Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 87 - Al-Ala
Translation by Mahmud Muhammad Abduh — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Ala 87:1
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya
Verse 2 — Surah Al-Ala 87:2
Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna
Verse 3 — Surah Al-Ala 87:3
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey
Verse 4 — Surah Al-Ala 87:4
Eebaha soo bixiya Daaqa
Verse 5 — Surah Al-Ala 87:5
Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow
Verse 6 — Surah Al-Ala 87:6
Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid
Verse 7 — Surah Al-Ala 87:7
Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba
Verse 8 — Surah Al-Ala 87:8
Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican
Verse 9 — Surah Al-Ala 87:9
Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu
Verse 10 — Surah Al-Ala 87:10
Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee
Verse 11 — Surah Al-Ala 87:11
Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune
Verse 12 — Surah Al-Ala 87:12
Ee ah mid gali Naar wayn
Verse 13 — Surah Al-Ala 87:13
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn
Verse 14 — Surah Al-Ala 87:14
Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda
Verse 15 — Surah Al-Ala 87:15
magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada
Verse 16 — Surah Al-Ala 87:16
Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw
Verse 17 — Surah Al-Ala 87:17
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi)
Verse 18 — Surah Al-Ala 87:18
Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore
Verse 19 — Surah Al-Ala 87:19
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse