Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 96 - Al-Alaq
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah Al-Alaq 96:1
Ku akhri Magaca Rabbigaa, ee abuuray
Verse 2 — Surah Al-Alaq 96:2
Wuxuu ka abuuray aadmiga xinjir
Verse 3 — Surah Al-Alaq 96:3
Akhri! Oo Rabbigaa waa Sharaf Badnaha
Verse 4 — Surah Al-Alaq 96:4
Ee baray sida wax loogu qoro qalinka
Verse 5 — Surah Al-Alaq 96:5
Baray Aadmiga wax uusan aqoon
Verse 6 — Surah Al-Alaq 96:6
Mayee! Aadmigu xaqiiq wuu xadgudbaa
Verse 7 — Surah Al-Alaq 96:7
Inuu isu arko mid deeqtoon darteed
Verse 8 — Surah Al-Alaq 96:8
Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku
Verse 9 — Surah Al-Alaq 96:9
Ma waad aragtay midka isaga ka reeba
Verse 10 — Surah Al-Alaq 96:10
Addoon markuu tukado
Verse 11 — Surah Al-Alaq 96:11
Bal ka warran haddii uu ku sugan yahay jid toosan
Verse 12 — Surah Al-Alaq 96:12
Amaba uu amro xume ka dhowrsiga
Verse 13 — Surah Al-Alaq 96:13
Bal ka warran haddii uu kaasina beeniyo Xaqa, oo dhabarka u jeediyo
Verse 14 — Surah Al-Alaq 96:14
Mawuusan ogeyn in Allaah arko
Verse 15 — Surah Al-Alaq 96:15
Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban doonnaa foodda
Verse 16 — Surah Al-Alaq 96:16
Food beenley ah oo gefley ah
Verse 17 — Surah Al-Alaq 96:17
Markaa ha u yeedho golihiisa
Verse 18 — Surah Al-Alaq 96:18
Waxaan innaguna u yeereynaa malaa’ig daran
Verse 19 — Surah Al-Alaq 96:19
Mayee, Ha adeecin isaga, oo sujuud, oo u dhowow (Allaah)