Back to Languages

Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 187 — Surah Al-Baqarah 2:187

Waxaa la idiin banneeyay inaad u galmootaan xaasaskiinna habeenka soonka. Waxay idin yihiin hu’, oo idinkuna hu’ baad u tihiin. Allaah waa uu ogaa inaad khiyaamayseen39 nafahiinna, marka wuu idiin soo noqday (si naxariis leh) oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan la xiriira iyaga oo doona waxa Allaah idiin qaddaray, oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Oo ha u tegina idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Allaah ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Allaah ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (xumaha)