Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 79 - An-Naziat
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah An-Naziat 79:1
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada)
Verse 2 — Surah An-Naziat 79:2
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta)
Verse 3 — Surah An-Naziat 79:3
Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin)
Verse 4 — Surah An-Naziat 79:4
Iyo tan u orotanta wanaagga
Verse 5 — Surah An-Naziat 79:5
Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe)
Verse 6 — Surah An-Naziat 79:6
Maalinta ay gilgilan afuufka (hore)
Verse 7 — Surah An-Naziat 79:7
Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay)
Verse 8 — Surah An-Naziat 79:8
Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan
Verse 9 — Surah An-Naziat 79:9
Araggeeduna wuu dullaysnaan
Verse 10 — Surah An-Naziat 79:10
Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii)
Verse 11 — Surah An-Naziat 79:11
Markaan noqonno Lafo duugoobay
Verse 12 — Surah An-Naziat 79:12
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah
Verse 13 — Surah An-Naziat 79:13
Waa uun Hal Qaylo kaliya
Verse 14 — Surah An-Naziat 79:14
Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman
Verse 15 — Surah An-Naziat 79:15
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse
Verse 16 — Surah An-Naziat 79:16
Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa
Verse 17 — Surah An-Naziat 79:17
Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye
Verse 18 — Surah An-Naziat 79:18
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid
Verse 19 — Surah An-Naziat 79:19
Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid
Verse 20 — Surah An-Naziat 79:20
Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn
Verse 21 — Surah An-Naziat 79:21
Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon)
Verse 22 — Surah An-Naziat 79:22
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda
Verse 23 — Surah An-Naziat 79:23
Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay
Verse 24 — Surah An-Naziat 79:24
Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare
Verse 25 — Surah An-Naziat 79:25
Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba
Verse 26 — Surah An-Naziat 79:26
Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi
Verse 27 — Surah An-Naziat 79:27
Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay
Verse 28 — Surah An-Naziat 79:28
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna
Verse 29 — Surah An-Naziat 79:29
Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay)
Verse 30 — Surah An-Naziat 79:30
Dhulkana markaas ka dib fidiyay
Verse 31 — Surah An-Naziat 79:31
Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay
Verse 32 — Surah An-Naziat 79:32
Buurahana sugay
Verse 33 — Surah An-Naziat 79:33
Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan
Verse 34 — Surah An-Naziat 79:34
Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu)
Verse 35 — Surah An-Naziat 79:35
Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen
Verse 36 — Surah An-Naziat 79:36
Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki
Verse 37 — Surah An-Naziat 79:37
Ruuxiise xadgudba
Verse 38 — Surah An-Naziat 79:38
Nolosha Adduunyana doorta
Verse 39 — Surah An-Naziat 79:39
Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo
Verse 40 — Surah An-Naziat 79:40
Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun)
Verse 41 — Surah An-Naziat 79:41
Wuxuu u dheelman Janno
Verse 42 — Surah An-Naziat 79:42
Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan
Verse 43 — Surah An-Naziat 79:43
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda
Verse 44 — Surah An-Naziat 79:44
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu
Verse 45 — Surah An-Naziat 79:45
Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi
Verse 46 — Surah An-Naziat 79:46
Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka)