Back to Languages

Somali - Chapter 2

Translation by Abdullah Hasan Jacob

Verse 1

Alif laam miim

Verse 2

Kitaabkani, shaki kuma jiro, waa u hanuun kuwa iska jira (xumaha)

Verse 3

Kuwa rumeysan waxa aan muuqan ee qarsoon, oo hagaajiya salaadda, oo wax ka bixiya waxa aanu siinnay

Verse 4

Oo (ah) kuwa rumeysan waxa laguu soo waxyooday (Muxammadow), iyo waxa la soo waxyoodayba adiga hortaa3, ee Aakhiro iyagu yaqiinsan

Verse 5

Kuwan baa ku sugan hanuun (toosan) xagga Rabbigood ah, oo waa kuwan kuwa ah liibaanayaasha

Verse 6

Hubaal Kuwa rumeysan diida, waa isugu mid haddii aad u digto iyo haddii aadan u diginba, ma rumeyn doonaan

Verse 7

Wuxuu Allaah ku dhigay shaabbad daahda quluubtooda iyo maqalkooda, oo araggooda waxaa ku rogan dabool4. Oo waxay mudan doonaan cadaab aad u weyn

Verse 8

Oo dadka waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Allaah5 iyo Maalinta dambeysa oo aan ahaynba mu’miniin

Verse 9

Waxay (rabaan inay) dagaan Allaah iyo kuwa rumeysan, mase dagaan waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana

Verse 10

Quluubtooda waxaa ah cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm), markaasuu Allaah u kordhiyey cudur. Oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan waxay been sheegi jireen darteed

Verse 11

Oo marka lagu yidhaahdo: Ha ku falina fasahaad arlada, Waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay uun sama doon

Verse 12

Haddaba hubaal Waa iyaga kuwa wax bi’iska ahi, laakiinse ma ay dareensana

Verse 13

Oo marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Oo ma waxaanu u rumeynaynaa sida ay maangaabku u rumeeyeen? Haddaba hubaal waa iyaga kuwa maan gaabka ahi, laakiinse waanay garaneyn

Verse 14

Oo markay la kulmaan kuwa rumeysan, waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay. Markase ay isla keli noqdaan shaydaamadooda, waxay yidhaahdaan: hubaal innagu idinkaynu idinla jidhnaa; waa uun iska jeesjeeseennay

Verse 15

Allaah baa se ku jees-jeesi doona, oo wuxuu kaga tagi doonaa keligood xadgudubkooda banbaxsan ee ay ku jaha wareersan yihiin indha la’aan

Verse 16

Kuwani waa kuwa iyagu iibsaday habowga halkii hanuunka, sidaas awgeed ganacooda ma keento wax faa’ido ah, Mana aha kuwo hanuunsan

Verse 17

Mataalkooda, wuxuu ka dhigan yahay sida mid shitay dab; markiise uu u ifiyey waxa hareerihiisa ah oo dhan, Allaah ka qaaday iftiinkii, oo uga tegay gudcurro mugdi daran ah oo aanay waxba arkeyn

Verse 18

Waa dhego la’ yihiin, af la' yihiin, (oo) indho la' yihiin, marka dib uguma soo laabtaan (waddada toosan)

Verse 19

Ama (waa) sida roob darar ah ka yimaada daruurta oo wata gudcur madow, onkod, iyo hillaac: waxay geliyaan farahooda xagga dhegahooda biriqyada dartood baqe ay ka qabaan mowdka. Oo Allaah waa ku hareersan yahay gaalada

Verse 20

Hillaacu wuxuu sigaa inuu indho tiro, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaada dushooda way joogsadaan. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu xaqiiq tiri lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Allaah wax walba Wuu Karaa

Verse 21

Dadow! Caabuda Rabbigiin, ee idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyayba, bal inaad u hoggaansantaan

Verse 22

(Isaga weeye) Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, oo ka soo shuba daruurta biyo, markaas ku soo saara miraha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Allaah shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon(inaysan jirin cid la mid ah)

Verse 23

Oo haddaad ka shakisan tihiin waxa aan u soo waxyoonnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad), haddaba keena Suurad la mid ah, oo u yeerta taageerayaashiinna Allaah ka sokow, haddaad tihiin run sheegayaal

Verse 24

Haddii se aydaan falin, marnabana ma fali doontaane, hadddaba iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan, taasoo loo diyaarshay gaalada

Verse 25

Oo ugu bishaaree kuwa rumeysan oo samaha fala, inay mudan doonaan beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo miro, Waxay odhan doonaan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, oo waxaa la siiyey kuwo kale oo u eg, oo waxay ku yeelan doonaan dhexdeeda afooyin la daahiriyey, oo waa ay ku dhex waari doonaan

Verse 26

Hubaal Allaah kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale- kaneeco ama wax ka sii yarba6. Ma xagga kuwa rumeysan, way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, ma kuwase rumeysan waaya, waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Allaah tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, oo ku hanuuniyaa in badan. Oo kuma habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha

Verse 27

Kuwa ka baxa ballanka Ilaahay kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Allaah uu amray in la xidhiidhiyo, ee ku fala fasahaad arlada, kuwan weeye kuwa iyagu ku sugan khasaaraha weyni

Verse 28

Sidee baad ugu gaaloobeysaan Allaah idinkoo ahaa meyti, buu markaa idin soo nooleeyey, haddana sababi doonaa inaad dhimataan, haddana dib idin soo nooleyn doonaa, haddana Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa

Verse 29

Waa Isaga Kan idiin abuuray waxa dhulka korkiisa ah oo dhan. markaas wuxuu abbaaray xagga samada, markaas ka dhigay toddobo samood, oo Isagu wax waliba Ogsoon

Verse 30

Oo waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan dhigayaa dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Waa la yaabe! ma waxaad dhigi doontaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga, oo ku xurmo weyneyna. Wuxuu yidhi: hubaal Waxaan Anigu ogahay wax aydaan ogeyn

Verse 31

Oo wuxuu baray Aadam magacyada oo idil, markaas buu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddii aad tihiin run sheegayaal

Verse 32

Waxa yidhaahdeen: Xurmo oo dhan Adigaa baa iska leh! Ma lihin cilmi aan aheyn waxa aad na bartay. Hubaal waa Adiga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah

Verse 33

Wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markaasuu markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan anigu hubaal ogahay waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arladaba, oo waxaan ogahay waxa aad muujisaan iyo waxa aad idinku qarinayseenba

Verse 34

Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaas bay sujuudeen Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ka mid ahaaday gaalada

Verse 35

Oo Waxaanu nidhi: Aadamow! Dega adiga iyo afadaaduba Jannada, oo ku cuna badhaadhe iyo bashbash meeshaad ka doontaanba, hase u dhowaannina geedkan haddii kale waxaad ka mid noqon doontaan geflowyda

Verse 36

Shaydaanka baase ka yeelay labadoodaba inay ka soo dhaadhacaan oo sababay inay ka soo baxaan (xaaladdaa) ay ku jireen; oo Waxaanu nidhi: Ka dega, (dhammaantiin) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Oo waxaad ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh

Verse 37

Markaas buu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey8, oo wuxuu ka aqbalay towbadiisa. hubaal Waa Isaga (Allaah) Towbad Aqbalaha, Naxariista Badan

Verse 38

Waxaanu nidhi: Ka degta xaggeeda dhammaantiin, oo markuu Xaggayga idiinka yimaado hanuun, haddaba qofkii raaca Hanuunkayga, ma cabsi qabi doonaan, mana murugoon doonaan

Verse 39

Oo (ma) kuwa (Xaqa) rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, waa iyaga ehlu-Naarka, gudaheeda bay ku dhex waari doonaan weligood

Verse 40

Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddayda aan idiinku nicmeeyey, oo oofiya ballanteyda (idin saaran), waxaan oofin doonaa ballantaan idinka qaaday, oo Anigoo Keliya iga cabsada

Verse 41

Oo Rumeeya waxa aan soo waxyooday oo xaqiijinaya waxa aad haysataan, oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee Xaqa diida, oo ha siisannina aayadahayga qiimo yar, oo Anigoo Keliya iga cabsada

Verse 42

Oo ha ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah, hana qarinnina Xaqa idinkoo ogsoon

Verse 43

Oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, oo la rukuuca jamaca Rukuucayaasha

Verse 44

Waa la yaabe! Ma waxaad amartaan samaan dadka oo hilmaantaan nafahiinna9 idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan haddaba garaadsan

Verse 45

Oo kaalmaysta Sabarka iyo salaaddda, oo hubaal waa wax ku culus waxaan ahayn kal samayaasha

Verse 46

Kuwa huba inay la kulmi doonaan Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u soo laaban doonaan

Verse 47

Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmad- deyda aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka doortay dadkii (waqtigiinna)

Verse 48

Oo iska jira Maalin marka aysan nafi wax u tari doonin naf kale, oo aan laga aqbali doonin shafeeco, oo laga qaadan doonin madax furasho, loona gargaari doonin

Verse 49

Oo waa tii aan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon10, ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna, oo waxaa taas ku sugnaa imtixaan weyn oo xagga Rabbigiin ah

Verse 50

Oo waa tii aan idiin dhanballay badda, oo idin badbaadinnay, oo qarqinnay dadkii Fircoon idinkoo arkayey

Verse 51

Oo waa tii aan la sameennay ballan Muuse muddo afartan habeen ah, markaas aad sameysateen dibi (aad caabuddaan) kaddib (markuu tagey), oo waxaad ahaydeen gar ma qaatayaal

Verse 52

Markaasaan idin cafinnay intaas oo dhan kaddib bal inaad mahad naqdaan

Verse 53

Oo waa tii aan siinnay Muuse Kitaabka iyo kala saaraha, bal inaad hanuuntaan

Verse 54

Oo waa tii uu Muuse ku yidhi dadkiisii: Dadkaygiiyow! Xaqiiq Waxaad u gefteen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga(ilaah). Ee u towbad keena Uumihiinna oo dila nafahiinna11, Sidaas baa idiin khayr badan (dhammaantiin) Uumihiinna xaggiisa, mar- kaasuu idinka aqbalay towbaddiinnii, waa Isaga towbad aqbalaha, Naxariista badan

Verse 55

Oo waa tii aad tidhaahdeen: Muusow! Kuma rumeysan doonno marnaba jeer aan u aragno Allaah si caddaan ah. markaasaa biriq idinku dhacday idinkoo arkayey

Verse 56

Haddana waan idin soo nooleynay dhimashadiinnii kaddib, bal inaad mahad naqdaan

Verse 57

Oo Waxaan har idiinka yeellay daruuraha, oo idiin soo dejinnay Manna (wax macaan malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimibireed sida Samaanka):Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan aanu idin siinnay; oo Annaga waxba nooma ay dhimine, laakiinse waxay (uun) u gafayeen nafahooda

Verse 58

Oo waa tii aan nidhi: Gala magaaladan (Qudus), oo wax ka cuna meeshaad doontaanba bashbash iyo barwaaqo, oo gala albaabka idinkoo hoggaansan oo dhaha: Naga rid culeysyadayada (dambiyada), Waanu idiin dhaafi doonnaa (markaa) gafafkiinna, oo waxaanu u kordhin doonaa sama falayaasha (ajar)

Verse 59

Kuwaasi se ahaa gar ma qaatayaasha waxay ku beddeleen (ereyadaa) weedh aan ahayn taasi lagu yidhi, markaasaan waxaan ku soo dejinnay kuwii gefka geystey cadaab (daacuun) kaga yimid samada caasintoodii darteed

Verse 60

Oo waa tii uu Muuse u biyo doonay dadkiisii, markaas baan ku nidhi: Ku dhufo ushaada dhagaxa, waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood. Waxay (qolo) walbaa ogaadeen halka ay ka cabbayaan biyaha. Cuna oo wax ka cabba risiqa Ilaahay oo ha ugu dhaqmina si foolxun arlada idinkoo ku faafinaya fasahaad

Verse 61

Oo waa tii aad tidhaahdeen: Muusow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah. Ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro'e waxa dhulka ka soo baxa, oo bagalkiisa leh iyo qiyaarkiisa iyo sareenkiisa iyo toonstiisa iyo digirtiisa iyo basashiisaba. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad ku beddelaneysaan waxa khayr roon wax ka hooseeya? Dega magaalo uun, waxaad hubaal ka heli doontaan waxa aad dalabteen. Oo dulli iyo darxumo baa lagu daboolay, oo la laabteen Cadho xagga Ilaahay (oo dushooda ah). Taasi waxaa ugu wacnaa waxay (marar badan) diideen Aayadaha Ilaahay, oo ku dileen Nabiyada gar darro. Taasi waxaa ugu wacnaa inay caasiyoobeen oo xadgudbi jireen

Verse 62

Hubaal kuwa rumeeyey iyo kuwaa heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ahaa ee rumeeyey Allaah iyo Maalinta dambeysa oo sama falay, waxay ka heli doonaan abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan

Verse 63

Oo waa tii aan idinka qaadnay ballan adag, oo kor u soo qaadnay Buurta dushiinna (Annagoo leh): Ku qaata waxa aan idin siinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusa waxa ku yaal, si aad isaga jirtaan (xumaha)

Verse 64

Markaas baad intaas kaddib jeesateen. Oo haddaanu Fadliga Ilaahay iyo Naxariistiisu korkiinna ahaateen, waxaad hubaal ka mid ahaan laheydeen kuwa khasaaray

Verse 65

Oo xaqiiq waxaad ogaateen kuwaas idinka mid ah ee ku xadgudbay arrinkii Sabtida, oo Waxaanu ku nidhi: Noqda (sida) daayeerro dulleysan oo deyro ah

Verse 66

Oo waxaan uga dhignay ciqaab celisa kuwaa ahaa goob joogga iyo kuwa ka dambeeyeyba iyo waano ay ku cbirad qaataan kuwa iska jira (xumaha)

Verse 67

Oo waa tii uu Muuse ku yidhi tolkiisii: hubaal Allaah wuxuu idin amrayaa inaad gowracdaan sac12. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu ciyaareysaa. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Allaah inaan ka mid noqdo jaahiliinta

Verse 68

Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa; inuu noo caddeeyo waxa ay tahay. (Muuse) wuxuu yidhi: (Allaah) Wuxuu leeyahay, waa sac aan duq aheyn iyo ugub midna, oo u dhexeysa labadaa xaaladood; ee fala waxa la idin amray

Verse 69

Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waa maxay midabkeedu. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, Waa sac huruud ah oo midabkeedu huruud aad ah yahay, ay u bogayaan arkayaasha

Verse 70

Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxa ay tahay. Hubaal lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, oo haddii Allaah idmo waxaan hubaal ahaan doonnaa kuwo hanuunsan

Verse 71

Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoo ay niyad u heyn inay sameeyaanba

Verse 72

Oo waa tii aad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allaah se wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxa aad qarineyseen

Verse 73

Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) waax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaas buu Allaah u soo nooleeyaa meytida, oo wuxuu idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan

Verse 74

Markaas quluubtiinnu way qallashay intaa kaddib, oo waa sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo hubaal waxaa jira dhagaxyo qaar ay ka soo burqadaan wabiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Ilaahay darteed13. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

Verse 75

Ee ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan14 iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Ilaahay, oo markaas beddelaan (Towraadda)15 intay fahmeen kaddib iyagoo ogsoon

Verse 76

Oo markay la kulmaan kuwa rumeysan, waxay yidhaahdaan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad idinku uga warrameysaan waxa Allaah idiin caddeeyey, si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan haddaba garaad lahayn

Verse 77

Mawaysan se ogayn in Allaah ogsoon yahay waxa ay qariyaan iyo waxa ay muujiyaanba

Verse 78

Oo waxaa ka mid ah caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, wax se iska maleeya uun

Verse 79

Ee hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka isla gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Ilaahay, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxa ay gacmahooda qoreen darteed, oo hoog bay leeyihiin waxa ay kasbadaan darteed

Verse 80

Oo waxay yidhaahdaan: Marnaba Naari nama taaban doonto waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Ilaahay, marka Allaah ma ka bixi doono ballankiisa? Mise waxaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan ogeyn

Verse 81

Haayoo, Qofkii kasbadaa xume ee uu gefkiisu hareereeyo, kuwaasu waa ehlu Naar, way ku dhex waari doonaan

Verse 82

oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo samaha fala16, kuwaasu waa ehlu Jannada, way ku dhex waari doonaan weligood

Verse 83

Oo waa tii aan la galnay ballan Ilmahii Isaraa’iil: Ha caabudina waxaan ahayn Allaah, oo waalidka u sama fala, iyo qaraabada iyo agoomaha iyo masaakiinta, oo kula hadla dadka hadallo san, oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Zakada, markaas baad jeesateen in yar oo idinka mid ah maahee oo (imminkana sidoo kale) dhinac baad u jeesataan

Verse 84

Oo waa tii aan idinla gallay ballan (leh): Ha daadinnina dhiiggiinna (midkiinba midka kale), ama ha iska qaxinnina guryahiinna, markaas aad qirteen (tani) idinkaana marag ka ah

Verse 85

Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qaxinaya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn dambi iyo colaad. Oo hadday idiin yimaadaan iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qaxintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad haddaba rumeysaan qaar ka mid ah Kitaabka oo diiddaan in kale oo ka mid ah17? Oo muxuu yahay haddaba abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya waxaan aheyn dulli nolosha adduunkan ah, oo Maalinta Qiyaamaha waxaa loo celin doonaa cadaab tan ugu daran. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

Verse 86

Kuwaanu waa kuwa gata nolosha adduunkan halkii Aakhirada, sidaas awgeed cadaabta lagama khafiifin doono loomana gargaari doono

Verse 87

Oo xaqiiq Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, oo waxaan soo dirnay Rusul isaga kaddib midba mid kale xigsaday. Oo Waxaanu siinnay Ciise ina Maryam, xujooyin cad oo ku xoojinnay Ruuxda daahirka ah (Jabriil). Waa la yaabe! Mar walba uu Rasuul idiinla yimaado waxaanay nafahiiinnu rabin, baad is kibrisaan markaas qaar beenisaan, qaarna disheen

Verse 88

Oo waxay yidhaahdaan: Quluubtayada waa qufulan yihiin. Mayee, Allaah baa ku nacladay gaalnimadooda darteed, marka waa wax yar intay rumeeyaan

Verse 89

Oo markuu u yimid Kitaab ka yimid xagga Ilaahay xaqiijinaya waxa ay haystaan, iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markiise uu halkaa u yimid (Nabi) ay aqoonsadeen bay rumayn diideen. Ee nacladda Ilaahay dushooda ha ahaato gaalada

Verse 90

Xumaa waxa ay ku gateen nafahooda, inay diidaan waxa Allaah soo waxyooday xasad darti in Allaah uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho18. Oo gaaladu waxay mudan doonanan cadaab aad u dulleysa

Verse 91

Oo marka lagu yidhaahdo, Rumeeya waxa Allaah soo waxyooday, waxay yidhaahdaan: Waxaanu rumeysannahay waxa naloo soo waxyooday. Oo waxay beeniyaan waxa la barbar ah, isagoo xaq ah xaqiijinaya waxa ay haystaan. Dheh: Maxaad haddaba u disheen Anbiyadii Ilaahay kal hore, haddii aad aheydeen run ahaan mu’miniin

Verse 92

Oo xaqiiq Muuse wuxuu idiin la yimid xujooyin cad, markaas baad ka dhigateen dibi (ilaah ahaan) maqnaashahiisii oo waxaad tihiin gar ma qaatayaal

Verse 93

Oo waa tii aan idinla galnay ballan, oo kor u qaadnay Buurta dushiinna: Xagsada waxaanu idin siinnay (Towraadda) si sugnaan leh oo ahaada daacad wax maqla. Waxay yidhaahdeen: Waanu maqallaa oo caasinnaa. Oo waxaa la waraabiyey Quluubtooda (jaceylka) dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed. Dheh: Xumaa wuxuu iimaankiinnu idinku amro haddaad tihiin mu’miniin

Verse 94

Dheh: Haddii daarta Aakhiro Allaah agtii ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, bal janta dhimasho haddaad tihiin run sheegayaal

Verse 95

Mase jaman doonaan waligood, waxa ay geysteen gacmahoodu awgii. Oo Allaah waa ogsoon yahay gar ma qaatayaasha

Verse 96

Oo hubaal waxaad xaqiiq heli doontaa inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu damcid badan noolaansho, (oo waxay ka sii damac badan yihiin) weliba kuwaa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Oo cimir dherer kama riixi doono in yarna ha ahaatee cadaabta uu mudan yahay. Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan

Verse 97

Dheh: Qofkii u ah cadow Jabriil – hubaal wuxuu ugu soo waxyooday qalbigaaga Idanka Ilaahay, isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey, oo hanuun iyo bishaaro u sida mu’miniinta

Verse 98

Qofkii cadow u ah Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Rusushiisa iyo Jabriil iyo Miikaal, haddaba hubaal Allaah waa u cadow gaalada

Verse 99

Oo xaqiiq Waxaan kuu soo waxyoonnay xujooyin cad, oo ma beeniyaan waxaan aheyn caasiyaasha

Verse 100

Waa la yaabe! Mar kasta oo ay ballan galaan, waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu maba ay rumeysna

Verse 101

Oo markuu halkaa ugu yimid Rasuul ka yimid xagga Ilaahay oo xaqiijinaya waxa ay haystaan, ayaa koox ka mid ahi kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda) ka tuureen Kitaabka Ilaahay dhabarradooda gadaashood,sidii oo ayna waxba garaneyn

Verse 102

Oo waxay raaceen waxay shayaadiintu sixir shubayeen19 waqtiga xukunkii Sulaymaan. Oo Sulaymaan ma gaaloobin, laakiinse shayaadiinta baa gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, hubaal innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa wax ay ku kala furi kareen nin iyo afadiis, oo kuma waxyeelleyn karaan cidna Isagoo Allaah idmo ma’ahee. Oo waxay barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Oo xaqiiq waxay og yihiin kan iibsaday inaanu ku lahaan doonin wax saami wanaagsan ah Aakhirada. Oo xumaa qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, haddii ay ogaan lahaayeen

Verse 103

Oo hadday rumeeyaan, oo ka joogaan xumaha, abaalgudka Ilaahay baa u khayr badan, hadday ogaan lahaayeen

Verse 104

Mu’miniintoy! Ha odhannina Raacinaa (na dhowr, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, "undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn) oo ahaada daacad wax maqla. Oo gaaladu waxay mudan cadaab xanuun badan

Verse 105

Kuwa (Xaqa) rumeyn diida ee ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiintaba ma jecla in wax khayr ahi idiinkaga yimaado xagga Rabbigiin. Oo Allaah wuxuu ugu doortaa si gaar ah Naxariistiisa kuu doono. Oo Allaah waa Rabbiga leh Fadliga weyn

Verse 106

Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Allaah wax walba Karo

Verse 107

Oo miyaadan ogeyn in Allaah leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Allaah sokoadi gacal iyo gargaare midna

Verse 108

Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan20 Rasuulkiinna sidii Muuse horey loogu su'aalay. Oo qofkii qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu xaqiiq ka lumay jidka toosan

Verse 109

In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Allaah uu ka keeno Amarkiisa. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa

Verse 110

Oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Zakada, oo wax waliboo khayr ah aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli doontaan Allaah agtii. Hubaal, Allaah waa Arkaa waxa aad fashaan

Verse 111

Oo waxay yidhaahdaan: Qofna ma geli doono Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran21. Dheh: Keena caddayntiinna haddii aad tihiin run sheegayaal

Verse 112

Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Allaah oo isagu sama fale ah, wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa xagga Rabbigiis, oo cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan

Verse 113

Oo Yuhuudi waxay yidhaahdaan: Nasaaradu (Kirishtaanku) ma raacaan waxba wanaagsan; oo Nasaaradu waxay yidhaahdaan: Yuhuudi ma raacaan waxba wanaagsan; iyagoo akhriya isku hal kitaab. weliba sidaas oo kale bay yidhaahdaan kuwaasi aan cilmiga lahayn, sida waxa ay yidhaahdaan oo kale. Ee Allaah baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafsan yihiin

Verse 114

Oo yaa ka gef badan kan u diida (dadka) Masaajidda Ilaahay, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi doonaan dulli adduunkan, oo waxay mudan doonaan cadaab weyn Aakhirada

Verse 115

Oo Allaah baa iska leh bariga iyo galbeedkaba, sidaas awgeed meel kastoo aad u jeedsataan waxaa jira Wejiga Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

Verse 116

Oo waxay yidhaahdaan: Allaah wuxuu leeyahay wiil. Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo hufan. bal wuxuu leeyahay wax walba oo jira samooyinka iyo arlada, dhammaan Isaga bay adeecsan yihiin

Verse 117

Waa unkaha samooyinka iyo arlada. Oo marka uu arrin gooyo, Wuxuu uun ku yidhaahdaa, Ahow, markaa wuuba yahay

Verse 118

Oo kuwa aan waxba ogeyni waxay yidhaahdaan: Oo muxuu Allaah noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Xaqiiq Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan dad iyagu yaqiinsan

Verse 119

Hubaal Waxaan Annagu kula soo dirnay Xaqa, bishaareeye iyo dige ahaan, oo waxna lagaama weydiin doono asxaabta dabka ololaya

Verse 120

Marnaba kaama raalli noqon doonaan Yuhuuddda iyo Nasaaradu (Kirishtaanku) jeer aad raacdo diintooda. Dheh: hubaal Hanuunka Ilaahay, kaas baa ah hanuunka (Xaqa ah). Oo haddaad raacdo rabitaannadooda kaddib cilmiga kuu yimid, kuma lahaaan doontid xagga Ilaahay gacal iyo gargaare midna

Verse 121

Kuwa aanu siinnay Kitaabka baa u akhriya sida ay tahay in loo akhriyo22, kuwaan baa rumeysan. Oo qofkii rumeysan diida kuwan weeye kuwa ah khasaaro qabayaasha

Verse 122

Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddeyda aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idinka kor marshay ummadahii (jiray waqtigiinnii)

Verse 123

Oo iska jira Maalin nafi aanay wax u tari doonin naf kale, oo madax furasho aan laga yeeli doonin, oo shafeeco aanay wax u tari doonin oo aan loo gargaari doonin

Verse 124

Oo waa tii uu Rabbigi ku imtixaanay Ibraahiim ereyo cayiman, markaasuu wada oofiyey. Wuxuu yidhi: Hubaal Waxaan kaaga dhigayaa Imaam dadka. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Iyo qaar ka mid durriyadeydaba Wuxuu yidhi: Axdigeyga kuma jiraan gar ma qaatayaasha

Verse 125

Oo waa tii aan ka dhignay Beydka rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Oo ka dhigta meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Oo Waxaanu xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beydkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda

Verse 126

Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig tani maagalo nabad ah, oo ku galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Wuxuu yidhi: oo qofkii rumeyn diida, waxaan u raaxeyn doonaa in yar, markaas kaddib waxaanu ku dirqin doonaa cadaabta Naarta,oo ugu xun meel la ahaado

Verse 127

Oo waa tii uu Ibraahiim kor u qaadayey aasaaska Beydka iyo Ismaaciilba (iyagoo leh): Rabbiyow! Naga aqbal, hubaal Waxaad Adigu tahay Maqlaha wax kasta ee wax kasta Ogsoon

Verse 128

Rabbiyow! Oo naga yeel labadayaba kuwa kuu hoggaansan, oo (ka soo saar) durriyaddayada ummad kuu hoggaansan, oo na tus hababkayaga cibaadeysiga, oo noogu soo noqo (si naxariis leh). Hubaal Waxaad Adigu tahay Kan u soo noqoshada badan (Naxariista), aad u Naxariista Badan

Verse 129

Rabbiyow! Oo ka soo dhex bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya Aayadahaaga oo bara Kitaabka iyo Xikmadda oo daahiriya. Hubaal Waxaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah

Verse 130

Oo yaa isaga taga diinta Ibraahiim, mid is caqli tira maahee? Oo hubaal Waxaan ku doorannay adduunkan, oo hubaal Aakhirada wuxuu xaqiiq ka mid yahay kuwa wanaagsan

Verse 131

Waa tii uu Rabbigii ku yidhi: Hoggaansan, wuxuu yidhi: Waxaan u hoggaansanahay Rabbiga uunanka

Verse 132

Oo isla arrinkaa buu Ibraahiim ku faral yeelay ilmahiisii, oo (sidaa buu yeelay) Yacquub: Wiilashaydow! Hubaal Allaah wuxuu idiin doortay diintan (Islaamka) ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn

Verse 133

Mise waxaad aheydeen goob joog markay geeridu u timid Yacquub? Markuu ku yidhi wiilashiisii: Maxaad caabudi doontaan aniga kaddib? Waxay yidhaahdeen: Waxaan caabudeynaa Ilaahaaga iyo Ilaaha aabbayaashaa Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo isxaaq, oo ilaah keliya ah, oo Isaga baanu u hoggansannahay Muslimiin ahaan

Verse 134

Tani waa ummad tagtay: Waxay heli doonaan waxay kasbadeen, oo idinkuna waxaad heli doontaan waxaad kasbataan. oo ma la idin weydiin doono inaad ka jawaab bixisaan waxay faleen

Verse 135

Oo waxay yidhaahdaan: Noqda Yuhuud ama Nasaaro, waad hanuuni doontaane. Dheh: Mayee, (waxaanu raaceynaa) diintii Ibraahiim, toosnahii, oo kama aanu mid aheyn mushrikiinta

Verse 136

Dhaha: Waxaanu rumaysannah Allaah iyo waxa naloo soo waxyooday iyo wixii loo soo waxyooday Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Oo ma kala sooceyno axad ka mid ah, oo Isaga baan u hoggaansannahay

Verse 137

Haddii haddaba ay rumeystaan sida aad u rumaysan tihiin oo kale, xaqiiq waa kuwo hanuunsan, haddiise ay jeestaan haddaba waxay uun ku sugan yihiiin cinaad fog. marka Allaah baa kaaga filnaan doona. Oo Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon

Verse 138

Qaata Aslidda Ilaahay, oo yaa ka wanaagsan Allaah aslid ahaan. Oo Isagoo (Keliya) baanu caabudnaa

Verse 139

Dheh: Ma waxaad nagala dooddaan arrinka Ilaahay Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba? Oo waxaanu mudan doonnaa acmaashayada, idinkuna waxaad mudan doontaan acmaashiinna. Oo innagu Isagaan daacad u nahay

Verse 140

Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinka baa ogsoon mise Allaah? Oo yaa ka gef badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Ilaahay? Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

Verse 141

Tani waa ummad tagtay. Waxay mudan doonaan (abaalka) waxay kasabtay, idinkuna waxaad mudan doontaan waxa aad kasbataan. Oo la idinma weydiin doono inaad ka jawaab bixisaan waxay faleen

Verse 142

Maangaabyada ku dhex jira dadka (Yuhuudda iyo mushrikiinta) waxay odhan doonaan: Maxaa ka duway qibladdooda ay lahaayeen23? Dheh: Bariga iyo galbeedkaba waxaa iska leh oo keliya Allaah; Wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jidka Toosan

Verse 143

Oo sidaas baan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka24, iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Oo kama aanaan dhigin qiblad tan aad lahayd, waxaan ahayn inaan ku kala muujinno kan raaca Rasuulka iyo kan ciribihiisa rogta. Oo tani waxay aheyd hubaal wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Allaah. Oo Allaah ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaaddiinnii hore). hubaal, Allaah dadka waa u Turid, iyo Naxariis Badan yahay

Verse 144

Xaqiiq waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin dooonnaa Qiblad aad jecleysan doonto, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), oo meel kastoo aad joogtaanba, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Oo kuwa la siiyey Kitaabka hubaal way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

Verse 145

Oo weliba haddaad u keento kuwa (madaxa adag) ee la siiyey kitaabka calaamo kasta ma ay raacayaan Qibladdaada, Adiguna ma ahid mid raacaya qibladdooda. Iyaguna ma aha kuwo raacaya Qibladda mid walbaa midka kale. Oo haddaad raacdo rabitaannadooda liita kaddib cilmiga kuu yimid, markaa waxaad hubaal ka mid noqon doontaa geflowyada

Verse 146

Kuwa aanu siinnay Kitaabka waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) sida ay u gartaan wiilashooda. Oo hubaal koox ka mid ahi waxay xaqiiq qariyaan xaqa iyagoo ogsoon

Verse 147

Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabayaasha

Verse 148

Oo mid walba wuxuu leeyahay jiho ay tahay inuu u jeesto. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Allaah wuu idin wada keeni doonaa idinkoo dhan. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa

Verse 149

Oo meel kastoo aad ka soo baxdo, u jeedi wejigaaga xagga Masjidka xurmadda gaarka ah lihi; oo hubaal waa xaq kaaga yimid xagga Rabbigaa, Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan

Verse 150

Oo meel kasta aad ka soo baxdo, u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi, oo meel kastoo aad joogtaan u jeediya wejiyadiinna jihadiisa, si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwaa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee iga baqa, waa si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan

Verse 151

Waliba sida aan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan hore u aqoon

Verse 152

Ee i xusa, waan idin xusiye25, oo ii mahad naqa oo ha iga abaal dhicina

Verse 153

Mu’miniintoy! Kaalmaysta sabarka iyo salaadda. Hubaal! Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha

Verse 154

Oo ha ka odhannina kuwa lagu dilo jidka Ilaahay waa meyd; mayee way nool yihiin, laakiinse waydaan dareemeyn

Verse 155

Oo waxaan hubaal idinku imtixaani doonnaa xaqiiq wax xoogay cabsi ah iyo gaajo iyo nusqaamin maalka iyo nafaha iyo mirahaba ah, ee u bishaaree kuwa samir yeesha

Verse 156

Kuwa marka ay ku dhacdo musiibo, yidhaahda: Hubaal Allaah baa na leh27 oo innagu hubaal xaggiisaan u noqon doonnaa

Verse 157

Kuwaasi weeye kuwa ay korkooda yihiin barakooyin xagga Rabbigood iyo naxariis, oo kuwaas weeye kuwa hanuunsan

Verse 158

Hubaal Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Allaah. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beydka ama soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa dhexdood28, oo qofkii iskiis u fala khayr badan, haddaba hubaal Allaah waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon

Verse 159

Hubaal kuwa qariya29 xujooyinka cad iyo hanuunka aan soo waxyoonnay, kaddib markaanu ugu caddeynay dadka Kitaabka, kuwani weeye kuwa uu Allaah nacladi doono, oo kuwaa wax naclada ay nacladi doonaan (sidoo kale)

Verse 160

Marka laga reebo kuwa toobad keena ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa). Kuwani weeye kuwa aan ugu soo noqdo (si naxariis leh). Oo Anigu waxaan ahay midka u soo noqoshoda badan (naxariista), aadka u Naxariista Badan

Verse 161

Hubaal kuwa rumeysan diida oo dhinta iyagoo gaalo ah, kuwan weeye kuwa ay korkooda tahay Nacaladda Ilaahay, iyo malaa’igta iyo dadka oo dhan

Verse 162

Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabta lagama khafiifin doono, mana la siiin doono nafis

Verse 163

Oo IIaahiinnu waa Ilaah keliya, ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Naxariistaha, Naxariista Badan

Verse 164

Hubaal Abuurista samooyinka iyo arlada iyo is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo doonyaha kula dhex maaxa badda wax anfaca dadka, iyo waxa uu Allaah ka soo shubo daruurta oo biyo ah ee uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, oo uu ku fidsho gudaheeda (nooc) kasta ee nafleyda ah, iyo isbeddelka dabaylaha iyo daruuraha la sakhiray samooyinka iyo arlada dhexdooda, waxaa hubaal ugu sugan calaamooyin dad garasho leh

Verse 165

Oo waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Allaah sokadi wax ay la mid dhigaan ay u jecel yihiin sida ay u jecel yihiin Allaah. Kuwaase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Allaah. Oo hadday arki lahaayeen kuwaa gar ma qaatayaasha ahi, marka ay arkaan cadaabta, in Xoog oo dhan uu leeyahay Allaah, iyo in Allaah ay Daran tahay Cadaabtiisu

Verse 166

Marka kuwa la raacay ay dhaleeceyn doonaan kuwa raacay, oo ay arkaan cadaabta, oo uu kala go'o xiriirkoodii

Verse 167

Oo kuwa raacay waxay odhan doonaan: Haddii oo keliya aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan u dhaleeceyn lahayn sida ay noo dhaleeceeyeenba. Sidaas buu Allaah u tusi doonaa acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Oo iyagu kama soo bixi doonaan Naarta

Verse 168

Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan30 waxa laga helo dhulka, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. hubaal wuxuu idiin yahay cadow iska cad

Verse 169

Wuxuu (Shaydaan) uun idinku amraa xume iyo anshax darro, iyo inaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan u lahayn aqoon

Verse 170

Oo marka lagu yidhaahdo, Raaca waxa uu Allaah soo waxyooday, waxay yidhaahdaan: Mayee! Waxaanu raacnaa waxa aan ka hellay Aabbayaashayo. ma walow aanay aabbayaashood waxba garaneyn, oo ayan hanuunsanayn

Verse 171

Oo mataalka gaalada waa sida mataalka mid u dhawaaqa waxaa aan maqlayn waxaan ahayn qaylo iyo dhawaaq. Dhego la’, af la’, oo indho la’. Marka wax ma fahmaan

Verse 172

Mu’miniintoy! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan31 oo aan idinku galladeysannay, oo u mahad naqa Allaah, hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan

Verse 173

Wuxuu uun idinka xaaraameeyay xoolaha iskood u dhinta, iyo dhiig, iyo hilib doofaar, iyo waxaa dushooda lagu xusay magac kale aan ahayn kaa Allaah. Qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanan dooneyn oo aan xad gudbeyn, ma jiro wax dambi ah oo saaran korkiis. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 174

Hubaal kuwa qariya wax ka mid ah Kitaabka uu Allaah soo waxyooday oo ku qaata qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Oo Allaah lama hadli doono Maalinta Qiyaamaha, mana daahirin doono, oo waxay mudan cadaab aad u xanuun badan

Verse 175

Kuwan weeye kuwa iibsada habowga halkii Hanuunka, iyo cadaab halkii Dambi Dhaafka. Ee intee buu yahay adkeysigoodu ay ku qaabilaan Naar

Verse 176

Tani waa inuu Allaah ku soo waxyooday Kitaabka Xaq. Oo hubaal kuwa isku khilaafa Kitaabka waxay ku sugan yihiin cinaad aad u fog

Verse 177

Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; laakiinse waxaa sama ah inuu qofku rumeysan yahay Allaah iyo Maalinta dambeysa iyo Malaa’igta iyo Kitaabka iyo Nabiyada, oo siiya maalka isagoo jecel32 kuwaa qaraabada ah iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), iyo kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, oo oofiya ballantooda marka ay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga iyo jirrada iyo waqtiga dagaalka- Kuwan weeye kuwa ay runta ka tahay, oo kuwan weeye kuwa iska jira (xumaha)

Verse 178

Mu’miniintoy! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, oo waa in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Tani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu mudan cadaab aad u xanuun badan

Verse 179

Oo waxaa idiinku sugan nolol xeerka dhaawac simidda dadka wax garadkow, si aad isu ilaalisaan

Verse 180

Dardaaran baa la idinku waajibiyey33 markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaraamo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah. Waa xil saaran kuwa iska jira (xumaha)

Verse 181

Ee Qofkii beddela (dardaaranka) inta uu maqlay kaddib, dambigeedu markaa wuxuu saaran yahay oo keliya kuwa beddela. hubaal Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

Verse 182

Qofkiise uga cabsada eex ama dambi dardaaramaha ee ka sameeya heshiis35 qolooyinkaa dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna dambi korkiisa. hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 183

Mu’miniintoy! Waxaa la idinku faral yeelay soon36, sidii loogu faral yeelayba kuwii idinka horreeyay, si aad isaga jirtaan (xumaha)

Verse 184

Maalmo tirsan, ee qofkii idinka mid ah ee buka ama safar ah, markaa waxaa saaran (inuu soomo) isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. oo kuwaa aan awoodin37 waxaa saaran fidyo ah inay quudiyaan miskiin38. Ee qofkii iskii u falaa khayr si wanaagsan, isaga bay u roon tahay. Oo inaad soontaan baa idiin khayr badan haddaad og tihiin

Verse 185

Bisha Ramadaan waa kaasi dhexdiisa Qur’aanka la soo waxyooday, hanuun u ah dadka iyo xujooyinka cad ee leh hanuunka iyo kala saaridda. ee qofkii idinka mid ah ee jooga bisha waa inuu soomo inta lagu jiro, oo qofkii buka ama safar ah waxaa saaran isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Allaah wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays, oo (wuxuu rabaa) inaad dhammeystirtaan tirada (maalmaha) iyo inaad xurmo weyneysaan Allaah inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad mahad naqdaan

Verse 186

Oo markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, haddaba Waxaan hubaal Anigu ahay mid aad u dhow, waxaan ajiibaa baryada baryootamaha markuu i baryo (dhexeeye la'aan). Marka waa inay ajiibaan baaqeyga oo i rumeeyaan, si ay u hanuunaan

Verse 187

Waxaa la idiin banneeyay inaad u galmootaan xaasaskiinna habeenka soonka. Waxay idin yihiin hu’, oo idinkuna hu’ baad u tihiin. Allaah waa uu ogaa inaad khiyaamayseen39 nafahiinna, marka wuu idiin soo noqday (si naxariis leh) oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan la xiriira iyaga oo doona waxa Allaah idiin qaddaray, oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Oo ha u tegina idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Allaah ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Allaah ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (xumaha)

Verse 188

Oo ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, hana ku doonina inaad ugu dhowaataan xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka dambi idinkoo ogsoon

Verse 189

Waxay wax kaa weydiiyaan Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Oo ma aha samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda40, waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), oo ka gala guryaha albaabbadooda, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah si aad u liibaantaan

Verse 190

Oo kula dagaallama Jidka Ilaahay kuwa idinla dagaallama, oo ha xad- gudbina. Hubaal Allaah ma jecla xad gudbayaasha

Verse 191

Oo ku dila meeshaad ka heshaanba, oo ka saara meeshay idinka saareenba. Oo fidnada baa ka daran dilka Oo ha kula dagaal gelina Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi agtiisa in maahee ay iyugu (marka hore) idinkula dagaalaan. Haddiise ay idinkula dagaallamaan la dagaallama. Waa sidaas abaal marinta gaaladuye

Verse 192

Haddiise ay ka joogaan (xumaha), haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan

Verse 193

Oo la dagaallama si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi, oo Diintu u ahaato tan Allaah oo keliya. Oo hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn gar ma qaatayaasha

Verse 194

Bisha xurmadda gaarka ahi leh waxay u go’daa bisha xurmadda gaarka ah leh, oo dhammaan waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihina waxaa jira qaanuunka dhaawac simidda, ee qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay41. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada inuu Allaah la jiro kuwa iska jira (xumaha)

Verse 195

Oo wax ku bixiya jidka Ilaahay, oo ha isugu tuurina gacamahiinna tahluko, oo u sama fala (dadka); hubaal Allaah wuu jecel yahay sama falayaasha

Verse 196

Oo u dhammeystira Xajka42 iyo Cumrada Allaah darti. Haddiise la idinka xannibo (dhammeystirkooda), gowraca Hadyi43 waxaad heli kartaan ah, oo ha xiirina madaxyadiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraciisa. Qofkiise idinka mid ah ee buka ama ka qaba cudur oogada madaxiisa (oo xiira timahiisa isagoo xarman), waxaa saaran fidyo ah soomid44 ama bixin sadaqo45 ama neef gowracid46, markaadse nabad tagtaan, Qofkii ka faa’ideysta inuu ku daraa Cumrada Xaj, waa inuu gowraco hadyi wixii uu heli karo ah, qofkiise aan heli karin (hadyi), waa inuu soomo seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddobo maalmood marka aad laabataan, intani waa toban buuxda. Tani waxay ku gaar tahay midka isagu aanay reerkiisu deggeneyn Masjidka Xaramka. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. oo ogaada in Allaah ciqaabtiisu daran tahay

Verse 197

Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan47. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood48 iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Oo wax kastoo khayr ah oo aad fashaan, Allaah wuu ogsoon yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, dadka wax garadka ahow

Verse 198

Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeqda Rabbigiin49. Ee markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Allaah Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa sidii uu idiin hanuuniyeyba, inkastoo tan ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan

Verse 199

Markaas ka dareera meesha uu dadku ka dareero, oo weydiista dambi dhaaf Ilaahay, hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 200

Oo markaad dhammeysataan cibaadooyinkiinna, misna Xusa Allaah sida aad u xustaan aabbayaashiin50 bal xusid ka badan51. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Rabbiyow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahaan doonin Aakhirada qaybna

Verse 201

Oo waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Rabbiyow! Nagu sii wanaag adduunka , iyo wanaag Aakhirada, oo naga badbaadi cadaabta Naarta

Verse 202

Kuwaasi waxay mudan qayb(tooda) ka mid ah waxay kasbadeen. Oo Allaah wuu ku Dhakhso Badan yahay xisaabta

Verse 203

Oo xusa Allaah inta lagu jiro maalmaha tirsan52; marka qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood, ma jiro wax dambi ah oo saaran, oo qofkii dib u hara ma jiro wax dambi ah oo saaran, (tani) waxaa iska leh kan isagu iska jira (xumaha), oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in idinku Xaggiisa la idiin soo wada kulmin doono

Verse 204

Oo waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Allaah waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka

Verse 205

Oo markuu dhabarka jeediyo, wuxuu ku socdaa arlada si uu u fasaahadiyo oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka, Oo Allaah ma jecla fasahaadka

Verse 206

Oo marka lagu yidhaahdo, iska jir (Ciqaabka) Ilaahay; qabweyni u geyso dambi. Ee Naar baa ku filan isaga oo iyadaa ugu xun gogol la dhinac dhigo

Verse 207

Oo waxaa ka mid ah dadka mid iibsha naftiisa isagoo doonaya Raalli gelinta Ilaahay54, Oo Allaah wuu u Turid Badan yahay addoomahiisa

Verse 208

Mu’miniintoy! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal! Wuxuu idiin yahay cadow iska cad

Verse 209

Haddiise aad sid-bataan kaddib iyadoo ay xujooyin cad idiin yimaadeen, markaa ogaada inuu Allaah yahay Adkaade, Xakiim ah

Verse 210

Ma waxay sugaan waxaan ahayn inuu Allaah ugu yimaado daruuro hogol ah iyo malaa’igtuba? oo arrinka (horey) baa loo gooyey. Oo xagga Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo idil

Verse 211

Weydii ilmahii Israa’iil intee baan calaamo cad siinnay. Oo qofkii beddela Nicmadda Ilaahay kaddib markay u timid, haddaba hubaal Allaah Ciqaabtiisu way daran tahay

Verse 212

Nolsoha adduunkan baa loo qurxiyey kuwa (Xaqa) aan rumeysnayn, oo waxay ku jeesjeesaan kuwa rumeysan, kuwase iska jira (shirkiga iyo macaasida), iyaga baa ka sarreyn doona oo ka kor ah Maalinta Qiyaamaha. Oo Allaah wuxuu arzaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan

Verse 213

Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Allaah soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan, oo Wuxuu u soo waxyooday Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafeen, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaasuu Allaah Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa wixii ay gudahooda isku khilaafeen. Oo Allaah wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jidka Toosan

Verse 214

Mise waxaad mooddaan inaad gelaysaan Jannada iyadoo aanay waliba idiin iman wax la mid ahi wixii u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyey? Waxaa taabtay dhib iyo qahar oo la gilgilay jeer uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay la jirki ay yidhaahdeen: Goormuu iman doonaa Gargaarka Ilaahay? Haddaba hubaal Gargaarka Ilaahay wuu dhow yahay

Verse 215

Waxay ku weydiiyaan waxa ay tahay inay bixiyaan (nafaqo ahaan). Dheh: Wax kastoo aad bixisaan oo maal ah waxaa u mudan waalidiinta iyo qaraabada iyo agoomaha, iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), Oo wax kasta oo khayr ah aad fashaan, hubaal Allaah wuu ogsoon yahay

Verse 216

Dagaallan baa la idinku farad yeelay oo waa wax aad neceb tihiin, oo waxaa laga yaabaa inaad wax nacdaan isagoo khayr idiin ah, oo waxaa laga yaabaa inaad wax jeclaataan isagoo shar idiin ah, Oo Allaah baa ogsoon, idinkuse ma ogidin

Verse 217

Waxay wax kaa weydiiyaan bisha xurmadda gaarka ahi lihi gudaheed in la dagaallamo. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, oo ka hor istaagidda dadka Jidka Ilaahay iyo beeninti, iyo ka hor istaagidda dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, baa waliba ka sii daran Allaah agti, oo fidnadaa55 ka daran dilka. Oo ma dayn doonaan (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Oo qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwani weeye kuwa ay buri doonaan camalladooda adduunka iyo aakhiradaba, oo waa iyaga ehlu Naarka; gudaheeda bayna ku waari doonaan

Verse 218

Hubaal kuwa rumeeyay iyo kuwa ka soo haajiray (guryahooda Ilaahay darti) oo dadaal ku bixiyey Jidka Ilaahay, kuwani waxay ka rajo qabaan Naxariista Ilaahay. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 219

Waxay wax kaa weydiiyaan Khamriga56 iyo Qamaarka57. Dheh: Waxaa labadaba ku jira dambi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, oo dambigooda baa ka weyn waxtarkooda. Oo waxay ku weydiiyaan maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaas buu Allaah idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan

Verse 220

Noloshatan adduunka iyo Aakhiradaba. Oo waxay wax kaa weydiiyaan agoomaha. Dheh: Inaad u hagaajiso (arrimahooda) baa khayr badan, oo haddaad shuruko la noqotaan, waa walaalihiin. Oo Allaah wuu og yahay kan wax bi’iyaha ah iyo kan wax hagaajiyaha ah. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu xaqiiq idin hor dhigi lahaa dhibaatoooyin; hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

Verse 221

Oo ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeer ay rumeeyaan, oo xaqiiq addoonad mu’minad ah baa ka khayr roon mushrikad haba idin cajabisee. Oo ha u guurinnina (gabdhihiinna mu’mindaha ah) ragga mushrikiinta ah jeer ay rumeeyaan. Oo xaqiiq addoon mu’min ah baa ka khayr roon Mushrik haba idin cajabiyee. Kuwani waxay ku baaqaan Naar, Oo Allaah wuxuu ku baaqaa Janno iyo dambi dhaaf si idankiisa ah, oo uga dhigaa caddaan Aayadahiisa dadka si ay u xusuustaan

Verse 222

Oo waxay wax kaa weydiiyaan xaylka. Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, oo ha u dhowaanina inta ay ka daahir noqdaan. Haddaba markay daahir noqdaan uga taga meesha Allaah idinku amray; Hubaal Allaah wuxuu jecel yahay kuwa in badan u soo noqda (oo toobad keena), oo wuxuu jecel yahay kuwa isdaahiriya

Verse 223

Xaasaskiinnu waxay idiin yihiin beer, ee u taga beertiinna markaad doontaanba, oo u hormrsada (khayr) nafahiinna. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada inaad la kulmi doontaan, oo u bishaaree mu'miniinta

Verse 224

Oo ha ka dhigina Allaah ku dhaarashadiina Isaga awgeed waxa idinka xanniba inaad sama fashaan oo ka joogtaan (xumaha), iyo inaad kala maslaxdaan dadka. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

Verse 225

Allaah Idiin ma qabanayo waxa aydaan ula kac iyo qasad ugu dhaaran, laakiinse wuxuu idiin qabanayaa waxa ay quluubtiinna goostaan oo u bareeraan (oo dhaar ah). Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan

Verse 226

Kuwa ka dhaarta xaasaskooda (in muddo ah inaysan u galmooneyn), waxaa la sugayaa afar bilood58, Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan

Verse 227

Haddayse goostaan furid, haddaba Allaah hubaal waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

Verse 228

Oo haweenka la furay waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), oo uma bannaaana inay qariyaan waxa uu Allaah ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo nimankooda baa u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; oo waxay (haweenku) u xaq leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo gar ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

Verse 229

Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor, intaas kaddib, ama u haysta (haweenka) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Oo idiinma bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah, haddaba haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxa ay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, ee ha ku xadgudbina. Oo qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, waa kuwan kuwa ah gar ma qaatayaasha

