Back to Languages

Somali - Chapter 80 - Abasa

Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink

Verse 1 — Surah Abasa 80:1

Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu)

Verse 2 — Surah Abasa 80:2

Inuu u yimid kii Indhaha la'aa

Verse 3 — Surah Abasa 80:3

Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo

Verse 4 — Surah Abasa 80:4

Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo

Verse 5 — Surah Abasa 80:5

Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada)

Verse 6 — Surah Abasa 80:6

Verse 7 — Surah Abasa 80:7

Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin

Verse 8 — Surah Abasa 80:8

Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi

Verse 9 — Surah Abasa 80:9

Verse 10 — Surah Abasa 80:10

Verse 11 — Surah Abasa 80:11

Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano

Verse 12 — Surah Abasa 80:12

Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan

Verse 13 — Surah Abasa 80:13

Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh

Verse 14 — Surah Abasa 80:14

Oo la kor yeelay lana Daahiriyay

Verse 15 — Surah Abasa 80:15

Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta)

Verse 16 — Surah Abasa 80:16

Sharafna leh oo baarri ah

Verse 17 — Surah Abasa 80:17

Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa

Verse 18 — Surah Abasa 80:18

Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas

Verse 19 — Surah Abasa 80:19

Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay

Verse 20 — Surah Abasa 80:20

Jidkana wuu u fudaydiyay

Verse 21 — Surah Abasa 80:21

Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa

Verse 22 — Surah Abasa 80:22

Markuu doonana wuu soo bixin

Verse 23 — Surah Abasa 80:23

Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin

Verse 24 — Surah Abasa 80:24

Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa

Verse 25 — Surah Abasa 80:25

Inaan Roob ku soo shubno

Verse 26 — Surah Abasa 80:26

Dhulkana markaas aan jeexno

Verse 27 — Surah Abasa 80:27

Kana soo bixinno Midho

Verse 28 — Surah Abasa 80:28

Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)

Verse 29 — Surah Abasa 80:29

Iyo Zeytuun iyo Timir

Verse 30 — Surah Abasa 80:30

Verse 31 — Surah Abasa 80:31

Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq

Verse 32 — Surah Abasa 80:32

Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu

Verse 33 — Surah Abasa 80:33

Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka)

Verse 34 — Surah Abasa 80:34

Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis

Verse 35 — Surah Abasa 80:35

Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis

Verse 36 — Surah Abasa 80:36

Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii

Verse 37 — Surah Abasa 80:37

Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa

Verse 38 — Surah Abasa 80:38

Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi)

Verse 39 — Surah Abasa 80:39

Wayna Qosli oy bishaaraysan

Verse 40 — Surah Abasa 80:40

Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli

Verse 41 — Surah Abasa 80:41

Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin)

Verse 42 — Surah Abasa 80:42

Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun)