Back to Languages

Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 286 — Surah Al-Baqarah 2:286

Allaah ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (dambi) kasabtay Rabbiyow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbiyow! Oo ha na saarin culays sida aad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbiyow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur, oo noo naxariiso76. Adigaa ah Gacalkayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah