Verse 1 — Surah Al-Fatiha 1:1
Ku Billaabasho Magaca Allaah, ee Naxariis guud,iyo mid gaar ahba Naxariista
Verse 2 — Surah Al-Fatiha 1:2
Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa iska leh Allaah, Rabbiga uunanka
Verse 3 — Surah Al-Fatiha 1:3
Naxariis guud, iyo mid gaar ahba Naxariista
Verse 4 — Surah Al-Fatiha 1:4
Boqorka Maalinta Abaal Marinta
Verse 5 — Surah Al-Fatiha 1:5
Adiga oo keliyaan ku caabudnaa, oo Adiga oo keliyaaan ku warsannaa kaalmo
Verse 6 — Surah Al-Fatiha 1:6
Nagu Sug Tubta Toosan
Verse 7 — Surah Al-Fatiha 1:7
Tubta kuwa aad u Nicmaysay2, aan aheyn kuwa galabsaday cadho(daada)3, iyo kuwa iyagu lunsan