Back to Languages

Somali - Chapter 2 - Al-Baqarah

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 178 — Surah Al-Baqarah 2:178

Mu’miniintoy! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, oo waa in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Tani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu mudan cadaab aad u xanuun badan