Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 72 - Al-Jinn
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Jinn 72:1
Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) Dheheen waxaan maqallay quraan layaab leh
Verse 2 — Surah Al-Jinn 72:2
Oo ku hanuunin xaqa waana Rumaynay waxaan Eebe cibaada la wadaajinhaynana ma jiro
Verse 3 — Surah Al-Jinn 72:3
Waxaana Sarreeya sharafta Eebeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna
Verse 4 — Surah Al-Jinn 72:4
Waxay Ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhaheen hadallo xadgudug ah Eebe
Verse 5 — Surah Al-Jinn 72:5
Waxaana u Malaynaynay inuusan insi iyo Jini Midna Eebe ku beensheegaynin
Verse 6 — Surah Al-Jinn 72:6
Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub)
Verse 7 — Surah Al-Jinn 72:7
Waxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebe soo Bixinhaynin Ruuxna
Verse 8 — Surah Al-Jinn 72:8
Waxaan Doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda Ilaalin daran iyo danabyo
Verse 9 — Surah Al-Jinn 72:9
Waxaana ahayn kuwo Fadhiista xageeda meelo si aan wax uga dhagaysanno Ruuxiise Dhagaysta hadda wuxuu heli danabyo darban «la kulmi»
Verse 10 — Surah Al-Jinn 72:10
Mana ogin inay tahay shar lala Doonay dadka Dhulka ku nool ama Eebohood la Doonay hanuun (iyo khayr)
Verse 11 — Surah Al-Jinn 72:11
Waxaa naga mid ah kuwo suuban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan
Verse 12 — Surah Al-Jinn 72:12
Waxaanna Ognahay Inaannaan Eebe ku daalinkarin Dhulka Dhexdiisa, kuna Daalinhaynin Cararid
Verse 13 — Surah Al-Jinn 72:13
Markaan Maqallay hanuunkana waan Rumaynay, Ruuxii rumeeya Eebihiisana kama yaabo Nusqaan iyo Dulmi Midna
Verse 14 — Surah Al-Jinn 72:14
Waxaa naga mida Muslimiin iyo Kuwo xadgudbay, Ruusiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun
Verse 15 — Surah Al-Jinn 72:15
Kuwiise xadgudbay waxay ahaan Qoryaha Jahannamo
Verse 16 — Surah Al-Jinn 72:16
Hadday ku toosaan Dadku jidka (wanaagsan) waxaaan ka waraabinlahayn biyo badan
Verse 17 — Surah Al-Jinn 72:17
Imtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis wuxuu galin cadaab daran
Verse 18 — Surah Al-Jinn 72:18
Masaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Eeb Cid kale
Verse 19 — Surah Al-Jinn 72:19
Markuu istaagay Addoonkii Eebe (Nabigu) isagoo Caabudi Eebe waxay Jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dulfuulan
Verse 20 — Surah Al-Jinn 72:20
Waxaad Dhahdaa Nabiyow waxaan uun Caabudi Eebahay lana wadaajinmahayo cidna
Verse 21 — Surah Al-Jinn 72:21
Waxaad dhahdaa idiin ma hanto shar iyo khayr midna
Verse 22 — Surah Al-Jinn 72:22
Waxaad Dhahdaa cidna igama korinayso Eebe, mana helayo isaga ka sakow Magangalyo
Verse 23 — Surah Al-Jinn 72:23
Hase yeeshee waxaan hantaa Gaadhsiinta xaqa Eebe iyo Farriimihiisa, Ruuxiise Eebe Caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta Jahannama isagoo ku waari Dhexdeeda
Verse 24 — Surah Al-Jinn 72:24
Markay Gaaladu Arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda Gargaarihiisu tabaryaryahay tirana yaryahay
Verse 25 — Surah Al-Jinn 72:25
Waxaad Dhahdaa ma ogi inuu Dhawyahay waxa la idiinku Gooddin ama Eebahay waqti u yeeli
Verse 26 — Surah Al-Jinn 72:26
Eebaa og waxa Maqan, umana muujiyo waxaa maqan Ruuxna
Verse 27 — Surah Al-Jinn 72:27
Marka laga Reebo ciduu ka raalli Noqday oo Rasuulah, Isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin
Verse 28 — Surah Al-Jinn 72:28
Si Eebe u muujiyo inay Gaadhsiiyeen Farriimihii Eebohood, Eebana waa koobay waxa Agtooda ah wayna u tirakoobanyihiin wax walba