Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter EnglishArabicUrduHindiTamilBengali
Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 260 — Surah Al-Baqarah 2:260
Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sida aad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Miyaadan rumaysnayn? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Haddaba soo qaado afar shimbirood, oo u layli inay ku soo raacaan, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan doonaan iyagoo duulaya. Oo ogow in Allaah yahay Adkaade, Xakiim ah