Verse 230

Haddiise uu furo (mar seddexaad) uma bannaana wixii taa ka dambeeya jeer ay soo guursato nin kale. hadduu (ninkaasi dambe) furo (ama dhinto), ma saarna wax eed ah dushooda (haweentaa iyo ninkeedii hore) inay isku noqdaan, hadday dareemaan inay dhowri karaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah. Oo kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, uu uga dhigo caddaan dad garasho leh

Verse 231

Oo markaad furtaan haweenka, oo ay gaaraan muddadda loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Oo ha u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, oo qofkii sidaas fala, wuxuu xaqiiq gef ka galay naftiisa. Oo ha ka dhigannina Aayadaha Ilaahay dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Ilaahay korkiinna, iyo waxa uu idiin soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in Allaah wax walba Ogsoon yahay

Verse 232

Oo markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka_ (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Tan baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Oo Allaah baa ogsoon oo idinku ma ogidin

Verse 233

Oo hooyooyinku waa inay nuujiyaan ilmahooda labo sano oo kaamil ah, xagga kan isagu doonaya inuu taam yeelo mudddada nuujinta, oo masruufkooda iyo marashadooda waa inuu xilkeeda qaado aabbaha si la yaqaan. Ma saarna nafna waxay awooddo maahee. Hooyona waa inaan laga yeelin inay dhibtooto ilmaheeda dartood iyo aabbe ilmaha uu dhalay dartood. Oo xil la mid ah (wuxuu saaran yahay) warasada (aabbaha). Haddayse labaduba doonaan inay ka gooyaan naaska raalli iyagoo ku ah wada tashi kaddib, ma jiro wax eed ahi oo saaran. Oo haddaad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale ilmahiinna, ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad siisaan (hooyada) waxaad ku heshiisaan (inaad siisaan) si la yaqaan. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in Allaah uu Arko waxa aad fashaan

Verse 234

Oo (ma xagga) kuwiinna idinka mid ah oo dhinta oo ka taga afooyin gadaashood, waa inay sugaan afar bilood iyo toban maalmood, haddaba markay gaaraan muddadooda ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxa ay ku falaan nafahooda oo si la yaqaan ah. Oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan

Verse 235

Oo ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxa aad sarbeebtaan59 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Allaah wuxuu og yahay inaad xusi doontaan, laakiinse ha ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur in aad ku dhahdaan maahee hadal gar ah, oo ha tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Oo ogaada inuu Allaah ogsoon yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Oo ogaada inuu Allaah yahay Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan

Verse 236

Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad furtaan haweenka idinkoo aan weli taaban, ama aydaan u goyn wax meher ah, oo siiya sahay, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay la yaqaan, (tani) waa waajib saaran sama falayaasha

Verse 237

Oo haddaad furtaan haweenka ka hor inta aydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Oo inaad cafidaan baa u dhow samaha. Oo ha halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Allaah wuu Arkaa waxaad fashaan

Verse 238

Uga qayb gala si joogto ah salaadaha iyo salaadda dhexe60 oo kaca idinkoo si run ah u adeecsan Allaah

Verse 239

Haddiise aad ka cabsataan (cadow, markaa tukada) idinkoo lug ku socda ama fuushan gaadiid. Markase aad nabad tihiin, markaa (ku) xusa Allaah (salaadda) sida uu idiin baray waxaydaan (horay) u aqoonin

Verse 240

Oo kuwaa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga afooyin gadaashood, waa inay u dardaarmaan afooyinkooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn61, haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah

Verse 241

Oo haweenka la furo, (waa in la siiyo) sahay la yaqaan. Tani waa xil saaran kuwa iska jira xumaha

Verse 242

Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadahiisa, si aad u fahantaan

Verse 243

Miyaadan u fiirsan kuwii ka soo baxay guryahooda iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri? Markaasuu Allaah ku yidhi: Dhinta misna soo nooleeyey. Hubaal Allaah xaqiiq waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan

Verse 244

Oo ku dagaallama Jidka Ilaahay, oo ogaada inuu Allaah yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

Verse 245

Kee baa amaahin Allaah amaah wanaagsan oo uu u labo laabaa laban laab badan? Oo Allaah waa (ku) cidhidhiiyaa (risiqa cidduu doono) ama u ballaariyaa. Oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa

Verse 246

Miyaadan u fiirsan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami doonnaa Jidka Ilaahay. Wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Oo maxaan leennahay ee aanan ugu dagaalamayn Jidka Ilaahay innagoo xaqiiq nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Oo Allaah wuu yaqaanaa gar ma qaatayaasha

Verse 247

Oo Nabigoodii wuxuu ku yidhi: hubaal Allaah wuxuu idiin soo baxshay Daaluut boqor ahaan. Waxay yidhaahdeen: Oo sidee buu noogu noqon karaa boqor iyada oo aanu isaga uga xaq leennahay boqortooayda, oo aan la siin hayd iyo hanti ballaaran? Wuxuu yidhi: Hubaal Allaah baa idinka xushay, oo wuxuu siiyey kororsiin cilmi iyo jidhba ah. Oo Allaah wuxuu siiyaa boqortooaydiisa qofkuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

Verse 248

Oo Nabigoodii wuxuu ku yidhi: Hubaal astaanta mulkigiisa waxaa weeye inuu idiin yimaado taabuut (kafan) ay ku jidho xasilooni ka timid Rabbigiin iyo haraa ah waxay ka tageen reer Muuse iyo reer Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Hubaal tani waxaa idiinku sugan calaamo haddaad tihiin mu’miniin

Verse 249

Haddaba markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Hubaal Allaah wuxuu idinku imtixaani doonaa webi. Haddaba qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin hubaal waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaas bay ka cabbeen geddigood in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood, waxay yidhaahdeen: Badanaa inta ay koox yari ay kaga adkaatay koox badan Idanka Ilaahay, Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha

Verse 250

Oo markay u soo ban baxeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Nagu shub samir oo noo sug cagahayaga, oo guul naga sii dadkan gaalada ah

Verse 251

Markaas bay ku jabiyeen Idanka Ilaahay, Oo Daawuud wuxuu dilay Jaaluut, oo Allaah uu siiyey boqortooyo iyo xikmad, oo uu baray wax ka mid ah wuxuu doono. Oo haddaanu Allaah ku celin lahayn dadka qaarba qaar kale, waxaa xaqiiq fasaadi lahaa arlada. Laakiinse Allaah waa u Roonaan badan yahay uunanka

Verse 252

Kuwani waa Aayadaha Ilaahay, oo aanu kuugu akhrinno si xaq ah. Oo hubaal waxaad adigu (Muxammadow) xaqiiq ka mid tahay Rususha (Ilaahay)

Verse 253

Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Allaah la hadlay; oo Wuxuu kor u qaaday qaarkood darajooyin; oo Waxaanu siinnay Ciise, ina Maryam Xujooyin cad, oo waxaanu ku xoojinnay Ruuxa Daahirka ah (Jabriil). Oo hadduu Allaah doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, laakiinse way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahaa ee rumeeyey, iyo kuwo (Xaqa) diiday. Oo hadduu Allaah doono, ma ay is dagaaleen, laakiinse Allaah wuxuu falaa wuxuu rabo

Verse 254

Mu’miniintoy! Wax ka bixiya waxa aan idinku arsaaqnay ka hor inta aanay imaan Maalin aanay jiri doonin beecshuro, saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, oo gaaladu waa iyaga kuwa ah gar ma qaatayaasha

Verse 255

Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo jira samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Oo ma koobi karaan (uunankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu Isagu doono ma’ahee. Kursigiisu62 wuxuu ku fidsan yahay samooyinka iyo arlada, oo ma cusleeyaan ilaalintoodu63, oo waa Isaga Sarreeyaha weyn

Verse 256

Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Runtii hanuunka wuxuu noqaday mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii diida Daaquudka65 (shaydaanka) oo rumeeya Allaah, wuxuu run ahaan ku dhagey siddada aad u adag ee aan go’i doonin. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon

Verse 257

Allaah waa waliga66 (gargaaraha) kuwa rumeysan. Wuxuu kaga saaraa mugdiyada xagga Nuurka67. Kuwase aan (Xaqa) rumeysneyn gacalladoodu waa shaydaammada Waxay kaga saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwani weeye ehlu naarka, gudaheeda bay ku dhex waari doonaan

Verse 258

Ma waadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Allaah siiyey boqortooyo darteed? markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sabab dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho68. Ibraahiim wuxuu yidhi: Haddaba hubaal Allaah wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bariga ee adigu ka soo saar xagga galbeedka. Markaasuu kaa isagu gaaloobay amakaag aamusay. Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar maqaatayaasha ah

Verse 259

Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Allaah nooleyn doonaa tani dhimashadeeda kaddib? Markaas buu Allaah sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaas soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; oo eeg dameerkaagii oo waxaanu kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Oo dhugo lafaha, sida aan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; haddaba markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay (haatan) inuu Allaah wax walba Karo

Verse 260

Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sida aad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Miyaadan rumaysnayn? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Haddaba soo qaado afar shimbirood, oo u layli inay ku soo raacaan, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan doonaan iyagoo duulaya. Oo ogow in Allaah yahay Adkaade, Xakiim ah

Verse 261

Mataalka kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Ilaahay, wa sida mataalka iniin bixisa toddobo madax, oo madax walba bixiyo boqol xabbo. Oo Allaah wuxuu u labo laabaa (ajarka) qofkuu doono69. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon

Verse 262

Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Ilaahay, markaas aan raacinin waxa ay bixiyeen waxtar sheegasho70 iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli doonaan Rabbigood agti, ma cabsi qabi doonaan, mana murugoon doonaan

Verse 263

Hadal san iyo saamaxaad baa ka roon sadaqo ay raacdo waxyeello. Oo Allaah waa Deeqtoone, Dulqaad Badan

Verse 264

Mu’miniintoy! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Dambeysa. marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Oo Allaah ma hanuuniyo gaalada (macangagga ah madax adag)

Verse 265

Oo mataalka kuwa u bixiya maalkooda doonista Raalli gelinta Ilaahay iyo sugitaanka nafahooda darteed, waa sida beer ku taal meel taag ah oo uu helo mahiigaan roob ah oo soo saarta midhaheeda labolaab. haddiise aanu helin mahiigaan roob weyn ah uu ku fillaado roob yar. Oo Allaah wuu Arkaa waxa aad fashaan

Verse 266

Miyuu midkiin jecel yahay inuu lahaado beer timir iyo canab leh, oo ay hoostoodu qulqulayaan webiyo, oo ay ugu yaallaan midho kasta, oo da’i hesho, oo uu leeyahay ilmo tabar yar, markaas ay ku dhacdo beertii xiisad dabeyl ah oo dab wadata, oo ay gubato? Sidaas buu Allaah idiinka dhigaa Aayadaha caddaan, bal inaad u fikir yeelataan

Verse 267

Mu’miniintoy! Wax uga bixiya (si fiican) waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun71, oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho isku qabsasho maahee. Oo ogaada inuu Allaah yahay Deeqtoone, la Ammaano

Verse 268

Shaydaan wuxuu idinku gooddiyaa faqri, oo wuxuu idin amraa inaad ahaataan bakhayllo masuug badan; oo Allaah wuxuu idiin ballan qaadaa dambi dhaaf Xaggiisa ah iyo deeq badan, Oo Allaah waa Deeq Ballaadhane, wax kasta Ogsoon

Verse 269

Wuxuu siiyaa Xikmad qofkuu doono, oo qofkii la siiyo Xikmad, xaqiiq waxaa la siiyey khayr tiro badan. oo ma garowsadaan waxaan aheyn wax garadka

Verse 270

Oo wax kastoo sadaqo ah ee aad bixisaan ama (wax kastoo) nadar ah ee aad nadartaan, hubaal Allaah wuu ogsoon yahay. Oo gar ma qaatayaashu ma heli doonaan wax u soo gargaara

Verse 271

Haddaad u bixisaan sadaqooyinka si caddaan ah, waa hagaag, oo haddaad qarisaan, oo aad siisaan fuqurada, waa sida idiin khayr badan. Oo tani waxaa la idiinku dhaafi wax ka mid ah camalladiinna xun. Oo Allaah waxa aad fashaan waa u Xog Ogaal

Verse 272

Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, laakiinse Allaah baa hanuuniya qofkuu doono. Oo wax kastoo khayr ah aad bixisaan, idinka naf ahaantiinna bay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Ilaahay. Oo wax kastoo khayr ah aad bixisaan dib baa la idiinku oofin doonaa si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dhimi doonin

Verse 273

(Sadaqada) waxaa ugu mudan in la siiyo Fuqarada u heegan xayirmay Jidka Ilaahay, ee aan kareyn dhoof iyo dhaqdhaqaaq dhulka (ay xoogsi ku raadsadaan) midka aan aqooni uu moodayo inay hodan yihiin naf samaantooda awgeed iyo ka dhowrsigooda (baryada), waxaad ku garan kartaan astaamahooda, ma ay baryaan dadka sideedaba. Oo wax kastoo khayr ah ee aad bixisaan, hubaal Allaah wuu Ogsoon yahay

Verse 274

(Ma xagga) kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan

Verse 275

Kuwa cuna Ribada uma kici karaan waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabasha(diisa) u kaco72. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecshurada wax kale maahee waxay uun la mid tahay ribada; oo Allaah wuu xalaaleeyey beecshurada oo xaaraameeyey Ribada. Ee qofkii haddaba waano uga timaaddo Rabbigi markaa iska daaya, wuxuu leeyahay wixii horey u tagey73; oo arrinkiisa Allaah buu la jiraa; qofkiise u noqda, waa kuwan kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan

Verse 276

Allaah ma barakeeyo Ribo, oo sababaa Sadaqooyinka inay bataan. Oo Allaah ma jecla abaal laawe, dambiile oo dhan

Verse 277

Hubaal kuwa rumeysan oo samaha fala oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan

Verse 278

Mu’miniintoy! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo iskaga taga waxa ka baaqi ah (faa’ido laga helay) ribo, haddaad tihiin mu’miniin

Verse 279

Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Allaah iyo Rasuulkiisu, oo haddaad toobad keentaan, haddaba waxaad mudan doontaan raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah)

Verse 280

Oo haddii (deymeysanuhu) daneynsan yahay waa in laga sugo (deynta) intay uga fududaato (bixinteeda), oo inaad u dhaaftaan baa idiin khayr badan, haddaad ogaan lahaydeen

Verse 281

Oo iska jira Maalin la idiin soo celin doono xagga Allaah. markaas naf walba loogu oofin doono si dhan waxay kasabtay iyagoo aan lagu gardarroon doonin

Verse 282

Mu’miniintoy! Marka aad kala deynsanaysaan deyn ilaa muddo magacaaban ah, haddaba qora. Oo ha idiinku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah. Oo yaanu qorahu diidin inuu u qoro sida uu Allaah u baray, ee ha qoro, oo ha yeeriyo (waxa la qorayo) kan xaqa (deynta) qaadan, oo ha dhowro (xilka uu saaray) Allaah, Rabbigi, oo yaanu ka dhimin wax ka mid ah waxa lagu yeesho. Haddiise kan xaqa lagu leeyahay uu yahay mid makas ama daciif ah ama aanu awoodin inuu wax yeedhiyo, kan ugu dhow xigaalo ahaan ha u yeeriyo si caddaalad ah, oo marag gashada labo markhaati oo Raggiinna ka mid ah. Haddaanay joogin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si hadday middood u hilmaanto, ay u xusuusiso tan kale. Oo waa inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeedho (markhaati). Oo ha ka caajisina inaad qortaan (deynta aad kala qaadataan) ha yaraado ama ha badnaado ilaa muddadiisa la qabtay, tan baa caddaaladsan Allaah agtiis oo toosan markhaati ahaan, oo ugu dhow si loo reebo shakiyo dhexdiinna gala, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax eed ahi korkiinna haddii aydaan qorin. Ee marag u yeela markaad wax kala gadanaysaan. Oo yaan loo geysan wax dhibaato ah qore ama markhaati midkoodna, oo haddaad fashaan (dhibaato) haddaba hubaal waa caasinnimo idinku jirta. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah;oo Allaah wuxuu idin baraa cilmi, Oo Allaah wax waliba wuu Ogsoon yahay

Verse 283

Oo haddaad safar tihiin oo aydaan helin qore, markaa ha la qaato rahan (curaar damaanad ahaan), haddiise uu midkiin aamino midka kale, markaa waa inuu kan la aaminay u guto ammaanadiisa (si daacad ah) oo ha dhowro (xilka uu saaray) Allaah, Rabbigi. Oo ha qarinnina marag furka, oo qofkii qariya, qalbigiisu hubaal waa dambiile. Oo Allaah waxa aad fashaan wuu Ogsoon yahay

Verse 284

Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo wax jira arlada, oo haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan. Allaah wuu idin ku xisaabin doonaa, markaas wuxuu u dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Oo Allaah wax walba awood buu ku dul leeyahay

Verse 285

Rasuulku wuxuu rumeysan yahay waxa lagaga soo Waxyooday xagga Rabbigi, oo (sidaas bay yeelaan) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeynsan yihiin Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusushiisa dhexdooda, oo waxay yidhaahdaan: Waanu maqlaynaa oo adeeceynaa. Rabbiyow! Dambi Dhaafiddaada (yaanu kaa barinnaa), oo waa Xaggaaga meel noqodka dambe

Verse 286

Allaah ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (dambi) kasabtay Rabbiyow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbiyow! Oo ha na saarin culays sida aad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbiyow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur, oo noo naxariiso76. Adigaa ah Gacalkayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah