Oo marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Oo ma waxaanu u rumeynaynaa sida ay maangaabku u rumeeyeen? Haddaba hubaal waa iyaga kuwa maan gaabka ahi, laakiinse waanay garaneyn
(Isaga weeye) Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, oo ka soo shuba daruurta biyo, markaas ku soo saara miraha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Allaah shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon(inaysan jirin cid la mid ah)
Oo haddaad ka shakisan tihiin waxa aan u soo waxyoonnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad), haddaba keena Suurad la mid ah, oo u yeerta taageerayaashiinna Allaah ka sokow, haddaad tihiin run sheegayaal
Oo ugu bishaaree kuwa rumeysan oo samaha fala, inay mudan doonaan beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo miro, Waxay odhan doonaan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, oo waxaa la siiyey kuwo kale oo u eg, oo waxay ku yeelan doonaan dhexdeeda afooyin la daahiriyey, oo waa ay ku dhex waari doonaan
Hubaal Allaah kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale- kaneeco ama wax ka sii yarba6. Ma xagga kuwa rumeysan, way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, ma kuwase rumeysan waaya, waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Allaah tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, oo ku hanuuniyaa in badan. Oo kuma habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha
Kuwa ka baxa ballanka Ilaahay kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Allaah uu amray in la xidhiidhiyo, ee ku fala fasahaad arlada, kuwan weeye kuwa iyagu ku sugan khasaaraha weyni
Shaydaanka baase ka yeelay labadoodaba inay ka soo dhaadhacaan oo sababay inay ka soo baxaan (xaaladdaa) ay ku jireen; oo Waxaanu nidhi: Ka dega, (dhammaantiin) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Oo waxaad ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh
Oo Rumeeya waxa aan soo waxyooday oo xaqiijinaya waxa aad haysataan, oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee Xaqa diida, oo ha siisannina aayadahayga qiimo yar, oo Anigoo Keliya iga cabsada
Oo iska jira Maalin marka aysan nafi wax u tari doonin naf kale, oo aan laga aqbali doonin shafeeco, oo laga qaadan doonin madax furasho, loona gargaari doonin
Kuwaasi se ahaa gar ma qaatayaasha waxay ku beddeleen (ereyadaa) weedh aan ahayn taasi lagu yidhi, markaasaan waxaan ku soo dejinnay kuwii gefka geystey cadaab (daacuun) kaga yimid samada caasintoodii darteed
Oo waa tii uu Muuse u biyo doonay dadkiisii, markaas baan ku nidhi: Ku dhufo ushaada dhagaxa, waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood. Waxay (qolo) walbaa ogaadeen halka ay ka cabbayaan biyaha. Cuna oo wax ka cabba risiqa Ilaahay oo ha ugu dhaqmina si foolxun arlada idinkoo ku faafinaya fasahaad
Hubaal kuwa rumeeyey iyo kuwaa heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ahaa ee rumeeyey Allaah iyo Maalinta dambeysa oo sama falay, waxay ka heli doonaan abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan
Oo waa tii aan idinka qaadnay ballan adag, oo kor u soo qaadnay Buurta dushiinna (Annagoo leh): Ku qaata waxa aan idin siinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusa waxa ku yaal, si aad isaga jirtaan (xumaha)
Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoo ay niyad u heyn inay sameeyaanba
Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) waax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaas buu Allaah u soo nooleeyaa meytida, oo wuxuu idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan
Markaas quluubtiinnu way qallashay intaa kaddib, oo waa sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo hubaal waxaa jira dhagaxyo qaar ay ka soo burqadaan wabiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Ilaahay darteed13. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan
Oo markay la kulmaan kuwa rumeysan, waxay yidhaahdaan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad idinku uga warrameysaan waxa Allaah idiin caddeeyey, si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan haddaba garaad lahayn
Ee hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka isla gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Ilaahay, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxa ay gacmahooda qoreen darteed, oo hoog bay leeyihiin waxa ay kasbadaan darteed
Oo waxay yidhaahdaan: Marnaba Naari nama taaban doonto waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Ilaahay, marka Allaah ma ka bixi doono ballankiisa? Mise waxaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan ogeyn
Oo markuu u yimid Kitaab ka yimid xagga Ilaahay xaqiijinaya waxa ay haystaan, iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markiise uu halkaa u yimid (Nabi) ay aqoonsadeen bay rumayn diideen. Ee nacladda Ilaahay dushooda ha ahaato gaalada
Xumaa waxa ay ku gateen nafahooda, inay diidaan waxa Allaah soo waxyooday xasad darti in Allaah uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho18. Oo gaaladu waxay mudan doonanan cadaab aad u dulleysa
Oo hubaal waxaad xaqiiq heli doontaa inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu damcid badan noolaansho, (oo waxay ka sii damac badan yihiin) weliba kuwaa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Oo cimir dherer kama riixi doono in yarna ha ahaatee cadaabta uu mudan yahay. Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan
Mu’miniintoy! Ha odhannina Raacinaa (na dhowr, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, "undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn) oo ahaada daacad wax maqla. Oo gaaladu waxay mudan cadaab xanuun badan
Oo yaa ka gef badan kan u diida (dadka) Masaajidda Ilaahay, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi doonaan dulli adduunkan, oo waxay mudan doonaan cadaab weyn Aakhirada
Oo kuwa aan waxba ogeyni waxay yidhaahdaan: Oo muxuu Allaah noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Xaqiiq Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan dad iyagu yaqiinsan
Kuwa aanu siinnay Kitaabka baa u akhriya sida ay tahay in loo akhriyo22, kuwaan baa rumeysan. Oo qofkii rumeysan diida kuwan weeye kuwa ah khasaaro qabayaasha
Oo iska jira Maalin nafi aanay wax u tari doonin naf kale, oo madax furasho aan laga yeeli doonin, oo shafeeco aanay wax u tari doonin oo aan loo gargaari doonin
Oo waa tii aan ka dhignay Beydka rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Oo ka dhigta meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Oo Waxaanu xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beydkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda
Rabbiyow! Oo naga yeel labadayaba kuwa kuu hoggaansan, oo (ka soo saar) durriyaddayada ummad kuu hoggaansan, oo na tus hababkayaga cibaadeysiga, oo noogu soo noqo (si naxariis leh). Hubaal Waxaad Adigu tahay Kan u soo noqoshada badan (Naxariista), aad u Naxariista Badan
Tani waa ummad tagtay: Waxay heli doonaan waxay kasbadeen, oo idinkuna waxaad heli doontaan waxaad kasbataan. oo ma la idin weydiin doono inaad ka jawaab bixisaan waxay faleen
Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinka baa ogsoon mise Allaah? Oo yaa ka gef badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Ilaahay? Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan
Oo sidaas baan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka24, iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Oo kama aanaan dhigin qiblad tan aad lahayd, waxaan ahayn inaan ku kala muujinno kan raaca Rasuulka iyo kan ciribihiisa rogta. Oo tani waxay aheyd hubaal wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Allaah. Oo Allaah ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaaddiinnii hore). hubaal, Allaah dadka waa u Turid, iyo Naxariis Badan yahay
Oo weliba haddaad u keento kuwa (madaxa adag) ee la siiyey kitaabka calaamo kasta ma ay raacayaan Qibladdaada, Adiguna ma ahid mid raacaya qibladdooda. Iyaguna ma aha kuwo raacaya Qibladda mid walbaa midka kale. Oo haddaad raacdo rabitaannadooda liita kaddib cilmiga kuu yimid, markaa waxaad hubaal ka mid noqon doontaa geflowyada
Kuwa aanu siinnay Kitaabka waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) sida ay u gartaan wiilashooda. Oo hubaal koox ka mid ahi waxay xaqiiq qariyaan xaqa iyagoo ogsoon
Oo meel kasta aad ka soo baxdo, u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi, oo meel kastoo aad joogtaan u jeediya wejiyadiinna jihadiisa, si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwaa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee iga baqa, waa si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan
Waliba sida aan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan hore u aqoon
Hubaal Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Allaah. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beydka ama soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa dhexdood28, oo qofkii iskiis u fala khayr badan, haddaba hubaal Allaah waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon
Marka laga reebo kuwa toobad keena ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa). Kuwani weeye kuwa aan ugu soo noqdo (si naxariis leh). Oo Anigu waxaan ahay midka u soo noqoshoda badan (naxariista), aadka u Naxariista Badan
Oo waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Allaah sokadi wax ay la mid dhigaan ay u jecel yihiin sida ay u jecel yihiin Allaah. Kuwaase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Allaah. Oo hadday arki lahaayeen kuwaa gar ma qaatayaasha ahi, marka ay arkaan cadaabta, in Xoog oo dhan uu leeyahay Allaah, iyo in Allaah ay Daran tahay Cadaabtiisu
Oo kuwa raacay waxay odhan doonaan: Haddii oo keliya aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan u dhaleeceyn lahayn sida ay noo dhaleeceeyeenba. Sidaas buu Allaah u tusi doonaa acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Oo iyagu kama soo bixi doonaan Naarta
Oo marka lagu yidhaahdo, Raaca waxa uu Allaah soo waxyooday, waxay yidhaahdaan: Mayee! Waxaanu raacnaa waxa aan ka hellay Aabbayaashayo. ma walow aanay aabbayaashood waxba garaneyn, oo ayan hanuunsanayn
Hubaal kuwa qariya wax ka mid ah Kitaabka uu Allaah soo waxyooday oo ku qaata qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Oo Allaah lama hadli doono Maalinta Qiyaamaha, mana daahirin doono, oo waxay mudan cadaab aad u xanuun badan
Dardaaran baa la idinku waajibiyey33 markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaraamo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah. Waa xil saaran kuwa iska jira (xumaha)
Qofkiise uga cabsada eex ama dambi dardaaramaha ee ka sameeya heshiis35 qolooyinkaa dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna dambi korkiisa. hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Oo markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, haddaba Waxaan hubaal Anigu ahay mid aad u dhow, waxaan ajiibaa baryada baryootamaha markuu i baryo (dhexeeye la'aan). Marka waa inay ajiibaan baaqeyga oo i rumeeyaan, si ay u hanuunaan
Oo ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, hana ku doonina inaad ugu dhowaataan xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka dambi idinkoo ogsoon
Waxay wax kaa weydiiyaan Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Oo ma aha samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda40, waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), oo ka gala guryaha albaabbadooda, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah si aad u liibaantaan
Oo la dagaallama si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi, oo Diintu u ahaato tan Allaah oo keliya. Oo hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn gar ma qaatayaasha
Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeqda Rabbigiin49. Ee markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Allaah Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa sidii uu idiin hanuuniyeyba, inkastoo tan ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan
Oo markaad dhammeysataan cibaadooyinkiinna, misna Xusa Allaah sida aad u xustaan aabbayaashiin50 bal xusid ka badan51. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Rabbiyow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahaan doonin Aakhirada qaybna
Oo waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Allaah waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka
Nolsoha adduunkan baa loo qurxiyey kuwa (Xaqa) aan rumeysnayn, oo waxay ku jeesjeesaan kuwa rumeysan, kuwase iska jira (shirkiga iyo macaasida), iyaga baa ka sarreyn doona oo ka kor ah Maalinta Qiyaamaha. Oo Allaah wuxuu arzaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan
Hubaal kuwa rumeeyay iyo kuwa ka soo haajiray (guryahooda Ilaahay darti) oo dadaal ku bixiyey Jidka Ilaahay, kuwani waxay ka rajo qabaan Naxariista Ilaahay. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Oo waxay wax kaa weydiiyaan xaylka. Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, oo ha u dhowaanina inta ay ka daahir noqdaan. Haddaba markay daahir noqdaan uga taga meesha Allaah idinku amray; Hubaal Allaah wuxuu jecel yahay kuwa in badan u soo noqda (oo toobad keena), oo wuxuu jecel yahay kuwa isdaahiriya
Kuwa ka dhaarta xaasaskooda (in muddo ah inaysan u galmooneyn), waxaa la sugayaa afar bilood58, Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor, intaas kaddib, ama u haysta (haweenka) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Oo idiinma bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah, haddaba haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxa ay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, ee ha ku xadgudbina. Oo qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, waa kuwan kuwa ah gar ma qaatayaasha
Oo markaad furtaan haweenka, oo ay gaaraan muddadda loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Oo ha u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, oo qofkii sidaas fala, wuxuu xaqiiq gef ka galay naftiisa. Oo ha ka dhigannina Aayadaha Ilaahay dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Ilaahay korkiinna, iyo waxa uu idiin soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in Allaah wax walba Ogsoon yahay
Oo markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka_ (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Tan baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Oo Allaah baa ogsoon oo idinku ma ogidin
Oo ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxa aad sarbeebtaan59 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Allaah wuxuu og yahay inaad xusi doontaan, laakiinse ha ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur in aad ku dhahdaan maahee hadal gar ah, oo ha tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Oo ogaada inuu Allaah ogsoon yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Oo ogaada inuu Allaah yahay Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan
Oo kuwaa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga afooyin gadaashood, waa inay u dardaarmaan afooyinkooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn61, haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
Miyaadan u fiirsan kuwii ka soo baxay guryahooda iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri? Markaasuu Allaah ku yidhi: Dhinta misna soo nooleeyey. Hubaal Allaah xaqiiq waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan
Miyaadan u fiirsan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami doonnaa Jidka Ilaahay. Wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Oo maxaan leennahay ee aanan ugu dagaalamayn Jidka Ilaahay innagoo xaqiiq nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Oo Allaah wuu yaqaanaa gar ma qaatayaasha
Haddaba markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Hubaal Allaah wuxuu idinku imtixaani doonaa webi. Haddaba qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin hubaal waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaas bay ka cabbeen geddigood in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood, waxay yidhaahdeen: Badanaa inta ay koox yari ay kaga adkaatay koox badan Idanka Ilaahay, Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha
Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Allaah la hadlay; oo Wuxuu kor u qaaday qaarkood darajooyin; oo Waxaanu siinnay Ciise, ina Maryam Xujooyin cad, oo waxaanu ku xoojinnay Ruuxa Daahirka ah (Jabriil). Oo hadduu Allaah doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, laakiinse way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahaa ee rumeeyey, iyo kuwo (Xaqa) diiday. Oo hadduu Allaah doono, ma ay is dagaaleen, laakiinse Allaah wuxuu falaa wuxuu rabo
Mu’miniintoy! Wax ka bixiya waxa aan idinku arsaaqnay ka hor inta aanay imaan Maalin aanay jiri doonin beecshuro, saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, oo gaaladu waa iyaga kuwa ah gar ma qaatayaasha
Ma waadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Allaah siiyey boqortooyo darteed? markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sabab dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho68. Ibraahiim wuxuu yidhi: Haddaba hubaal Allaah wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bariga ee adigu ka soo saar xagga galbeedka. Markaasuu kaa isagu gaaloobay amakaag aamusay. Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar maqaatayaasha ah
Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Ilaahay, markaas aan raacinin waxa ay bixiyeen waxtar sheegasho70 iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli doonaan Rabbigood agti, ma cabsi qabi doonaan, mana murugoon doonaan
Mu’miniintoy! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Dambeysa. marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Oo Allaah ma hanuuniyo gaalada (macangagga ah madax adag)
Oo wax kastoo sadaqo ah ee aad bixisaan ama (wax kastoo) nadar ah ee aad nadartaan, hubaal Allaah wuu ogsoon yahay. Oo gar ma qaatayaashu ma heli doonaan wax u soo gargaara
Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, laakiinse Allaah baa hanuuniya qofkuu doono. Oo wax kastoo khayr ah aad bixisaan, idinka naf ahaantiinna bay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Ilaahay. Oo wax kastoo khayr ah aad bixisaan dib baa la idiinku oofin doonaa si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dhimi doonin
(Ma xagga) kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan
Hubaal kuwa rumeysan oo samaha fala oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan
Oo iska jira Maalin la idiin soo celin doono xagga Allaah. markaas naf walba loogu oofin doono si dhan waxay kasabtay iyagoo aan lagu gardarroon doonin