Back to Languages

Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 259 — Surah Al-Baqarah 2:259

Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Allaah nooleyn doonaa tani dhimashadeeda kaddib? Markaas buu Allaah sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaas soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; oo eeg dameerkaagii oo waxaanu kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Oo dhugo lafaha, sida aan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; haddaba markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay (haatan) inuu Allaah wax walba Karo