Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter EnglishArabicUrduHindiTamilBengali
Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 213 — Surah Al-Baqarah 2:213
Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Allaah soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan, oo Wuxuu u soo waxyooday Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafeen, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaasuu Allaah Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa wixii ay gudahooda isku khilaafeen. Oo Allaah wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jidka Toosan