Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 73 - Al-Muzzammil
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Muzzammil 73:1
(Nabiga) Isduuduubayow
Verse 2 — Surah Al-Muzzammil 73:2
Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee
Verse 3 — Surah Al-Muzzammil 73:3
Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar
Verse 4 — Surah Al-Muzzammil 73:4
Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican
Verse 5 — Surah Al-Muzzammil 73:5
Annagaa Kugu Dakin Hadal Culus (wayne)
Verse 6 — Surah Al-Muzzammil 73:6
Habeenka Saacadihiisa (oo la tukado) yaa ku daran khushuucda Aadna u toosan
Verse 7 — Surah Al-Muzzammil 73:7
Maalintii waxaa kuu sugnaaday shaqa Dheer
Verse 8 — Surah Al-Muzzammil 73:8
Magaca Eebana xus cibaadadiisana u go
Verse 9 — Surah Al-Muzzammil 73:9
Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, isaga Mooyee ilaah kalena ma jiro ee ka yeelo wakiil (la cuskado)
Verse 10 — Surah Al-Muzzammil 73:10
kuna Samir waxay sheegi gaaladu, si Quruxsanna uga hijroo (iskaga tag)
Verse 11 — Surah Al-Muzzammil 73:11
Isu kaanna daa aniga iyo kuwa Beeniyay xaqa ee Nicmaysan wax yarna Sug
Verse 12 — Surah Al-Muzzammil 73:12
Agtannada waxaa ah caddibaad iyo Naarta Jaxiimo
Verse 13 — Surah Al-Muzzammil 73:13
Iyo cunno lagu Margado iyo Cadaab daran
Verse 14 — Surah Al-Muzzammil 73:14
(waxay ku dhiei Arrintaasu) Maalinta Dhulka iyo Buuruhu Gilgilan, Buuruhuna ay noqon Tamuux socda
Verse 15 — Surah Al-Muzzammil 73:15
Annagaa idiin dirray Rasuul markhaati ah, sidaan ugu dirray fircoonba Rasuul
Verse 16 — Surah Al-Muzzammil 73:16
Fircoonna wuu Caasiyay Rasuulkii (Nabi Muuse). Firconna waxaan ku Qabannay qabasha Daran
Verse 17 — Surah Al-Muzzammil 73:17
Ee seebaad Gaalloy uga dhawrsanaysaan Caddibaadda Maalinta qiyaame ee carruurta Cirroole ka Yeeli Hadaad Gaalawdaan
Verse 18 — Surah Al-Muzzammil 73:18
Samaduna Maalintaas Darteed ay la Dildillaaci Balaanqaadka Eebana waa wax Dhici
Verse 19 — Surah Al-Muzzammil 73:19
Aayadahani Waa waano Ee Ruuxii Doona Eeba xaggiisa jid ha uga yeesho
Verse 20 — Surah Al-Muzzammil 73:20
Eebahaa wuxuu ogyahay Nabiyow inaad tukatid wax ka yar habeenka saddex Meelood laba iyo Badhkiis iyo saddex meelood meel, iyo in koox ka mida kuwa kula jira ay tukato, Eebana waa u qadaranyahay Habeenka iyo Maalintuba, wuxuuna Ogyahay inaydaan Koobi karin, wuuna Idinka toobad aqbalay ee Akhriya wixii idiin Fududaada oo quraan ah, wuxuu Eebe ogyahay inay idin ka mid Noqon kuwa Buka iyo kuwo safri iyagoo dooni Khayrka Eebe iyo kuwo u dagaallami Jidka Eebe ee akhriya wixii idiin Fududaada oo Quraan ah, Salaaddana ooga Zakadana Bixiya Eebana wax wanaagsan daynsada Waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna waxaad ka ogaandoontaan kana Heleysaan Eeba Agtiisa Isagoo khayr ah iyo Ajri wayn, ee Eebe Dambi dhaaf waydiista waa Dambi Dhaafe Naxariiste