Back to Languages

Somali - Chapter 74 - Al-Muddaththir

Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Muddaththir 74:1

Verse 2 — Surah Al-Muddaththir 74:2

Verse 3 — Surah Al-Muddaththir 74:3

Verse 4 — Surah Al-Muddaththir 74:4

Verse 5 — Surah Al-Muddaththir 74:5

Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada)

Verse 6 — Surah Al-Muddaththir 74:6

Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay)

Verse 7 — Surah Al-Muddaththir 74:7

Eebahaa Dartiisna u Samir

Verse 8 — Surah Al-Muddaththir 74:8

Marka Suurka (yiaame) la Afuufo

Verse 9 — Surah Al-Muddaththir 74:9

Maalintaasu waa maalin ku Daran

Verse 10 — Surah Al-Muddaththir 74:10

Gaalada oon u Fududayn

Verse 11 — Surah Al-Muddaththir 74:11

Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa

Verse 12 — Surah Al-Muddaththir 74:12

Una yeelay Xoolo Badan

Verse 13 — Surah Al-Muddaththir 74:13

Iyo Wilaal Jooga oo «Darban»

Verse 14 — Surah Al-Muddaththir 74:14

Aan una waasiciyay Risqiga

Verse 15 — Surah Al-Muddaththir 74:15

Oo haddana sii damci inaan u Badiyo

Verse 16 — Surah Al-Muddaththir 74:16

Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga

Verse 17 — Surah Al-Muddaththir 74:17

Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran

Verse 18 — Surah Al-Muddaththir 74:18

Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay

Verse 19 — Surah Al-Muddaththir 74:19

Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay

Verse 20 — Surah Al-Muddaththir 74:20

Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay

Verse 21 — Surah Al-Muddaththir 74:21

Kadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo)

Verse 22 — Surah Al-Muddaththir 74:22

Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay

Verse 23 — Surah Al-Muddaththir 74:23

Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay

Verse 24 — Surah Al-Muddaththir 74:24

Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn

Verse 25 — Surah Al-Muddaththir 74:25

quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn

Verse 26 — Surah Al-Muddaththir 74:26

waxaannu galin kaas (Naarta) saqara

Verse 27 — Surah Al-Muddaththir 74:27

Ma taqaannaa Naarta Saqara

Verse 28 — Surah Al-Muddaththir 74:28

Hilib iyo laf midna ma Reebto

Verse 29 — Surah Al-Muddaththir 74:29

waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa)

Verse 30 — Surah Al-Muddaththir 74:30

waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf)

Verse 31 — Surah Al-Muddaththir 74:31

Ugama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee

Verse 32 — Surah Al-Muddaththir 74:32

Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye

Verse 33 — Surah Al-Muddaththir 74:33

Iyo Habeenku Markuu Jeedsado

Verse 34 — Surah Al-Muddaththir 74:34

Iyo Subaxu markuu iftiimo

Verse 35 — Surah Al-Muddaththir 74:35

Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka)

Verse 36 — Surah Al-Muddaththir 74:36

Waana Digniinta Dadka

Verse 37 — Surah Al-Muddaththir 74:37

Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay)

Verse 38 — Surah Al-Muddaththir 74:38

Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay

Verse 39 — Surah Al-Muddaththir 74:39

Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka)

Verse 40 — Surah Al-Muddaththir 74:40

Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin

Verse 41 — Surah Al-Muddaththir 74:41

Verse 42 — Surah Al-Muddaththir 74:42

Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara

Verse 43 — Surah Al-Muddaththir 74:43

Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada

Verse 44 — Surah Al-Muddaththir 74:44

Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka

Verse 45 — Surah Al-Muddaththir 74:45

Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban

Verse 46 — Surah Al-Muddaththir 74:46

Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada)

Verse 47 — Surah Al-Muddaththir 74:47

Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu)

Verse 48 — Surah Al-Muddaththir 74:48

Ma anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca

Verse 49 — Surah Al-Muddaththir 74:49

Maxaase u sugnaaday iy waanada uga Jeedsadaan

Verse 50 — Surah Al-Muddaththir 74:50

ood u moodaa Dameero Diday

Verse 51 — Surah Al-Muddaththir 74:51

oo ka Cararay libaax

Verse 52 — Surah Al-Muddaththir 74:52

Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab)

Verse 53 — Surah Al-Muddaththir 74:53

Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro

Verse 54 — Surah Al-Muddaththir 74:54

Waxaa sugan in Quraanku waana yahay

Verse 55 — Surah Al-Muddaththir 74:55

Ruuxii Doona yaana waantoobi

Verse 56 — Surah Al-Muddaththir 74:56

Mana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inii Dambi Dhaafo