Back to Languages

Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 237 — Surah Al-Baqarah 2:237

Oo haddaad furtaan haweenka ka hor inta aydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Oo inaad cafidaan baa u dhow samaha. Oo ha halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Allaah wuu Arkaa waxaad fashaan