Back to Languages

Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 164 — Surah Al-Baqarah 2:164

Hubaal Abuurista samooyinka iyo arlada iyo is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo doonyaha kula dhex maaxa badda wax anfaca dadka, iyo waxa uu Allaah ka soo shubo daruurta oo biyo ah ee uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, oo uu ku fidsho gudaheeda (nooc) kasta ee nafleyda ah, iyo isbeddelka dabaylaha iyo daruuraha la sakhiray samooyinka iyo arlada dhexdooda, waxaa hubaal ugu sugan calaamooyin dad garasho leh