoreed) la kor yeelay

[35] Waxaan Annagu ka yeelay inay soo baxaan iyaga (haweenkii adduunka ee Jannada galay) soo bixid gaar ah

[36] Markaasaan waxaan ka dhignay bikrooyin ugub ah

[37] Gacalooyin, isku wada da’ ah

[38] Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig

[39] Kuwo badan oo ka mid ah waa horraankii kal hore (soo galay Islaamka)

[40] Kuwo badan oo ka mid ahna kuwii kal dambe (soo galay Islaamka)

[41] Kuwa ah Gacanta Bidix _xumaa kuwaa ah Gacanta Bidix

[42] Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya

[43] Iyo hoos qiiq badan

[44] Aan laheyn qabow iyo daryeel midna

[45] Hubaal waxay ahaayeen taa horteed, kuwo loo raaxeeyey

[46] Oo waxay ku adkeysan jireen Dambiga aad iyo aadka u weyn (shirkiga)

[47] Oo waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno ciid iyo lafo, miyaa xaqiiq nala soo nooleyn doonaa

[48] Oo sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)

[49] Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba

[50] Waxaa hubaal loo soo kulmin doonaa wada jir waqti Maalin la yaqaan

[51] Markaas idinka kuwiinan habowsanayaasha ahow, ee beeniyow

[52] Waxaad hubaal wax ka cuni doontaan geed xun oo Zaqquum ah

[53] Oo ka buuxin doontaan caloolihiinna

[54] Markaas ku cabbi doontaan biyo kulul oo karkaraya

[55] Oo u cabbi doontaan sida cabbidda geel asqoobay

[56] Kani waa waxa lagu soori doona iyaga Maalinta Abaal marinta

[57] Annagaa idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen

[58] Ma u fiirsateen minada idinka timaada

[59] Ma idinkaa abuuray mise waa Annaga Abuurayaasha

[60] Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, oo ma nihin kuwo laga baxsan karo

[61] Si aan u keenno halkiinna kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo bixinno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn

[62] Oo waxaad dhab ahaan og tihiin soo bixitaankii hore, ee maxaad haddaba u garowsan weydeen

[63] Ma u fiirsateen waxa aad beertaan

[64] Ma idinkaa sababa inay soo baxaan, mise waa Annaga Kuwa soo Bixiya

[65] Haddii aan Doonno, waxaan ka dhigi karnaa xaabo engagan, oo waxaad noqoneysaan kuwo murugo iyo ciil qaba

[66] (idinkoo leh): dhab ahaan Waxaynu nahay kuwo la culaabeysan deyn

[67] Mayee, waxaynu nahay kuwa la seejiyey (midhahii)

[68] Ma u fiirsateen biyaha aad cabtaan

[69] Ma idinkaa kuwa ka soo dajiya daruuraha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya

[70] Haddii aan doonno, Waxaan ka dhigi lahayn jaan dhanaan oo milix ah, ee maxaad haddaba u shurki naqi weydeen

[71] Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan

[72] Ma idinka baa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga weeye soo saarayaasha

[73] Innaga baa waxaynu ka dhignay waano; iyo wax ay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha (iyo qeyrkoodba)

[74] Ee xurmee Magaca Rabbigaa, Weynaha

[75] Mayee Waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan

[76] Oo xaqiiq, waa dhaar dhabtii and u weyn, haddii aad ogaan lahaydeen

[77] Hubaal waa Qur'aan Sharaf Badan

[78] Ku yaal Kitaab aad la dhowray

[79] Cidina taaban kuwa la daahiriyey mooyee

[80] Ah soo waxyoodka Rabbiga uunanka

[81] Ee ma warkan baad haddaba u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn

[82] oo ka yeeshaan risiqiinna inaad ka been sheegtaan

[83] Ee maxaydaan haddaba marka ay (naftu) dhuunta soo gaadho

[84] Oo idinku markaas aad eegaysaan

[85] Oo Annagu aan idiinka dhow nahay, laakiinse aydaan arkaynin

[86] Ee Maxaydaan haddaba haddii aad tihiin kuwo aan xil qabanayn

[87] Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddii aad run sheegeysaan

[88] Haddaba haddii uu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah)

[89] Markaas waa farax, iyo risiq, iyo Beer barwaaqo ah

[90] Oo haddii uu ka mid yahay kuwa ah gacanta midig

[91] Nabad baa kaaga sugnaatay xagga kuwa ah gacanta midig

[92] Haddiise uu ka mid yahay kuwa (Xaqa) diida , habowsanaaysaha ah

[93] Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya

[94] Iyo ku gubasho Dabka

[95] Hubaal, arrinkani waa run la hubo

[96] Ee xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha

Al-Xadiid

Surah 57

[1] Wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo arlada waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan Allaah, oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah

[2] Isagaa iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wuxuu bixiyaa nolol oo sababaa geeri; oo Isaga baa wax waliba Kara

[3] Waa Isaga Kan hore iyo Kan dambe, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Oo Ogsoon wax waliba

[4] Isaga Weeye Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Oo wuxuu idinla jiraa meel aad joogtaanba3. Oo Allaah Wuu Arkaa waxa aad fashaan

[5] Isagaa leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Oo xagga Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan

[6] Wuxuu sababaa Habeenka inuu dhex galo maalinta, oo sababaa maalinta inay dhex gasho habeenka, oo waa Ogsoon yahay wax kasta oo ku jira laabaha

[7] Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay kuwa u hara4; waayo kuwaa idinka mid ah ee rumeeya oo wax bixiya waxay mudan doonaan Abaalgud aad u Weyn

[8] Oo maxaad sabab u heysataan idinku oo aad la rumeyn weydeen Allaah, isagoo Rasuulku idiinku yeedho inaad rumeysaan Rabbigiin, oo dhab ahaan wuxuu idinla galay ballan, haddii aad tihiin mu’miniin

[9] Isaga Weeye Kan ku soo dejiya Aayado cad addoonkiisa (Nabi Muxammad) si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. Oo hubaal, Allaah waa idiin Turid iyo Naxariis Badan yahay

[10] Oo maxaad sabab u heysataan idinku oo wax ugu bixin weydeen Jidka Ilaahay? Oo Allaah baa leh dhaxalka samooyinka iyo arlada. Lama sinna kuwiinna idinka midka ah ee wax bixiyey ka hor guusha iyo furashada (Makkah) oo diriray, (kuwiinna idinka mid ahee sidaa falay waa' dambe). Kuwaasi (hore) baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyey oo diriray markaa kaddib. oo Allaah wuxuu u yaboohay (abaalgud kan) u wanaagsan intaba. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

[11] Waa kuma kan amaahinaya Allaah amaah wanaagsan, markaas uu u labolaabo, oo wuxuu siin abaalgud aad u wanaagsan

[12] Maalinta aad arki doontaan mu’mi- niinta iyo mu’minooyinka-- nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Beero ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda. taasi waa Liibaanta Weyn

[13] Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaa- fiqooyinka_ ku odhan doonaan mu’miniinta: Na suga! Oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna. Waxaa la odhan: Dib ugu noqda gadaashiinna5. Markaas dalba nuur. Markaas baa xannib la yeeli doonaa dhexdooda, derbi leh albaab. Gudahiisa yahay naxariis, oo debedkiisa horti yahay cadaab

[14] Way u dhawaaqi doonaan: Sow ma aanan aheyn la jirkiinna idinka? Waxay odhan: Haayoo, Laakiinse waxaad balayseen nafahiinna6, oo sugteen oo shakideen oo waxaa idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Allaah idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Allaah

[15] Marka Maanta furasho la idinkama qaadan doono idinka (munaafiqiinta ah) iyo kuwaa gaaloobay midna. Hoygiinnu waa Naarta, iyada baa ah mudankiinna, oo halka ugu xun ah meel la ahaado

[16] Ma wuusan waqtiga weli u iman kuwa (Xaqa) rumeysan inay quluubtoodu u khushuucaan Xuska Ilaahay iyo waxa loo soo dejiyey oo Xaqa ah? oo waa inay ahaanin sida kuwaa la siiyey Kitaabka awal hore, waqtigase ku dheeraaday oo sidaa darteed quluubtoodu qallaleen? Oo in badan oo ka mid ah waa caasiyaal

[17] Ogaada inuu Allaah siiyo nolol arlada dhimashadeeda kaddib7. Dhab ahaan Waxaan idiin ka yeelnay wax cad Aayadaha bal inaad garataan

[18] Hubaal (ma xagga) ragga wax sadaqaysta iyo haweenka wax sadaqaysta, iyo (kuwaa) amaahiya Allaah amaah wanaagsan, waa loo labo-laabi doonaa, oo waxay heli doonaan Abaal gud Wanaagsan

[19] Oo (ma xagga) kuwa rumeysan Allaah iyo Rusushiisa, Kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha8, oo shuhadada Rabbigood xaggiis, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda iyo nuurkooda. Kuwase rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwani weeye ehlu Naarka

[20] Ogaada inay nolosha adduunkan tahay oo keliya cayaar iyo dheeldheel iyo isqurxin iyo isu faan dhexdiinna ah iyo ku tartan badsiga maal iyo carruur, sida roobka soo saara naqa, oo bixiddiisu tahay mid farax gelisa tallaalayaasha beeraha; markaas qallasha oo aad aragto iyada oo isu beddeleysa huruud, markaas noqota xaabo burbur ah. oo Aakhirada (waxaa jira) cadaab daran iyo (sidoo kale) dambi dhaaf xagga Allaah ah iyo Raallinnima(diisa), oo Noloshan adduunku ma aha waxaan ahayn oo keliya sahay lagu dagmo

[21] U degdega dambi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo beer ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, waxaa loo diyaariyey kuwa reumysan Allaah iyo Rusushiisa. Kaasi waa Galladda Ilaahay uu siiyo cidduu doono, Oo Allaah waa Rabbiga leh Galladda Weyn

[22] Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaab9, ka hor inta aanu keenin ifka. hubaal, arrinkaasi waa wax u fudud Allaah

[23] Si aydaan uga murugoon wixii arrin ah oo idin dhaafa, uguna aydaan farax taraarin wuxuu idin siiyo. Oo Allaah ma jecla mid kastoo isla weyn faan badan

[24] Kuwaa ah bakhayllada_ oo amra bakhaylnimo dadka. Oo mid kastoo dhabarka jeediya, haddaba hubaal Allaah waa Isaga isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano

[25] Dhab ahaan Waxaan la soo dirnay Rusushayada xujooyin cad cad, oo la soo dejinnay iyaga Kitaabka iyo Miisaanka, si ay dadku ugu wada dhaqmaan caddaalad. Oo waxaan soo dejinnay birta oo shiddo weyni ku jirto iyo manaafacaad dadka10, iyo in uu Allaah muujiyo kan u gargaara Isaga iyo Rusushiisa iyagoon arag. Hubaal, Allaah waa Xoog Badane, Adkaada

[26] Oo xaqiiq Waxaanu soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, oo waxaan ka yeellay ubadkooda dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka, marka waxaa ka mid ah kuwo hanuunsan, intooda badanse waa caasiyaal

[27] Markaas baan waxaan ka yeellay Rusushayada inay qaadaan raadadkooda, oo Waxaan soo dirnay Ciise_wiilkii Maryam, oo waxaan siinnay Injiilka. Oo waxaan yeellay quluubta kuwii raacay isaga nuglaan iyo naxariis. Oo ( ma xagga) suufinnimada (adduun ka jeedsiga)11, iyagaa unkaday oo billowday, Annagu kuma aan waajibin iyaga, waxay uun u faleen doonidda raalli ahaanshaha IIaahay darteed, mase ayan ilaalin dowgii ay laheyd. Markaa baan waxaan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyey abaalgudkooda, intooda badanse waa caasiyaal

[28] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. oo rumeeya Rasuulkiisa, Wuxuu idin siin labo saami oo Naxariistiisa ah, oo idin yeeli Nuur aad ugu socon (si toosan) oo idiin dambi dhaafi. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[29] Si ay ehlu-Kitaabku u ogaadaan inaysan iyagu hayn waxna ka mid ah Galladda Ilaahay, iyo in Gallad oo dhan ay ku jirto Gacanta Ilaahay12, wuxuu siiyaa cidduu doono. Oo Allaah waa Rabbiga leh Galladda Weyn

Al-Mujaadilah

Surah 58

[1] Allaah dhab ahaan waa uu ajiibay baryada tan kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u ashtakooneysey Allaah. Oo Allaah waa maqlayey doodda labadiinnuba. Hubaal Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka

[2] (Ma xagga) kuwa idinka mid ah ee iska fogeeya2 xaasaskooda iyagoo kala mid dhiga dhabarradooda dhabarrada hoo- yooyinkood, ma aha hooyooyinkood. hoo- yooyinkood ma aha cid kale aan ahayn kuwaa dhalay. Oo hubaal hadalkaasi ay leeyihiin waa hadal xun iyo been abuur. Oo hubaal, Allaah waa Cafiye, Dambi Dhaaf badan

[3] Oo (ma xagga) kuwa isaga fogeeya afooyinkooda iyagoo kala mid dhigaya dhabarradooda dhabarrada hooyooyinkood: markaas doonaya inay ka noqdaan waxa ay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban, (arrin)kaasi waa kan la idinku waaniyo (inaad qaadataan). Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

[4] Kii kastoo se isagu aan helin, waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban3; ee ma xagga kan isagu aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan ugu qabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Kuwani waa Xuduudaha uu dhigay Allaah. Oo gaaladu waxay leeyihiin Cadaab aad u xanuun Badan

[5] Hubaal, kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyeyba. Oo xaqiiq waxaan soo dejinnay Aayado cad cad. oo gaaladu waxay mudan Cadaab Dulleysa

[6] Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, oo u sheegi doono waxay faleen oo dhan. Allaah waa uu u diiwaan gashay oo tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Oo Allaah wax walba wuu Arkaa

[7] Mawaadan arag inuu Allaah Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku showrta, uusan isagu aheyn kooda4 afraad, mana jiro (showr ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi doonaa waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Allaah wax waliba wuu Ogsoon yahay

[8] Mawaadan arag kuwa laga reebay showrka xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku showraan dambi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, oo markay kuu yimaadaan waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin5, oo ka yidhaahdaan nafahooda: Muxuu Allaah noogu cadaabi waayey waxa aan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay ku guban. Oo u xun meel la ahaado

[9] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka aad showrtaan, ha ku showrina dambi iyo dulmi fal iyo ku caasinta Rasuulka ee ku showra samaan iyo ka joogid (dambiyada) oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin

[10] Sideedaba showriddu (xun) waa uun (camal) Shaydaan6, si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeysan, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee, wuxuu Allaah idmo maahee, oo Allaah ha isku halleeyaan mu’miniinta

[11] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka la idinku yidhaahdo isugu waasiciya fadhiga kulannadiinna gudahood, isu waasiciya fadhiga. Allaah ha idiin waasiciyee (Naxariistiisa)7. Oo marka la idinku yidhaahdo u kaca (khayr)8 u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (xaqa) rumeysan, iyo kuwaa cilmiga la siiyeyba, darajooyin aad u sarreeya, Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

[12] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka (aad dooneysaan) inaad la showrtaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan showrkiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo idiin daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[13] Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydeen) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la showrkiinna? Haddii aydaan sidaas falin, oo Allaah wuu idiin soo noqday (si naxariis lehe), haddaba hagaajiya salaadda oo bixiya sakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

[14] Mawaadan arag kuwaa iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) oo kama tirsana iyaga (gaalada), oo waxay ku dhaartaan been iyagoo ogsoon

[15] Allaah wuxuu u diyaariyey iyaga cadaab daran. Hubaal; waxa ay falaan waa wax fool xun

[16] Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan). markaasay ka weecdaan jidka Ilaahay, sidaas awgeed waxay mudan cadaab dufeysa

[17] Maalkooda ama caruurtoodu waxna ugama tari doonaan Allaah Xaggiisa, kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari doonaan waligood

[18] Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, markaas waa ay u dhaaraan Isaga sida ay idiinku dhaartaan idinka9. Oo waxay moodaan inay wax heystaan. Haddaba hubaal waa iyaga beenaalayaasha

[19] Shaydaan baa duufsaday oo ka qaalib noqday, Markaasuu ka yeelay inay hilmaamaan xusidda Ilaahay. kuwaasu waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal, waa xisbiga shaydaanka kuwa ah khasaare qabayaasha

[20] Hubaal (ma xagga) kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa; kuwaasu waxay ka mid ahaan kuwa aad loo dulleeyey

[21] Allaah wuxuu qoray: hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. hubaal, Allaah waa Xoog Badane, Adkaade ah

[22] Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambeysa oo gacal ka dhiganaya kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama (reero) qaraabadooda ah; kuwan weeye kuwa uu quluubtooda Isagu ku qoray Iimaan, oo uu ku xoojiyey Ruux10 Xaggiisa ah. Oo Wuxuu sababi inay galaan beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ay ku dhex waari weligood. Allaah raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Ilaahay. Ogaada, hubaal, Xisbiga Ilaahay waa iyaga liibaanayaasha

Al-Xashr

Surah 59

[1] Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa xurma weyneeya oo hufa Allaah. Oo waa Isaga Adkaadaha, Xakiimka ah

[2] Isaga weeye (Alle) Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka2(Yuhuuddii Banii Nadiir) guryahooda kulmintii hore. Ma aydaan moodeyn inay baxayaan, halka iyagu isku hubeyn inay qalcadahooda ka celinayaan Allaah. Wuxuuse Allaah uga yimid meel aysan marnaba filayn, oo ku tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cibrad qaata kuwiinaan idinku indhaha lahow

[3] Oo haddii aysan ahaan laheyn in Allaah uu u qoray guuritaanka, Wuxuu hubaal ku cadaabi lahaa adduunkan, oo aakhirada waxay leeyihiin cadaabta Naarta

[4] Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa, oo mid kastoo colaadiya Allaah, haddaba hubaal Allaah way daran tahay ciqaabtiisu

[5] Geed timreed kastoo aad goysaan ama aad ka tagtaan iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Ilaahay, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha

[6] Oo wax kastoo Allaah uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo aama rakuub midna3, laakiinse Allaah wuxuu ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Oo Allaah wuxuu ku leeyahay wax walba dushood awood buuxda

[7] Wax kastoo uu Allaah uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka4, waxaa leh Allaah, iyo waxaa iska leh Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka)5, iyo agoomaha, iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan) si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Oo wax kastoo uu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, oo wuxuu idinka ka reebo haddaba ka jooga, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah way Daran tahay Ciqaabtiisu

[8] (Waxaa iska leh) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xagga Ilaahay ah iyo raallinimo(diisa)6. Oo u gargaaraya Allaah iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha

[9] Oo (sidoo kale waxaa saami ku leh) kuwii degaankoodaa ahaa daarta (Al-Madiina) oo (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwa u soo haajiray xaggooda, oo uguma hayaan laabahooda wax baahi ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) iyaga nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Oo mid kastoo laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwan weeye kuwa ah liibaanayaasha

[10] Oo kuwaa yimaada gadaashood, waxay yidhaahdaan: Rabbigayow, Noo dambi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, oo ha u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeysan. Rabbigayow! Waxaad tahay Adigu Turid Badane, Naxariis Badan

[11] Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah? waxay ku yidhaahdaan kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, innaguna (sidoo kale) hubaal waa idin la bixi, oo ma jirto cidna aan idiin maqli doonno weligeed, oo haddii la idinla dagaalo, hubaal waan idiin soo hiillin;. Oo Allaah baa ka Marag ah inay yihiin beenalayaal

[12] Hubaal, haddii kuwan la saaro, marnaba lama bixi doonaan, oo haddii lala daggaalamo, marnaba uma soo hiillin doonaan, oo haddii ay u soo hiilliyaan, waxay hubaal jeedin doonaan dhabarradooda, markaas looma gargaari doono

[13] Idinka hubaal cabsida ay idiinku hayaan laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Allaah. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax garad ahayn

[14] Idiinlama diriri doonaan qof ahaan, inay ku jiraan maahee magaalooyin dhufeysyo adag leh gudahood ama darbiyo gadaashood. Dagaalka dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, oo quluubtoodu waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan kasmo lahayn

[15] Sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey7 (Yuhuuddii reer Qaynuqaac). Waxay dha- dhamiyeen cidhib xumadii dhaqankooda, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan

[16] Waa sida Shaydaanka, marka uu ku yi- dhaahdo aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, wuxuu yidhaahdaa: Anigu hubaal bannaanka baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsadaa Alle, Rabbiga uunanka

[17] Sidaa awgeed cidhibta labaduba waa inay labduba ahaan Naarta gudaheed, iyagoo ku dhex waaraya.Waa sidaas abaal marinta gar ma qaatayaasha

[18] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo naf walbaa ha eegto waxa ay u hormarsatay berritoole, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa u xog ogaal waxa aad fashaan

[19] Oo ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Allaah, isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda: kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha

[20] Ma sinna Ehlu-Naarka iyo Ehlu- Jannaha. Ehlu-Jannaha iyaga weeye kuwa ah liibaanayaasha

[21] Haddii aan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad hubaal arki lahayd isagoo soo dhacaya la dillaacaya cabsida Ilaahay darteed. Oo waxaan u soo qaadannaa mataalladan dadka bal inay fekeraan

[22] Waa Allaah, oo uusan jirin ilaah kale (xaq lagu caabudo) Isaga maahee, Ogsoo-naha waxa aan muuqan iyo waxa muuq- daba. Waa Naxariistaha, Naxarisita Badan

[23] Waa Allaah, oo uusan jirin Ilaah kale (Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka8; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha9, Kor ka Ilaashaha uunankiisa, Adkaadaha, Kabaha (jababka, sandullee- yaha qooqanayaasha), Kan iska leh Wey- naan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Allaah wuu ka Sarreeya waxa ay dhig u yeelaan ee wax la wadaajiyaan

[24] Waa Allaah, Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isaga baa leh Magacyada aad u wanaagga ee quruxda badan. Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada baa Xurmo weyneeya oo Hufa, oo waa Adkaadaha sare, Xakiimka ah

Al-Mumtaxanah

Surah 60

[1] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinnaba gacallo2, ma waxaad u muujinaysaan jaceyl xaggooda, iyagoo dafira waxa idiin yimid oo Xaqa ah. u saaraya debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? haddii aad soo baxdaan idinkoo u jihaadaya Jidkeyga oo dalbaya Raallinimadeyda, ma waxaad u muujinaysaan jaceyl xaggooda? Oo anigu waan Ogsoonahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba; Oo mid kastoo idinka mid ah oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan

[2] Haddii ay idin helaan, waxay idiin ahaan cadowyo, oo idin kula soo fidin gacma- hooda iyo carrabyadoodaba xumaan, oo waxay aad u jecel yihiin oo rabaan inaad gaalowdaan

[3] Qaraabadiinna waxba idiinma tari doonaan iyo waliba carruurtiiina Maalinta Qiyaamaha. Wuu idin kala xukumi. Oo Allaah wuu Arkaa waxa aad fashaan

[4] Dhab ahaan waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray3, markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Waxaan innagu bannaanka ka nahay idinka iyo wax kasta oo aad caabuddaan Allaah sokadi, waxaanu caddeyn inaan bannaanka idinka nahay, oo cadaawd iyo naceyb baa ka muudqday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Allaah keliya-- marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaaan xaqiiq kuu baryayaa dambi dhaaf Alle4, umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Allaah horti. Rabbigayow! Adigaynu isku kaa halleynaa, oo Xaggaaga u soo laaban- naa, oo waa Xaggaagaa noqodka dambe

[5] Rabbiyow! Ha nooga dhigin fidno gaalada, oo noo dambi dhaaf, Rabbigayow! Hubaal waa Adiga Adkaadaha sare, Xakiimka ah

[6] Xaqiiq waxaa idiinku sugan iyaga ku dayasho wanaagsan, _uu raaco mid kastoo ka cabsada Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo mid kastoo dhabarka jeediya, haddaba hubaal Allaah waa Isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano

[7] Waa intaasoo Allaah yeelo gacaltooyo dhexdiinna idinka iyo kuwa aad qabtaan inay yihiin cadowyadiinna ee ka midka ah. Oo Allaah wax walba waa Karaa5. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[8] Allaah idinkama reebayo xagga kuwa aan idinkula diririn arrinka diinta oo aan idiinka soo saarin debedda guryihiinna inaad u muujisaan naxariis oo ula dhaqantaan si caddaalad ah. hubaal Allaah waa jecel yahay kuwa u dhaqma sida caddaalada ah eex la’aan

[9] Allaah wuxuu uun idinka reebayaa xagga kuwa idinkula diriray diinta darteed oo idinka soo saaray guryihiinna, oo ku taageeray (kuwa kale) soo saariddiinna inaad ka dhigataan saaxiibbo. Oo mid kastoo ka dhigta kuwaas saaxiibbo, waa kuwaas kuwa ah gar ma qaatayaasha

[10] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka ay haween mu’minooyin ah idiin yimaadaan iyagoo haajiroooyin ah, markaa imtixaana iyaga; Allaah baa aad u ogsoon iimaankooda; markaa haddii aad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, oo uma aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya meherradooda. Oo ma jiro wax eed ah oo korkiinna ah inaad guursataan marka aad siisaan meherradooda, oo ha u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah afooyin ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) wixii aad bixiseen (Meher ahaan) oo iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo wixii ay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Ilaahay, Isaga baa idin kala xukumi. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah

[11] Oo haddii ay wax ka mid ahi afooyin- kiinna idinka aadaan xagga gaalada, markaas dowrkiinna yimaado, siiya kuwii ay afooyinkoodu tageen (oo gaalada ka aadeen) wax le’eg oo u dhigma wixii ay bixiyeen (oo meher ah6). Oo ka cabsada Allaah ee ah Kan aad rumaysan tihiin

[12] Nabiyoow! Marka ay dumar mu’minooyin ah kuu yimaadaan si ay kuula galaan ballan inaysan u shariiik yeeli doonin waxba la jirka Allaah, inaysan wax xadi doonin, oo zineysan doonin, oo aysan dili doonin carruurtooda, oo la iman doonin masabbid ay iyagu naf ahaantoodu ku been abuurteen gacmahooda iyo addimadooda7, oo kugu diidi doonin wixii wanaag ah aad amarto, markaa aqbal ballankooda, oo uga bari Allaah inuu u dambi dhaafo. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan

[13] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ha ka dhigannina gacallo qolo qaba Cadho Ilaahay. Dhab ahaan waxay quus ka qabaan Aakhirada, sida ayba gaaladu uga quus qabaan kuwaa ku jira qubuuraha

As-Saff

Surah 61

[1] Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa Xurmo weyneeya oo Hufa Allaah. Oo waa Isaga Adkaadaha sare, Xakiimka ah

[2] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Maxaad ugu hadashaan wax aydaan faleyn

[3] Waa wax uu aad u neceb yahay Allaah inaad ku hadashaan wax aydaan faleyn

[4] Hubaal Allaah wuxuu jecel yahay kuwa ku dirira Jidkiisa iyagoo safaf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey

[5] Oo waa tii Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayoow! Maxaad ii dhibtaan? Oo waad2 og tihiin dhab ahaan inaan ahay Rasuulkii Ilaahay xaggiinna loo soo diray? Markayse dhinac u jeesadeen, Allaah wuxuu ka yeelay quluubtooda inay dhinac u jeestaan. Oo Allaah ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah

[6] Oo waa tii uu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Waxaan anigu ahay Rasuulkii Ilaahay xaggiinna loo soo diray, xaqiijinaya Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan doona gadaashay oo magaciisu yahay Axmad3. Markiise uu ula yimid Xuoojin cad cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir iska cad

[7] Oo yaa ka gef weyn mid ka been sheega Allaah halka isaga loogu baaqo Islaamka? Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah

[8] Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Ilaahay afafkooda. Allaah se waa taam yeeli Nuurkiisa haba nacaan gaaladuye

[9] Isaga Weeye (Alle) Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo diinta Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha (kale) oo dhan, haba necbeystaan mushrikiintuye

[10] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ma idiin tusaa ganac idinka badbaadineysa cadaab xanuun badan

[11] (Waa) inaad rumeysaan Allaah, iyo Rasuulkiisa (Muxammad), oo u jihaaddaan Jidka Ilaahay idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinnaba, sidaas baa idiin khayr badan haddii aad og tihiiin

[12] Wuxuu idiin dhaafi dambiyadiinna, oo sababi inaad gashaan Beero ay webiyo hoos qul-qulaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal Beeraha negaya, kaas baa ah Liibaanta Weyn

[13] Iyo waliba mid kale (oo wanaagsan) aad jeceshihiin, gargaar xagga Ilaahay ah iyo guul aad u dhow. Oo sii war san ay ku farxaan mu’miniinta

[14] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Ahaada kuwa u gargaara (diinta ) Ilaahay, sidii uu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (arrinka) Ilaahay? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (arrinka) Ilaahay, Markaas bay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Markaas Waxaan taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey ( oo ka adkaadeen) cadowgoodii, oo waxay noqdeen kuwa gacan sarreeya

Al-Jumcah

Surah 62

[1] Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa Xurma weyneeya oo Hufa Allaah, Boqorka, Daahirka, Adkaadaha, Xakiimka ah

[2] Isaga weeye (Alle) Kan ka soo saaray ummiyiinta2 dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, kaasoo u akhriya Aayadahiisa, oo daahiriya, oo bara Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo dhab ahaan ku sugan habow caddaan ah

[3] Iyo kuwo kale oo ka mid noqon doona (qaaruumo iyo qolooyin kale) kuwaasoo aan weli ku soo biirin. Oo Isagu (Alle) waa Aadkaadaha, Xakiimka ah

[4] Kaasi waa Fadliga Ilaahay, ee uu siiyo ciddii uu doono3. Oo Allaah waa Kan iska leh Fadliga weyn

[5] Mataalka kuwaa lagu aaminay oo la saa- ray (xilka) Towraadda, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista (xilkaa)3, waa sida dameer sida kutub4 culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha qoloda beeniya Aayadaha Ilaahay. Oo Allaah ma hanuuniyo qoloda gar ma qaatayaasha ah

[6] Dheh: Idinka heysta Yuhuudiyaddow! Haddii aad mooddaan inaad tihiin xulka Ilaahay5, dadka kale ka sokow, haddaba rajeeya dhimasho haddii aad run sheegeysaan

[7] Oo marnaba ma rajeyn doonaan (dhimasho) waxa ay gacmahoodu horay u geysteen darteed, oo Allaah waa Ogsoon yahay gar ma qaatayaasha

[8] Waxaad ku dhahdaa: (Ma xagga) dhimashada aad ka carartaan, (arrin)kaasi hubaal waad la kulmi doontaan, markaas baa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, oo Wuxuu idiin sheegi waxaad camal fali jirteen

[9] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka la isugu yeero salaadda maalinta Jimcaha, u degedga Xusidda Ilaahay oo ka taga ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddii aad ogtihiin

[10] Markase ay dhammaato salaadda, ku kala faafa arlada, oo wax ka dalba Deeqda Ilaahay (aada qaraabo salaan, booqda qof buka, fasha camallo san), oo xusa Ilaahay in badan aad liibaantaane

[11] Oo marka ay arkaan wax ganac ah ama madaddaalo waxay u kala yaacaan xaggeeda, oo kaa tagaan adigoo taagan. Dheh: Waxa Allaah uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganac kasta. Oo Allaah waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda

Al-Munaafiquun

Surah 63

[1] Marka ay munaafiqiintu kuu yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waxaanu markhaati ka nahay inaad tahay dhab ahaan Rasuulka Ilaahay2. oo Allaah waa Ogsoon yahay inaad tahay dhab ahaan Rasuulkiisa, oo Allaah wuxuu markhaati ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal

[2] Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaa- shaan. Oo sidaas uga weecdaan jidka Ilaahay. hubaal xumaan waa waxa ay falaan

[3] (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inta rumeeyaan (af ahaan), bay haddana (hoosta) ka gaaloobaan, markaas baa dabool la saaraa quluubtooda, sidaas awgeed wax ma fahmaan

[4] Oo marka aad aragto iyaga, muuqaalka jirarkooda waa ku cajab gelin; oo haddii ay hadlaan, waxaad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey3 oo dhar la huwshay. Waxay moodaan dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (xaqa)

[5] Oo marka lagu yidhaahdo: Kaalaya, ha idiin dambi dhaaf dalbee Rasuulka Ilaahay waxay dib u jeediyaan madaxyadooda, oo arkeysaa iyagoo sii jeesanaya iyagoo isla weyn

[6] Waa isugu mid iyaga haddii aad u dambi dhaaf dalabto iyo haddii aadan u dambi dhaaf dalbin. Marnaba Allaah uma dambi dhaafi doono. hubaal, Allaah ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha ah

[7] Iyaga weeye kuwa yidhaahda: Wax ha ku bixinnana kuwa la jira Rasuulka Ilaahay, jeer ay ka kala yaacaan; Oo Allaah baa iska leh khasnadaha samooyinka iyo arlada, laakiinse munaafiqiintu ma fahansana

[8] Waxay yidhaahdaan: Haddii aan u laabanno Madiina, kan gobta ahi (waxay ula jeedaan Cabdullaah bin abii Salool, madaxii munaafiqiinta) wuxuu hubaal ka saari doonaa halkaa kan gunta ahi (waxay ula jeedaan Nabi Muxammad, Rasuulul Laah). Allaah baa se iska leh guusha iyo Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, laakiinse munaafiqiintu ma ogsoona

[9] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Yeysan maalkiinnu iyo carruurtiinnu idinka shuqlin Xusidda Ilaahay. Oo mid kastoo falaa sidaas, kuwaa weeye khasaaro qabayaasha

[10] Oo bixiya wax ka mid ah waxa aanu idin siinnay, inta aysan geeridu u iman midkiin oo markaas odhan: Rabbiyow! Maxaad dib iigu dhigi weydey in yaroo muddo dhow ah, markaa waxaan la baxayaa sadaqo oo ka mid ahaanayaa dadka wanaagga fala

[11] Oo Allaah dib uma dhigo naf marka ajasheed la gaaro. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan

At-Taghaabun

Surah 64

[1] Waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada baa Xurma weyneeya oo Hufa Allaah. Isaga baa leh Boqortooyada, oo Isaga baa leh Ammaan idilkeed iyo Mahadba, oo wax walba Kara

[2] Isaga weeye (Alle) Kan idin abuuray, mise mid idinka mid ah waa gaal, oo mid kale oo idinka mid ah waa m’umin. Oo Allaah waa uu Arkaa waxa aad fashaan

[3] Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, oo waa uu idin suureeyey oo ka dhigay wax wanaagsan suuradahiinna, oo waa Xaggiisa Noqodka Dambe

[4] Wuxuu Ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo arlada, oo Wuxuu Ogsoon yahay waxa aad qarisaan iyo waxa aad muujisaanba. Oo Allaah waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha

[5] Ma wuusan idin soo gaarin warka kuwii xaqa diiday awal hore, markaas bay waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan

[6] (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma dad dhimanaya baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen, oo ka jeesadeen (Xaqa), oo Allaah uma baahna (cidna) oo Allaah waa Isku Filan Deeqtoon, la Ammaano

[7] Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba la soo bixin doonin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, wallee waa la idiin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi waxaad fasheen, oo (arrin)kaasi Allaah waa u fududdahay

[8] Ee rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Oo Allaah waa ka war hayaa waxa aad fashaan

[9] Maalinta uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka2, taasu waa maalinta qof khayr helo ama ku dhacdo khasaaro ku weyn. Oo mid kastoo rumeeya Allaah oo sama fala, Wuxuu ka tiri dam- biyadiisa, oo gelin Beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn

[10] Oo (ma xagga) kuwa gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Iyadaana u xun aayotiin ahaan

[11] Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Ilaahay. Oo mid kastoo rumeeya Allaah, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa ( oo xasila) oo Allaah wax waliba waa uu Ogsoon yahay

[12] Oo adeeca Allaah, oo adeeca Rasuulka, haddiise aad dib u jeesataan, waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad

[13] Allaaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, oo Allaah (oo Keliya) ha isku halleeyaan mu’miiniintu

[14] Kuwiinaan idinku rumeysanow! Dhab ahaan, waxaa ka mid ah afooyinkiinna iyo carruurtiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddiise aad iska cafidaan ( gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb asturtaan, haddaba hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

[15] Maalkiinna iyo carrurtiinna waa oo keliya imtixaan3, Oo Allaah agtiisa waxaa ah abaalgud aad u Weyn (Janno)

[16] Ee Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah intii karaankiinna ah4; oo maqla, oo adeeca, oo la baxa sadaqo, idinka naf ahaantiinnay idiin roon tahay. Oo mid kastoo laga badbaadiyo bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa ah guuleystayaasha

[17] Haddii aad amaahisaan Alle amaah wanaagsan (waa bixisaan sadaqo Ilaahay darti), Waa uu idiin labo laabayaa, oo idin dambi dhaafi. Oo Allaah waa labolaabe ajarrada, Dul qaad Badan

[18] Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, Adkaadaha, Xakiimka ah

At-Talaaq

Surah 65

[1] Nabiyoow! Marka aad furaysaan haween, fura2 iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka (waa iyagoo daahir ah oo dhiigga caadada ka meyrtay, oo aydaanna u tegin), oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada (muddada ay sugayaan furitaanka kaddib3), oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, ee Rabbigiin ah, ha uga saarina debedda guryahooda, oo yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan la soo ceshan karo), inay la yimaadaan maahee xumaan iska cad. kuwaas waa xuduudaha uu dhigay Allaah. Oo mid kastoo ka tillaaba xuduudaha uu dhigay Allaah, wuxuu u gefey oo ku gardarroday naftiisa. Adigu (midka furayow afadiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Allaah dib ka keeno xaal cusub

[2] Haddaba markay ku dhowaadaan (dhammaadka) muddadooda la qabtay5, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) oo u toosiya maragga Ilaahay darti. (Arrin)kaasi waa waano la siiyey mid kastoo rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo mid kastoo dhow- ra (xilka uu saaray) Allaah Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta)

[3] O ka siin risiq xagga (ilo) uusan fileyn. Oo mid kastoo ku kalsoonaada Allaah, waa ku filan yahay. Hubaal, Allaah wuu fulaa muraadkiisa. Allaah Wuxuu u yeelay wax waliba qaddar iyo waqti go'an

[4] Oo (ma xagga) kuwaa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaylka, haddii aad ka shakidaan (xaylkooda), muddadooda loo qabtay waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin dhiigga caadada, Oo (ma xagga) kuwa uurka leh (haddii ay yihiin kuwa la furay ama nimankooda ka dhinteen muddadooda loo qabtay waa intay ka dhigaan (culeysyadooda oo ka dhalaan6). Oo mid kastoo dhowra (xilka uu saaray) Allaah wuxuu uga dhigi doonaa arrinkiisa wax aad u fudud

[5] Kaasi waa Amarka Ilaahay uu idiin soo dejiyey, oo mid kastoo dhowra (xilka uu saaray) Allaah wuxuu ka tiri doonaa xumaatooyinkiisa, oo siin ajar aad u weyn

[6] Dejiya iyaga meesha aad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, oo ha dhibina si aad u cidhiidhidaan. Oo haddii ay leeyihiin uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda. markaas haddii ay idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is fara dhexdeenna sama falka, oo haddii aad is khilaaftaan markaa mid kale ayaa u nuujin

[7] Kan hodanka ahi wax ha ka bixiyo hodantinnimadiisa, oo mid kastoo ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah waxa uu Allaah siiyey. Allaah ma saaro nafna culeys aan ahayn qaddar waxa uu siiyey ah. Allaah wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib

[8] Oo maxay badan tahay magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusu- shiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran, oo aan ku cadaabnay cadaab adag

[9] Markaas dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, oo cidhibteeda ku dambeysey khasaaro

[10] Allaah wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhwora (xilka uu idin saaray) Allaah wax garadkow (Xaqa) rumeysan. Wuxuu Allaah dhab ahaan idiin soo dejiyey Waano

[11] Rasuul idiin akhriya Aayadaha Ilaahay ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; Oo mid kastoo rumeeya Allaah oo sama fala, Wuxuu sababi inuu galo Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Allaah Wuxuu dhab ahaan siiyey Risiq wanaagsan

[12] Allaah waa Kan Isagu abuuray toddoba samood, oo arlada intaa oo kale ( ka abuuray8). Amarka wuxuu ahaan mid soo dega dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Allaah wax walba Karo, iyo in Allaah dhab ahaan ku koobo wax walba ogaal

At-Taxriim

Surah 66

[1] Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) waxaa uu Allaah kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan

[2] Allaah wuxuu horeyba idiinku jideeyey furidda dhaarahiinna2. Oo Allaah waa gargaarahiin, Oo waa Isaga wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah

[3] Oo waa tii uu Nabigu uu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa (Xafsah a.k.r), markase ay u sheegaty (mid kale, Caa'ishah a.k.r) warkaa, oo Allaah ka yeelay (Nabiga) inuu ogaado arrinkaa, wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay kani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay Wax walba Ogsoonaha, War qabeenka ah

[4] Haddii aad labadiinnu (Xafsah iyo Caa'ishah) Allaah u toobad keenaysaan, haddaba dhabtii qalbiyadiinnu waxay dubra u iisheen (arrinkaa: inaad dambi dhaaaf dalabtaan); haddiise aad isu kaalmey- sataan isaga lidkiis, haddaba hubaal, Allaah baa ah Gargaarahiis iyo Jibriil iyo mu’miniinta wanaagsan, _oo malaa’igta (kale) baa intaas kaddib garab u ah

[5] Waa intaasoo, Rabbigi, haddii uu (Nabigu) idin furo, siin doono beddelkiin afooyin idinka khayr badan, muslimooyin ah3, mu’minooyin, daacad, soo noqosho badan, caabidooyin, soomooyin, leh garoobbo iyo bikrooyinba

[6] Mu’miniintoy! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan, oo ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Allaah wuxuu ku amraba, oo waxay falaan wixii la amro

[7] Gaalooy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen

[8] Mu’miniintoy! U toobad keena Allaah oo u noqda noqosho daacad ah, Waa intaasoo Rabbigiin idinka tirtiro xumaatooyinkiinna, oo sababo inaad gashaan Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Allaah hoojin doonin Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeysan, Nuurkoodu wuxuu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbiyow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo ceeb astur. hubaal, Adigu wax walba waad Kartaa

[9] Nabiyow! Aad ula halgan gaalada iyo munaafiqiinta oo ku adkow, oo hoygoodu waa Naar,_ iyadaana u xun meel la ahaado

[10] Allaah wuxuu tusaale ugu soo qaataa kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay labaduba hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda4, marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Allaah. Oo waxaa la yidhi: La gala labadiinnuba Naarta kuwa gala

[11] Oo Allaah wuxuu ugu soo qaataa tusaale kuwa (Xaqa) rumeysan, xaaskii Fircoon; waa tii ay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannad gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camalkiisa, oo iga samata bixi qoloda gar ma qaatayaasha ah

[12] Iyo Maryam, gabadhii Cimraan taasoo xafidday jirkeeda; Oo waxaan ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda) uu ka afuufay Ruuxayaga (Jibriil) oo waxay rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisaba, oo waxay ka mid aheyd kuwa daacadda ah

Al-Mulk

Surah 67

[1] Waxaa khayr iyo barako badan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Boqortooyada, oo wax walbana Kara

[2] Kan abuuray geeri iyo nolol, si uu idiin imtixaano bal kiinna camal wanaagsan. Oo waa Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan

[3] Kan abuuray toddobada samooyin oo midba midka kale ka korreeya, ku arki mey- sid wax isdhaafsanaan ah abuurka (Ilaahay) Raxmaanka.Ee ku celi araggee: Miyaad ku arki kartaa wax nidaam darro ah

[4] Misna ku celi aragga mar kale iyo mar kale, araggaagu adiga buu kugu soo laabanayaa isagoo wareersan oo daallan

[5] Oo xaqiiq Waxaan ku qurxinnay samadan soke nalal, oo Waxaan ka dhignay gantaallo lagu gano shayaadiinta2, oo waxaanu u diyaarinnay cadaabta gubashada

[6] Oo waxay leeyihiin kuwa ku gaalooba Rabbigood cadaabta Naarta, oo u xun meel la ahaado

[7] Marka lagu tuuro gudaheeda, waxay ka maqli cartan daran, iyadoo karaysa

[8] Waxay ku sigan inay la qaraxdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda su’aali: Ma wuusan idiin imaan dige

[9] Waxay odhan: Haayoo xaqiiq waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Allaah ma soo dejin wax (waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow aad u weyn

[10] Oo waxay odhan: Haddii aan wax maqli laheyn ama fekeri laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka

[11] Marka waxay qiran dambigooda, ee ha fogaadaan3 qolada Naarta Hureysa

[12] (Ma xagga) kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay hubaal leeyihiin Dambi Dhaaf iyo Ajar aad u Weyn

[13] Oo qariya hadalkiinna ama muujiya, hubaal, Waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha

[14] Sow ma uu yaqaanno Kan abuuray4? Oo waa Isaga Roonaan Badanaha Ogsoon xitaa waxyaalaha aad u yar yar, ka War Haya (wax walba)

[15] Isaga (Allaah) Weeye Kan idiinka dhigay dhulka hayin, ee ku socda aagag-giisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, oo Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu

[16] Ma waxaad ka aamin tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, mise eeg,oo markaas idin la dhaqdhaqaaqdo

[17] Mise ma waxaad aamin ka tihiin in Kan (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu

[18] Oo xaqiiq kuwii ka horreeyey baa bee- niyey (Xaqa),ee sidee aheyd inkaarteydu

[19] Mawaysan arkayn shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka (Allaah). hubaal, wax walba waa uu Arkaa

[20] Ama waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Allaah) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan

[21] Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu Isagu (Alle) ceshado Risiqiisa? Bal, waxay ku adkeystaan kibir iyo didmo

[22] Ma mid ku socda isagoo foorara wejigiisa baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan

[23] Dheh: Isaga weeye (Alle) Kan idin uumay, oo idiin yeelay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha.Yaraa inta aad mahad naqdaan

[24] Dheh: Isaga weeye (Alle) Kan idinku fidshay dhulka, oo Xaggiisa baa la idiin soo kulmin doonaa

[25] Oo waxay yidhaahdaan: Goorma baa gooddigani la fulin haddii aad run sheegi

[26] Dheh: Allaah baa Ogsoon (waqtiga ay ku beegan tahay) oo anigu waxaan ahay uun dige iska cad

[27] Markayse arkaan iyadoo ku soo dhow, wejiyada kuwa Xaqa diida waxay ahaan kuwo ka xun, oo waxaa lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen

[28] Dheh: Ma u fiirsateen haddii Allaah i halligo aniga iyo inta ila jirta, amaba noo naxariisto, bal yaa ka badbaaadin gaalada cadaab aad u xanuun badan

[29] Dheh: Isagu waa Raxmaanka (Allaah), waanu rumeysanahay, oo isaga baan isku halleynaa. Marka waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow caddaan ah

[30] Dheh: Ma u fiirsateen haddii ay biyihiin- nu dhulka ku guraan oo hoos ugu sii fogaa- daan,waa kee kan idiin keeni biyo socda

Al-Qalam

Surah 68

[1] Nuun2. Waxaan ku dhaartay Qalinka iyo waxa ay (malaa’igtu) qoraan

[2] Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) nin waalan

[3] Oo hubaal waxaad leedahay ajar aan weligii go'eyn

[4] Oo hubaal waxaad u dhaqantaa si dabeecad aad u sarreysa ah

[5] Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki doonaan

[6] Kiinna idinka mid ah ee waalli qaba

[7] Hubaal, Rabbigaa baa aad u Ogsoon, kan ka dhuma Jidkiisa, oo Isaga baa aad u Ogsoon kuwa raaca tubta toosan

[8] Ee ha adeecin xaq diidayaasha

[9] Waxay jecel yihiin inaad u soo dabacdo, si ay iyaguna (sidoo kale) u soo dabcaan

[10] Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan oo qiimo laheyn

[11] Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah)

[12] Khayr diid ah, xad-gudbe,dambi badan

[13] macangag madax adag,_intaasoo dhan ka sokow isku dhejis ah (sharci ku dhalan)

[14] Inuu lahaaday darteed maal iyo wiilal

[15] Marka Aayadahayaga loo akhriyo, wuxuu yidhaahdaa: waa sheekooyinkii dadkii hore

[16] Waxaanu ka calaameyn doonnaa san- qaroorka dushiis

[17] Hubaal Waxaan u imtixaannay sidii aanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, waa tii ay ku dhaarteen inay hubaal goosanayaan midhaha aroorta horeba

[18] Oo ma dooneyn inay dhinac ugu saaraan qayb (saboolka)

[19] Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadiiba (oo gubatay) intii ay hurdeen

[20] Markaasay waxay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay

[21] Halka iyagii ay isu dhawaaqeen subaxnimadiiba

[22] iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddii aad goosanaysaan midhaha

[23] Markaas bay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah

[24] Waa inuusan qof miskiin ah idiin soo gelin maanta

[25] Oo waxay kallaheen subaxii horeba, iyagoo go’aansan inay ka celiyaan

[26] Markayse arkeen iyadii, waxay yidhaahdeen: wallee waanu soo dhunnay

[27] Bal, waxaa nalaga yeelay inay nagu dhacdo qatooyo

[28] Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaan idinku odhan: Maxaad u hufi weydeen (Allaah) oo u xurmeyn weydeen

[29] Waxay yidhaahdeen: Xurmo oo idil waxaa iska leh oo hufan Rabbigeen. xaqiiq waxaanu nahay gar ma qaatayaal

[30] Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday, iyagoo is eedeynaya

[31] Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, xaqiiq waxaanu nahay kuwo xadgudbay

[32] Waase intaasoo uu Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan tani. Hubaal xagga Rabbigeen baanu codsi u direynaa

[33] Waa sidaas cadaabtu, oo hubaal cadaabta Aakhiradaa ka sii weyn, haddii ay ogaan lahaayeen

[34] Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah

[35] Ma waxaan haddaba la mid dhignaa kuwaa hoggaansan sida dambiilayaasha

[36] Maxaa idinku dhacay? Sidee baad wax u guddoomisaan

[37] Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan

[38] Inaad ku leedihiin hubaal dhexdiis waxaad doorataan

[39] Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad hubaal heli doontaan waxaad dalabtaan

[40] Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin

[41] Mise waxay leeyihiin shariigyo, haddaba ha keenaan shariigyadooda haddii ay run sheegayaan

[42] Maalinta marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Ilaahay) oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase ahaan doonaan kuwo kara (waa gaalada iyo munaafiqiinta). (dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada, waa Maalinta Qiyaamaha)

[43] Indhahoodu waxay ahaan doonaan kuwo hoos u rogan, dulli baa dabooli doona; oo xaqiiq waxaa loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo weliba fayow

[44] Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan; waxaan ka qaban doonnaa si heerar ah meel aysan ka fileynba

[45] Oo Waan u dul qaadan doonaa. hubaal, tabteydu waa mid sugan

[46] Mise ma waxaad weydiisataa abaal gud, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn

[47] Mise cilmiga waxa aan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan

[48] Ee u sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yoonis) rafiiqii nibiriga,_markuu dhawaaqay isagoo walbahaarsan

[49] Haddii aysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa hubaal lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan

[50] Rabbigiis baase doortay, oo ka mid yeelay kuwa wanaagsan

[51] Oo kuwa xaqa diida waxay sigaan inay kugu gubaan indhohooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada; oo waxay yidhaahdaan: Kani hubaal waa waalan yahay

[52] Oo ma ah wax kale aan aheyn Waano ku socoto ummadaha oo dhan

Al-Xaaqqah

Surah 69

[1] Xaqiida dhabta ah ee soo socota

[2] Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi

[3] Oo maxaad ka og tahay waxa ay xaqiiqdaa dhabta ahi tahay

[4] Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaamaha)

[5] Ma Thamuud, waxaa iyaga lagu halaagay cadaab Daran oo xad dhaaf ah

[6] Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl hugmeysa oo xoog badan

[7] Oo (Alle) uu ku salliday korkooda toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay

[8] Ee ma aragtaa wax ka haray

[9] Oo Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la daba geddiyey (qowmu Luud) waxay joogto ula yimaadeen gefaf

[10] Oo waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu ku ciqaabay ciqaab aad u daran

[11] Hubaal waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux) markay biyihii xad dhaafeen

[12] Si aan idiinkaga dhigno waano, oo u xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto

[13] Ee marka Buunka la afuufo afuufid keliya. (tan hore)

[14] Oo dhulka iyo buuraha laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah

[15] Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici

[16] Oo samada u kala dillaaci gaballo, marka Maalintaasi waxay iyadu ahaan mid daciif ah

[17] Oo malaa’igtu waxay ahaan agagaarkeeda, oo waxaa ku sidi doona Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah)

[18] Maalintaas waa la idiin soo bandhigi doonaa, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan doonta

[19] Ee ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig wuxuu odhan doonaa: Hooyoo, akhriya Kitaabkeyga

[20] Hubaal anigu waan ogaa inaan la kulmi doono Xisaabteyda

[21] Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh

[22] Beer sare gudaheed ah

[23] Midhaheedu aad u dhow yihiin

[24] Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye

[25] Oo ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa bidix wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen Kitaabkeyga

[26] Oo aan ogaadeen, waxa ay xisaabteyduba tahay

[27] Alla haddii taa iyada ahi (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga

[28] Maalkeygii waxba iima tarin

[29] Awooddeydii waa iga baabba’een

[30] Qabta isaga haddaba oo xidha

[31] Markaas ku tuura dabka ololoya

[32] Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood

[33] Hubaal ma uu rumeynsneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn

[34] Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka

[35] Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah

[36] ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee

[37] Aanay cidi cunin geflowyada Maahee

[38] Ee mayee, waxaan ku dhaartay waxa aad aragtaan

[39] Iyo wax aydaan aragba

[40] Hubaal waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf leh

[41] Oo ma aha hadal gabyaa, yaraa inta aad rumeysaan

[42] ama hadal curraafle, yaraa inta aad waantowdaan

[43] Waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka

[44] Oo haddii uu naga been sheegi lahaa

[45] Waxaan hubaal ku qaban laheyn gacanta Midig

[46] Markaas waxaan hubaal goyn laheyn halbowlaha

[47] Oo ma jiro axad idinka mid ahi oo naga celin lahaa isaga

[48] Oo xaqiiq waa u waano kuwaa ka dhowrsada xumaha

[49] Oo xaqiiq waan ognahay inay qaarkiin yihiin xaq diidayaal

[50] Oo xaqiiq waa u murugo iyo ciil gaalada

[51] Oo hubaal waa xaq dhab ah

[52] Ee huf oo xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha

Al-Macaarij

Surah 70

[1] Mid wax dalbaya2, baa dalbay cadaabta ku dhaceysa

[2] Gaalada, ma jiro cid celin karta

[3] Ka iman xagga Ilaahay, Rabbiga waddooyinka kor loogu koro leh

[4] Xaggiisay u koraan Malaa’igta iyo Ruuxu Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano

[5] Ee Samir yeelo _samir wanaagsan

[6] Hubaal waxay u arkaan wax aad u fog

[7] Oo waxaan u aragnaa mid aad u dhow

[8] Maalinta ay samadu noqon doonto sida maar shuban

[9] Oo buuruhu noqon doonaan sida cudbi la dhilay

[10] Oo Saaxiib iswareysan doonin saaxiib

[11] Inkastoo laga yeelayo inay is arkaan. dambiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto cadaabka Maalintaasi carruurtiisa

[12] Iyo xaaskiisa iyo walaalki

[13] Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo

[14] Iyo waxa dhulka jira oo dhan markaas si uu isagu u badbaado

[15] Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa

[16] Ka soo jiideysa Madaxa

[17] Waxay u yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday

[18] oo maal kulmiyey markaa oo afka u xidhay

[19] Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray sabar yaraan iyo degdegsiinyo

[20] Marka uu dhib taabto waa murugoodaa

[21] Oo marka uu khayr helo waa masuugaa

[22] Kuwa tukada mooyaane

[23] Ee daa’ima salaaddooda

[24] Oo ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan

[25] Kan tuugsada, iyo kan aan wax heysan

[26] Oo ah kuwaa rumeysan Maalinta is abaal marinta

[27] Ee iyagu ka baqa cadaabta Rabbigood

[28] Hubaal Cadaabta Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn

[29] Oo ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah

[30] Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan,_oo (markaa) hubaal ma laha wax eed ah

[31] Kiise isagu doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah

[32] Iyo kuwaa ilaaliya ammaanooyinkooda iyo ballamahooda

[33] Kuwaa iyagu si toosan u guta markhaa- tiyadooda

[34] Oo ah kuwa iyagu xafida oo dhowra salaaddooda

[35] Kuwaas waxay geli doonaan Beeraha Jannada iyagoo sharfan

[36] Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareeraheeda’e

[37] Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga

[38] Ma wuxuu qof walba oo iyaga ka mid ahi rabaa in laga yeelo inuu galo Jannada barwaaqada ah

[39] Mayee, hubaal Waxaan ka abuurnay waxa ay og yihiin

[40] Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada inaan xaqiiq Karno

[41] Inaan ku beddelno (Kuwo kale) oo ka wanaagsan; oo ma nalaga adkaan doono

[42] Ee isaga tag iyaga keligood inay ku socdaan waxyaalo aan jirin oo been ah oo iska cayaaraan, jeer ay qaabilaan fool ka fool Maalintooda loogu gooddiyo

[43] Maalinta ay ka soo bixi doonaan qu- buuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan calaamo loo taagay

[44] Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli doona (korka oo dhan)! Taasu waa Maalintii loogu gooddiyey

Nuuux

Surah 71

[1] Hubaal Waxaanu u soo dirnay Nuux dadkiisii (Annagoo leh): U dig dadkaaga inta aysan u iman cadaab xanuun badan

[2] Wuxuu yidhi: Dadkaygiiyow! Hubaal waxaan anigu idiin ahay dige cad

[3] Inaad caabudddaan Allaah, oo aad dhowrtaan (xilka uu idin saaray), oo anigana i adeeca

[4] Wuxuu idiin dhaafi wax ka mid ah dambiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. hubaal, muddada Alle gooyey marka ay timaaddo lama dib dhigo, waase haddii aad og tihiin

[5] Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan anigu ugu baaqay (Towxiidka) dadkeygii habeen iyo maalinba

[6] Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo

[7] Oo mar kastoo aan u baaqo si aad ugu dambi dhaafto, waxay dhex geliyaan farahooda dhegahooda2, oo isku dadaan maryahooda, oo madax adaygaan oo waxaa ka buuxsama kibir iyo san taag

[8] Haddana hubaal waxaan ugu baaqay (Towxiidka) si cod kore ah

[9] Haddana hubaal waxaan ula hadlay iyaga si guud , oo waxaan ula hadlay iyaga si gaar ah (sir iyo saaqba)

[10] Markaas waxaan idhi: Ka barya dambi dhaaf Rabbigiin; hubaal waa Dambi Dhaaf Badane’e

[11] Wuxuu u soo diri doonaa dushiinna daruur idiin shubeysa roob darar ah

[12] Oo idinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, oo idiin yeeli webiyaal

[13] Maxaa idinku dhacay aydaan uga cabsoon Weynida Ilaahay

[14] Oo dhab ahaan wuxuu idin abuuray idinkoo soo maray heerar (kala duwan)

[15] Mawaydan arag sida Allaah u abuuray toddobada samo ee kala korreeya

[16] Oo yeelay dayaxa dhexdiis nuur, oo ka yeelay qorraxda nal

[17] Oo Allaah Wuxuu idinka soo bixiyey dhulka bixitaan

[18] Markaas idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxsiis (Cusub)

[19] Oo Allaah Wuxuu idiinka yeelay dhulka gogol fidsan

[20] Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah

[21] Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waa ii caasiyeen, oo raaceen mid isagu maalkiisu iyo awlaaddiisu aysan u kordhin waxaan aheyn khasaaro

[22] Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn

[23] Oo waxay yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar

[24] Oo xaqiiq waxay lumiyeen in badan, oo ha u kordhin gar ma qaatayaasha waxaan aheyn habow

[25] Gefafkoodii dartood baa loo qarqiyey, markaas laga yeelay inay galaan Naar, marka ma helin cid u soo gargaarta Allaah sokadi

[26] Oo Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa axad deggan oo ka mid ah gaalada

[27] Waayo hubaal haddii aad deyso iyaga, waxay dhumin addoomahaaga, oo ma dhali doonaan waxaan aheyn faajir, abaal dhac badan

[28] Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Oo ha u kordhin daalimiinta (mushrikiinta, gaalada, iwm,) waxaan aheyn burbur iyo baabba’a

Al-Jinn

Surah 72

[1] Dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Dhambaalkan). Markaasay yidhaahdeen: hubaal waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh

[2] Wax ku toosinaya Jidka Toosan, markaasaan rumeynay, oo uma shariig yeeleyno axadna Rabbigyo

[3] Oo waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas ama dhal midna

[4] Oo waxay kuwa maan gaabka ahi3 ee dhexdeenna ah ka sheegaan waxyaalo xadgudub ah Allaah

[5] Oo Waxaan innagu moodnay in aysan dadka iyo jinka ka been sheegin Allaah

[6] Oo waxay rag ku jira insiga magan galeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (dambi)

[7] Oo waxay iyagu moodeen sida aad idinkuba mooddeen, inuusan Allaah soo bixineyn axadna

[8] Oo waxaan innagu doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo

[9] Oo waxaan ka fariisan jirnay halkaa rugag laga fariisto si aan u xadno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya

[10] Oo ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun

[11] Oo waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaloo naga mid ah aan sidaas ahayn. waxaanu nahay kooxo raaca dariiqoooyin kala duwan

[12] Oo waxaan ognahay inaan uga fakan karin (ciqaabka) Ilaahay dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar

[13] Oo markaanu maqallay Hanuunka, waan rumaynay, oo mid kastoo rumeeya Rabbigi waa inuusan ka baqin khasaaro, ama inuu qabsado (dulli)

[14] Oo waxaa naga mid ah kuwo hoggaansan (Muslimiin ah), oo qaarkayo waa kuwo (gaalo ah) ka leexda (Xaqa); ee mid kastoo u hoggaansan (Ilaahay), kuwaasi waxay raacaan jidka toosan

[15] Oo ma xagga kuwa ka leexda (Xaqa), kuwaasu waa xaabada Naarta

[16] Oo haddii ay hayn lahaayeen Jidka (toosan) waxaan hubaal ka waraabin laheyn biyo badan oo macaan

[17] Si aan ugu imtixaanno. Oo mid kastoo ka jeesada Waanada Rabbigi, Wuxuu ka yeeli inuu galo cadaab sii kordheysa

[18] Oo Masaajidyada waxaa leh Allaah, ee ha baryina axadna la jirka Alle

[19] Oo waxay markuu addoonkaa Ilaahay istaagay isagoo baryaya, durbaba ka sameeyeen hareerahiisa is buurasho badan

[20] Dheh: Waxaan uun baryayaa Rabbigay oo lama wadaajinayo axadna cibaadada

[21] Dheh: Anigu idin ma hayo habow ama hanuun

[22] Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Ilaahay (Haddii aan ku caasiyo), mana ka heli karo sokadi wax ciirsi iyo agab ah

[23] (Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Allaah iyo Risaalooyinkiisa (towxiidka), oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta dabka ah, ay ku dhex waari doonaan weligood

[24] Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan doonaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar

[25] Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli doono waqti go’an

[26] Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, umana bandhigo ghaybkiisa axadna

[27] Mid maahee uu Isagu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu hubaal u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba

[28] Si uu u ogaado inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimaha Rabbigood, oo waa koobaa waxa xaggooda jira, oo tira koobaa wax walba

Al-Muzzammil

Surah 73

[1] Midkanow iskuduuduubahayow maryaha

[2] U kac (salaad) habeenka in yar maahee

[3] Barkiis ama ka nusqaami in yar

[4] Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka sida ku habboon in loo akhriyo

[5] Hubaal Waxaanu kugu soo dejin doonnaa Hadal culus

[6] Hubaal habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan oo aad u toosan odhaah ahaan

[7] Hubaal waxaad leedahay inta maalinta ah howl aad u dheer

[8] Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u go'doon go’doomid dhan

[9] Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil

[10] Oo u samir yeelo waxa ay yidhaahdaan, oo uga dheerow iyaga si qurxoon

[11] Oo isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga),kuwa ladan ee nic- mada badan heysta, oo u sug in xoogaa ah

[12] Hubaal Waxaa Xaggayaga ah silslado culus iyo dab ololaya

[13] Iyo cunto lagu margado, iyo cadaab aad u xanuun badan

[14] Maalinta marka dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, oo buuruhu ahaan (sida) bacaad la shubay

[15] Hubaal Waxaanu idiin soo dirnay Rasuul, markhaati idinku ah, sida aan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon

[16] Fircoon se wuu caasiyey Rasuulkii (loo diray Muuse c.s.), markaasaan qabannay qabasho aad u daran

[17] Ee sidee baad isaga celin doontaan (cadaabka), haddii aad gaalowdaan, Maalin ka dhigi carruurta cirroole

[18] Samada arrinkaa darti la dildillaaci doonto. Yaboohiisa waa mid abad fula’e

[19] Hubaal tani wa waano, ee kii doonaa, ha u samaysto xagga Rabbigi jid (toosan)

[20] Hubaal Rabbigaa waa og yahay inaad isku dhaafiso (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) barkiis ka mid ah, (marmarna) saddex meeloodoo meel ka mid ah, oo sidaa oo kale bay yeelaan qayb ka mida kuwa kula jira. Oo Allaah baa qaddara habeenka iyo maalinta. Wuxuu og yahay inaydaan kareyn inaad fashaan sidaas (habeenkii oo dhan), sidaa awgeed wuxuu idiinku soo noqday (si naxariis leh). Ee akhriya waxa idiin fudud oo Qur’aanka ka mid ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid ahaan doonaan kuwa buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Ilaahay; iyo kuwo kale oo u dirira Arrinka Ilaahay. Ee akhriya intii idiin fudud oo ka mid ah, oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, oo amaahsada Allaah Amaah wanaagsan. Oo waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli doontaan Allaah agtiisa; sidaas baa khayr badan oo ajar weyn. Oo weydiista Dambi dhaaf Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Al-Muddaththir

Surah 74

[1] Midkani ku dadanow (dharka)

[2] Kac oo dig

[3] Oo Rabbigaa waa inaad weyneyso

[4] Oo maryahaaga waa inaad daahiriso

[5] Oo fadarada waa inaad ka fogaato

[6] Oo wax ha u bixin si aad u hesho wax ka badan

[7] Oo Rabbigaa dartiis , samir yeelo

[8] Ee marka Buunka la afuufo

[9] Taasi waxay ahaan Maalin aad u Daran

[10] Gaalada aan u fududeyn

[11] Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan)

[12] Oo aan siiyey hanti aad u ballaaran

[13] Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah

[14] Oo aan u hagaajiyey arrinkiisa hagaag

[15] Oo waliba wuxuu damcaa inaan u siyaadiyo

[16] Ma jirto, hubaal wuxuu ka hor yimaadaa Aayadahayaga

[17] Waxaan yeeli doonaa cadaab dhibaato leh inay qabsato

[18] Hubaal waa uu fekaray, oo wax qoolay

[19] Se nacaladi ha ku dhacdee! Sidee wax u qoolay

[20] Mar kale, nacladi ha ku dhacdee, sidee wax u qoolay

[21] Markaas waa uu fiirshay

[22] Markaa wejiga kaduuday oo uruuriyey

[23] Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay

[24] Markaasuu yidhi: Kani wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale

[25] Kanu ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi

[26] Waxaan ku tuuri doonaa Saqaro (Naar)

[27] Oo Maxaad ka og tahay waxa ay Saqaro tahay

[28] Ma reebto waxna kamana tagto cidna

[29] Waxay doorisaa jirka oo gubtaa

[30] Waxaa kor jooga sagaal iyo toban

[31] Oo kama aanu dhigin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, oo uma aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada,_si ay ehlu-Kitaabku u yaqiinsadaan, oo mu’miniintu u kororsadaan Iimaan_, oo aanay kuwaa la siiyey Kitaabka iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada u yidhaahdaan: Muxuu Allaah uga jeedaa tusaalahan? Sidaas buu Allaah u lumiyaa kii uu doono, oo u hanuuniyaa kii uu doono. Oo ma jir wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Oo (Naar) tani wax kale ma aha aan aheyn waano ku socota dadka

[32] Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa

[33] Iyo habeenka marka uu tago

[34] Iyo waagu marka uu caddaado

[35] Hubaal iyadu (Naarta) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn

[36] Digniin ku socota dadkaa dhimanaya

[37] Ku socota mid kastoo idinka mid ah ee doonaya inuu hormaro ama ku haro gadaal

[38] Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay galabsato

[39] Qolada midigta maahee

[40] Beero gudaheed, waxay iska wareysan

[41] Xaalka dambiilayaasha

[42] Maxaa idin keenay Naarta Saqaro

[43] Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada

[44] Oo ma aannu quudin jirin miskiinka

[45] Oo waxaanu gali jirnay waxyaalo been ahoo aan jirin la jirka kuwaa gala baadilka

[46] Oo waxaan beenin jirnay Maalinta abaal marinta

[47] Jeer ay noo timid geeridu

[48] Marka shafeecada kuwa shafeeca waxba uma tari doonto

[49] Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada

[50] Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan

[51] Ee ka soo cararay libaax

[52] Bal, qof walba oo ka mid ahi iyaga wuxuu rabaa in la siiyo waraaqo fidsan

[53] Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Ilaahay)

[54] Mayee, hubaal waa waano

[55] Ee mid kastoo raba ha ku waano qaato

[56] Oo kama ay waano qaadan doonaan in Allaah doono maahee; waa Isaga Rabbiga, mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Dambi Dhaafo

Al-Qiyaamah

Surah 75

[1] Mayee, waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha

[2] Oo mayee, waxaan ku dhaartay nafta is eedda

[3] Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu keeni doonin lafahiisa

[4] Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan

[5] Bal! Aadmiga wuxuu rabaa inuu beeniyo waxa ka horreeya (ee sugaya)

[6] Wuxuu weydiiyaa: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha

[7] Ee marka araggu wareero

[8] Oo dayaxu madoobaado

[9] Oo qorraxda iyo dayaxa la isu keeno

[10] Aadmigu wuxuu Maalintaaas odhan: Xaggee loo cararaa

[11] May! Ma jiro agab (meel la magan galo)

[12] Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah

[13] Aadmiga Maalintaas waxaa loo sheegi wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday

[14] Bal! Aadmigu wuxuu ku ahaan doonaa markhaati naftiisa lidkeed

[15] Inkastoo uu keeno cudurdaarradiisa

[16] Ha ku dhaqaajin carrabkaaga si aad ugu degdegto (akhrintiisa)

[17] Hubaal waa xil Annaga na (saaran) inaan ku ururino laabtaada oo kuu akhrino

[18] Ee marka aan akhrinno raac akhriskiisa

[19] Markaas Annagga bayna na saaran tahay caddeyntiisu

[20] Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa

[21] Oo dayacdaan Aakhirada

[22] Wejiyo qaar Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo ifaya oo nuur leh

[23] Iyagoo eegaya xagga Rabbigood

[24] Oo Wejiyo (kale), Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo kuduudsan

[25] Waxay hubtaa in laga yeeli doono inay ku dhacdo belaayo aad iyo aad u weyn

[26] Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (iyadoo sii baxeysa)

[27] Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi

[28] Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda

[29] Oo sakaraadkii loo geeyo sakaraad

[30] Waa xagga Rabbigaa Maalintas halka laysu wadaaa

[31] Marka ma uu rumeyn (Xaqa) mana tukan

[32] Laakiinse wuu beeniyey (Xaqa) oo dhabarka jeediyey

[33] Markaas wuxuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh

[34] Dhowaa hooggaagu oo dhowaa

[35] Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa

[36] Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi doono bilaash (ujeeddo la'aan)

[37] Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo

[38] Markaas uu noqday xinjir, uu abuuray oo qaab wanaagsan u yeelay

[39] Oo ka dhigay labo nooc, lab iyo dheddig

[40] Miyuusan Kaasi (Allaah) awoodin inuu soo nooleeyo maytida

Ad-Dahr

Surah 76

[1] Miyuunan soo marin Aadmigu waqti waayaha ka mid ah isagoo aan aheyn wax jira oo la sheego

[2] Hubaal Waxaanu ka abuurnay Aadmiga mani2- yaroo nool isku dhafanta, si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka

[3] Hubaal Waxaanu tusnay jidka, wuxuu noqon karaa mid mahad naqa, mise mid abaal dhac badan

[4] Hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal iyo dab ololaya

[5] Hubaal kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi doonaan galaas (khamro xalaal) ah oo lagu dheehay Kaafuur

[6] Il ay ka cabbi doonaan addoomaha Ilaahay oo ay burqin doonaan burqin

[7] Waxay oofiyaan nidarradooda, oo ka cabsadaan Maalin sharkeedu aad u faafayo

[8] Oo waxay ugu deeqaan cunto jaceyl ay Isaga u qabaan darti miskiinka iyo agoonka iyo maxbuuska

[9] (iyagoo laabta ka leh) Waxaan uu idiin quudinnaa Ilaahay Darti. idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna

[10] Hubaal Waxaanu ka cabsannaa Rab- bigayo (Allaah) Maalin lala il darnaan dhibaatooyin aad u badan

[11] Markaa Allaah wuxuu ka samata bixin sharka Maalintaas, oo siin nuur iyo farxad

[12] Oo ku abaal marin sabarkoodii dartiis Janno iyo xariir

[13] Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arki doonaan dhexdeeda kuleylka qorraxda iyo qabow badan midna

[14] Oo waxaa wax u dhow (ahaan doona) Hoosaskeeda, oo midhaheeda waxaa laga yeeli kuwo aad ugu dhow oo si sahal ah loo gaaro

[15] Oo waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah

[16] quraarado saafi ah laga sameeyey qalin, waxay u qiyaaseen iyaga qiyaas aad ah

[17] Oo waxaa laga waraabin galaas (khamro xalaal ah) lagu dheehay Sanjabiil

[18] Il halkaa ku taal, la yidhaahdo Salsabiil

[19] Oo waxaa ku wareegaaleysan si ay ugu adeegaan wiilal da’ yar ah aan gaboobin. marka aad aragto, waxaad moodi luul la firdhiyey

[20] Oo marka aad aragto halkaa (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo aad u weyn

[21] Dharkoodu waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adag. Oo waxa lagu qurxin jin-jimo qalin ah oo Rabbigood wuxuu ka waraabin sharaab daahir ah

[22] Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, oo dadaalkiinnii waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin

[23] Hubaal! Annaga Naf ahaanteenna baa kuu soo waxyoonnay Qur’aaanka (Nabi Muxammadow) annagoo u soo waxyoonayna si qaybo ah

[24] Ee sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha adeecin dambiile iyo abaal darne midkoodna ka mid ah iyaga

[25] Oo xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba

[26] Oo qaybo ka mid ah habeenka u sujuud, oo xurmo weynee oo huf in dheer oo habeenka ka mid ah

[27] Hubaal! Kuwakani waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, oo waxay mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin)Maalin culus

[28] Annagaa abuurnay iyaga, oo adkaynnay seedahooda, oo haddii aan doonno Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan

[29] Hubaal tani waa waano, ee mid kastoo doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi

[30] Oo wax ma doontaan, in Allaah doono maahee, hubaal! Allaah waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah

[31] Wuxuu ka yeelaa kii uu doono inuu geliyo Naxariistiisa, oo daalimiinta (mushrikiinta,gaalada,dambiilayaasha,iwm) Wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan

Al-Mursalaat

Surah 77

[1] Waa igu dabeylaha la isaga soo daba diro joogto (danaha aadmiga) awgi

[2] Waa igu dabaylaha sida daran u kaca

[3] Ee u kaxeeya daruuraha meelahooda looga tala galay

[4] Kuwa kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan

[5] Misna waa igu malaa’igta keena Waxyiga

[6] Si loo caddeeyo (Xaqa), ama loo digo

[7] Hubaal, waxa la idiinku gooddiyo waa wax dhacaya

[8] Ee marka xiddiguhu beelaan nuurkooda

[9] Oo marka samada u kala dhambalmanto gaballo

[10] Oo marka buuraha la firdhiyo boor sidi

[11] Oo marka Rususha loo soo kulmiyo waqtigii loo qabtay

[12] Maalintee baa muddadaa loo qabtay

[13] Maalinta kala baxa

[14] Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay Maalinta kala baxu tahay

[15] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[16] Miyaanaan halaagin facyadii hore

[17] Misna waxaan raacin doonnaa kuwa (facyada) dambe

[18] Sidaas oo kale baan u galnaa denbiilayaasha

[19] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[20] Miyaanaan idinka abuurin biyo liita

[21] Markaas yeelin meel aamin ah gudaheed (riximka)

[22] Ilaa muddo go’an

[23] Sidaa baan wax u qaddarnay oo Annagaa u fiican kuwo wax qaddara

[24] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[25] Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan

[26] Kuwa nool iyo kuwa mowtanba

[27] oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer, oo aan idinka waraabinin biyo macaan

[28] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[29] Aada waxaad beenin jirteen

[30] Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh

[31] Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka

[32] Hubaal Waxay (Naartu) tuurtaa dhimbilo daran oo daaro oo kale ah

[33] Aad mooddo awr aydin ah

[34] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[35] Kanu waa Maalin aysan hadli doonin

[36] Oo aan idan la siin doonin si ay u cudurdaartaan

[37] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[38] Kani waa Maalinta kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyeyba

[39] Ee haddii aad tab degtaan, haddaba tab dega Aniga lidkay

[40] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[41] Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo

[42] Iyo midho_waxay doonaan ah

[43] Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed

[44] Sidaas oo kale baan u abaal marinnaa sama falayaasha

[45] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[46] Cuna oo raaxeysta in yar. Hubaal, waxaad tihiin denbiilayaal

[47] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[48] Oo marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan

[49] Hoog Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[50] Ee warkee bay kan kaddib iyagu rumeyn doonaan

An-Naba'

Surah 78

[1] Arrin maxay ah bay isweydiinayaan

[2] Ma arrinka ku saabsan Warka Weyn (Qiyaamaha ama Qur’aanka)

[3] Ay isku khilaafsan yihiin

[4] Mayee, dhowaan bay ogaan doonaan

[5] Mayee, mayee dhowaan bay ogaan doonaan

[6] Mawaanaan ka dhigin dhulka gogol

[7] Oo buuraha (ka yeelin) tiirar

[8] Oo idinka abuurin noocyo

[9] oo ka yeelin hurdadiinna nasiino

[10] Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale

[11] Oo ka dhigin maalinta macaash doonasho

[12] Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag

[13] Oo yeelin (dhexdeeda) nal shidan

[14] Oo ka soo dejinin daruuraha roobka sida biyo badan oo shubmaya

[15] Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq

[16] Iyo beero isku maran

[17] Hubaal Maalinta kala baxu waa waqti go’an

[18] Maalinta marka Buunka la afuufo, oo waxaad imaan doontaan idinkoo kooxo ah

[19] Oo samada la furo, oo waxay noqon albaabbo

[20] Oo buuraha la rujiyo oo waxay ahaan doonaan wir-wir oo kale

[21] Hubaal Naartu waa heegan sugeysa

[22] Xad gudbayaasha, meel noqod u ah

[23] Waxay ku negaadi doonaan dhexdeeda waayo badan

[24] Ma ku dhadhamin doonaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna

[25] Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee

[26] Waa abaal marin ku habboon

[27] Hubaal ma ayan fileyn xisaab

[28] Oo beeniyeenAayadahayaga beenin cad

[29] Wax walba se waxaan ku koobnay qoraal

[30] Ee Dhadhamiya idinku (ciqaabka); idiinma kordhin doonno waxaan ahayn Cadaab

[31] Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay leeyihiin meel lagu liibaano

[32] Beero iyo canabyo

[33] Iyo gashaantiyo isku da' ah

[34] Iyo galaas buuxa

[35] Kuma maqli doonaan dhexdeeda wax hadal macno darro ah ama wax been ah

[36] Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah ay ku muteen) xisaab

[37] Rabbiga samooyinka iyo arlada, iyo waxa u dhexeeya, _Raxmaanka, ma awoodaan inay la hadlaan (idan la'aan)

[38] Maalinta uu Ruuxu iyo malaa’igtuba u istaagi doonaan saf saf, cidna ma hadli doonto, mid maahee Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah

[39] Taasu waa Maalinta la hubo ee xaqa ah, ee kii kastoo raba, ha u maro Rabbigi jid uu ugu laabto

[40] Hubaal Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow; _Maalinta uu qofku arki doono waxa ay gacmihiisu horay u geysteen, oo gaalku odhan: Magcay ba'ye! maan ciid ahaado

An-Naazicaat

Surah 79

[1] Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha dambiilayaasha

[2] Oo waa igu kuwaa sida fudud u qaada (nafaha mu’miniinta)

[3] Oo waa igu kuwaa ku dabaasha hawada sare dabaalasho

[4] Misna kuwaa hormaray ee horay u socda

[5] Misna kuwaa isku duwa arrin (walba)

[6] Maalinta ay gilgilatadu gilgilan doonto

[7] Oo ay raaci doonto tan xigta

[8] Quluub Maalintaas way gariiri

[9] Indhahoodu rogan yihiin

[10] Waxay (hadda) leeyihiin: Ma waxaa xaqiiq naloo soo celin doonaa xaaladdayadii hore (ee nolosha)

[11] Ma xitaa markaan noqonno lafo bololay

[12] Waxay yidhaahdaan: Taasi haddaba waxay ahaaneysaa noqosho khasaaro leh

[13] Xaqiiq waxay ahaan hal Qeylo uun

[14] Mise, markaa waxay ahaan doonaan (kuwo baraarugsan) dhulka guudkiisa

[15] Miyuu ku soo gaaray warkii Muuse

[16] Markuu Rabbigi uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwaa

[17] Aad Fircoon, xaqiiq, wuu xadgudbay

[18] Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad daahiriso naftaada

[19] Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa, si aad uga baqdo

[20] Oo wuxuu tusay Calaamddii Weyneyd

[21] Wuuse diiday (Xaqa) oo caasiyey

[22] Markaasuu dib u jeestay isagoo dadaal ku jira

[23] Oo soo kulmiyey (dadkiisii), oo kor u dhawaaqay

[24] Oo yidhi: Waa Aniga rabbigiin, sarreeya

[25] Markaasuu Allaah ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe iyo tii hore darteed

[26] Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan cibrad (digniin)mid kastoo ka cabsada Alle

[27] Ma idinka baa adag in la idin abuuro, mise samada, waa uu dhisay

[28] Wuxuu kor u qaaday saqafkeeda, oo simay

[29] Oo wuxuu ka yeelay mugdi habeenkee- da, oo soo saaray iftiinkeeda

[30] Oo markaa kaddib wuxuu fidshay arlada

[31] Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda

[32] Oo buuraha, waa uu dhidbay

[33] Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba

[34] Markase ay timaaddo musiibada weyni

[35] Maalinta uu Aadmigu xusuusan wuxuu dadaal ku bixiyey

[36] Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya

[37] Ee ma qofka isagu xad gudba

[38] Oo door bida nolosha adduunkan

[39] Hubaal, Naarta waa hoygiisa

[40] Ma kan se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta u iilasho (xun)

[41] Hubaal Jannada- waa hoygiisa

[42] Waxay wax kaa weydiiyaan (Muxammadow) Saacadda (Qiyaame), waa goorma goortay dhaceyso

[43] Ma adiga baa (cilmi) u leh aad ku sheegto

[44] Waa xagga Rabbigaa halka ay ku dhammaan (ogaanshaheeda)

[45] Waxaad uun tahay u dige kuwa ka baqa

[46] Maalinta ay arkayaan, waxay ahaan sida inaysan ku negaaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed

Cabasa

Surah 80

[1] (Wejiguu)ururshay oo dhabarka jeediyey

[2] Inuu halkaa ugu yimid indhoolihii

[3] Oo maxaad ka og tahay waa intaasoo uu daahiriyo naftiisa

[4] Ama waansamo, oo waanadu wax tarto

[5] Ma kan isu arka inuu isagu(kaa) maarmo

[6] Miyaad adigu xaggiisa u jeedsaneysaa

[7] Oo eed kaama saarna haddii uusan daahirinba naftiisa

[8] Ma kan se kuu yimid isagoo aad u dadaalaya

[9] Oo isagu (Alle ka) cabsada

[10] Miyaad adigu ka mashquuli

[11] Mayee, hubaal (kani) waa waano

[12] Ee qofkii doona ha ku waano qaato

[13] Wuxuu ku yaal kutub la sharfay

[14] Kor ah, la dahiray

[15] Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig)

[16] Sharaf leh oo baariyaal ah

[17] Belo ha ku dhacdo aadmigee! Muxuu jazaar yahay

[18] Wax maxay ah buu ka abuuray

[19] Mani yar xaggeed, buu ka abuuray markaas qaddaray (isaga)

[20] Markaas uga dhigay sahal marriinka

[21] Haddana wuxuu sababaa inuu dhinto, oo u yeelaa qabri

[22] Oo markuu doono wuu soo bixin

[23] Mayee, ma uusan fulin Wuxuu amray

[24] Ee qofku bal ha fiiriyo cuntadiisa

[25] Sidee baan u soo shubnaa biyaha soo shubid badan

[26] Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin gaballo ah

[27] Oo sababnaa inay ka soo baxaan haruur

[28] Iyo cinabyo iyo naq

[29] Iyo saytuun iyo geedo timireed

[30] Iyo beero tanaad ah

[31] Iyo miro iyo caws

[32] Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolihiinnuba

[33] Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo

[34] Maalintaa uu qofku ka carari walaalki

[35] Iyo hooyadi iyo aabbihi

[36] Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa

[37] Qof walba oo ka mid ah, Maalintaas waxaa heysan doonta arrin ku filan

[38] Wejiyo (qaar) Malintaas way ifi

[39] Iyagoo muusoon, ku faraxsan warka san

[40] Oo wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo booreysan

[41] Mugdi baa dabooli doona iyaga

[42] Kuwaasi waa kuwa ah gaalada dambiilayaasha ah

At-Takwiir

Surah 81

[1] Marka qorraxda la iftiin tiro

[2] Oo xiddiguhu soo daataan

[3] Oo buuraha la rujiyo

[4] Oo geela rimman la caddilo

[5] Oo dugaagga la soo wada kulmiyo

[6] Oo badaha la shido (ama soo fatahaan)

[7] Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkooda

[8] Oo (gabadhii) nolosha lagu xabaalay la weydiiyo

[9] Denbigee baa loo dilay

[10] Oo marka kutubta la fidiyo

[11] Oo marka samada daboolka laga qaado

[12] Oo marka Naarta la huriyo

[13] Oo marka Jannada la soo dhoweeyo

[14] Naf walbaa waxay (markaa) ogaan waxay la goob iyo shir timid

[15] Mayee se Waxaan ku dhaartay xiddigaha dib gurta

[16] Ee ku socda rugahooda, ee qarsooma

[17] Iyo habeenka marka uu tago

[18] Iyo subaxa marka uu neefsado

[19] Hubaal kani waa hadalka (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf badan (Jibriil)

[20] Awood iyo meeqaan sare ku leh (Allaah) agtiis, Rabbiga Carshiga

[21] La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo

[22] Oo Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha (innaba) ku waalan

[23] Oo xaqiiq horay buu ugu arkay isaga (Jibriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa)

[24] Oo ma aha isagu (Muxammad) mid ceshada cilmiga ku saabsan Ghaybka

[25] Oo (Qur’aanku) ma aha hadalka Shaydaan laga soo ceyrshay (samooyinka)

[26] Ee xaggee baad u socotaan

[27] Wax kale ma aha aan aheyn Waano ku socota ummadaha

[28] Kii isagu idinka mid ah ee raba inuu qaado jid toosan

[29] Oo wax ma doontaan aan ahayn waxaa uu Allaah doono, _Rabbiga uunanka

Al-Infitaar

Surah 82

[1] Marka samada ay u kala dhanbalanto gaballo

[2] Oo xiddiguhu kala firdhaan

[3] Oo marka badaha la burqiyo

[4] Oo qabuuraha la soo qufo

[5] Naf walbaa waxay markaa ogaan waxay hormarsatay, iyo (waxay) dib marisay

[6] Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan

[7] Kaasoo ku abuuray, ee ku taam yeelay Ee kaa dhigay mid isku dheella tiran

[8] Oo suurad tuu rabo kaa rakibay

[9] Mayee balse waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta

[10] Oo xaqiiq waxaa jira dhab ahaan ilaalo Korkiinna ah ( malaa’ig idiin xil saaran)

[11] Sharaf leh wax qorta

[12] Way og yihiin wax kastoo aad fashaan

[13] Hubaal baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo

[14] Oo hubaal dambiilayaasha waxay dhex ahaan dab ololaya

[15] Oo ay gali doonaan si ay ugu gubtaan Maalinta Is abaal marinta

[16] Oo ma ahaan doonaan sinnaba kuwo ka maqan xaggeeda

[17] Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay Maalinta is abaal marintu tahay

[18] Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay ay Maalinta is abaal marintu tahay

[19] (Waa) maalinta aysan nafi wax u tari doonin naf kale. Oo amarka Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah

Al-Mutaffifiin

Surah 83

[1] Hoog waxaa leh kuwa dhima miisaanka

[2] Kuwa, marka ay wax beegaan (xaqooda ah) u oofsada si dhan oo kaamil ah

[3] Markase ay u beegaan dadka kale ama miisaamaan dhima oo nuqsaamiya

[4] Mawaysan kuwaasu yaqiinsaneyn in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo)

[5] Maalin aad u weyn

[6] Maalinta dadka la hor keeni Rabbiga uunanka

[7] Mayee! hubaal, diiwaanka dambiilayaasha wuxuu yaal Sijjiin

[8] Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiinku yahay

[9] Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaab qoran

[10] Hoog, Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha

[11] Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta

[12] Oo cidi ma beeniso aan aheyn xad-gudbe kastoo dambiile ah

[13] Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore

[14] Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood

[15] Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi doonaa Rabbigood

[16] Oo hubaal waxay gali oo ku guban dab olol badan

[17] Markaas waxaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen

[18] Mayee, hubaal, diiwaanka baarriyiintu wuxuu ku (xafidan yahay) Cilliyyuun

[19] Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyuunku yahay

[20] Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaaab qoran

[21] Ay arkaan kuwaa loo soo dhoweeyo (Allaah)

[22] Hubaal baarriyiinta waxay dhex ahaan barwaaqo gudaheed

[23] Sariiro boqoreed korkood, iyagoo ka eegaya (wax waliba)

[24] Waxaad ka garan doontaa wejiyadooda dhalaalka barwaaqada

[25] Waxaa la siin si ay u cabbaan khamri (saafi ah) ee la abburay

[26] Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu

[27] Oo dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah

[28] Il ay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah) ka cabbaan

[29] Hubaal kuwa dambiilayaasha ah waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeysan

[30] Oo haddii ay soo ag maraan waa isu il-jabin jireen

[31] Oo marka ay u laabtaan ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya

[32] Oo marka ay arkaan, waxay odhan jireen: hubaal! Kuwakanu waa lunsan yihiin

[33] Oo looma dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda

[34] Marka maanta kuwa (Xaqa) rumeysan waxay ku qosli gaalada

[35] Sariiro boqoreed (sare) korkood, iyagoo ka eegaya

[36] Hubaal gaalada waxaa lagu abaal mariyaa wax u dhigma waxa ay (xume) faleen

Al-Inshiqaaq

Surah 84

[1] Markay samadu u jeexanto gaballo

[2] Oo adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo

[3] Oo marka arlada la fidiyo

[4] Oo u soo tuurto debedda waxa ku jira gudaheeda oo ka marnaato

[5] Oo ay adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo

[6] Qofyahow! Hubaal Waa inaad shaqeyso (si aad u tiigsato) xagga Rabbigaa shaqo adag, jeer aad la kulanto Isaga

[7] Ma kan isagu lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig

[8] Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud

[9] Oo wuxuu u laaban ehelkiisa isagoo faraxsan

[10] Ma kan se isaga laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa

[11] Wuxuu u yeedhan doonaa hoog

[12] Oo geli doonaa naar hureysa

[13] Hubaal wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda kibirsan

[14] Hubaal wuxuu mooday inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga)

[15] Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday

[16] Mayee se, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac

[17] Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo

[18] Iyo dayaxa marka uu buuxsamo

[19] Waxaad hubaal mari doontaan heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba)

[20] Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn

[21] Oo marka Qur’aanka loo akhriyo ma sujuudaan

[22] Bal, kuwa gaalooba wayba beeniyaan (Xaqa)

[23] Oo Allaah baa aad u ogsoon waxay qariyaan

[24] Ee ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan

[25] Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’i doonin (waa Jannada)

Al-Buruuj

Surah 85

[1] Waxaan ku dhaartay rugaha xiddiguhu maraan

[2] Iyo Maalinta ballanta ah

[3] Iyo marag furaha iyo kuwa lagu marag furo

[4] Belo ha ku dhacdo qoladii godka

[5] Ee lahaa dab olol iyo shidaal badan

[6] Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka)

[7] Oo waxay ka ahaayeen marag waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta

[8] Oo kuma ay gelin wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh , ee la Ammaano

[9] Ee, iska leh mulkiga (iyo maamulka) samooyinka iyo arlada! Oo Allaah wax walba waa u Jeedaa

[10] Hubaal kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, markaas aan toobad keenin, waxay leeyihiin cadaab Naar ah, oo waxay leeyihiin cadaab gubeysa

[11] Hubaal kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn

[12] Hubaal Qabashada Rabbigaa waa mid aad u daran

[13] Hubaal Isaga weeye Kan uuma (uunka) oo dib u soo saara

[14] Oo Waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Gacalka ah

[15] Rabbiga Carshiga, Sharafta Badan

[16] Falaha Weyn ee wuxuu Doono

[17] Ma ku soo gaaray warka ciidammadii

[18] Fircoon iyo Thamuud

[19] Balse! Kuwa gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta xaqa

[20] Oo Allaah baa ka kooba dhinac kasta

[21] Bal! Kani waa Qur’aan Sharaf Badan

[22] Ku yaal Looxa Maxfuudka

At-Taariq

Surah 86

[1] Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura

[2] (Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay

[3] Xiddigga iftiinka badan

[4] Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag)

[5] Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray

[6] Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda

[7] Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood

[8] Hubaal wuu karaa inuu u soo celiyo nolosha

[9] Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo wixii sir ahaan loo falay la muujin doono

[10] Ma lahaan doono xoog ama wax u soo gargaara midna

[11] Waxaan ku dhaartay cirka soo celcelinta badan (ee soo shuba roobka)

[12] Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa)

[13] Hubaal kani waa hadal dhab ah oo cad

[14] Oo ma aha dheel

[15] Hubaal waxay qoolaan shirqool

[16] Oo Anigu (sidoo kale) Waxaan qorsheeyaa qorshe

[17] Ee u sug gaalada: Daa wax yar

Al-Aclaa

Surah 87

[1] Xurmo weynee oo huf Magaca Rabbigaa, aad u Sarreeya

[2] Kan abuuray (uunka), ee hagaajiyey

[3] Oo ah Kan wax kasta qaddaray, markaa ku hagay (qaddarkiisa)

[4] Oo ah Kan soo saara daaqa

[5] Oo misna ka dhiga xaabo madow

[6] Waxaan kaa yeeli doonnaa inaad akhrido (Qur’aanka) mana illaawi doontid

[7] Wuxuu Allaah doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba

[8] Oo Waxaanu kuu fududeyn midda sahlan (Islaamka)

[9] Ee waani, markay waanadu wax tari

[10] Kan isagu baqa baa ku waano qaadan

[11] Oo kan khayr laawaha ah baa ka fogaan (waanada)

[12] Kaasoo geli doona Naar aad u weyn

[13] Markaa dhexdeeda kuma noolaan doono, mana ku dhiman doono

[14] Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa

[15] Oo xurmo weyneeya Magaca Rabbigi oo salaadda tukada

[16] Balse waxaad door biddaan nolosha adduunkan

[17] Aakhirada baase khayr badan oo daa’insan

[18] Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore

[19] Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse

Al-Ghaashiyah

Surah 88

[1] Mawuusan kuu iman warka dabooshada

[2] Wejiyo (qaar) maalintaas waxay ahaan kuwo dulleysan

[3] Howlan, aad u daallan

[4] Waxay Geli Naar aad u kulul

[5] Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa

[6] Ma laha wax cunto ah qodxo maahee

[7] Kaasoo aan wax cayilin, gaajona wax ka tarin

[8] Wejiyo (kale) Maalintaas, waxay ahaan kuwo nicmeysan

[9] Raalli ah dadaalkoodii darti

[10] Ku jira Beer sare gudaheed

[11] Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah

[12] Dhexdeeda waxaa ah il socota

[13] Dhexdeeda waxaa ah sariirro la kor yeelay

[14] Iyo koobab diyaar laga dhigay

[15] Iyo barkimooyin la safay

[16] Iyo gogollo la fidshey

[17] Mawaysan haddaba eegin geela, sida loo abuuray

[18] Iyo cirka, sida loo kor yeelay

[19] Iyo buuraha, sida loo dhidbay

[20] Iyo dhulka, sida loo fidiyey

[21] Ee wax waani, waayo waxaad adigu uun tahay waaniye

[22] Ma tihid mid qasab ku leh ee ilaaliya

[23] Kii kastoo se dhabarka jeediya oo gaalooba

[24] Wuxuu Allaah ku cadaabi cadaab aad u weyn

[25] Xaqiiq waa Xaggayaga meel noqodkoodu

[26] Markaas hubaal Annaga bay na saaran tahay xisaabintooda

Al-Fajr

Surah 89

[1] Waxaan ku dhaartay waaberiga

[2] Iyo habeennada tobanka ah

[3] Iyo dhabanka iyo witirka(tirada is dheer)

[4] Iyo habeenka marka uu tago

[5] Runtii taasi waxaa ugu sugan dhaar kuwaa garashada leh

[6] Mawaadan u fiirsan sida Rabbigaa u galay (reer) Caad

[7] Qolodii Iram, ee lahaa saraha aad u dhaadheer

[8] Aan wax la mid ah laga sameyn magaalooyinka kale

[9] Iyo (sida uu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad)

[10] Iyo (sida uu u galay) Fircoon, ee lahaa ciidammada tirada badan

[11] Kuwaasoo ku qooqay magaalooyinka

[12] Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda

[13] Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah

[14] Hubaal Rabbigaa baa u jeeda oo arkaya

[15] Ee ma aadmiga, marka uu Rabbigi imtixaano, oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay

[16] Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday

[17] Mayee’ bal ma daryeeshaan agoonka

[18] Oo iskuma boorrisaan quudinta miskiinka

[19] Oo waxaad ku cuntaan xaqdarro dhaxalka idinkoo booli ku cunaya (wax kasta) si aan kala saar lahayn

[20] Oo waxaad jeceshihiin Maalka jaceyl aad u daran

[21] Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo

[22] Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah

[23] Oo laga yeelo Naarta mid muuqata Maalintaas. Maalintaas buu Aadmigu waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari

[24] Wuxuu odhan: Alla haddaan wax horay ugu soo dirsan lahaa noloshaydatan

[25] Maalintaas se cidna wax uguma cadaabto (wuxuun la mid ah) Cadaabkiisa

[26] Oo cidi wax uma xirxirto, (wuxun la mid ah) Xirxiriddiisa

[27] Naf yahay adiga xasillooneey

[28] U noqo Rabbigaa, _adigoo raalli ka ah oo raalli lagaa yahay

[29] Ee gal addoomaheyga dhexdood

[30] Oo gal Jannadeyda

Al-Balad

Surah 90

[1] Mayee,Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah)

[2] Oo adiga (Muxammad) waad ka eed tiran tahay (ku dagaallanka) magaaladan

[3] Oo waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo waxa uu dhalay (Ismaaciil)

[4] Xaqiiq Waxaan abuurnay aadmiga isagoo ku sugnaan dhib iyo howl

[5] Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn

[6] Wuxuu leeyahay: Waxaan lumiyey maal badan

[7] Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag

[8] Miyaanan siin labo indhood

[9] Iyo carrab iyo labo bishimood

[10] oo aan tusin labada jidood

[11] Ee muu ka gudbo jidka buurta ah

[12] Oo maxaa ku ogeysiiyey (waxa ay tahay ee looga gudbo) jidkaa buurta ah

[13] (Waa) xoreynta qof (addoon ah)

[14] Ama siinta cunno maalin gaajo jirto

[15] Agoon, aad qaraabo tihiin

[16] Ama miskiin dhulka yaal

[17] Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeysan, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo sabarka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta)

[18] Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada)

[19] Ma kuwa se k ku gaalooba Aayadahayaga (xujooyinka, waxyiga iwm) waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka)

[20] Dushooda waa Naar korka looga xiray

Ash-Shams

Surah 91

[1] Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo iftiinkeeda

[2] Iyo dayaxa marka uu raaco (qorraxda)

[3] Iyo maalinta marka ay muujiso caddaankeeda

[4] Iyo habeenka marka uu yeelo dabool dusheeda

[5] Iyo samada iyo Kan Isagu fidshay

[6] Iyo arlada iyo Kan Isagu goglay

[7] Iyo nafta iyo Kan Isagu simay

[8] Markaas kala garansiiyey waxa fiican ee u dan ah iyo waxa xun ee u daran

[9] Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa

[10] Oo waxaa dhab ahaan hoogi qofka xumeeya naftiisa

[11] Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti

[12] Waa tii uu koodii uga sharka badnaa soo baxay

[13] Markaasuu Rasuulkii Ilaahay (Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Ilaahay! (ha dilana) oo siiya waraabkeeda

[14] Wayse beeniyeen, oo gowraceen (Hashii). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey dambigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii)

[15] Oo Kama uu cabsado cidhibteeda

Al-Layl

Surah 92

[1] Waxaan ku dhaartay habeenka marka uu soo rogo daaha

[2] Iyo maalinta marka ay iftiinto

[3] Iyo abuurista labka iyo dheddigga

[4] Dadaalkiinna hubaal waa kala ujeeddo duwan yahay

[5] Ee ma kan isagu wax bixiya oo ka dhowrsada xumaanta

[6] Oo rumeeya Tan aad u fiican (Jannada)

[7] Waxaan u fududeyn doonaa jidka fudud (Islaamka)

[8] Ma kan se isagu bakheylka ah oo isu arka mid deeqtoon

[9] Oo beeniya tan aad u fiican (Jannada)

[10] Waxaan u fududeyn doonnaa tan adag (Naarta)

[11] Oo muxuu maalkiisu u tari marka uu halaagsamo

[12] Hubaal waa xil na saaran inaan tusinno jidka (toosan)

[13] (Oo hubaal Annaga baa leh tan dambe Aakhirada) iyo tan horeba (adduunka)

[14] Ee waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa

[15] Ma uu galayo waxaan ahayn hoogaha

[16] Ee (Xaqa) beeniya oo dhabarka u jeediya

[17] Oo waxaa laga fogeyn doonaa (Naarta) kan ka dhowrsada xumaha

[18] Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo

[19] Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal oo laga sugayo inuu gudo

[20] Aan ahayn doonista Wejiga Rabbigi, ee aad u Sarreeya

[21] Oo dhowaan wuu raalli noqon doonaa

Ad-Duxaa

Surah 93

[1] Waxaan ku dhaartay Barqada

[2] Iyo habeenka marka uu wax ku daboolo mugdigiisa

[3] Rabbigaa kaama tagin (Muxammadow), mana uu kuu cadhoon

[4] Oo hubaal waxa dambeeya baa kaaga khayr badan waxa hore u tagey

[5] Oo dhowaan Rabbigaa baa deeq ku siin doona, marka waad raalli noqon

[6] Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin

[7] Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin

[8] Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin

[9] Ee ma agoonka, ha dhibin

[10] Oo ma kan wax weydiista, ha canaanan

[11] Oo ma xagga Nicmadda Rabbigaa, ka warran (oo ku mahdi)

Ash-Sharx

Surah 94

[1] Miyaanaan kuu waasicinnin laabtaada

[2] Oo aan kaa dejin culeyskaaga

[3] ee cusleeyey dhabarkaaga

[4] Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga

[5] Ee hubaal culeyska waxaa la socda nafis

[6] Dhibka waxaa hubaal la socda nafis

[7] Ee markaad bogto (howshaada), u istaag cibaado

[8] Oo xagga Rabbigaa(Keliya) wax ka rajee

At-Tiin

Surah 95

[1] Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka

[2] Iyo Buurta Siinaay

[3] Iyo magaaladan Aaminka ah (Makkah)

[4] Xaqiiq Waxaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan

[5] Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya

[6] Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay mudan doonaan jar aan weligi go’ynin

[7] Ee yaa haddaba kara inuu kugu beeniyo arrinka abaal marinta

[8] Sow ma aha Allaah Kan u wanaagsan inta wax xukunta

Al-Calaq

Surah 96

[1] Ku akhri Magaca Rabbigaa, ee abuuray

[2] Wuxuu ka abuuray aadmiga xinjir

[3] Akhri! Oo Rabbigaa waa Sharaf Badnaha

[4] Ee baray sida wax loogu qoro qalinka

[5] Baray Aadmiga wax uusan aqoon

[6] Mayee! Aadmigu xaqiiq wuu xadgudbaa

[7] Inuu isu arko mid deeqtoon darteed

[8] Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku

[9] Ma waad aragtay midka isaga ka reeba

[10] Addoon markuu tukado

[11] Bal ka warran haddii uu ku sugan yahay jid toosan

[12] Amaba uu amro xume ka dhowrsiga

[13] Bal ka warran haddii uu kaasina beeniyo Xaqa, oo dhabarka u jeediyo

[14] Mawuusan ogeyn in Allaah arko

[15] Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban doonnaa foodda

[16] Food beenley ah oo gefley ah

[17] Markaa ha u yeedho golihiisa

[18] Waxaan innaguna u yeereynaa malaa’ig daran

[19] Mayee, Ha adeecin isaga, oo sujuud, oo u dhowow (Allaah)

Al-Qadr

Surah 97

[1] Hubaal Waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qaddarka

[2] Oo maxaad ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qaddarku yahay

[3] Habeenka Qaddarku wuxuu ka fiican yahay kun bilood

[4] Malaa’igta iyo Jibriil baa ku soo dega Idanka Rabbigood arrin walba darteed

[5] Nabad weeye ilaa waagu ka baryo

Al-Bayyinah

Surah 98

[1] Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad

[2] Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Allaah oo akhriyaya waraaqo daahir ah

[3] Ay ku yaallaan dhammaan xeerarka wanaagsan

[4] Oo kuwaa la siiyey Kitaabka isma ay khilaafin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid

[5] Oo lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Allaah iyagoo u Keeli yeelaya cibaadada, toosan, oo hagaajiyaan salaadda oo bixyaan Zakada, oo sidaas baa ah diinta toosan

[6] Hubaal kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta dabka iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uunanka

[7] Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uunanka

[8] Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari doonaan dhexdeeda weligood, Allaah Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh kii isagu ka baqa Rabbigi

Az-Zalzalah

Surah 99

[1] Marka arlada la gilgilo gilgilkeeda daran

[2] Oo arladu soo bixiso culeysyadeeda

[3] Oo aadmigu yidhaahdo: Maxaa ku dhacay

[4] Maalintaas waxay ka warrami akhbaarteeda

[5] Inuu Rabbigaa u waxyooday darteed

[6] Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri guutooyin firarsan ahaan si loo tusiyo acmaashooda

[7] Ee qofkii fala samaan le’eg saxar wuu arki

[8] Oo qofkii fala xumaan le’eg saxar wuu arki

Al-Caadiyaat

Surah 100

[1] Waxaan ku dhaartay ordayaasha neefsada (fardaha) iyagoo qeyliyaya

[2] Haddana kuwaa dabka kiciya

[3] Haddana kuwaa qaada duullaanka subaxa hore

[4] Markaas boorka kiciya

[5] Markaa dhaqso bartanka ugu gala kulanka (cadowga)

[6] Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi

[7] Oo hubaal isaga baa taasi ka markhaati ah

[8] Oo hubaal Waa ku daran yahay Jeclaanta maalka

[9] Ma wuusan haddaba ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo

[10] Oo waxa ku jira laabaha la caddeeyo

[11] Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal si dhan iyaga

Al-Qaaricah

Surah 101

[1] Musiibada garaaceysa (qalbiyada)

[2] Maxay tahay Garaacdadu

[3] Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay tahay Garaacdadu

[4] Maalinta ay dadku noqon sida baalallay kala firdhay

[5] Oo buurahu noqon sida cudbi la dhilay

[6] Ee ma kan isagu miisaankiisa (camallada wanaagsan) culeys yahay

[7] Wuxuu ku noolaan nolol barwaaqo iyo farxad leh

[8] Ma qofka se uu miisaankiisa (camallada wanaagsan) fudeyd yahay

[9] Hoygiisu waa Haawiya

[10] Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay tahay

[11] (Waa) Naar hureysa

At-Takaathur

Surah 102

[1] Wax badsi doon baa idin jeediya

[2] Ilaa aad gashaan qubuuraha

[3] Mayee! Waad ogaan doontaan

[4] Mayee, mayee! Waad ogaan doontaan

[5] Mayee! haddii aad og tihiin ogaansho dhab ah

[6] Waxaad hubaal arki doontaan Naarta

[7] Markaas waxaad hubaal ku arki doontaan il dhab ah

[8] Oo Maalintaa waxaa hubaal la idin weydiin doonaa Nicmooyinka

Al-Casr

Surah 103

[1] Waxaan ku dhaartay waqtiga

[2] Hubaal Aadmigu wuxuu ku jiraa khasaaro

[3] Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo isu dardaraama Xaqa, oo isu dardaarama sabarka

Al-Humazah

Surah 104

[1] Hoog waxaa leh dure kasta, wax ceebeeya

[2] Kaasoo maal jamciya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay)

[3] Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin

[4] Mayee! Waxaa hubaal lagu tuuri burburisada

[5] Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay burburisadu tahay

[6] Waa Naar Ilaahay oo la huriyey

[7] Oo kor ugu baxda quluubta dushooda

[8] Hubaal waxaa lagaga xidhi dusha korkooda

[9] Tiirar la taagay dhexdood

Al-Fiil

Surah 105

[1] Mawaadan u fiirsan sida Rabbigaa u galay qoladii maroodiga

[2] Sow kama uu dhigin duullaankoodii wax jab iyo jah wareer ku dhammaaday

[3] Oo ku soo dirin shimbiro guutoooyin ah

[4] Ku soo ganeysa dhagaxyo dhoobo la kululeeyey ah

[5] Markaas ka dhigay sidii bal la daaqay

Quraysh

Surah 106

[1] Caadeysigii Quraysh darteed

[2] Ay ka caada yeesheen safarka xagaaga iyo jilaalka (si nabdoonaan ah)

[3] Ee ha caabudaan Rabbiga Baydkan (Kacbada)

[4] Kaasoo ka quudiyey gaajo, oo ka aamin galiyay cabsi

Al-Maacuun

Surah 107

[1] Ma u fiirstay kan isagu beeniya abaal marinta

[2] Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan

[3] Oo aan ku dhiirra gelin (dadka kale) quudinta miskiinka

[4] Ee waxaa hoog leh kuwaa tukada

[5] Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda)

[6] Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko

[7] Ee bixin diida waxyaalaha aan looga maarmin nolol maalmeedka (zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye)

Al-Kowthar

Surah 108

[1] Hubaal Waxaanu ku siinnay (Muxammadow) Al-Kowthar (khayr badan)

[2] Ee u tuko Rabbigaa Dartiis, oo (u) qal xoolo

[3] Hubaal nacabkaaga waa isaga kan cirib go’a

Al-Kaafiruun

Surah 109

[1] Dheh: Gaalooy

[2] Anigu ma caabudo waxa aad caabuddaan

[3] Idinkuna ma caabuddaan Kaan Anigu caabudo

[4] Mana caabudi doono waxa aad caabuddaan

[5] Idinkuna ma caabudi doontaan Kaan anigu caabudo

[6] Waxaad leedihiin diintiinna (dhaqankiinna), aniguna waxaa leeyahay diinteyda ( dhaqankeyga)

An-Nasr

Surah 110

[1] Marka uu yimaado Gargaarka Ilaahay iyo guusha (Furashada Makkah)

[2] Oo aad aragto dadku oo u soo galaya diinta Ilaahay rac-rac (koox-koox)

[3] Markaas ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa, oo weydiiso Dambi Dhaafkiisa. Hubaal waa Isaga kan u soo laabashada badan (Naxariista)

Al-Masad

Surah 111

[1] Hoog baa ku dhacay labada gacmood ee Abuu-Lahab, waana hoogi doonaa

[2] Maalkiisa iyo wuxuu kasbado waxba uma ay tari doonaan

[3] Oo Wuxuu geli doonaa Naar aad u olol badan

[4] Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah

[5] Qoorteeda waxaa ku wareegsan xadhig xaskul la soohay ah

Al-Ikhlaas

Surah 112

[1] Dheh: Isagu, Allaah waa Mid Keliya

[2] Allaah waa ma baahdaha loo baahdo

[3] Ma dhalin, lamana dhalin

[4] Oo ma jiro axad u dhigma

Al-Falaq

Surah 113

[1] Dheh: Waxaan ka magan galay Rabbiga oogga (dillaacsha)

[2] Sharka waxa uu abuuray

[3] Iyo sharka habeenka mugdiga badan marka uu mugdigiisa wax ku daboolo

[4] Iyo sharka kuwa wax ku tufa guntimaha (naagaha saaxirooyinka ah)

[5] Iyo sharka xaasidka marka uu wax xasdo

An-Naas

Surah 114

[1] Dheh: Waxaan ka magan galay Rabbiga dadka

[2] Boqorka dadka

[3] Ilaaha dadka

[4] Sharka waswaasyada (sheydaanka) soo noqnoqodka badan

[5] Kaasoo waswaasiya laabaha dadka

[6] (Shaydaankaa) oo jin iyo dadba leh