Back to Languages

Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 177 — Surah Al-Baqarah 2:177

Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; laakiinse waxaa sama ah inuu qofku rumeysan yahay Allaah iyo Maalinta dambeysa iyo Malaa’igta iyo Kitaabka iyo Nabiyada, oo siiya maalka isagoo jecel32 kuwaa qaraabada ah iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), iyo kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, oo oofiya ballantooda marka ay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga iyo jirrada iyo waqtiga dagaalka- Kuwan weeye kuwa ay runta ka tahay, oo kuwan weeye kuwa iska jira (xumaha)