Back to Languages

Somali - Chapter 54 - Al-Qamar

Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink

Verse 1 — Surah Al-Qamar 54:1

Saacaddu way soo dhowaatay, oo dayaxii u kala dhanbalmay labo gabal

Verse 2 — Surah Al-Qamar 54:2

Oo haddii ay arkaan mucjiso, waxay u jeestaan dhinac, oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan

Verse 3 — Surah Al-Qamar 54:3

Oo way beeniyaan oo raacaan waxa xun ay nafahoodu rabaan. Oo arrin kasta wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado

Verse 4 — Surah Al-Qamar 54:4

Oo dhab ahaan waxaa u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino)

Verse 5 — Surah Al-Qamar 54:5

Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid)

Verse 6 — Surah Al-Qamar 54:6

Ee iskaga jeeso; Maalinta uu baaquhu ugu baaqi doono wax daran oo baas

Verse 7 — Surah Al-Qamar 54:7

Iyagoo arag dulleysan, ka soo baxaya qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay

Verse 8 — Surah Al-Qamar 54:8

U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan:Tani waa Maalin daran

Verse 9 — Surah Al-Qamar 54:9

Iyaga hortood Qolodii Nuux baa beeniyey, markaasay beeniyeen addoonkayagii oo yidhaahdeen: waa nin waalan, oo la handaday

Verse 10 — Surah Al-Qamar 54:10

Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli

Verse 11 — Surah Al-Qamar 54:11

Markaas baan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan

Verse 12 — Surah Al-Qamar 54:12

Oo ka soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah). markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray

Verse 13 — Surah Al-Qamar 54:13

Oo waxaan (Nuux) ku qaadnay taasi (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir

Verse 14 — Surah Al-Qamar 54:14

Ku socota indhahayaga hortood, oo abaalgud u ah kan isagu la diiday

Verse 15 — Surah Al-Qamar 54:15

Oo dhab ahaan Waxaan uga tagnay si ay u ahaato Calaamad, ee ma jiraa mid ku waantoobi

Verse 16 — Surah Al-Qamar 54:16

Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii

Verse 17 — Surah Al-Qamar 54:17

Oo dhab ahaan waxaan ka yeelnay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi

Verse 18 — Surah Al-Qamar 54:18

Caad waxay beenisay (Xaqa), ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii

Verse 19 — Surah Al-Qamar 54:19

Hubaal Waxaan ku soo dirnay dushood dabeylo duufaan ah maalin naxsgieed is daba joogo

Verse 20 — Surah Al-Qamar 54:20

Iyadoo u majaxaabineysa dadka4 sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey

Verse 21 — Surah Al-Qamar 54:21

Ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii

Verse 22 — Surah Al-Qamar 54:22

Oo dhab ahaan Waxaan ka yeelnay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi

Verse 23 — Surah Al-Qamar 54:23

Thamuud waxay beenisay digniinihii

Verse 24 — Surah Al-Qamar 54:24

Markaasay waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya ah ee naga mid ah! miyaan raacnaa? Hubaal waxaanu markaas xaqiiq ku sugnaan habow iyo dhibaato

Verse 25 — Surah Al-Qamar 54:25

Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn

Verse 26 — Surah Al-Qamar 54:26

Berri bay ogaan doonaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah

Verse 27 — Surah Al-Qamar 54:27

Hubaal Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee dhugo iyaga oo samir yeelo

Verse 28 — Surah Al-Qamar 54:28

Oo u sheeg in biyuhu yihiin qayb dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah

Verse 29 — Surah Al-Qamar 54:29

Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood, oo soo qaatay (seef) oo (Hashii) dilay

Verse 30 — Surah Al-Qamar 54:30

Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii

Verse 31 — Surah Al-Qamar 54:31

Hubaal Waxaan ku ridnay dushood Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo

Verse 32 — Surah Al-Qamar 54:32

Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi

Verse 33 — Surah Al-Qamar 54:33

Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii

Verse 34 — Surah Al-Qamar 54:34

Hubaal Waxaan ku ridnay duufaan dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waa aan badbaadinnay waaberiga hortiis

Verse 35 — Surah Al-Qamar 54:35

Nicmo Xaggayaga ah, sidaas oo kale baan u abaal marinnaa kan isagu shukriya

Verse 36 — Surah Al-Qamar 54:36

Oo dhab ahaan wuxuu uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, waxayse ka murmeen digniinihii

Verse 37 — Surah Al-Qamar 54:37

Oo dhab ahaan Waxay ku dadaaleen inay ka jeediyaan martidiisii, waxaanse cameynay indhahooda, ee dhadhamiya cadaabteyda iyo digniinaheyga

Verse 38 — Surah Al-Qamar 54:38

Oo dhab ahaan cadaab sugnaansho leh baa qabtay isla waabernimadiiba

Verse 39 — Surah Al-Qamar 54:39

Ee dhadhamiya Cadaabteyda iyo Digniinaheyga

Verse 40 — Surah Al-Qamar 54:40

Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi

Verse 41 — Surah Al-Qamar 54:41

Oo dhab ahaan Digniinihu waxay u yimaadeen qoladii Fircoon

Verse 42 — Surah Al-Qamar 54:42

(Way) beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaas baan qabannay Qabasho Awood Badane. Karaan Badan

Verse 43 — Surah Al-Qamar 54:43

Ma gaaladiinna baa ka fiican kuwakani mise waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabaha(yaga)

Verse 44 — Surah Al-Qamar 54:44

Mise waxay leeyihiin: Waxaanu innagu nahay ciidan dhan oo is taageeri

Verse 45 — Surah Al-Qamar 54:45

Durba ciidankooda waa la jabin oo dabaday jeedin doonaan

Verse 46 — Surah Al-Qamar 54:46

Balse, Saacadda waa waqtiga loo qabtay, oo Saacaddu waxay ahaan mid aad u daran oo qaraar

Verse 47 — Surah Al-Qamar 54:47

Hubaal, denbiilayaasha waxay ku sugan yihiin habow iyo dhibaato

Verse 48 — Surah Al-Qamar 54:48

Maalintaa marka wejiyadooda lagu dhex jiidi doono Naarta: Dhadhamiya taabashada Naarta

Verse 49 — Surah Al-Qamar 54:49

Hubaal Waxaan wax kasta ku abuurnay Qaddar

Verse 50 — Surah Al-Qamar 54:50

Oo Amarkayagu ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi

Verse 51 — Surah Al-Qamar 54:51

Oo dhab ahaan Waxaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun isagu ku waantoobi

Verse 52 — Surah Al-Qamar 54:52

Oo wax kastoo ay faleen waxay ku yaalliin kutubta (qoran)

Verse 53 — Surah Al-Qamar 54:53

Oo wax waliba yar iyo weynba way qoran yihiin

Verse 54 — Surah Al-Qamar 54:54

Hubaal, kuwa iska jira (xumaha), waxay ku sugnaan Beero iyo webiyo

Verse 55 — Surah Al-Qamar 54:55

Fadhi sharfeed run ah oo u dhow Boqorka Awooda wax walba