Back to Languages

Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 228 — Surah Al-Baqarah 2:228

Oo haweenka la furay waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), oo uma bannaaana inay qariyaan waxa uu Allaah ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo nimankooda baa u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; oo waxay (haweenku) u xaq leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo gar ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah