Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 86 - At-Tariq
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah At-Tariq 86:1
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura
Verse 2 — Surah At-Tariq 86:2
Ma taqaan Xiddigga guura
Verse 3 — Surah At-Tariq 86:3
Waa Xiddig ifa
Verse 4 — Surah At-Tariq 86:4
Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag)
Verse 5 — Surah At-Tariq 86:5
Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray
Verse 6 — Surah At-Tariq 86:6
Waxaa laga abuuray Biyo booda
Verse 7 — Surah At-Tariq 86:7
Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood
Verse 8 — Surah At-Tariq 86:8
Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada)
Verse 9 — Surah At-Tariq 86:9
Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon
Verse 10 — Surah At-Tariq 86:10
Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna
Verse 11 — Surah At-Tariq 86:11
Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh
Verse 12 — Surah At-Tariq 86:12
Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo)
Verse 13 — Surah At-Tariq 86:13
Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta)
Verse 14 — Surah At-Tariq 86:14
Ciyaarra ma aha (ee waa dhab)
Verse 15 — Surah At-Tariq 86:15
Gaaladu waxbay dhakri
Verse 16 — Surah At-Tariq 86:16
Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin)
Verse 17 — Surah At-Tariq 86:17
Ee u sug Gaalada wax yar