Back to LanguagesPrevious ChapterNext Chapter
Somali - Chapter 66 - At-Tahrim
Translation by Abdullah Hasan Jacob — Permalink
Verse 1 — Surah At-Tahrim 66:1
Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) waxaa uu Allaah kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan
Verse 2 — Surah At-Tahrim 66:2
Allaah wuxuu horeyba idiinku jideeyey furidda dhaarahiinna2. Oo Allaah waa gargaarahiin, Oo waa Isaga wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah
Verse 3 — Surah At-Tahrim 66:3
Oo waa tii uu Nabigu uu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa (Xafsah a.k.r), markase ay u sheegaty (mid kale, Caa'ishah a.k.r) warkaa, oo Allaah ka yeelay (Nabiga) inuu ogaado arrinkaa, wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay kani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay Wax walba Ogsoonaha, War qabeenka ah
Verse 4 — Surah At-Tahrim 66:4
Haddii aad labadiinnu (Xafsah iyo Caa'ishah) Allaah u toobad keenaysaan, haddaba dhabtii qalbiyadiinnu waxay dubra u iisheen (arrinkaa: inaad dambi dhaaaf dalabtaan); haddiise aad isu kaalmey- sataan isaga lidkiis, haddaba hubaal, Allaah baa ah Gargaarahiis iyo Jibriil iyo mu’miniinta wanaagsan, _oo malaa’igta (kale) baa intaas kaddib garab u ah
Verse 5 — Surah At-Tahrim 66:5
Waa intaasoo, Rabbigi, haddii uu (Nabigu) idin furo, siin doono beddelkiin afooyin idinka khayr badan, muslimooyin ah3, mu’minooyin, daacad, soo noqosho badan, caabidooyin, soomooyin, leh garoobbo iyo bikrooyinba
Verse 6 — Surah At-Tahrim 66:6
Mu’miniintoy! Ka dhowra nafahiinna iyo eheladdiinaba Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan, oo ay u xilsaaran yihiin malaa’ig adag oo daran, kuma ay caasiyaan Allaah wuxuu ku amraba, oo waxay falaan wixii la amro
Verse 7 — Surah At-Tahrim 66:7
Gaalooy! Ha cudur daarannina Maanta. Waxaa la idinku abaal marin uun wax waafaqsan waxaad fasheen
Verse 8 — Surah At-Tahrim 66:8
Mu’miniintoy! U toobad keena Allaah oo u noqda noqosho daacad ah, Waa intaasoo Rabbigiin idinka tirtiro xumaatooyinkiinna, oo sababo inaad gashaan Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Allaah hoojin doonin Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeysan, Nuurkoodu wuxuu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbiyow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo ceeb astur. hubaal, Adigu wax walba waad Kartaa
Verse 9 — Surah At-Tahrim 66:9
Nabiyow! Aad ula halgan gaalada iyo munaafiqiinta oo ku adkow, oo hoygoodu waa Naar,_ iyadaana u xun meel la ahaado
Verse 10 — Surah At-Tahrim 66:10
Allaah wuxuu tusaale ugu soo qaataa kuwa gaalada ahi, xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud; waxay labaduba hoos joogeen labo addoon oo ka mid ah addoomahayaga wanaagsan, waxayse u dhaqmeen si khiyaano ah xaggooda4, marka waxba iyagu ugama ay tarin (xaasaskoodii) xagga Allaah. Oo waxaa la yidhi: La gala labadiinnuba Naarta kuwa gala
Verse 11 — Surah At-Tahrim 66:11
Oo Allaah wuxuu ugu soo qaataa tusaale kuwa (Xaqa) rumeysan, xaaskii Fircoon; waa tii ay tidhi: Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada jannad gudaheeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camalkiisa, oo iga samata bixi qoloda gar ma qaatayaasha ah
Verse 12 — Surah At-Tahrim 66:12
Iyo Maryam, gabadhii Cimraan taasoo xafidday jirkeeda; Oo waxaan ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda) uu ka afuufay Ruuxayaga (Jibriil) oo waxay rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisaba, oo waxay ka mid aheyd kuwa daacadda ah