Back to Languages

Somali - Chapter 85 - Al-Buruj

Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Buruj 85:1

Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda)

Verse 2 — Surah Al-Buruj 85:2

Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada)

Verse 3 — Surah Al-Buruj 85:3

Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas

Verse 4 — Surah Al-Buruj 85:4

Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo)

Verse 5 — Surah Al-Buruj 85:5

Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh

Verse 6 — Surah Al-Buruj 85:6

Gaaladiina ay korfadiyeen Godka

Verse 7 — Surah Al-Buruj 85:7

iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah»

Verse 8 — Surah Al-Buruj 85:8

Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo

Verse 9 — Surah Al-Buruj 85:9

Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa

Verse 10 — Surah Al-Buruj 85:10

Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi

Verse 11 — Surah Al-Buruj 85:11

Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn

Verse 12 — Surah Al-Buruj 85:12

Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay

Verse 13 — Surah Al-Buruj 85:13

Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin

Verse 14 — Surah Al-Buruj 85:14

Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca)

Verse 15 — Surah Al-Buruj 85:15

Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh

Verse 16 — Surah Al-Buruj 85:16

Wuuna falaa wuxuu doono

Verse 17 — Surah Al-Buruj 85:17

Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii)

Verse 18 — Surah Al-Buruj 85:18

Verse 19 — Surah Al-Buruj 85:19

Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa)

Verse 20 — Surah Al-Buruj 85:20

Eebana waa koobay (kamana baxsadaan)

Verse 21 — Surah Al-Buruj 85:21

Waase Quraan sharaf leh

Verse 22 — Surah Al-Buruj 85:22

Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka)