Back to Languages

Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 275 — Surah Al-Baqarah 2:275

Kuwa cuna Ribada uma kici karaan waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabasha(diisa) u kaco72. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecshurada wax kale maahee waxay uun la mid tahay ribada; oo Allaah wuu xalaaleeyey beecshurada oo xaaraameeyey Ribada. Ee qofkii haddaba waano uga timaaddo Rabbigi markaa iska daaya, wuxuu leeyahay wixii horey u tagey73; oo arrinkiisa Allaah buu la jiraa; qofkiise u noqda, waa kuwan kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan